Ciidanka NISA iyo kuwa Xoogga Dalka oo howlgal qorsheysan ku dilay 4 dhagarqabe oo khawaarij ah

Ciidanka Hay’adda Sirdoonka iyo Nabad Sugidda Qaranka ee NISA oo kaashanaya Ciidanka Xoogga Dalka ayaa Maleeshiyaad ka tirsanaa Khawaarijta ku dilay howlgal ka dhacay Gobolka Shabeellaha Hoose

Howlgalkaan oo asi qorsheysan looga fuliyay duleedka tuulada Jambaluul ee Degmada Afgooye,waxaa lagu dilay afar dhagarqabe oo ka tirsanaa khawaarijta,kuwaas oo qaablsanaa ururinta lacagaha baadda ah ee sida qasabka ah looga qaado dadweynaha.

Xubnaha la dilay waxaa kamid ahaa Macalin Nuur oo khawaarijta u qaabilsanaa marin habaabinta dhallinyarada deegaankaasi.

2-Liibaan oo isna qaabilsanaa ururrinta lacaga baadda ah.

3-Cali Yare oo ahaa mid ka mid ah waxa loogu yeero xisbada.

4-Bilaal oo isna ahaa xubin ka tirsan maleeshiyaadka Xisbada.

Sidoo kale howlgalkaasi waxaa lagu dhaawacay Kuusoow iyo Caddoow oo iyaguna ka tirsanaa Kooxahaasi.

Ciidanka Hay’adda Sirdoonka iyo Nabad Sugidda Qaranka ee NISA waxaa ka go’an in aymeel kasta ku  beegsadaan kooxaha khawaarijta,sidaa  daraadeed,waxaa lagu wargaliyay in dadweynaha ay ka fogaadaan goobaha lagu tuhmayo maleeshiyaadkasi nabad-diidka ah.

Guddoomiyaha SoDMA oo tababar u soo xiray howlwadeenno ka tirsan Hay’adda

Guddoomiyaha Guddoomiyaha Hay’adda Maareynta Musiiboyinka Qaranka Soomaaliyed, Mudane Maxamuud Macalin Cabdulle ayaa maanta xarunta Qaran ee howlgallada Gurmadka deg-degga ah ee NEOC waxa uu tababar muddo 5-cisho socday ugu soo xiray 39 shaqaale oo ka kala socday Waaxyaha SoDMA iyo Hay’adda Qatar charity.

Tabarkaan waxaa hay’adda SoDMA ka gacansiinayay hay’adda Qatar Charity, waxaana inta uu socday lagu bartay u diyaar garowga sida loola tacaalo arrimaha la xariira Musiiboyinka, si gaar ah aqoonta aas-aasiga u ah fahamka u diyaar garowga iyo ka jawaabista degdegga ah iyo hanaanka caalamiga ah ee yareeynta qataraha Musiiboyinka.

Siminarkan ayaa ah mid lagu xoojinayo awoodda, SoDMA ee ah in ay si wax ku ool ah uga jawaabto caqabadaha kala duwa ee soo food saara shacabka Soomaaliyeed iyo wax ka qabashada xaaladaha degdegga ah, waxaana xiritaankiisa guddoomiyaha ku wehliyay guddoomiyaha Hay’adda Qatar Charity iyo masuuliyiin kale.

Mid ka mid ah ardaydii siminaarka loo soo xiray, macalimiintii bixinayay iyo lataliye sare hay’adda Dr Cabdiraxmaan Waxiid ayaa ka mahadceliyey qabashada siminaarkan.

Guddoomiyaha Hay’adda qatar Charity Cabdifitaax Aadan ayaa tilmaamay inay joogteynayaan tababarada nuucaani oo kale ah.

Guddoomiyaha Hay’adda SoDMA mudane Maxamud Macallin Cabdulle oo tababarka soo xiray ayaa kula dardaarmay shaqaalaha tababarka ka faa’iidaystay in aqoonta la baray ay bulshada ugu adeegaan.

                             

Soomaaliya oo Martigelisay Madaxda Guddiga Luqadda Sawaaxiliga ee EAC

Dowladda Federaalka ah ee Soomaaliya ayaa magaalada Muqdisho ku soo dhoweysay madaxda Guddiga Luqadda Sawaaxiliga ee Urur Goboleedka iskaashiga Dhaqaalaha Bariga Afrika.

