Wasiirka Arrimaha Gudaha XFS oo khudbad dheer ka jeediyay Kulanka Wejiga 4-aad ee Mashruuca JPLG.

Wasiirka arrimaha gudaha federaalka iyo dib u heshiisiinta mudane Axmed Macallim Fiqi oo ka hadlay kulanka wejiga 4-aad ee mashruuca JPLG ayaa sheegay arrimo badan oo ay tahay in laga helo wejiga 4-aad ee JPLG.

Ugu horreyn, wasiir Axmed Fiqi ayaa uga mahadceliyey dowladda federaalka, dowlad goboleedyada iyo beesha caalamka shaqada lasoo qabtay isaga oo intaa raaciyey in mashruucan uga duwan yahay kuwa kale inuu yahay Mashruuc ka wada shaqeeya dhammaan Soomaaliya haba ku xoogganaadee Puntland iyo Somaliland.

Wasiirka arrimaha gudaha waxaa uu ka hadlay oo kale meelaha uu ku fiicnaa iyo caqabadaha heystay isagoo sheegay in lagu ammaani karo arrimaha kobcinta iyo awood dowladaha hoose, maamul daadejinta iyo adeeg bixinta, waxaa uu soojeediyey in caqabadahana ay isla xaliyaan dowladda iyo deeqbixiyeyaasha.

Wasiirka waxaa uu rajo fiican ka muujiyey in Dowlad Goboleedyada kale iyo Gobolka Banaadir na uu Mashruucani uu xoogga saaro in looga faa’iideeyo iyadoo caqabaduhu ka yaraanayaan kuwii hore maadaama la hayo casharradii Mashruucan laga soo bartay Maamullada Puntland iyo Somaliland .

Wasiirka arrimaha gudaha, federaalka iyo dib u heshiisiinta waxaa soo qaatay qodobbada ay ka doonayaan ka dowlad ahaan in wejiga cusub ee 4-aad laga helo:

1. Inaan qaabaynta (Programme design-ka) wax badan ku kordhino, waxaa soo aan u aragno in dan Dalka iyo dadkaba ugu jirta.

2. Wejigaan 4-aad ee Mashruuca JPLG sida kulankii Dowladda ee 12/11/2022 kasoo baxday waxaan rabnaa in Dowladdu ay maalgelintiisa qayb ka noqoto oo Dowladdu dhaqaale horumarineed degmooyinka u qoondayso, keliya aan lagu tiirsanaan hay’adaha iyo donors-ka.

3. Inaan cashar ka baranno caqabadihii wejiga 3-aad gaar ahaan dib-u-dhacyada ku yimaada fulinta shaqooyinka sannadlaha ah.

4. Maadaama Degmooyin badan ay dhismeen gaar ahaan GalMudug iyo Koonfur Galbeed Kuwa badanna ay hadda dhismaayaan oo qorshaysan yihiin waxaan rabnaa in wejiga 4-aad aan ka ballaarino qoondada Dowlad Goboleedyada Qoondooyinkii hore ee wejiga 3-aad ku jirtay si loo badiyo degmooyinka ka faa’iidaaya Mashruucaan.

5. Waxaan rabnaa in wejiga 4-aad Mashruuca lagu soo kordhiyo arrima muhiim aan u aragno sida:
6. Arrimaha Demuqraadiyaynta Degmooyinka (in loo diyaariyo in degmooyinku gaaraan in shicibku iyagu doortaan cidda dooranaysa).

7. Isbedelka cimilada (climate change), waxaan rabnaa ka jawaabidda isbedelka cimilada dowladaha hoose door muuqda ku yeeshaa.

Ugu dambeyntii, wasiirka arrimaha gudaha, federaalka iyo dib u heshiisiinta mudane Axmed Macallim Fiqi waxaa uu sheegay in dowladdiisa ay fududeyneyso wax kasta oo dhanka heer federaal ku xiran, isaga oo rajeeyey in wejiga 4-aad uu noqon doono mid wax badan ka bedela hab-Nololeedka dadka Soomaaliyeed iyo hannaanka Dowladnimo, oo degmooyinka qaarkood lagu soo doorto bannaanka qof iyo cod.

