Saraakiisha Hoggaaminaysa Abaabulka Dagaal ee khawaariijta ee ka socda deegaanada gobolka bakool oo gaaray deegaanka Aato.

Wafdigaan saraakiisha ah ee gaaray deegaanka Aato gobolka Bakool waxa  horkacayay Taliyaha Ciidamada daraawiishta dowlad goboleedka koonfur galbeed Gaashanle Yuunas Adan Xasan waxana safarka kormeerka ku wehliyey Taliyaha Ururka 17 aad guutada 9-aad qeybta 60-aad degmada Ceelberde Dhame Iidoor Aadan Dubad, Madaha Howgalinta guutada 9-aad Aadan Gaabow Isaak iyo Axmed Macalin Cabdiraxmaan Axmed dheere oo ka mid ah saraakiisha ka socotay guutada 8-aad ee gobolka baay.

Ujeedada safarka saraakiisha ayaa qeyb ka ah kulamo ay laqaateen maamulka deegaanka iyo saraakiisha ciidamada xooga dalka iyo ciidamada dowlad deegaanka soomaalida oo amniga deegaanka gacanta ku haya waxana ay kawada hadleen qorshaha howgalada khawaarijta looga xureynaya deegaanada ay ku sugan yihiin maadaama deegaanka Aato uu ka mid yahay goobaha ay ka socoto abaabulka ciidan.

Guddoomiyaha Deegaanka Aato Dubad Xasan Cali ayaa ayaa sarakiisha uga warbixiyay halka ay marayaan abaabulka dagaalka khawaarijta looga xorreeynayo degaanada katirsan gobolka bakool.

Saraakiisha waxay kaloo indha indhayn ku sameeyeen xaaladda deegaanka ee saamayntii abaarta oo weli roobka deyrta ku di’in iyo dagaaladii sedex bilood ka hor ka dhacay oo aad looga dareemayo.

 

Madaxweyne Xasan Sheekh oo magacaabay Taliyaha Ciidanka Badda

Madaxweynaha Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya Mudane Xasan Sheekh Maxamuud ayaa Xeer Madaxweyne ugu magacaabay Gaashaanle Sare Mubarak Cabdiqani Muuse Taliyaha Ciidanka Badda iyo Difaaca Xeebaha ee Ciidamada Xoogga Dalka Soomaaliyeed.

Madaxweynaha oo magaacaabistan ku saleeyey sharciga dhismaha Ciidanka Xoogga dalka ee Lr. 15 ayaa faray Taliyaha cusub in uu sii amba-qaado qorsheyaasha qaran ee dib u dhiska Ciidamada Badda Soomaaliyeed, si loo helo ciidan awood u leh hanashada sugidda amniga marin-badeedyada dalka iyo difaaca xeebaheenna ballaaran.

Xeerkan Madaxweyne oo waafaqsan qodobbada 80-aad iyo 90-aad ee Dastuurka Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya, ayaa ku dhaqan galay faafinta rasmiga ah.

Ra’iisul Wasaare Xamse oo cambaareeyay weerarka Argagixiso ee ka dhacay dalka Turkiga

Ra’iisul Wasaaraha Xukuumadda Federaalka Soomaaliya, Mudane Xamse Cabdi Barre ayaa si xooggan u cambaareeyay weerarka argagixiso ee fulaynimada ah ee lagu qaaday maanta dad rayid ah oo ku nool magaalada Istanbul.

Ra’iisul Wasaare Xamse ayaa sheegay in uu uga tacsiyeynayo shacabka iyo dowladda Türkiye, dadka ku dhintay weerarka.

Wuxuu sheegay in Soomaaliya ay la murugooneyso, isla markaana ay u duceyneyso dadka wax ku noqday weerarkaasi arxan darrada leh.

Mudane Xamse waxa uu sheegay in argagixisadu nooc walba oo ay tahay, laga adkaan doono.

