Wasiirka Gaashaandhigga “Guulaha laga gaaray dagaalka Khawaarijta warbaahintu waxa ay ka qaadatay door muhiim ah”

Wasiirka Gaashaandhigga XFS mudane Cabdulqaadir Maxamed Nuur,oo ka qeyb galayay shirka madasha Istiraatiijiyadda xiriirka Warbaahinta ayaa sheegay in warbaahintu ay kaalin wey ka qaadatay dagaalka ka dhanka ah khawaarijta iyo sidii bulshada looga wacyigalin lahaa fariimaha qaldan iyo ka been sheegida diinta islaamka.

“Guulaha laga gaaray dagaalka Khawaarijta, warbaahintu waxa ay ka qaadatay door muhiim ah maadaama ay soo bandhigtay boobka ay dadka u geysteen” Wasiirka Gaashaandhigga XFS Cabdulqaadir Maxamad Nuur.

Wasiir Cabdulqaadir Maxamed Nuur ayaa tilmaamay in dowladda ay guula wawey ka gaartay dagaalka lagula jira khawaarijta,waxa una warbaahinta dhamman ugu baaqay in laga wada shaqeeyo mideynta fariimaha dowladda iyo xoojinta dagaalka ka dhanka ah khawaarijta.

Shirka madasha Istiraatiijiyadda iyo xiriirka warbahinta Soomaaliya oo ay soo qaban qaabisay wasaaradda warfaafinta ayaa ujeedka ugu muhiimsan waxa uu yahay sidii loo mideyn lahaa fariimaha dowladda iyo ka shaqeynta qorshaha hormarinta dalka,waxana ku biiray maanta wasiirro iyo xubno katirsan beesha caalamka.

𝐀𝐠𝐚𝐚𝐬𝐢𝐦𝐚𝐡𝐚 𝐇𝐚𝐲’𝐚𝐝𝐝𝐚 𝐒𝐨𝐜𝐝𝐚𝐚𝐥𝐤𝐚 𝐨𝐨 𝐤𝐮𝐥𝐚𝐧 𝐥𝐚 𝐲𝐞𝐞𝐬𝐡𝐚𝐲 𝐒𝐚𝐫𝐚𝐚𝐤𝐢𝐢𝐬𝐡𝐚 𝐗𝐚𝐟𝐢𝐢𝐬𝐤𝐚 𝐃𝐚𝐚𝐛𝐚𝐜𝐚𝐚𝐝𝐝𝐚 𝐁𝐚𝐚𝐬𝐚𝐛𝐨𝐨𝐫𝐫𝐚𝐝𝐚 𝐞𝐞 𝐖𝐚𝐚𝐱𝐝𝐚 𝐉𝐢𝐧𝐬𝐢𝐲𝐚𝐝𝐝𝐚.

-Agaasimaha Guud ee Hay’adda Socdaalka iyo Jinsiyadda Soomaaliya Mudane Ahmed Said Mohamed ayaa maanta kulan la yeeshay saraakiisha xafiiska daabacaadda baasaboorrada si loo dardargaliyo hawlaha socda iyo horumarka laga gaaray howlaha adeeg bixinta baasaboorrada.

Intii uu socday kulanka, saraakiisha daabacaadda baasaboorrada ayaa soo bandhigay warbixin faahfaahsan oo ku saabsan habsami u socodka shaqada xafiiska, caqabadaha haysta iyo guulaha la gaaray bilihii la soo dhaafay. Xafiiska daabacaadda ayaa soo bandhigay sida ay ugu heellan yihiin in ay si waqtiyeysan oo hufan u daboolaan baahiyaha baasaboorrada ee muwaadiniinta Soomaaliyeed ee ku nool gudaha iyo dibadda.

Agaasimaha Guud ayaa bogaadiyay dadaallada Xafiiska iyo shaqaalaha ka shaqeeya iyo sida ay ugu go’an tahay in ay bulshada ugu adeegaan. Sidoo kale Agaasimaha Guud ayaa ku adkeeyay muhiimadda ay leedahay dardar-gelinta hawlaha maalinlaha ah si loo daboolo baahida sii kordheysa ee baasaboorrada loona hagaajiyo adeegyada.

 

  

Mucaaradka Syria oo ku dhawaaqay in Dimishiq ay ka xorowday Bashaar Al-Assad

Mucaaradka hubeysan ee Suuriya ayaa sheegay in dagaalyahanadooda ay qabsadeen magaalada caasimadda ah ee Dimishiq,isla markaana  madaxweyne Bashaar Al-Asadna uu u baxsaday meel aan la garaneyn.

