Shirweynaha IGAD ee dhalinyarada oo ka furmay Nairobi

Nairobi: Waxaa magaalada Nairobi si rasmi ah uga furmay shirweynaha IGAD ee Dhallinyarada, Nabadda iyo Amniga, oo socon doona 13 iyo 14 August, 2025.

Shirkan ayaa isu keenay boqolaal hoggaamiyeyaal dhallinyaro, khubarro iyo siyaasiyiin ka kala yimid dalalka xubnaha ka ah IGAD, si loo xoojiyo doorka dhallinyarada ee dhismaha nabadda iyo go’aan-qaadashada gobolka.

Munaasabadda furitaanka waxaa ka qeybgalay Xoghayaha Guud ee IGAD, Mudane Workneh Gebeyehu, Madaxa IGAD ee Kenya, Dr. Fatuma Adan, Agaasimaha Waaxda Nabadda iyo Amniga IGAD, Com. Abebe iyo Wasiirka Dhallinyarada, Hal-abuurka iyo Isboortiga Kenya, Mudane Salim Mvurya, oo marti sharaf ka ahaa.

Doodaha Maalinta Koowaad

Shirku wuxuu ku furmay khudbad dhiirrigelin ah oo uu jeediyay Wakiilka Dhallinyarada IGAD, Sam Ogwal, kaas oo ku baaqay in dhallinyarada noqdaan hormuudka nabad-dhisidda, hal-abuurka iyo xalalka waara ee gobolka.

Waxaa maalinta koowaad ee shirkan waa qabsoomay saddex gole doodeed (Panel Discussions) oo muhiim ah:

1. Ka qeybgalka dhallinyarada ee hannaanka nabadda rasmiga ah, caqabadaha, fursadaha iyo dariiqooyinka lagu horumarin karo, oo ay ka hadleen wakiillo ka socda Sudan, Kenya iyo South Sudan.

2. Doorashooyinka iyo nabadda, kaalinta dhalinyarada ee ilaalinta dimuqraadiyadda, ka hortagga rabshadaha iyo dhismaha kalsoonida bulshada, iyadoo wakiil ka socda Soomaaliya uu ka qeyb qaatay.

3. Doorka baraha dijitaalka ee dhismaha nabadda, adeegsiga warbaahinta bulshada, sheekooyinka dhallinyarada iyo la-dagaallanka marin-habaabinta si loo xoojiyo nabadda iyo wadajirka bulshada.

Shirka oo ay soo qabanqaabisay xafiiska Jinsiga ee IGAD oo kaashanaya waaxda Nabadda iyo Amniga iyo waaxda Horumarinta Caafimaadka iyo Bulshada, ayaa lagu wadaa in uu soo saaro talooyin siyaasadeed oo lagu xoojinayo ka qeybgalka dhallinyarada ee go’aan-qaadashada iyo nabad-dhisidda, iyadoo la waafajinayo Qorshaha Dhalinyarada IGAD (2021–2030) iyo ajandaha Dhallinyarada, Nabadda iyo Amniga ee Qaramada Midoobay.

     

Ra’iisul wasaare ku xigeenka 2-aad ee dalka oo shir uga qaybgalaya Koofur Afrika

Cape Town: Wafdi ka socda Dowladda Federaalka Soomaaliya oo uu hoggaaminayo Ra’iisul Wasaare ku xigeenka labaad ee dalka mudane Jibriil Cabdirashiid Xaaji Cabdi, ayaa ku sugan magaalada Cape Town ee dalka Koonfur Afrika, iyagoo ka qaybgalaya Shirka Maalgashiga Biyaha ee Qaaradda Afrika.

Shirkaan waxaa isugu imaanaya hoggaamiyeyaasha Afrika, siyaasiyiin, iyo la-howlgalayaasha horumarinta, si loo dardargeliyo maalgashiga iyo sugnaanta biyaha ee guud ahaan qaaradda Afrika.

Soomaaliya, maalgashiga biyuhu waa mudnaan istiraatiiji ah, waxaana uu muhiim u yahay adkeysiga ka dhanka ah saameynta cimillada sii xumaaneysa, la qabsiga iyo yareynta isbeddelka cimilada, kobaca dhaqaalaha waara, iyo xasilloonida muddada-dheer.

