Tababarka Anshaxa Warbaahinta ee Tabinta Doorashooyinka oo lagu soo xiray Dhuusamareeb

Dhuusamareeb:-Waxaa maanta lagu soo xiray magaalada Dhuusamareeb tababarka Anshaxa Warbaahinta ee Tabinta Doorashooyinka Soomaaliya, kaas oo socday muddo laba maalmood ah ujeedkiisu ahaa in lagu xoojiyo fahamka suxufiyiinta ee doorarka ay warbaahintu ku leedahay hannaanka doorashooyinka dalka.

Aqoon-isweydaarsigan oo ay si wadajir ah u soo agaasimeen Wasaaradda Warfaafinta, Dhaqanka iyo Dalxiiska ee Xukuumadda Federaalka Soomaaliya iyo Wasaaradda Warfaafinta Galmudug, ayaa waxaa ka faa’iideystay 20 suxufi oo ka kala socday xarumaha warbaahinta ee dowlad-goboleedka Galmudug.

Ruun Maxamuud Cusmaan, Guddoomiyaha Ururka Suxufiyiinta Gabdhaha Galmudug oo ku hadashay afka suxufiyiinta ka qeyb galay tababarka, ayaa sheegtay in aqoon-isweydaarsigani uu yahay mid muhiim ah oo lagu kobcinayo xirfadda iyo masuuliyadda suxufiga xiliga doorashooyinka, waxayna ku boorisay suxufiyiinta in ay u tabiyaan doorashooyinka si dhexdhexaadnimo iyo hufnaan leh.

Agaasimaha Waaxda Istiraatiijiyadda Warbaahinta ee Wasaaradda Warfaafinta XFS, Mudane Cabdishakuur Cali Axmed, ayaa xusay in tababarkan uu qeyb ka yahay dadaallo ballaaran oo lagu horumarinayo xirfadda iyo anshaxa suxufiyiinta Soomaaliyeed, si doorashadu u noqoto mid hufan oo daahfuran, loona helo warbaahin si masuuliyad leh u tabin karta, waxaana uu u mahad celiyay Xafiiska Howlgalka Qaramada Midoobay ee xilliga kala guurka ( UNTMIS).

Agaasimaha Guud ee Wasaaradda Warfaafinta Galmudug, Mudane Abubakar Nuur Maxamuud, ayaa uga mahadceliyay Wasaaradda Warfaafinta heer Federaal iyo hay’adaha iskaashiga la leh dadaalka ay ugu jiraan tayaynta warbaahinta. Wuxuu sidoo kale suxufiyiinta kula dardaarmay in ay adeegsadaan aqoonta ay tababarka ka faa’iidaysteen si ay u gutaan doorkooda tabinta doorashooyinka.

Tababarkan ayaa noqonaya kii saddexaad ee noociisa ah oo lagu qabto dalka, waxaana uu qeyb ka yahay barnaamij lagu xoojinayo doorka warbaahinta Soomaaliyeed ee tabinta doorashooyinka oo ay hoggaaminayso Wasaaradda Warfaafinta Soomaaliya

        

Guddoomiyaha Maxkamadda Sare oo shir guddoomiyey kulanka sanadlaha ee Garsoorayaasha Heer Federaal iyo Xafiiska Xeer-Ilaaliyaha guud

Guddoomiyaha Maxkamadda Sare ee dalka, Mudane Baashe Yuusuf Axmed, ayaa guddoomiyey kulanka sanadlaha ee Garsoorayaasha Heer Federaal iyo Xafiiska Xeer-Ilaaliyaha guud ee Qaranka, kaasi oo muhiimad gaara u leh xoojinta wada shaqeynta hay’adaha Garsoorka dalka.

Kulanka oo ay goob-joog ahaayeen Xeer-Ilaaliyaha Guud ee Qaranka, Mudane Suleyman Maxamed Maxamuud, Guddoomiyaha Maxkamadda Rafcaanka Gobolka Banaadir, Mudane Siciid Cali Maxamed iyo ku-simaha Guddoomiyaha Maxkamadda Gobolka Banaadir, Garsoore Shuceyb Macalin Adan.

