Golaha wasiiradda oo meel mariyay ku talagalka miisaaniyadda dowladda ee sanadka 2023-ka

Golaha Wasiirada Xukumadda Federaalka Soomaaliya ayaa caawa kulan ay ku yeesheen Muqdisho oo uu guddoomiyay Ra’iisul Wasaare Xamse Cabdi Barre waxa ay ku meel mariyeen ku-talagalka Miisaaniyadda Dowladda ee 2023 oo ka kooban Dakhli gudaha ah iyo Deeq taas oo gaareysa $967.7 Milyan oo Dollar.

Miisaaniyadda 2023 ayaa xoogga lagu saarayaa sare u qaadidda dakhliga gudaha oo hadda la rajeynayo inuu ka sare maro sanadihii la soo dhaafay, iyadoo la rajeynayo inuu gaaro $283.3 Milyan oo Dollar halka sanadka dhamaadka ah uu ahaa $247 milyan oo Doolar.

Wasiirka Maaliyadda XFS, Mudane Dr. Cilmi Maxamuud Nuur ayaa golaha uga mahad celiyay meel marinta ku-talagalka miisaaniyadda.

Dhanka kale, golaha ayaa ansixiyay heshiisyada difaaca ee u dhaxeeya dowladaha Soomaaliya iyo Uganda iyo Soomaaliya iyo Suudaan ee ku saabsan is-kaashiga gaashaan-dhigga oo ay golaha hor-keentay wasaaradda gaashaan-dhigga, si waafaqsan dastuurka iyo sharuucda dalka.

 

               

Wasiirka Warfaafinta oo ka qeyb galay shirweynaha saxaafadda caalamka

Abu Dhabi-Wasiirka Warfaafinta, Dhaqanka iyo Dalxiiska ee Jamhuriyadda Federaalka Soomaalia, Mudane Daa’ud Aweys Jaamac ayaa manta magaalada Abu Dhabi ee dalka Isutagga Imaaraadka Carabta kaga qeybgaley furitaanka Shirweynaha Saxaafadda Caalamka (Global Media Congress). Shirkan waxaa si rasmi ah u furay Ra’iisul wasaare ku xigeenka Isutagga Imaaraadka Carabta, Sheekh Mansour bin Zayed Al Nahyan. Shirkan ayaa waxaa ka qeybgalayaa wasiirro, danjireyaal, madaxda sare saxaafadda caalamka, shirkadaha warbaahinta, hal abuureyaasha saxaafadda iyo arrimaha bulshada.

Shirkan ayaa ajendaha ugu weyn ee looga doodayaa uu yahay sidoo loo dardargelin lahaa jiheynta isbeddelka ku dhacaya saxaafadda iyo qalabka warbaahinta, marka loo eego horumarka dhanka tiknoloojiyadda iyo xawliga saameynta baraha bulshada. Dib u qaabeynta mustaqbalka warbaahinta, awoodda muuqata ee wacyigelinta iyo  dhaqaajinta isbeddelada ee warbaahinta, fursadaha maalgashi ee warbaahinta casriga, dhiirigelinta iyo taageerada hal abuurka ee dhalinyarada ku soo biiraya warbaahinta, in warbaahinta dowladda ay noqoto mid si daah furan uga waranta waxqabadka dowladaha iyo qodobo kale ayaa ka mid ah waxyaabaha lagu falanqeyn doono shirkan.

Wasiirka Warfaafinta, Dhaqanka iyo Dalxiiska Mudane Daa-ud Aweys ayaa waxaa uu shirkan ku tilmaamey mid la jaanqaadaya isbeddelada muuqda ee ku dhacaya warbaahinta iyo saxaafadda inteeda kaleba, loona baahan yahay in la iska kaashado sidii isbedeladaasi loogu lifaaqi lahaa marxaladaha haatan jira ee muuqda.

Wasiirka ayaa sidoo kale kulamo la yeeshay qaar ka mid ah wufuuddii ka soo qeybgashey shirka. Mas’uuliyiinta uu Wasiirku la kulmya waxaa ka mid ah Madaxweyne Ku Xigeenka Jamhuriyadda Seychelles Mudane Ahmed Afif, Wasiirka Warfaafinta Bahrain, Dr. Ramzan bin Abdullah Al-Naeimi, Agaasimaha Guud ee Wakaaladda Wararka Imaaraadka, Mohammed Jalal Al Raisi iyo wakiilo ka socday Sacuudiga, Kuwait, Oman, Comoros iyo India.

Wasiirka waxaa shirka ku wehliya, Agaasimaha waaxda Shaqada iyo tababaradda ee wasaaradda iyo Madaxa Afafka Qalaad ee Wakaaladda Wararka Qaranka ee SONNA.

