Wasaaradda maaliyadda XFS oo qabatay shir looga arinsanayey sidii looga hortagilahaa maalgelinta Argagixisadda

Waxaa maanta xarunta Wasaaradda Maaliyadda lagu qabtay shir muhiim ah oo looga arrinsaday sidii looga hortagi lahaa maalgalinta argagixisada.

shirka ayaa waxaa ka soo qayb galay Madaxda shirkadaha gaarka loo leeyahay ee ka shaqeeya arrimaha Maaliyadda sida Bangiyada iyo Xawaaladaha dalka ka jira iyo Wasiirada Maaliyadda, Ganacsiga, Cadaaladda, xeer-ilaaliyaha guud, Gudoomiyaha Bangiga Dhexe, Agaasimaha Xarunta FRC iyo Agaasimaha NISA.

Wasiirka Maaliyadda Soomaaliya Mudane Dr. Elmi M. Nur oo ahaa shir-guddoonka kulanka ayaa sheegay in ay si adag uga wada-hadleen in si wadajir ah looga wada shaqeeyo sidii muwaadiniinta Soomaaliyeed iyo dhaqaalahooda looga difaaci lahaa argagixisada

wasiirka qorshaynta XFS oo kulan la qaatay safiirka dalka Swedan u fadhiya Soomaliya

Wasiirka Wasaaradda Qorsheynta, Maalgashiga iyo Horumarinta Dhaqaalaha Xukuumadda Federaalka Soomaaliya, Mudane Maxamuud Cabdiraxmaan Sh. Faarax (Beene-beene) ayaa maanta kulan la qaatay Danjiraha Dalka Sweden u fadhiya Soomaaliya Mudane, Per Lindgarde.

Kulanka ayaa diiradda lagu saaray Iskaashiga ka dhexeeya labada dal iyo sidii loo xoojin lahaa Istaraatiijiyadda dowladda Sweden ay ku taageereeyso Soomaaliya lana waafajiyo Qorshaha Horumarinta Qaranka NDP-9. Sidoo kale, intii kulanku uu socday waxa ay labada dhinac isla meel dhigeen in mashaariicda kala duwan ee dalkeenna lagu taageero lagu salleeyo waxyaabaha mudnaanta u leh dalkeenna Soomaliya.

Wasiirka Wasaaradda Qorsheynta Mudane Maxamuud iyo danjiraha Dalka Sweden ayaa hoosta ka xarriiqay in mashaariicda kala duwan ee ay qor

Ra’iisul Wasaaraha Xukuumadda Federaalka Soomaaliya oo gaaray dalka jabuuti

Ra’iisul Wasaaraha Xukuumadda Federaalka Soomaaliya, Mudane Hamza Abdi Barre iyo wafdi hoggaaminayo ayaa gaaray magaalada Jabuuti, halkaasi oo si diirran uu ugu soo dhaweeyay, Ra’iisul Wasaaraha Jamhuuriyadda Jabuuti, Mudane Cabdulqaadir Kaamil Maxamed iyo xubno ka tirsan dowladda Jabuuti.

Ra’iisul Wasaare Xamse oo booqasho rasmi oo saddex cisho ay ku joogi doona dalka Jabuuti, ayaa inta uu joogo waxa uu kulamo ku saabsan xoojinta xiriirka iyo iskaashiga labada waddan uu la yeelan doonaa madaxda Jabuuti.

Madaxweynaha Maraykanka oo taageerayaashiisa in ay difaacaan dimoqraadiyada Maraykanka

Madaxweynaha Mareykanka Joe Biden ayaa ugu baaqay taageerayaashiisa inay difaacaan dimoqraadiyada dalka oo uu sheegay inay halis ku jirto, maalin ka hor inta aysan dadka Mareykanka u dareerin goobaha codbixinta si ay ugu codeeyaan doorashada xilliga dhexe.

Isagoo ka hadlayay isu soo bax Isniintii ka dhacay gobolka Maryland si loogu ololeeyo musharraxa Dimuqraadiga ee gavanaha Wes Moore iyo Sen. Chris Van Hollen, Biden wuxuu sheegay in Mareykanka uu wajahayo “dhib u rogaal celin ah.”

“Waan ognahay lafteena in dimoqraadiyadeena ay halis ku jirto, waxaana ognahay in tani ay tahay waqtigiina aad difaaci lahayn,” ayuu yidhi.

malaayiin ka mida bulshada maraykanka ayaa salaasadda dhiiban ka doona codkooda xarumaha cod bixinta ee doorashooyinka xilliga dhexe, iyadoo dadka qaar na xili hore codadkooda dhiibteen.

Sannadkan waxa lagu tartamayaa dhammaan 435-ta kursi ee golaha wakiilada iyo sidoo kale 35 kursi ee golaha guurtida,iyadoo Inta badan falanqeeyayaasha siyaasaddu saadaaliyeen in xisbiga Jamhuurigu awood u yeelan in uu gacanta ku dhigo aqalka wakiiladda.

Ra’iisul wasaaraha XFS oo u dhoofay dalka Jabuuti

Ra’iisul Wasaaraha Xukuumadda Federaalka Soomaaliya, Mudane Xamse Cabdi Barre iyo wafdi hoggaaminayo ayaa maanta u ambabaxay dalka aan walaalaha nahay ee Jabuuti.

Ra’iisul Wasaaraha ayaa casuumaad rasmi ah ka helay dhiggiisa Ra’iisul Wasaaraha Jamhuuriyadda Jabuuti, Mudane Cabdulqaadir Kaamil Maxamed.

