MADAXWEYNE XASAN SHEEKH OO KA TACSIYEEYAY GEERIDA GARAAD SALEEBAAN GARAAD MAXAMED

Madaxweynaha Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya Mudane Xasan Sheekh Maxamuud ayaa tacsi tiiraanyo leh u diray qoyska, qaraabada iyo dhammaan ummadda Soomaaliyeed ee uu ka geeriyooday Alle ha u naxariistee Garaad Saleebaan Garaad Maxamed Garaad Maxamuud oo xalay ku geeriyooday magaalada Garoowe.

Madaxweynaha oo xusay doorkii muuqday ee Garaad Saleebaan uu kasoo qaatay dib u heshiisiinta iyo dib u dhiska dowladnimada Soomaaliya ayaa si gaar ah uga tacsiyeeyey Isimada iyo hoggaanka dhaqanka dowlad Goboleedka Puntland geerida ku timid Marxuumka oo ka mid ahaa dhaqanka Soomaaliyeed ee laf-dhabarka u ahaa aasaaska dowladnimada.

Madaxweyne Xasan Sheekh ayaa Marxuumka Alle uga baryay in uu naxariistiisa janno ka waraabiyo, qoyskiisa iyo guud ahaan dadka Soomaaliyeed ee uu ka geeriyoodeyna samir iyo iimaan uu ka siiyo.

Innaa Lilaahi Wa Innaa Ilayhi Raajicuun.

Wasiir Ku Xigeenka Diinta XFS oo sheegay in dib loo dhisayo goobihii waxbarashada diinta ee ku burburay gacanta khawaarijta

Wasiir ku xigeenka Wasaaradda diinta iyo Awqaafta XFS Xil. Saalax Shariif Sayid Cali,ayaa sheegay in ka wasaarad ahaan ay qorsheynayaan sidii dib loogu dhisi lahaa madaaristii, masaajidii iyo dugsiyaddii Qur’aanka ee ay burburay gacanta  kooxaha Khawaarijta.

Wasiir ku xigeenka oo manta ka qeybgalay barnaamijka kulanka todobaadka ee warbaahinta qaranka ayaa yiri  “Khawaarijta waxa ay Masaajidda u burburiyeen oo culimadda u dileen waa in ay dagaal kula jiraan diinta Islaamka.

Wasiir ku xigeenka Wasaaradda diinta iyo Awqaafta XFS Xil. Saalax Shariif Sayid Cali ayaa xusay in deegaanada badan ee laga xoreeyay kooxaha khawaarijta lagu arkayay waxyaabaha maanka dooriya iyo waxyaabo kale oo fisqigi ah .

Wasiir ku xigeenka  ayaa tilmaamay in  Madaafiicda iyo rasaasta kale ee lagu garaacayo Khawaarijta ay  uga xannuun badan tahay Kalmadda cullimadda Soomaaliyeed ee ay ku sharaxayaan sida kooxdaasi ay uga been sheegeen diinta islaamka iyo dhabbaha xun ee ay ku socdaan.

Wasiirka Arrimaha Dibadda XFS oo kulan la qaatay ardayda Soomaaliyeed ee wax ku barta dalka Serbia

Wasiirka Arrimaha Dibadda iyo Iskaashiga Caalamiga ah Mudane Abshir Cumar Huruuse ayaa kulan la xiriiray la socodaka heerka  waxbarasho iyo caqabadaha kale ee  jira laqaatay ardayda Soomaaliyeed ee wax ka barta dalka Serbia.

Ardaydan oo dhammaantood ah kuwa ka faa’iidaystay deeqo waxbarasho oo dowladda Serbia ugu deeqday dalkeenna ayaa isugu jira heerka koobaad ee Jaamacadda ( Bachelor ) iyo heerka labaad ( Master) waxayna dhigtaan kuliyado dhammaantood muhiimad gooni ah dalkeenna u leh sida kulliyada Dhakhtarnimada, kulliyadda Engineering, midda beeraha, tan kaluumaysiga iyo shuruucda badaha iyo kuwo kale oo muhiim ah.

Wasiirka ayaa ardayda ugu hambalyeeyay inay meel wanaagsan marinayaan waxbarashadii dalka iyo dadka Soomaaliyeed usoo dirsadeen ardaydan wuxuuna u sheegay in baahi weyn loo qabo culuumta iyo takhasusaadka kala gedisan ee ay wadaan.

