Taliye Ku Xigeenka Ciidanka Boliiska oo Xarigga ka Jaray Xabsi Cusub oo Haweenka loogu Talagalay

Taliye ku xigeenka Ciidanka Boliiska Soomaaliyeed, S/G Cusmaan Cabdullaahi Maxamed (Kaniif), ayaa  si rasmi ah xarigga uga jaray qeyb cusub oo lagu soo kordhiyey saldhigga Xamar Jajab. Qeybtan cusub ayaa ah xabsi casri ah oo u gaar ah haweenka, taas oo loogu talagalay in lagu hubiyo ilaalinta xuquuqda haweenka ee ku jira gacanta booliska.

Munaasabadda Xarig jarka waxaa ku wehliyey Taliyaha Qeybta Guud ee Boliiska Soomaaliyeed G/sare Mahdi Cumar Muumin Guddoomiyaha Degmada Xajajab iyo Masuuliyiin ka kala socdey Dhamaan Qeybaha kala duwan ee Bulshada Gobolka Banaadir

“Xabsigan cusub wuxuu muujinayaa sida Ciidanka Boliiska Soomaaliyeed ugu heellan yahay inay xaqiijiyaan adeeg hufan oo xushmad leh, gaar ahaan marka ay timaado daryeelka iyo ilaalinta xuquuqda haweenka Soomaaliyeed,” ayuu yiri taliye ku xigeenka.

Talaabadan ayaa lagu tilmaamay mid muhiim ah oo xoojinaysa kalsoonida bulshada ee ku aaddan hay’adaha ammaanka, iyadoo la hubinayo in qof kasta oo la xidho lagu hayo duruufo habboon oo u qalma sharaftiisa iyo karaamadiisa.

Wasiir Maareeye oo guddoomiyey kulan ku saabsan horumarinta Beeraha

Wasiirka wasaaradda Beeraha iyo Waraabka JFS Xil. Maxamed Cabdi Xayir Maareeye shir gudoomiyay Kulanka Isku-xirka ee Wasaaradda Beeraha iyo waraabka iyo USAID/FCDO.

Kulankaan wuxuu isku keenay Wasaaradda Beeraha iyo Waraabka, USAID, FCDO, iyo hey’adaha la-hawlgala si looga wada hadlo sida taageerada USAID iyo FCDO ay uga qayb qaadanayaan mudnaanta qaranka ee Dowladda Federaalka Soomaaliya. Madasha waxaa kale oo lagu wadaagay xogaha ku saabsan mashaariicda socda iyo kuwa la qorsheynayo in ay bilaawdaan.

Inta shirka uu socday Caqabadaha taagan ee la isla arkay waxaa ka mid ah

Mashaariic isku mid ah laga fuliyo deegaano isku dhow, taasoo keenta in kharash aan loo isticmaalin baahiyaha jira waxtarkuna yaraado.

          

Wasiir dowlaha cadaaladda oo kulan la yeeshay ergeyda Jaamacadda Carabta iyo OIC ee Soomaaliya

Wasiiru dowlaha Cadaaladda iyo arrimaha Dastuurka XFS, ahna ku-simaha wasiirka Amb Ilyaas Sheekh Cumar ayaa xarunta Ergada Jaamacadda Carabta ee Soomaaliya kulan wadajir ah kula qaatay ergayga jaamacadda Carabta ee Soomaaliya (LAS), Danjire Abdullah bin Mutlaq iyo ergayga ururka Iskaashiga Islaamka ee Soomaaliya (OIC), Danjire Mohamed Bamba Mohamed.

Mas’uuliyiinta ayaa kulankooda uga wadahadlay Xoojinta iskaashiga u dhexeeya OIC iyo LAS ee arrimaha Cadaaladda, Dastuurka iyo Garooska iyo in laga wadashaqeeyo barnaamijyo lagu horumarinayo, sidii ay kaalin wax ku ool ah uga qaadan lahaayeen dhaqangelinta istiraatiijiyadda Bahda cadaaladda ee 2025-2029, Baahinta federaaleynta, daadejinta awoodaha heerarka dowladda iyo gaarsiinta garsoorka goobaha laga xoreeyo Khawaarita iyo in la saameeyo guddi farsamo oo sedax geesood ah oo ka shaqeeya dhaqangelinta qodobada laga wadahadlay.

