Madaxweynaha dowlad goboledka hirshabelle iyo wafdi uu hogaaminaayo ayaa gaaray magaalada Baladweyne

Wasiirka wasaaradda Dastuurka Dowlad goboleedka Galmudug Daa’uud Maxamed Maalin ayaa maanta Dhuusamareeb ka daah furay shirkan wada-tashiga ah oo ku saabsan dib u eegista qabyo qoraalka 3-aad ee dastuurka dalka oo ay isla lafo gurayaan Wasaaraddaha dowlad goboleedka Galmudug iyo bulshada rayadka.

Shirkan wada-tashiga ah oo soconaya mudo sedax maalmood ah ayaa laga filayaa aragtiyo wax ku ool ah oo wax weyn ku biirin kara dib u eegista socota ee dastuurka, Wasiir kuxigeenka Cadaalada Galmudug Maxamuud Guure Guuleed ayaa ka waramey muhiimada aragti uruurinta. Cod

Xildhibaan Khaalid Abdi Yusuf oo kamid ah gollaha baarlamaanka Galmudug iyo Abuukaate Ismael Halane ayaa dhankooda sharaxay ahmiyada qodobada Dastuurka uu u ogolaanayo wax qabsiga heer dowlad goboleed.

Wasiirka wasaaradda Dastuurka Dowlad goboleedka Galmudug Daa’uud Maxamed Maalin oo muhiimadaa guud ee wadatashigan is dultaagey ayaa sheegey in qodobada dib u eegista u baahani isugu jiraan kuwo farsamo iyo kuwo masiiri ah oo ay Jaan goyntooda leeyihiin Madaxda heer federaal iyo heer dowlad goboleed.

Guddiga arrimaha gudaha iyo amniga oo kulan muhiim ah ku yeeshay Villa Hargeysa

Guddiga arrimaha gudaha, amniga iyo maamulada gobolada ee golaha Shacabka Baarlamaanka Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya ayaa maanta kulan ku yeeshay Xarunta Villa Hargeysa.

Kulanka waxaa shir guddoominaayay ku-simaha guddoomiyaha ahna guddoomiye ku- xigeenka guddiga Xildhibaan Nuur Axmed Diiriye, waxaana kulanka ujeedkiisu uu ahaa isxog-wareysi ku saabsan shaqada guddiga, howlaha horyaallo iyo sidii loo dardar gelin lahaa.

Sidoo kale xubnaha guddiga ayaa warbixin laga siiyay shirkii ka dhacay Magaalada Garoowe.

wasaaradda Dastuurka Dowlad goboleedka Galmudug ayaa maanta Dhuusamareeb ka daah furay shirkan wada-tashiga dasturka dalka

Wasiirka wasaaradda Dastuurka Dowlad goboleedka Galmudug Daa’uud Maxamed Maalin ayaa maanta Dhuusamareeb ka daah furay shirkan wada-tashiga ah oo ku saabsan dib u eegista qabyo qoraalka 3-aad ee dastuurka dalka oo ay isla lafo gurayaan Wasaaraddaha dowlad goboleedka Galmudug iyo bulshada rayadka.

Shirkan wada-tashiga ah oo soconaya mudo sedax maalmood ah ayaa laga filayaa aragtiyo wax ku ool ah oo wax weyn ku biirin kara dib u eegista socota ee dastuurka, Wasiir kuxigeenka Cadaalada Galmudug Maxamuud Guure Guuleed ayaa ka waramey muhiimada aragti uruurinta. Cod

Xildhibaan Khaalid Abdi Yusuf oo kamid ah gollaha baarlamaanka Galmudug iyo Abuukaate Ismael Halane ayaa dhankooda sharaxay ahmiyada qodobada Dastuurka uu u ogolaanayo wax qabsiga heer dowlad goboleed.

Wasiirka wasaaradda Dastuurka Dowlad goboleedka Galmudug Daa’uud Maxamed Maalin oo muhiimadaa guud ee wadatashigan is dultaagey ayaa sheegey in qodobada dib u eegista u baahani isugu jiraan kuwo farsamo iyo kuwo masiiri ah oo ay Jaan goyntooda leeyihiin Madaxda heer federaal iyo heer dowlad goboleed.

MADAXWEYNE XASAN SHEEKH OO GAARAY DEGMADA MAXAAS EE GOBOLKA HIIRAAN

Madaxweynaha Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya Mudane Xasan Sheekh Maxamuud ayaa gaaray degmada Maxaas ee Gobolka Hiiraan oo ka mid ah deegaanada udub dhexaadka u ah dagaalka looga soo horjeedo argagixisada, waxaana wafdiga Madaxweynaha halkaas kusoo dhoweeyay Madaxweyne ku xigeen ka Hirshabelle Gudoomiyaha Gobolka Hiiraan,Xildhibaanno, Masuuliyiin ka tirsan maamulka Hirshabeelle iyo shacabka deegaanka.

