Ku dhawaad 30-ka tirsan Khawaarijta oo lagu dilay Shabeelaha dhexe

Ciidanka hayโ€™adda nabad sugida iyo sirdoonka Qaranka iyo ciidanka xoogga dalka Soomaaliyeed ayaa fuliyey hawlgal lagu dilay maleeshiyaad ka tirsan Khawaarijta oo ka dhacay gobolka Shabeellaha dhexe.

Golaha aqalka sare oo ka tacsiyeey geerida Senator Maxamed Cali Yuusuf

Guddoomiyaha Golaha Aqalka Sare ee Baarlamaanka Federaalka Soomaaliya, Guddoomiye ku xigeennada Aqalka Sare, hab-dhowraha, Senatorrada, Xoghayaha Guud ee Aqalka Sare iyo dhammaan howl-wadeennada Aqalka Sare ayaa tacsi tiiraanyo leh u diray qoyska, ehelada iyo qaraabadii uu ka geeriyooday Allaha u naxariistee Senator Maxamed Cali Yuusuf oo ku geeriyooday magaalada Istanbul ee Dalka Turkiga.

Senator Maxamed Cali Yuusuf Gaagaab wuxuu muddo dheer u soo adeegayey shacabka Soomaaliyeed, isaga oo kaalin wanaagsan ku lahaa dowlad-dhiska Soomaaliya, wuxuu ahaa aqoonyahan, waddani, xilal kala duwan ka soo qabtay dalka oo ay ka mid ahaayeen Madaxwayne ku xigeenka Puntland, Wasiirka Maaliyadda Puntland iyo haatan uu ahaa Senator ka tirsan Aqalka Sare ee Baarlamaanka Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya.

Guddoonka Golaha Aqalka Sare ayaa Marxuumka Ilaahay SWT uga baryey inuu jannadii fardowso ka waraabiyo, qoyska, qaraabada iyo guud ahaan umadda Soomaaliyeed-na uu samir iyo iimaan ka siiyo.

INNAA LILAAHI WA INNAA ILAYHI RAAJICUUN.

๐‘๐š๐ข๐ข๐ฌ๐ฎ๐ฅ ๐–๐š๐ฌ๐š๐š๐ซ๐ž ๐—๐š๐ฆ๐ฌ๐š ๐จ๐จ ๐๐จ๐ ๐š๐š๐๐ข๐ฒ๐ž๐ฒ ๐Š๐š๐š๐ฅ๐ข๐ง๐ญ๐š ๐ƒ๐š๐๐ค๐š ๐๐š๐š๐Ÿ๐š๐๐š ๐š๐ก ๐ค๐ฎ ๐ฅ๐ž๐ž๐ฒ๐ข๐ก๐ข๐ข๐ง ๐‡๐จ๐ซ๐ฎ๐ฆ๐š๐ซ๐ค๐š ๐ƒ๐š๐ฅ๐ค๐š

aโ€™iisul Wasaaraha Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya Mudane Xamsa Cabdi Barre ayaa ka qeybgalay Xuska Maalinta Caalamiga ah ee Naafada Adduunka oo sanad walba Maanta oo kale laga xuso dunida oo dhan.

Raโ€™iisul Wasaaraha ayaa sheegay in Xukuumadda DanQaran intii ay jirtay la ansixiyey sharciga Naafada, ayna ka goโ€™antahay ilaalinta Xuquuqda dadka Naafada ah ee Soomaaliyeed, isaga oo tilmaamay in dowladu ahmiyad weyn siineyso bulshada Naafada ah, iyo horumarinta kaabayaasha dadweynaha ee loo dhanyahay.

โ€œWaxaan bogaadinaya kaalinta dadka naafada ah ay ku leeyihiin horumarinta bulshada qeybaheeda kala duwan, waxaan rabaa inaan halkan ka caddeeyo in Xukuumadda ay ka goโ€™antahay xal u helida colaadaha, ciribtirka Khawaarijta, iyo in dalkeenna oo dhan laga sameeyo tallaabooyin dhanka horumarka ah, ayuu yiri Raโ€™iisul Wasaaruhu.

Mudane Xamsa ayaa tilmaamay in sanadaha soo socda dadka Naafada ah ay heli doonaan marinno sida ugu sahlan loo dhisay, ayna ka qeybgali doonaan siyaasadda dalka, doorashooyinka madaxa banaan, waxa kale uu sheegay in qorshaha isbeddelka Qaranka ee hadda socda laga uu saldhig u yahay sidii loo heli lahaa adeeg loo dhan yahay.