Taliyaha Hayat Tahrir al-Sham, Abu Mohammed al-Julani, ayaa sheegay in dhammaan mas’uuliyiinta hay’adaha dawliga ah ay sii shaqeyn doonaan ilaa inta si rasmi ah looga wareejinaayo xilalkaasi.

hadaladaan ayaa imaanaya saacado kadib markii kooxaha mucaaradka ay qabsadeen magaalooyin dhowr ah oo ay weerar culus ku qaadeen,waxaana warku intaa ku daray in ciidamada mucaaradka amar lagu siiyay in ay ilaalaiyaan xarumaha muhiimka ah ee laga fuliyo adeegga dadweynaha iyo kuwa dowladda.

Xaaladda Magaalada caasimadda ah waxay ku soo noqotay sidii caadiga aheyd,waxaana jira dad badan oo mucaaradka ay ka sii daayeen xabsida.

Qatar, Saudi Arabia, Jordan, Masar, Iraq, Iran, Turkey iyo Russia ayaa goor hore oo xalay ah soo saaray bayaan wadajir ah, iyagoo ku tilmaamay xiisadda Suuriya inay tahay horumar halis ah ,waxayna  ku baaqeen in xal siyaasadeed la gaaro.

Shirka Madasha Istiraatiijiyadda Xiriirka Warbaahinta oo Maalintii labaad ka socdo Muqdisho

;-Waxaa maalintii labaad Muqdisho ka socda Shirka Madasha Istiraatiijiyadda Xiriirka Warbaahinta Soomaaliya.

Shirka oo maanta lasoo xirayo waxaa ka qeyb galaya wasiirro ka tirsan XFS, madax ka socota dowladaha xubnaha ka ah Dowladda Federaalka Soomaaliya, Wakiilo ka socda beesha caalamka iyo marti kale.

Madashaan waxaa sidoo kale ka qeybgalay khubarro, aqoonyahanno iyo qeybaha bulshada oo wasaaraddu ay ku casuumtay Madashaan ayaa falanqeyn, doodo iyo hadal-jeedinba ka yeela doona kaalinta wax ku oolka ah ee isku xirka iyo hagaajinta Xiriirka Warbaahinta iyo dadweynaha, caqabadaha ku gadaaman iyo fursadaha jira.

Soo-celinta Muwaadiniinta waa qeyb kamid ah Dadaallada Lagula Dagaallamayo Tahriibka

-Dowladda Federaalka Soomaaliya ayaa si guul leh u soo celisay 47 muwaadin Soomaaliyeed oo ku xayirnaa dalka Madagascar, iyada oo adeegsanaysa diyaarad gaar ah oo si shaqsi ah uu u oggolaaday Madaxweynaha Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya, Mudane Xasan Sheekh Maxamuud. Tallaabadan ayaa muujinaysa sida ay dowladda uga go’an tahay ilaalinta iyo difaaca muwaadiniinteeda meel kasta oo ay joogaan, iyo sidoo kale la dagaallanka caqabadaha ka dhasha tahriibka. Nasiib darro, safarka halista ah ee muwaadiniintan ku xayiray ayaa sababay dhimashada 28-dii muwaadin Soomaaliyeed, taas oo muujinaysa khataraha ka dhalata tahriibka sharci darrada ah.

Hawlgalka waxaa hoggaaminayey Cabdilqaadir Maxamuud Yuusuf (Burgal), Agaasimaha Waaxda Afrika ee Wasaaradda Arrimaha Dibadda, iyo Jibriil Cabdi oo ka tirsan Xafiiska Xeer Ilaaliyaha Guud. Wafdigan ayaa u safray Madagascar si ay u hagaan howlgalka, iyaga oo xaqiijiyey in muwaadiniinta ku xayirnaa loo soo celiyo si nabad ah.

“Hawlgalkan wuxuu muujinayaa in Soomaaliya leedahay dowlad mudnaan siisa xuquuqda iyo sharafta muwaadiniinteeda,” ayuu yiri Burgal. “Waxaa naga go’an in muwaadiniinta Soomaaliyeed ee ku xayiran dibadaha loo soo celiyo iyada oo aan la adeegsan caawimaad dibadda ah. Tallaabadan, oo hormuud ka tahay Dowladda Federaalka, waxay iftiiminaysaa sida ay nooga go’an tahay daryeelka dadkeenna. Waxaan si gaar ah ugu mahadcelinaynaa Madaxweyne Xasan Sheekh Maxamuud oo hoggaankiisa iyo go’aankiisa ahaa in diyaarad loo diro ay suuragelisay in dhalinyaradan Soomaaliyeed dib looga soo celiyo Madagascar.”