Fursadaha Cusub ee Gundhigga u ah Jidka Casriyeynta Shiinaha “ka hor taga Xasilooni darrida iyo Hubanti la’aanta”

W/Q: Ambassador Fei Shengchao, Safiirka Shiinaha ee Soomaaliya

Dunida waxaa ay sii noqoneysaa mid dhib iyo qalalaasiyo hareeyeen, faafidda cudurka qarnigiiba mar dhaca, qalalaasaha Ukrain oo kasii daraya, oo lagu daray khataraha amni ee aan horay loo arag sida argigixisada, isbeddelka cimillada, dhibaatooyinka tamarta iyo cunto yarida aadka looga cabsi qabo. Waxaa ay ka dhigayaan nabadda iyo horumarkuba himmilo iyo hiigsi ay wadaagaan dhammaan ummadaha caalamka.

Iyada oo taasi laga duulayo, muddadii u dhaxeysay Oktoobar 16 ilaa 22, waxaa si guul ah loogu qabtay Beijing shirweynihii 20-aad ee xisbiga Shuuciga Shiinaha (CPC). Ergooyinku waxaa ay Shirweynaha ku doorteen golaha dhexe ee cusub ee xisbiga. Madaxweyne Xi Jinping ayaa mar kale loo doortay xogheyaha guud ee golaha dhexe iyada oo loo eegay isbaddalada iyo guulaha waaweyn ee uu Shiinuhu gaarsiiyey tobankii sano ee la soo dhaafay ee uu dalka hoggaaminayay.

Tobankii sano ee la soo dhaafay, wax soosaarka gudaha ee Shiinaha korrimihiisa waxaa uu gaaray halkii uu ahaa US$7 trillion ilaa US$16 trillion, taas oo Shiinaha ka dhigtay dhaqaalaha labaad ee ugu wayn caalamka. Dakhliga qofka uga soo aada wax soosaarka gudaha ee dalkaasi waa uu labanlaabmay in ka badan US$11,000, iyada oo ku dhowaad 100 milyan oo dadka sabool reer miyiga ahaa laga saaray faqriga. Shiinuhu waxaa uu meesha ka saaray gebi ahaanba saboolnimada buuxda, waana guul taariikhi ah oo lagu xaliyay dhibaatooyin heystay dadkaasi Shiinaga kumannaan sano. Taasi waxaa ay abuurtay barwaaqo dhan walba oo bulshada Shiinaha ah.

Shiinaha, oo ah dalka ugu weyn dunida ee xagga ganacsiga ayaa waxaa uu xiriir ganacsi la leeyahay in ka badan 140 oo dalal iyo gobollo ah. Shiinaha waxaa uu sanadkii shaqo abuur dhanka magaalooyinka ah u sameeyaa in ka badan 13 milyan, waxana uu ku faanaa nidaamka waxbarasho ee ugu weyn adduunka, Daboolidda baahida bulshada, mid bedqab iyo caafimaadba. Celcelis ahaan da’da nolosha dadka Shiinaha ayaa kor u kacday ilaa 78.2 sano. Dadka Shiinuhu waxay arkeen oo kale kor u kac ku yimid iyo dareenkooda arrimaha wax-qabad, farxadda iyo amniga, sidaas darteed aadbay ugu farxeen, isla markaana ay dhiirigeliyeen dib u doorashada xoghayaha guud Xi Jinping iyo sii wadistiisa hoggaaminta Xisbiga Shuuciga ee Shiinaha.

Tobankii sano ee la soo dhaafay, Shiinaha oo marayey marxalado kor u kac iyo hoos u dhacba leh oo taariikhi ah iyo awood dib u soo kabashada, waxaa dunidan oo aheyd hubanti la’aan iyo xasillooni darro uu kusoo kordhiyey hubanti iyo xasiloonida loo baahnaa marka la eego horumarka dhaqaale oo joogtada ah taas oo ah in ka badan saddex-meelood meel wax ku biirinta kobaca dhaqaalaha caalamiga ah, sidaas oo kale arrintaasi waxay la jaanqaadeysaa barnaamijka weyn ee horumarinta mustaqbalka Shiinaha ee lagu dejiyey Shirweynaha 20-aad ee xisbiga Shuuciga CPC.