Danjire Ilyaas ayaa uga mahadceliyay OIC iyo LAS taageeada joogtada ah ee ay la garab taaganyihiin shacabka iyo dowlada Soomaaliyeed.

Danjire Mohamed iyo Danjire Abdullah waxey dhankooda ballan qaadeen in LAS iyo OIC ay sii wadi doonaan taageerada shacabka iyo dowladda Soomaaliyeed waxeyna dowladda Soomaaliyeed ku bogaadiyeen horumarka laga sameeyay geedi socodka dastuurka iyo hanaanka cadaaladda dalka.

Madaxweynaha JFS oo u safray Turkiga

Madaxwaynaha Jamhuriyadda Fedraalka ah ee Soomaaliya Mudane Dr Xasan Shiikh Maxamuud ayaa u safray Magaalada Ankara ee Dalka Turkiga ka dib casuumad rasmi ah oo uu ka helay dhigiisa dalkaas Mudane Rejeb Dayib Erdugaan.

Dawladda walaalaha aan nahay ee Turkiga ayaa wadday dadaal iyo wadahadal xal loogu raadinayo xiisadii ka dhex aloosanayd Dawladda Soomaaliya iyo Itoobiya ee ka dhalatay heshiiskii isafgaradka sharci darrada ahaa.

Waxaa lagu wadaa in wareegga saddexaad ee wadahalada Ankara ay isku arki doonaan laba wafdi oo ay kala hogaaminayaan madaxweynaha JFS iyo Raysulwasaaraha Itoobiya.

Dawladda Soomaaliya oo gudanaysa waajibka ka saaran ilaalinta Madaxbanaanida iyo midnimada Soomaaliya ayaa mowqifkeedii hore ku taagan kaasoo saldhig ay u tahay in aanay wax gorgortan ah ka galidoonin ilaalinta Midnimada iyo madaxbanaanida Jamhuuriyadda federaalka ah ee Soomaaliya.

Madaxweyne Xasan Sheekh oo magacaabay guddoomiyaha gobolka Banaadir ahna duqa Muqdisho

Madaxweynaha Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya Mudane Xasan Sheekh Maxamuud ayaa Guddoomiyaha Gobolka Banaadir iyo Duqa Caasimadda Muqdisho u magacaabay Mudane Maxamed Axmed Amiir oo ah aqoonyhan ka soo shaqeeyay arrimha dhaqaalaha, horumarinta bulshada iyo maamulka iyo maaraynta.

Madaxweynaha ayaa faray Guddoomiyaha Cusub ee Gobolka Iyo Duqa Muqdisho in uu sii dhammeystiro qorshayaasha horumarineed ee Caasimadda, isaga oo mudnaanta siinaya horumarinta magaalada, gaarsiinta bulshada Caasimadda doorasho dadweyne, sare u qaadista bilicda caasimadda, baahinta adeegyada aas-aasiga ah iyo adkeynta amniga.

Madaxweyne Xasan Sheekh Maxamuud ayaa u rajeeyay Guddoomiyaha cusub ee Gobolka Banaadir ahna Duqa Muqdisho Mudane Maxamed Axmed Amiir, in uu Eebe u fududeeyo masuuliyadda culus ee loo igmaday, isagoona kula dardaarmay in uu si hufan oo daacadnimo iyo howlkarnimo leh ugu adeeggo bulshada Soomaaliyeed.

