𝐖𝐚𝐟𝐝𝐢 𝐤𝐚 𝐬𝐨𝐜𝐝𝐚 𝐖𝐚𝐚𝐬𝐚𝐫𝐚𝐝𝐝𝐚 𝐂𝐚𝐚𝐟𝐢𝐦𝐚𝐚𝐝𝐤𝐚 𝐨𝐨 𝐚𝐪𝐨𝐨𝐧 𝐤𝐨𝐫𝐚𝐫𝐬𝐢 𝐢𝐲𝐨 𝐡𝐨𝐰𝐥𝐨 𝐬𝐡𝐚𝐪𝐨 𝐮 𝐭𝐚𝐠𝐞𝐲 𝐝𝐚𝐥𝐤𝐚 𝐅𝐢𝐧𝐥𝐚𝐧𝐝

-Agaasimaha Isbitaalka Banaadir Dr. Fartun Sharif Mohamed iyo agaasime ku xigeenka Isbitalka Banaadir Dr. Amina Hassan Hussein oo howlo shaqo u joogay dalka Finland ayaa booqashooyin ku tagey xarumo Caafimaad oo ku yaala dalkaasi si khibradaha iyo aqoonta la isku dhaafsado taasoo ka qeyb qaadan karta in Isbitaalka Banaadir la sii horumariyo howlaha shaqo ee uu u hayo bulsho waynta Soomaaliyeed.

Agaasimayaasha ayaa inta ay ku sugnaayeen dalkaasi waxey kulamo la qaateen Hey’adda IOM ,machadka Caafimaadka Qaranka, Maamulada Isbitalada iyo Jaamacadda ee ka shaqeeya arrimaha Caafimaadka, ayagoo sidoo kalena la kulmay bahda Caafimaadka ku sugan ee dalkaasi.

Ujeedada booqashada ayaa aheyd horumarinta adeega Caafimaadka Hooyada iyo dhallaanka loogana wada shaqeyn lahaa kor uqaadida xirfadlayaasha Caafimaadka sida tababarada shaqaalaha iyo helida qalab casri ah si loogu adeego bulshada Soomaaliyeed.

Dadaaladan ayaa waxa ay qeyb ka yihiin siyaasada ay Wasaaradda Caafimaadka ku yareynayso sababaha keena dhimashada Hooyada iyo dhallaanka Soomaaliyeed, dalka Finland ayaa ah dalalka sida weyn ugu hormarsan arrimaha Caafimaadka gaar ahaa Qeybta Hooyada iyo Dhallaanka.

Kulan dadweyne kuna aadan dhameystirka Dastuurka iyo xoojinta Garsoorka oo lagu qabtay Muqdisho

Kulanka ayaa waxaa kasoo qayb galay dadwayne isugu jira qeybaha Bulshada, waxayna madaxda hay’addaha u xil-saaran dastuurka ka dhagaysteen warbixin ku aadan dib-u-eegista dastuurka guud ahaan iyo gaar ahaan Cutubka 9-aad oo ka hadlaya xoojinta Garsoorka & Madax-banaanidiisa.

Kullanka oo waqti dheer qaatay ayaa su’aalo lagu waydiiyay Madax ka tirsan Sadaxda Hay’adood ee Dastuurka u xil saaran waxaana si toos ah uga jawaabayay su’aalaha dadwaynaha masuuliyiinta kala ah Wasiirka Wasaaradda Cadaaladda & Arrimaha Dastuurka XFS Mudane Xassan Macallim Maxamuud, Guddoomiyaha Guddiga Madaxa-bannaan ee Dastuurka Avv. Burhaan Aadan Cumar iyo Xoghayaha Guddiga La-socodka Dastuurka ee Baarlamaanka, Sanetor Siciid Cabdi Xassan Cowke.

Wasiiru-dowlaha Cadaaladda iyo Arrimaha Dastuurka XFS, Danjire Ilyaas Sheekh ayaa dhankiisa si qota dheer uga hadlay muhiimadda ay leedahay Asteynta awoodaha heerarka dowladeed u leeyihiin muwaadiniinta Soomaaliyeed.