  

Guddoomiye Kuxigeenka Amniga iyo Siyaasadda Maamulka Gobolka Banaadir Mudane Maxamed Axmed Diiriye (Yabooh) ayaa dhagax-dhiggay waddo interlock oo laga hirgelinaayo waaxda Saqaawadiin ee Degmada Shibis, iyadoona dhismaha waddadaan ay iska kaashanayaan bulshada iyo Maamulka Degmada. Guddoomiye Yabooh ayaa bogaadiyay dadaalada ee iskaashi ee shacabka iyo Maamulka Degmada ay ku dhisanayaan waddooyinka xaafadaha, taasi oo qeyb ka qaadaneysa bilicda iyo horumarka degmada, isagoona kula dardaarmay in laga wadashaqeeyo bilicda iyo amniga. Munaasabadda dhagax dhigga waxaa goobjoog ka ahaa Guddoomiyaha Degmada Shibis Mudane Axmed Cabdulqaadir Cali, Odayaasha dhaqanka, Agaasimeyaal iyo qeybaha kala duwan ee bulshada.

Guddoomiye Kuxigeenka Amniga iyo Siyaasadda Maamulka Gobolka Banaadir Mudane Maxamed Axmed Diiriye (Yabooh) ayaa dhagax-dhiggay waddo interlock oo laga hirgelinaayo waaxda Saqaawadiin ee Degmada Shibis, iyadoona dhismaha waddadaan ay iska kaashanayaan bulshada iyo Maamulka Degmada.

Guddoomiye Yabooh ayaa bogaadiyay dadaalada  iskaashi ee shacabka iyo Maamulka Degmada ay ku dhisanayaan waddooyinka xaafadaha, taasi oo qeyb ka qaadaneysa bilicda iyo horumarka degmada, isagoona kula dardaarmay in laga wadashaqeeyo bilicda iyo amniga.

Munaasabadda dhagax dhigga waxaa goobjoog ka ahaa Guddoomiyaha Degmada Shibis Mudane Axmed Cabdulqaadir Cali, Odayaasha dhaqanka, Agaasimeyaal iyo qeybaha kala duwan ee bulshada.

Wasiirka Warfaafinta XFS oo qaabilay Wakiilka cusub ee Guddoomiyaha Guddiga Sare ee Midowga Afrika u qaabilsan Soomaaliya

Wasiirka Warfaafinta, Dhaqanka iyo Dalxiiska, Mudane Daa’uud Aweys Jaamac, ayaa maanta xafiiskiisa ku qaabilay Wakiilka cusub ee Guddoomiyaha Guddiga Sare ee Midowga Afrika u qaabilsan Soomaaliya, ahna Madaxa Hawlgalka Midowga Afrika (AUSSOM), Mudane El Hadji Ibrahima Diene.

Wasiirka iyo Wakiilka Midowga Afrika ee Soomaaliya ayaa ka wada hadlay xaaladda Soomaaliya ee dhinacyada siyaasadda, amniga iyo xasilinta, iyo sida labada dhinac ay iskaga kaashan lahaayeen horumarinta wacyigelinta bulshada, ladagaalanka argagixisada, iyo ka hortagga wararka been-abuurka ah.

Wasiirka Warfaafinta, Mudane Daa’uud Aweys, iyo Wakiilka Midowga Afrika ayaa si gaar ah uga hadlay hawlgallada guulaha laga gaaray ee ka dhanka ah argagixisada, kuwaas oo muujinaya sida cadowga loogaga adkaaday goobaha dagaalka, iyo rajada weyn ee laga qabo in argagixisada laga ciribtiro Soomaaliya.

Wasiir Daa’uud Aweys ayaa ku bogaadiyay Midowga Afrika taageerada iyo wadashaqeynta wanaagsan ee ay la leeyihiin Dowladda Federaalka Soomaaliya, gaar ahaan kaalinta Midowga Afrika ee la dagaalanka argagixisada iyo dhiirrigelinta nabadda.

Ergeyga Midowga Afrika u qaabilsan Soomaaliya ayaa dhankiisa xusay inay doonayaan inay sii laban-laabaan hawlaha ay ka wadaan Soomaaliya, isagoo intaa ku daray in dalku uu sameynayo horumar la taaban karo oo ka dhashay rabitaanka shacabka Soomaaliyeed ee ku saleysan in waddankooda uu hiigsado nabad, horumar iyo barwaaqo.

Kulanka waxaa sidoo kale goob joog ka ahaa Agaasimaha Guud ee Wasaaradda Warfaafinta, Dhaqanka iyo Dalxiiska, Mudane Cabdullaahi Xayir Ducaale; Ku-xigeenka Wakiilka Midowga Afrika ee Soomaaliya, Mudane Mukhtar Osman Kariye; Taliyaha Guud ee Ciidamada Midowga Afrika ee Soomaaliya (AUSSOM), General Samuel Kavuma, iyo mas’uuliyiin kale.

