Ra’iisul Wasaaraha XFS oo qaabilay Danjiraha Qatar ee Soomaaliya

Ra’iisul Wasaaraha Xukuumadda Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya, Mudane Xamsa Cabdi Barre, ayaa xafiiskiisa ku qaabilay Danjiraha Qatar ee Soomaaliya, Mudane Abdullah Salem Al Nuaimi, iyagoo ka wada hadlay xoojinta xiriirka iyo iskaashiga ka dhaxeeya labada dal ee walaalaha ah.

Ra’iisul Wasaare Xamsa ayaa uga mahadceliyey Dowladda Qatar taageerada ay siiso Soomaaliya, gaar ahaan dhinacyada amniga, tababarka ciidamada qalabka sida, horumarinta adeegyada asaasiga ah iyo gargaarka.

Dhankiisa, Danjire Abdullah, ayaa sheegay in ay sii wadi doonaan taageerada dhinacyada kala duwan leh ee ay mar walba la garab taagan yihiin Dowladda iyo shacabka Soomaaliyeed.

Danjiraha JFS ee Kenya oo qaabilay Siihayaha Safiirka Uganda ee dalka Kenya

NAIROBI:-Safiirka Soomaaliya ee dalka Kenya Danjire Jibriil Ibraahim Cabdulle ayaa xarunta safaaradda Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya ee Nairobi ku soo dhaweeyay Kusimaha Safiirka dalka Uganda u fadhida dalka Kenya Danjire Eunice Kigenyi oo halkaas booqasho ku timid.

Danjire Jabril Ibrahim Abdulle iyo Danjire Eunice Kigenyi ayaa Wadahadalada dhexmaray labada dhinac diiradda ku saaray arrimaha danaha u ah labada dal, oo ay ku jiraan barnaamijyadda ay wadaan hay’adaha UNEP, UN-Habitat ee fadhigooda yahay Magaalada Nairobi.

Sidoo Danjire Jibriil Ibraahim Cabdulle iyo Kusimaha Safiirka dalka Uganda u fadhida dalka Kenya Danjire Eunice Kigeny ayaa ka hadlay Ajendaha qaarada Afrika ee Golaha Ammaanka ee Qaramada Midoobay iyo adkeynta xiriirka labada safaaradood.

Wasaaradda Caafimaadka XFS oo soo gabagabeysay Tababar Ku Saabsan Dhimirka

Wasaaradda Caafimaadka ayaa soo gabagabeysay tababar socday muddo 5 maalmood ah oo loo qabtay ardayda layli caafimaad( internship) qeybta psychiatric. Tababarkan, oo ka tirsan barnaamijka caalamiga ah ee Mental Health Gap Action Programme (mhGAP), ayaa diiradda lagu saaray sidii ardayda loogu bari lahaa xirfadaha lagu aqoonsado, lagu daryeelo, laguna daweeyo dadka qaba xanuunada dhimirka, gaar ahaan meelaha aan heli karin adeegyada takhasuska caafimaadka.

Tababarkan oo ka dhacay hoolka Nova Diagnostic ayaa ardayda lagu baray xirfado waxtar u leh oo ka caawinaya in ay fahmaan baahiyaha caafimaadka dhimirka ee bulshada Soomaaliyeed. Waxaa si gaar ah loogu baraarujiyay muhiimadda in la dhiso awoodda xirfadeed ee shaqaalaha caafimaadka si wax looga qabto caqabadaha sii kordhaya ee caafimaadka dhimirka.

Intii lagu jiray munaasabadda xiritaanka tababarka, mas’uuliyiin ka tirsan Wasaaradda Caafimaadka ayaa hoosta ka xarriiqay sida ay muhiim u tahay in la xoojiyo tababarada noocan ah si loo gaaro adeegyo caafimaad oo tayo leh. Waxay tilmaameen in tababaradan ay qeyb ka yihiin dadaallada lagu horumarinayo adeegyada caafimaadka dhimirka, taas oo qayb ka ah istiraatiijiyadda guud ee caafimaadka ee dalka.