Shir saddex maalmood socday oo lagu qabtay Muqdisho, ayaa looga hadlay qorshayaasha horumarinta luqadda Sawaaxiliga, taas oo muhiimad weyn u leh isku socodka iyo ganacsiga bulshada Bariga Afrika.

Intii shirku socday, waxaa la isweydaarsaday fikrado ku saabsan xoojinta barashada luqaddan oo ah mid rasmi ah oo ay ku hadlaan dalal badan oo Bariga Afrika ka tirsan. Soomaaliya, oo dhammaadkii sanadka 2023 si rasmi ah ugu biirtay Urur Goboleedka Iskaashiga Dhaqaalaha Bariga Afrika, ayaa muujisay dadaalkeeda ku aaddan horumarinta iskaashiga gobolka iyo adeegsiga luqadda Sawaaxiliga.

Xoghayaha fulinta – Guddiga Sawaaxiliga ee Ururka Bariga Afrika, Marwa Caroline Asimwe ayaa warbixin kooban ka bixisay waxa ay u taagantahay Guddiga.

“Waxaan ku faraxsanahay inaan halkaan marti uga nahay Dowladda Federaalka Soomaaliya, oo ah xubinteenna ugu cusub ee Ururka Iskaashiga Dhaqaalaha Bariga Afrika. Guddiga Luqadda Sawaaxiliga ee Bariga Afrika, waxa uu ka shaqeeyaa isku dubaridka horumarinta iyo adeegsiga luqadda Sawaaxiliga si loo xoojiyo isdhexgalka gobolka iyo horumarka waara.

Ujeedka aan halkaan u joognay sadexdii maalin ee la soo dhaafay waa wacyigelinta bulshada Soomaaliyeed iyo dhiirrigelinta horumarinta iyo adeegsiga luqadda Sawaaxiliga, oo ah mid Afrika laga leeyahay, gaartayna heer caalami. Sawaaxiliga waa mid ka mid ah luqadaha rasmiga ah ee Ururka Iskaashiga Dhaqaalaha Bariga Afrika, sida lagu ansixiyay shirkii 24-aad ee Madaxda Ururka ee ka dhacay Arusha.

Waxaan sidoo kale aan ka wada hadalnay doorka Guddiga ee horumarinta Sawaaxiliga dalalka xubnaha ka ah si aan uga wada shaqeyno sidii Soomaaliya uga mid noqon lahayd dalalka Sawaaxiliga ku hormaray. Luqaddan waxa ay muhiim u tahay ganacsiga, shaqo abuurka, iyo isku socodka xuduudaha, taasoo kaalin weyn ka qaadaneysa barwaaqada gobolka.

Sawaaxiliga waxa uu helay aqoonsi heer caalami ah, iyadoo UNESCO u aqoonsatay 7-da Luulyo Maalinta Caalamiga ah ee Sawaaxiliga. Waxaan rajeyneynaa inaan si dhow ula shaqeyno Dowladda Federaalka Soomaaliya si loo xoojiyo adeegsiga luqaddan muhiimka ah, taasoo xoojinaysa isdhexgalka iyo horumarka waara ee gobolka.

Caasha Axmed Xirsi Madaxa xogheynta xafiiska Urur goboleedka Iskaashiga Dhaqaalaha bariga Afrika, ee Wasaaradda arimaaha dibadda

“Waxaan ku faraxsanahay inaan martigelinay madaxda Guddiga Luqadda Sawaaxiliga ee Urur Goboleedka Bariga Afrika.

Guddiga ayaa halkan u joogay in ay dowladda Federaalka ah ee Soomaaliya kala shiraan horumarinta luqadda sawaaxiliga ee mutaqbalka Soomaalidu u adeegsan karaan dhinaca isku socodka iyo ganacsiga iwm.

3 maalmood, ayaa is weydaarsannay fikrado qaabka luqadda Sawaaxiliga oo barashadeeda ay muhiim u tahay ganacsatada iyo guud ahaan is dhexgalka bulshada ku wada nool bariga africa.

Tallaabo wanaagsan ayaa horey u qaadnay, waxaan fileynaa in Soomaalidu ay fahmi doonaan muhiimadda ay noo leedahay ka faa’iideysiga barnaamijyada ururka goboleedka bariga Africa, oo luqadda saxaaligu tahay tan koowaad ee ay ku wada hadlaan.

Ujeedka kulankaan sadexda maalin ee aan la laheyn guddiga anagoo mataleyno Dowladda Somalia, luqadda Sawaaxiliga ayaa ah luqadda rasmiga ah ee Bulshada Gobolka Bariga Afrika.

