Wasiir ku xigeenka Warfaafinta oo daah furay Madasha Istaraatiijiyadda Xiriirka Warbaahinta

Wasiir ku xigeenka, ahna ku simaha Wasiirka Warfaafinta Soomaaliya Cabdiraxmaan Yuusuf Al-Cadaala ayaa maanta magaalada Muqdisho ka furay Madasha Istaraatiijiyadda Xiriirka Warbaahinta Soomaaliya oo Wasaaradda Warfaafinta, Dhaqanka iyo Dalxiiska XFS ay marti-gelineyso.

Madashaan waxaa ku kulmay Masuuliyiin ka kala socota Dowladda Federaalka, Dowlad goboleedyada, Warbaahinta, Bulshada Rayidka iyo Saaxiibada Caalamka, si loo xoojiyo iskaashiga Warfaafinta iyo xiriirka dadweynaha.

Masuuliyiin sare, khubarro, aqoonyahanno iyo qeybaha bulshada oo wasaaraddu ay ku casuumtay Madashaan ayaa falanqeyn, doodo iyo hadal-jeedinba ka yeela doona kaalinta wax ku oolka ah ee isku xirka iyo hagaajinta Xiriirka Warbaahinta iyo dadweynaha, caqabadaha ku gadaaman iyo fursadaha jira.

 

      

Latashiyada soo-Jeedinta Waxkabadelka Dastuurka oo la gaarsiiyay Soomaalida kunool Qurbaha

Latashiyada Soo-Jeedinta Waxkabadelka Dastuurka ayaa loo dhaa-dhiciyay Soomaalida kunool Qurbaha, Iyadoo shalay Lugta koowaad ee Shirarka Qurbajoogta lagu qabtay Caasimadda Nairobi ee dalka Kenya.

Shirka oo ay kasoo qayb-galeen Muwaadiniinta Soomalaiyeed ee ku nool dalkaasi Kenya gaar ahaan Caasimaddiisa Nairobi ayaa Waxaa Daah-furay Wasiirka Wasaaradda Cadaaladda iyo Arrimaha Dastuurka XFS Xassan Macallim Maxamuud ( Hassan Sheikhali ).

Waxaana Sidoo kale Shirka ka qayb galay Madax Sarre oo katirsan Wasaaradda Cadaaladda iyo Arrimaha Dastuurka XFS & Hay’adaha uxil saaran Dastuurka , Qorshaha ayaa ah in Laballaariyo Latashiyada Dastuurka Lana gaarsiiyo Waddamo badan oo dunida ah Si Fursad loo siiyo Tallooyinka Muwaadiniinta Soomaaliyeed ee Kunool Dalalkaasi.

Madaxweyne Xasan Sheekh: “Horumarka dalka looma hakin doono hal qof dartii”

Madaxweynaha Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya, Dr. Xasan Sheekh Maxamuud, ayaa salaaddii Jimcaha kaddib ka hadlay xaaladda Jubbaland iyo go’aanka dowladda ee ku saabsan aayaha dadka ku nool deegaannadaas.

Madaxweynaha ayaa sheegay in madaxweynihii hore ee Jubbaland, Axmed Maxamed Islaam (Axmed Madoobe), uu markii hore hoggaanka u qabtay maamulka Jubbaland si uu u gaarsiiyo doorasho xor ah oo qof iyo cod ah, balse taasi beddelkeeda uu isku dhajiyay kursiga, isagoo marwalba qabanayay doorashooyin dadban oo aan loo dhamayn.

Mudane Xasan Sheekh ayaa sidoo kale xusay in Axmed Madoobe uu diiday wada-hadallo la xiriira qabashada doorasho qof iyo cod ah, isagoo muddo xileedkiisii hore dhamaaday.

Wuxuu sidoo kale sheegay in inta uu haayay talada Jubbaland uusan xureyn degmo ka mid ah maamulkaas, islamarkaana ka hor yimid dadaallada dowladda ee dib u xorreynta dalka, isagoo amray ciidammo weerar ku qaada kuwa qaranka ee ku sugan Raas Kaambooni.

Si kastaba ha ahaatee, madaxweynaha ayaa tilmaamay in ciidamadii la amray inay weeraraan kuwa qaranka ay diideen amarka Axmed Madoobe, isla markaana ku biireen howlgalka ka socda Jubbaland.