ย ย ย 

Raโ€iisulwasaaraha XFS oo ka qayb galay xuska maalinta caalamiga ah ee Naafada

Raโ€™iisul Wasaaraha Xukuumadda Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya, Mudane Xamse Cabdi Barre, ayaa ka qeyb galaya Munaasabad lagu xusayo Maalinta Caalamiga ah ee Naafada oo ka socota Magaalada Muqdisho.

Munaasabadda oo ay soo qaban qaabisay Wasaaradda Qoyska iyo Xaquuqda Aadanaha ayaa waxaa sidoo kale ka qeyb galaya qaar ka mid ah Golaha Wasiirada Xukuumadda, Xubno ka tirsan labada aqal ee Baarlamaanka, Diplomaasiyiin iyo marti sharaf kale.

Masuuliyiin ka tirsan Safaarada Soomaliya ee hindiya oo ka qayb galay shir Caalaami ah

Delhi:-Sii hayaha Safaaradda Soomaaliya ee dalka Hindiya, ahna Safiir ku xigeenka Safaaradda, Mudane Cabdifitaax Cabdullahi Nuur ayaa magaalada New Delhi uga qeybgalay shirka 29-aad ee CII Partnership Summit 2024.

Shirka oo ay martigalisay Dowladda Hindiya ayaa waxaa ka soo qeybgalay in ka badan 157 dal oo ka kala yimid dalalka Afrika, Asia iyo Europe, waxaana looga hadlay doorka dowladaha ay ka qaadan karaan horumarinta hanaanka warshadaha.

Sidoo kale waxaa hadalo ka jeediyay shirkaas qaar ka mid ah martida dalalkii kasoo qeybgalay oo inta badan ka hadlay wax soo saarka, dhoofka caalamiga ah, xiriirka ganacsi ee qaaradaha, dhaqaalaha guud iyo qaabka looga faaโ€™iideysto kheyraadka dabiiciga ah ee is dhaafsiga Dowladaha caalamka.

Shir looga hadlayo dhamaystirka Dastuurka oo ka furmay Muqdisho

Hayโ€™adaha u xilsaaran dib u eegista Dastuurka aya shalay muqdisho ku qabtay Shirka Wajiga 2aad latashiga bulshada ee soo jeedinta wax-ka badelka Cutubyada 5aad ilaa 9aad ee Dastuurka.

Shirarkan oo ah kuwo joogto ah ayaa taabagalkooda waxaa si wadajir ah isaga Kaashaday Hayโ€™adaha Kala ah Wasaaradda Cadaaladda & Arrimaha dastuurka XFS, guddiga Madaxa bannaan ee dib-u-eegista dastuurka iyo guddiga lasocodka Dastuurka ee labada Aqal ee baarlamaanka.

Shirka maanta ayey bulshada rayidka ah kusoo bandhigeen Aragtidooda iyo Tallooyinkooda ku aadan soo jeedinta wax ka bedelka Dastuurka gaar ahaan Cutubyada hadda Miiska saaran ee 5aad ilaa 9aad, iyadoo Shirka ay shir guddoominayeen Madax ka Socotay sadaxda hayโ€™adood ee u xil saaran dastuurka oo kala ah guddoomiyaha guddiga Madaxa bannaan ee dastuurka Avv burhaan Aadan cumar, Xoghayaha Joogtada ah ee Wasaaradda Cadaaladda & Arrimaha Dastuurka XFS Mudane faysal Aadan xassan iyo Xoghayaha guddiga lasocodka dastuurka ee labada Aqal ee baarlamaanka Senetor Siciid Cabdi xassan cowke.

Intii uu Socday shirka ayaa si xeel dheer loo dhegaystay Aragtiyada & tallooyinka bulshada rayidka ee Soo jeedinta waxkabedelka dastuurka gaar ahaan cutubyada 5aad ilaa 9aad ee hadda gacanta lagu hayo, iyadoo guddiga Madaxa bannaan ee Dastuurka ballan qaaday in tallooyinka bulshada rayidka ee dhaxalgalka ah la waafajin doono Wax ka badelka cutubyada ay ka aragtida dhiibteen ee 5aad ilaa 9aad.

ย ย ย ย ย 

Shir ku saabsan marxaladda kala guurka hawlgalka ATMIS oo Muqdisho lagu qabtay

Kulanka Guddiga farsamada ee Shirweynaha Taliyaasha Ciidamadda dalalka kamidka ah howlgalka Nadad ilaalinta Midowga Afrika ee Soomaaliya ayaa maanta ka furmay magaaladda Muqdisho.

