Hay’adda xuquuqul insaanka Amnesty International oo ka warbixisay xasuuqa ka socda Gaza

Hay’adda u dooda xuquuqda aadanaha ee Amnesty International ayaa soo saartay warbixin cusub oo ku saabsan dagaalka Israa’iil ay ka waddo Gaza iyo sida uu uga hor-imaanayo heshiiskii qaramada midoobay ee sanadkii 1948 lagu mamnuucay adeegsiga waxa loo yaqaanno xasuuqa.

Warbixintaan oo ka hadleysa Xasuuqa Israa’iil ee ka dhanka ah Falastiiniyiinta ayaa la daabacay maanta ,iyadoo la sheegay in ay wadato wareysiyo, markhaatiyaal ,falanqayn, caddeymo, muuqaallo ,sawirro iyo hadallo ay bixiyeen xukuumadda Israa’iil iyo saraakiil ciidan.

Amnesty waxa ay sheegtay in milatariga Israa’iil ay sameeyeen ugu yaraan saddex ka mid ah shantii fal ee lagu mamnuucay heshiiskii QaramadaMidoobay ee dhacay sanadkii 1948-dii.

Heshiiskaasi waxaa ku jiray in la mamnuucay  dil aan loo meel dayin oo loo geystay dad rayid ah,in qofka aan loo geysan Karin waxyaabo jir ahaan iyo maskax ahaan dhaawacaya,in ay mamnuuc tahay barakicinta dadka,burburinta hantidooda iyo in la galiyo xaalad nololeed oo khatar ah.

” Israa’iil waxay ula dhaqantay Falastiiniyiinta Gaza sida koox ka hooseysa bini’aadanimada  oo aan u qalmin xuquuq iyo sharaf “ayeey tiri Agnes Callamard, xoghayaha guud ee Amnesty International.

Haweeneydaasi waxay daaha ka qaadday in muddo bilo ah Israa’iil ay ku adkaysatay inay sii waddo falal xasuuq ah, iyadoo si buuxda uga warqabta dhibaatada aan laga soo kaban karin ee ay u geysanayso Falastiiniyiinta Gaza.

Shirka Golaha Wasiirada oo lagu soo bandhigay warbixin la xiriirta ciidanka qaranka ee la geeyey deegaanka Raaskamboni

Shirka Golaha Wasiirrada oo uu guddoominayey Ra’iisul Wasaaraha Xukuumadda Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya Mudane Xamsa Cabdi Barre, ayaa lagu soo bandhigay Warbixinno kala duwan oo la xiriira, amniga, qorshaha isbeddelka Qaranka iyo heerka ay mareyso canshuurta iibka oo tan iyo muddaddii la bilaabay sameeyey sare-ukac ballaaran.

Golaha ayaa warbixin la xiriirta ciidanka Qaranka ee la geeyey deegaanka Raaskamboni ee Jubbaland, waxa uu ka dhegeystay Wasaaradda Amniga Gudaha, iyada oo tilmaamtay in ujeedka ciidanka loo geeyey uu yahay sidii ay ula wareegi lahaayeen amniga deegaannadii ay ka baxeen ciidanka ATMIS, si ay u xaqiijiyaan amniga goobahaas.

Sidoo kale, Wasaaradda Qorsheynta, Maalgashiga iyo Horumarinta Dhaqaalaha, ayaa golaha warbixin ka siisay halka uu marayo Qorshaha Isbeddelka Qaranka (NTP) 2025-2029, oo diyaarintiisu ay socotay muddo sanad ku dhow, haddana maraya heer gabo-gebo ah, kaas oo dhaqan geli doona sanadka 2025, isla markaana beddeli doona qorshaha horumarinta Qaranka (NDP-9).

  

Soomaaliya oo loo doortay Guddoomiyaha Madasha haweenka nabadda iyo amniga ee IGAD (IWPSF)

Mombasa: Marwo Sacdiya Maxamed Nuur oo ah Agaasimaha Waaxda Horumarinta Haweenka ee Wasaaradda Qoyska iyo Horumarinta Xaquuqul Insaanka ee XFS, ayaa maanta loogu doortay magaalada Mombasa ee dalla Kenya Guddoomiyaha Madasha Haweenka, Nabadda iyo Amniga ee urur gobaleedka IGAD (IWPSF).