Xilliga soo socda, howsha udub dhexaad u ah xisbiga shuuciga ee Shiinaha waa in uu hogaamiyo dadka Shiinaha ee leh qoomiyadaha kala duwan si loo xaqiijiyo yoolka qarniga labaad ee dhismaha Shiinaha oo ah waddan weyn oo leh hannaan horumarsan oo hanti-wadaag ah casri ah oo dhinac kastaba. Umadda Shiinaha oo dhan walba ka horumarsan iyada oo laga ambaqaadyo waddada Shiinaha ee casriyeynta.

Waa casriyaynta dad aad u tiro badan. Shiinuhu waxa uu ka shaqaynayaa sidii ay casriyeyn u gaari laheyd in ka badan 1.4 bilyan oo qof, tiradaas oo ka badan marka la isku daro tirada dadka ee dhammaan dalalka horumaray. Waa casriyeyn barwaaqo u horseedeysa guud ee dadka oo dhan, iyada oo laga jawaabayo hanka dadka ee ah in ay helaan nolol wanaagsan. Waa casriyeynta dhanka hodmidda, horumarinta iyo dhaqanka ah, kor u qaadista dhaqaalaha ee horumar guud ee xagga hodmidda, dhaqanka iyo ruuxda dadkaba. Waa casriyeynta is waafajinta dadka iyo deegaanka iyada oo loo marayo horumarinta cagaaran, taas oo ujeedadeedu tahay in la hubiyo horumarka joogtada ah ee Shiinaha si wax ku ool ah wax uga qabto caqabadaha ka dhasha isbeddelka cimilada.

Waa casriyaynta horumarka nabadeed. Shiinuhu ma mari doono waddada dagaalka, gumaysiga, iyo dhaca ee ay horay u qaateen wadamada qaar. Dariiqa arxan darrada ah ee dhiiggu ku daatay ee lagu raadinayey nolo ka fiican midda la heystay ayaa dhibaato wayn u gaystay dadka wadamada soo koraya oo uu Shiinuhu ka mid yahay. Sidaa darteed, Shiinuhu oo sii wadi doona horumarkiisa, waxaa kale oo uu ku dadaali doonaa, gacanna ka geysan doonaa inuu ilaaliyo nabadda iyo horumarka adduunka annaga oo adeegsanayna horumarkeenna. Jidka Shiinaha ee casriyaynta ayaa ah mid u abaaraya fursado cusub dhammaan dalalka in ay ka shaqeeyaan casriyeyn. Marka la eego isnadallada iyo arrimaha socda, dal kasta, waxaa uu heli karaa waddo casriyeyn ah oo ku habboon naftiisa iyo iyada oo la kaashanayo wada-shaqeyn la wada guuleysanayo oo dalalka oo dhan ah.

Shiinaha waxaa ka go’an siyaasaddiisa qaran ee ah in uu u furfurmo dunida inteeda kale. Waxaa uu ku dadaalayaa inuu kor u qaaddo oo dhiso dhaqaale caalami ah oo furfuran, iyo in horay loo dhaqaajiyo horumarinta dhaqaale tayo leh iyada oo la adeegsanayo hindisaha “Suunka iyo Jidka” si xasilooni u helaan silsiladaha warshadaha caalamiga ah iyo silsiladaha gooshidda badeecadaha oo la isku helo faa’ido badan iyo weliba ilaalinta guud ahaan danaha dadka. Shiinaha ayaa sii wadi doona horumarinta ganacsiga iyo maalgashiga xorta ah iyo fududaynta, horumarinta iskaashiga gobolka, midka laba geesoodka ah iyo dhinacyo badan, iyo kor u qaadida isuduwidda siyaasadda dhaqaale ee caalamiga ah. Waxaa ka go’an inuu la shaqeeyo wadamada kale si loo abuuro jawi caalami ah oo ku habboon horumarka iyo abuurista jidad cusub oo loogu talagalay kobaca caalamiga ah. Shiinuhu wuxuu ka soo horjeedaa in deeyr, caqabad ama la joojiyo silsiladda warshadaha iyo silsiladaha gooshidda badeecadaha, waxaa kale uu kasoo horjeedaa cunaqabateyn hal dhinax ah iyo qaab kasta oo cadaadis ah. Shiinuhu waxa uu diyaar u yahay in uu dhaqaale badan ku maalgeliyo iskaashiga horumarinta caalamiga ah iyo in uu ka caawiyo yaraynta farqiga u dhexeeya waqooyiga iyo koonfyrta, iyada oo la taageerayo dalalka soo koraya si loo dardargeliyo horumarka.