Guddoomiyaha Golaha Shacabka oo qaabilay Danjiraha Shiinaha ee Soomaaliya

Guddoomiyaha Golaha Shacabka ee Baarlamaanka Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya Mudane Sheekh Aadan Maxamed Nuur (Madoobe) ayaa xafiiskiisa kulan kula qaatay Safiirka Dowladda Jamhuuriyadda Dadka ee Shiinaha u fadhiya Soomaaliya Danjire Wang Yu, waxayna ka wada hadleen xoojinta xiriirka labada dal iyo sidoo kale dardar gelinta wada shaqeynta baarlamaanadda labada wadan.

Sidoo kale inta kulanka uu socday ayaa Guddoomiyaha Golaha Shacabka ee Baarlamaanka Dalka iyo Safiirka Dowladda Shiinaha u fadhiya Soomaaliya waxa ay ka wada hadleen sidii Dowladda Shiinaha ay Baarlamaanka Soomaaliya uga caawin laheyd dhameystirka dhismaha iyo qalabeynta xarunta Baarlamaanka.

Danjiraha Dowladda Shiinaha u fadhiya Soomaaliya ayaa sheegay in xiriirka Shiinaha iyo Soomaaliya uu mudo aad u dheer soo jiray hadana uu meel wanaagsan marayo waxaa uuna balan qaaday inuu sii dardargelin doono xoojinta xiriirka labada dal.

Guddoomiyaha Golaha Shacabka ee Baarlamaanka Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya Mudane Sheekh Aadan Maxamed Nuur (Madoobe) ayaa dowladda Shiinaha iyo shacabkeeda uga mahadceliyay taageerada ay Soomaaliya siiyaan, waxaa uuna tilmaamay in Soomaaliya iyo Shiinaha uu ka dhaxeeyo xiriir soo jireen ah oo dhinacyo badan ku dhisan.

Danjiraha JFS ee Shiinaha kulan la qaadatay Ergeyga Gaarka ah ee Dowladda Shiinaha u qaabilsan Geeska Afrika

Danjiraha dowladda Soomaaliya ee dalka Shiinaha Ambassador Hodan Cusmaan Cabdi ayaa maanta magaalada Beijing kulan kula qaadatay Ergeyga Gaarka ah ee Dowladda Shiinaha u qaabilsan arrimaha Geeska Afrika Ambassador Xue Bing.

Danjire Hodan Cusmaan Cabdi iyo Ergeyga Gaarka ah ee Dowladda Shiinaha u qaabilsan arrimaha Geeska Afrika ayaa kawada hadlay xiriirka labada dal, sidii loo sii xoojin lahaa iskaashiga istraatijika ah, loona sii horumarin lahaa xasiloonidda and horumarka Geeska Afrika.

 

Ficillada Itoobiya waddo oo u muuqda kuwa garabsiinaya Argagixisada (WARBIXIN

Dowladda Soomaaliya oo Itoobiya ku eedeysa inay faragalin iyo iska horkeen ka dhex wado beelaha Walaalaha ah ee wada dega Gobolka Gedo, waxeyna Soomaaliya ku dhawaaqday in ay diyaar u tahay Difaaca Madaxbanaanida dalka iyo dadka Soomaaliyeed, waxayna Baaq u dirtay Beesha Caalamka oo ay ugu horreyso Qaramada Midoobay Midawga Afrika in ay cambaareeyaan falkaan guracan ee Itoobiya wax ugu dhimeyso nabadda Gobolka.

Dowladda Soomaaliya, waxay mar kasta diyaar u tahay nabad kuwada noolaasho ku dhisan is ixtiraam, balse marna uma dulqaadanayso xad-gudub kasta oo waxyeelaya Madaxbanaanida, Midnimada, Amniga iyo xasiloonida Qaranka”, sidaasi waxaa lagu sheegay War-saxaafadeed ay soo saartay Dowladda Soomaaliya. Dowladda Soomaaliya waxay cambaaraynaysaa, isla markaasna ay si weyn uga soo horjeeddaa xad-gudubyada Dowladda Itoobiya ay ka waddo gudaha Soomaaliya oo ay  ku carqaladaynayso Amniga iyo Xasiloonida, tallaabooyinkaasi oo xad-gudub ku ah shuruucda Caalamka iyo Madaxbanaanida Soomaaliya, taasi oo ay wadday tan iyo isku daygeedii dhul ballaarsiga ahaa ee horraantii sanadkaan.