Wasaaradda Horumarinta Qoysa iyo Xaquuqul Insaanka Soomaaliya ayaa bogaadisa dadaalka wadajirka ah ee kooxda hoggaanka cusub, oo ay ku jiraan guddoomiye ku xigeenka Ms. Amer Manyok Deng oo u dalatay dalka Kuufurta Suudaan iyo Xoghayaha Hon. Dora Byamukama oo iyana u dhalatay dalka Uganda

Urur gobaleedka IGAD iyo dowladaha xubnaha ka ah ayaa waddo daddaalo lagu xoojinayo Amniga iyo Nabbadda gobalka gaar ahaa dalka Sudan, kooxadan ayaa ka shaqeynaysa horumarinta ajendaha Haweenka, Nabadda, iyo Amniga ee gobolka.

     

Shir ku saabsan marxaladda kala guurka hawlgallada ATMIS iyo AUSSOM oo Muqdisho lagu qabtay

War-murtiyeed kasoo baxay Shirka Taliyaasha Ciidamada dalalka ka midka ah howlgalka Nabad ilaalinta Midowga Afrika ee Soomaaliya oo maanta lagu soo geba-gebeeyay magaalada Muqdisho

Shirka Taliyeyaasha Ciidamada dalalka qeybta ka ah howlgalka Nabad ilaalinta Midowga Afrika ee Soomaaliya ayaa ku qabsoomay Magaalada Muqdisho inta u dhaxeysay 30-ka Nofeembar, ilaa 4-ta Diseembar 2024, iyadoo diiradda lagu saaray qorshaha hawlgalka Kala-guurka Midowga Afrika ee Soomaaliya (ATMIS) oo ku eg 31 Diseember 2024 iyo howlgalka cusub ee Taageerada iyo Xasillinta Soomaaliya (AUSSOM).

Shirka oo uu soo xiray Wasiirka Wasaaradda Gaashaandhigga Soomaaliya Mudane Cabdulqaadir Maxamed Nuur, ayna ka qeyb galeen taliyeyaasha ciidamada dalalka Soomaaliya, Djibouti, Uganda, Burundi, Kenya, wakiillo ka socda Midowga Afrika, Hawlgalka ATMIS, iyo Xafiiska Taageerada Qaramada Midoobay ee Soomaaliya (UNSOS) ayaa waxaa ka soo baxay;-

1. Soo dhaweeynta howlgalka cusub ee AUSSOM, iyada oo lagu adkeeyay in howlgalka uu ka faa’iideysto casharradii laga bartay ATMIS, si loo xoojiyo amniga Soomaaliya.

2. Waxaa lagu bogaadiyay Dowladda Federaalka Soomaaliya dadaalkeeda la xiriira iskaashiga iyo horumarinta qorsheyaasha kadib bixista ATMIS.

3. Dalalka ciidamada ku deeqay ayaa xaqiijiyay in ay ka go’an tahay taageeridda nabadda iyo dhismaha dowladnimada Soomaaliya.

4. Dalalka ka qeyb-galay shirka ayaa xaqiijiyey sida ay u garab taagan yihiin in la ilaaliyo midnimada, madax-bannaanida, iyo xuduudaha Soomaaliya.

5. Waxaa la soo jeediyay in la sameeyo hab-raacyo isku-dubarid ah oo heer istaraatiiji, hawlgal, iyo farsamo leh.

6. Dowladaha waxay isku raaceen qorshe lagu horumarinayo meelaha istiraatiijiga ah ee ay dagi doonaan AUSSOM.

7. Beesha caalamka ayaa lagu boorriyay in ay sii wadaan taageerada dhaqaalaha iyo qalabka howlgalka cusub ee AUSSOM.

Shirka ayaa gabgabdii la isla qaatay in la sii xoojiyo guulaha la gaaray, lana taageero qorshaha iyo dadaalada Dowladda Federaalka ee Soomaaliya ee horumarinta amniga qaranka.