Doodda Cutubka 9aad ee ka hadlaysa Xoojinta Garsoorka ayaa u dhacday si habsami leh iyadoo dadwaynaha ay soo bandhigayeen fikradahooda iyo tallooyinkooda ku aadan Cutubkaas waxaana ugu dambeyn laysla wada gartay ahmiyadda dhamaystirka Dastuurka iyo Xoojinta Garsoorka dalka si garsoorku u noqdo mid dhamaystiran oo madax-bannaan.

Danjiraha JFS ee Uganda oo kulan la qaadatay Xoghayaha Joogtada Wasaaradda Arrimaha Dibadda dalkaasi

Danjiraha Safaaradda Soomaaliya ee Uganda Amb. Fardowsa Maxamed Qanyare oo kulan la qaadatay Xoghayaha Joogtada Wasaaradda Arrimaha Dibadda ee Uganda Vincent Bagira ayaa kala hadashay arrimo badan oo xariirka labada dal ah.

Danjire Fardowso ayaa ugu horayn uga mahadcelisay dalka Uganda sida ay uga qeyb qaataan had iyo jeer nabadda iyo dawlad dhiska Soomaaliya, waxa ayna balanqaaday in ay ku dadaali doonto xoojinta xiriirka labada wadan ee Soomaaliya iyo Uganda.

Danjiraha iyo Xoghayaha Joogtada ayaa sidoo kale ka hadlay sida ay muhiimka u tahay in la qabto shirarkii Guddiyada Wadajirka ah ee labada dhinac (Joint Permanant Commission’JPC) iyo xilliga ugu haboon ee ay tahay in la qabto iyo sidii loogu diyaargaroobi lahaa, iyadoo lagu wado in kulanka soo socda uu ka dhaco magaalada Muqdisho.

Danjire Fardowsa ayaa intaas kadib u gudbisay Xoghayaha Joogtada ah dhowr arrimood oo muhiim u ah Jaaliyadda Soomaaliyeed ee degan dalkan Uganda, kuwaas oo u baahan in wax laga qabto.

Xoghayaha Joogtada ayaa sidoo kale balan qaaday in ardayda Soomaaliyeed loola macaamili doono sida kuwa EAC-da, isagoo hoosta ka xariiqay in arrinka kala fariisanayaan Wasaardda Waxbarashada, kadibna la gaarsiin doono dhammaan hay’adaha waxbarashada Uganda.

Wasiir Al-cadaala: Ethiopia waxay hub sharci-darro ah ka dajisay Kismaayo

Wasiir ku-xigeenka wasaaradda Warfaafinta mudane Cabdiraxmaan Yuusuf Al-cadaala oo shir jaraa’id ku qabtay magaalada Muqdisho ayaa sheegay in dowladda Ethiopia ay ka dajisay magaalada Kismaayo Labo Diyaaradood ay leedahay Shirkadda diyaaradaha ee Itoobiya kuwaas oo siday Hub sharci-darro ah.

Mudane Cabdiraxmaan Yuusuf Al-cadaala oo cambaareeyay Ficillada aan xilkaska ahayn ee Itoobiya ka waddo xuduudaha ayaa sidoo kale sheegay in labadan diyaaradood ay sidoo kale magaalada Kismaayo ka qaadeen shaqsiyaad uu ka mid yahay Madaxwayne ku xigeenkii hore ee Jubaland Maxamuud Sayid Aaden iyo xubno la socdo kuwaas oo ay doonayso in ay u kaashato abaabulka shirqoollo ka dhan ah umadda iyo Dawladnimada Soomaaliyeed, ayna u xalaaleeyaan dalka Maleeshiyaad Itoobiya ka amarqaata si ay Itoobiya u hoos-geeyaan talada Gobolka Gedo.

“Ethiopia muddo dheer ayey mashquul ku aheyd dalkeena inay farogalin ku sameyso, waxay hub shirci darro ah soo galisay meelo kamid ah dalka, waxayna uruurisay maleeshiyaad calool u shaqeystayaal ah, si dalka u carqaladeeyso” ayuu yiri Wasiir Cabdiraxmaan Yuusuf Al-cadaala.