Wasiir Abshir Cumar Huruuse ayaa uga mahadceliyay dowladda aan saaxiibada nahay ee Serbia deeqaha waxbarasho gaar ahaan kulliyadaha baahida weyn loo qabo ee ay dalkeenna ugu deeqday.

Dhinaca kale Wasiirka arrimaha dibadda Mudane Abshir Cumar Huruuse ayaa ardayda u sheegay in kulamadii uu la yeeshay Raisul Wasaare ku xigeenka ahna Wasiirka arrimaha dibadda iyo wasiirro kale oo tiro badan sida wasiirka arrimaha gudaha, midka dhaqaalaha, kan ganacsiga iyo qaar kale oo badan ay dhammaantood ku soo dhamaadeen is-afgarad iyo taageero dhinac walba ah isagoo ardayda ugu baaqay inay soo dhoweeyeen muwaadiniinta kale ee Soomaaliyeed ee deeqaha waxbarashada iyo tababarka u imaan doono Serbia oo aad u kordhi doona sanadaha soo socda.

 

MADAXWEYNAHA SOOMAALIYA OO KULAN IS-XOG WAREYSI AH LA QAATAY GUDDOONNADA BAARLAMAANNADA HEER FEDERAAL IYO HEER DOWLAD-GOBOLEED

Madaxweynaha Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya Mudane Xasan Sheekh Maxamuud ayaa caawa kulan la qaatay Guddoonnada Baarlamaanka Dowlad-goboleedyada dalka ee ka qeyb-galay furitaanka kalfadhiga 2-aad ee Baarlamaanka 11-aad ee Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya.

Madaxweynaha ayaa ku adkeeyey Baarlamaanka heer Federaal iyo heer dowlad-goboleed in ay xoojiyaan wada-shaqeynta dhexdooda ah, wadajirna uga shaqeeyaan dowlad-dhiska dalka, si loo gaaro Soomaali Heshiis ah, Dunidana Heshiis lah ah.

Madaxweyne Xasan Sheekh ayaa xusay in shacabka Soomaaliyeed ay sugayaan qabyo-tirka dastuurka iyo dhammeystirka shuruucda xoojinaysa dowladnimada, waxa uuna tilmaamay doorka xooggan ee Baarlamaannada heer Federaal iyo heer dowlad-goboleed ay ku leeyihiin xoreynta dalka iyo dagaalka ka dhanka ah argagixisada Alshabaab.

Dhankooda, Guddoomiye Kuxigeenka 1-aad ee Golaha Shacabka Marwo Sacdiyo Salaad Samatar, Guddoomiyaha Aqalka Sare Mudane Cabdi Xaashi Cabdullaahi iyo Guddoonnada Baarlamaannada Dowlad-goboleedyada dalka ayaa Madaxweynaha uga mahad-celiyey kulankan, iyagoo soo dhaweeyey in ay sii joogteeyaan, si loo xoojiyo wadashaqeynta iyo xasilloonida siyaasadeed ee dalka.

Ra’iisul Wasaare Xamse: Soomaaliya waxay hiigsanaysaa waa cusub oo nabad, degenaansho iyo dimuqraadiyad ku asteysan

Ra’iisul Wasaaraha Xukuumadda Federaalka Soomaaliya, mudane Xamse Cabdi Barre, oo maanta furay shirka hannaanka wadashaqeynta ee u dhexeeya dowladda fedraalka Soomaaliya iyo bangiga adduunka, ayaa caddeeyay in dalku uu ka soo gudbay dhibaatooyin badan haddana hiigsanayo horumar.

Xukuumadda Dan-Qaran ayaa kulanka ku soo bandhigtay siyaasadda ku aadaan dib u habeynta hay’addaha dowladda si loo gaaro hiigsiga cusub ee nabadda, degenaanshaha iyo dimuqraadiyadda ku asteysan.

Ra’iisul Wasaaraha ayaa tilmaamay in xukuumadda dan-qaran ay xoogga saartay dib-u-heshiisiinta, xasilinta iyo xaqiijinta dib-u-habeynta, ayna horumarisay hab-raacyo sharci oo casri ah, qaab-dhismeed dowladeed, hannaan maamul maaliyadeed, dib-u-qaabeyn hay’ado muhiim ah, sidoo kalana la meel mariyay isbeddel siyaasadeed oo loo dhan yahay, laguna heshiiyay qorshe lagu mideynayo taageerada caalamiga, iyadoo lagu saleynayo arrimaha mudnaanta u leh dalka.

