𝐃𝐨𝐰𝐥𝐚𝐝𝐝𝐚 𝐅𝐚𝐫𝐚𝐬𝐢𝐢𝐬𝐤𝐚 𝐨𝐨 𝐦𝐚𝐚𝐧𝐭𝐚 𝐬𝐢 𝐫𝐚𝐬𝐦𝐢 𝐚𝐡 𝐒𝐨𝐨𝐦𝐚𝐚𝐥𝐢𝐲𝐚 𝐮𝐠𝐚 𝐜𝐚𝐟𝐢𝐬𝐚𝐲 𝐥𝐚𝐜𝐚𝐠 𝐝𝐡𝐚𝐧 𝟏𝟒𝟓.𝟔 𝐌𝐢𝐥𝐲𝐚𝐧 𝐨𝐨 𝐃𝐨𝐨𝐥𝐥𝐚𝐫

Munaasibad kooban oo maanta lagu qabtay xarunta safaaradda Faransiiska ee maagaalada Nairobi ayaa waxaa si wadajir ah u saxiixay heshiiska lagu soo gunaanadayay lacagaha deymaha ah ee lagu lahaa Dowladda Soomaaliya Safiirka Dowladda Faransiiska ee Kenya iyo Soomaaliya Mr. Arnaud Suquet iyo Wasiirka Wasaaradda Maaliyadda XFS Mudane Biixi Imaan Cige, waxaa sidoo kale goobjoog ka ahaa kulanka Safiirka Soomaaliya ee dalka Kenya Mudane Jabriil Ibrahim Cabdulle.

Heshiiskaan ayaa waxa uu soo maray wada-xaajood wajiyo badan lahaa, sidoo kalena dabasocda go’aan kii ay gaareen horaantii sanadkan wadamada ku bahoobay Ururka Paris Club ayaa maanta suuro galiyay in Dowladda Soomaaliya si rasmi ah looga saamaxay deyn dhan $145.6 Milyan oo Doolar taas oo Dowladda Faransiiska ay ka tirtirtay buugeeda deymaha.

Wasiirka Maaliyadda Xukumadda Federal ka Soomaaliya Mudane Biixi Imaan Cige ayaa si gaar ah ugu mahadceliyay Dowladda iyo Shacabka Faransiiska, sida garashada leh ee ay u garab istaageen Dowladda Soomaaliya iyo saamaxaada lacagihii ay ku lahaayeed Dowladda.

Dowladda Soomaaliya waxa ay dadaal xoogan ugu jirtaa dhameystirka hannaanka deyn cafinta oo soo gabagaboobay dabayaaqadii 2023-kii, Wasaaradda Maaliyadda XFS oo hormuud u ah wada-xaajoodka shaqsi shaqsiga ah ee Dalalka deymaha leh ayaa hada rajo weyn ka qabta gaba gabeynta hannaanka lagu tirtirayo dhammaan deymaha lagu lee yahay Soomaaliya.

 

    

Xubnaha Guddiga Madaxa bannaan ee Doorashooyinka Qaran oo doortay guddoon cusub

Guddiga madaxa bannaan ee doorashooyinka qaranka iyo soohdimaha ayaa maanta dooratay Guddoomiye iyo kuxigeenkiisa.

Guddoomiyaha Guddiga  madaxa bannaan ee Doorashooyinka Qaranka iyo Soohdimaha ayaa loo doortay Cabdikariim Axmed Xasan,halka guddoomiye kuxigeka isna loo doortay Saaqada Abshir Garaad.

Munaasabadda doorashada waxa ka qeybgalay wasiirka Arrimaha Gudaha faderaalka iyo Dib-uheshiisiinta iyo masuuliyiin kale oo katirsan dowladda,kuwaa oo bagaadiyay sida hufan ay doorashada u dhacday.

Guddiga doorashooyinka Qaranka ayaa guda gali doonno howlaha ka shaqeynta sidii dalka ay uga qabsoomi lahaayd Doorasho qod iyo cod ah shacabka ay soo doortan cidda hoggaamineeyso.

