Wasiirka Warfaafinta XFS oo isbitaalka ku booqday dadkii ku dhaawacmay qaraxyaddii Zoobe ee loo qaaday dalka Imaaraadka

Abu Dhabi- Wasiirka wasaaradda Warfaafinta, Dhaqanka iyo Dalxiiska ee Jamhuuriyadda Federaalka Soomaalia, Mudane Daa’uud Aweys Jaamac ayaa maanta booqday Isbitaalka Milateriga magaalada Abu Dhabi ee dalka Isutagga Imaaraadka Carabta,  halkaas oo lagu daweynayo qaar ka mid ah dhaawacyadii qaraxii Zoobe ee Muqdisho ka dhacay 29 bishii la soo dhaafey ee October.

Wasiirka oo ay wehliyeen ku simaha Danjiraha Soomaaliya u fadhiya dalka Isutagga Imaaraadka Carabta,  Mudane Axmed Daahir Maxamed iyo mas’uuliyiin kale ayaa warbixino ku saabsan xaaladda bukaannadaasi ka dhageystay dhakhaatiirta isbitaalka Abu Dhabi Military Hospital.

Dhakhaatiirta ayaa wasiirka u sheegay in dhaawacyada ay si wanaagsan daweyntu ugu socoto, isla markaana badankooda xaalkooda ka soo raynayo. Wasiirka Warfaafinta, Mudane Daa’uud Aweys Jaamac oo xubin ka ah Guddiga Golaha Wasiirada ee Gurmadka dadkii ku waxyeeloobay qaraxa Zoobe, ayaa dhaawacyada Ilaahay uga baryey inuu siiyo caafimaad buuxa, iyagoo bedqabana uu Ilaahay dib ugu celiyo dalkoodii hooyo.

Wasiirka ayaa sidoo kale waxaa uu uga mahadceliyay dhakhaatiirta, dowladda iyo shacabka dalka Isutagga Imaaraadka Carabta sida ay u garab istaageen walaalahooda Soomaaliyeed markii uu ku habsadey mashaqada ay geysteen Khawaarijta argagixisada ah.

 

    

Guddoomiye Cali Jeyte oo Aqalka Sare uga warbixiyay howlgallada ka socda Hiiraan

Guddoomiyaha Aqalka Sare Senator Cabdi Xaashi Cabdullaah oo ay wehliyaan guddoomiye ku xigeenka koowaad Mudane Cali Shacbaan Ibraahim iyo guddoomiye ku xigeenka labaad Muane Cabdullaahi Cali Xersi (Timacadde) ayaa manta Xarunta Aqalka Sare ku qaabilay Guddoomiyaha Gobolka Hiiraan Mudane Cali Jayte Cismaan.

Guddoomiye Cali Jayte ayaa Guddoonka Aqalka Sare uga warbixiyay halka ay marayaan howlgallada dalka looga xoreynayo argagixisada Al-shabaab ee ka socda dalka gaar ahaan Gobolka Hiiraan, wuxuuna guddoomiye Jayte guddoonka u sheegay in ay muhiim tahay in dagaalka la mideeyo oo saf balaaran laga dhigo si meel kali ah aan culayska dagaalka loo saarin, loogana guulaysto cadawga Ummadda Soomaaliyeed ee Al-shabaab.

Guddoomiye Cabdi Xaashi ayaa uga mahadceliyay Guddoomiyaha Gobolka Hiiraan Cali Jayte Cismaan, doorka muuqda ee uu ka qaatay dagaalka dalka looga xoreynayo Khawaarijta Al-shabaab oo uu ku hoggaamiyay shacabka dhiifoon ee Gobolka Hiiraan oo gacan ka helaya Ciidamada Xoogga Dalka Soomaaliyeed.

Abaabulka howlgallo ka dhan ah Khawaarijta oo ka billaawday deegaanka Miirtaqwo ee gobolka Shabeellaha Dhexe

Dadka deegaanka Miirtaqwo ee gobolka Shabeelaha Dhaxe ayaa go’aansaday inay iska xoreeyaan Khawaarijta.

