R/Wasaare ku xigeenka XFS oo boogaadiyay natiijadii ka soo baxday shirkii Ankara ee Soomaaliya iyo Itoobiya

Ra’iisul Wasaare ku xigeenka XFS Mudane Salaax Jaamac oo ka qeybgalay kulanka todobaadka warbaahinta qaranka ayaa sheegay in heshiiskii Soomaaliya iyo Itoobiya ee Ankara uu ahaa mid wax ku ool ah,isla markaana meesha ka saaray wax kasta oo khilaaf ah oo u dhaxeeyay labada dal.

Ra’iisul Wasaare ku xigeenka XFS ayaa sheegay in Soomaaliya iyo Itoobiya ay ku wada shaqeyn doonaan hannaan cusub oo wada ogol ah oo waafaqsan xeerarka caalamiga ah ee dunida,isla markaana horay u sii riixaya danaha labada shacab iyo labada dal.

Mudane Salaax Jaamac ayaa heshiiska Soomaaliya iyo Itoobiya ku tilmaamay mid guul ah oo wax u taraya labada dal iyo labada shacab,isagoo intaa raaciyay in mustaqbalka heshiiskaan uu keenayo in loo guuro jawi cusub oo lagu xoojinaayo xiriirka labada dal.

Ra’iisul Wasaare ku xigeenka XFS waxa uu u mahadceliyay madaxweynaha Dalka Turkiye oo dadaal u galay isu soo dhoweynta labada dal iyo sidii loo gaari lahaa heshiis miro dhal ah oo Soomaaliya iyo Itoobiya u horseeda in ay horay u wataan horumaradooda.

Imaaraatka Carabta oo soo dhoweysay heshiiskii Turkiga ee lagu soo afjaray khilaafkii Soomaaliya iyo Itoobiya

Dowladda Imaaraadka Carabta ayaa warsaxaafadeed ay soo saartay Khamiistii ku soo dhaweysay heshiiskii Turkiga uu dhexdhexaadinayey ee u dhaxeeyay Soomaaliya iyo Itoobiya, kaasoo lagu soo afjarayay khilaafkii u dhaxeeyay labada dal.

“Tallaabadan muhiimka ah waxay xoojin doontaa xiriirka labada dal iyo sidii gacan looga geysan lahaa xasilloonida iyo iskaashiga wax-ku-oolka ah ee Geeska Afrika”, ayaa lagu yiri warsaxaafadeedkaan ka soo baxay  wasaaradda arrimaha dibadda ee Khaliijka .

Bayaankaan  ayaa lagu caddeeyay sida ay Imaaraadka Carabta uga go’an tahay horumarinta nabadda iyo xasilloonida gobolka, waxaana lagu adkeeyay muhiimadda ay leedahay in khilaafaadka lagu xalliyo qaab nabadeed.

War saxaafadeedka ayaa lagu ammaanay dadaalka Turkiga iyo doorka madaxweynaha Turkiga Recep Tayyip Erdogan ee ka mira dhalinta heshiiska,iyadoo dhanka kale wada-hadallada ku tilmaamay in ay ka dhigan yihiin tallaabo muhiim ah oo lagu horumarinayo arrimaha gobolka iyo kan caalamka.

Dhowaan ayeey aheyd markii hoggaamiyeyaasha Soomaaliya iyo Itoobiya ay si wadajir ah u soo saareen bayaan ay ugu magacdareen Baaqa Ankara ,iyagoo xaqiijiyay   ixtiraam iyo sida ay uga go’an tahay midba midka kale in uu ilaaliyo madaxbannaanidiisa, midnimadiisa iyo wadajirka dhuleed, sida laga soo xigtay Agaasinka Isgaarsiinta ee Turkiga

Madaxweyne Erdogan oo madaxtooyada Ankara ku soo dhaweeyey madaxweyne Xasan Sheekh

Ankara: Madaxweynaha Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya Mudane Xasan Sheekh Maxamuud iyo Madaxweynaha Turkiga Recep Tayyip Erdoğan ayaa kulan muhiim ah haatan uga socdaa xarunta Madaxtooyada Turkiga ee magaalada Ankara.

Kulankan ayaa ah hordhac loogu sii gogol-xaarayo wada-hadallo uu madaxweynaha Turkiga garwadeen ka yahay ee u dhaxeeya Soomaaliya iyo Itoobiya.