Wasiir Al-cadaala ayaa sheegay in dowladda ay qaadeyso talaabooyin dalka looga difaacayo taliska Ra’iisul Wasaare Abiy Axmed, isagoo dhanka kale sheegay in kuwa daba-dhilifka u ah Ethiopia laga qaadi doono talaabooyin waafaqsan sharciga dalka.

“Ficillada aan xilkaska ahayn ee Itoobiya waddo waxay u muuqdaan kuwa garabsiinaya kooxaha argagixisada ah, waxa ayna kasoo horjeedaan mabaadi’da ciidamada nabad ilaalinta ATMIS oo ay qeybta ka yihiin, taas oo meeshana ka saaraysa wadahadaladii labada dawladood u socday, isla markaana horseedaya xiisad cusub” ayuu yiri wasiir Al-cadaala.

Taliska Ra’iisul Wasaare Abiy Axmed ayaa sidan oo kale horay dhoor jeer hub si sharci-darro ah ugu soo galiyay deegaanno ka tirsan dawlad goboleedyada Puntland iyo Galmudug, sidoo kale waxa uu ku soo xadgudbay biyaha Soomaaliya, iyadoo heshiis beenaad la galay horaantii January Madaxweynahii hore ee Soomaliland ee Waqooyiga Soomaaliya, taas uu kula kulmay waji kabax dhan kasta ah.

Shirka Madasha Istiraatiijiyadda Xiriirka Warbaahinta Soomaaliya oo Muqdisho lagu soo xiray

Shirkaan oo muddo labo maalin ah ka socday magaalada Muqdisho ayaa waxaa looga hadlay Muhiimada Istiraatiijiyadda Xiriirka Warbaahinta Soomaaliya, iyo sidii loo mideyn lahaa Fariimaha Dowladda iyo Maamulada Xubnaha ka ah Dowladda Federaalka.

Shirkaan waxaa soo agaasintay Wasaaradda Warfaafinta Dhaqanka iyo Dalxiiska Soomaaliya, waxaana Furintaankiisa ka hadlay Wasiir ku xigeenka Wasaaradda ahna ku simaha Wasiirka Mudane Cabdirahmaan Yuusuf Al-Cadaala, isaga oo sheegay in Xukuumadda Soomaaliya ay xoogga saartay sidii loo mideyn lahaa fariimaha Dowladda, iyo jihaynta shacabka Soomaaliyeed, isla markaana laga gaaray guulo wax ku ool ah.

Maalinkii koowaad ee Shirka waxaa aad loo faaqiday saddex dood oo kala ahaa Maareynta muhiimada Xiriirka Warbaahinta Xilligaan Casriga ah, hagaajinta iyo Mideynta fariimaha hay’addaha kala duwan ee Dowladda, iyo Fududeynta Xaqa Xog Helista Warbaahinta iyo Dadweynaha.

Doodahaan waxaa ka qeyb galay Madax ka tirsan hay’addaha kala duwan ee dowladda, khubarro dhinaca Warbaahinta ah, Siyaasiyiin iyo xiriirka dadweynaha, xafiisyada Warfaafinta dowladda Federaalka, dowladaha xubnaha ka ah, wariyayaal iyo qeybaha kale ee bulshada.

Agaasimaha Guud ee Wasaaradda Warfaafinta Dhaqanka iyo Dalxiiska Mudane Cabdullaahi Xayir Ducaale ayaa tilmaamay in ay madashan tahay fursad ay ku wada hadlaan dowladda, Warbaahinta iyo dadweynaha si loo xoojiyo wacyi-galinta dadweynaha iyo kor u qaadista daah furnaanta dowladda.

Maanta oo shirka lasoo xiray, waxaa goobjoog ka ahaa Wasiiro ka tiran Dowladda Faderaalka Soomaaliya, Wakiilada Maamul goboleedyada, Maamulka G/Banaadir, Warbaahinta, Bulshada Rayidka iyo Saaxiibada Caalamka, si loo xoojiyo iskaashiga Warfaafinta iyo xiriirka dadweynaha.