Ugu dambeyn, Madaxweyne Xasan Sheekh ayaa ku adkeystay in dowladda aysan horumarkeeda u joojin doonin hal qof, isagoo ku booriyay shacabka Soomaaliyeed inay isku diyaariyaan doorasho xor ah oo qof iyo cod ah, taas oo muhiim u ah mustaqbalka dalka.

Ciidamada Cirka oo ku biiray dagaalka ka dhanka ah Khawaarijta ee Jubbaland

Raas Kaambooni: Ciidamada Cirka Xoogga Dalka Soomaaliyeed ayaa ku biiray howlgalada milateri ee ka socda deegaanada Jubbaland, kuwaas oo lagula dagaalamayo Khawaarijta.

Diyaaradaha qumaatiga u kaca ee ciidamada cirka ayaa lagu soo dhaweeyay garoonka diyaaradaha ee Raas Kaambooni, halkaas oo ay ku sugnayeen saraakiil sare, oo uu ka mid yahay Taliyaha Guutada 80-aad ee Kumaandooska Gorgor, Xasan Ciraaqi.

Taliyaha ayaa sheegay in ku biiritaanka ciidamada cirka ay muhiimad weyn u leedahay dagaalka ka dhanka ah Khawaarijta, isagoo xusay in howlgalada cirka ay si weyn u fududeyn doonaan hawlgallada dhulka ka socda.

Diyaaradaha ayaa hadda ka howlgala Raas Kaambooni, halkaas oo loo diyaariyay saldhig ay ku jiraan adeegyada muhiimka ah sida keydka shidaalka, farsamayaqaanno, iyo qalab kale oo muhiim ah.

Dowladda Federaalka Soomaaliya ayaa dhowrkii bilood ee la soo dhaafay ku hawlanayd dib u qalabeynta iyo xoojinta ciidamada qalabka sida, iyada oo soo iibsatay gaadiid dagaal iyo diyaarado si loo xoojiyo dagaalka ka dhanka ah Khawaarijta.

Danjirayaasha Soomaalaiya iyo Yugaandha oo Tansania ku yeeshay kulan muhiim ah

Safiirka Soomaaliya ee dalka Tanzania Mudane Ilyaas Cali Xasan iyo Danjiraha Uganda ee dalkaasi, Amb. Col. Fred Mwesigye ayaa yeeshay kulan gaar ah oo la xiriiray arrimaha labada dal.

Dhinacyadaasi waxaa Kulankaasi ay kaga hadleen adkeynta xiriirka laba geesoodka ah ee u dhaxeeya Soomaaliya iyo Yuganda.

Safiirka Soomaaliya ee dalka Tanzania Mudane Ilyaas Cali Xasan oo booqasho sharafeed ugu tagay danjirahaasi ayaa ka mahadnaqay sida Yuganda laf-dhabar ugu tahay howlgalka Midowga Afrika iyo sida diiran ee dalkiisa loogu soo dhaweeyo ardayda iyo ganacsatada Soomaaliyeed.

Dowladda Soomaaliya oo Ethiopia ku eedeysay in Gobolka Gedo ay ka waddo faragelin iyo iska horkeenka beelaha

Dowladda Federaalka ee Soomaaliya waxay si xooggan u cambaareyneysaa tallaabooyinka guracan ee Dowladda Ethiopia ay ka waddo Gobolka Gedo, oo ay isaga horkeeneyso beelaha halkaa deggan, taas oo qeyb ka ah faragelinta maamulka Addis Ababa ee ka dhanka ah madaxbanaanida iyo qaranimada Soomaaliya.

Saaka ayaa ciidamo Ethiopian ah oo ka soo baxay degmada Doolow ayaa u soo dhaqaaqey dhanka degmada Buulo Xaawo, hase yeeshee waxaa ka hor yimid dadka degaanka iyo Ciidamada Qalabka Sida oo u diiday inay ku soo ruqaansadaan Buulo Xaaawo.

Soomaaliya waxay mar walba diyaar u tahay derisnimo wanaag iyo nabad ku wada noolaaansho, hase yeeshee maamulka Addis Ababa waxaa uu caadeystey inuu colaado hor leh ka abuuro gobolka, isla markaana uu wado tallaabooyin ka dhan ah madaxbanaanida Soomaaliya.