          

Hawlgal lagu naafeeyey Khawaarijta oo laga fuliyey Shabeelaha hoose

Marka: Hawlgal qorsheysan oo ciidanka xoogga dalka, gaar ahaan guutada 7-aad ee qaybta 12-April ay ka sameeyeen deegaano ka tirsan gobolka Shabeelaha hoose ayaa waxaa lagu dilay dhagarqabeyaal ka tirsan Khawaarijta, iyaddoo la bur-buriyey goobo gabbaad ay ka dhiganayeen Argagixisada.

Dhagarqabe-yaal isugu jira horjoogeyaal iyo Maleeshiyaad, ayaa Khawaarijta looga dilay Howlgalkaan, dhaawaca ayaana tiro beel ah, waxaana geesiyaasha ay ku raad-joogaan firxadka cadowga, sida uu warbaahinta u sheegay gaashaanle sare Axmed Cabdi Cali “Axmed gaashaan” taliyaha guutada 7-aad ee qaybta 12 April ciidanka xoogga dalka.

Wasiirka caafimaadka dalka oo daah-furay mashruuc lagu badbaadinayo carruurta

Wasaaradda Caafimaadka iyo daryeelka bulshada XFS, Dowladda Ingiriiska Hey’addeeda FCDO iyo Boqortooyada Sucuudi Carabiya Hey’adeeda gargarka ( king Salman Relief), ayaa qeyb ka ahaa maanta madashada lagu daahfurayey Mashruuca lagu yaraynayo Nafaqo-darada Caruurta Soomaaliyeed.

Mashruucani ayaa ujeedadiisu tahay in la helo adeegyo iyo qorshayaal looga hortagayo laguna dawaynayo Nafaqo-darada taasoo laga fulinayo 15 degmo oo khatarta Nafaqo-darada ugu sarayso dalkeena.

Wasiirku wuxuu si qoto dheer ugu hadlay in dawaynta kaliya (treatment of Malnutrition) aan lagu xalin karin nafaqadarada ee ay muhiimaddu tahay in la iska kaashaado dhammaan dhincayada ay khusayso sida Caafimaadka, Beeraha, Biyaha, Fayadhowrka iyo Waxbarashada, iskaashigaasi waxa u horseedi karaa horumar waara, kaasoo suurta gelinaya natiijooyinka Nafaqada iyo Caafimaadka guud ahaan dadweynaha Soomaaliyeed.

Wasiirka ayaa ugu dambeyn ugu mahadceliyey Dowladaha Ingiriiska iyo Sucuudiga taageeradooda joogtada ah ee ay markasta la garab taagan yihiin Soomaaliya gaar ahaan qeybta Caafimaadka.

   

Ciidamadii ka baxay Jubaland oo loo diiwaangaliyey xuquuqda ciidanka xoogga dalka

Raaskambooni: Boqolaal ka tirsan ciidan ka tirsanaa daraawiishta Jubaland oo maalmahan si isdaba joog ah ugu biirayey ciidanka xoogga dalka ayaa maanta diiwaangelintooda laga bilaabay deegaanka Raaskambooni, si ay u helaan xuquuqda ciidanka XDS.

Ciidamadan ayaa loo diray inay la dagaalamaan xoogga dalka, balse waxa ay qaateen inay diidaan danaha siyaasadeed ee looga horgeynayo dowladooda.

“Waxaan ka mid ahaa saraakiisha ka soo xarootay Jubaland ee loo soo diray inay calankooda xabadeeyaan, waa diidnay, go’aankeena maaha inaan calanka Soomaaliya xabadeyno, 14-sano ayaan u shaqaynayey Jubaland wax xuquuq ah ma lahayn” ayuu yiri Khadar Cali Ibraahim oo ka mid ah ciidamada maanta la diiwaangeliyey.

Tallaabadan ayaa ciidamo badan oo ka tirsanaa Jubaland ku dhiirigelisay inay diidaan u dagaalamidda dano siyaasadeed oo gaaban.

    

Ciidamo cusub oo ka tirsan xoogga dalka oo gaaray Raaskambooni.

Raaskambooni: Cutubyo cusub oo ka tirsan xoogga dalka ayaa maanta gaaray deegaanka Raaskambooni ee gobolka Jubada hoose, halkaas oo todobaadyadan ay ciidanku ka wadeen dhaqdhaqaaq xooggan.

