Wasiir Maareeye oo daahfuray kulan aqoon isweydaarsi kor loogu qaadayo tayada wasaaradda Beeraha

Wasiirka Wasaaradda Beeraha iyo Waraabka JFS Xil. Maxamed Cabdi Xayir Maareeye ayaa furay kulan aqoon isweydaarsi lagu xaqiijinaayo baahiyaha iyo awooda (Capacity Needs Assessment) ee Wasaaradda Beeraha iyo Waraabka heer federaal iyo heer dowlad goboleed kaasoo socon doono 15-16 Dec, 2024.

Aqoon isweydaarsigaan oo lagu caddeeyay baahiyaha awoodda ee laga soo saaray qiimeynta iyo baaritaan dhawaan  lagu sameeyay  Wasaaradda ayaa xoogga lagu saaray qorshayaasha iyo qaabka ugu haboon ee lagu dabooli karo baahiyaha ka jira wasaaradda si gaar ah dhinacyada muhiimka ah ee u baahan horumarin in lagu sameeyo.

Sida in la xaqiijiyo haddii ay sax yihiin baahiyaha wasaaradda ee qiimeynta lagu sameeyay, iyadoo la kaashanayo talooyinka iyo aragtiyada khubarada iyo daneeyayaasha.

Sidoo kale, in dib loogu fiirsado baahiyaha baahiyaha aan markii hore la aqoonsan iyo sidii xal loogu heli lahaa,waxaana kulanka aqoon-isweydaarsiga lagu falanqeeyay in la uruuriyo talooyinka daneeyayaasha si loo hubiyo in natiijooyinka qiimeynta ay la jaanqaadayaan xaaladda dhabta ah ee Wasaaradda.

Aqoon isweydaarsigan ayaa kaalin muhiim ah ka qaadan doona isku xirka aragtiyada iyo hagaajinta qorshaha hawlgalka iyo diyaarinta talaabooyin la rabo in lagu horumariyo awoodda Wasaaradda Beeraha iyo Waraabka ee heer federaal iyo heer dowlad goboleed.

          

Madaxweynaha JFS oo daah-furay shirweynaha meertada 15-aad ee Ururka Caalamiga ah ee Daraasaadka Soomaaliyeed

-Madaxweynaha Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya Mudane Xasan Sheekh Maxamuud ayaa Muqdisho ka furay shirweynaha meertada 15-aad ee Ururka Caalamiga ah ee Daraasaadka Soomaaliyeed kaas oo dalka lagu qabanayo muddo 35 sanno kadib ah.

Shirweynahan waxaa ka qeyb galaya in ka badan 400 oo ergo oo isugu jira aqoonyahanno Soomaaliyeed, cilmi baarayaal caalami ah iyo qaar kamid ah mas’uuliyiinta Jaamacadaha geeska Afrika.

Madaxweynaha Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya Mudane Xasan Sheekh Maxamuud ayaa munaasabadda ka sheegay in waxbarashada dalkeenna ay soo martay marxalado kala duwan, balse maaanta laga hadlayo tayada Tacliinta dalka.

“Bur burkii bulshada waxa ay sababtay in ay baa’bado aqoontii bulshada” ayuu yiri Madaxweyne Xasan Sheekh Maxamuud.

Wasiirka Wasaaradda Waxbarashada hidaha iyo tacliinta sare XFS mudane Faarax Sheekh C/qaadir ” waxaan ku guuleysanay in aynu shirkan qabano muddo 35 sanno kadib bahda waxbarashada waxaan leeyahay daraasaha caalamiga ah aan ka faa’iideysano”.

Agaasimaha Guud ee Wasaaradda waxbarashada Hiddaha iyo Tacliinta sare Xukuumadda Federaalka Soomaaliya mudane Maxamed Cabdalla Axmed oo ka hadlay madasha ayaa sheegay wasaaraddu ay hormar weyn ka gaartay, tusalana ay u tahay qabashada shirkan.

Guddoomiyaha Midowga Jaamacadaha dalka Prof. Maxamed Maxamuud Bidey ayaa yiri “Doorka Jaamacadaha ee shirkan waxa uu yahay in ay xoojiyaan cilmi baarisyada laga sameeyey tacliinta dalka.”