Madaxweyne Xasan Sheekh oo la hadlay shacabka deegaanka iyo Ciidamada Xoogga Dalka ayaa ku ammaanay guulaha is daba joogga ah ee ay ka gaareen dagaalka ay kula jiraan argagixisada iyaga oo muujiyay geesinnimo iyo isku-duubni, waxa uuna adkeeyay taageerada ay dowladdu la garab taagan tahay deegaanada dadkoodu ay go’aansadeen in ay iska xoreeyaan Khawaarijta.

“Inta aan Madaxweynaha ahay dowlada Soomaaliya waxaa ka go’an in dalka Shabaab laga ciribtiro, la waayo wax argagixso ah. Ceelbuur, Xaradheere, Aadan Yabaal iyo deegaanada kale waa xoroobayaan Alle idim kii.”

Madaxweynaha ayaa sidoo kale dhageystay warbixin la xiriirta baahiyaha adeegga dowladnimada ah ee ay qabaan dadka nool degmada Maxaas iyo deegaanada hoos yimaada, isaga oo balan qaaday in dowladda Sooomaaliya ay dadajin doonto qorshaha ay adeegga dowladnimada ku gaarsiineyso deegaanada laga xoreeyay argagixisada Alshabaab.

Madaxweynaha Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya Mudane Xasan Sheekh Maxamuud oo ku sii jeeda deegaanno kale oo ay ka socdaan hawlgallada dalka looga sifeynayo Alshabaab ayaa hoosta ka xariiqay in dagaalka ka dhan ka ah argagixisada uu socon doono inta laga ciribtirayo Soomaaliya.

Askar horay dilal u geystay oo lagu toogtay Kismaayo

Maxkamadda ciidamada qalabka sida ee Jubbaland ayaa saakay Kismaayo ku toogatay laba askari oo horay dilal uga gaystay magaalada Kismaayo.

Ragga qisaasta lagu fuliyay saaka ayaa kala ahaa gacan ku dhiigle Wayrax Khaliif Yuusuf oo 25-kii November 2020-kii dil u gaysatay Marxuumad Xaliimo Cali Roobow, Sidoo kale Yuusuf Xuseen Cabdi ayaa isna dilay Marxuum Dable Xoogga Dalka Cabdullaahi Cali Suuli Taariikhdu markay ahayd 17-Nov-2021.

Maxkamadda Ciidamada Qalabka sida ee Jubbaland ayaa xukunka dilka toogashada ah ku dhawaaqday 29-June-2022-ka.

Guddoomiye ku-xigeenka Maxkamadda Ciidamada Qalabka sida ee Jubbaland G/dhexe Bashiir Maxamuud Xareed oo warbaahinta kula hadlay goobtii qisaasta ay ka dhaceysay ayaa shaaciyay go’aamada kaso baxay maxkamadda.

Ciidamada Booliska oo fashiliyay qarax lala damacsaa in lagu dhibaateeyo muwaadin Soomaaliyeed

Ciidanka Booliska Soomaaliyeed qeybta gobolka Banaadir ayaa saakay fashiliyay Qarax lala damacsanaa in Lagu dhibaateeyo muwaadin Soomaaliyeed.

Ciidanka booliiska ayaa sheegay in ay fashiliyeen qarax Khawaarijtu doonayeen in ay ku dhibaateeyaan muwaadin Soomaaliyeed, afhayeenka booliiska gaashaanle Sadiiq Duudishe ayaa warbaahinta qaranka u xaqiijiyay in aysan cidna wax ku noqon qaraxa.

“Ciidanka Boliiska Soomaaliyeed ayaa fashiliyay labo miino oo lagu xiray Gaadhi Surf ah, kaasi oo uu lahaa qof shacab ah. Ciidanka Boliisku waxay ku guulaysteen inay fashiliyaan dhagarta ay la damacsanaayeen Cadawgu inay ku waxyeeleeyaan muwaadinkaas oo hada bad qaba,” ayuu ku yiri qoraal.

Ciidamada Amniga ayaa xiray dhaqdhaqaaqa ganacsiga iyo isu socodka dadweynaha, si looga fogaado waxyaallo ka soo gaari karta shacabka ka ag dhawaa goobta.

MADAXWEYNE XASAN SHEEKH OO KORMEER UGU AMBA-BAXAY FURIMAHA DAGAALKA KA DHANKA AH ARGAGIXISADA ALSHABAAB

Muqdisho, Nofeembar 19, 2022; Madaxweynaha Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya Mudane Xasan Sheekh Maxamuud ayaa kormeer ugu amba-baxay qaar ka mid ah deegannada ay ka socdaan howlgallada ka dhanka ah argagixisada Khawaarijta Alshabaab.
Madaxweynaha ayaa warbixinno ku saabsan guulaha laga gaaray argagixisada iyo abaabulka dagaalka lagaga xoreynayo dalka waxa uu furimaha dagaalka kaga dhagaysan doonaa Talisyada iyo Saraakiisha hoggaaminaysa howlgallada, isagoo ku bogaadinaya sida naf-hurnimada leh ee ay u diifaacayaan dalkooda, ugana xoreynayaan argagixisada.
Sidoo kale, Madaxweynaha Jamhuuriyadda ayaa u kuur-geli doona xaaladda nololeed ee ka jirta deegaanno ka tirsan gobollada uu booqanayo ee Hiiraan, Galguduud iyo Mudug.