Taliyaha guutada 18-aad ee Gorgor gaashaanle dhexe Xasan Ciraaqi ayaa warbaahinta Qaranka u sheegay in ujeedada ay ciidanku halkan u yimaadeen inay tahay xoojinta la dagaalanka argagixisada iyo inay qaataan masuuliyadda ilaalinta ammaanka xuduudaha, maadaama saldhigyo gobolkaas ku yaal ay baneeyeen ciidamada ATMIS.

Waxa uu xusay Taliye Ciraaqi in ciidamadan aysan duulaan ku ahayn deegaan deegaan nabad ah, balse masuuliyadoodu ay tahay ciribtirka Khawaarijta iyo difaaca shacabka

Maalmihii la soo dhaafay ciidamo ka tirsanaa daraawiishta Jubaland ayaa si isdaba joog ah ugu biirayey ciidamada xoogga dalka ee Raaskambooni ku sugan.

   

23 ka tirsan Khawaarijta oo lagu dilay howlgal ka dhacay Gobolka Shabeellaha Hoose

Afgooye:-Ciidanka Hay’adda Sirdoonka iyo Nabad Sugidda Qaranka ee NISA ayaa fuliyay howlgal lagu dilay Maleeshiyaad ka tirsan Khawaarijta oo ka dhacy Gobolka Shabeellaha Hoose.

Howlgalkan oo ka dhacay shalay deegaanka Baqdaad ee hoostaga degmada Afgooye ayaa lagu khaarajiyay 23 ka tirsan Khawaarijta maleeshiyaadka Al-Shabaab.

Ciidanka Hay’adda Sirdoonka Qaranka ayaa helay xogta maleeshiyaadkan, kuwaas oo isku uruursanayay deegaankaas, iyadoo Hay’adda shacabka Soomaaliyeed ku wargalisay inay ka fogaadaan goobaha khawaarijtu ku sugan yihiin.

Madaxweynaha JFS oo digniin adag ka soo saaray maalgelinta argagixisada

Madaxweynaha Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya, Mudane Xasan Sheekh Maxamuud, ayaa maanta shir guddoomiyey kulan degdeg ah oo muhiim ah kaas oo looga hadlayay la-dagaallanka maalgelinta argagixisada.

Kulanka waxaa ka qayb galay Guddiga Qaran ee NAMLC, hey’adaha amniga iyo kuwa kale ee muhiimka u ah dowladda ayaa daba socda guulihii hore ee dowladu ka gaartay ladagaalanka maalgalinta kooxaha aragagixisada.

Shirkan ayaa diiradda lagu saaray dardargelinta dadaallada lagu wiiqayo maalgalinta argagixisada, waxaana kasoo baxay go’aanno adag oo lagu beegsanayo cid kasta oo ku lug yeelata maalgelinta falalka argagixisada.

Madaxweyne Xasan Sheekh Maxamuud ayaa carrabka ku adkeeyey in gacan bir ah lagu qaban doono cid kasta oo ka qayb qaadata dhaqdhaqaaq kasta oo lagu taageerayo maalgelinta argagixisada.

Madaxweynaha ayaa faray hay’adaha dowladda, gaar ahaan kuwa amniga, in ay qaadaan tallaabooyin degdeg ah oo dhinacyo badan taabanaya, si loo joojiyo baadda ay kooxda Khawaarijta ka qaaddo shacabka Soomaaliyeed.

Sidoo kale, Madaxweyne Xasan Sheekh ayaa digniin culus u diray ganacsatada iyo shacabka Soomaaliyeed, isaga oo ku booriyey in ay ka digtoonaadaan la macaamilka kooxaha Khawaarijta. Waxa uu caddeeyey in cid walba oo lagu helo ku lug lahaanshaha maalgelinta argagixisada laga qaadi doono tallaabooyin adag oo waafaqsan sharciga.

Dowladda Federaalka Soomaaliya ayaa adkeyneysa dadaalkeeda ku aaddan ciribtirka khatarta argagixisada si loo xoojiyo amniga iyo xasilloonida dalka.