Shirkan waxaa ka qeybgalaya dhamaan qeybaha kale duwan Bahda Waxbarashada, Aqoonyahanno isaga kala yimid guud ahaan dalka iyo dibadiisa, iyadoo lagu soo bandhigayo guulaha laga gaaray daraasaadka Soomaaliya

 

   

𝐖𝐚𝐬𝐢𝐢𝐫 𝐊𝐮𝐱𝐢𝐠𝐞𝐞𝐧𝐤𝐚 𝐂𝐚𝐚𝐟𝐢𝐦𝐚𝐚𝐝𝐤𝐚 𝐨𝐨 𝐊𝐚 𝐐𝐚𝐲𝐛𝐠𝐚𝐥𝐚𝐲 𝐃𝐨𝐨𝐝 𝐤𝐮 𝐒𝐚𝐚𝐛𝐬𝐚𝐧 𝐐𝐨𝐫𝐬𝐡𝐚𝐡𝐚 𝐂𝐚𝐚𝐟𝐢𝐦𝐚𝐚𝐝𝐤𝐚 𝐐𝐚𝐫𝐚𝐧𝐤𝐚.

;-Wasiir Kuxigeenka Wasaaradda Caafimaadka iyo Daryeelka Bulshada, Mudane Maxamed Xassan Maxamed Bulaale, ayaa ka qaybgalay dood cilmiyeed muhiim ah oo looga hadlayay Qorshaha Caafimaadka Qaranka Dooda oo lagu qabtay Isbitaalka Ordogan ex-Digfeee waxaana ka soo qaybgalay khubaro caafimaad, mas’uuliyiin ka tirsan dowladda iyo wakiillo ka socda ururada aan dowliga ahayn.

Wasika ayaa doodda ka jeediyay hadal diiradda saaraya muhiimadda Qorshaha Caafimaadka Qaranka gaar ahaan sidii loo hubin lahaa helitaanka adeegyo caafimaad oo tayo leh iyada oo la hirgelinayo caymis caafimaad oo guud Wuxuu sidoo kale sheegay in qorshuhu diiradda saarayo sidii loo fududeyn lahaa adeegyada caafimaadka meelaha fogfog iyo sidii bulshada loogu wacyigelin lahaa ka hortagga cudurrada.

Doodda ayaa isku keentay khubaro caafimaad iyo wakiillo ka socda hay’ado badan oo iska kaashaday falanqeynta caqabadaha haysta nidaamka caafimaadka dalka sida kheyraadka oo kooban, baahida loo qabo shaqaale caafimaad oo ku filan iyo sidii loo xoojin lahaa iskaashiga u dhexeeya dowladda, ururada aan dowliga ahayn iyo bulshada rayidka ah.

Wasiir Bulaale ayaa ugu dambeyn ku boorriyay bulshada iyo hay’adaha kala duwan inay iska kaashadaan hirgelinta qorshahan isaga oo adkeeyay in wadajir lagu dhisi karo nidaam caafimaad oo horumarsan. Isaga oo gunaanadaya ayuu yiri Wadajir, waxaan ku dhisi karnaa qaran caafimaad leh ayadoona Wasaaradda Caafimaadku ay ka go’antahay inay horumariso caafimaadka dhammaan muwaadiniinta.

Golaha Wasiirrada oo loo soo bandhigay qaar kamid ah qodobbada Dastuurka ee dib-u-eegista lagu sameynayo

-Golaha Wasiirrada Xukuumadda Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya oo yeeshay kulan gaar ah, oo uu guddoominayey Ra’iisul Wasaare ku-xigeenka dalka, Mudane Saalax Axmed Jaamac, ayaa lagu soo bandhigay qaar kamid ah qodobbada Dastuurka ee dib-u-eegista lagu sameynayo iyo kuwii horey loogu sameeyey.