Inta lagu guda jiray kulanka, waxaa lagu falanqeeyay xoojinta xiriirka wada shaqeynta ee Garsoorayaasha iyo Xeer-Ilaaliyayaasha, caqabadaha shaqada ka jira iyo fursadaha lagu horumarin karo adeegyada caddaalada. Waxaa sidoo kale la isla gartay in loo baahan yahay in la mideeyo dadaalka lagu xaqiijinayo caddaalad hufan oo shacabka loogu adeeggo.

Gebagebadii, Guddoomiyaha Maxkamadda Sare iyo Xeer-Ilaaliyaha Guud waxay ku booriyeen dhammaan ka qeybgalayaasha in la dardar geliyo shaqada, lana hagaajiyo xiriirka shaqo ee labada xafiis si loo xaqiijiyo guusha howlaha cadaaladda Iyo adeegayo Loo hayo bulshada Soomaaliyeed.

    

Laamaha Amniga Muqdisho oo soo saaray warsaxaafadeed

Ciidamada Amniga ee Caasimadda Muqdisho ayaa saaka aroortii hore howlgal isugu jira xaqiijinta amniga iyo la-dagaallanka hubka sharci-darrada ah ka fulinayay xaafadda Tarabuunka ee degmada Hodan. Intii uu howlgalka socday, waxaa iska hor imaad hubaysan kala horyimid koox maleeshiyaad ah.

Falkan, oo ahaa mid khilaafsan nidaamka iyo xeerarka amniga ee caasimadda, ayaa sababay waxyeelo isugu jirta dhimasho iyo dhaawac oo soo gaaray dad shacab ah oo ku sugnaa meel u dhow goobta, xubno ka tirsan Ciidamada Amniga, iyo qaar ka mid ah maleeshiyaadkii hubaysnaa.

Ugu dambayn, Ciidamada Amniga ayaa xasiliyay goobta, kana saaray maleeshiyaadkii hubaysnaa, iyagoo qaaday tallaabooyin lagu xaqiijinayo amniga iyo xasilloonida deegaanka.

Ciidamada Amnigu waxay aad uga xun yihiin falalka noocan oo kale ah ee khalkhalka ku haya amniga bulshada, waxayna tacsi u dirayaan qoysaska ay waxyeelladu ka soo gaartay dhacdadan, halka ay caafimaad degdeg ah u rajeynayaan dadka ku dhaawacmay. Sidoo kale, waxaa digniin adag loo dirayaa cid kasta oo ku hawlan ama taageerta falalka amniga lidka ku ah, in ay si degdeg ah uga waantowdo.

Golaha Wasiirrada XFS oo ansixiyay qodobbo khuseeya horumarka dadka iyo dalka

Golaha Wasiirrada Xukuumadda Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya, ayaa maanta yeeshay kulankoodii toddobaadlaha ahaa kaas oo lagu ansixiyey hindise sharciyeed la xiriiray dhanka macdanta iyo qodob kale oo khuseeyay Xeer-nidaamiyaha shirkadaha shaqo-siinta gaarka ah.

Shirka Golaha Wasiirrada oo uu guddoominayey Ku-Simaha Ra’iisul Wasaaraha, ahna Ra’iisul Wasaare ku-xigeenka XFS Mudane Saalax Axmed Jaamac, waxaa kaloo looga hadlay xoojinta amniga dalka iyo dardargelinta howlgallada lagu ciribtirayo kooxaha Khawaarijta.

Golaha wasiirada waxaa intii uu socday shirkoodii caadiga ahaa ay bogaadiyeen guulaha ay ciidanku ka gaareen dagaalka Khawaarijta ee looga sifeynayo dalka,iyadoo dhanka kalena qodobada maanta la ansixiyay ay ka qeyb qaadan doonaan horumarinta dhaqaalaha dadka iyo dalka.

Sadex kamid ah maleeshiyaadka khawaarijta oo saaka lagu fuliyay dil toogasho ah

Qaar kamd ah ciidanka qaranka ayaa saaka dil toogasho ah ku fuliyay sadex kamid ah kooxaha khawwaarijta oo horay ay u xukumeen  maxkamada ciidanka qalabka sida ee dowladda Soomaaliya.

Sadexdaasi ruux oo saaka wajahay tiirka Cadaalada,waxaa lagu kala magacaabaa Abuukar Axmed Maxamed (Anwar), Xamsa Jeylaani C/laahi (Abtiga) iyo Xassan Cali Xuseen (Garaad)

Sadaxdaan ruux ayaa ka wada tirsanaa maleeshiyaadka Khawaarijta ,iyagoo horay u geystay  falal dilal ah  iyo qaraxyo ay ka fuliyeen Caasimadda Muqdisho iyo Gobolka Shabeelaha Hoose.