Dadkan is abaabulay ayaa waxaa la kulmay saraakiisha ciidanka xoogga dalka iyo waxgaradka deegaanka waxay kula dardaarmeen in la dar-dargaliyo howlgalada deegaanadda Shabeelaha Dhaxe looga xorreynayo Khawaarijta.

Deegaannada la rabo in ciidankan ay ka xoreeyaan Khawaarijta ayaa kala ah Alkowthar, Aadan yabaal, Ceel dheere, Ceel baraf, Caadleey, Cali Fool dheere, Ciid-ciidka, Calaag mahaday, Maguurto iyo Qurac Madoobe.

Wasiirka Kalluumeysiga iyo Kheyraadka Badda XFS oo heshiis kalluumeysi la saxiixatay Shirkad Shiines ah

Wasiirka Wasaaradda Kalluumeysiga iyo Kheyraadka Badda xukuumadda Federaalka Soomaaliya Mudane Ahmed Hassan Aden oo ka duuleya dhiirgalinta maalgashiga shisheeye ee dalka ayaa waxa uu heshiis is afgarad ah la saxiixday madaxa shirkadda China Beijing Chaoliang Holiding Mr. JZhuang Liang kaas oo ay shirkaddu ku maal galinayso kalluumeysiga dalka.

Heshiiskan oo ah isfaham laba dhinac leh islamarkaana waqtigiisu yahay muddo hal sano ah ayaa dhigaya in shirkadda Beijing Chaoliang Holiding (Group) hirgaliso xarumo lagu hagaajiyo kalluunka dalka, inay maalgalin xoogan ku sameyso wax soosaarka kalluunka Tuunaha kaasoo ah kalluun xilliyeed guur guura ayna wadaagaan dhammaan wadamada ku teedsan biyaha badweynta hindiya iyo in Maraakiibta shirkadda la siiyo ruqsado kalluumeysi iyadaoo loo marayo habraacyada sharci ee kalluumeysiga dalka.

Munaasabadda saxiixa Xaflada heshiiska oo ay goob joogayaal caalimi ah, khuburo kalluumeysi iyo wakiilada shirkadda China Beijing Chaoliang Holiding(group) co.ltd ka soo qeybgaleen ayaa Wasiirka Wasaaradda Kaluumaysigu faah faahin ka bixiyey muhiimada uu dalkeena u leeyahay iskaashiga noocan oo kale ah isagoo sheegay in kobcinta dhaqaalaha iyo ka faa’iideysiga kheyraadka badaha dalkeenu uu ka mid yahay tiirarka ugu horreeya ee qorshaha xukuumadda Dan Qaran iyo Madaxweyne Xassan Sheikh Maxamuud.

Wasiirka ayaa ku baaqay in si wadajir ah loola dagaalamo kalluumeysiga sharci darrada ah isagoo dhambaal diginin ah u diray dalalka ay maraakiibtoodu sifada aan sharciga ahayn ku soo galaan biyaha dalkeena gaar ahaan maraakiib jiriif ah oo waxyeelo wayn u geysta degaan badeedka iyo xeebaha dalkeena.

Gudoomiyaha Golaha Shacabka BJFS “Waxaa lagama maarmaan ah in dib-u-eegista dastuurka mudnaanta koowaad aan siino”

Gudoomiyaha Golaha Shacabka Soomaaliya Sheikha Aadan Mohamed Nuur Madoobe ayaa Sheegay Inay Muhiim tahay in ahmiyad gaar ah ay siiyaan Hay’adaha ay qusayso dib u eegista Dastuurka Dalka iyo sidii loo dhamaystiri lahaa.
“Waxaa lagama maarmaan ah in dib-u-eegista dastuurka mudnaanta koowaad aan siino. Xubnaha Guddiga Dastuurka BJFS waxaa laga codsanayaa in si degdeg ah ay u doortaan guddoonkooda, maadaama Golaha Shacabka iyo Aqalka Sare ay min 5 tii xubnood doorteen kalfadhigii 1aad” ayuu yiri Gudoomiyuhu.