 

 

Guddiga doorashooyinka Qaranka oo saakay dooranayo guddoon cusub

Waxaa maanta Magaalada muqdisho ka dhaceyso doorashada Guddoonka cusub ee guddiga doorashooyinka Qaranka iyo Soohdimaha,waxaana munaasabadda ka qeybgalayo masuuliyiin katirsan dowladda.

Xildhibaan Mahdi Maxamed Guuleed oo la hadlay warbaahinta qarnka ayaa sheegay in xubnaha guddiga oo ka kooban 18-xubin ay iska dhax dooran doonaan guddoomiyaha iyo kuxigeenkiisa si loo billaabo howsha doorashooyinka.qof codka ah ee la filayo in dalka ay ka qabsoonto.

“Gudoonka guddiga doorashooyinka ayaa maanta la qabanayaa, si shaqadooda qabashada doorasho qof iyo cod ah ay u bilaabato.”Xildhibaan Mahdi Maxamed Guuleed

Dhawaan ayaa ahayd markii labada Aqal ee BBaarlamaanka ay cod aqlabiyad leh ugu codeyeen guddiga madaxa bannaan doorashooyinka Qaranka iyo Soohdimaha.

Duqa Muqdisho oo kulan la qaatay hoggaannada ururka dhallinyaradda Gobolka Banaadir

Guddoomiyaha Gobolka Banaadir ahna Duqa Magaalada Muqdisho Mudane Yuusuf Xuseen Jimcaale (Madaale) ayaa kulan la qaatay hoggaannada ururka dhallinyaradda Gobolka Banaadir oo uu horkacayay Guddoomiyaha ururka dhallinyarada mudane Cumar Cabdiraxmaan Macow.

Kulankan oo uu goobjoog ka ahaa guddoomiye kuxigeenka amniga iyo siyaasadda G/Banaadir Mudane Maxamed Axmed Diiriye (Yabooh) ayaa waxaa warbixin sanadeed lagaga dhageystay hoggaannada ururka dhallinyarada degmooyinka Gobolka Banaadir, iyagoona soo bandhigay waxqabadka sanadka sii dhamaanaya ee 2024, caqabadaha iyo qorshayaasha u degsan sanadka soo socda ee 2025.

Guddoomiyaha Gobolka Banaadir ahna Duqa Magaalada Muqdisho Mudane Yuusuf Xuseen Jimcaale (Madaale) ayaa kula dardaarmay hoggaanka dhallinyarada Gobolka Banaadir in ay dardargeliyaan ka qeyb qaadasha nabadda, horumarka iyo dowlad-dhiska, iskuna diyaariyaan doorashooyinka tooska ah ee qof iyo cod.

 

    

Askar kale oo katirsanaa jubbaland oo ku biiray howlgalka Ciidanka XDS ee Raaskambooni

Ilaa iyo afar Doon oo ay la socdaan qaar ka mid ah ciidanka geesiyaasha ah ee Qaranka qaybtooda Jubbaland ayaa ku biiray Ciidanka Qalabka Sida ee ku sugan Raaskambooni, kuwaas oo isku diyaarinaya in cadowga Khawaarijta ah ka xoreeyaan deegaannada ay ka joogaan Jubbaland.

Ciidanka ayaa waxaa halkaa ku soo dhaweeyay sarakiisha ciidamada xoogga dalka waxa ayna qaarkood oo la hadlay warbaahinta sheegeen in ay diyaar u yihiin ka qeygalka dagaalka ka dhanka ah khawaarijta ee ciidanka.xoogga ka wadaan degaannada jubbaland.

Ciidamada Xoogga Dalka ayaa dhowaan  howlgal rasmi ah oo lagu ciribtirayo kooxaha khawaarijta ka bilowday deegaanka Raas-Kaambooni,waxaana ujeedku yahay in dhammaan deegaanada Jubbaland laga xoreeyo cadowga nabad-diidka ah.