Soomaaliya oo Turkiga ka taageereysa Marti-gelinta Shirweynaha 31-aad ee Isbedelka Cimillada Adduunka

Ankara: Wasiirka Wasaaradda Deegaanka iyo Isbeddelka Cimilada ee JFS, Amb. Khadiija Maxamed Al-makhzoumi, ayaa kulan la yeelatay dhiggeeda Wasiirka Deegaanka, Magaalaynta iyo Isbeddelka Cimilada ee Turkiga, Mudane Murat Kurum.

Kulanka ayaa looga hadlay xoojinta xiriirka labada wasaaradood, iskaashiga caalamiga ah ee Soomaaliya iyo Turkiga iyo sidii loo horumarin lahaa ajendaha cimilada.

Labada wasiir ayaa si gaar ah diiradda u saaray sidii Soomaaliya uga qeyb qaadan lahayd taageeridda Turkiga oo doonaya in uu martigeliyo shirweynaha caalamiga ah ee #COP31.

Wasiir Khadiija ayaa ballan qaaday in ay Turkiga ka caawinayaan ololaha ay ku doonayaan in shirkan lagu qabto Turkiga, iyadoo Soomaaliya codkeeda si buuxda ugu taageerayso Turkiga.

Kulankani waxa uu iftiiminayaa sida muhiimka ah ee ay Soomaaliya u daneyneyso iskaashiga saaxiibtinimo iyo horumarinta ajendaha cimilada ee caalamka, iyadoo qayb ka ah taageeridda xalalka waara iyo iskaashiga caalamiga ah.

Tartanka Isgaarsiineed INTERNET-ka yuu faa’iido u yahay?

Magaca internet wuxuu ka yimid ereyga interconnection network, oo loo soo gaabiyey internet.

Internet waa hab aduunka oo dhan u furan iney isu dhaafsadaan ogaalka,wacaasha, cilmiga, ganacsiga iwm. Internet wuxuu ka kooban yahay Shabakadda Kombuyuutarada (Computer Network), kuwaasoo xogta ( Data) isu dhaafsada habka loo yaqaan internet protocol, wuxuuna ka kooban yahey malyuumaad shabakadood (network) sida kuwa jaamacaddaha, ganacsiyada, dowladaha, shirkadaha. kuwaasi oo si wadajir ah isu dhaafsada xog kala duwan oo nooc walba leh sida Sawiradda, Muuqaalada, Codadka, iyo Qoraaladda.

Internetku waxow ahaa natiijo ka dhalatay Mashruuc ay sii daysay Hey’ada ARPANET sanadii 1969-kii, kaasi oo ahaa mashruuc ka soo baxay Wasaarada Gaashaandiga Mareykanka Barnaamijkaasi waxaa loo aasaasay isku xirka Ciidanka Mareykanka iyo jaamacadaha iyo dhammaan Hay’adaha cilmi barista, si looga faa’iideysto Aalada mobil Kowdii Janaayo ee 1983-kii ayaa Wasaarada Gaashaandhiga Mareekanka bedeshay Baratakoolkii NCP,  kuna wareegtay TCP/IP. Shabakada Internetka.

Haddaba waxaa dalkeenna ka hanaqaaday Shabakadaasi INTERNET-ka ah, waxaana abuurmay Shirkado, kuwaasi oo ku tartamaya suuqyada ama adeegsiinta bulshada, waxaana bilowdayTartan xalaal ah oo dhex mara shirkaddaha bixiya addeega Isgaarsiinta & Internet-ka, marka maxay bulshadu ka faa’iideeysaa tartankaani?:-

– Bixinta Addeeg tayo leh si ay u xajistaan macmiilka jooga kuwa cusubna loo helo;

– Hal-abuur iyo horumarinta addeegyada sida keenista addeega 5G , FIBER OPTIC si aan suuqa loogu kala harin.