Dalka Shiinaha waxaa uu ku taagan yahay waddo ah siyaasadda arrimo dibadeed oo nabdoon, oona madaxbannaan. Waxaa ay siyaasaheeda iyo mowqifkeeduba ku go’aan qaadataa nuxurka qadiyadaha jira, waxaa uuna ku dadaalaa ilalainta xeerarka aasaasiga ah ee lagu maamulo xiririirka caalamiga ah iyo ilaalinta caddaaladda dowliga ah. Shiinuhu waxa uu ixtiraamaa madaxbanaannida iyo bedqabka dhuleed ee dhammaan dalalka. Waxaa uu ku taagan yahay mabda’a sinnaanta dalalka oo dhan, yar iyo weyn, mid xoog leh iyo mid daciif ah, mid qani ah ama mid faqiir ah, waxaa kale uu ixtiraamayaa waddo walba oo dalalkaasi ay doortaan in ay ku gaaraan horumar dhaqaale iyo mid bulsho,

Shiinuhu wuxuu si adag uga soo horjeedaa dhammaan dalalka la xoogayo, siyaasadda awoodda, caqliyadda dagaal qabow, faragelinta arrimaha gudaha ee wadamada kale iyo labo wejiilennimada. Tani waxay sidoo kale xal iyo garab istaag dahabi ah u tahay dalal badan oo Afrikaan ah si ay u ilaashadaan qarannimadooda, madaxbannaanidooda iyo noloshooda.

Shiinuhu, waxaa uu mar weliba ka shaqeyn doonaa xoojinta nabadda iyo horumarka adduunka iyo dhismaha bulsho leh masiir mid ah. Waxaa uu soojeediyey hindisaha horumarinta Caalamiga ah iyo hindisaha amniga caalamka, oo labaduba dhiirigelinaya horumar guud oo mid ah iyo ilaalinta nabadda adduunka. Shiinuhu, waxaa uu dhiirigelinayaa nidaamka kala duwaanshiyaha, waa uuna ku dhaqmaa, waxaa uuna dhisaa nooc cusub oo xiriirka dunida ah, xoojinta iskaashiga dunida iyo ballaarinteeda, iyo dhismaha nidaamka maamul oo caalamiga ah, waxana uu kor u qaadaa qiyamka guud ee bini-aadka ka mideysan yahay sida nabadda, horumarka, cadaaladda. , dimuqraadiyada iyo xoriyadda.

Shiinaha iyo Afrika waa bulsho wadaagto masiir mid ah. Shiinaha waa dalka ugu weyn ee waddamada soo koraya, Afrikana waa qaaradda ay ku yaalaan inta badan dalalkaasi soo koraya. Jidka Shiinaha ee casriyeynta waxaa uu fursado badan horumar u horseedayaa Afrika. Sanadkii 2021-kii xajmiga ganacsiga ee u dhaxeeya Shiinaha iyo Afrika waxaa uu gaaray heerkii ugu sareeyey, isaga oo ka gudbay ilaa 250 bilyan oo doolarka Mareykanka ah iyo kororka sanadlaha ee 35%. Shiinuhu waxaa haga mabaadi’da daacadnimada, natiijooyinka dhabta ah, isku xirnnaanta, iyo niyad wanaag, iyada oo ay ka go’an in laga shaqeeya masaalixda iyo danaha guud, Shiinuhu wuxuu si adag u taageeraa waddamada Afrikaanka ah in ay qaadaan waddo kasta oo u gaar ah oo ay ku hormari karaan.