Dowladda Federaalka Soomaaliya waxay diyaar u tahay difaaca madaxbanaanida iyo qaranimadeeda, waxayna ugu baaqeysaa beesha caalamka oo ay ugu horeeyaan Qaramada Midoobay iyo Midowga Afrika inay cambaareeyaan falalkan gurracan ee Ethiopia ee wax u dhimaya nabadda gobolka iyo caalamka intaba.

Wasiir Maareeye “dhaawaca gaaray beeraha iyo beeraleyda Soomaaliyeed waa wax aan la qiyaasi Karin

Wasiirka Wasaaradda Beeraha XFS Maxamed Cabdi Xayir oo ka qeybgalay kulanka todobaadka warbaahinta qaranka ayaa xusay in burburkii ku habsaday dalka uu saameyn ku yeeshay wax soo saarkii dhanka beeraha ee ay ku caanbaxeen dadla Soomaaliyeed.

Wasiirku waxa uu nasiib darro ku tilmaamay in beeraha iyo beeraleyda ay la kulmeen dhibaatooyin badan oo ay ku jiraan daryeel la’aan iyo barakac ku yimid dadkii aqoonta u lahaa wax soo saarka dalagyada.

Wasiir Maareeye ayaa sheegay in dowladda ay waddo dadaal ku aadan sidii loo soo nooleyn lahaa adeegyada lagama maarmaanka ah ee ay u baahan yihiin beeraleyda Soomaaliyeed ,gaar ahaan hagaajinta beeraha iyo daryeelkooda.

Dhowaan ayeey aheyd markii wasaaradda Beeraha ay soo bandhigtay gawaari cagaf-cagaf ah oo gaaraya labaatameeyo,kuwaas oo loogu talagalay in lagu taageero beeraleyda Soomaaliyeed.

Warbixinta Toddobaadlaha ee Dowladda Federaalka Soomaaliya

1-Madaxweyne Xasan Sheekh Maxamuud oo guddoomiyay shir degdeg ah oo ku saabsanaa la dagaalanka maalgelinta argagixisada.

2-Madaxweyne Xasan Sheekh Maxamuud oo khudbad ka jeediyay Shir Madaxeedka waddamada xubnaha ka ah Urur Goboleedka Iskaashiga Dhaqaalaha Bariga Afrika (EAC) oo lagu qabtey magaalada Arusha.

3-Madaxweyne Xasan Sheekh Maxamuud oo kulamo kala duwan kula yeeshay magaalada Arusha qaar ka mid ah madaxda Urur Goboleedka Bariga Afrika ee EAC.

4-Madaxweyne Xasan Sheekh Maxamuud oo tacsi u diray qoyska iyo shacabka Soomaaliyeed ee uu ka geeriyooday Senator Maxamed Cali Yusuf Gaagaab.

5-Madaxweyne Xasan Sheekh Maxamuud oo u magacaabey Marwo Hani Cabdi Gaas inay noqoto La-Taliyaha Madaxweynaha ee Arrimaha Dhalinyarada iyo Cayaaraha.

6-Ra’iisul Wasaare Xamsa Cabdi Barre ayaa ka tacsiyadeeyay geerida ku timid Senator Maxamed Cali Yuusuf Gaagaab oo ku geeriyooday dalka Turkiga.

7-Ra’iisul Wasaare Xamsa Cabdi Barre, ayaa ka qeyb galay munaasabad lagu xusayo Maalinta Caalamiga ah ee naafada, isagoo xusay muhiimadda ay dowladda siineyso daryeelka iyo xaqiijinta xuquuqda dadka naafada ah.

8-Ra’iisul Wasaare Xamsa Cabdi Barre ayaa warbixin ka dhageystay mas’uuliyiinta u xilsaaran diyaarinta Qorshaha Isbeddelka Qaranka oo ku dhawaad laba bilood ka socday Magaalada Muqdisho.

9-Ra’iisul Wasaare Xamsa Cabdi Barre oo kulan la yeeshay Danjiraha Qatar u fadhiya Soomaaliya Mudane Abdullah Salem Al Nuaimi, iyagoo ka wadahadley xoojinta xiriirka iyo iskaashiga labada dal.

10-Ra’iisul Wasaare Ku-Xigeenka dalka Mudane Saalax Axmed Jaamac ayaa furay Madasha Hab-Maamulka Internet-ka ee Soomaaliya (Somali Internet Governance Forum).