Guddiga madaxa bannaan ee dib-u-eegista iyo hirgelinta dastuurka iyo guddiga arrimaha Dastuurka u qaabilsan Baarlamaanka, ayaa golaha warbixin ka siiyey halka ay marayaan wadatashiyada ku aaddan dib-u-eegista dastuurka, gaar ahaan qodobbada 5-aad iyo 9-aad oo la bilaabay wadatashiyadooda.

Golaha Wasiirrada XFS ayaa su’aallo ka weydiiyey guddiga isla markaana aragtidooda ku biiriyey cutubyada la soo bandhigay ee dib-u-eegista lagu sameynayo.

Ra’iisal wasaare ku xigeenka dalka oo kormeer shaqo ku tegay wasaaradda isgaarsiinta

Ra’iisal wasaare ku-xigeenka dalka Mudane Saalax Axmed Jaamac ayaa maanta kormeer shaqo ku tegay wasaaradda Isgaarsiinta iyo Teknooljiyadda ee jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya oo ka mid ah hay’adaha hormuudka u ah hannaanka casriyeynta iyo danabeynta adeegyada dadweynaha.

Ra’iisal wasaare ku-xigeenka aya warbixin la xiriirta waxqabadka wasaaradda wuxuu ka dhageystay wasiirka wasaaraddaas Maxamed Soomaali,agaasimaga guud, agaasime-waaxeedyada iyo howlwadeennada kale ee wasaaradda, waxayna ka warbixiyeen shaqada baaxadda leh ee ka socota wasaaradda iyo wakaaladaha ay wada-shaqeynta leeyihiin ee ay ka mid yihiin hay’adda isgaarsiinta Qaranka,hay’adda dhowrista xogta iyo hay’adda amniga Sayberka.

Sharaf ayey ii ahayd in aan maanta kormeer ku tago Wasaaradda Isgaarsiinta iyo Teknooljiyadda ee Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya, oo ka mid ah hay’adaha hormoodka u ah hannaanka casriyeynta iyo danabaynta adeegyada dadweynaha, loo na tayeeyo karaanka xirfadaha teknolojiyadda, hawlahan oo halbeeg udub-dhexaad ah u ah Qorshaha Isbeddelka Qaran ee la bilaaban doona sannadkan 2025.

‘’Wasaaradda iyo wakaaladahan ayaa door mug leh ku leh diyaarinta siyaasadaha iyo istiraatiijiyadaha gundhigga u ah danabeynta adeegyada dawladda iyo kuwa gaarka ah ee ay ka mid yihiin ganacsiyada, jaamacadaha, iyo waaxaha kale ee adeegbixinta, sida oo kale na mahuraan u ah sugidda amniga qaranka,’’ ayuu yiri Mudane Saalax Axmed Jaamac.

Ugu dambeyntii, Mudane Saalax Axmed Jaamac, Ra’iisal wasaare ku-xigeenka dalka ayaa ku bogaadiyay howlwadeennada wasaaradda shaqada muhiimka ah ee ay qaranka u hayaan, isagoo kula dardaarmay in ay dardargeliyaan hirgelinta halbeegyada wasaaradda kaga aaddan qorshaha isbeddelka Qaran iyo in ay kala shaqeeyaan hay’adaha kale ee Dowladda iyo guud ahaan adeeg-bixiyaasha dalka sidii loo kobcin lahaa hannaanka danabeynta adeeg-bixinta si loo gaaro himilooyinka qaran ee amni,isku-filnaasho iyo kobac dhaqaale.

      

Wasiirka Cadaaladda oo kulan la qaatay jaaliyadda Soomeeliyeed ee dalka Turkiga

Wasiirka Cadaaladda iyo Arrimaha Dastuurka XFS mudane Xasan Macallin ayaa jaaliyadda Soomaaliyeed ee magaalada Ankara ee dalka Turkiga xalay la yeeshay kulan ballaaran oo uu uga warbixiyay socdaalkiisa Turkiga,muhiimadda ay dalka u leeyihiin heshiisyo uu dhigiisa Turkiga shalay ay kala saxiixdeen, waxqabadka balaaran ee xukuumadda Danqaran, gaar ahaan horumarka laga gaary dib-u-habeynta Cadaaladda, geedi-socodka dhammeystirka Dastuurka iyo Istaraatiijiyadda Bahda Cadaaladda ee dhawaan la daah-furay.