Sida ay qabto oraah hore oo Shiinees ah oo leh “Kalluun in lagu siiyo uma wanaagsana sida in lagu baro kalluumeysiga”. Haddaba, iyada oo loo marayo madasha iskaashiga Shiinaha iyo Afrika (FOCAC) iyo goobo kale, Shiinaha waxaa uu Afrika siiyey kalluun, sidoo kale waxaa uu ka caawiyaa in ay bartaan kalluumeysiga.
Shiinuhu wuxaa uu ka caawiyaa dalalka Afrika xoojinta tamarta, gaadiidka iyo dhismooyinka kale ee kaabayaasha dhaqaalaha iyo horumarinta warshadaha iyo beeraha. Iskaashiga Shiinaha iyo Afrika ma aha hal ku dheg ama shicaar been ah iyo tiro lagu cayaaro, ee waxaa uu ka muuqanayaa guulo la taaban karo oo laga gaaray qaaradda iyo faa’iidooyinka la gaarsiiyay dadka Afrikaanka ah. Labaatankii sano ee la soo dhaafay oo kaliya, Shiinuhu waxa uu Afrika ka caawiyay dhismaha iyo tayeynta in ka badan 10,000 oo kilomitir oo tareen ah, ku dhawaad ​​100,000 oo kilomitir oo waddo ah, ku dhawaad ​​1000 oo Buundo iyo 100 dekedood. Waxaa ay dhigtay in ka badan 200,000 kilomitir oo fiber, waxayna ka caawisay 6 milyan oo qoys oo Afrikaan ah inay helaan Internet ballaaran. Shiinuhu waxa uu sidoo kale Afrika ka caawiyay dhisitaanka cusbitaalo iyo dugsiyo tiro badan.

Jidka Shiinaha ee casriyeynta wuxuu sidoo kale siinayaa fikrado cusub oo loogu talagalay wadamada Afrika si ay u xoojiyaan maamulka iyo in ay iskood u sahan sadaan waddadii ay ku hormari lahaayeen qaran ahaan. Iskaashiga Shiinaha iyo Afrika waxa uu noqday mid miro dhal ah, waxana uu leeyahay fursado iyo rajooyin aad u weyn. Dunida ay hareeyeen fowdada iyo isbeddellada, iskaashiga Shiinaha iyo Afrika oo meelo fogfog la gaarsiiyo waxaa uu la jaanqaadayaa isbeddelka guud ee waqtiyada iyo rabitaanka shucuubta.

Soomaaliya, waa dalkii ugu horeeyey ee dhaca bariga Afrika ee xiriir diblomaasiyadeed la yeesha Shiinaha. Saaxiibtinimada Shiinaha iyo Soomaaliya ayaa astaanta u ah saaxiibtinimmo ee Shiinaha iyo Afrika. Tan iyo markii ay labada dal yeesheen xiriir diblomaasiyadeed, waxaa si qotodheer u kordhacay kalsoonida labada dal iyo iskaashiga mirodhal ah.

Kadib markii uu dillaacay cudurka safmarka ah ee COVID-19, Shiinuhu wuxuu ahaa waddankii ugu horreeyay oo ugu deeqay Soomaaliya tallaallada COVID-19, wuxuuna ka mid yahay kuwa ugu badan ee bixiyay tallaallada Soomaaliya ay dallaka siiyeen. Sidoo kale Shiinaha waxa uu Soomaaliya u fidiyay gargaar bini’aadantinimo oo aad u badan oo ay ka mid yihiin dayactirka iyo cusbooneysiinta isbitaallada Banaadir iyo De Martino, isaga oo shaqaalaha dowladda tababarro ka siin jiray dhinacyada caafimaadka, beeraha iyo gaadiidka. Shiinaha ayaa sidoo kale waxaa uu dowladda Soomaaliya siiyey deeqo waxbarasho oo boqolaal dhallinyaro ah si ay wax ugu bartaan Shiinaha. Si Soomaaliya looga caawiyo dagaalka ka dhanka ah abaaraha, Shiinuhu waxa uu dalka gaarsiiyay in ka badan 500 oo tan oo Qamadi iyo Bariis ah, waxaana uu dhowaan gaarsiin doonaa gargaar cunto degdeg ah oo intaas ka badan.

Shiinaha iyo Soomaaliya waxaa ay wadaagaan saaxiibtinimo qotodheer. Waxaan neefsanaa hal hawo, waxaanna wadaagnaa masiir qura, iyada oo wadnaha ay si isla garaacmaan. Sida lagu yaqaanno saxiib iyo walaal wanaagsan, Shiinuhu waxaa uu had iyo jeer si adag ugu garab istaagaa Soomaaliya sidii ay waddo cusub oo si madaxbannaan ah, oo u gaar ah ugu samayn laheyd nabadda iyo dib u dhiskeeda.