Soomaaliya, oo dhammaadkii sanadka 2023 si rasmi ah ugu biirtay ururkan, ayaa si firfircoon uga qayb qaadanaysa hawlaha lagu xoojinayo wada shaqeynta Ururka.

Muddadii saddexda maalmood ahayd ee uu socday shirkan aqoon-kororsiga ah, waxaa diiradda lagu saaray wacyigelinta iyo kor u qaadista barashada iyo ku hadalka luqadda Sawaaxiliga. Luqaddan ayaa runtii muhiim noo ah, gaar ahaan marka laga eego dhinacyada isdhexgalka ganacsiga, fududeynta adeegyadda bulshada, iyo isku socodka.

Luqadda Sawaaxiliga waxay faa’iidooyin badan u leedahay bulshada Soomaaliyeed, oo ah bulsho ku suntan shaqo iyo ganacsi, isla markaana kaalin weyn ku leh ganacsiyada ka jira guud ahaan gobolka Bariga Afrika.

Waxaan u mahadcelinayaa mas’uuliyiinta dowladda ee ku matalay shirkan, iyo sidoo kale Ururka Bariga Afrika, kuwaas oo halkaan ku soo bandhigay adkeysi iyo ka-go’naansho dhab ah.”

        

Danjire Fardowsa oo la kulantay Safiirka Kenya ee Uganda

Kampala– Safiirka Soomaaliya ee dalka Uganda Danjire Fardowsa Maxamed Qanyare ayaa maanta booqasho ugu tagtay Safiirka u jooga Uganda Dowladda aan dariska nahay ee Kenya Amb. Joash Maangi.

Kulanka ayaa looga hadlay xaaladda dalalka Bariga Afrika guud ahaan iyo xariirka labada dal ee Soomaaliya iyo Kenya, iyadoo labada safiir isku raaceen in dalalka Soomaaliya iyo Kenya ay yihiin labo dal oo walaalo ah oo wax yaabo badan ka dhaxeeyaan.

Amb. Joash Maangi ayaa sheegay inuu diyaar u yahay in uu la shaqeeyo Safiirka Safaaradda Soomaaliya ee Uganda xariir dhawna yeeshaan labada Safaaradood

Dhankeeda Danjire Fardowsa ayaa ka mahadcelisay sida wanaagsan ee uu Safiirka Kenya ee Uganda u soo dhaweeyay, kana shaqeeyn doonto in ay xariir dhaw yeeshaan labada safaaradood.

  

Agaasimaha Guud ee Wasaaradda Amniga gudaha oo shir muhiim ah uga qeybgalay Serbia

Belgrade– Agaasimaha Guud ee Wasaaradda Amniga Gudaha Jamhuuriyadda Federaalka ah ee Soomaaliya Dr. Yuusuf Cali Maxamed oo shaqo ku jooga Belgrade, ayaa ka qeyb gelay shirka sanadlaha ah ee Serbia-Africa Integrity. Isagoo kulamo guud mid gaar ahna la yeeshay Madaxda Amniga Dowladda Serbia iyo ka soo qeyb-galayaasha shir-weynaha la magac-baxay Sharafta Serbia iyo Africa.

Shirkan oo sanadkiiba mar la qabo ayaa waxaa kasoo qeyb-galay 51 dal oo dalalka Afrika ah. Shirka waxaa lagu xoojiyaa xiriirka Serbia iyo Qaaradda oo dhisan in ka badan 100 sano.

Fursada ayaa ah mid looga gol leeyahay faa’iidooyin fara-badan oo ay saldhig looga dhigay xoojinta xiriirka Qaaradda iyo dalalka Yurubta Bari oo ay Belgrade xarunta dhaxe u tahay, waxaana lagu casuumaa Madaxda Hey’addaha Amniga ee Qaaradda Afrika.

Soomaaliya waxaa ku matalayay Agaasimaha Guud ee Wasaaradda Amniga Gudaha Dr. Yuusuf Cali iyo la-taliyaha Wasaaradda Arrimaha Gudaha, Agaasimaha ayaa mahad balaaran u celiyay Dowladda Serbia marti-gelinta wanaagsan ee ay qaateen Wasaaradda Amniga Gudaha Soomaaliya.