Wafdiga uu hoggaaminayo Madaxweynaha Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya Mudane Xasan Sheekh Maxamuud oo ka kooban Wasiirro, Taliyaha Sirdoonka iyo Nabad-sugidda Qaranka, iyo La-taliyayaal ayaa muujinaya sida dowladda Soomaaliya uga go’an tahay ilaalinta midnimada, gobonnimada, iyo madax-bannaanida dhuleed ee Soomaaliya.   

Soomaaliya iyo Sucuudiga oo kala saxiixday heshiis shaqo qoris ah

Riyaad: Wasiirka Wasaaradda Shaqada iyo Arrimaha Bulshada Xukuumadda Federaalka Soomaaliya, mudane Xildhibaan Yuusuf Maxamed Aadan ayaa magaalada Riyaad ee Caasimadda dalka Boqortooyada Sucuudiga kula saxiixday dhiggiisa Wasiirka Kheyraadka Aadanaha iyo horumarinta Bulshada mudane Eng. Axmed Bin Suleymaan Al-rajhi heshiis shaqo qoris ah, taas oo ay si wadajir ah isaga kaashanayaan hirgelinta heshiiskan.

Heshiiskan ayaa diiradda saari doonaa dhowr arrimood oo muhiim ah:

1) Is-afgaradkani wuxuu dejinayaa hannaan habaysan oo loogu talagalay shaqaalaha u shaqo tagaya Saudi Arabia, iyadoo la hubinayo in hab-ka socdaalka shaqaaluhu uu yahay mid nidaamsan, sugan, badbaado leh, oo waafaqsan shuruucda iyo xeerarka shaqada, waxa kale oo uu dejinaaya qaab cad oo sharci ah oo ku saabsan hababka qorista, hubinta u hoggaansanaanta sharciyada shaqada iyo ilaalinta xuquuqda shaqaalaha.

2) Heshiiskan wuxuu kordhinaya dakhliga Dhaqaale ee Wadanka, taas oo qayb ka qaadan karta horumarinta dhaqaalaha iyo xasilloonida amni ee dalka .

3) Horumarinta Xirfadda: Is-afgaradku waxa uu noqon doonaa mid bixiya tababaro iyo barnaamijyo horumarineed, tasoo u oggolaanaya shaqaalaha Soomaaliyeed inay helaan xirfado iyo hal’abuur cusub.

4) Shaqo la’aanta oo yaraata: Shaqaale Soomaaliyeed oo u shaqo tago dalka dibaddiisa waxa ay wax ka tari kartaa inay helaan xirfado noloshadooda shaqo wax ka bedesha mustaqbalka.

5) Sidoo kale, Heshiiskaan, waxa uu yaraynayaa khataraha ka dhashta ka faa’iidaysiga iyo ka ganacsiga dadka iyo tahriibintooda.

6) Xiriirka Diblomaasiyadeed: Is-afgaradka oo si wanaagsan loo fuliyo waxa uu xoojinaya xiriirka diblomaasiyadeed ee u dhexeeya labada dal kaaso kor u qaadaaya iskaashiga, iyo is fahamka Labada dal.

 

Wafdi uu hoggaaminayo Wasiirka Cadaaladda XFS oo booqasho ku tagay Akadeemiyada Cadaaladda ee Turkiga

Ankara: Wafdi uu hoggaaminayay Wasiirka Cadaaladda iyo Arrimaha Dastuurka XFS, mudane Xasan Macallin oo shalay socdaal shaqo ku tegay Turkiga ayaa maanta booqasho ujeedkeedu yahay xoojinta xiriirka iyo sahminta fursadaha iskaashi ee wadajirka ah, waxey ku tageen Akadeemiyada Cadaaladda ee Turkiga.

Wafdiga ayaa loo soo bandhigay warbixin qoto dheer oo ku saabsan qaab-dhismeedka, shaqooyinka iyo barnaamijyada tacliinta ee akaadeemiyada. Warbixinta ayaa lagu soo bandhigay arrimaha muhiimka ah sida hababka tababarka xirfadlayaasha garsoorka, mashaariicda cilmi-baarista, iyo istaraatiijiyadaha kobcinta awoodaha.