Madaxweyne Xasan Sheekh oo warqadaha Aqoonsiga Danjiranimo ka guddoomay Safiirka cusub ee Imaaraadka Carabta

Madaxweynaha Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya Mudane Xasan Sheekh Maxamuud ayaa Munaasabad ku qabsoomtay Madaxtooyada Qaranka kaga guddoomay warqadaha aqoonsiga danjirenimo, Safiirka Cusub ee Dowladda Isutagga Imaaraatka Carabta Mudane Axmed Jumca Al-rumeysi.

Danjire Axmed Jumca ayaa Madaxweynaha Jamhuuriyadda soo gaarsiyey salaan iyo farriin muujineysa ixtiraamka qarannimada iyo xoojinta xiriirka walaaltinimo ee labada shacab, taas oo uu ka siday Madaxweynaha dowladda aan walaalaha nahay ee Imaaraatka Mudane Maxamed Binu Saayid Aala-nahyaan.

Sidoo kale, Danjiraha ayaa soo bandhigay dadaalka uu ku bixin doono xiriirka diblumaasiyadeed ee labada dal, isaga oo shacabka iyo dowladda Soomaaliyeed uga mahadceliyey soo dhoweynta diirran ee lagu qaabillay.

Madaxweyne Xasan Sheekh Maxamuud ayaa ugu hambalyeeyey Danjire Axmed Jumca Al-rumeysi, xilka safiirnimo ee loo igmaday, waxa uuna u rajeeyey in uu ku guuleysto matelaadda dalkiisa, doorna uu ka qaato xoojinta xiriirka soo jireenka ah ee ka dhaxeeya labada shacab ee walaalaha ah.

Waxay noqon kartaa sawirka 4 dad, dadka fadhiyo, suud iyo gudaha

Waxay noqon kartaa sawirka 2 dad, dadka fadhiyo, dadka taagan iyo gudaha

Waxay noqon kartaa sawirka 2 dad iyo dadka taagan

Waxay noqon kartaa sawirka 1 qof iyo taagan

Ra’iisul Wasaare Xamse oo xarigga ka jaray dhismaha cusub ee xarunta Hay’adda Socdaalka iyo Jinsiyadda

Ra’iisul Wasaaraha Xukuumadda Federaalka Soomaaliya Mudane Hamza Abdi Barre oo xarigga ka jaray dhismaha cusub ee xarunta Hay’adda Socdaalka iyo Jinsiyadda Soomaaliyeed ayaa tilmaamay in hey’adda socdaalka iyo jinsiyadda ay tahay wajiga qaranka.

Dhismaha xaruntaan oo si wanaagsan loo qalabeeyay ayaa qeyb ka qaadaneysa hufnaanta iyo gudashada waajibaadka shaqo ee bixinta adeegyada muhiimka u ah qaranka, waxaana Ra’iisul Wassaaruhu uu kormeer ku sameeyay qeybaha ay ka koobantahay xaruntaan cusub, waxuuna mahad celiyay dowladaha Denmark, Norway, UK iyo Finland oo dowladda ka taageeray dhismaha xaruntaan.

Mudane Xamse Cabdi Barre ayaa tilmaamay in tallaabada lagu dhisay xaruntaan ay muujinayso dardarta ay ku socdo horumarka hey’addan iyo xoojinta adeegyada aasaasiga ah ee shacabka.

Ra’iisul Wasaare Xamse oo ku boggaadiyey guud ahaan shaqaalaha hay’adda howsha wanaagsan ee ay u hayaan bulshada Soomaaliyeed ayaa kula dardaarmay Maamulka iyo howlwadeennada Hay’adda Socdaalka iyo Jinsiyadda Soomaaliyeed in ay ilaaliyaan shuruucda iyo hufnaanta shaqo ee muwaadiniinta ay adeegyada siinayaan, sii horumariyaan hannaanka shaqo oo muhiim u ah kobcinta dhaqaalaha iyo sugidda amniga.