Mudane Xasan Macallin ayaa sidoo kale ka qeyb galayaasha kulanka ka dhageystay talooyin khuseeya dowladnimada gaar ahaan geedi-socodka dhammeystirka dastuurka iyo horumarinta hanaanka Cadaaladeed ee dalka.

Kulanka dhexmay wasiirka iyo jaaliyadda Soomaalida ku nool Ankara oo guul kusoo dhamaaday ayaa waxaa ka qeyb galay safiirka Soomaaliya ee dalka Turkiga, Danjire Fatxudiin Cali Ospite.

 

  

Heshiiskii Ankara oo Soomaliya u ah guul diblomaasiyadeed (WARBIXIN)

Soomaaliya iyo Itoobiya ayaa ku heshiiyey go’aan wadajir ah oo lagu xallinayo khilaafkooda ku saabsanaa doonista Itoobiya oo aan bad laheyn, sida uu ku dhawaaqay Madaxweynaha Turkiga Recep Tayyip Erdogan. Isagoo ka hadlayay shir jaraa’id oo ay si wadajir ah ugu qabteen magaalada Ankara, Erdogan goor dambe oo Arbacadii ah ayaa uga mahadceliyay Madaxweynaha Soomaaliya mudane Xasan Sheekh Maxamuud iyo Ra’iisul Wasaaraha Itoobiya Abiy Axmed “dib u heshiisiin taariikhi ah oo ay sameeyeen”.

Guul taariikhi ah ayuu Madaxweyne Dr. Xasan Sheekh ka soo hooyay Ankara. Itoobiya labo sannadood diidaneeyd midnimada dhuleed ee Jamhuuriyadda Soomaaliya ayuu caalamka hortiisa jilbaha dhulka ugu dhuftay ugana saxiixay in ay xaqiiqada ku qancaan. Dowladda Turkiga oo NATO ka tirsan Madaxweynaheeda Erdogan ayaa marag ahaa, waxaa iyana boggaadin mudan qoraalka lagu qeexay inuu ahaan doono kiro ama qandaraas ee si dhameeystiran meesha looga saaray kalmaddii “lahaan-shaha ee ay Itoobiyaanku rabeen, iyadoo inta badan qeybihii iyo farsamadii heshiisku uu dhiman yahay, taasi oo loo saari doono guddi farsamo.

Sooyaal ahaan, Madaxweyne Dr. Xasan Shiikh wuxuu ku suntan yahay difaacidda qadiyaddaha Badda Soomaaliyeed, waxaana si weyn looga xasuustaa oo ay muxaafad iyo mucaarad intuba dood ka soo celin karin halkii uu marsiiyay murankii Badda ee innaga iyo Kenya, waxaana sidoo kale marnaba indhaha laga qarsan karin halgankii uu qadiyadda ilaalinta midnimada uu u galay Wasiirka arrimaha dibada Soomaaliya mudane Ahmed Moallin Fiqi, waxaana heshiiskaasi aad u bogaadiyay siyaasiyiinta Soomaaliyeed.

“Madaxweyne Xasan Sheekh labo jeer ayuu dalka ka badbaadiyay khatar ku aadaneyd damacyada Dowladaha Itoobiya iyo Kenya”, sidaasi waxaa yiri:-Prof Xasan Sheekh oo aad uga faallooda arrimaha siyaasadda, “Dacwadii badda kenya looga guuleystay iyo xad-gudubkii Itoobiya ku soo damacday Biyaha Soomaaliya, sidaasi daradeeda  guulaha Madaxweynaha uu ku tilaabsanayo”.