Agaasime Dr. Yuusuf ayaa u hambaliyeeyay Safaaradda iyo Diblomaasiyiinta ka howl-gala intuba, sida hagar la’aanta ah ee ay qarankoodda ugu shaqeeyaan.

       

Danjire Ilyaas oo Tanzania kula kulmay Safiirka Kenya ee dalkaas

Dar es Salaam– Safiirka Soomaaliya ee dalka Tanzania Danjire Ilyas Cali Xasan ayaa maanta booqasho salaan iyo isbarasho ugu tagay Wakiilka dowladda Kenya ee Tanzania, Isaac Njenga, iyaga oo ka wada hadlay xoojinta xiriirka qotada dheere ee Kenya iyo Soomaaliya ka dhaxeeya, kaasi oo ku dhisan wax wada qabsi dhinaca amniga, iyo ganacsiga.

Kenya ayaa sidoo kale waxay kaalin mug leh ka qaadatay dowlad dhiska Soomaaliya, iyadda oo ciidamadeedu qeyb ka yihiin Howlgalka Midowga Afrika ee ATMIS.

  

Danjire Jabriil oo kulan mira dhal ah la qaatay Taliyaha Ciidanka Booliska Kenya

Nairobi– Taliyaha Ciidanka Booliska dalka Kenya, Qeybta Adeegga Guud, ee loo yaqaano GSU. Taliye, Ranson Lolmodooni MBS, OGW-SAIG ayaa Xarunta GSU ee magaaladda Nairobi ku soo dhaweeyay Danjiraha Safaaraadda Soomaaliya ee dalka Kenya, Mudane Jabriil Ibraahim Cabdulle

Danjiraha oo si heer sare ah loogu soo dhaweeyey xarunta GSU ayaa kulan gaara la qaatay taliyaha ciidanka, Taliye, Ranson Lolmodooni. Kulanka ayaa looga hadlay doorka muhiimka ah ee Qeybta Adeegga Guud ay ka qaataan taageerada joogtada ah oo ay siiyaan Safaaradda Soomaaliya iyo shaqaalaheeda.

Wadahadalada ayaa sidoo kale waxaa diiradda lagu saaray hannaanki loo kobicn lahaa wada shaqeeynta labada dhinac.

Wadashaqeynta Safaraadda iyo ciidanka GSU ayaa ka tarjumaysa iskaashiga ballaaran ee sii kordhaya ee ka dhexeeya labada dal ee Soomaaliya iyo Kenya. Amniga ayaa weli ah mid ka mid ah tiirarka muhiimka ah ee xiriirkan ku dhisan yahay, iyadoo labada waddan ay ka go’an tahay wax ka qabashada khataraha gobolka iyo kobcinta xasilloonida ee mandaqada Geeska Afrika, gaar ahaan Soomaaliya iyo Kenya.

Danjire Jabriil ayaa si weyn ugu mahadceliyey dadaalka iyo taageerada joogtada ah ee GSU, taas oo sii xoojinaysa dadaallada diblomaasiyadeed iyo kalsoonida labada dal iyo labada shacab.

 

          

Wasiirka Amniga Gudaha oo ka qeybgalay kulan muhiim ah

Amniga Gudaha ee Xukuumadda Federaalka Soomaaliya Cabdullaahi Sheekh Ismaaciil Fartaag, ayaa maanta ka qeybgalay xafladda daahfurka xarunta Badbaadada iyo Samatabixinta dhibaatooyinka ka dhaca badaha Soomaaliya.

Xafladda ayaa lagu qabtay magaalada Muqdisho, waxaana ka soo qeybgalay masuuliyiin sare oo ka tirsan dowladda, saraakiil ciidan, iyo marti sharaf kale.

Xaruntan ayaa loogu talagalay inay wax ka qabato dhibaatooyinka ka dhaca xeebaha Soomaaliya oo ay ka mid yihiin kalluumeysiga sharci-darrada ah, burcad-badeednimada iyo badbaadinta dadka ku xayiran xaaladaha deg degga ah ee ka dhaca badaha.

Wasiirka ayaa khudbad uu halkaas ka jeediyay ku sheegay in xaruntani ay muhiimad weyn u leedahay xoojinta nabadgelyada iyo samatabixinta, isagoo ku boorriyay hay’adaha ku shaqada leh inay si dhow u wada shaqeeyaan, si loo xaqiijiyo amniga badda iyo badbaadada muwaadiniinta Soomaaliyeed.