Hawlgal khasaare culus lagu gaarsiiyey Khawaarijta oo ka dhacay Hiiraan

Howlgal culus oo Khawaarijta lagu gaarsiiyay khasaare Xooggan ayaa xalay ka dhacay gobolka Hiiraan gaar ahaan deegaanka Tardo.

Howlgalka ayaa lagu beegsaday maleeshiyaad ka tirsan Khawaarijta oo halkaas isku aruursanayay, iyo gaadiid dagaal oo ay wateen.

Hawlgalkan oo sida la xaqiijiyey ahaa bartilmeed, wuxuu u dhacay sidii loogu talagalay iyadoo lagusoo afjaray kooxdii khawaarijta ee halkaa ka waday falalka gurracan ee la damacsanaayeen shacabka Soomaliyeed.

 

 

Madaxweyne Xasan Sheekh oo sheegay in kaalmo samafal la gaarsiinayo gobolka Gedo

Madaxweynaha JFS Mudane Xasan Sheekh Maxamuud oo ka tacsiyadeeyay dadkii ku geeriyooday dagaalkii dhawaan ka dhacay gobolka Gedo, ayaa faray ciidanka ka tallaabay xuduudda dalka aan dariska nahay ee Kenya inay dib ugu soo laabtaan deegannadoodii, isagoo xaqijiyay in cidna aan ciqaab la mari doonin, isla markaana loo ballan qaadayo badqabka iyo nabad gelyadooda.

Madaxweyne Xasan Sheekh, ayaa sidoo kale faray Xukuumadda Federaalka Soomaaliya in ay gargaar caafimaad iyo taageero bani’aadannimo gaarsiiso dadka ay saameysay xaaladda ka taagan gobolka Gedo.

Soomaaliya iyo Kuwait oo kala saxiixday heshiisyo oo kor u qaadaya xiriirka diblomaasiyadeed

Kuwait: Wasiirka arrimaha Dibadda iyo Iskaashiga Caalamiga mudane Cabdisalaan Cabdi Cali oo booqasho rasmi ah ku jooga dalka Kuwait ayaa maanta oo talaado ah kula kula kulmay Caasimadda Kuwait, dhiggiisa, Wasiirka arrimaha Dibadda Dowladda Kuwait mudane Cabdullaahi Cali Cabdullaahi Al-Yahya.

Intii lagu guda-jiray kulanka, waxaa labada wasiir ay ka wada hadleen xiriirka xooggan ee ka dhexeeya labada dal ee walaalaha ah, waxa ayna ay isla qaadaa-dhigeen siyaabaha kor loogu qaadi karo iskaashi dhinacyo kala duwan leh, iyaga oo is-dhaafsaday aragtiyo ku aaddan xaaladihii ugu dambeeyay ee heer gobol iyo heer caalami.

Kulanka kadib, waxaa la kala saxiixday dhowr heshiis iyo is-afgarad, taasi oo caddayn u ah sida ay labada dal uga go’an tahay qoto-dheereynta iskaashiga. Is-afgaradyada la saxiixay waxaa ka mid ah, unkidda guddi wadaag ah oo dardargeliya iskaashiga labo dhinaclaha, heshiis ku saabsan wadatashiyada labo geesoodka iyo is-afgarad iskaashi oo u dhexeeya Machadka Diblomaasiyadda Saud Al-Nasser Al-Sabah ee Dowladda Kuweyt iyo Machadka Daraasaadka Diblomaasiyadda ee Wasaaradda arrimaha dibadda iyo Iskaashiga Caalamiga.

   

Wasiirka Isgaarsiinta oo qaabilay danjiraha Shiinaha

Wasiirka wasaaradda Isgaarsiinta iyo Teknoolojiyadda Maxamed Aadan Macallim ayaa xafiiskiisa ku soo dhaweeyay Safiirka Shiinaha ee Soomaaliya, Mudane Wang Yu.

Kulanka ayaa diiradda lagu saaray xoojinta iskaashiga labada dal iyo horumarinta fursadaha waxbarasho iyo teknoolojiyadeed.

Safiir Wang Yu ayaa bogaadiyay shaqada Wasaaradda, isagoo xusay xiriirka taariikhiga ah ee labada dal iyo taageerada Shiinaha ee dhinacyada aqoonta iyo tiknoolojiyadda. Waxa uu sheegay in deeqaha waxbarasho ay door muhiim ah ka qaataan horumarinta shaqaalaha.