“Soomaaliya waxay maanta taagan tahay marxalad kalaguur ah oo taariikhdeeda ku suntan. Dalkuna wuxuu ka soo baxayaa xaaladdii loo yaqiin ‘dowlad fashilantay’ oo dagaallo sokeeyey hareeyeen, wuxuuna hiigsanayaa waa cusub oo nabad, degenaansho iyo dimuqraadiyad ku asteysan, kaas oo diyaar u ah in uu soo jiito maalgashi ballaaran”
Ra’iisul Wasaare Xamse ayaa sidaa ka sheegay furitaanka shirka
Ra’iisul Wasaaraha ayaa Bangiga Adduunka uga mahad celiyay taageerada hagar la’aaneed ee gaar ahaan geeddi-socodka dhammeysirka deyn cafinta oo sabab u ahaa fududeynta iyo taabbagelinta isbeddelka .

Mudane Xamse ayaa caddeeyay in lixda tiir ee mudnaanta u leh barnaamijka siyaasadeed ee xukuumadda Dan-Qaran uu mudnaan gaar ah siinayo Xoreynta deegaannada iyo qaab-dhismeedka amniga, caddaaladda iyo garsoor madax-bannaan, Soomaali heshiis ah, kobaca dhaqaalaha, horumarinta arrimaha bulshada, iyo helitaanka Soomaali dunida heshiis la ah.

 

Ukraine:mowjado gantaallo ah oo ruxay Odesa, Dnipro iyo Kyiv

Qaraxyo dhowr ah ayaa ruxay qaybo badan kamid ah Dalka Ikrine,gaar ahaan deegaanada dhaca  koonfurta ee Odesa, caasimadda Kyiv, iyo magaalada Dnipro.

Kooxaha Dab-damiska ah ayaa ka shaqeynaya inay damiyaan dab ka kacay xarumaha kaabayaasha tamarta, kadib markii ay ku dhaceen  gantaallada Ruushka.

, weerarka Ruushka ee dhinaca hawada ayaa weli ku socdo Ukraine,gaar ahaan Kyiv iyo magaalooyin kale oo muhiim ah.

Ciidanka Xoogga oo la wareegay deegaanka Cadcadeey

Ciidanka Xoogga dalka oo kaashanaya dadka deegaanka ayaa maanta kooxaha khawaarijta ah kala wareegay deeggaanka Cadcadeey oo hoostagga magaaladda Ruunir-good ee gobolka Shabeellaha dhaxe oo in muddo ah dadka shacab ah ku dhibaateeynayeen.

Gen. Axmed Maxamed Tareedisho oo ka mid ah saraakiisha hoggaaminayay howlgalka ayaa warbaahinta Qaranka u sheegay in ciidanka xoogga saakay ay gudaha u galeen deegaanka Cad-Cadeey iyada oo Khawaarijta Shabaabna ay isaga carareen.

Shacabka deegaanka ayaa si weyn u soo dhaweeyay ciidanka xoogga dalka iyo dadka isu abaabulay in ay iska dulqaadaan kooxaha Khawaarijta waxaana hadda ciidanka ay ku daba jiraan firxadka Khawaarijta.

wasaaradda Shaqada iyo Arrimaha bulshada oo Liisanka shaqada kala laabatay shirkadaha dibedda u dhoofiya shaqaalaha Soomaaliyeed

Wasaaradda Shaqada iyo Arrimaha Bulshada Xukuumadda Federaalka Soomaaliya ayaa bayaan ay soo saartay ku cadaysay in la madnuucay in dalka dibeddiisa loo dhoofiyo xoogsato Soomaaliyeed.
wasaaradda oo la wadaagtay Hay’adda ay quseyso ayaa go’aanka ay soo saartay waxay ku wargelinaysaa dhinacyada ay quseyso iyo Bulshada Soomaaliyeed laga billaabo markii ay taariikhdu ahayd 15/11/2022 in la joojiyey Shaqaale ama xoogsato Soomaaliyeed in la qori karo ama Dalka dibeddiisa loo dhoofin karo.
Sidoo kale , Dhammaaan ruqsadihii iyo shatiyadii hore Wasaaradda Shaqadu u bixisey ee Shirkadaha adeegga shaqosiinta dibeddu waa la baabi’iyey wax lagu dhoofinkaraana ma jiraan.