“Tallaabadan muhiimka ah waxay xoojin doontaa xiriirka labada dal iyo sidii gacan looga geysan lahaa xasilloonida iyo iskaashiga wax-ku-oolka ah ee Geeska Afrika”, ayaa lagu yiri Warsaxaafadeedkaan ka soo baxay wasaaradda arrimaha dibadda ee Khaliijka, iyadoo Dowladda Isu-tagga Imaaraadka Carabta ay Warsaxaafadeed ay soo saartay Khamiistii ku soo dhaweysay heshiiskii Turkiga uu dhexdhexaadinayay ee u dhaxeeyay Soomaaliya iyo Itoobiya, kaasoo lagu soo Afjarayay khilaafkii u dhaxeeyay labada dal.

Bayaankaan  ayaa lagu caddeeyay sida ay Imaaraadka Carabta uga go’an tahay horumarinta nabadda iyo xasilloonida gobolka, waxaana lagu adkeeyay muhiimadda ay leedahay in khilaafaadka lagu xalliyo qaab nabadeed, waxaana War saxaafadeedka lagu ammaanay dadaalka Turkiga iyo doorka Madaxweynaha Turkiga Recep Tayyip Erdogan ee ka mira dhalinta heshiiska,iyadoo dhanka kale wada-hadallada ku tilmaamay in ay ka dhigan yihiin tallaabo muhiim ah oo lagu horumarinayo arrimaha gobolka iyo kan caalamka.

Guddoomiyaha Guddiga Midowga Afrika H.E. Moussa Faki Mohamat ayaa isna soo dhoweeyay wadahadaladii uu garwadeenka ka ahaa Madaxweynaha dalka Turkiga Recep Tayip Erdogan una dhaxeeyey Madaxweynaha Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya Mudane Xasan Sheekh Maxamuud Iyo Ra’iisul Wasaaraha Itoobiya Abiy Axmed, kaasI oo lagu soo Afmeeray khilaafkii labada dal ka dhaxeeyay.

Guddoomiyaha guddiga ayaa soo dhoweeyay tallaabadan muhiimka iyo mas’uuliyadda adag ee ay qaadeen madaxda Soomaaliya iyo Itoobiya. Wuxuun dhanka kale, dhiirageliyay in la fuliyo iyada oo aan dib loo dhigin tillaabooyinka muhiimka ah ee hore loo qaaday, wuxuuna ugu dambeyn, Guddoomiye Moussa Faki, uu bogaadiyay kuna hambalyeeyay Madaxweyne Erdogan taageeradiisa hagar la’aanta iyo martigelinta kulankan iyo dadaalkii uu ku bixiyay ka mira dhalinta xalinta xasaraddan ka aloosneyd Geeska Afrika.

Dowladda Mareykanka ayaa iyada Khamiistii sheegay inuu soo dhaweynayo heshiiska ay Soomaaliya iyo Itoobiya ku gaareen in lagu soo afjaro xiisadda gobolka ee ka dhalatay isku dayga ay Addis Ababa ku dooneyso inay marin u hesho badda. Labada dal ayaa khilaaf uu ka dhaxeeyey tan iyo markii dalka Itoobiya ee aan badda lahayn uu bishii Janaayo heshiis la galay maamulka Somaliland ee sheega in uu ka go’ay Soomaaliya, kaas oo ku saabsanaa in dhul xeebeed laga kireeyo Addis-Ababa oo ay ka sameysato deked iyo saldhig ciidan, hase yeeshee Arbacadii, Turkiga, oo dhexdhexaadiye ka ahaa wada-hadallada Soomaaliya iyo Itoobiya, ayaa ku dhawaaqay in labada dhinac ay gaareen heshiis xaqiijinaya “marin la isku halleyn karo, ammaan ah oo waara oo ay Itoobiya ku hesho Bad ay u isticmaasho ganacsi ahaan,” kaasi oo “hoos imanaya maamulka madax-bannaanida Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya.”

“Heshiiskii Ankara ee Soomaaliya iyo Itoobiya waxa uu caddeynayaa in loo soo guuray oo loo soo noqday in lagu wada shaqeeyo xayndaabka sharciga Caalamiga ah iyo Qawaaniinta u yaala Midowga Afrika iyo Qaramada Midoobey”, sidaasina waxaa yiri:-  Raiisul-salwasaare Ku Xigeenka Soomaaliya mudane Saalax Axmed Jaamac.