“Kadib markii Dowladda iyo Dadka Soomaaliyeed ay ka hor yimaadeen damaca gurracan ee Abiy Axmed, Itoobiya waxa ay si isdaba-joog ah u qaadaysay talaabooyin ay ku wiiqayso Amniga Dalka sida, in ay Dalka ku soo daabusho hub Sharci-darro ah iyo in ay gudaha Dalkeeda ku diyaariso Maleeshiyaad Soomaali ah oo ayada ka amar qaata, ka dibna ay u soo dirto gudaha Soomaaliya,  si ay colaad u huriyaan. Sida lala socday, Itoobiya waxaa ay Hub si sharci-darro ah ugu soo galisay deegaanno ka tirsan dawlad goboleedyada Puntland iyo Galmudug, sidoo kale waxaa ay gudaha Itoobiya Ku uruurisay Maleeshiyaad ay ka kaxaysay Hirshabelle” ayaa lagu yiri War-saxaafadeedka ay dowladdu soo saartay.

Dowladda Itoobiya ayaa dhawaan ka dajisay magaalada Kismaayo Labo Diyaaradood, oo sida xogta lagu hayno, ay leedahay Shirkadda diyaaradaha ee Itoobiya, kuwaasi oo waday Hub sharci-darro ah. Diyaaradahaan ayaa Itoobiya ku qaaday Shaqsiyaad uu ka mid yahay Madaxwayne ku xigeenkii hore ee Jubaland Maxamuud Sayid Aaden iyo xubno la socdo, kuwaasi oo ay dooneyso in ay u kaashato abaabulka shirqoollo ka dhan ah Ummadda iyo Dowladnimada Soomaaliyeed, ayna u xalaaleeyaan dalka Maleeshiyaad Itoobiya ka amarqaata, si ay Itoobiya u hoos-geeyaan talada Gobolka Gedo.

“Ficiladaan waxay si cad u muujinayaan Sida uu maamulka cadowtinnimada Dalka Soomaaliya ay ku fogaatey ee Itoobiya ugu mashquulsan yihiin  kala dhantaalidda Midnimada dalka, damaca dhulballaarsiga iyo dib-u-hubaynta maleeshiyaad iyo dabadhilifyo cadow kalkaal ah oo ay ku banaysanayaan qabsashada qeybo kamid ah Dalka, iyo sidoo kale carqaladeynta Amniga Soomaaliya iyo guud ahaan Gobalka geeska Afrika”. Ugu dambeyntii Dowladda Soomaaliya, waxay uga digaysaa shaqsiyaadka dalkooda kusoo hogaaminaya cadowga, ee qeybta ka ah shirqoolada looga soo horjeedo dawladnimada iyo madaxbanaanida Soomaaliya in ay dhaxli doonaan cawaaqib xumo, lana horkeeni doono sharciga, ayadoo looga digayo Dawladda Itoobiya ficiladeeda gurracan ayna dawladda Soomaaliya diyaar u tahay ka difaacidda dalkeeda cid kasta oo ku soo xad-gudubta.

Wasiir ku-xigeenka Wasaaradda Warfaafinta mudane Cabdiraxmaan Yuusuf Al-cadaala oo shir jaraa’id ku qabtay magaalada Muqdisho ayaa sheegay in dowladda Ethiopia ay ka dajisay magaalada Kismaayo Labo Diyaaradood ay leedahay Shirkadda diyaaradaha ee Itoobiya, kuwaasi oo siday Hub sharci-darro ah, wuxuuna cambaareyn dusha uga tuuray  Ficillada aan xilkaska aheyn ee Itoobiya ka waddo xuduudaha, isagoo sheegay in labadan diyaaradood ay sidoo kale magaalada Kismaayo ka qaadeen shaqsiyaad uu ka mid yahay Madaxwayne ku xigeenkii hore ee Jubaland Maxamuud Sayid Aaden iyo xubno la socdo, kuwaasi oo ay dooneyso in ay u kaashato abaabulka shirqoollo ka dhan ah Ummadda iyo Dawladnimada Soomaaliyeed, ayna u xalaaleeyaan dalka Maleeshiyaad Itoobiya ka amarqaata, si ay Itoobiya u hoos-geeyaan talada Gobolka Gedo.