Wasiirka Arrimaha Dibadda Iyo iskaashiga Caalamiga XFS ayaa kulan la qaatay Wasiirka Dhaqaalaha Serbia.

Wasiirka Arrimaha Dibadda iyo Iskaashiga Caalamiga XFS Mudane Abshir Cumar Jaamac Huruuse oo Safar Shaqo ku joogo Dalka Serbia ayaa Kulan gaar ah la qaatay Wasiirka Dhaqaaalaha Jamhuuriyadda Serbia Mudane Rade Basta.
Kulanka ayaa diirada lagu saaray Xiriirka ka dhexeeya labada dal iyo Saaxiibtinimo sida Siyaasadda, Dhaqaalaha iyo is dhexgalka Ganacsiga.

Inta Kulanka uu socday Wasiirka Arrimaha Dibadda Serbia ayaa Dadka soomaaliyeed ku Ammaanay Fir-fircoonida Ganacsiga iyo shaqo abuurka Maadaama Soomaaliya ay tahay Dal leh dhul beereed iyo Xeeb dheer oo muhiim u ah kobaca dhaqaalaha Soomaaliya, waxaana Mudane Reda Basta uu ku taliyay In Soomaaliya ay u guurto Habka Casriga ee Canshuuraha lagu uruuriyo ee loo yaqaano (E-Government).

Wasiirka Arrimaha Dibadda XFS Mudane Abshir Cumar Huruuse ayaa sheegay in ay ka faa’iideysan doonaan khibrada dowladda Serbia ay u leedahay Dhaqaalo Abuurka, ayna labada dal iska kaashan doonaan Horumarinta Dhaqaalaha.
Labada dhinac ayaa isla gartay in la is dhaafsado khuburo dhaqaalaha ah oo labada dal ka socda kuwaas oo tagi doonna Magaalooyinka Muqdisho iyo Belgrade.

Madaxweyne Xasan Sheekh oo guddoomay dhambaal uga yimid Hoggaamiyaha dalka Suudan

Madaxweynaha Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya Mudane Xasan Sheekh Maxamuud  ayaa Madaxtooyada Qaranka kulan kula qaatay Sarreeye Guuto Ibraahim Jaabir Ibraahim oo ka tirsan Golaha Sare ee dalka aan walaalaha nahay ee Suudaan.

Madaxweynaha ayaa ka guddoomay Janaraal Ibraahim farriin iyo dhambaal ku saabsan xiriirka labada dal iyo kor u qaadidda iskaashiga heer gobol, taas oo uu ka siday Guddoomiyaha Golaha Sare ee dalka Suudaan Mudane Cabdulfataax Al-burhaan, iyadoo uu ku bogaadiyey dowladda iyo shacabka Soomaaliyeed tallaabooyinka wax ku-oolka ah ee ay u qaadeen nabadda, horumarka iyo wadajirka.

Sidoo kale, Dowladda Suudaan oo haatan ah Guddoonka Urur-Goboleedka Horumarinta Dalalka Bariga Afrika ee IGAD ayaa bogaadiyay howlgallada isku-dhafka ah ee ciidamada iyo shacabka Soomaaliyeed ay ku xoreynayaan deegaannada ay dadka ku dhibaateynayaan argagixisadu, iyagoo tilmaamay doorka wanaagsan ee ay ka soo qaateen dib u dhiska Ciidamada Xoogga dalka Soomaaliyeed.

Madaxweynaha Jamhuuriyadda ayaa uga mahadceliyey wafdigan booqashada qiimaha badan ee ay ku soo gaareen walaalahooda Soomaaliya, waxa uuna uga warbixiyey guulaha muuqda ee laga gaaray dagaalka ka dhanka ah argagixisada iyo sida ay u soo dhaweynayso dowladda Soomaaliyeed dalalka walaalaha iyo saaxiibbada ah ee ka gacan siinaya in Gobolka laga dulqaado argagixisada curyaamisay xasilloonida iyo horumarka.