Taliyaha Guutada 18aad ee Ciidanka Komandoska GorGor ee Xoogga Dalka Soomaaliya G/dhexe Xasan Aadan Maxamed (Xasan Ciraaqi) oo la hadley ciidanka kaga soo biiray dhanka maamulka Jubbaland, ayaa kula dardaarmey inay si buuxda uga qeyb qaataan dagaalka ka dhanka ah Khawaarijta.

Askar kale oo katirsanaa jubbaland oo ku biiray howlgalka Ciidanka XDS ee Raaskambooni

-Ilaa iyo afar Doon oo ay la socdaan qaar ka mid ah ciidanka geesiyaasha ah ee Qaranka qaybtooda Jubbaland ayaa ku biiray Ciidanka Qalabka Sida ee ku sugan Raaskambooni, kuwaas oo isku diyaarinaya in cadowga Khawaarijta ah ka xoreeyaan deegaannada ay ka joogaan Jubbaland.

Ciidanka ayaa waxaa halkaa ku soo dhaweeyay sarakiisha ciidamada xoogga dalka waxa ayna qaarkood oo la hadlay warbaahinta sheegeen in ay diyaar u yihiin ka qeygalka dagaalka ka dhanka ah khawaarijta ee ciidanka.xoogga ka wadaan degaannada jubbaland.

Ciidamada Xoogga Dalka ayaa dhowaan  howlgal rasmi ah oo lagu ciribtirayo kooxaha khawaarijta ka bilowday deegaanka Raas-Kaambooni,waxaana ujeedku yahay in dhammaan deegaanada Jubbaland laga xoreeyo cadowga nabad-diidka ah.

Taliyaha Guutada 18aad ee Ciidanka Komandoska GorGor ee Xoogga Dalka Soomaaliya G/dhexe Xasan Aadan Maxamed (Xasan Ciraaqi) oo la hadley ciidanka kaga soo biiray dhanka maamulka Jubbaland, ayaa kula dardaarmey inay si buuxda uga qeyb qaataan dagaalka ka dhanka ah Khawaarijta.

Soomaaliya iyo Faransiiska oo ka wada hadlay xoojinta iskaashiga istiraatijiyadeed ee labada dhinac

wafdi ka socda dowladda Soomaaliya oo uu hoggaaminayo Wasiiru-dowlaha Arrimaha Dibadda iyo Iskaashiga Caalamiga, Mudane Cali Maxamed Cumar, iyo Danjire Yoonis Xaashi, Agaasimaha waaxda Yurub iyo Ameerika, iyo Masuuliyiin kale ayaa la kulmay Mudane Thani Maxamed Soilihi, Wasiiru-dawlaha Faransiiska ee Francophonie iyo Iskaashiga Caalamiga ah. Kulanka ayaa lagu faaqiday iskaashiga xooggan ee ka dhaxeeya Soomaaliya iyo Faransiiska, waxaana diiradda lagu saaray sidii kor loogu qaadi lahaa iskaashiga dhinacyada muhiimka ah sida amniga, socdaalka, iyo horumarinta dhaqaalaha.

Wada-hadallada ayaa lagu muujiyay doorka sii kordhaya ee Soomaaliya ee saaxada caalamka, oo ay ku jirto doorashadii dhawaan loo doortay xubinnimada Golaha Ammaanka ee Qaramada Midoobay. Faransiiska ayaa ugu hambalyeeyay Soomaaliya guulaha ay ka gaartay siyaasadda Arrimaha dibadda, isaga oo ballanqaaday in ay si dhow ula shaqeyn doonaan.

Labada dhinac waxay carrabka ku adkeeyeen madax-bannaanida iyo xasilloonida Soomaaliya, iyadoo Faransiisku uu xaqiijiyey taageerada uu ka geysanayo dadaallada ka dhanka ah argagixisada, amniga badda, iyo Hawlgalka Xasilinta Midowga Afrika ee Soomaaliya (AUSSOM).