Soo-celinta ayaa qayb ka ah aragtida ballaaran ee Madaxweyne Xasan Sheekh Maxamuud, taas oo diiradda saaraysa dib u soo celinta muwaadiniinta Soomaaliyeed ee ku xayiran waddamada shisheeye, taas oo muujinaysa sida ay dowladda uga go’an tahay ilaalinta muwaadiniinteeda caalamka oo dhan.

Dowladda Federaalka Soomaaliya waxay si adag u cambaareyneysaa dadka tahriibiya ee mas’uulka ka ah musiibadan waxayna qaadayaan tallaabo sharci ah oo ka dhan ah. Waxa kale oo ay xoojineysaa dadaallada looga hortagayo dhacdooyinka noocan ah, iyada oo ku boorrineysa muwaadiniinta Soomaaliyeed in ay feejignaadaan oo ay ka digtoonaadaan khataraha ka dhasha tahriibka sharci darrada ah iyo xeeladaha khiyaanada ah ee tahriibiyeyaasha.

Iyadoo Soomaaliya ay ka tiiraanyeysan tahay 28-dii qof ee noloshooda ku waayey dhacdadan, Dowladda Federaalka ayaa tacsi tiiraanyo leh u diraysa qoysaskooda waxayna mar kale xaqiijineysaa sida ay uga go’an tahay cadaaladda iyo ilaalinta dadkeeda.

Wasaaradda Gaashaandhigga oo tababar heerkiisu sareyo Turkiga ugu soo xirtay Askar katirsan ciidanka X.D.S

Wasaaradda Gaashaandhiga XJFS oo kaashanaysa dhiggeeda dalka Turkiga ayaa iyada oo ka duuleysa tilmaamaha madaxda Qaranka ee ku aaddan tayeynta iyo horumarinta Ciidanka Xoogga Dalka Soomaaliyeed, si ay ugu filnaadaan mas’uuliyadda la wareegida Amniga dalka, ayaa waxaa tababar heerkiisu sareeyo loogu soo xiray magaalada Isparta ee dalka Türkiye, Afar Urur oo katirsan Kumaandooska Gorgor ee Ciidanka Xoogga Dalka Soomaaliyeed.

Wasiirka Wasaaradda Gaashaandhigga XFS Mudane Cabdulqaadir Maxamed Nuur ayaa kaga Mahad celiyay dowladda aan walalaha nahay ee Turkiga, garab istaaga hagar la’aaneed ee ay u muujisay dowladda iyo dadka Soomaaliyeed.

Ciidamada tababrka loo soo xiray ayaa qeyb ka noqon doona howlgalada xooggan ee Ciidamada Qaranku ay dalka kaga xoreynayaan Khawaarijta iyo difaaca Qarannimada ummadda Soomaaliyeed, iyada oo laga hortagayo cadowga gudaha iyo kan dibadda.

 

 

Guddoomiyaha BFS oo kulan la qaatay Gudddiga Xeerhoosaadka, Anshaxa, Xasaanadda ee Golaha Shacabka

Guddoomiyaha Golaha Shacabka ee Baarlamaanka Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya Mudane Sheekh Aadan Maxamed Nuur (Madoobe) ayaa kulan la qaatay Gudddiga Xeerhoosaadka, Anshaxa, Xasaanadda iyo Daryeelka ee Golaha Shacabka oo xal ka gaaray dhacdo 27-kii Bishii November ka dhacday Golaha Shacabka ka dib markii Xildhibaan Xasan Yare oo ka tirsan mudanayaasha Golaha Shacabka uu gacan u qaaday askari ka tirsan ilaalada xarunta Golaha Shacabka.

Xildhibaanka oo askariga ka raali geliyay falkii gacan qaadka ahaa oo uu kula kacay ayaa dhankiisa aqbalay raali gelinta Xildhibaanka.

Guddoomiyaha Golaha Shacabka ee Baarlamaanka Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya ayaa Gudddiga Xeerhoosaadka, Anshaxa, Xasaanadda iyo Daryeelka ee Golaha Shacabka uga mahadceliyay dadaalka uu ku bixiyay soo afjerida dhacdadaasi iyo in ugu dambeyn xal laga gaaro.

Kulanka waxaa ka qeyb galay Guddoomiyaha Gudddiga Xeerhoosaadka, Anshaxa, Xasaanadda iyo Daryeelka ee Golaha Shacabka Xildhibaan Maxamed Cajiib oo ay wehliyaan xubnaha Guddiga , Habdhowraha Golaha Shacabka Xildhibaan Maxamed Cabdullaahi Xasan (Nuux) iyo sidoo kale Senataro ka tirsan Golaha Aqalka Sare.