– Qiimo jaban si Macaamiisha loogu soo jiito, taasoo ka dhigeysa adeegga isgaarsiinta & Internet-kaba mid jaban oo cid walba ay heli karto.

– Helitaanka addeega (service accessibility) tartanka furan ayaa shirkaddaha ku qasbaya in suuqyada loo kala hormaro, si loogu baahiyo Shabakada ama waxa loo yaqaan goobta addeega, baahidan oo ku badan Dalkeenna Soomaaliya, waxaad arkeeysaa goobo adeeg uusan ka jirin ama ciriiri ku yahay.

Sida ay qortay Wakaaladda Wararka ee  SONNA shirkadda STARLINK ee uu leeyahay Maal-qabeenka Elon Musk ayaa muujisay in ay daneeyneeyso in ay ka howlgasho Soomaaliya kadib kulan ay la qaaday Madaxa Hey’adda Igaarsiinta Qaranka (NCA) sanadi 2023-kii, waxay sidoo kale kulan la qaateen Safiirka Soomaaliya u fadhiya Washington, shirkadda SpaceX oo leh tan internet-ka bixisa ee STARLINK.

Waxaa kaloo isweydiin mudan sidee buu noqon doona Suuqa Isgaarsiinta Soomaaliya kadib ku soo biiritaanka SpaceX ama Starlink oo bixineysa addeeg Internet oo Satellite ah, kaasoo Xawaaraha, goobaha adeegga iyo qiimaha wax badan ka badeli doona, laakin su’aasha taagan ayaa ah  Maxaa hortaagan in Starlink ama SpaceX ay ka howlgasho Soomaaliya tan iyo 2023?

Haddaba waxaa mid lagu horumarinayo adeegyada Isgaarsiinta, heshiis iskaashi ku kala saxiixday magaalada Nairobi ee dalka Kenya Hey’adda Isgaarsiinta Qaranka (NCA) iyo Hey’adda Maaliyadda Adduunka ee marka la soo gaabiyo loo yaqaan IFC, taasi oo hoos timaada Bangiga Aduunka, iyadoo heshiiskani iskaashiga kaabayaasha Broadband ee u dhexeeya labada hey’addood ayaa ah mid lagu hormarinayo isgaarsiinta Soomaaliya, iyada oo hay’adda IFC ay Soomaaliya ka taageeri doonto dhanka dhaqaalaha iyo farsamadda.

Safiirka Soomaaliya u fadhiya magaalada Naroobi Danjire Jabril Ibrahim Cabdulle oo kulankaas ka hadlay, ayaa sheegay in Iskaashigaani uu calaamad u yahay tallaabo muhim ah oo loo qaadayo dhanka horumarinta isku xirnaanta iyo isgaarsiinta Soomaaliya, wuxuuna intaasi ku daray, “kobcinta hal-abuurka, iyo horumarinta dhaqaalaha dalka Soomaaliya ayaa ah mid u baahan in loo helo Isgaarsiin casri ah oo la jaanqaadi karta Caalamka”.

Internet Xawaarihiisu sarreeyo oo dhowaan laga hergaliyay gudahada dalka Soomaaliya ayaa durbadiiba waxa uu ka beddelay noloshada dadka iyo tan ganacsiga, korna u qaaday qeybo ka mida ganacsiga, kaais oo abuuray fursado shaqo oo cusub, wuxuuna heshiiskani waa wax ka badan hal-abuur ‘waa himiladii Soomaaliya oo horseedka u ahaan lahaa barwaaqo iyo horumar ay Soomaaaliya gaarto’.

Kulankaasi oo ku dhacay jawi aad u wanaagsan ayaa waxaa ka hadlay Mustafa Yaasiin Sheekh oo ah Maamulaha Guud ee Hey’addda Isgaarsiinta Qaranka, waxa uuna uga mahadceliyay Hey’adda IFC taageerada ay la garab taagan tahay horumarka isgaarsiinta Soomaalida iyo inay taabagal noqonto.