“Ethiopia muddo dheer ayey mashquul ku aheyd dalkeena inay farogalin ku sameyso, waxay hub shirci darro ah soo galisay meelo ka mid ah dalka, waxayna uruurisay maleeshiyaad calool u shaqeystayaal ah, si dalka u carqaladeeyso” ayuu yiri Wasiir Cabdiraxmaan Yuusuf Al-cadaala, wuxuuna intaa ku daray in dowladda ay qaadeyso talaabooyin dalka looga difaacayo Taliska Ra’iisul Wasaare Abiy Axmed, isagoo dhanka kale sheegay in kuwa daba-dhilifka u ah Ethiopia laga qaadi doono talaabooyin waafaqsan sharciga dalka u yaalla.“Ficillada aan xilkaska aheyn ee Itoobiya waddo waxay u muuqdaan kuwa garabsiinaya kooxaha Argagixisada ah, waxa ayna ka soo horjeedaan mabaadi’da ciidamada nabad ilaalinta ATMIS oo ay qeybta ka yihiin, taasi oo meeshana ka saareysa wadahadaladii labada dowladood u socday, islamarkaana horseedaya xiisad cusub” ayuu yiri Wasiir Al-Cadaala.

Taliska Ra’iisul Wasaare Abiy Axmed ayaa sidan oo kale horay dhowr jeer hub si sharci-darro ah ugu soo galiyay deegaanno ka tirsan dowlad goboleedyada Puntland iyo Galmudug, sidoo kale waxa uu ku soo xadgudbay biyaha Soomaaliya, iyadoo heshiis beenaad la galay horaantii January Madaxweynahii hore ee Soomaliland ee Waqooyiga Soomaaliya, taasi uu kula kulmay Weji kabax dhan kasta ah, haataanna waxa uu ciidamo u soo dirayaa Deegaanno ka mid ah Soomaaliya, taasi oo la og yahay in ciidamada Itoobiya lagu wado inay dalka ka baxaan ugu dambeyn bishan Disember.

“Waxaa xaaladda sii murjiyay dhaqdhaqaaqyadii hore ee Itoobiya ee dhul-ballaarsiga, oo ay ka mid aheyd isku day ku doonaysay inay gacanta ku hayso dhul-badeedka Soomaaliya ee gobollada Waqooyi ee Soomaaliya (Somaliland),” ayuu yiri Wasiirka arrimaha dibadda ee Soomaaliya Mudane Axmed Macallim Fiqi, isagoo walaac weyn ka muujisay in dowladda Itoobiya ay hub sharci darro ah soo gelisay Soomaaliya, gaar ahaan degaannada Jubbaland, halkaas oo ay ka jiraan xiisado u dhaxeeya dowladda Federaalka iyo maamulka Jubbaland, wuxuuna intaasi raaciyay in ay walaac ka muujinayaan tallaabooyinka qaar oo ay qaadday dowladda Itoobiya, kuwaasi oo uu sheegay inay xad-gudubyo cad ku yihiin madax-bannaanida, arrimaha gudaha, iyo amniga Soomaaliya, islamaraasna ka hor imanaya shuruucda iyo xeerarka caalamiga ah.