“Hal sano oo shaqo adag ah ka dib, waxaan iska xirnay isku day halis ku ahaa Qaranka. Waxay ahayd xil-gudasho adag oo miro-dhal noqotay. Waxaa mudan mahad oo dhan Alle weyn, ka dib madaxda qaranka iyo muwaadiniinta Soomaaliyeed ee midnimada iyo mowqifka adag ku difaacay dalkooda. Insha’Allah, qarankeennu wuu guuleysanayaa wuuna ka gudbi doonaa caqabadaha,” ayuu yiri Wasiir-ku xigeen Cabdiraxmaan Yuusuf Al-cadaala.

Wasiir ku xigeenka Warfaafinta, Dhaqanka iyo Dalxiiska ee dowladda federaalka Soomaaliya, Cabdiraxmaan Yuusuf Al-Cadaala, ayaa sheegay in dowladda Soomaaliya ku guuleysatay soo afjaridda isku day halis ku ahaa qaranka, kadib hal sano oo shaqo adag ah. Hadalkan ayaa yimid xilli magaalada Ankara lagu soo gabagabeeyay shir muhiim ah oo uu garwadeen ka ahaa Madaxweynaha Turkiga, Recep Tayyip Erdogan, una dhaxeeyay Madaxweynaha Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya, Mudane Dr. Xasan Sheekh Maxamuud, iyo Ra’iisul Wasaaraha Itoobiya, Abiy Ahmed.

Wasiirka Arrimaha Dibadda Xukuumadda Federaalka ah ee Soomaaliya Danjire Axmed Macalin Fiqi ayaa Shacabka Soomaaliyeed faahfaahin Dhamaystiran ka siiyay nuxurka heshiiska ay Soomaaliya iyo Itoobiya ku galeen dalka Turkiga, wuxuuna sheegay in mar kasta Dowladda Soomaaliya ay ku taagneyd shuruucda caalamiga ah isla markaana hadda Xaqiiqda ay ogaatay Ethiopia oo markii hore wado qaldan ku raadinaysay Bad aysan lahayn Mulkiyadeeda.

Dhinaca kale Jawhar Maxamed oo ah siyaasi Itoobiyaan ah ayaa sheegay in heshiiskii Ankara uu Soomaliya u ahaa guul diblomaasiyadeed, meeshana ka saarayo in Itoobiya ay xeebaha badda-cas ku yeelato dekad ay iska leedahay, taasi badelkeeda uu heshiiskaasi Itoobiya u ogolaanayo oo kaliya inay dekadaha Soomaliya isticmaasho, waxaa kaloo uu xusay in hesiiskii Somaliland ee Itoobiya faa’iidada u ahaa uu heshiiska Ankara uu laalayo, wuxuuna dhowr marar isbarbardhig ku sameeyay in labada eray ee “Lahaansho iyo isticmaal” oo labada heshiis ay kala dhigayaan, tusaale heshiiska Somaliland ee Itoobiya ay sheegatay inay ku helayso dekad ay leedahay iyo heshiiska Ankara oo kaliya Itoobiya u fasaxaya inay dekadaha Soomaliya isticmaasho, waxayna tani ku saleysnaan doonto shuruucda caalamiga ah sida Axdiga Qaramada midoobay ee sharciga Baddaha oo horey ay u aqbaleen Dalalka Itoobiya deriska la ah.

Ra’iisul Wasaare Xamsa oo furay Shirweyanah Iskaashiga Dowladda, Ganacsatada ee ka hortagga Maalgalinta Argagixisada.

Ra’iisul Wasaaraha Xukuumadda Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya, Mudane Xamse Cabdi Barre, ayaa maanta furay Shirweyanah Iskaashiga Dowladda, Ganacsatada iyo Bulshada ee Qorshaha Ka hortagga iyo la dagaallanka Maalgalinta Argagixisada.

Ujeedka Shirkan ayaa ah in dowladda, ganacsatada iyo bulshadu ay iska kaashadaan la dagaallanka maalgalinta Argagixisada iyada oo la bartilmaameedsanayo dadka la shaqeysta Khawaarijta iyo kuwa Maalgeliya, waxaana ciddii lagu helo danbiga noocaas ah la horgeyn doono Caddaaladda.

