Habkee u shaqeysaa xarunta soo dhoweynta iyo daryeelka dadka dalka ku soo laabanaya?

Ku-xigeenka Xoghayaha 2-aad ee Safaaradda Sweden, David Kollberg, iyo Madaxa Isku-xirka Yurub ee arrimaha dadka soo laabanaya (EURLO), Marwo Vanda Dahlbom, ayaa booqday xarunta soo dhaweynta iyo daryeelka dadka soo laabanaya ee Hay’adda Qaxootiga iyo Barakacayaasha Qaranka.

Wafdiga ayaa waxaa ku soo dhaweeyay Guddoomiye Kuxigeenka 2-aad ee Hay’adda, Maxamed Cabdullaahi Salaad, iyo masuuliyiin kale, kuwaas oo warbixin ka siiyay adeegyada xarunta.
Maareeyaha xarunta Salaad Cabdullaahi Cumar, ayaa sharaxay habka ay xaruntu u shaqeyso iyo adeegyada muhiimka ah oo ay bixiso, oo ay ka mid yihiin soo dhaweynta garoonka, daryeelka caafimaadka, hoyga, cuntada, wacyigelinta, diiwaangelinta, taleefoonada gacanta, iyo ambabixinta dadka ku laabanaya gobolladooda.

Masuuliyiinta booqday xarunta ayaa ammaanay adeegyada iyo hab-maamulka dowladda Soomaaliya ay ugu adeegto dadka soo laabanaya, oo ay ku jiraan qaxootiga Soomaaliyeed iyo muhaajiriinta lasoo badbaadiyey.

Dhismaha cusub ee Kumaandooska Gor Gor oo xarigga laga jaray

Taliyaha Ciidanka Dhulka Xoogga Dalka, Sarreeye Guuto Sahal Cabdullaahi Cumar Jeneraal Khaalid ayaa maanta si rasmi ah xarigga uga jaray dhismaha cusub ee Taliska Guutada 19-aad ee Kumaandooska Xoogga Dalka Soomaaliyeed ee Gorgor.

Dhismahan cusub ayaa noqon doona xarun istiraatiiji ah oo muhiim u ah abaabulka, tababarka iyo howlgallada ciidamadeenna geesiyaasha ah.
Taliyaha ayaa sheegay in tallaabadani ay ka tarjumayso dadaalka joogtada ah ee lagu tayeynayo awoodda Ciidanka Xoogga Dalka, laguna dhisayo kaabayaal casri ah oo ka jawaabi kara baahiyaha difaaca qaranka. Guutada 19-aad ee Kumaandooska Gorgor ayaa ka mid ah laf-dhabarta difaaca dalka, waxaana la filayaa in xeradan cusub ay sare u qaaddo waxqabadka, isku-duubnida iyo hufnaanta shaqo ee guutadan muhiimka ah.
Geesta kale, Taliyaha ayaa Dowladda Turkiga uga mahadceliyay dhismaha xeradan cusub oo ay yeelanayso Guutada 19-aad ee Kumaandooska Gorgor.

Ciidanka Xoogga Dalka Soomaaliyeed ayaa weli ku jira dadaal ballaaran oo lagu xaqiijinayo amniga, laguna ciribtirayo cadawga Ummadda Soomaaliyeed.

RW ku-xigeenka dalka “Amni darradu waa dabarka ku xiran horumarka da’yarta Soomaaliyeed.”

Ra’iisul Wasaare Kuxigeenka Xukuumadda Federaalka Soomaaliya, Mudane Saalax Axmed Jaamac, oo maanta ka qeyb galay xuska Maalinta Dhallinyarada Adduunka oo sanad Kasta dunida laga xuso, ayaa sheegay in dhallinyarada Soomaaliyeed ay hormuud u yihiin dagaalka cadowga looga ciribtirayo dalka.

Ra’iisul Wasaare Kuxigeenka Dalka oo hadal ka jeediyay munaasibadda, ayaa dul istaagay muhiimadda ay dhallinyarada Soomaliyeed u leeyihiin Dowlad-dhiska, isaga oo ku bogaadiyay kaalintooda nafhurnimo ee adkeynta midnimada dalka.

Sidoo kale, Ra’iisul Wasaare Kuxigeenka, ayaa sheegay in Xukuumada DanQaran ay qorshayaal ka leedahay horumarinta dhallinta Soomaliyeed, taasi oo ay kamid tahay in masiirkooda siyaasadeed iyagu jaan-gooyaan, taasina ay tahay sababta loo dardargalinayo Doorashooyinka tooska ah ee Wadanka laga hirgelinayo.