Wasiir Fiqi wuxuu sheegay falalkani inay  khatar ku yihiin xasilloonida gobolka, ayna wiiqayaan xiriirka derisnimo, iyo mabaadi’da nabad-ilaalinta ee Howlgalka Ku-meel-gaarka ah ee Midowga Afrika ee Soomaaliya (ATMIS), isagoo xusay in tallaabooyinka Itoobiya ay carqaladaynaya wada-xaajoodyadii Ankara ee u dhexeeyay Soomaaliya iyo Itoobiya.

Wasiirka Maaliyadda XFS oo ka qeybgalay shirka Sanad laha ah ee Maaliyadda Afrika

Wasiirka Maaliyadda XFS mudane Biixi Imaan Cige ayaa maalintii Labaad ka qeyb galaya shirka Sanad laha ah ee Maaliyadda Afrika (𝐀𝐟𝐫i𝐜𝐚 𝐅𝐢𝐧𝐚𝐧𝐜𝐢𝐚𝐥 𝐒𝐮𝐦𝐦𝐢𝐭) oo lagu qabanayo magaalada Casablanca ee Boqortooyada Morocco.

Shirkan oo maanta lagu soo gabagabeen doono magaalada Casablanca ee Boqortooyada Morocco ayaa waxa uu ka qeyb gali doonaa Wasiirka Maaliyadda kulamo guud iyo kuwo gaar ah oo ay ka mid yihiin doodo iyo hadal jeedino ku saabsan wadadii Soomaaliya ee deyn-cafinta oo cashar ku dayasho mudan ay ku tilmaameen dalalka iyo hey’adaha dhaqaalaha Adduunka.

Ka sokoow hadal-jeediyeyaasha muhiimka ah, waxaa sidoo kale uu Wasiirku ka mid noqon doonaa Madasha Doodda sare ee shirka taas oo si gaar ah Dowladda Soomaaliya looga dhageysan doono aragtida, talada iyo qaabka ugu fudud ee loo maareeyo deymaha maadaama Soomaaliya ay noqotay dalkii ugu dambeeyay ee hannaanka deyn cafinta ka soo gudbay.

Safiirka JFS ee Uganda oo kulan la qaadatay Odayaasha iyo Waxgaradka ku nool dalkaasi

Danjiraha Safaaradda Soomaaliya ee Uganda, Amb. Fardowsa Maxamed Qanyare ayaa maanta kulan muhiim ah kula qaadatay Xarunta Safaaradda qaar ka mid ah Odayaasha iyo Waxgaradka Soomaaliyeed ee ku dhaqan magaalada Kampala. Kulankan ayaa diiradda lagu saaray sidii loo xoojin lahaa wada-shaqeynta iyo xiriirka u dhexeeya safaaradda iyo jaaliyadda.

Amb. Fardowsa Maxamed Qanyare ayaa Odayaasha kulanka ka soo qayb galay u caddeysay in siyaasaddeeda cusub ee hoggaaminta safaaradda ay tahay mid ku saleysan cadaalad iyo sinnaan ay helaan dhammaan muwaadiniinta Soomaaliyeed. Waxay sheegtay in aysan jiri doonin cid gaar ah oo safaaradda u xiran tahay ama cid kale oo laga xigsan karo, maadaama safaaraddu tahay xarun dowli ah oo loo wada siman yahay.

Sidoo kale Danjiraha ayaa xustay in safaaradda ay tahay goob qaran oo albaabadeeda u furan yihiin dhammaan muwaadiniinta Soomaaliyeed, iyadoona ku adkeysay inay diyaar u tahay inay u adeegto bulshada Soomaaliyeed ee ku dhaqan Uganda.

Dhankooda Odayaashii ka qeyb galay kulanka ayaa si diiran u soo dhaweeyay dadaalka safiiradda, iyagoo ballan qaaday inay si buuxda ula shaqeyn doonaan safaaradda si loo horumariyo danaha guud ee jaaliyadda Soomaaliyeed ee Uganda ku nool.

Kulankan ayaa bilow u ah kulamo ay safiiradda la yeelan doonto dhammaan qaybaha kala duwan ee Bulshada Soomaaliyeed ee Uganda ku dhaqan.