Kulanka ayaa waxaa sidoo kale lagu gorfeeyay Iskaashiga dhaqaalaha ee labada dhinac, iyadoo laga wada hadlay dib u soo nooleynta maalgashiga Faransiiska ee kaabayaasha dhaqaalaha Soomaaliya, sida kaluumeysiga iwm. Dawldda Soomaaliya ayaa uga mahadcelisay Faransiiska dib u furista safaaradeeda Muqdisho taasoo ah tallaabo loo qaaday xoojinta xiriirka diblomaasiyadeed. labada dhinac waxay ka wada hadleen baahida loo qabo la dagaallanka tahriibinta dadka iyo ka hortagga musiibooyinka dabiiciga ah.

   

Wasiirka Gaashaandhigga oo ka qeybgalay xafladda qalinjebiyaasha Soomaaliyeed oo lagu qabtay Safaaradda Turkiga

Wasiirka Gaashaandhigga Xukuumadda Federaalka Soomaaliya Cabdulqaadir Maxamed Nuur Jaamac oo ka qeyb galayay xafladda qalinjebiyaasha Soomaaliyeed oo lagu qabtay Safaaradda Turkiga ee Muqdisho ayaa sheegay in xiriirka Soomaaliya iyo Turkiga uu maryo meel sare kaddib markii labada Dowladood ay kordhiyeen cilaaqaadka ka dhaxeeya ee dhinacyada Waxbarashada, Militariga, Ganacsiga, Teknoolajiyadda & kuwo kale ayuu sheegay in ay xoogga saareen Dowladaha Soomaaliya & Turkiga si aanay looga daba harin dunid kale ee horumarka ka sameysay dhinacyadaan.

Dowladda iyo Shacabka Turkiga ayuu ku ammaanay doorka ay ka qaadanayaan sare u qaadista Waxbarashada Ardayda Soomaaliyeed, waxa uu rajeeyay in Xukuumadaha Muqdisho & Ankara ay ka shaqeyn doonnaan xoojinta iskaashigooda saldhigtay sida uu hadalka u dhigay.

“Xiriirka Labada Dal waxa uu ka gudbay heerar kala duwan oo maanta uu marayo heer istaraatiijig ah oo aan is weydaarsaneyso dhaqaalaha, Amniga & Culuumta kala duwan ee Teknoolajiyadda, waxa aan u mahadcelineynaa Dowladda Turkiga sida ay ugu hiilisay Dadka Soomaaliyeed”ayuu wasiirka Gaashaandhigga

Munaasabada ayaa waxa ka qeybgalay masuuliyiin kala duwan oo ka socotay dowladda soomaaliya iyo tan Turkiga,waxaana xafladda lagu abaalmariyay dhalinyara soomaaliyeed oo wax ku soo baratay Dalka Turkiga.

Hay’adda SoDMA oo shixnad gargaar ah kala wareegtay hay’adda Qatar Charity

Munaasabad kooban oo maanta ka dhacday Dakedda weyn ee magaalada Muqdisho, ayaa Hay’adda Maareynta Musiiboyinka Qaranka ee  SoDMA, waxa ay hay’adda Qatar Charity Xafiiskeeda Soomaaliya kala wareegtay Shixnad gargaar ah.

Gargaarkaan ayaa ka kooban 250-Teendho oo loogu talagalay dadka danta-yar si ay hooy uga dhigtaan, looguna diyaar-garowbo xaaaladaha imaan kara, waxaana munaasabadaan goobjoog ka ahaa Guddoomiye ku xigeenka Hay’adda Maareynta Musiibooyinka Qaranka Md. Axmed Cabdi Aadan, Safiirka Dowladda aan walaalaha nahay ee Qatar u jooga Soomaaliya, Dr Abdullah Salem Al Nuaimi iyo Masuuliyiin kale.

Guddoomiye Axmed Cabdi Aadan oo ka hadlay munaasabadaan ayaa u mahadceliyay dowladda Qatar iyo madaxda Hay’adda Qatar Charity, isagoo ballan-qaaday in deeqdaan dadkii mudnaa ay gaarsiinayaan.