Munaasibadda ayaa waxaa sidoo kale ka qeyb galay Wasiirro Ka tirsan Xukuumadda, Guddoomiye Kuxigeenka Arrimaha Bulshada Gobalka Banaadir, Ururrada Dhallinyarada, iyo Marti Sharaf Kale.

Duqa Muqdisho oo xarigga ka jaray waddooyin muhiim ah

Guddoomiyaha Gobolka Banaadir ahna Duqa Magaalada Muqdisho Dr. Xasan Maxamed Xuseen (Muungaab) ayaa xarigga ka jaray afar waddo oo laami ah, kuwaas oo laga hirgeliyay waaxda Oktoobar ee Degmada Hodan, iyadoona dhismaha waddooyinkaan ay iska kaashadeen Bulshada, Maamulka Degmada iyo Dowladda Hoose ee Xamar.

Duqa Muqdisho ayaa sheegay in dhismaha waddooyinka ay kaalin wayn ka qaadanayaan, horumarka caasimadda, waxa uuna sheegay in ay socdaan qorshayaal kale oo lagu dhisaayo waddooyin muhiim ah iyo furista waddooyinka xiran ee Magaalada Muqdisho kuwooda aan culeesyada amni ka jirin si loo fududeeyo isku socodka bulshada.

Guddoomiyaha Gobolka Banaadir ahna Duqa Magaalada Muqdisho Dr. Xasan Maxamed Xuseen (Muungaab) ayaa bulshada ugu baaqay in ay ka qeyb qaataan horumarrada ka socda caasimadda ee dhanka dib-u-dhiska, soo celinta bilicda, amniga iyo dimuqraadiyeynta dalka si ay bulshada usoo doortaan Maamulkooda heer Degmo ilaa heer Gobol.

Agaasimaha hay’adda socdaalka oo kulan la qaatay wafdi ka socda Ciraaq

Agaasimaha guud ee hay’adda socdaalka iyo jinsiyadda mudane Mustafa Duhulow ayaa kulan wax ku ool ah la yeeshay wafdi ka socday wasaaradda arrimaha gudaha ee dowladda Ciraaq oo uu hoggaaminayo La-taliyaha Wasiirka Arrimaha gudaha, Sarreeye Guud Ziyad Daha Cali iyo Agaasimaha waaxda Iskaashiga Caalamiga ah ee Wasaaradda Arrimaha Gudaha ee dalka Ciraaq, Sarreeye Gaas Calaa Canshuur Manaati. Wafdigan ayaa booqasho ku yimid xarunta dhexe ee HSJ.

Kulanka waxaa sidoo kale qayb ka ahaa Agaasimaha guud ee Wasaaradda Amniga Gudaha JFS mudane Yuusuf Cali Safiirka Dowladda Soomaaliya u fadhiya dalka Ciraaq, Mudane Ridwaan Xirsi Maxamed, iyo mas’uuliyiin kale oo ka tirsan HSJ.

Ugu horrayn, Agaasimaha Guud ee HSJ ayaa wafdiga siiyay warbixin guud oo ku saabsan dedaallada lagu xaqiijinayo horumarinta baasaboorka Soomaaliyeed iyo isbeddellada lagu sameeyay adkaynta lagu codsado baasaboorka, hirgelinta nidaamka PISCES, iyo saxiixyada heshiisyada wada-shaqaynta ee Interpol oo qayb ka qaadanaya adkaynta amniga socdaalka iyo xuduudaha.

Sidoo kale, wuxuu la wadaagay wafdiga wada-hadallada caalamiga ah ee dhawaan lala yeeshay dalalka Norway, Switzerland, Germany, iyo Ingiriiska, kuwaas oo dhawaan la filayo inay qayb ka noqdaan horumarinta kaabayaasha Hay’adda.

Agaasimaha Guud ayaa sheegay in Dowladda Ciraaq iyo Dowladda Soomaaliya horay ula lahaayeen xiriir qoto dheer oo taariikhi ah, isla markaana hay’adaha labada dal ee socdaalka iyo jinsiyadda ay iska kaashan karaan khibrad wadaag, isdhaafsiga xogta, iyo horumarinta kaabayaasha teknoolojiyada casriga ah. Waxa uu sidoo kale Dowladda Ciraaq ka codsaday inay ka taageeraan HSJ tababarka saraakiisha iyo dhismaha machadka tababarka.