MADAXWEYNE XASAN SHEEKH OO KORMEER UGU AMBA-BAXAY FURIMAHA DAGAALKA KA DHANKA AH ARGAGIXISADA AL-SHABAAB

Madaxweynaha Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya Mudane Xasan Sheekh Maxamuud ayaa kormeer ugu amba-baxay qaar ka mid ah deegannada ay ka socdaan howlgallada ka dhanka ah argagixisada Khawaarijta Al-shabaab.

Madaxweynaha ayaa warbixinno ku saabsan guulaha laga gaaray argagixisada iyo abaabulka dagaalka lagaga xoreynayo dalka waxa uu furimaha dagaalka kaga dhagaysan doonaa Talisyada iyo Saraakiisha hoggaaminaysa howlgallada, isagoo ku bogaadinaya sida naf-hurnimada leh ee ay u diifaacayaan dalkooda, ugana xoreynayaan argagixisada.

Sidoo kale, Madaxweynaha Jamhuuriyadda ayaa u kuur-geli doona xaaladda nololeed ee ka jirta deegaanno ka tirsan gobollada uu booqanayo ee Hiiraan, Galguduud iyo Mudug.

Soomaaliya oo saxiixday baaqa caalamiga ah ee xakamaynta hubka qarxa in lagu isticmaalo goobaha dadweynaha.

Wasiirka arrimaha dibadda iyo Iskaashiga Caalamiga ah ee Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya Mudane Abshir Cumar Huruuse ayaa saxiixay baaqa caalamiga ah ee xakamaynta hubka qarxa in lagu isticmaalo goobaha dadweynuhu joogaan.

Baaqan oo ah kii ugu horeeyay ee noociisa ah ee heer caalami ah ayaa looga golleeyahay in lagu ilaaliyo dadka rayidka xilliyada colaadaha oo dhibaatooyin badani ka soo gaaraan.

Wasiirka Arrimaha Dibadda iyo Iskaashiga Caalamiga ah ee XFS Mudane Abshir Cumar Huruuse ayaa khudbad faahfaahinaysa mawqifka Soomaaliya ee ilaalinta dadka rayidka ah ka jeediyay shirka, wuxuuna caddeeyay wasiirku in dowladda Soomaaliya muhiimadda koobaad siinayso dadkeeda iyadoo xilli adag oo dagaal lagu jiro.

Wasiirka ayaa tusaale usoo qaatay in sharciyada caalamiga ah ee xilliga dagaalka ka hor Soomaalidu lahayd Xeerka Birima-gaydada oo ahaa mid ilaaliya dadka nugul iyo kuwa rayidka ah een dagaalka ku jirin, isagoo caddeeyay in kooxaha xagjirka ahi ku tunteen sharci kasta oo dadka maatada ah ilaalinayay.

Wasiir Abshir Cumar Huruuse ayaa shirweynaha ka sheegay in sharcigan caalamiga ahi uusan qabanayn kooxaha Argagixisada oo kelli ah balse sidoo kale uu qabanayo Ciidamada dowladda iyo saaxiibada ajinebiga ah ee nabad ilaalinta iyo tababarka u jooga Soomaaliya oo xilliyada qaar magaalooyinka dhexdooda dabrid ka sameeya.

Soomaaliya iyo 18 wadan oo Afrikan ah ayaa sanadkii 2017 saxiixay baaq kan oo kale ah laakiin ku eg qaaradda Afrika

Safiirka Soomaaliya ee Turkiga oo soo dhoweeyay gabar Soomaaliyeed oo xubin ka ah baarlamaanka Gobolka Maine ee dalka Mareykanka

Maamulka Safaaradda Soomaaliya ee Dalka Turkiga ayaa maanta xaflad soo dhaweyn ah u sameeyay Deeqa Cabdi Dhalac oo kamid ah xildhibaanada gobolka Maine ee dalka Mareykanka

Safiirka Safaaradda Soomaaliya ee dalka Turkiga Jamac Ceydiid iyo Madaxa Qubsulka Suleymaan kaarshe,ayaa soo dhoweyntaasi kadib munaasabad qado sharaf ah u sameeyay Deeqa Dhalac oo sidoo kale ah duqa magaaladda South Portland ee gobolka Maine ee dalka Mareykanka.

Xafladdaasi oo ka dhacday xarunta safaaradda ee Magaalada Ankara,waxaa la isku dhaafsaday hadallo warbixin ah oo khuseeyay howsha safaaradda iyo guud ahaan arrimo la xiriiray dalka.