Munaasabadda xariga looga jarayay xarunta cusub ee xarunta Hay’adda Socdaalka iyo Jinsiyadaha Soomaaliyeed ayaa waxaa ka soo qeyb galay masuuliyiin ka tirsan labada gole ee dowladda, agaasimyaashii hore ee hey’adda iyo Guddoomiyaha Gobolka Banaadir ahna duqa Muqdisho.

Wasiirka arrimaha dibadda XFS oo nuqul ka mid ah warqadaha aqoonsiga danjirenimo ka guddoomay safiirka cusub ee Imaaraadka Carabta

Wasiirka wasaaradda arrimaha dibadda Soomaaliya Mudane Abshir Cumar Jaamac (Huruse) ayaa maanta ka guddoomay nuqul ka mid ah warqadaha aqoonsiga danjirenimo safiirka cusub ee dalka aan walaalaha nahay ee Imaaraadka Carabta Amb. Ahmed Juma Al Rumaithi.

Sidoo kale, Wasiirka iyo Safiirka cusub ayaa ka wada hadlay xiriirka iyo saaxiibtinimada ka dhaxeeysa labada dowladood.

Wasiirka Isgaarsiinta iyo Teknolojiyada XFS oo kormeeray Dhulka Xarunta xogta Qaranka

Wasiirka Isgaarsiinta iyo Teknolojiyada Mudane Jaamac Xasan Khaliif ayaa maanta kormeeray Dhulka loogu talagalay in laga dhiso Xarunta xogta Qaranka (National Data Center) oo ku taalo Xalane gaar ahaan halka ay Badda ka soo galo Internet-ka dalka.

Waxaa wasiirka kormeerka ku weheliyay wasiirka wasaaradda Gaadiidka iyo Duulista Hawada Marwo Fardowso Cismaan Cigaal, Wasiir ku-xigeenka Mudane Sulub Axmed Firin iyo ku-xigeenka Maareeyaha Guud ee Hay’adda Isgaarsiinta Qaranka Mudane Mustafa Yaasin Sheikh.

Wasiirka Wasaaradda Isgaarsiinta iyo Teknolojiyada XFS Mudane Jaamac Xasan Khaliif ayaa sheegay in Dhulkaan la siiyey Wasaaradda Isgaarsiinta, waxaana la qorsheenayaa in laga dhiso Keydka Xarunta Xogta Qaranka (National Data Center)

.”Maanta waxaa Booqday Dhulka Wasaaradda ku leedahay aaga Xalane, Qorshaha Wasaaradda waxaa ku jira in la dhiso Xaruntaan oo muhiim u ah in lagu keydiyo Xogta Qaranka, waa fursad aad u weyn in dhammaan Xogta Soomaaliya iyo Hey’ad walbo oo macluumaad Uruuriso in hawada toos ugu jirto iyada oo ammaan ah lana helikaro xilli walbo oo loo baahdo” Ayuu yiri Wasiir Jaamac.

Dal walbo waxa uu horumar ku gaaraa sida uu u keydsado Xogta Qarankiisa, waxaana Xaruntaan laga dhisi doonaa meel u dhow halka Internet-ka ka soo galo Dalka, waxaana guul ah in Wadankeena helaayo Xarunta Keydka Xogta oo looga maarmi-doono in Dalal kale lagu haayo xogteena.

Maamulka iyo waxgaradka degmada Baxdo oo qaaday tallaabo dhiiri-gelineysa dagaalka ka dhanka ah Khawaarijta

Maamulka degmada Baxdo iyo Odayaasha dhaqanka ayaa deeq isugu jirta labo neef oo geel ah iyo raashiin ku wareejiyay saraakiisha hoggaamineysa ciidamada dib u xoreynta deegaanada Xiindheere, Garabla, Ceel-lahelay, Ceelgaras iyo Ceelbuur ee gobolka Galguduud.