Shirkan oo socon doona muddo Afar maalmood ah ayna kasoo qeyb gali doonaan Taliyayaasha dalalka ciidamadu ka joogaan Soomaaliya ayaa diiradda lagu saaridoonaa qorshaha kala guurka ee howlgalka ATMIS oo ku eg 31 Diseember 2024 kaasi oo uu baddalidoono howlgalka cusub ee AUSSOM oo ay hoggaamintiisa leedahay DFS.

ย ย ย ย ย 

Wasiirka hawlaha guud oo qaabilay madax ka tirsan hayโ€™adda Tis +

Wasiirka wasaaradda hawlaha guud, dib u dhiska iyo guriyeynta dowladda FS Dr Cilmi Maxamuud Nuur ayaa xafiiskiisa ku qaabilay masuuliyiin ka socday Hayโ€™adda TIS+.

Kulan oo ahaa mid isbarasho, xog waraysi iyo dardargalinta hawlaha shaqo ee u dhexeeya wasaaradda iyo Hayโ€™adda TIS+ ayaa madaxa Hayโ€™adda looga dhegaystay warbixinno la xiriirta mashaariicda dib u dhiska kaabayaasha dhaqaalaha dalka iyo qorsheyaasha ay gacanta ku hayaan.

Wasiir Cilmi Maxamuud Nuur ayaa bogaadiyey shaqada ay hayโ€™addu hayso, waxaana uu sheegay in wsaaradda hawlaha guud ay ka goโ€™antahay dib u dhiska kaabayaasha dhaqaalaha ee dalka.

Kulanka waxaa ka qaybgalay wsiir ku xigeenka wasaaradda Maxamed Cali Maxamuud (Taam), wasiiru dowlaha wasaaradda Siciid Maxamed Maxamuud Xayd iyo agaasimahaa Guud Mahdi Sheekh Cabdullahi.

ย ย ย 

Hantidhowraha Qaranka oo ka qaybgalay shirweynaha 2-aad ee hayโ€™adda Xisaabiyeyaasha Soomaaliyeed

Hantidhowraha Guud ee JFS, Axmed Ciise Guutaale, ayaa shirkan ka jeediyay khudbad kooban, waxa uuna si gaar ah u tilmaamay doorka muhiimka ah ee ay SICPA ku leedahay horumarinta xirfadda xisaabiyeyaasha Soomaaliyeed, kor u qaadista hufnaanta, daahfurnaanta maaliyadeed iyo dowlad wanaagga iyo xaqiijinta kalsoonida nidaamka maaliyadda Soomaaliya.

Hantidhowraha Guud waxa uu, sidoo kale, bogaadiyay dadaalka SICPA ee ku aaddan dhiirigelinta xisaabiyeyaasha, isaga oo ku booriyay in ay sii wadaan hawlahooda diyaarinta xirfadlayaal la jaanqaadi kara kuwo caalamka.

Shirkan ayaa dhiirigelinaya wada-shaqeyn dhex marta hayโ€™adaha maaliyadda iyo kuwa xisaabiyeyaasha, si loo gaaro horumar dhaqaale oo ku saleysan isla-xisaabtan iyo hufnaan.

ย ย 

Raโ€™iisul Wasaare Xamsa oo warbixin ka dhageystay masโ€™uuliyiita u xilsaaran diyaarinta Qorshaha Isbeddelka Qaranka

Raโ€™iisul Wasaaraha Xukuumadda Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya, Mudane Xamse Cabdi Barre ayaa warbixin ka dhageystay masโ€™uuliyiita u xilsaaran diyaarinta Qorshaha Isbeddelka Qaranka oo ku dhawaad laba bilood ka socda Magaalada Muqdisho.

Xubnaha hormuudka u ah NTP ayaa Raโ€™iisul Wasaaraha uga warbixiyey marxaladihii kala duwanaa ee diyaarinta Qorshuhu soo mareen iyo halka ay hadda soo gaartay ugu dambeyn, iyagoo lala wadaagay xogta hor u dhaca ah ee ka soo baxday iyo dadaalka iyo maskaxda la galiyey diyaarinta Qorshaha.

Raโ€™iisul Wasaare Xamse ayaa guddiga iyo dhammaan howl wadeenada gacanta ku haya diyaarinta Qorshaha uga mahad celiyay shaqada culus ee ay soo qabteen waxaana uu ballan qaaday in uu qorshahaani noqon doono midka ay ku shaqeyn doonaan wasaaradaha iyo hayโ€™adaha kala duwan ee dowladda.

ย ย ย ย