Dadka maanta ka qeyb galay shirka waxaa qeyb ka ahaa Wasiirka Gaashaandhigga Soomaaliya Cabduqaadir Maxamed Nuur, Wasiirka Qorshaynta XFS Maxamuud Beenebeene, Wasiirka Isgaarsiinta Maxamed Soomaali, Wasiirka Qoyska Bashiir Mohamed Jaamac Goobe, Wasiir kuxigeenka Warfaafinta Cabdiraxmaan Al-cadaala, madax ka tirsan dowlad goboleedyada, gobolka Banaadir, wakiillo ka socda beesha caalamka iyo marti kale.

Wasiirka Gaashaandhigga Soomaaliya Cabduqaadir Mohamed Nor ayaa shirka ka sheegay in Warbaahintu Door muhiim ah ka qaadatay dagaalka dalka looga xoreynaayo khawaarijta “Guulaha laga gaaray Dagaalka Khawaarijta, warbaahinta waxay ka qaadatay Door muhiim ah, waxaa lasoo bandhigay Boobka iyo Dullaysiga Khawaarijtu ku haysay Bulshadii laga xoreeyay” ayuu yiri Wasiir jaamac.

Wasiirka Isgaarsiinta Soomaaliya Mudane Mohamed Aadan Moalim, ayaa xusay in shirkaan oo muhiim u ahaa midaynta fariimaha Dowladda si isku mid loogu wajaho dagaalka Khawaarijta wuxuuna intaa ku daray ”Inaga oo kaashanayna Wasaaradda Warfaafinta Waxaan meesha ka saarnay kumanaan Akoonno Baraha Bulshada Khawaarijtu ku marin habaabinaysay Dadkeena”.

Sidoo kole Wasiirka Qorshaynta Xukuumada Maxamuud Cabdirahman Beenebeene oo Madasha ka hadlay yaa faahfaahin ka bixiyay sida uu dowlad dhiska iyo horumarka dalka muhiim ugu yahay Qorshaha Horumarinta Qaranka oo mudooyinkii lasoo dhaafay ka socday Teendhada Afisyoone.

Masuu’liyiintii goobta ka hadashay waxaa qeyb ka ahaa Wasiirka Qoyska iyo Xaquuqul Insaanka Mudane Bashiir Mohamed Jaamac Goobe. Waxaa uu xusay in warbaahintu door muhim ah ku leedahay Midnimada iyo wadajirka Dadka Soomaaliyeed “Qofka waxay masuuliyad ka saran tahay ilaalinta Xuquuqda, warbaahintana waxaan ku boorinaynaa inaysan waxyeelayn mideynta Bulshadeena”

Gunnaanadkii waxaa Madasha ka hadlay Wakiilada ka socday sida Wakiilka ATMIS ee Soomaaliya wuxuu yiri “Horumarinta iyo midaynta xiriirka Warbaahinta waxay muhiim u tahay ka hortagga been abuurka Khawaarijtu ay ku marin habaabinayaan bulshada”

Ari Gaitnis oo ka socday xafiiska Qaramada Midoobay ayaa isna sharaxamay muhiimda Madasha Istiraatiijiyadda Xiriirka Warbaahinta Soomaaliya ” Istiraatiijiyadda xiriirka aad ayay muhiim inoogu tahay, ka UN ahaan maadaama dadka Soomaaliyeed aan ka taageerno dhinacyo badan, waana talaabo horumar horseedi karta” ayuu ku daray hadalkiisa.

Dood ku saabsan la dagaalanka Xagjirnimada ayaa lagu soo xiray doodihii Madasha oo ahayd tii ugu horeysay ee Istiraatiyadda Xiriirka Warbaahinta.

Ku simaha Agaasimaha guud ee wasaaradda Mudane Cabdinaasir Xuseen Xasan ayaa uga dambeyn xiritaanka u mahad celiyay qeybaha bulshada, madaxda hay’adaha dowladda Federaalka, Dowladaha xubnaha ka ah, Bahda saxaafadda iyo saaxiibadda Caalamka ee ka qeyb galay Madasha.

