Wasiirka Isgaarsiinta iyo Teknolojiyada XFS oo kormeeray Dhulka Xarunta xogta Qaranka

Wasiirka Isgaarsiinta iyo Teknolojiyada Mudane Jaamac Xasan Khaliif ayaa maanta kormeeray Dhulka loogu talagalay in laga dhiso Xarunta xogta Qaranka (National Data Center) oo ku taalo Xalane gaar ahaan halka ay Badda ka soo galo Internet-ka dalka.

Waxaa wasiirka kormeerka ku weheliyay wasiirka wasaaradda Gaadiidka iyo Duulista Hawada Marwo Fardowso Cismaan Cigaal, Wasiir ku-xigeenka Mudane Sulub Axmed Firin iyo ku-xigeenka Maareeyaha Guud ee Hay’adda Isgaarsiinta Qaranka Mudane Mustafa Yaasin Sheikh.

Wasiirka Wasaaradda Isgaarsiinta iyo Teknolojiyada XFS Mudane Jaamac Xasan Khaliif ayaa sheegay in Dhulkaan la siiyey Wasaaradda Isgaarsiinta, waxaana la qorsheenayaa in laga dhiso Keydka Xarunta Xogta Qaranka (National Data Center)

.”Maanta waxaa Booqday Dhulka Wasaaradda ku leedahay aaga Xalane, Qorshaha Wasaaradda waxaa ku jira in la dhiso Xaruntaan oo muhiim u ah in lagu keydiyo Xogta Qaranka, waa fursad aad u weyn in dhammaan Xogta Soomaaliya iyo Hey’ad walbo oo macluumaad Uruuriso in hawada toos ugu jirto iyada oo ammaan ah lana helikaro xilli walbo oo loo baahdo” Ayuu yiri Wasiir Jaamac.

Dal walbo waxa uu horumar ku gaaraa sida uu u keydsado Xogta Qarankiisa, waxaana Xaruntaan laga dhisi doonaa meel u dhow halka Internet-ka ka soo galo Dalka, waxaana guul ah in Wadankeena helaayo Xarunta Keydka Xogta oo looga maarmi-doono in Dalal kale lagu haayo xogteena.

Maamulka iyo waxgaradka degmada Baxdo oo qaaday tallaabo dhiiri-gelineysa dagaalka ka dhanka ah Khawaarijta

Maamulka degmada Baxdo iyo Odayaasha dhaqanka ayaa deeq isugu jirta labo neef oo geel ah iyo raashiin ku wareejiyay saraakiisha hoggaamineysa ciidamada dib u xoreynta deegaanada Xiindheere, Garabla, Ceel-lahelay, Ceelgaras iyo Ceelbuur ee gobolka Galguduud.

Guddoomiyaha degmada Baxdo Maxamed Cabdullaahi Muuse iyo qaar ka mid ah odayaasha dhaqanka oo deeqdan wareejiyey ayaa xusay in ay markasta garab taagan yihiin ciidamada xoogga dalka iyo kuwa dadka deegaanka ee ku jira howlgallada lagu xoreynayo deegaanada fara ku tiriska ee Khawaarijta kaga sugan yihiin gobolka Galgaduud.

Col. Cumar Cabdulle Jacfaan iyo xildhibaan Xasan keynaan Xalane oo kamid ah Baarlamaanka Galmudug ayaa dhankooda sheegay in deeqdan la soo gaarsiiyey ciidamada ay hoggaaminayaan ay u noqoneyso dhiiri-gelin baaxad leh.

Sidoo kale, Xildhibaan Cumar Cali Cabdi oo kamid ah xildhibaanada federaalka ee laga soo doortay Galmudug ayaa balan qaadey in ay hore u sii socon doonaan ayna ka go’antahay in aysan dib u laaban inta laga xoreynayo dhammaan deegaanadaasi.

Ciidamada dib u xoreynta deegaanka ee bariga Galgaduud oo diyaargarowgii ugu dambeeyay wada ayaa la filayaa in ay dhawaan soo gacan geliyaan deegaanada Baaldheer iyo Xiindheere oo ay haatan kusii durkayaan.

 

Ra’iisal wasaare ku-xigeenka dalka oo ka qeyb galay shirka isbedelka cimilada iyo sugnaanta cunnada

Ra’iisul Wasaare ku xigeenka Xukuumadda Federaalka Soomaaliya Mudane Saalax Axmed Jaamac ayaa ka qeyb galay kulan uu soo agaasimay Bangiga adduunka oo looga hadlayay isbedelka cimilada iyo sugnaanta cunnada.