Ra’iisul Wasaaraha ayaa inta uu joogo Jabuuti waxa uu kulamo ku saabsan xoojinta xiriirka iyo iskaashiga labada waddan uu la yeelan doonaa madaxda Jabuuti.

Madaxweynaha Koonfur Galbeed oo gaaray Degmada Ceelberde ee Gobolka Bakool

Madaxweynaha Dowladda goboleedka Koonfur Galbeed Mudane Cabdicasiis Xasan Maxamed Laftagareen iyo Wafdi uu hoggaaminayo ayaa lagu soo dhoweyey Degmada Ceelberde ee Gobolka Bakool.

Socdaalka Madaxweynaha ayaa ku qotoma ukuura-gelida Xaalada Degmada Dhinacyada Amniga,Saamaynta Abaarta iyo Dhiiragelinta Ciidanka iyo Dadka Deeganka oo u diyaar Garoobey Bilaabida howlgallo Cadowga  Khawaarijta Alshabaab lagaga Xureynayo Goobaha ay kaga dhuumaalaysanayaan Deeganada Koonfur Galbeed.

Guddoomiye ku-xigeenka koowaad ee Golaha Shacabka oo Shir Guddoomisay shirka Guddiga Xeerhoosaadka Golaha Shacabka

Xubnaha Guddiga Xeer Hoosaadka, Daryeelka, Anshaxa iyo Xasaanadda ee Golaha Shacabka ayaa maanta kulan dib u eegista xeerhoosaadka Golaha Shacabka ah waxa uu uga furmay Magaaladda Garoowe ee xarunta Dowlad Goboleedka Puntland,waxaana furitaanka ka qeyb galay Guddoomiye kuxigeenka koowaad ee Golaha Shacabka Sadia Yasin Samatar.

Kulankan dib u eegista xeerhoosaadka Golaha Shacabka ah oo ay goob joog ahaayeen Habdhowraha Golaha Shacabka labadiisa kuxigeen iyo sidoo kale Xoghayaha Guud ee Golaha Shacabka ayaa waxaa ugu horeyn ka hadlay Guddoomiyaha Guddiga Xeerhoosaadka Anshaxa,Xanaasada iyo Daryeelka ee Golaha Shacabka Xildhibaan Cabdisamad Macalin Maxamuud.

Habdhowraha Golaha Shacabka Xildhibaan Maxamed Cabdullaahi Xasan (Nuux) ayaa ka qeyb galayaasha kulanka u faahfaahiyay muhiimada kulanka iyo sidoo kale kaalinta xeerhoosaadka uu kaga jiro guud ahaan howlaha Golaha Shacabka.

Guddoomiye Kuxigeeka Koowaad ee Golaha Shacabka Sacdiya Yaasiin Xaaji Samatar oo kulanka si rasmi ah u furtay ayaa sheegtay in kulankan maalmaha uu socdo looga baahanyahay ka qeyb galayaasha in ay xooga saaraan ka doodista qodobada xeerhoosadka oo muhiim u ah howlaha golaha.

 

GUDDOOMIYE SHEEKH AADAN OO U TACSIYEEYAY GUDDOOMIYE KU-XIGEENKA LABAAD OO WALALKIISA LAGU DILAY MUQDISHO

Guddoomiyaha Golaha Shacabka Baarlamaanka Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya Mudane Sheekh Aadan Maxamed Nuur (Madoobe) ayaa tacsi tiiraanyo leh u diray Guddoomiye Ku-xigeenka Labaad ee Golaha Shacabka Mudane Cabdullahi Cumar Abshirow oo walalkiisa Marxuum Cabdiraxmaan Cumar Abshirow Kooxo arxaan laawayaal ah ku dileen magalada Muqdisho.

“Aniga oo ku hadlaya magaceyga iyo guud ahaan Golaha Shacabka BJFS, waxaan tacsi tiiraanyo leh u dirayaa Gudddomiye Ku-xigeenka 2aad ee Golaha Shacabka BJFS Mudane Cabdullahi Cumar Abshiroow oo walaalkiis Cabdiraxmaan Cumar Abshiroow ay kooxo hubeysan saakay ku dileen Degmada Dharkeynleey ee magaalada Muqdisho,” ayuu yiri Guddoomiye Sheekh Aadan.

Guddoomiyaha Golaha Shacabka ayaa Alle uga baryay qoyska, qaraabada iyo dhammaan Shacabka Soomaaliyeed uu ka baxay inuu samir iyo Iimaan ka siiyo isagoo marxuumka Eebbe Weyne uga baryay in uu jannadiisa Firdowsa ka waraabiyo.

Madacweynaha Koonfur Galbeed oo gaaray Degmada Ceelberde ee Gobolka Bakool

-Madaxweynaha Dowladda goboleedka Koonfur Galbeed Mudane Cabdicasiis Xasan Maxamed Laftagareen iyo Wafdi uu hoggaaminayo ayaa lagu soo dhoweyey Degmada Ceelberde ee Gobolka Bakool.

Socdaalka Madaxweynaha ayaa ku qotoma ukuura-gelida Xaalada Degmada Dhinacyada Amniga,Saamaynta Abaarta iyo Dhiiragelinta Ciidanka iyo Dadka Deeganka oo u diyaar Garoobey Bilaabida howlgallo Cadowga  Khawaarijta Alshabaab lagaga Xureynayo Goobaha ay kaga dhuumaalaysanayaan Deeganada Koonfur Galbeed.