Soomaaliya maanta waxaa heysta caqabado badan oo dhanka amniga, horumarka iyo wax kaqabashada abaaraha ah. Sida uu yiri madaxweyne Xi Jinping, waxaan ku jirnaa xilli leh caqabado iyo waliba rajo. Shiinuhu waxaa uu diyaar u yahay inuu sii wado taageerada uu siiyo Soomaaliya si wacan uga hortagto caqabadaha jira si loo helo nabad, xasilooni iyo horumar degdeg ah. Waxaan rajeyneynaa oo aan rumeysannahay in labada shacab ee Shiinaha iyo Soomaaliya ay ka gudbi karaan dhibaatooyinka, xalka u heli doonaan khilaafaadka, caqabadaha u rogi karaan fursado, oo si qotodheer usii adkeynayaan xiriirka saaxiibtinimo iyo iskaashiga ee soo jireenka ah ee ka dhexeeya labadeena ummadood xilli aanu ku jirno hubanti la’aan iyo xasiloonni darro. Isticmaalna xasilloonida iyo hubaalnimada, xiriirka Shiinaha iyo Soomaaliya si joogto ah uga faa’iideysan doonaa nafci ay helaan ​​labada dal iyo shacabba.

Turky :Dad badan oo loo xiray qarax ka dhacay Istanbul

Booliska Turkiga ayaa xiray 22 qof oo lagu eedeynaayo in ay lug ku leeyihiin qaraxii ka dhacay bartamaha Istanbul ee dhaliyay ugu yaraan dhimashada 8 qof iyo dhaawaca 81 kale, sida uu sheegay sarkaal ka tirsan ciidankaasi.

Wasiirka arrimaha gudaha Suleyman Soylu ayaa qaraxaasi ku eedeeyay xisbiga la mamnuucay ee Kurdistan Workers Party (PKK), isagoo sheeegay in la hayo qof in muddo ah ku sugnaa goobtii la dhigay qaraxaasi.

Madaxweynaha Turkiga, Recep Tayyip Erdogan, ayaa Axaddii ku tilmaamay qaraxaasi mid khiyaamo ah oo salka ku haya fal al argagixiso

Ilaa hadda ma jirto cid sheegatay mas’uuliyadda qaraxaasi oo ka dhacay waddo mashquul badan oo ku taal magaalada ugu weyn Turkiga.

 

Ciidanka xoogga dalka oo howlgal Qorsheeysan ka fuliyay Waqooyiga Magaalada Kismaanyo ee Xarunta Gobolka Jubbada Hoose

Ciidanka Kumaandooska xoogga dalka Soomaaliyeed ee  DANAB Gaar ahaan Ururka 5aad Guutada 16 aad ayaa Howlgal Qorsheysan ka sameeyay Waqooyiga Magaalada Kismaanyo ee Xarunta Gobolka Jubbada Hoose..

Howlgalka ayaa Ciidamada ka sameeyeen degaannada kala ah Dheycabdi, mayoonde, Qudhac Madoobe, Koban, Araare iyo bandarjadiid oo kawada tirsan Gobolka Jubbada Hoose.

Saraakiisha howlgalka hoggaamineysay ee DANAB ayaa sheegay inay howlgalka ku burburiyeen Saldhigyo ay khawaarijtu ku lahaayeen Waqooyiga Kismaayo, isla markaana weerarada ay kasoo abaabuli jireen.

Sarakiishu waxa ay sidokale sheegeen in inta howlgalka socday lagu soo saaray Sagaal Miino kooxda khawaarijtu ay doneysay dadka shacabka ah ay ku dhibateyaan

Saraakiisha Hoggaaminaysa Abaabulka Dagaal ee khawaariijta ee ka socda deegaanada gobolka bakool oo gaaray deegaanka Aato.