Wasiirka Tamarta iyo Kheyraadka Biyaha oo Riyadh uga qeyb galay shirka COP16

Riyadh:-Wasiirka Tamarta iyo Kheyraadka Biyaha XFS, Mudane Cabdullaahi Bidhaan Warsame ayaa shirka COP16 ee Riyaad uga qeyb-galay dood ku saabsaneyd qiimeynta mawduucyada muhiimka u ah maalgalinta u adkeysiga abaaraha iyo soo-saarista biyaha Afrika. Madashan oo xoogga saareysay Helidda Imkaaniyaadka lagu soo saaro Biyaha Hoose ayaa waxaa si wadajir ah u soo qaban-qaabiyey hay’adda UNDP, Sanduuqa horumarinta ee dowladda Boqortooyada Sacuudi Careebiya iyo Bankiga Horumarinta Islaamka (IDB).

Maareeyaha Guud ee Sanduuqa Horumarinta Dowladda Boqortooyada Sacuudi Careebiya, Mudane Mr. Sultan Al-Marshad ayaa madasha uu uga dhawaaqay mashruuc lagu horumarinayo helidda biyaha hoose ee Soomaaliya.

Mashruucan waxa waxa uu bedeli doonaa isku halleynta iyo amniga biyaha hoose ee dalkeena, waxa uuna naga taageeri doonaa in aynu iska caabinno, una adkeysanno abaaraha, iyo sidoo kale in ay shacabkeennu helaan biyo nadiif ah.

Horjooge sare kana tirsan Khawaarijta oo lagu soo qabtay howlgal ka dhacay duleedka Buur-Hakaba

Ciidamadda Xoogga Dalka oo kaashanaya kuwa Daraawiishta Koonfurgalbeed ayaa shalay howlgal qorsheeysan oo ay ka sameeyeen deegaanka Buur-Helede oo degmada Buur Hakaba ee gobolka Baay kusoo qabtay Horjooge sare oo ka tirsan Khawaarijta Al-Shabaab.

Horjoogahan oo lagu magacaabo Caliyoow Isaaq oo Khawaarijta u qaabilsanaa Lacaga Baad ah ee ay ka qaadaan Shacabka iyo Gaadiidka ayaa in muddo ah dhib ku haayay dadka Shacabka ah ee halkaas ku dhaqan.

Taliyaha Ciidamadda Daraawiishta degmada Buur-hakaba Dhamme Maxamed Xasan Aadan (Sandheere) ayaa sheegay in markii ay soo qabanayeen Horjooge Caliyoow uu ku howlanaa inuu lacago Baad ah ka qaado gaadiid safar ah.

Xoogga dalka ayaa Khawaarijta ka soo qabtay horjoogayaal halis ku ah dadka Soomaaliyeed, iyadoo kuwa kale oo intaas ka badan laga khaarajiyay, waxaana guud ahaan ka socda goobaha ay kuu dhuumanayaan Khawaarijta howlgallo ka dhan ah.

Agaasimaha Waaxda Yurub iyo Ameerika oo qaabilay Safiirka Switzerland

Agaasimaha Waaxda Yurub iyo Ameerika ee Wasaaradda Arrimaha Dibadda iyo Iskaashiga Caalamiga, Mudane Danjire Yoonis Xaashi, ayaa shalay xarunta Wasaaradda kulan muhiim ah kula yeeshay Safiirka Switzerland ee JFS Mudane Mirko Guilietti.

Danjire Xaashi ayaa uga mahadceliyey Dawladda Switzerland sida hagar la’aanta ah ee ay u garab taagan tahay JFS, Kulanka ayaa diiradda lagu saaray horumarka Soomaaliya ay ka gaartay dib u dhiska hay’adaha Dawliga ah, kobcinta dhaqaalaha, iyo tayeynta adeegyada kala duwan bulshada sida Caafimaadka, iyo waxbarashada.

