


Ciidanka xoogga Dalka Soomaaliya ayaa fashilayay,isla markaana ka hortagay weerar gaadma ah oo ay khawaarijta Alshabaab saakay waabirigii kusoo qaadeen deegaanka Burdaar ee Gobalka Hiiraan.
Afhayeenka Wasaaradda Difaaca Soomaaliya Gen Cabdullaahi Cali Caanood oo lahadlay Wakaaladda Wararka Soomaaliyeed ee SONNA ayaa sheegay in Ciidanka oo helay xogta qorshaha Alshabaab ay ka hortageen weerarkaasi ayna dileen 12 kamid ah Khawaarijta Alshabaab.
Generaal Caanood wuxuu sheegay in ciidamada xoogga dalka ay ka dhaawacmeen 3 Askari, hadana ay sii baacsanayaan firxadka maleeshiyaadka Khawaarijta ee weeararka ku soo qaaday deegaanka Burdaar ee gobalka Hiiraan.
Madaxweynaha Dowlad Goboleedka Hirshabeelle Mudane Cali Guudlawe iyo Taliyaha Ciidanka Xoogga Dalka Jeneraal Odawaa ayaa booqday deegaanno dhawaan laga xoreeyay khwaarijta Al shabaab ee Gobolka Shabeellaha dhexe.
Mas’uuliyiintaasi oo ay la socdeen saraakiil iyo xubno kale,waxa ay booqdeen deegaanada kala ah Geyfo, Bakajeex, Qoordheere iyo Warciise oo dhowaan laga xoreeyay Khawaarijta Al-Shabaab.
Madaxweynaha HirShabeelle Mudane Guudlawe iyo taliyaha XDS ayaa ku bogaadiyay taliska xoogga dalka guulaha uu kasoo hooyay dagaalka ka dhanka ah khawaariyta ee ka socda dalka Soomaaliya.
Agaasimaha guud ee wasaaradda Warfaafinta Dhaqanka iyo Dalxiiska Mudane C/laahi Xayir Ducaale iyo wafdi uu hoggaaminayo oo ka qaybgalaya Shirka bandhiga Warbaahinta Carabta ee 22aad oo ka socda magaalada Riyaad ee dalka Sacuudiga ayaa la kulmay Wasiirka Ganacsiga ahna sii haayaha wasiirka Wasaaradda Warfaafinta ee dalka Sacuudiga Maajid Qasbi, iyadoo wasiirka uu ku bogaadiyay warbaahinta Soomaaliya doorka ay ka qaadanayso soo gudbinta nabada iyo horumarka dalka.
Sidoo kale Agaasimaha Guud ee Wasaaradda iyo ku xigeenka Ergada joogtada ah ee Ururka Iskaashiga Islaamka (OIC) Mudane Cabdirahiim Cismaan Cilmi ayaa kulamo gaar gaar ah la yeeshay Madaxda warbaahinta Carbeed ee ka soo qayb gashay shirka, sida Madaxda Warbaahinta Kuwait, Suudaan, Jabuuti, Sacuudiga, Madaxa Idaacadaha iyo telefashinada Wadamada Islaamka iyo Shirkadaha Arabsat iyo Es’haisat oo fadhigiisu yahay dalka Qatar.
Shirkaan ayaa Soomaaliya waxay ku soo bandhigtay doorka Warbaahinta ay ku leedahay isbadalada jira iyo kaalinta Warbaahinta Qaranka iyo Hobalada fanka ee nabad dhiska dalkeena.
Fanaanada Aamina Cabdulle Macow oo ka mid ah fanaaniinta Hobalada Qaranka ee Waabari ayaa ka mid noqotay fanaaniinta carbeed ee sanadkaan loo xushay in lagu abaal mariyo doorkooda faneed.

Madaxweynaha Jahmuuriyadda Federaalka Soomaaliya Mudane Xasan Sheekh Maxamuud ayaa safar shaqo ugu amba-baxay dalka Ereteriya.
Madaxweyne Xasan Sheekh ayaa mudnaanta siinaya Ciidamada Soomaaliyeed ee ku sugan dalkaas iyo kor u qaadidda doorka dalalka Gobolku ay ku leeyihiin dagaalka ka dhanka ah argagixisada Alshabaab.
Madaxweynaha ayaa dhigiisa dalka Ereteriya Mudane Asias Afwerki la yeelan doona wada-xaajoodyo ku saabsan kor u qaadidda xiriirka labada dal iyo iskaashiga labada shacab ee walaalaha ah.
Madaxweynaha Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya Mudane Xasan Sheekh Maxamuud ayaa kadib markuu tixgaliyey baahida loo qabo in dib u habeyn lagu sameeyo Golaha Dhaqaalaha Qaranka si loo waafajiyo arrimaha mudnaanta leh ee horumarinta dhaqaalaha dalka waxa uu soo saaray Xeer Madaxweyne LR. 61 iyo Xeer Madaxweyne LR.62.
