Ciidamada Dowladda Soomaaliya oo howlgal qorsheysan ku dilay ku dhawaad 100 ka mid ah Khawaarijta

Ciidanka Xoogga Dalka Soomaaliya oo kaashanaya dadka deegaanka iyo saaxiibada caalamka ayaa howlgal wadajir ah oo ay ka sameeyeen deegaanka Ceel Gorof ee gobolka Gagaduud, waxay ku dileen in ka badan 50 ka tirsan Khawaarijta Alshabaab

Howlgalka oo ahaa mid aad loo qorsheeyay ayaa lagu burburiyay saldhigyo ay khawaariijtu ku lahaayeen deegaanka Ceel Gorof, waxaana Ciidanka Qaranka iyo dadka deegaanku soo uruuriyeen 31 ka mid ah meydadka khawaarijta ee lagu dilay howlgalka.

Dhinaca kale Howlgal qorshaysan oo ay iska kaashadeen Ciidanka Hay’adda Sirdoonka iyo Nabad Sugidda Qaranka iyo Saaxiibada caalamiga ah oo ka dhacay beeraha aaga Geeshaan ee deegaanka Basra  ee gobolka Shabeellaha Hoose ayaa lagu dilay 47 ka tirsan Khawaarijta Al-Shabaab.

Hay’adda Sirdoonka iyo Nabad Sugidda Qaranka ayaa heshay xogta Khawaarijtaan oo isku aruursaday beeraha Geeshaan kuwaas oo ku howlanaa dhagarta shacabka Soomaaliyeed.

Dowladda Federaalka Soomaaliya waxa ay u mahad celinaysaa dadka deegaanka iyo saaxiibada caalamiga ah oo gacan ka gaystay howlgalkan guuleystay oo lagu ciribtiray shabakado Khawaarijta ka tirsan oo qorsheynayay weeraro ay ku bartilmaameedsadaan shacabka.

MADAXWEYNAHA OO LA KULMAY WASIIRKA ARRIMAHA DIBADDA IYO DIFAACA JAMHUURIYADDA IRELAND MUDANE SIMON COVENEY

Cairo- Madaxweynaha Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya Mudane Xasan Sheekh Maxamuud oo soo gaba-gabeeyey safar shaqo oo uu ku joogay dalka Masar ayaa la kulmay Wasiirka Arrimaha Dibadda iyo Difaaca ee Jamhuuriyadda Ireland Mudane Simon Coveney.

Madaxweynaha ayaa kala hadlay Wasiirka Simon Coveney xoojinta xiriirka Labada dal, iyadoo Jamhuuriyadda Ireland ay safka hore kaga jirto dowladihii ugu horreeyey ee hoggaankoodu ay Soomaaliya soo gaaraan xilligii dalku uu la daalaa dhacayey colaadaha sokooye iyo duruufihii nololeed ee adkaa.

Madaxweyne Xasan Sheekh ayaa tilmaamay halganka wadajirka ah ee shacabka iyo dowlad Soomaaliyeed ay maanta dalka kaga xoreynayaan argagixisada iyo dadaallada xooggan ee gurmadka abaaraha, waxa uuna ka rajeeyey Jamhuuriyadda Ireland in ay arrimahaas gacan ka siiyaan dowladda Soomaaliyeed.

Dhankiisa, Wasiirka Arrimaha Dibadda iyo Difaaca Jamhuuriyadda Ireland Mudane Simon Coveney ayaa uga mahad-celiyey Madaxweynaha qaabilaadda wanaagsan iyo kulankan miro-dhalka ah, waxa uuna sheegay in dalkiisu ay garab taagan yihiin shacabka Soomaaliyeed, codka Ireland ee gudaha Midowga Yurubna ay ka kabayaan dadaallada dowladda Soomaaliya.

Madaxweyne Xasan Sheekh Maxamuud iyo wafdiga Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya ee ka qeyb galay shirka Cimilada Adduunka ee COP-27 ayaa galabta dib ugu soo laabtay Muqdisho, iyagoo inta ay ku sugnaayeen Sharma Sheekh ku soo bandhigay caqabadaha xooggan ee dalkeenna ka soo gaaray isbeddelka cimilada.

  

Ra’iisul Wasaare Xamza oo booqday xarunta isgaarsiinta ee Jabuuti.