Ra’iisul wasaare ku-xigeenka oo madasha ka hadlay ayaa xusay saamaynta cimilada adduunku ku leeyahay qaaradda Afrika gaar ahaan Soomaaliya iyo xalalka kala duwan ee dalalka adduunku isaga kaashan karaan in looga hortago saamaynta ay sababto Isbedelka cimilada.

Wuxuu sheegay in dadka Soomaaliyeed ay u badan yihiin Bulsho xoolo dhaqato ah, xoolaha noolna loo dhoofiyo dalalka carabta, isagoo dhinaca kale, xubnaha shirka ka soo qeyb galay la wadaagay saamaynta ay arrintaasi ku yeelatay qaaradda Afrika gaar ahaan Soomaaliya iyo xalalka looga gudbi karo.

Ku-simaha Madaxweynaha oo kulan la qaatay Guddoomiyaha Gobolka Hiiraan

Ku-simaha Madaxweynaha JFS ahna Guddoomiyaha Golaha Shacabka Baarlamaanka Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya Mudane Sheekh Aadan Maxamed Nuur (Madoobe) ayaa hoygiisa ku qaabilay Guddoomiyaha Gobolka Hiiraan Mudane Cali Jeeyte Cismaan oo howlo shaqo u jooga magalada Muqdisho ee caasimadda dalka.

Guddoomiyaha Gobolka Hiiraan ayaa Ku-simaha Madaxweynaha ahna Guddoomiyaha Golaha Shacabka ugu warbixiyay xaalada gobolka Hiiraan iyo dagaalaada dalka loogu xorreynaayo kooxda Khawaariijta Al Shabaab oo jab xooggan lagu gaarsiiyay degaannada Hiiraan, Shabeellaha Dhexe iyo Galgaduud, oo ciidaanka geesiyaasha kala wareegeen degaanno hor leh.

Ku-simaha Madaxweynaha oo boggaadiyay Guddoomiyaha Gobolka Hiiraan iyo mas’uuliyiinta ku sugan jiida hore ee dagaalka ayaa ammaanay Ciidanka Qaranka oo har iyo habeen u soo jeeda sidii guud ahaan dalka looga xorreyn lahaa kooxda Khawaariijta Al Shabaab, isagoona kula dardaarmay in la xoojiyo loona midoobo dagaalka Khawaariijta.

KU-SIMAHA MADAXWEYNAHA JFS AHNA GUDDOOMIYAHA GOLAHA SHACABKA OO KORMEERAY XAFIISYADDA VILLA HARGEYSA

Muqdisho, Nofeembar 12,2022: Ku-simaha Madaxweynaha Jamhuuriyadda ahna Guddoomiyaha Golaha Shacabka Baarlamaanka Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya Mudane Sheekh Aadan Maxamed Nuur (Madoobe) ayaa kormeeray qaar ka mid ah xafiisyadda guddoonka iyo guddiyadda ee Villa Hargeysa oo maalmihii la soo dhaafay lagu waday dib u dhis balaaran.

Kormeerka Guddoomiyaha Golaha Shacabka BJFS, ayaa waxaa ku weheliyay Agaasimaha Maamulka iyo Maaliyadda Baarlmaanka Mudane Saciid Maxamed Cadow, isagoo warbixin ka siiyay dib u habeeynta lagu sameeynaayo xafiisyadda ay ku shaqeyn doonaan guddiyadda iyo Guddoonka Golaha Shacabka Baarlamaanka Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya.

Wasaaradda warfaafinta XFS oo tababar u furtay 30-Saxafi

Wasaaradda warfaafinta, dhaqanka iyo dalxiiska xukuumadda federaalka ayaa maanta oo sabti ah tababar u furtay 30-saxafi oo ka kala socda warbaahinta dawladda, dalwlada gobaleedyada iyo warbaahinta gaarka ah ee magaalada Muqdisho.

Wasiirka warfaafinta Daa’uud Aweys Jaamac oo tababarka ku saabsanaa tabinta xaaladaha bini’aadannimo u furay saxafiyiinta ayaa kula dardaarmay in ay mas’uuliyad ka saaran tahay in bulshada u gudbiyaan fariimaha saxda ah ee la doonayo in ay helaan, kana wacyi-geliyaan dhibaatooyinka jira.

Sidoo kale, Agaasimaha waaxda shaqaalaha iyo tababarada ee wasaaradda. Cabdiraxiin Ciise Caddow oo sharaxaad kooban ka bixiyay muhiimadda tababarkan ayaa sheegay in muddada 3-cisho ah ee uu socdo lagu baran doono tebinta wararka la xiriira arrimaha bini-aadanimada iyo wararka deg dega ah.