Wafdigaan saraakiisha ah ee gaaray deegaanka Aato gobolka Bakool waxa  horkacayay Taliyaha Ciidamada daraawiishta dowlad goboleedka koonfur galbeed Gaashanle Yuunas Adan Xasan waxana safarka kormeerka ku wehliyey Taliyaha Ururka 17 aad guutada 9-aad qeybta 60-aad degmada Ceelberde Dhame Iidoor Aadan Dubad, Madaha Howgalinta guutada 9-aad Aadan Gaabow Isaak iyo Axmed Macalin Cabdiraxmaan Axmed dheere oo ka mid ah saraakiisha ka socotay guutada 8-aad ee gobolka baay.

Ujeedada safarka saraakiisha ayaa qeyb ka ah kulamo ay laqaateen maamulka deegaanka iyo saraakiisha ciidamada xooga dalka iyo ciidamada dowlad deegaanka soomaalida oo amniga deegaanka gacanta ku haya waxana ay kawada hadleen qorshaha howgalada khawaarijta looga xureynaya deegaanada ay ku sugan yihiin maadaama deegaanka Aato uu ka mid yahay goobaha ay ka socoto abaabulka ciidan.

Guddoomiyaha Deegaanka Aato Dubad Xasan Cali ayaa ayaa sarakiisha uga warbixiyay halka ay marayaan abaabulka dagaalka khawaarijta looga xorreeynayo degaanada katirsan gobolka bakool.

Saraakiisha waxay kaloo indha indhayn ku sameeyeen xaaladda deegaanka ee saamayntii abaarta oo weli roobka deyrta ku di’in iyo dagaaladii sedex bilood ka hor ka dhacay oo aad looga dareemayo.

 

Madaxweyne Xasan Sheekh oo magacaabay Taliyaha Ciidanka Badda

Madaxweynaha Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya Mudane Xasan Sheekh Maxamuud ayaa Xeer Madaxweyne ugu magacaabay Gaashaanle Sare Mubarak Cabdiqani Muuse Taliyaha Ciidanka Badda iyo Difaaca Xeebaha ee Ciidamada Xoogga Dalka Soomaaliyeed.

Madaxweynaha oo magaacaabistan ku saleeyey sharciga dhismaha Ciidanka Xoogga dalka ee Lr. 15 ayaa faray Taliyaha cusub in uu sii amba-qaado qorsheyaasha qaran ee dib u dhiska Ciidamada Badda Soomaaliyeed, si loo helo ciidan awood u leh hanashada sugidda amniga marin-badeedyada dalka iyo difaaca xeebaheenna ballaaran.

Xeerkan Madaxweyne oo waafaqsan qodobbada 80-aad iyo 90-aad ee Dastuurka Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya, ayaa ku dhaqan galay faafinta rasmiga ah.

Ra’iisul Wasaare Xamse oo cambaareeyay weerarka Argagixiso ee ka dhacay dalka Turkiga

Ra’iisul Wasaaraha Xukuumadda Federaalka Soomaaliya, Mudane Xamse Cabdi Barre ayaa si xooggan u cambaareeyay weerarka argagixiso ee fulaynimada ah ee lagu qaaday maanta dad rayid ah oo ku nool magaalada Istanbul.

Ra’iisul Wasaare Xamse ayaa sheegay in uu uga tacsiyeynayo shacabka iyo dowladda Türkiye, dadka ku dhintay weerarka.

Wuxuu sheegay in Soomaaliya ay la murugooneyso, isla markaana ay u duceyneyso dadka wax ku noqday weerarkaasi arxan darrada leh.

Mudane Xamse waxa uu sheegay in argagixisadu nooc walba oo ay tahay, laga adkaan doono.

Madaxweyne Xasan Sheekh oo warqadaha Aqoonsiga Danjiranimo ka guddoomay Safiirka cusub ee Imaaraadka Carabta

Madaxweynaha Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya Mudane Xasan Sheekh Maxamuud ayaa Munaasabad ku qabsoomtay Madaxtooyada Qaranka kaga guddoomay warqadaha aqoonsiga danjirenimo, Safiirka Cusub ee Dowladda Isutagga Imaaraatka Carabta Mudane Axmed Jumca Al-rumeysi.

Danjire Axmed Jumca ayaa Madaxweynaha Jamhuuriyadda soo gaarsiyey salaan iyo farriin muujineysa ixtiraamka qarannimada iyo xoojinta xiriirka walaaltinimo ee labada shacab, taas oo uu ka siday Madaxweynaha dowladda aan walaalaha nahay ee Imaaraatka Mudane Maxamed Binu Saayid Aala-nahyaan.