Waxaa sidoo kale lagu soo bandhigay qorshayaal lagu tayeynayo hawlgallada la xiriira badbaadada iyo la dagaallanka caqabadaha ku xeeran badda Soomaaliya, iyadoo lala kaashanayo hay’adaha maxalliga iyo kuwa caalamiga ah.

Tallaabadan ayaa lagu tilmaamay mid waxtar weyn u leh dadaallada lagu sugayo amniga iyo horumarinta kheyraadka badda Soomaaliyeed.

     

Guddoomiyaha Golaha Shacabka oo ku dhawaaqay xiritaanka kalfadhiga 5-aad

Guddoomiyaha Golaha Shacabka ee Baarlamaanka Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya, Mudane Sheekh Aadan Maxamed Nuur (Madoobe), ayaa ku wargeliyay xildhibaannada in si rasmi ah loo xiray kalfadhigii shanaad ee Golaha Shacabka.

Qoraal uu soo saaray guddoomiyaha ayaa lagu sheegay in kalfadhiga shanaad uu si waafaqsan Dastuurka iyo Xeer-hoosaadka Golaha Shacabka u xirmayo laga bilaabo 6da December 2024, halka kalfadhiga lixaadna uu dib u furmi doono 6da February 2025.

Guddoomiyaha ayaa uga mahadceliyay xildhibaannada sida sharafta leh ee ay waajibaadkooda u guteen intii uu socday kalfadhigii shanaad, isagoo u rajeeyay nabadgelyo iyo caafimaad inta lagu jiro fasaxa.

Wasaaradda Arrimaha Dibadda oo fududeysay dib usoo celinta 161 dhalinyaro Soomaaliyeed oo laga soo celiyay dalka Liibiya

Wasaaradda Arrimaha Dibadda iyo Iskaashiga Caalamiga oo uu hoggaaminayo Wasiirka Arrimaha Dibadda Danjire Axmed Macalin Fiqi, ayaa ku guuleysatay fududeynta in 161 dhallinyaro Soomaaliyeed ah oo ku xayiranaa dalka Libiya si iskood ah dalkooda loogu soo celiyo, iyadoo loo marayo barnaamijka Is-xilqaan ee Bani’aadantinimada (VHR).

Muwaadiniita dalka dib ugu soo laabatay ayaa 74 ka mid ah waxaa ay gaareen magaalada Hargeysa halka 87 ay gaareen magaalada Caasimadda ee Muqdisho, taasoo muujinaysa sida ay Soomaaliya uga go’an tahay wax ka qabashada caqabadaha tahriibka iyo dib u soo celinta muwaadiniinteeda.

Wasiirka Arrimaha Dibadda Danjire Axmed Macalin Fiqi ayaa ku nuux-nuux saday sida hagar la’aanta ah ee Dowladda Federaalka Soomaaliya ay uga go’an tahay ilaalinta Badqabka muwaadiniinteeda ku sugan dalka dibadiisa iyo sidii ay dalkooda ugu soo laaban lahaayeen.

Dhanka kale Danjire Maryan Yaasiin, Ergeyga Gaarka ah ee Madaxweynaha J.F.S u qaabilsan Muhaajiriinta & Xaquuqda Carruurta, ayaa muujisay sida ay ugu faraxsan tahay dadaallada la isku soo dubariday, iyadoo tilmaantay doorka muhiimka ah ee Safaaradda Soomaaliya ee Liibiya ku leedahay ka hortagga caqabadaha Tahriibka.

Barnaamijkan Dib u soo celinta ayaa waxaa gacan ka geystay Midowga Yurub, IOM, iyo UNHCR, kuwaas oo wax ku biirintoodu ay lama huraan u ahayd fududeynta soo celinta Muwaadiintan Soomaaliyeed.

Safiirka Midowga Yurub ee Soomaaliya Mudane Karin Johansson iyo Madaxa Hay’adda IOM ee Soomaaliya Manuel Marques Pereira ayaa bogaadiyay tallaabooyinka fir-fircoon ee Soomaaliya ay uga hortagayso dhibaatooyinka haysta muwaadiniinta go’doonsan, ayagoo hoosta ka xariiqay muhiimadda iskaashiga caalamiga ah ee wax ka qabashada caqabadaha socdaalka.

Dhanka kale Mudane Danjire Cabdi Aadan, Safiirka Soomaaliya ee Liibiya, ayaa kaalin mug leh ka qaatay iskudubaridka dadaallada dhulka, xaqiijinta guusha hawlgalkan adag.