 

Sanad Kadib Gaariddii Hannaanka Deyn Cafinta Soomaaliya

Maanta oo ay tahay 13-ka December, ayaa ku beegan sannad guuradii ka soo wareegtay markii Dowladda Soomaaliya ay gaartay barta kama dambaysta ah ee hannaanka deyn cafinta, oo ahaa dadaal socday muddo ku dhow toban sano.

Wasiirka Maaliyadda ee Xukuumadda Federaalka Soomaaliya, Biixi Imaan Cige, ayaa qoraal uu caawa soo saaray ku xusay guushaas taariikhiga ah iyo xaaladda dhaqaale ee dalka sannad kadib deyn cafinta. Wasiirka ayaa sheegay in sannadkii la soo dhaafay aysan dowladdu wax deyn cusub ah qaadan, iyagoo diiradda saaray horumarinta dakhliga gudaha iyo dib-u-habaynta maaliyadda.

“Maanta oo kale sanad ka hor, waxa ay ii ahayd sharaf in aan goob joog u ahaado, iyadoo uu na wehliyo Madaxweynaha JFS Mudane Xasan Sheekh Maxamuud, markii nalaga cafiyay deyn dhan $5 bilyan oo curyaamisay horumarka dhaqaalaha Soomaaliya,” ayuu yiri Wasiirka.

Wasiirka ayaa sidoo kale xusay in dowladdu ay heshiisyo muhiim ah la saxiixatay dalalka ku jira Naadiga Paris iyo kuwa aan ku jirin ee Non-Paris Club, kuwaas oo qayb ka ahaa dadaallada lagu baabi’inayo deymaha lagu lahaa Soomaaliya.

“Inkastoo ay jiraan caqabado dhaqaale, dowladdu waxay ka go’an tahay inay sii waddo dib-u-habaynta maaliyadda, xoojinta maamulka wanaagga, iyo kordhinta dakhliga si loo maalgeliyo adeegyada bulshada, sida shaqaaleysiinta macallimiinta iyo horumarinta adeegyada caafimaadka,” ayuu yiri Wasiirka Maaliyadda.

Hannaanka deyn cafinta ayaa ahaa mid muhiim ah oo u suurtogaliyay Soomaaliya inay dib u hanato awooddeeda dhaqaale, iyadoo laga saaray culeysyo dhaqaale oo haystay muddo tobanaan sano ah.

Dooda Musharixiinta Guddoomiyaha Midowga Afrika oo ka Socota Addis Ababa

Addis Ababa: Xarunta dhexe ee Midowga Afrika ee Addis Ababa ayaa waxaa ka socota doodda musharixiinta u taagan xilka Guddoomiyaha Midowga Afrika. Musharixiinta, oo goor horeba liiskooda la shaaciyey, ayaa ku tartamaya xilka ugu sarreeya ee ururka.

Saddexda musharrax ee xilkan u loolamaya ayaa kala ah Maxamuud Cali Yusuf oo ka socda Jabuuti, Raila Amolo Odinga oo matalaya Kenya, iyo Richard Randriamandrato oo ka socda Madagascar. Qaybtii hore ee doodda musharixiinta ayaa la soo gabagabeeyey, iyadoo laga sugayo in doodda loo gudbiyo wareegga labaad.

Wareegga labaad ee doodda ayaa diiradda saari doona musharixiinta u tartamaya xilka Guddoomiye Ku-xigeenka Midowga Afrika. Musharixiinta xilkan u taagan ayaa kala ah Salah Francis iyo Selma Malika oo Algeria kasoo jeeda, Amb. Mohamed Ahmed Fathi iyo Dr. Hanan Morsy oo ka socda Masar, Najat M. Elhajjaji oo Libya kasoo jeeda, iyo Latifa Akharbach oo Morocco metelaysa.

Waxaa la filayaa in doodaha iyo tartanka ay horseedaan go’aan muhiim ah oo saameyn ku leh hoggaanka mustaqbalka Midowga Afrika.