Labada dhinac ayaa hoosta ka xariiqay muhiimadda ay leedahay Dar dargelinta Dadaaladda firfircoon ee Soomaaliya ee heer gobol iyo heer caalami, sida iskaashiga ay la leedahay Midowga Afrika, IGAD, iyo Bulshada Bariga Afrika, si loo horumariyo nabadda iyo xasilloonida Gobolka.

Danjire Xaashi ayaa iftiimiyay Muhiimadda Ay leedahay Xubinnimadda ka Soomaaliya ee Golaha Amaanka Qaramada Midoobay sanadka 2025-ka, kaas oo Soomaaliya siin doona gogol ay uga dooddo Nabadda, Amniga, iyo horumarka.

Danjire Guilietti ayaa xaqiijiyay sida ay Switzerland uga go’an tahay taageeridda rabitaanka Soomaaliya isagoo qiray dadaallada lagu horumarinayo shuruucda iyo qawaaniinta Caalamiga ah ee Cahdiga jineefa.

War-saxaafadeed: Soomaaliya oo Madagascar uga mahadcelisay badbaadinta muwaadiniin Soomaaliyeed

Jamhuuriyadda Federaalka ah ee Soomaaliya ayaa si weyn ugu mahadcelineysa Dawladda iyo shacabka Madagascar, gaar ahaan kalluumeysatada ku dhow Jasiiradda Nosy Iranja, dadaalka geesinimada leh ee ay u galeen soo badbaadinta 47 Muwaadiniin Soomaaliyeed oo ku qalibantay labo doonyood 23-kii November, 2024. Dhacdadan ayaa galaaftay nolosha dad badan oo tiradoodu dhan tahay 28 qof, iyadoo 23 lagu aasay Qabuuraha badda, halka 5 qofna lagu aasay Madagascar.

Dadka badbaaday oo ay ku jiraan 26 haween ah iyo 31 rag ah oo dhallinyaro ah, ayaa loo qaaday Jasiiradda Nosy Be, halkaas oo ay hadda ku sugan yihiin goob loogu talagalay. Dowladda Soomaaliya oo kaashaneysa maamulka Malagasy ayaa dadaal dheer ugu jirta sidii dadkan dib loogu soo celin lahaa dalkooda, dibna ula midoobi lahaayeen qoysaskooda.

Socdaalkan ayaa ka bilowday magaalada Muqdisho ee Caasimadda dalka Soomaaliya, iyadoo kooxdan ay soo mareen magaalada Nairobi ee dalka Kenya, iyagoo ku sii jeeday magaalada Mombasa, halkaasoo ay ka raaceen doomo si lama filaan ah ugu dagtay meel u dhow Madagascar. Tani waxay muujinaysaa khataraha soo foodsaartay soogalootiga adduunka oo dhan.

Dowladda Soomaaliya ayaa wufuud heer sare ah u dirtay Madagascar si ay u kormeeraan xaaladda una xaqiijiyaan in kuwa badbaaday ay si nabad ah ku soo laabteen. Mudane Dr. Xasan Sheekh Maxamuud, Madaxweynaha Soomaaliya ayaa tacsi tiiraanyo leh u diray ehelada marxuumka, wuxuuna caddeeyay in dowladdu ay ka go’an tahay ka hortagga musiibooyinka noocan oo kale ah.

“Masiibadani waa mid xusuusinaysa safarrada khatarta ah ee ay dad badani galaan si ay u helaan nolol ka wanaagsan. Waxaan uga mahadcelineynaa dadka Madagascar naxariista iyo geesinimada ay u muujiyeen badbaadinta muwaadiniinteenna, waxaana ka go’an inaan xaqiijinno inay si nabad ah ku soo laabtaan,” ayuu yiri wasiiru dowlaha Arrimaha Dibadda iyo Iskaashiga Caalamiga Mudane Cali Maxamed Cumar.