Madasha Istiraatiijiyadda Xiriirka Warbaahinta Soomaaliya ee shalay galinkii dambe lasoo xiray oo ay qabashadeeda Wasaaradda uu ka taageeray Hawlgalka ku meel gaarka ah ee Qaramada midoobay  UNTMIS ayaa filashadeedu tahay inuu horseed u noqdo Jihaynta Bulshada ee Dowlad dhiska, mideynta Fariimaha iyo sidii kor loogu qaadi lahaa wacyiga Bulshadeena.

Taliye Nuur Farey oo kormeeray difaacyada ciidamada xoogga dalka ee deegaanka Janaale

Taliyaha Guutada 14-ka October ee Ciidanka Dhulka Xoogga Dalka Soomaaliyeed G/sare Nuur Maxamed Gaabow “Nur Farey” oo ku sugan deegaanka Janaale ayaa booqasho dhiiragelin ah ku tegay difaacyada Ururada 144-aad iyo 145-aad ee kawada tirsan Guutada 14-ka October, gacantana ku haya deegaankaas.

G/sare Nur Farey ayaa ciidanka ku bogaadiyay guulihii ay ka gaareen howlgalladii ugu dambeeyay ee ay ku khaarijiyeen maleeshiyaad ay Khawaarijta ku diyaarinaysay tuulooyin hoostaga deegaanka Janaale ee gobolka Shabeellaha Hoose.

Wuxuuna ciidamada geesiyada ah ku dhiirageliyay in ay laba jibaaraan dagaalka ka dhanka ah Khawaarijta iyo sidii looga sifeyn lahaa deegaannada fara ku tiriska ah ay ku dhuumaaleysanayaan.

     

Sheekh Cali Wajiis “Khawarijta Soomaaliya joogta waa kuwo aad xagjir u ah,”

Sheekh Cali Wajiis oo ka mid ah culumada Soomaaliya lana hadlay warbaahinta Qaranka ayaa ka hadlay falalka gurracan ee Khawaarijta iyo dhibaatada ay ku hayaan shacabka Soomaaliyeed ayaa sheegay in Khawaarijta joogta Soomaaliya ay yihiin kuwo aad xagjir u ah marka loo fiiriyo kuwa dunida kale ka jira oo badankooda fikirkaas ka tanaasulay.
Wuxuu sheegay Sheekha in Khawaarijta joogta adduunka dhammaan ay isku wada xiran yihiin, balse waxa cajiibka ah ay tahay in ay kooxihii Al-Qaaidda ee ku kala firiirsaneyd caalamka kulligood ay ka toobad keeneen falalkii gurracnaa ee ay ku foognaayeen,islamarkaana ay dagaallada joojiyeen dadkoodana dib ay ula heshiiyeen, isagoo hadalkiisa intaasi raaciyay in kooxda Khawaarijta Al-shabaab-Soomaaliya kaliya ay ka hareen.
”Khawaarijta Adduunka oo dhan waa ay isku wada xiran yihiin oo, waxaa cajiib ah furuucdii Al-Qaa’idda ee ku kala firirsaneyd caalamka, ururkaas ku jiray dhammaan furuucdii ku jirtay caalamka joogtay kulligood waa ka toobad keeneen fikirkaas weyna ka hareen, dagaalladana waa ay joojiyeen mushtamacaadkooda dib ula heshiiyeen ilaa kooxda Soomaaliya joogta maahinee, kuwa Soomaaliya kaliya ayaa fikirka aad ugu dheggan waliba xagjir ku ah,sababtana wax kale ma ahinee, iyaga fikirkooda fikir waddani ah oo dalka ka yimid ma ahan niman adduunka ka soo cararay iyo kuwo kale oo gobollo fog fog jooga oo koonfurta Soomaaliya degganaasho u ogoleyn ayaa maalgelin jiray, marka waa mashruuc ku dhisan xaqdi, cadowtinimo iyo Soomaaliya in dowladnimo loo diidan yahay,,”.
Cadowtinimada kooxda KHawaarijta Al-shabaab ayaa laga garan karaa camburinta, argagax gelinta iyo dilalka joogtada ah ay ku hayso shacabka Soomaaliya iyo bur burinta goobaha cibaadada sida Masaajidda, Dugsiyada Qur’aanka iyo goobaha kale ee lagu barto diinteena Islaamka.