11-Ra’iisul Wasaare Xamsa Cabdi Barre ayaa nasiib darro ku tilmaamey in maamulka Jubbaland uu isku dayayo hurinta colaado iyo weeraro lagu beegsado Ciidamada Qalabka Sida ee ku sugan Gobolka Jubbada Hoose.

12-Ra’iisul Wasaare Ku-Xigeenka 2aad Mudane Cabdisalaam Cabdi Cali ayaa ka qeybgalay xaflad ay ku qalin jabinayeen arday dhameysatey waxbarashada heerka labaad ee takhasuska isku-dhafka maareynta kheyraadka biyaha.

13-Guddoomiyaha Aqalka Sare Mudane Cabdi Xaashi Cabdullaahi ayaa tacsi u diray qoyska, ehelada uu ka geeriyooday Senator Maxamed Cali Yuusuf Gaagaab oo ku geeriyooday dalka Turkiga.

14-Wasiirka Warfaafinta Mudane Daa’uud Aweys Jaamac ayaa qaabilay Wakiilka Midowga Afrika ee Soomaaliya, ahna Madaxa Hawlgalka Midowga Afrika ee ATMIS, Ambassador Mohamed El-Amine Souef.

15-Wasiirka Warfaafinta Mudane Daa’uud Aweys Jaamac ayaa aqoon isweydaarsi ku saabsan xiriirka warbaahinta iyo maareynta shirarka dowladda u furay 40 xubnood oo ka socday xafiisyada xiriirka warbaahinta iyo dadweynaha ee hay’adaha Dowladda Federaalka.

16-Wasiirka Maaliyadda Mudane Biixi Imaan Cige ayaa shir guddoomiyay kulanka Guddiga ka Hortagga Lacag Dhaqista iyo La-dagaalanka Maalgalinta Argagixisada oo lagu qabtay Muqdishu.

17-Wasiirka Amniga Mudane Cabdullaahi Sheekh Ismaaciil Fartaag ayaa magaalada Belgrade kaga qeybgaley kulamo la xiriira arrimaha amniga iyo iskaashiga labada dal ee Soomaaliya iyo Serbia.

18-Wasiirka Hawlaha Guud Dr Cilmi Maxamuud Nuur ayaa xafiiskiisa ku qaabilay mas’uuliyiin ka socday Hay’adda TIS Plus.

19-Kulan dadweyne oo looga hadlayey dhameystirka iyo dib u eegista dastuurka oo lagu qabtey magaalada Muqdisho.

20-Wasiirka Maaliyadda Mudane Biixi Imaan Cige ayaa saxiixay heshiis dowladda Faransiska ay ugu cafineyso Soomaaliya deyn qiimaheedu gaareyso 145.6 milyan oo doolaar ah.

21-Wasiirka Deegaanka iyo Isbeddelka Cimilada Marwo Khadija Mohamed Almakhzoumi iyo Wasiirka Xanaannada Xoolaha Xasan Xuseen Maxamed yaa ka qeyb galay shirka caalamiga ah ee COP16, oo sanadkan lagu qabtay magaalada Riyad.

22-Wasiirka Amniga Qaranka Mudane Cabdullaahi Sheekh Ismaaciil ayaa ka qeybgaley xafladda daahfurka Xarunta Badbaadada iyo Samatabixinta ee dhibaatooynka ka dhaca badaha Soomaaliya.

23-Guddiga Madaxa-bannaan ee Doorashooyinka Qaranka iyo Soohdimaha ayaa doortay hoggaankiisa iyadoo Cabdikariim Axmed Xasan noqonayo guddoomiye, halka Saadaq Abshir Garaad uu ka noqonayo ku xigeen.

24-Ciidamada Qalabka Sida ayaa dilay 27 xubnood oo ka tirsanaa Khawaarijta Al Shabaab, kadib hawlgal ay ka fuliyeen Gobolka Shabeellaha Dhexe.

25-Wasiirka Amniga Gudaha Mudane Cabdullaahi Sheekh (Fartaag), ayaa qaabilay Danjiraha Dowladda Swizerland u fadhiya Soomaaliya, Mirko Giuliette, waxayna ka wada hadleen xoojinta iskaashiga  dhinacyada kala duwan ee labada dal.

26-Wasiirka Amniga Qaranka Mudane Cabdullaahi Sheekh Ismaaciil ayaa sheegay in Ciidamada Badda ay si rasmi ah ula wareegeen amniga biyaha iyo dekedaha Soomaaliya.