Guddoomiyaha degmada Baxdo Maxamed Cabdullaahi Muuse iyo qaar ka mid ah odayaasha dhaqanka oo deeqdan wareejiyey ayaa xusay in ay markasta garab taagan yihiin ciidamada xoogga dalka iyo kuwa dadka deegaanka ee ku jira howlgallada lagu xoreynayo deegaanada fara ku tiriska ee Khawaarijta kaga sugan yihiin gobolka Galgaduud.

Col. Cumar Cabdulle Jacfaan iyo xildhibaan Xasan keynaan Xalane oo kamid ah Baarlamaanka Galmudug ayaa dhankooda sheegay in deeqdan la soo gaarsiiyey ciidamada ay hoggaaminayaan ay u noqoneyso dhiiri-gelin baaxad leh.

Sidoo kale, Xildhibaan Cumar Cali Cabdi oo kamid ah xildhibaanada federaalka ee laga soo doortay Galmudug ayaa balan qaadey in ay hore u sii socon doonaan ayna ka go’antahay in aysan dib u laaban inta laga xoreynayo dhammaan deegaanadaasi.

Ciidamada dib u xoreynta deegaanka ee bariga Galgaduud oo diyaargarowgii ugu dambeeyay wada ayaa la filayaa in ay dhawaan soo gacan geliyaan deegaanada Baaldheer iyo Xiindheere oo ay haatan kusii durkayaan.

 

Ra’iisal wasaare ku-xigeenka dalka oo ka qeyb galay shirka isbedelka cimilada iyo sugnaanta cunnada

Ra’iisul Wasaare ku xigeenka Xukuumadda Federaalka Soomaaliya Mudane Saalax Axmed Jaamac ayaa ka qeyb galay kulan uu soo agaasimay Bangiga adduunka oo looga hadlayay isbedelka cimilada iyo sugnaanta cunnada.

Ra’iisul wasaare ku-xigeenka oo madasha ka hadlay ayaa xusay saamaynta cimilada adduunku ku leeyahay qaaradda Afrika gaar ahaan Soomaaliya iyo xalalka kala duwan ee dalalka adduunku isaga kaashan karaan in looga hortago saamaynta ay sababto Isbedelka cimilada.

Wuxuu sheegay in dadka Soomaaliyeed ay u badan yihiin Bulsho xoolo dhaqato ah, xoolaha noolna loo dhoofiyo dalalka carabta, isagoo dhinaca kale, xubnaha shirka ka soo qeyb galay la wadaagay saamaynta ay arrintaasi ku yeelatay qaaradda Afrika gaar ahaan Soomaaliya iyo xalalka looga gudbi karo.

Ku-simaha Madaxweynaha oo kulan la qaatay Guddoomiyaha Gobolka Hiiraan

Ku-simaha Madaxweynaha JFS ahna Guddoomiyaha Golaha Shacabka Baarlamaanka Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya Mudane Sheekh Aadan Maxamed Nuur (Madoobe) ayaa hoygiisa ku qaabilay Guddoomiyaha Gobolka Hiiraan Mudane Cali Jeeyte Cismaan oo howlo shaqo u jooga magalada Muqdisho ee caasimadda dalka.

Guddoomiyaha Gobolka Hiiraan ayaa Ku-simaha Madaxweynaha ahna Guddoomiyaha Golaha Shacabka ugu warbixiyay xaalada gobolka Hiiraan iyo dagaalaada dalka loogu xorreynaayo kooxda Khawaariijta Al Shabaab oo jab xooggan lagu gaarsiiyay degaannada Hiiraan, Shabeellaha Dhexe iyo Galgaduud, oo ciidaanka geesiyaasha kala wareegeen degaanno hor leh.

Ku-simaha Madaxweynaha oo boggaadiyay Guddoomiyaha Gobolka Hiiraan iyo mas’uuliyiinta ku sugan jiida hore ee dagaalka ayaa ammaanay Ciidanka Qaranka oo har iyo habeen u soo jeeda sidii guud ahaan dalka looga xorreyn lahaa kooxda Khawaariijta Al Shabaab, isagoona kula dardaarmay in la xoojiyo loona midoobo dagaalka Khawaariijta.