Golaha Dhaqaalaha Qaranka oo uu Guddoomiye ka yahay Madaxweynaha J.F.S, halka Ra’iisul Wasaaruhuna yahay Guddoomiye ku xigeen, oo ka koobnaa saddex heer, ayaa waxaa lagu soo koobay laba heer:
1-Heerka Jaangooynta Siyaasadda iyo Go’aamada Dhaqaale ee Masiiriga ah oo aan waxba laga badelin waxaa xubno ka ah:
Madaxweynaha J.F.S, Ra’iisul Wasaaraha, Guddi-hoosaadka Dhaqaalaha ee Golaha Wasiirada, Guddoomiyaha Bangiga Dhexe iyo Madaxda Dowladaha Xubnaha ka ah Dowladda Federaalka marka loo baahdo go’aan ka gaarista qodobbo saamaynaya.
2-Heerka La-talinta iyo Xog-heynta oo kooban 9 xubnood oo La-taliyayaal ah iyo Xog-heynta oo lagu soo xulay aqoontooda iyo khibraddooda, ayaa hoos imaanaya Xafiiska Madaxweynaha.
Heerka la-talinta iyo iyo xog-heynta waxaa agaasime guud u ah La-taliyaha Sare ee Dhaqaalaha Madaxweynaha, kaas oo mas’uul ka ah isku-duwidda maamulka heerkaan ee Golaha.
Madaxweynaha Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya Mudane Xasan Sheekh Maxamuud ayaa sidoo kale Xeer Madaxweyne LR.62 ku kala diray xubnihii hore ee Golaha Dhaqaalaha Qaranka ee isugu jiray 5 xubnood oo Soomaali ah iyo 4 xubnood oo aan Soomaali ahayn,
Waxaa uu Madaxwaynuhu u magacaabay mudanayaasha iyo marwooyinka magacyadoodu hoos ku xusan xubnaha Golaha Dhaqaalaha Qaranka ee heerka la-talinta iyo xoghaynta:
1.Xasan Aadan Hoosow, La Taliyaha Sare ee Madaxweynaha, ahna Agaasimaha Guud
2. Cabdullaahi Cali Cabdi, Xubin
3. Kamaaludiin Axmed Sheekh, Xubin,
4. Adam Xuseen Rooble, Xubin
5. Nimco Maxamuud Sakal, Xubin
6. Maluuka Dheere Sheekh Cabdulqaadir, Xubin
7. Mahad Maxamed Sheekh Xasan, Xubin
8. Maxamed Cusmaan Maxamuud, Xubin
9. Cabdisalaam Cabdiraxmaan Maxamed, Xubin
Madaxweyne Xasan Sheekh Maxamuud ayaa kula dardaarmay xubnaha Golaha Dhaqaalaha Qaranka ee uu magacaabay in ay ka shaqeeyaan horumarinta dhaqaalaha dalka iyo sare u qaadida nolosha muwaaddiniinta Soomaaliyeed.
Wasiiru-dawlaha Wasaaradda Ganacsiga iyo Warshadaha XFS Mudane Abdisalam Sharif Hussein, iyo wafdi uu hoggaaminaayo ayaa magaalada Niamey ee dalka Niger kaga qeyb-galay shirka Wasiirada Wasaaradaha Warshadaha iyo Dhaqaalaha ee dalalka Afrika kaas oo uu soo qaban-qaabiyey Midowga Afrika looga na hadlaayey horumarinta iyo sare u qaadidda Warshadeynta Qaaradda iyo weli ba kor u qaadista hal-abuurka.
Wasiirka, ayaa muddadii uu shirku socday, waxa uu kulamo gaar gaar ah la yeeshay mas’uuliyiin kala duwan oo ay ka mid yihiin Ra’iisal Wasaaraha dalka Niger Mudane Ouhoumoudou Mahamadou iyo weli ba sidoo kale, Wasiirka Warshadaha iyo dhallinyarada Salamatou Gourouza ee dalkaas.
Wasiirka wasaaradda Gaashaandhigga ee Xukuumadda federaalka Soomaaliya Mudane Cabduqaadir Maxamed Nuur Jaamac oo maanta Muqdisho kulan kula qaatay safiirka Jarmalka u fadhiya Soomaaliya ayaa kala hadlay Taakuleeynta Ciidanka XDS, gaar ahaan dhinaca howgalada socda.
Wasiirka ayaa uga mahadceliyay Dowladda Jarmalka kaalinta ay ka qaadato doorkooda ku aadan taageeridda ay siiyan Ciidanka Xoogga Dalka.
Dhinaca kale Wasiirka Wasaaradda Gaashaandhigga Xukuumadda Federaalka Soomaaliya mudane Cabdulqaadir Maxamed Nuur oo la kulmay Danjire Gn Rtd Thomas Safiirka Kenya u fadhiya Soomaaliya ayaa waxa ay ka wada hadleen Qorshaha la dagaallanka Khawaarijta iyo sidii Dowladda Kenya ay ugala shaqeen laheed Ciribtirka Khawaarijta.