Dowladda Federaalka oo cambaareysay falalka gurracan ee Itoobiya ay ka waddo xuduudaha dalka

Dawladda Soomaaliya waxay cambaaraynaysaa, isla markaasna ay si weyn uga soo horjeeddaa xad-gudubyada Dawladda Itoobiya ay ka waddo gudaha Soomaaliya oo ay  ku carqaladaynayso Amniga iyo Xasiloonida, tallaabooyinkaas oo xad-gudub Ku ah shuruucda caalamka iyo Madaxbanaanida Soomaaliya, taas oo ay wadday tan iyo isku daygeedii dhul ballaarsiga ahaa ee horaantii sanadkaan.

Kadib markii Dawladda iyo Dadka Soomaaliyeed ay ka hor yimaadeen damaca gurracan ee Abiy Axmed, Itoobiya waxa ay si isdaba-joog ah u qaadaysay talaabooyin ay Ku wiiqayso Amniga Dalka Sida, in ay Dalka kusoo daabusho hub Sharci-darro ah iyo in ay gudaha Dalkeeda Ku diyaariso maleeshiyaad Soomaali ah oo ayada ka amar qaata ka dibna ay usoo dirto gudaha Soomaaliya si ay colaad u huriyaan.

Sida lala socday, Itoobiya waxaa ay Hub si sharci-darro ah ugu soo galisay deegaanno ka tirsan dawlad goboleedyada Puntland iyo Galmudug, sidoo kale waxaa ay gudaha Itoobiya Ku uruurisay Maleeshiyaad ay ka kaxaysay Hirshabelle.

Markale ayay maalintii shalay ahayd ka dajisay magaalada Kismaayo Labo Diyaaradood, oo Sida aan xogta Ku hayno, ay leedahay Shirkadda diyaaradaha ee Itoobiya kuwaas oo waday Hub sharci-darro ah. Diyaaradahaan ayaa Itoobiya ku qaaday Shaqsiyaad uu ka mid yahay Madaxwayne ku xigeenkii hore ee Jubaland Maxamuud Sayid Aaden iyo xubno la socdo kuwaas oo ay doonayso in ay u kaashato abaabulka shirqoollo ka dhan ah umadda iyo Dawladnimada Soomaaliyeed, ayna u xalaaleeyaan dalka Maleeshiyaad Itoobiya ka amarqaata si ay Itoobiya u hoos-geeyaan talada Gobolka Gedo.

Ficiladaan waxeey si cad u muujinayaan Sida uu maamulka cadowtinnimada Dalka Soomaaliya ay ku fogaatey ee Itoobiya ugu mashquulsan yihiin  kala dhantaalidda Midnimada dalka, damaca dhulballaarsiga iyo dib-u-hubaynta maleeshiyaad iyo dabadhilifyo cadow kalkaal ah oo ay ku banaysanayaan qabsashada qeybo kamid ah Dalka, iyo sidoo kale carqaladeynta Amniga Soomaaliya iyo guud ahaan Gobalka geeska Afrika.

Ficillada aan xilkaska ahayn ee Itoobiya waddo waxay u muuqdaan kuwa garabsiinaya kooxaha argagixisada ah, waxa ayna kasoo horjeedaan mabaadi’da ciidamada nabad ilaalinta ATMIS oo ay qeybta ka yihiin, taas oo meeshana ka saaraysa wadahadaladii labada dawladood u socday, isla markaana horseedaya xiisad cusub.