         

Madaxweynaha koonfur-galbeedka Koonfur-galbeed oo gaaray Baraawe

Madaxweynaha Dowladda Koonfur Galbeed Mudane Cabdicasiis Xasan Maxamed Laftagareen iyo Wafdi uu hogaaminayo ayaa soo gaaray Caasimada Dowladda Koonfur Galbeed ee Baraawe.

Socdaalka Madaxweynaha ee Magaalada Baraawe ayaa ah Xaragjarka Mashaariic dhowr ah oo laga Fuliyey Caasimada, Dhagax-dhiga kuwo horleh iyo Dhiiragelinta Dadka Deeganka iyo Qeybaha kala duwan Ciidamada ee Udiyaar garoobey la dagaalanka Khawaarijta Alshabaab.

Garoonka Diyaaradaha Magaalada Baraawe wafdiga Madaxweynaha waxaa kuso dhoweyey Gudoomiyaha Gobolka Shabeelaha hoose,Duqa Caasimada Baraawe,Saraakisha Laamaha Amniga iyo qeybaha Kala duwan Bulshada.

Agaasimaha guud ee wasaaradda qorshaynta Galmudug oo furay shirka dib u eegista mashaariicda UNICEF

Agasimaha Guud ee Wasaradda Qorshaynta Galmudug Cabdullaahi Cumar Aadan ayaa maanta furay Shirka Sanadlaha ee Dib U eegista Mashariicda UNICEF ee Ka socda Dowlad Gobaleedka Galmudug.

Shirka oo Ka dhacay Magalada Dhusamareeb waxaa qayb Ka ah wasaraddaha: Cafimaadka, Waxbarashada, Biyaha, Haweenka, Gargaarka Arimaha Gudaha iyo masuuliyiinta Hay’adda UNICEF oo shirkan uga qayb galaya habka fogaan araga.

Wasaraddaha shirkan ka qayb galaya ayaa soo Bandhigey waxii Ka qabsoomay qorshahooda Sanadlaha, waxii aan qabsoomin iy Caqabadaha Jiray.

Shirkan Sanadlaha ah oo soconaya Socon doona mudo labo maalmood ah ayaa waxaa ugu horeyn ka Hadley Cabdinaasir Cabdulaahi Jaamac Agaasimaha guud ee wasaaradda tamarta iyo biyaha iyo Agaasimaha guud ee wasaaradda caafimaadka Galmudug Dr. Cabdiwali Maxamed Axmed

Agasimaha Guud ee Wasaradda Qorsheynta Cabdullaahi Cumar Aaden oo sidoo kale si qoto dheer uu faah faahiyey mashaariicda UNICEF ee Galmudug oo Wasaaradda qorsheyntu wax badan ka ogtahay faa’iidooyinka ay bulshada u leeyihiin.

Wasiir ku xigeenka Warfaafinta XFS ahna ku simaha Wasiirka oo soo xiray tababar tabinta xaaladaha bini’aadannimada iyo wararka deg degga ah.

Tababarka tabinta xaaladaha bini’aadannimada iyo wararka degdegga ah oo ka qeyb galeen 30 suxufiyiin oo kala socday Warbaahinta waxaa uu seddex maalin ee la soo dhaafay ka socday magaalada Muqdisho.

Waxaa tababarka soo qaban qaabisay wasaaradda Warfaafinta, Dhaqanka iyo Dalxiiska Soomaaliya oo kaashanaysa xafiiska Qaramada Midoobay ee Soomaaliya si loo xoojiyo kaalinta Warbaahinta ee tabinta Bani aadamnimada iyo kor u qaaditsa wacyiga wariyaha ee kawaramidda wararka deg degga ah.

Tababarka waxaa bixiyay qubaro saxaafeed ku xeel dheer tabinta xasaradaha iyo xaaladaha bini’aadannimada.

Afhayeenka Booliiska Soomaaliya Gaashaanle Sadiiq Doodishe oo ka mid ah mas’uuliyiinta lagu casuumay tababarka si ugala hadlo kaalinta Booliiska ee xaaladaha deg degga ah iyo muhiimadda ay dowladda siiso xog siinta iyo xaqiijinta badqabka weriyaayaasha ayaa suxufiyiintii ka qeyb galay waxaa ay la wadaageen wixii ka qabeen.

Wariyayaasha ka qeyb galay tababarka ayaa uga mahad celiyay wasaaradda aqoon iswaydaarsigaan iyaga oo soo jeediyay in la kordhiyo tababarada nuucaan ah.

Ku simaha Agaasimaha Guud ee Wasaaradda warfaafinta, dhaqanka iyo dalxiiska XFS Cabdinaasir Xuseen ayaa sheegay in tababarka uu ku soo aaday xilli loo baahnaa ayna badin doonaan tababarada niucaan ah.