Wasiir Maxamed Aadan ayaa uga mahadceliyay Safaaradda taageeradaas, wuxuuna ku baaqay in la kordhiyo deeqaha iyo barnaamijyada is-weydaarsiga, si loo xoojiyo iskaashiga wax ku oolka ah ee labada dal.

 

Madaxweyne Xasan Sheekh oo is Diiwaangeliyay

 Madaxweynaha Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya Mudane Xasan Sheekh Maxamuud oo maanta isaka diiwaan-geliyey goobta diiwaan-gelinta codbixiyayaasha ee Degmada Warta-Nabadda ayaa ku ammaanay Guddiga Doorashooyinka Qaranka tallaabooyinka ay u qaadeen qabsoomidda doorashooyinka tooska ah.

Madaxweynaha ayaa ugu baaqay shacabka Soomaaliyeed in ay ka faa’iideystaan fursadda diiwaan-gelinta, si ay u helaan xaqa dastuuriga ah ee ku saabsan in ay codkooda ku doortaan hoggaanka iyo masuuliyiinta ay ku aaminayaan talada iyo masiirka dalka.
“Guddiga Doorashooyinka iyo Xuduudaha waa mahadsan yihiin. Doorasho qof iyo cod ah in ay dalka ka dhacdo waa rajo muddo dheer soo socotay, waxay ku qornayd Dastuurkeenna ku meelgaarka ahaa. Dadka Soomaaliyeed in ay u soo noqoto awooddooda ku saabsan in ay yeeshaan go’aanka doorashada hoggaankooda ha noqdo Xildhibaan heer Federaal iyo heer dowlad goboleed ah, Madaxweynaha dalka iyo Hoggaanka heer dowlad goboleed”.

Madaxweynaha Jamhuuriyadda ayaa bogaadiyey laamaha amniga, Guddoonka degmooyinka iyo bulshada deegaannada ay ka socoto is-diiwaan gelintau, kuwaas oo si masuuliyad leh isula wada geeddi socodka is-diiwaan gelinta doorashada.

Guddoomiye Muungaab oo qaabilay James Swan

Guddoomiyaha Gobolka Banaadir ahna Duqa Magaalada Muqdisho Dr. Xasan Maxamed Xuseen (Muungaab) ayaa maanta Aqalka Dowladda Hoose ee Xamar ku qaabilay Wakiilka Xoghayaha Guud ee Qaramada Midoobe u Qaabilsan Soomaaliya ahna Madaxa Hawlgalka Taageerada Kala-guurka ee Soomaaliya Danjire James Swan.

Guddoomiye Muungaab ayaa Danjire Swan uga warbixiyay dadaallada Maamulka Gobolka Banaadir iyo Dowladda Hoose ee dhanka horumarinta iyo dib-u-dhiska Caasimadda, xaqiijinta amniga, dardargalinta adeegyada bulshada sida Caafimaadka iyo waxbarashada, xoojinta wacyigelinta iyo abaabulka bulshada ee loogu diyaargaroobayo Doorasho Qof iyo Cod oo ka dhacda Caasimadda iyo guud ahaan dalka.
Guddoomiyaha Gobolka Banaadir ahna Duqa Magaalada Muqdisho ayaa bogaadiyay kaalinta uu Xafiiska Qaramada Midoobe ku leeyahay taageeridda dowlad-dhiska iyo horumarinta dalka, gaar ahaan mashaariicda muhiimka ah ee ka socda Caasimadda, wuxuuna caddeeyay in maamulka ay ka go’an tahay xoojinta wada-shaqayn hufan oo lagu hirgelinayo barnaamijyada horumarineed.
Dhankiisa, Danjire James Swan ayaa ka mahahdnaqay soo-dhawaynta iyo warbixinta uu Duqa Magaalada ka siiyay hawlaha Gobolka ka socda, isaga oo ballanqaaday in ay sii joogtayn doonaan taageerada ay la garab-taagan yihiin meelmarinta qorshayaasha hortebinta u leh Caasimadda.

Kulanka waxaa qeyb ka ahaa Guddoomiye Kuxigeenka Amniga iyo Siyaasadda Maamulka Gobolka Banaadir Md. Maxamed Axmed Diiriye (Yabooh), Xoghayaha Guud ee Maamulka Gobolka Banaadir Marwo Bilan Bile Maxamuud iyo Agaasimeyaal ka tirsan Maamulka Gobolka Banaadir iyo Dowladda Hoose ee Xamar.