Sidoo kale, Dowladda ayaa dib u soo celinaysa 109-dhalinyaro Soomaaliyeed ah oo ku xiran dalka Liibiya, iyadoo lagu wado inay dalka dib ugu soo laabtaan Khamiista, iyadoo sidoo kale loo baahan yahay in la caawiyo muwaadiniinta Soomaaliyeed ee ku dhibaateysan dalka Togo iyo gobolla kale.

Dhacdadani waxay hoosta ka xariiqaysaa baahida degdega ah ee loo qabo iskaashi caalami ah si wax looga qabto sababaha asaasiga ah ee tahriibka, oo ay ku jiraan saboolnimada iyo ka ganacsiga dadka. Soomaaliya waxay ugu baaqaysaa bulshada caalamka inay taageeraan hindisayaasha kor u qaadaya socdaalka badbaadada leh.

Wasaaradda warfaafinta oo tababar u soo gabangabaysay 40-xubnood oo ka socda hay’adaha dowladda

Wasiir ku xigeenka Warfaafinta, Dhaqanka iyo Dalxiiska XFS oo aqoon isweydaarsi ku saabsan xiriirka Warbaahinta iyo Maareynta shirarka dowladda u soo xirey hawlwadeenada xiriirka Warbaahinta ee Hay’adaha dowladda Federaalka.

Tababarkani oo socday muddo seddex maalmood ah ayaa ujeedkiisu ahaa kor u qaadista hagaajinta xiriirka Warbaahinta iyo dadweynaha ee hay’adaha dowladda Federaalka Soomaaliya waxaana ka qeyb galay in ka badan 40 xubnood ka kala socda xafiisyada xiriirka Warbaahinta ee Hay’adaha dowladda Federaalka.

Danjire Yusuuf Garaad oo kamid ahaa khubarada tababarka bixisay ayaa xusay in muhiim tahay in la joogteeyo tababarada noocaan ah si kor loogu qaado xirfadda howlwadeenada xafiisyada warbaahinta ee hey’adaha dowladda.

Mudane Cabdullaahi Xayir Ducaale Agaasimaha Guud ee Wasaaradda Warfaafinta, Dhaqanka iyo Dalxiiska ayaa sheegay in diiraddu tahay horumarinta hab warbaahineedka xogta dowladda, isaga oo u mahad celiyay Hawlgalka Midowga Afrika ee Soomaaliya (ATMIS) oo aqoon isweydaarsigani ka taageeeray Wasaaradda.

Wasiir ku xigeenka Warfaafinta, Dhaqanka iyo Dalxiiska XFS Mudane Cabdiraxmaan Yusuf oo soo xirey tababarka ayaa tilmaamay in aqoon isweydaarsigani ahmiyad weyn siinayo wadashaqeynta iyo Iskaashiga ee Hay’adaha dowladda ee dhinaca Warbaahinta, xal u helista caqabadaha dowladda ka haysta dhinaca baahinta iyo hab qoraalka shirarka iyo hawlaha warfaafineed ee dowladda.

Sidoo kale, wasiir ku xigeenka ayaa tilmaamay in xoogga la saaro sidii loo kasban lahaa dadweynaha Isla markaana laga feejignaado kuwo caadeystay faafinta dacaayadaha ka dhanka ah dalka iyo dowladnimada.

Mudane Cabdiraxmaan Yuusuf, wasiir ku xigeenka Warfaafinta ayaa carrabka ku adkeeyay in gudbinta fariinta dowladda uu xil weyn ka saaran yahay hawlwadeenada xiriirka Warbaahinta ee dowladda Isla markaana diiradda Wasaaraddu saarayso kor u qaadista xirfadda iyo awoodda hawlwadeenada.