Dawladda Soomaaliya, waxay uga digaysaa shaqsiyaadka dalkooda kusoo hogaaminaya cadowga, ee qeybta ka ah shirqoolada looga soo horjeedo dawladnimada iyo madaxbanaanida Soomaaliya in ay dhaxli doonaan cawaaqib xumo, lana horkeeni doono sharciga, ayadoo looga digayo Dawladda Itoobiya ficiladeeda gurracan ayna dawladda Soomaaliya diyaar u tahay ka difaacidda dalkeeda cid kasta oo ku soo xad-gudubta.

Dawladda Soomaaliya, waxeey markasta diyaar u tahay nabad kuwada noolaasho ku dhisan is ixtiraam balse marna uma dulqaadanayso xad-gudub kasta oo waxyeelaya Madaxbanaanida, Midnimada, Amniga iyo xasiloonida Qaranka.

                          Halkan hoose ka akhirso warxaafadeedka Dowladda:- 

Dhallinyaro Soomaaliyeed oo tahriib ahaa oo laga sii daayay Suudaan

Siihayaha Safaaradda Soomaaliya ee Dalka Suudaan Mudane Axmed Suudaani ayaa maanta garoonka diyaaradaha ee magaalada Portsudan ka sagootiyay dhallinyaro Soomaaliyeed oo muddo 3 bilood ah ku xirnaa xabsiyo ku kala yaalla magaalooyinka Dungula iyo Gadaarif.

Dhallinyaradan oo tiradoodu tahay 22-Qof oo wiilal iyo gabdho isugu jira ayaa markii hore la qabtay iyagoo ku socda qaab tahriib ah.

Sii deynta dhallinyaradaan waxaa qeyb weyn ka qaatay hay’adda IOM oo kaashanaysa xafiiskeeda ka hawlgala Portsudan, waxaa sidoo kale, weli gacanta hay’adaha amniga ee dalka Suudaan ku jira saddex qof oo dhallinyaro ah, kuwaas oo baaritaan uu ku socdo, waxaana la rajeynayaa in iyagana sida uga dhaqsiyaha badan looga loo soo sii deyn doono si ay ugu soo laabtaan dalkooda hooyo.

 

      

Xoghaya joogtada wasaaradda Arrimaha Dibadda oo kulan la qaatay Madaxa Hay’adda IOM ee Soomaaliya

Xoghayaha Joogtada ah ee Wasaaradda Arrimaha Dibedda iyo Iskaashiga Caalamiga Mudane Xamza Aadan Xaadoow, ayaa kulan Muhiim ah la qaadatay Madaxa Hay’adda IOM ee Soomaaliya Mr. Manuel Marques Pereira, iyagoo ka wada hadlay Socdaalka joogtada ahayn iyo saameyntiisa. Kulanka ayaa diiradda lagu saaray sidii loo heli lahaa xalal waara oo wax looga qabanayo caqabadaha tahriibka iyo yareynta dhibaatooyinka bani’aadannimo ee ay sababaan tahriibka, iyo sida ay Wasaaraddu uga go’an tahay xaqiijinta waddooyinka socdaalka ee badbaadada leh.

Kulanka ayaa sidoo kale lagu lafa guray sidii la isku waafajin lahaa dadaallada IOM iyo Qorshaha Isbeddelka Qaran ee Soomaaliya, kaas oo ah istaraatiijiyad shanta sano ah oo lagu dhaqaajinayo horumarka dalka ee dhinacyada muhiimka ah, Mudane Xamza Xaadow ayaa ku nuux-nuux saday in Wasaaradda ay hormuud ka tahay kobcinta wadashaqeynta iyo horumarinta himilooyinka Soomaaliya, waxa uuna caddeeyay doorka ay ku leedahay horumarinta dadaallada lagu dhisayo Qaran horumarsan.

Mr. Marques Pereira ayaa bogaadiyay habka firfircoon ee Wasaaradda, wuxuuna carrabka ku adkeeyay baahida loo qabo saaxiibada caalamiga ah inay diiradda saaraan fursadaha horumarineed ee Soomaaliya. Waxa uu ku celiyay taageerada IOM ee ajendaha isbeddelka Qaran ee Soomaaliya iyo sida ay diyaarka ugu yihiin in ay iska kaashadaan hindisayaasha kobcinaya horumar waara.