Ra’iisul Wasaaraha Xukuumadda Federaalka Soomaaliya, Mudane Hamza Abdi Barre oo booqasho rasmi ah ku jooga dalka aan walaalaha nahay ee Jabuuti ayaa maanta booqday xarunta isgaarsiinta dowladda Jabuuti.

Ra’iisul Wasaaraha iyo wafdigiisa ayaa intii kormeerka ay ku jireen waxay soo kormeereen xarunta laga maamulo khadadka internet-ka ee mara badda iyo qeybaha kala duwan ee ay xaruntu ka kooban tahay.

Mudane Xamse ayaa ku ammaanay hey’adda iyo maamulkeeda horumarka joogtada ah ee ay ku talaabsanayso isgaarsiinta dalka Jabuuti.

Wasiirka arrimaha gudaha XFS oo kulan la qaatay ku xigeenka ergeyga gaarka ah ee xogheyaha guud ee qaramada midoobey ee arrimaha gargaarka

Wasiirka arrimaha gudaha, federaalka iyo dib u heshiisiinta mudane Ahmed Moallim Fiqi iyo wasiiru dowlaha mudane Ilyaas Ali Hassan ayaa maanta xarunta wasaaradda kulan gaar ah kula yeeshay ku xigeenka ergeyga gaarka ah ee xogheyaha guud ee qaramada midoobey ee Soomaaliya u qaabilsan iskuduwidda arrimaha gargaarka iyo bani’aadnimada Mr.Adam Abdelmoula.

Kulanka ayaa inta uu socday waxaa xoogga lagu saaray xasillinta, iskudubaridka gargaarkaa, howlaha bani’aadnimada iyo arrimo kale.

Wasiirka arrimaha gudaha, federaalka iyo dib u heshiisiinta mudane Axmed Macallim Fiqi oo kulanka ka hadlay ayaa sharxay hortabinnada xukuumadda, howlaha xasillinta ee dalka gaar ahaan goobaha laga xoreeyey Khawaarijta iyo arrimo kale.

Wasiir Axmed Macallim Fiqi waxaa kale uu ku dheeraaday xaaladda abaaraha, sida ay wasaaradiisa uga go’antahay iskuduwidda gargaarka iyo howlaha bani’aadnimo iyada oo howlaha la xiriira maareynta musiibooyinka loo marayo hey’adda Maareynta Musiibooyinka Soomaaliyeed ee SODMA.

Dhankiisa, ku xigeenka xogheyaha guud ee Soomaaliya Mr.Adam Abdelmoula oo isna kulanka ka hadlay ayaa wasiir Fiqi iyo wasaaraddiisa ku ammaanay bahwadaagnimada iyo wadashaqeynta ay la leeyihiin hey’adaha UN-ka isaga oo intaa raaciyey in ay ka go’antahay ka qaramada midoobay ahaan inay ku shaqeeyaan arrimaha hortabinta u leh xukuumadda sida xasiilinta, gargaarka iyo howlaha banii’aadnimada.

Ciidamada xoogga dalka oo la wareegay degaanno badan oo katirsan Gobolka Galgaduud

Ciidanka xoogga dalka oo kaashanaya dadka deegaanka ayaa Khawaarijta Al Shabaab kala wareegay deeggaanka Wabxo ee gobolka Galgaduud oo muddo 15 sanno ka badan ay shacabka ku dhibaateynayeen argagixisada.

Gen. Cabdullaahi Cali Caanood Afhayeenka Wasaaradda Gaashaandhiga XFS oo la hadlay Warbaahinra Qaranka ayaa sheegay in ciidanka xoogga ay sido kale la wareegeen, deeggaannadda Warxoole, Ceelboore iyo Ceelgoro oo katisan Gobolka Ga;gaduud

Afhayeenka ayaa sidoo kale waxaa uu hadalkiisa uu intaasi kudaray in Ciidamada dowladda iyo dadka degaanka ay ka sameeyeen howlgallo miino baaris ah degaannada, Wara-gibile, Ceelgorof, Wara-dhuumale, degaannadaas oo u dhaxeeya degmooyinka, Ceelbuur, guriceel & tuulada Bukur oo katirsan gobolka Hiiraan.