Dhanka kale, wafdiga Dowladda Ciraaq ayaa sheegay inay aad ugu faraxsan yihiin soo dhaweynta iyo martiqaadka loo sameeyay, isla markaana casuumaad rasmi ah u fidiyeen Agaasimaha Guud ee HSJ si uu booqasho rasmi ah ugu tago dalka Ciraaq. Waxa ay sidoo kale ballanqaadeen inay HSJ kala shaqeyn doonaan tababarro kala duwan oo la xiriira baasaboorrada, dalku-galka, iyo socdaalka, iyagoo sheegay inay ka caawin doonaan tababarka saraakiisha HSJ.

Wafdiga ayaa sidoo kale kormeer ku sameeyay xafiiska baarista iyo hubinta dukumentiyada, xafiiska madbacadda, iyo xafiiska dalku-galka ee elektarooniga ah (E-visa).

   

Madaxweyne ku xigeenka Galmudug oo qaabilay wafdi ka socda hawlgalka AUSSOM

Dhuusamareeb : Madaxweyne ku xigeenka dowlad goboleedka Galmudug, mudane Cali Daahir Ciid ayaa maanta madaxtooyada Galmudug ku qaabilay saraakiisha Ciidamada AUSSOM.

Kulanka ayaa diiradda lagu saaray arrimaha amniga, la dagaallanka kooxaha Khawaarijta ah, iyo sidii sare loogu qaadi lahaa awoodda Ciidamada AUSSOM ee ka howlgala deegaanada Galmudug.

Madaxweyne ku-xigeenka Galmudug, Mudane Cali Daahir Ciid, ayaa Taliyaha AUSSOM Sector-4 u sheegay in Ciidamada Xoogga Dalka Soomaaliyeed iyo Daraawiishta Galmudug ay shaqo weyn ka qabteen guud ahaan Galmudug, isla markaana amnigu uu hadda aad uga sarreeyo sidii hore.

Ugu dambayntii, saraakiisha AUSSOM iyo madaxda Galmudug ayaa isla qaatay in la dardar-geliyo dagaalka ka dhanka ah Khawaarijta, iyadoo howgallo culus ay ka bilaaba doonaan deegaanada Galmudug.

  

Wasiirka Warfaafinta oo xafiiskiisa ku qaabilay Safiirka Midowga Yurub ee Soomaaliya

Wasiirka Warfaafinta, Dhaqanka iyo Dalxiiska, Mudane Daa’uud Aweys Jaamac, ayaa maanta xafiiskiisa ku qaabilay Safiirka Midowga Yurub ee Soomaaliya, Karin Johansson.

Wasiirka iyo Safiirka Midowga Yurub ayaa ka wada hadlay iskaashiga iyo horumarinta dhinacyada dhaqanka iyo wacyigelinta bulshada.

Wasiir Daa’uud Aweys ayaa ku bogaadiyay Midowga Yurub taageerada iyo wadashaqeynta wanaagsan ee ay la leeyihiin Dowladda Federaalka Soomaaliya, gaar ahaan kaalinta Midowga Yurub ee ku aaddan horumarinta dhaqanka iyo dhiirrigelinta nabadda.

Daljire Karin ayaa dhankeeda xustay inay doonayaan inay sii laba-laabaan hawlaha ay ka wadaan Soomaaliya, iyadoo intaa ku dartay in dalka uu sameynayo horumar dhinacyo badan leh kaasoo abuuraya rajo cusub.

Kulanka waxaa sidoo kale goob joog ka ahaa mas’uuliyiin ka kala socday Wasaaradda Warfaafinta, Dhaqanka iyo Dalxiiska iyo Midowga Yurub.

 

Maxkamadda Ciidamada oo dil toogasho ah ku fulisay xubno katirsana khawaarijta

Maxkamadda Ciidamada Qalabka sida ayaa saaka xukun dil ah waxay ku fulisay Ex Alifle Maxamed Xuseen Buulle iyo Ex Dable Aadan Isaaq Yarow (Salaad koofi) oo ka tirsanaa Guutada 14 Oktoobar,kuwaas oo horay Maxkamadda Ciidamada ugu riday xukun dil ah.