Sidoo kale, Danjiraha ayaa soo bandhigay dadaalka uu ku bixin doono xiriirka diblumaasiyadeed ee labada dal, isaga oo shacabka iyo dowladda Soomaaliyeed uga mahadceliyey soo dhoweynta diirran ee lagu qaabillay.

Madaxweyne Xasan Sheekh Maxamuud ayaa ugu hambalyeeyey Danjire Axmed Jumca Al-rumeysi, xilka safiirnimo ee loo igmaday, waxa uuna u rajeeyey in uu ku guuleysto matelaadda dalkiisa, doorna uu ka qaato xoojinta xiriirka soo jireenka ah ee ka dhaxeeya labada shacab ee walaalaha ah.

Waxay noqon kartaa sawirka 4 dad, dadka fadhiyo, suud iyo gudaha

Waxay noqon kartaa sawirka 2 dad, dadka fadhiyo, dadka taagan iyo gudaha

Waxay noqon kartaa sawirka 2 dad iyo dadka taagan

Waxay noqon kartaa sawirka 1 qof iyo taagan

Ra’iisul Wasaare Xamse oo xarigga ka jaray dhismaha cusub ee xarunta Hay’adda Socdaalka iyo Jinsiyadda

Ra’iisul Wasaaraha Xukuumadda Federaalka Soomaaliya Mudane Hamza Abdi Barre oo xarigga ka jaray dhismaha cusub ee xarunta Hay’adda Socdaalka iyo Jinsiyadda Soomaaliyeed ayaa tilmaamay in hey’adda socdaalka iyo jinsiyadda ay tahay wajiga qaranka.

Dhismaha xaruntaan oo si wanaagsan loo qalabeeyay ayaa qeyb ka qaadaneysa hufnaanta iyo gudashada waajibaadka shaqo ee bixinta adeegyada muhiimka u ah qaranka, waxaana Ra’iisul Wassaaruhu uu kormeer ku sameeyay qeybaha ay ka koobantahay xaruntaan cusub, waxuuna mahad celiyay dowladaha Denmark, Norway, UK iyo Finland oo dowladda ka taageeray dhismaha xaruntaan.

Mudane Xamse Cabdi Barre ayaa tilmaamay in tallaabada lagu dhisay xaruntaan ay muujinayso dardarta ay ku socdo horumarka hey’addan iyo xoojinta adeegyada aasaasiga ah ee shacabka.

Ra’iisul Wasaare Xamse oo ku boggaadiyey guud ahaan shaqaalaha hay’adda howsha wanaagsan ee ay u hayaan bulshada Soomaaliyeed ayaa kula dardaarmay Maamulka iyo howlwadeennada Hay’adda Socdaalka iyo Jinsiyadda Soomaaliyeed in ay ilaaliyaan shuruucda iyo hufnaanta shaqo ee muwaadiniinta ay adeegyada siinayaan, sii horumariyaan hannaanka shaqo oo muhiim u ah kobcinta dhaqaalaha iyo sugidda amniga.

Munaasabadda xariga looga jarayay xarunta cusub ee xarunta Hay’adda Socdaalka iyo Jinsiyadaha Soomaaliyeed ayaa waxaa ka soo qeyb galay masuuliyiin ka tirsan labada gole ee dowladda, agaasimyaashii hore ee hey’adda iyo Guddoomiyaha Gobolka Banaadir ahna duqa Muqdisho.

Wasiirka arrimaha dibadda XFS oo nuqul ka mid ah warqadaha aqoonsiga danjirenimo ka guddoomay safiirka cusub ee Imaaraadka Carabta

Wasiirka wasaaradda arrimaha dibadda Soomaaliya Mudane Abshir Cumar Jaamac (Huruse) ayaa maanta ka guddoomay nuqul ka mid ah warqadaha aqoonsiga danjirenimo safiirka cusub ee dalka aan walaalaha nahay ee Imaaraadka Carabta Amb. Ahmed Juma Al Rumaithi.

Sidoo kale, Wasiirka iyo Safiirka cusub ayaa ka wada hadlay xiriirka iyo saaxiibtinimada ka dhaxeeysa labada dowladood.