27-Taliyaha Ciidanka Booliiska Soomaaliyeed S/Guuto, Asad Cismaan Cabdullaahi ayaa shir gudoomiyay kulan gaar ah uu la qaatay saaxibadda caalamka loogana hadlayay iskaashiga arrimaha amniga.

28-Shir Cilmiyeedkii 1aad ee Ururka Dhakhaatiirta Soomaaliyeed oo lagu soo gabagabeeyay magaalada Muqdisho.

29-Dowladda Soomaaliya ayaa dalka dib ugu soo celisay in ka badan 160 qof oo laga soo badbaadiyay xabsiyada dalka Libya.

Xubnaha 2-da gole oo ka qeybgalay salaatul janaasa loo sameeyamarxuum Senator Gaagaab

Xubno ka tirsan labada gole ee Dowladda Federaalka Soomaaliya ayaa saaka ka qeybgalay tukashada salaatul janaasa oo loo sameeyay allaha u naxariistee Senator Maxamed Cali Yuusuf (Gaagaab) oo dhowaan ku geeriyooday Dalka Turkiye.

Wasiirka Arrimaha Dibadda XFS Mudane Fiqi oo ka hadlay dukashada salaatul janaasada kadib ayaa yiri”Senoter Gaagaab waxaa uu ahaa qof qiimo badan oo wanaag lagu yaqaan.

Sidoo kale Gudoomiyaha Aqalka Sare Cabdi Xaashi oo isna hadlay ayaa yiri “Senoter Gaagaab waxaa uu ahaaa wadani dalkiisa iyo dadkiisa jecel muddo dheerna u soo shaqeeyey”.

Dhammaan xubnaha labada gole waxa ay marxuumka Ilaah uga baryeen in uu ka waraabiyo Janatul Fardowsa,iyagoo umadda Soomaaliyeed iyo saaxiibadii iyo qaraabadii uu ka baxayna u rajeeyay samir iyo iimaan

Allaha u naxariistee marxuum Maxamed Cali Yuusuf (Gaagaab) waxa uu xubin ka tirsan golaha aqalka sare ee Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya, isagoo hore u soo noqday madaxweyne ku xegeenka dowlad goboleedka Puntland.

Maraykanka oo diiday warbixin Amnesty International ay ka soo saartay xasuuqa Gaza

Mareykanka ayaa diiday warbixin ay soo saareen hey’adda xuquuqul insaanka ee  Amnesty International ,taas oo sheegtay in ay jiraan caddeeymo dhameystiran oo ku saabsan xasuuqa Israa’iil ee ay u getsatay Falastiiniyiinta Gaza.

“Waan ku khilaafsannahay gunaanadka warbixintaan, waxaanna horay u sheegnay oo aan sii wadnay inaan ogaanno eedeymaha la xiriira xasuuqa inay yihiin kuwo aan sal lahayn,” ayuu yiri ku xigeenka afhayeenka wasaaradda arrimaha dibadda ee Mareykanka Vedant Patel oo saxaafadda la hadlay.

Afhayeenkaasi waxa uu qiray doorka muhiimka ah ee NGO-yada iyo ururada xuquuqul insaanka sida Amnesty International laakiin wuxuu ku tilmaamay natiijooyinka ay ka heleen ee dhinaca xasuuqa Gaza inay yihiin fikrad.

Amnesty oo fadhigeedu yahay London ayaa Khamiistii sheegtay in ay heshay caddeymo ku filan oo lagu soo gabagabeynayo in Israa’iil ay geysatay oo ay sii waddo xasuuqa ka dhan ah Falastiiniyiinta Gaza.

Bishii la soo dhaafay, Maxkamadda Caalamiga ah ee Dambiyada ayaa soo saartay amar lagu soo xirayo Ra’iisul Wasaaraha Israa’iil Benjamin Netanyahu iyo Wasiirkiisii ​​hore ee Difaaca Yoav Gallant oo lagu eedeeyay dambiyo dagaal iyo dembiyo ka dhan ah bini’aadanimada .

Israa’iil ayaa sidoo kale wajahaysa dacwad xasuuq ah oo ka socota maxkamadda caalamiga ah ee cadaaladda kadib markii loo soo gudbiyay  falal xasuuq ah oo loo geystay dadka Gaza.