Mas’uuliyiinta ayaa kulan ay machadka ku yeesheen xoogga ku saaray in la aqoonsado fursadaha iskaashiga, gaar ahaan dhinacyada waxbarashada sharciga, tababarka garsoorka, iyo is-weydaarsiga aqoonta.

Labada dhinac waxay adkeeyeen muhiimadda ay leedahay dhisidda iskaashi muddo dheer ah si loo xoojiyo nidaamyada cadaaladda, korna loogu qaado awoodaha hay’adaha.

  

Agaasimaha Guud ee Hay’adda Socdaalka iyo Jinsiyadda oo faray saraakiisha in shacabka loo fududeeyo adeega baasaboor bixinta

Agaasimaha Guud ee Hay’adda Socdaalka iyo Jinsiyadda, Mudane Ahmed Said Mohamed oo manta kulan gaar ah kula qaatay Saraakiisha ka howlgasha xafiiska Baasaboor bixinta ee xarunta shaqaalaha ayaa faray saraakiisha in la dardargeliyo howlaha baasaboor bixinta, isla markaana waxa uu saraakiisha ku booriyay in muwaadiniinta loo fududeeyo adeega loo haayo, loona turo dadka jilicsan oo soo doonto adeegga baasaboor bixinta.

Sidoo kale, Agaasimaha Guud ayaa faray saraakiisha in la ilaaliyo habraacyadda shaqada xooggana la saaro hufnaanta iyo isla xisaabtanka howlaha shaqo, waxuuna sidoo kale ku booriyay in la ilaaliyo kala dambaynta, anshaxa iyo shaqo wanaaga.

Ra’iisul Wasaare Ku-xigeenka dalka oo kormeer shaqo ku tegay Wasaaradda Beeraha iyo Waraabka

Ra’iisul Wasaare Ku-xigeenka dalka, Saalax Axmed Jaamac, ayaa saaka kormeer shaqo ku tegay Wasaaradda Beeraha iyo Waraabka ee Xukuumadda Federaalka Soomaaliya (XFS).

Ra’iisul Wasaare Ku-xigeenka ayaa waxaa xarunta wasaaradda ku soo dhaweeyay Wasiirka Beeraha iyo Waraabka, Maxamed Cabdi Xayir Mareeye, iyo mas’uuliyiin kale oo ka tirsan wasaaradda. Intii uu halkaas ku sugnaa, Ra’iisul Wasaare Ku-xigeenka ayaa ammaanay dadaalka wasiirka iyo shaqaalaha wasaaradda, gaar ahaan doorkii muhiimka ahaa ee ay ka qaateen Madashii Qorshaha Qaranka ee dhawaan lagu soo gabagabeeyay.

Mudane Saalax ayaa sheegay in Wasaaradda Beeraha ay soo bandhigtay qorshayaal wax ku ool ah oo gacan ka geysan kara horumarinta dhaqaalaha dalka, isagoo ku boorriyay in la kordhiyo wax-soo-saarka beeraha si loo yareeyo saboolnimada, loona gaaro isku filnaansho dhanka cuntada ah.

Intii uu booqashada ku guda jiray, Ra’iisul Wasaare Ku-xigeenka ayaa kormeeray waaxyaha kala duwan ee wasaaradda, oo ay ka mid tahay waaxda badbaadada dhirta iyo sheybaarka wasaaradda. Halkaas ayuu warbixin kaga dhageystay agaasimaha waaxda iyo qaar ka mid ah shaqaalaha sheybaarka, isagoo bogaadiyay shaqada muhiimka ah ee uu sheybaarku u qabto dalka.

Ra’iisul Wasaare Ku-xigeenka iyo Wasiirka Beeraha ayaa balanqaaday in la horumarin doono sheybaarka si loo ballaariyo adeegyada uu bulshada u qabto.

Ugu dambeyntii, Wasiirka Beeraha iyo Waraabka ayaa uga mahadceliyay Ra’iisul Wasaare Ku-xigeenka taageerada joogtada ah ee uu u fidiyo wasaaradda iyo beeraleyda Soomaaliyeed, isagoo carabka ku adkeeyay muhiimadda ay leedahay wada shaqeynta dowladdu la leedahay dadka beeraleyda ah.