Ciidanka NISA oo howlgal qorsheysan ka sameeyay Xaafadaha Magaalada Baydhabo ee Xarunta Gobolka Baay

Ciidanka Hay’ada Nabadsugidda iyo Sirdoonka ee Maamulka Koonfur Galbeed ayaa howgal qorsheysan oo amniga lagu xaqiijinayay ka sameeyey xaafadaha Magaalada Baydhabo ee Xarunta Gobolka Baay.

Hnowlgalka ayaa waxaa laga sameeyay Xaafadaha kala ah Bardaale, Isha iyo Wadajir, waxaana lagu soo qabqabtay dad looga shakisan yahay in ay katirsan yihiin Nabadiidka Al-Shabaab kuwaas oo Ciidanka ay ku wadaan baaritaano.

“Ciidanka Hay’ada Nabadsugida Iyo Sirdoonka Koonfur Galbeed Soomaaliya ayaa howlgallo joogta ah ka wado guud ahaan Koonfur Galbeed si loo adkeeyo amniga deegaanka ayaa lagu yiri” War kasoo baxay Hay’adda Nabadsugida Koonfur Galbeed.

Saraakiisha hay’ada NISA ayaa sheegay inay howlgallada noocan ah ay sii wadi doonaan ilaa deegaannada koonfur galbeed lagaga nadiifinayo kooxda khawaarijta Al-Shabaab oo mararka qaar weeraro ka fuliya degaannada Maamulkaasi.

Ilhaan Cumar oo markii saddexaad ku guulaysatay doorashada Congress-ka Mareykanka

Muqdisho(Wargeyska Dalka):-Ilhan Cumar ayaa markii saddexaad loo doortay kuriga degmada shanaad ee gobolka Minnesota ee Congress-ka Mareykanka, kadib markii ay ka adkaatay Cicely Davis oo ka tirsan xisbiga Jamhuuriga.

Ilhan oo sanadkii 2018 noqotay qofkii ugu horreeyay ee Somali-Amerikan ah oo loo doorto Congress-ka Mareykanka ayaa difaacatay kursigeeda.

Hadal kooban oo ay u jeedisay taageereyaasheeda kadib guushii ay gaartay ayay ku sheegtay in guusheedu ay tahay mid Soomaalida u soo hooyatay, isla markaana ay ku faraxsan tahay in dib loo soo doortay.

MADAXWEYNE XASAN SHEEKH OO KHUDBAD KA JEEDIYAY SHIRKA ISBEDDELKA CIMILADA ADDUUNKA EE MASAR

Madaxweynaha Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya Mudane Xasan Sheekh Maxamuud oo maanta khudbad ka jeediyay shirka caalamiga ah ee isbeddelka Cimilada Adduunka (COP27) oo ka socda dalka Masar ayaa diiradda ku saaray sida isbeddelka Cimiladu uu u saameysay Adduunka iyo xaaladaha bani’aadannimo ee ka dhashay ee shacabka Soomaaliyeed ay wajahayaan.

Madaxweynaha Jamhuuriyadda ayaa tilmaamay muhiimadda ay leedahay in dalalka ka qeyb-galaya shirkan ay la yimaadaan qorsheyaal ku dhisan iskaashi horseed u noqda wax ka qabashada saamaynta isbeddelka Cimiladu uu ku yeeshay Adduunka, waxa uuna adkeeyay gurmadka ay u baahan yhiin dadka Soomaaliyeed ee Abaaruhu saameeyeen.

“Sannadkan aan ku jirno in ka badan siddeed boqol oo milyan oo qof oo Afrikaan ah ayaa waxaa heysta cunto yari. Soomaaliya gudaheedana, in ka badan 7 milyan oo qof ma dabooli karaan baahiyahooda cunto ee aasaasiga ah waxayna u baahan yihiin gargaar bani’aadamnimo oo degdeg ah. Waxaan u baahanahay in aan is waydiino sababta? Jawaabtu waa isbeddelka Cimilada iyo colaadda”.

Madaxweyne Xasan Sheekh oo xusay in uu dalkeenu u nugul yahay isbeddelka Cimilada, ayaa sheegay in si wax looga qabto saameynta xooggan ee la xiriirta arrintaas ay Dowladda Soomaaliya abuurtay Wasaaradda degaanka iyo isbeddelka Cimilada, sidoo kalana daah-furtay Hindise lagu dhireynayo Soomaaliya.