Wasaaradda warfaafinta xukuumadda Soomaaliya ayaa dadaal xooggan ku bixineysa sidii kor loogu qaadi lahaa xirfadda iyo tayada wariyeyaasha Soomaaliyeed si ay Bulshada u adeegayaan uguna gudbiyaan warar sugan oo xaqiiqda ku saleysan.

kulanka qaran ee xiriirinta dowladaha hoose oo ka furmay Muqdisho

Wasiirka arrimaha gudaha, federaalka iyo dib u heshiisiinta Xukuumadda Federaalka mudane Axmed Macallim Fiqi ayaa furay kulanka qaran ee xiriirinta Dowladaha Hoose, kaas oo ay soo qaban qaabisay Wasaaradda Arrimaha Gudaha Federaalka iyo Dib u heshisiinta Soomaaliya.

Kulanka waxaa goobjoog ka ah wasiirrada arrimaha gudaha ee dowlad goboleedyada iyo howlwadeenadooda iyo gobolka Banaadir, waxaana lagu falanqeynayaa arrimaha dowladaha hoose.

Sidoo kale, wasiirada arrimaha gudaha ee dowlad goboleedyada oo ka hadlay shirka ayaa ka mahadceliyay sida wasaaradda arrimaha gudaha ee federaalka ah ay ula shaqeyso.

Hoos u dhac dhaqaale oo taabtay kooxda Khawaarijta (WARBIXIN)

Dagaalka lagula jiro Kooxda Khawaarijta ayaa galaya ku dhawaad bishiisii afraad ayaa waxaa soo baxaya in laga gaaray guulo waaweyn ee dhinacyada Militariga, Dhaqaale xirid iyo ka wacyigalinta Shacabka Soomaaliyeed dhibaatada ay ku hayaan deegaanada Dalka qaarkood, sidaasi awgeed ayaa waxaa hubanti ah in ay ugu muhiimadsan tahay in Kooxda laga cuneqabateeyo dhinaca Dhaqaalaha, si looga guuleysto dagaalka lagula jiro kooxda argagixisada ah, marka qof kasta oo Khawaarijta lacag siiya magaca uu doono ha u bixiyee wuxuu u bareeray dambi aad u weyn Alle agtiisa mana jiro qiil diineed oo loo heli karo arrintaasi iyo cudurdaar lagu banneysan karo midna sida ay isku waafaqasan yihiin Culimada Islaamka, marka si ixtiraam leh isaga fiiri sida ay u tilmaamayaan iyo jawaabta uu ka bixiyay Shiikh Maxamed Cabdi Umal, su aal uu soo weydiiyay Ganacside Soomaaliyeed oo ku sugan Magaalada Muqdisho.

Shiiku waxa uu tilmamaay inaysan banaaneyn in la bixiyo lacagta Baadda ah magac kasta ha loo bixiyee, wuxuuna xusay in qofka Ganacsatada ahi waxaa u banaan inuu ka tagi karo ama ka fogaado meeshaasi loogu hanjabay uuna dego meel uu ammaan ku heli karo inta arrini si kale ka noqoneyso, “ ma noqonteyso ama qiil uma noqoneyso waa la ii hanjabay, mar adiga oo is ogeyn ha noqon dilaa oo dusha ha iska  saran dhiig Muslim oo cadaab kuu horseedi kara, hana fududeysan gacan siinta  dilka Muslimiinta “, ayuu yiri Shiik Umal.

Dhinaca kale Xog la helayo ayaa sheegaya in kastoo saraakiisha Ammaanka oo gacan ka helaya Xafiisyada Sirdoonka ee reer galbeedka iyo kuwa Qaramada Midoobay UN-ka ee ku takhasusay dabgdalka Xisaabaadka iyo Akoonada ay beryahaan wadaan dadaalo ay ugu kuurgalayaan cuuryaaminta Ilaha Dhaqaalaha  Koocxda Khawaarijta, islamarkaana lagu guuleystay in la xiro Kumanaan Akoonno ay ku jiraan Malaayiin US$, waxaana marqaati ma doonto ah in Horjoogayaasha Maleeshiyaadka Khawaarijta ay wali dhaqaale badan u soo marsiin karaan Bangiyada, Xawaaladaha, , Shirkadaha, Ganacsatada iyo Gadisleyda ee lacagaha bixya.