Labadaan askari ee saaka dilka lagu fuliyey ayaa iyagoo u adeegaya khawaarijta waxay Qarax ku dileen allaha unaxariistee Abaanduulahii Ururka 83-aad Ex Dhamme Xoogga Dalaka Ceydiid Maxamed Cali, kadib markii sariirtiisa ay ugu dhajiyeen Miino

Wasiirka Arrimaha Dibadda Soomaaliya oo Daah-furay Dhisme Cusub oo Safaaradda Aljeeriya

Wasiirka Arrimaha Dibadda iyo Iskaashiga Caalamiga ee Xukuumadda Federaalka Soomaaliya oo ay weheliso Xoghayaha Arrimaha Dibadda ee Wasiirka Arrimaha Dibadda ee Afrika, Salma Bakhita Mansuur, ayaa shir guddoomiyay furitaanka dhismaha cusub ee Safaaradda Soomaaliya ee dalka Algeria.

Xafladda oo ay ka qeyb galeen xubna sare oo katirsan bahda diblomaasiyadda ayaa waxa hadal ka jeediyay Xoghayaha Arrimaha Dibadda ee Wasiirka Arrimaha Dibadda ee Afrika,Salma Bakhita Mansu taa oo ka hadashay xiriirka tariikhiga ah ee labada dal iyo taageerada wadajirka ah ee ay muujiyeen sannadihii la soo dhaafay. Waxa ay xaqiijisay sida ay Aljeeriya uga go’an tahay in ay sii wado kala shaqaynta Soomaaliya si loo xoojiyo iskaashiga dhinac walba ah, gaar ahaan marka la eego xubinnimada labada dal ee Golaha Ammaanka ee Qaramada Midoobay, kaas oo bixiya fursado waaweyn oo wadatashi iyo isku-dubbarid lagu difaacayo arrimaha Afrika iyo horumarinta danaha qaaradda.

Wasiirka Arrimaha Dibadda iyo Iskaashiga Caalamiga ee Xukuumadda Federaalka Soomaaliya,mudane Cabdisalaam Cabdi Cali,ayaa uga mahad celiyey dowladda Aljeeriya taageerada ay mar walba la garab taagan tahay shacabka Soomaaliyeed iyo midnimadooda, isagoo xusay in xiriirka labada dal uu yahay mid taariikhi ah oo sal adag leh.

Wasiirka Arrimaha Dibadda Soomaaliya oo Kulan la Qaatay Dhigiisa Dalka Aljeeriya

Aljeres:– Wasiirka Arrimaha Dibadda ee Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya, Mudane Wasiir Cabdisalaam Cabdi Cali , ayaa maanta kulan muhiim ah la qaatay Wasiirka Arrimaha Dibadda ee dalka Aljeeriya, Mudane Axmed Ataf, kaas oo ka dhacay magaalada Aljeres, caasimadda dalkaas.

Kulankan ayaa diiradda lagu saaray xoojinta xiriirka labada dal ee Soomaaliya iyo Aljeeriya, gaar ahaan dhinacyada difaaca, amniga, waxbarashada, farsamada gacanta, iyo xoolaha. Labada Wasiir ayaa isla gartay in la dhiso guddi heer Wasiir ah oo labada dal ka dhaxeeya, si loo adkeeyo iskaashiga labada dowladood, loona horumariyo xiriirka labada dhinac.

Intii uu socday kulanka, waxaa sidoo kale laga hadlay arrimaha gobolka, oo ay kamid yihiin xaaladaha ka taagan Suudaan, marinka Gaza, Geeska Afrika iyo gobolka Saaxil. Labada dhinac ayaa muujiyey muhiimadda ay leedahay wadashaqeyn dhab ah si loo helo xasilooni waarta oo ka hana qaadda guud ahaan gobolka.

Wasiir Cabdisalaam ayaa uga mahad celiyey dowladda Aljeeriya taageerada ay mar walba la garab taagan tahay shacabka Soomaaliyeed iyo midnimadooda, isagoo xusay in xiriirka labada dal uu yahay mid taariikhi ah oo sal adag leh.

Dhankiisa, Wasiirka Arrimaha Dibadda ee Aljeeriya, Mudane Axmed Ataf, ayaa isna uga mahad celiyey dhiggiisa Soomaaliyeed booqashada iyo dadaallada uu ku bixinayo xoojinta xiriirka labada dal. Wuxuu sidoo kale ballan qaaday in dowladda Aljeeriya ay sii wadi doonto taageerada ay siiso Soomaaliya.