“Soomaaliya waxaa soo food saartay dhibaato bini’aadinimo oo aan inta awooddeena ah isku dayeyno in aan wax ka qabanno, taas oo ka dhalatay Abaaraha soo noqnoqda. Waxa kale oo na soo maray daadad ba’an kuwaas oo baabi’iyay kaabayaashii dhaqaalaha, dhul beereedkii ugu fiicnaa iyo sidoo kale hab-nololeedkii bulshadeenna. Dadkeenu ma awoodaan in ay beertaan dalagyada Abaarta jirta awgeed”.

Madaxweynaha Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya Mudane Xasan Sheekh Maxamuud oo ugu dambeyn sheegay in Dowladda Soomaaliya ay ka go’antahay dhismaha mustaqbal dhaqaale oo xasilloon, iyada oo laga faa’iideysanayo dhaqaalaha badda iyo fursadda beeraha ayaa xoojiyay ahmiyadda ay leedahay in dalalka Adduunku ay maanta muujiyaan isku-tiirsanaan, iyada oo aan loo eegin dal horumaray iyo mid soo karaya, si loo maareeyo duruufaha bani’aadannimo ee dadka dunidu ay wajahayaan.

Wasiirka Ganacsiga XFS oo kulan la yeeshay Wasiirka Qorsheynta Qaranka

Wasiirka Ganacsiga iyo Warshadaha ee Xukuumaddq Federaalka Soomaaliya Jibriil Cabdirashiid Xaaji ayaa maanta xafiiskiisa ku qaabilay wasiirka Wasaaradda Qorsheynta, Maalgashiga iyo Horumarinta Dhaqaalaha XFS Xil. Maxamuud Cabdiraxmaan Beene Beene oo ay ka wada-hadleen siddii labada dhinac ba ay uga wada shaqeyn lahaayeen horumarinta iyo dhiiri-gelinta Maalgashiga dalka, gaar ahaan dhinacyada shuruucda, siyaasadaha iyo Istaraatjiyadaha lagu horumarinayo Maalgashiga.

Kulanka wasiirada oo ay ku wehliyeen Agaasimaha guud ee Wasaaradda Ganacsiga iyo Warshadaha XFS ahna guddoomiyaha Guddiga Maalgashiga Shisheeye Cabdicasiis Ibraahim Aadan iyo Agaasimaha waaxda Dhiiri-gelinta Maalgashiga ee wasaaradda Qorsheynta Maxamed Dhuboow, ayaa waxay labada dhinac ba isla-garteen in labada Wasaaraddooda ba ay si wada-jir ah uga wada-shaqeeyaan Shir-weynaha Caalamiga ah ee Maal-gashiga Soomaaliya oo dhawaan ka qabsoomi doona Muqdisho kaas oo ahmiyad weyn u leh ganacsiga, dhaqaalaha iyo shaqo abuurka dalka.

Wasiiradu, waxay hoosta ka xariiqeen in ay aad u ballaaran yihiin fursadaha ganacsi iyo maal-gashi ee ka jira gudaha Soomaaliya kuwaas oo u baahan in ka dawlad ahaan loo waajaho si wada-jir ah si maal-gashadeyaasha caalamiga ah iyo kuwa gudahu ba ay dalka uga sameeyaan Maal-gashiyo waaweyn oo abuura ganacsiyo hor leh, kobac dhaqaale iyo shaqo abuur inta ba, waxaana ay muujiyeen sida ay uga go’an tahay dhiiri-gelinta Maal-gashiga dalka.

   

Wasiirka Arrimaha Guddaha XFS oo kulan la qaatay guddoomiyaha hey’adda maareynta musiibooyinka

Wasiirka arrimaha gudaha, federaalka iyo dib u heshiisiinta XFS mudane Axmed Macallim Fiqi ayaa maanta xafiiskiisa kula kulmay guddoomiyaha hey’adda maareynta musiibooyinka ee SODMA.

Kulankan oo uu wasiirku ku wehliyey wasiir ku xigeenka wasaaradda Mudane Cabdixakim Xasan Ashkir ayaa xoogga lagu saaray howlaha gurmadka degdegga ah, dadaallada maareynta musiibooyinka iyo arrimo kale.

kulankaan ayaa sidoo kale waxaa looga hadlay sidii si loo mideyn lahaa dadaallada gurmadka iyo wax ka qabashada masiibooyinka ee sida uu horey u amray ra’iisul wasaaraha Xukumada federaalka Soomaaliya Mudane Xamse Cabdi Bare.