Wasiirka ku xigeenka wasaaradda warfaafinta, Dhaqanka iyo Dalxiiska XFS ahna ku simaha wasiirka Mudane Cabdiraxmaan Yuusuf Alcadaala oo soo xiray tababarka ayaa bogaadiyay suxufiyiinta ka qeyb galay aqoon iswaydaarsigaan waxaa uu kula dardaarmay dhaqan galinta casharadii tababarka iyo kor u qaadista doorkooda tabinta xaaladaha bini’aadannimada, xaqiijinta wararka ay tabiyaan marka lagu jiro xaaladaha deg degga ah iyo ka taxadarka amnigooda.

Ugu dambeyn ku simaha Wasiirka ahna Wasiir ku xigeenka wasaaradda iyo mas’uuliyiinta la joogay ayaa shahaadooyin cadeynaya aqoon iswaydaarsiga waxaa ay guddoon siiyeen weriyayaashii tababarka ka qeyb galay.

GUDDOOMIYE SHEEKH AADAN OO SHIR GUDDOOMIYAY KULLANKA GUDDIGA JOOGTADA EE GOLAHA SHACABKA BJFS

Guddoomiyaha Golaha Shacabka Baarlamaanka Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya Mudane Sheekh Aadan Maxamed Nuur (Madoobe) oo ay weheliso Guddoomiye Ku-xigeenka Koowaad ee Golaha Shacabka Marwo Sacdiyo Yaasiin Xaaji Samatar ayaa maanta shir guddoomiyay kulanka Guddiga Joogtada ah ee Golaha Shacabka.

Kulanka Guddiga Joogtada Golaha Shacabka BJFS ayaa lagu falanqeeyay go’aaminta goobta lagu qabanayo furitaanka Kalfadhiga 2aad ee Baarlamaanka JFS oo ku beegan 15-ka bishan oo maalinta berri ah ku aaddan iyo anisixinta soo jeedinta Guddiga Joogtada ee buuxinta kuraasta ka bannaanaata Golaha Shacabka Baarlamaanka Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya.

 

Dowladda Maraykanka oo 10 milyan oo Dollar dul dhigtay horjoogeyaasha sare ee kooxda khawaarijta

Nairobi- Dowladda maraykanka ayaa lacag 10 milion oo doolar dul dhigtay xubno ka tirsan kooxda khawaarijta argagixisada ah ee Al-shabab.

Lacagtan ayaa abaal marin loo siin doonaa cidii xog ka keenta horjoogeyaasha guud ee kooxda Khawaarijta kuwaas oo ay ugu horeeyaan Mahad karataay,jihaad mustafa iyo Axmed diiriye.

Shir jaraaid oo ay ku qabteen safarada maraykanka ee dalka kenya safiirka dowlada mararkanka u fadhiya dalka soomaliya lary adnre iyo sido kale safiir kuxigeenka safarada maraykanka ee dalka kenya marcy dilard ayey ku shaaciyeen in dowlada marakanka ay dul dhigtay abaalmarin 10, milion oo doolar cidii soo sheegta xogta mahad karatay , jihaad mustafa iyo Axmed diiriye,abaal marinta ayaa sidoo kale la siin doonaa Cidii xog ka keenta illaha dhaqaalaha ay ka hesho kooxda khawaarijtu,tan ayaa ka dhigan in markii u horaysay lacag la dul dhigo illaha dhaqaalaha ee Argagixisadda.

Dhanka kale safiir ku-xigeenka Safaaradda Maraykanka ee Kenya ayaa sheegay in Dowladda Maraykanka ka caawinayso Dowladda soomaliya ciribtirka kooxa Khawaarijta.

GUDDOOMIYAHA GOLAHA SHACABKA OO KA TACSIYEEYAY GEERIDA AUN. MARXUUM CABDULLAHI SANWEYNE

Guddoomiyaha Golaha Shacabka Baarlamaanka Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya Mudane Sheekh Aadan Maxamed Nuur (Madoobe) ayaa tacsi tiiraanyo leh u diray qoyska, ehelada iyo dhammaan Ummadda Soomaaliyeed ee uu ka baxay Alle ha u naxariistee Marxuum Macalin Cabdullaahi Sanweyne oo saakay isagoo Salaada Subax Madaajidka ka soo baxay gacan ka xaqdaran ku dishay magaalada Muqdisho.

“Waxaan tacsi tiiraanyo leh u dirayaa dhammaan qoyska, ehelada iyo Ummadda Soomaaliyeed geerida ku timid Alle ha u naxariistee Marxuum Macalin Cabdullaahi Sanweyne oo saakay gacan ka xaqdaran Ku dishay isagoo salaada subax kasoo baxay misaajid Ku yaala magaalada Muqdisho.”