Sidoo kale Gudoomiye Sheekh Aadan ayaa Xukuumadda faray inay Soo dhamaystiraan xubnaha kadhiman Guddiga Madaxbannaan ee dib-u-eegista iyo hirgelinta Dastuurka

“Xukuumadda dhankeeda waxaa la farayaa in si degdeg ah ay u soo dhameystirto xubnaha ka dhiman Guddiga Madaxbannaan ee Dib-u-eegista iyo hirgelinta Dastuurka, si shaqada dib-u-eegista dastuurka ay u bilaabato.” ayuu hadalkiisa kusoo xiray.

Agaasimaha Guud ee Wasaaradda Warfaafinta Sooamaaliya iyo wafdi uu hoggaaminaayay oo booqday Qunsuliyadda Guud iyo Ergada Jogtada ee magaalada Jiddah.

Agaasimaha Guud ee Wasaaradda Warfaafinta, Dhaqanka iyo Dalxiiska Cabdullaahi Xayir Ducaale iyo wafdigii uu hogaaminaayay ayaa booqashooyin ku tegay Qunsuliyadda Guud iyo Ergada Jogtada ee magaalada Jiddah.
Wafdiga agaasimaha oo qeyb ka ahaa Agaasimaha Radio Muqdisho Maxamed Kaafi sheekh Abukar ayaa waxa halaasi si weyn ugu soo dhaweeyay Qunsulka Guud ee Soomaliya u fadhiya magaalada Jiddah Mudane Axmed Maxamuud Diiriye, wasiir ku-xigeenka Yuusuf Xasan salaam (Cadaan) iyo howlwadeenada Qunsuliyadda Magaalada jiddah.
Agaasimaha Guud ee Wasaaradda Warfaafinta Dhaqanka Dalxiiska Soomaaliya Cabdullaahi Xayir Ducaale ayaa soo dhaweynta kadib kulana la qaatay madaxda Qunsuliyadda kuwaa oo warbixinno ka siiayay howlaha shaqo ee safaaradda u heyso Shacbka Soomaaliyeed iyo Hormarada ay safaaradu gaartay
Qunsulka Guud ee safaaradda Soomaliya ee magaalada jiddah Axmed Maxamuud Diiriye (Macruuf) ayaa agaasimaha iyo wafdigiisa uga mahadceliyay booqashada ay xarunta Qunsuliyadda Guud ee Dalka Sacuudi Caribiya ku yimaadeen, isagoona sheegay in ay sii dar-dargalin doonaa howasha Qaran Shacabka Soomaaliyeed u hayaan.
Agaasimaha Agaasimaha Guud ee Wasaaradda Warfaafinta Dhaqanka Dalxiiska Soomaaliya Cabdullaahi Xayir Ducaale ayaa dhankiisa xubnaha safaaradda ku bogaadiyay howasha baaxada weyn ee bulshada Soomaaliyeed u hayaan.

Wasiirka arrimaha gudaha XFS oo daahfuray Kulan sanadeedka Guddiga qaran ee haggida diiwaangelinta madaniga iyo dhacdooyinka muhiimka ah.

Wasiirka arrimaha gudaha federaalka iyo dib u heshiisiinta mudane Axmed Macallim Fiqi ayaa goordhow daahfuray Kulan sanadeedka Guddiga qaran ee haggida diiwaangelinta madaniga iyo dhacdooyinka muhiimka ah.

Kulankaan oo ay ka qayb galayaan dhammaan xubnaha Guddiga qaran ee haggida diiwaangelinta madaniga oo gudoomiye u yahay Wasiirka Arrimaha gudaha,federaalka iyo dib u heshisiinta, Wasiirka Dastuurka iyo Cadaaladda, gudoomiyaha Gobolka Banaadir,Wasiir ku xigeenka caafimaadka, Agaasimaha Hay’adaha diiwangalinta dadwaynaha Soomaaliyeed, Agaasimaha laanta socdaalka iyo jinsiyadaha, Wasiirada arrimaha gudaha dowlad Goboleedyada iyo xubno ka socda Saaxiibada Soomaaliya.