R/W Ku-xigeenka labaad ee Soomaaliya oo kulan la yeeshay Madaxweynaha Koonfur Afrika

Ra’iisul Wasaare Ku-xigeenka labaad ee Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya, Mudane Jibriil Cabdi Rashid Xaaji Cabdi, oo matalaya Madaxweynaha Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya, Mudane Xasan Sheekh Maxamuud, ayaa magaalada Cape Town ee dalka Koonfur Afrika uga qeybgalaya Shirka Horumarinta Biyaha Qaaradda Afrika.

Intii uu shirku socday, Mudane Jibriil Cabdi Rashid ayaa kulan gaar ah la yeeshay Madaxweynaha Koonfur Afrika, Mudane Cyril Ramaphosa. Kulanka waxaa sidoo kale goobjoog ka ahaa Safiirka Soomaaliya ee Koonfur Afrika, Mudane Maxamed Sheekh Isaaq.

Labada masuul ayaa ka wada hadlay xoojinta xiriirka laba geesoodka ah ee ka dhexeeya Soomaaliya iyo Koonfur Afrika, iyadoo diiradda la saaray:

– Kor u qaadista iskaashiga dhinacyada waxbarashada iyo horumarinta xirfadaha dhalinyarada.

– Fududeynta socdaalka iyo fiiseyaasha muwaadiniinta labada dal.

– La-dagaallanka tacaddiyada lagula kaco ganacsatada Soomaaliyeed ee Koonfur Afrika.

– Taageeridda dowladda Soomaaliya ee ku aaddan hirgelinta doorashooyinka qof iyo cod ah.

Ra’iisul Wasaare ku-xigeenka ayaa uga mahadceliyey Madaxweyne Ramaphosa martiqaadka iyo soo dhoweynta diirran, isagoo xusay muhiimadda ay leedahay xoojinta xiriirka taariikhiga ah ee labada dal.

Guddoomiyaha SODMA oo kulan gaar ah la yeeshay culimada, ganacsatada iyo Madaxda Bangiyada dalka

Guddoomiyaha Hay’adda Maareynta Musiibooyinka Qaranka (SoDMA), Mudane Maxamuud Macalin, ayaa maanta shir muhiim ah la yeeshay culimo, ganacsato iyo wakiillo ka socday shirkadaha isgaarsiinta iyo bangiyada waaweyn ee dalka, si looga wada hadlo gurmadka loo fidinayo dadka ay abaartu ku saameysay ee ku nool Gobolka Awdal.

Kulanka oo ka dhacay xarunta dhexe ee SoDMA, ayaa looga gol lahaa dardargelinta iskaashiga bulshada iyo hay’adaha kala duwan ee dalka, si loo xoojiyo taageerada bani’aadannimo ee dadka ku nool deegaanada ay abaartu saameysay.

Intii kulanku socday, Guddoomiye Maxamuud Macalin ayaa sharaxaad ka bixiyay xaaladda adag ee ka jirta Gobolka Awdal, isaga oo sheegay in dowladda Federaalka ay horey u diyaarisay lacag dhan $700,000 oo loogu talagalay gurmadka bini’aadannimo ee gobolkaas. Wuxuu ganacsatada dalka ugu baaqay inay bixiyaan deeq dhaqaale oo la mid ah tii dowladda, si wadajir loogu caawiyo dadka abaarta ku dhibban.

Culimada ka qeyb gashay kulanka ayaa ku boorisay ganacsatada inay midoobaan, ayna qaataan kaalintooda samafalka, iyagoo xusuusiyay in taageeradaasi ay tahay waajib diini ah iyo mid bani’aadamnimo.

Ganacsatada iyo culimada ayaa ballan qaaday inay ka qayb qaadan doonaan gurmadka, isla markaana ay sii wadi doonaan wada-shaqeynta hay’adda SoDMA si loo helo xal waara oo wax looga qaban karo saameynta abaarta. Sidoo kale, Ganacsatadu waxay codsadeen in loo qabto kulan kale oo looga hadlo tallaabooyinka xiga iyo sida dhaqaale dheeraad ah loogu ururin karo dadka gobolkaas ku dhibaateysan.