Guddoomiyaha Golaha Shacabka BJFS, ayaa Marxuumka oo ahaa Ganacsade iyo Oday dhaqameed waqti badan qeyb ka ahaa dib u heshiisiinta Bulshada Soomaaliyeed ayuu Alle uga baryay inuu janadiisa Firdooso ka waraabiyo, qoyskiisana samir iyo iimaanna Alle ka siiyo.

 

Wasiirka Arrimaha Gudaha XFS oo khudbad dheer ka jeediyay Kulanka Wejiga 4-aad ee Mashruuca JPLG.

Wasiirka arrimaha gudaha federaalka iyo dib u heshiisiinta mudane Axmed Macallim Fiqi oo ka hadlay kulanka wejiga 4-aad ee mashruuca JPLG ayaa sheegay arrimo badan oo ay tahay in laga helo wejiga 4-aad ee JPLG.

Ugu horreyn, wasiir Axmed Fiqi ayaa uga mahadceliyey dowladda federaalka, dowlad goboleedyada iyo beesha caalamka shaqada lasoo qabtay isaga oo intaa raaciyey in mashruucan uga duwan yahay kuwa kale inuu yahay Mashruuc ka wada shaqeeya dhammaan Soomaaliya haba ku xoogganaadee Puntland iyo Somaliland.

Wasiirka arrimaha gudaha waxaa uu ka hadlay oo kale meelaha uu ku fiicnaa iyo caqabadaha heystay isagoo sheegay in lagu ammaani karo arrimaha kobcinta iyo awood dowladaha hoose, maamul daadejinta iyo adeeg bixinta, waxaa uu soojeediyey in caqabadahana ay isla xaliyaan dowladda iyo deeqbixiyeyaasha.

Wasiirka waxaa uu rajo fiican ka muujiyey in Dowlad Goboleedyada kale iyo Gobolka Banaadir na uu Mashruucani uu xoogga saaro in looga faa’iideeyo iyadoo caqabaduhu ka yaraanayaan kuwii hore maadaama la hayo casharradii Mashruucan laga soo bartay Maamullada Puntland iyo Somaliland .

Wasiirka arrimaha gudaha, federaalka iyo dib u heshiisiinta waxaa soo qaatay qodobbada ay ka doonayaan ka dowlad ahaan in wejiga cusub ee 4-aad laga helo:

1. Inaan qaabaynta (Programme design-ka) wax badan ku kordhino, waxaa soo aan u aragno in dan Dalka iyo dadkaba ugu jirta.

2. Wejigaan 4-aad ee Mashruuca JPLG sida kulankii Dowladda ee 12/11/2022 kasoo baxday waxaan rabnaa in Dowladdu ay maalgelintiisa qayb ka noqoto oo Dowladdu dhaqaale horumarineed degmooyinka u qoondayso, keliya aan lagu tiirsanaan hay’adaha iyo donors-ka.

3. Inaan cashar ka baranno caqabadihii wejiga 3-aad gaar ahaan dib-u-dhacyada ku yimaada fulinta shaqooyinka sannadlaha ah.

4. Maadaama Degmooyin badan ay dhismeen gaar ahaan GalMudug iyo Koonfur Galbeed Kuwa badanna ay hadda dhismaayaan oo qorshaysan yihiin waxaan rabnaa in wejiga 4-aad aan ka ballaarino qoondada Dowlad Goboleedyada Qoondooyinkii hore ee wejiga 3-aad ku jirtay si loo badiyo degmooyinka ka faa’iidaaya Mashruucaan.

5. Waxaan rabnaa in wejiga 4-aad Mashruuca lagu soo kordhiyo arrima muhiim aan u aragno sida:
6. Arrimaha Demuqraadiyaynta Degmooyinka (in loo diyaariyo in degmooyinku gaaraan in shicibku iyagu doortaan cidda dooranaysa).

7. Isbedelka cimilada (climate change), waxaan rabnaa ka jawaabidda isbedelka cimilada dowladaha hoose door muuqda ku yeeshaa.

Ugu dambeyntii, wasiirka arrimaha gudaha, federaalka iyo dib u heshiisiinta mudane Axmed Macallim Fiqi waxaa uu sheegay in dowladdiisa ay fududeyneyso wax kasta oo dhanka heer federaal ku xiran, isaga oo rajeeyey in wejiga 4-aad uu noqon doono mid wax badan ka bedela hab-Nololeedka dadka Soomaaliyeed iyo hannaanka Dowladnimo, oo degmooyinka qaarkood lagu soo doorto bannaanka qof iyo cod.