Wasiirka Maaliyadda XFS oo kulan gaar ah la qaatay madaxweyne ku-xigeenka Hey’adda 𝐈𝐅𝐂

Wasiirka Maaliyadda Xukumadda Federalka Soomaaliya 𝐌𝐮𝐝𝐚𝐧𝐞 𝐁𝐢𝐢𝐱𝐢 𝐈𝐦𝐚𝐚𝐧 𝐂𝐢𝐠𝐞 ayaa kulan gaar ah oo miro-dhal ah la qaatay madaxweyne ku-xigeenka Hey’adda 𝐈𝐅𝐂 oo arrimaha maalgalinta u qaabilsan Bangiga Adduunka 𝐌𝐫. 𝐒é𝐫𝐠𝐢𝐨 𝐏𝐢𝐦𝐞𝐧𝐭𝐚 oo ka mid ahaa masuuliyiintii ka soo qeyb gashay shirka Sanadlaha ah ee Maaliyadda Afrika (𝐀𝐟𝐫𝐜𝐚 𝐅𝐢𝐧𝐚𝐧𝐜𝐢𝐚𝐥 𝐒𝐮𝐦𝐦𝐢𝐭) oo maanta lagu soo gabagabeeyay magaalada Casablanca ee Boqortooyada Morocco.

Kulanka labada dhinac ayaa diiradda lagu saaray sidii Bangiga Adduunka uu u maalgalin lahaa mashaariic horumarineed oo laga hirgalinayo gudaha Soomaaliya iyada oo Dowladda Soomaaliya ay mudnaan gaar ah siisay, kana go’an tahay Horumarinta iyo maalgalinta maraariicda wax ku oolka u ah bulshada Soomaaliyeed.

 

Ciidamo ka amar qaata hogaamiyihii hore ee Jubbaland oo weerar ku qaaday Fariisin ay ku sugnaayeen ciidamada Qaranka

Koox ka tirsan ciidamada Jubaland oo uu si qaldan u isticmaalay hogaamiyihii hore ee Jubbaland, Axmed Madoobe, ayaa Subaxnimadii hore ee saakay weerar ku qaaday fariisin ay ku sugnaayeen Ciidanka Xoogga Dalka Soomaaliyeed iyo Daraawiishta Jubaland, sida ay shaacisay Wasaaradda Gaashaandhigga Soomaaliya.

Fariisinka la weeraray ayaa ahaa mid ay ciidamada qaranka ku sugnaayeen si ay ula wareegaan saldhigyo hore uga baxay ciidamada nabad-ilaalinta ee ATMIS, iyaga oo sidoo kale isku diyaarinayay hawlgallo ka dhan ah kooxda Khawaarijta Al-Shabaab.

Wasaaradda Gaashaandhigga ayaa sidoo kale sheegtay inay si dhow ula socdaan qorshe uu Axmed Madoobe xiriir kula sameeyay Khawaarijta, tallaabadan ayaa lagu tilmaamay inay fududeysay in kooxaha uu soo abaabulay ay si xor ah ugu dhex maraan maleeshiyaadka Khawaarijta.

Wasaaradda ayaa ku adkaysatay in ficilada noocan ah ee Qaran-dumiska ah aysan sii socon doonin, isla markaana ay ku mutaysan doonaan ciqaab adag oo sharci ah.

Wasiirka Caafimaadka XFS oo si diiran loogu soo dhaweeyay Magaalada Baghdad

Wasiirka Caafimaadka iyo Daryeelka Bulshada XFS, Dr. Cali Xaaji Adan ayaa si diiran loogu soo dhaweeyay Magaalada Baghdad ee Dalka Ciraaq Halkaas oo u tagay Howlo Shaqo.

Wafdiga wasiirka oo gaaray Magaalada Baghdad ayaa waxaa garoonka caalamiga ah ee Bagdhad kusoo dhaweeyay Dhiggiisa Ciraaq isagoo maalmaha soo aadan ka gayb gali doono Meertada 61-aad ee Golaha Wasiirada Caafimaadka ee Jaamacada Carabta, iyadoo Soomaaliya ay tahay xubin muhiim oo ka tirsan Golahan.

Wasiirka ayaa inta uu ku suganyahay Dalka Ciraaq waxa uu kulan doceedyo loogu qareemayo horumarinta caafimaadka la yeelan doonaa dhigiisa dalalka ku bahoobay jaamacada Carabta.