Kulankan ayaa qeyb ka ah dadaallada joogtada ah ee SoDMA ay ugu jirto ka hortagga iyo ka jawaabista musiibooyinka dabiiciga ah ee dalka, gaar ahaan xaaladda abaareed ee hadda ka taagan Gobolka Awdal.

Madxda Maxkamadda Sare oo kulan muhiim ah la qaatay Ururka Garsooreyaasha Bariga Afrika

Guddoomiyaha Maxkamadda Sare ee Dalka, Mudane Baashe Yuusuf Axmed iyo qaar kamid ah hoggaanka sare ee hay’adaha garsoorka dalka, ayaa kulan muhiim ah la qaataywafdi ka socday Ururka Garsooreyaasha Bariga Afrika (EAMJA) oo booqasho rasmi ah ku jooga dalka.

Labada dhinac ayaa ka wadahadlay sidii ay isaga kaashan lahaayeen dhinacyada horumarka garsoorka, isdhaafsiga talooyin ku saabsan sida looga faa’iideysan karo xubinnimada ururka daboolidda baahida loo qabo wada-shaqeyn joogto ah .

Xubnaha ka socday Ururka EAMJA ayaa soo bandhigay taariikhda Ururka, mashaariicda ay ka hirgeliyeen dalalka xubnaha ka ah, iyo fursadaha iskaashi ee dhinacyada tababarka, is-dhaafsiga waayo-aragnimada, iyo mideynta heerarka shaqada garsoorka.

Ujeedka booqashada Wafdiga ayaa lagu sheegay xoojinta xiriirka iyo iskaashiga hay’adaha garsoorka ee gobolka iyo sidii Soomaaliya ay xubin uga noqon laheyd ururkan.

Saraakiisha Ciidanka Xoogga oo ku baaqay in la xoojiyo howlgallada ka dhanka ah khawaarijta

Taliyaha Ciidanka Dhulka ee Xoogga Dalka, Sarreeye Guuto Sahal Cabdullaahi Cumar iyo saraakiil kale oo la socday ayaa degmada Ceeldheer ee gobolka Galgaduud kula kulmay ciidanka qaranka ee halkaasi u jooga la dagaalanka iyo ciribtirka kooxaha khawaarijta.

Saraakiishaasi ayaa kormeeray difaacyada hore ee Ciidanka Xoogga Dalka, waxayna halkaasi kulamo gaar gaar ah oo la xiriiray dhiirigalin iyo boogaadin la qaateen Saraakiisha Ciidamada Xoogga ee ku sugan Ceeldheer.

Taliyaha Ciidanka Dhulka ee Xoogga Dalka  ayaa Saraakiisha iyo ciidamada kale ugu hambalyeeyay guulaha ey gaareen Ciidamada Qaranka, isagoo kula dardaarmay in la sii wado howlgalada ka dhanka ah khawaarijta .

Booqashada saraakiisha ciidanka xoogga ayaa ee gobolka Gaalgaduud ayaa imaanaya xilli howlgallo lagu vaacsanaayo cadowga argagixisada uu ka socdo gobolada dalka.

Taliye Odawaa oo kormeeray deegaano ka tirsan Shabeelaha hoose oo Khawaarijta laga saaray

Sareeyo Gaas Odawa Yusuf Rage Taliyaha Ciidanka Xoogga Dalka Soomaaliyeed, ayaa maanta Kormeeray Goobaha ay Ka socdaan Howlgalada Sifeynta Khawaarijta Waxaana uu is dultaagay Taliyaha fariisimaha Ciidamada Deegaanka Bariire Ee Gobolka Shabeellaha Hoose oo dhwaan laga eryay Argagixisada

Taliyaha Guutada 17 Kumaandooska Gor Gor ee XDS Gaashaanle Cali Ahmed Xaashi ayaa Taliyaha ciidanka Xoogga Dalka kusoo dhaweeyay degaanka isagoona warbixin ka siiyey Jabkii Cadowga loogu geestay degaanka Bariire.

Kormeerka Baariire intii uu socday Gen Odawa Yusuf Rage Taliyaha Ciidanka Xoogga wuxuu la hadlay askarta Xoogga Dalka iyo Ciidanka updf si uu ugu muujiyo garab istaag waxaana uu ku Bogaadiyay Guulaha ay ka gaareen Howlgalka Cashirada loogu dhigay Khawaarijta.