Safiirka Soomaaliya ee Kenya oo ka qeybgalay furitaanka tartanka cayaaraha Golaha Sharci dejinta EALA

Mombasa-Danjire JabriIl Ibrahim Cabdullle ayaa maanta ka qaybgalay xafladda furitaanka Tartanka Ciyaaraha Golaha Sharci Dejinta ee dalalka Bariga Afrika ee marka la soo gaabiyo loo yaqaano (EALA). Tartankaan ayaa ka dhacaya magaalo xeebeedka Mombasa ee dalka Kenya.

Furitaanka tartanka ayaa waxaa ka soo qeybgalay Madaxweynaha dalka Kenya Mudane William Ruto iyo dhamaan afhayeenada baarlamaanada dalalka ku bahoobay Urur Goboleedka Iskaashiga Dhaqaalaha Bariga Afrika EAC.

Danjire Jabril oo khudbad ka jeediyay xafladda furitaanka tartanka ayaa sheegay in dalka Soomaaliya oo ah xubinta ugu cusub ee ku soo biirtay qoyska EAC, inay u suuragaleen inay tartanka sanadkaan ka qayb-galaan , laakiin Danjiraha ayaa sheegay in Soomaaliya ay ku jirto diyaar-garowga ka qeybgalka tartanka soo socda ee la qaban doona sanadka soo socda.

“Ma aha oo kaliya in Soomaaliya ka qaybqaadanayso tartanka, laakiin sidoo kale waxaan rajeyneynaa inaan martigelinno ciyaarahan mustaqbalka dhow”, ayuu yiri Danjire Jabriil.

Is dhexgalka Bulshada Bariga Afrika ayaa ah mid si wanaagsan u socda, iyadoo ciyaaraha iyo dhaqanka la isweydaarsanayo ay door muhiim ah ka qaadanayaan midnimada dalalka Bariga Afrika.

Safiirka ayaa hadalkiisa ku soo gunaanaday “Waxaa naga go’an inaan xoojino xiriirka Urur Goboleedka Iskaashiga Dhaqaalaha Bariga Afrika iyo Soomaaliya”

   

Kalfadhiga shanaad ee golaha Aqalka sare oo maanta si rasmi ah u xirmay

Kalfdhiga shanaad ee Golaha Aqalka sare ayaa maanta si rasmi u soo xirmay, waxaana golaha u qabsoomay 27-fadhi oo lagu ansixiyay 8-sharci oo muhiim ah.

Golaha Aqalka sare oo 11-fadhi oo ay si wadajir ah ula yeesheen Golaha Shacabka, waxaaa lagu ansixiyay afar sharci iyo guddiga madaxa-banaan ee doorashooyinka qaranka iyo Soohdimaha.

Shuruucda la ansixiyay waxaa si qota dheer uga shaqeeyay guddiyada kala duwan Aqalka oo la-tashiyo kala duwan la yeeshay qeybaha bulshada ay quseeyeen sharciyada la meel mariyay, si loo turxaan bixiyo. 

Shacabka Gobolka Gedo oo taageeray go’aanka Dowladda ee Jubbaland

Banaanbax lagu taageerayo qorshaha Dowladda Soomaaliya ee Jubbaland ayaa ka dhacay degmada Beledxaawo ee gobolka Gedo, halkaas oo ay isugu soo baxeen bulshada qeybaheeda kala duwan.
Shacabka isku soo baxay ayaa si weyn u diiday is doorashadii madaxweynihii hore ee maamulka Jubbaland Axmed Madoobe iyo faragelinta iyo iska horkeenka beelaha ay Dowladda Itoobiya ka waddo gobolkaas.
” Anagoo odayaashii dhaqanka ah, maanta waxaynu marxabeyneynaa oo taageereynaa go’aanka ka soo baxay Dowladda Federaalka Soomaaliya ee ka dhanka ah Jubbaland, go’aanka labada Aqal ee Baarlamaanka ay ku ansixiyeen heshiiska doorasho ee qof iyo cod iyo midnimada ummadda Soomaaliyeed,’ ayuu yiri mid ka mid ah odayaasha dhaqanka oo ka hadlayay madasha bannaanbaxa.
Madaxweynaha Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya Mudane Xasan Sheekh Maxamuud ayaa sheegay in Dowladdiisu ay ka go’an tahay qabashada doorasho qof iyo cod ah,islamarkaana cid walba oo ay qusaysana aan maslaxno.