        

DF oo shacabka iyo ganacsatada Soomaaliyeed uga digtay la macaamilka argagixisada

Wasiirka Wasaaradda Maaliyadda xukuumadda Federaalka Soomaaliya Mudane Biixi Imaan Cige ayaa maanta shirguddoomiyay kulanka Guddiga ka hortagga lacag dhaqidda iyo ladagaalanka maalgalinta argagixisa ayaa shacabka, kaas oo diiradda lagu saaray sidii wax looga qaban lahaa arrimaha maalgelinta argagixisada iyo dhaqista lacagaha, iyadoo si gaar ah looga arrinsaday diyaarinta siyaasadaha, shuruucda iyo xeerarka nidaamiyeyaasha lagaga hortagayo arrimahan.
Wasiir Biixi oo shirka ka hadlay ayaa ugu baaqay ganacsatada iyo guud ahaan shacabka Soomaaliyeed in ay ka digtoonaanta in ay macaamillaan kooxaha khawaarijta oo dhawaanahaan la soo warinayay in bulshada ay si qasab ah uga doonayaan lacago baad ah, wuxuuna carabka ku adkeeyay in tallaabo sharci ah laga qaadi doono cid walba oo la macaamisha kooxaha argagixisada oo caadeystay daadinta dhiigga shacabka Soomaaliyeed.

”Waxaan idinku soo dhoweynayaa shirkeennii caadiga ahaa guddiga ka hortagga maalgelinta iyo lacag dhaqista argagixisada oo had iyo jeer diiradda lagu saaro sidii wax loo qaban lahaa arrimahaas haddii ay tahay dhanka diyaarinta siyaasadaha shuruucda iyo xeer nidaamiyeyaasha lagaga hortagayo maalgelinta argagixisada iyo la dagaalanka lacag dhaqista iyo tallaabo kasta oo wax lagaga qabanayo arrimahaas,waxaa runtii inoo qabsoomay howlo waa weyn walina runtii qabyooyin badan ayaa jira, waxaad ogtihiin argagixisadu in ay tahay cadowga koowaad ee dadka Soomaaliyeed, siyaabo kala duwan dowladda dagaalkeedu ay ugu jirto haddii ay tahay dhanka ciidan hubeysan, dagaallagu in guulo waa weyn laga soo hoyay meelo badan laga xoreeyay walina dagaalku uu socdo rajeyneyna runtii la ciribtiro oo la soo afjaro,”.

Sidoo kale, Wasiirka oo hadalkiisa sii wata ayaa sheegay in Dowladda Federaalka ay qorsheyneyso in ay tallaabooyin waa weyn ka qaaddo arrimaha maalgelintooda iyo lacagaha baadda ay ka uruursadaan shacabka iyo ganacsatada Soomaaliyeed. Wuxuuna wasiirku adkeeyay in ay shacabka ka fogaadaan la macaamilka argagixisada arxanka daran.

”Wejiga saddexaad aan u fadhino maanta waxaa weeye in maalgelintooda tallaabooyin waa weyn laga qaado oo shaqooyin badan ka qabsoomeen kana socdaan, dadka Soomaaliyeed haddii ay tahay ganacsayada iyo haddii ay tahay shacabka waxaan ugu baaqeynaa in ay ka digtoonaadaan ka waantoobaan in ay macaamil la yeeshaan nimankaas, haddana maaddaama lagu jiro xilli nimankaas ay sheegtaan in ay uruuriyaan Baadda ay tahay in si gaar ah runtii looga digtoonaado aan wax macaamilaad ah lala yeelan baan dadka Soomaaliyeed fareynaa, cid kasta oo la ogaado in ay si uun xiriir ula sameeysayna tallaabo sharci ah ayay Dowladdu ka qaadeysaa, hay’adaha amniga ee quseeya howlani dabagal joogta ah ayay ku hayaan,”.

Shirka waxaa goob joog ahaa mas’uuliyiin ka tirsan guddiga ka hortagga lacag dhaqidda iyo ladagaalanka maalgelinta argagixisa, kuwaas oo ka kala socdayWasaaradda Maaliyadda,Wasaaradda Cadaaladda,Wasaaradda Amniga,Wasaaradda Ganacsiga,Bangiga Dhexe,Taliska Nabad Sugidda,Xafiiska Xeer-ilaaliyaha iyo Hey’adda FRC.