Madaxweynaha koonfur galbeed oo sheegay in kacdoon ka dhan ah khawaarijta uu ka bilaabanayo Sh/Hoose

Madaxweynaha dowlad Goboleedka Koonfur Galbeed Cabdi Casiis Xasan Maxamed(laftagareen) oo ku sugan degmada Baraawe ee Gobolka Shabeellada Hoose ayaa sheegay in kacdoon Shacab oo ka dhan ah khawaarijta Al-Shabaab uu ka bilaabanayo Gobolka Shabeellaha Hoose.

Madaxweynaha waxa uu sheegay in dhammaan gobolada dalka looga wada istaagay dagaalka Khawaarijta, iyagana dhankooda ay bilaabayaan kacdoonkaas, wuxuuna ugu baaqay dhammaan dadka ku nool degaannada Koonfur Galbeed inay qeyb ka noqdaan dagaalka laysaga dul qaaday kooxda Nabaddiidka Al-Shabaab

Madaxweyne laftagareen ayaa ugu dambeyn sheegay in gobolada Baay & Bakool ay ka socdaan kacdoonka khawaarijta Al-Shabaab looga saarayo degaanada ay kaga suganyihiin hadana ay ka bilaabanayaan Gobolka Shabeellaha Hoose.

Hadalka Madaxweynaha dowlad Goboleedka Koonfur Galbeed Cabdi Casiis Xasan Maxamed (laftagareen) waxa uu ku soo aadaya xilli kacdoonka ka dhanka khawaarijta ay ka soconayaandegaanno katirsan gobolada Hiiraan & Shabeellaha Dhexe, isla markaana degaano dhowr ah lagala wareegay Argagixisada.

Dilka gabar Soomaaliyeed oo caro ka abuuray Canada

Billowgii bishan ayaan la xaqiijiyay in gabar kamid ah dadka Soomaaliyeed ee dalkaasi Canada ku nool oo lagu magacaabayay Hodan Xaashi, si ula kac ah loogu dilay mid kamid ah magaalooyinka dalkaas.

Soomaalida dalka Canada ayaa dalbanaya inay caddaalad hesho gabadhan Soomaaliyeed oo lagu dilay goob lagu caweeyo oo ku taallo magaalada Saskatoon ee dalkaasi Canada.

Qof ay Gacanta ku soo dhigeen Ciidamada ammaanka oo lagu eedeeyay dilka gabadhan ayaa dammaanad lagu sii daayay, taasoo ka careysiisay bulshada Soomaaliyeed ee halkaasi degan, kuwaasi oo hadda qorsheynaya dibad baxyo ay caddaalad ku dalbanayaan.

Allaha u naxariistee Hodan Xaashi, ayaa aheed gabar dhalin yara ah oo ku dhalatay magaalada Ottawa ee Caasimadda dalkaasi Canada.

Gargaarkii ugu horeeyay oo la gaarsiiyay gobolka Tigre tan iyo markii lagu heshiiyay xabad joojinta

Hay’adda Laanqeyrta Cas ee Caalamiga ah (ICRC) ayaa ku dhawaaqday in kolonyadii ugu horreysay ee sida gargaar caafimaad ay gaartay shalay gobolka Tigre, ee waqooyiga Itoobiya, kaddib heshiiskii nabadeed ee horaantii bishii November ay kala saxiixdeen dowladda Itoobiya iyo Jabhadda Xoreynta Tigre ee TPLF.

Afhayeen u hadlay Guddiyada gurmadka ee ku sugan dalka Itoobiya ayaa xaqiijiyay in kolonyadii ugu horreysay ee sidda sahay caafimaad oo ka timid Laanqeyrta Cas ay gaartay magaalada Mekelle ee xarunta gobolka Tigre.

Midowga Afrika, ayaa horaantii bishan ku dhawaaqay in dhinacyada isku haya Itoobiya ay ku heshiiyeen in la joojiyo colaadahii labada sano jirsaday ee ka socday waqooyiga Itoobiya.

Heshiiskii lagu soo gaba gabeeyay dalka Koonfur Afrika, 2-dii bishan November ayaa dhigayay in hub ka dhigis lagu sameeyo Jabhadda Tigrayga, iyo in dib loo bilaabo gargaarkii la gaarsiin lahaa gobolka, kaasi oo ay ka jirto tan iyo markii uu dagaalku qarxay xaalad bini’aadantinimo oo aad u daran.