Waxaa kaloo jira  in Kooxdu awooddo in tiro badan qeyb ahaan mar qura wareejin karaan 10 kun US$ ah midkiiba, si ay uga fogaadaan kormeerayaasha barista inay ka shakiyaan maalgaliyayaasha Khawaarijta , iyadoo tallaabadani tahay xeelad cusub oo kooxda iyo taageerayaashooda ku kala gudbiyaan dhaqaalaha, waxaana jirta in ganacsato iyo gedisleey ku xiran kooxda ay wali jirto, kuwaasi oo ku kala nool Maamulada Somaliland, Puntland iyo suuqa Islii ee Magaalada Nairobi ee Dalka Kenya, una kala gudbiya dhaqaalaha kooxda ay leedaahay, sidaasi awgeed saraakiisha Dowladda waa inay feejignaan dheeraad ah siiyaan la socodka dhaq-dhaqaaqa dhaqaalaha kooxad iyo ganacsatada ku xiran.

Haddaba maxaa la gudboon Dowladda Federaalka Soomaaliya iyo saaxiibadeeda ?, waa inay marka hore dhisto hey;ad garsoor iyo laamaha baarista, si ay ula socdaan, islamarkaana gungaar hufan oo soo Af-jari kara dambiyada dhaqaalaha kooxda iyo kuwa gacan siinaya, iyadoo kal hore uu Madaxweynaha Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya Dr: Xasan Shiikh Maxamuud sheegay in la qaadayo dagaal seddex weji leh, kaasi oo kala ah Dhanka Miliratiga, dhanka Dhaqaalaha iyo kan fikirka ama wacigalinta.

Mareykanka oo dib u celiyay diyaarad laga Shakiyay

Diyaarad ay leedahay shirkadda Emirates airlines, oo ku socotay New York, taasi oo ay saaraanayeen ku dhowaad 250 qof oo rikaab ah, ayaa lagu qasbay inay dib ugu laabato magaalada Athens kadib digniin amni oo ka timid Mareykanka.

Saraakiisha ayaa sheegay in xogta la siiyey diyaaradda ay la xiriirtay qof tuhun laga qabo oo ka mid ahaa dadka saaran diyaaradda.

Afhayeen u hadlay Booliska, ayaa sheegay in diyaaradda ay Garoonka diyaaradaha caalamiga ah ee Eleftherios Venizelos caasimadda Greece usoo kaxeeyeen laba diyaarad dagaal oo ah nooca F-16 oo ay leeyihiin ciidamada cirka Greece.

Duulimaadka EK-210 ayaa dib loo celiyey 45 daqiiqo kadib, waxayna soo cago dhigatay 10:00 PM ((2000 GMT), sida uu sheegay afhayeenka oo intaas ku daray in baaritaan lagu sameynayo diyaaradda uu socday.

Wadar ahaan Diyaaradda ayaa waxaa saarnaa 246 ruux, 228 qof oo rakaab ah iyo 18 shaqaalaha diyaarada kamid ah.

Warbaahinta Greece ayaa ku warrantay in mas’uuliyiinta Mareykanka ay booliska Greece uga digeen in “qof la tuhunsan yahay” uu saaran yahay diyaaradda.

Xildhibaan Jacfar” Guryihiina ku soo laabta deegaanka Wabxo waa xor,”

Xildhibaan Maxamed Abuukar Jacfar ayaa ugu baaqay shacabka ka barakacay degaanka Wabxo ee gobolka Galgaduud in ay dib ugu soo laabtaan guryahooda,maadama Khawaarijta laga xoreeyay lana dareemayo deganaasho iyo nabad.

Sidoo kale, Xildhibaanka ayaa tilmaamay ineysan ku ekaan doonin deegaanka Wabxo,is lamarkaana ka saarayaan argagixisada meelaha kale ay joogaan.

“Shacabka ha ku soo laabtaan deegaanadooda Khawaarijta waan ka xoreynay meelaha kale oo ay joogaana waan ka saareynaa, guryihiina ku soo laabta, meeshan inaan xoreynayo ayaa u nimid, xil iyo xoolna midna ma soo doonan, khawaarijtana waa laga saaray,”  ayuu yiri Xildhibaan Jacfar oo shir jiraa’id ku qabtay deegaanka Wabxo.

Kamana hari doono ilaa inta qof Soomaali ah dhib ku hayaan, ayuu hadalkiisa sii raaciyay xildhibaanka oo ka muuqatay farxad ah guulaha laga gaaray dagaaladii ugu dambeeyay Khawaarijta lagula galay gobolka Galguduud.

Ciidamada xoogga dalka oo kaashanaya dadka deegaanka ayaa deegaano badan ka saaray khawaarijta, kuwaas oo muddo sanado ah shacabka dhibaato xoog badan ku hayay.