Ciidanka xoogga oo khawaarijta Al-Shabaab ku jabiyay weerar ay isku dayeen in ku qaadaan deegaanka Qaayib ee Gobolka Galgaduud

Ciidanaka Xoogga dalka iyo Dadka degaanka ayaa Khawaarijta Alshabaab ku jabiyay dagaal ka dhacay magaalada Qaayib ee degmada Baxdo, ka dib markii Argagixisada nafla caariga ah ee dalka laga sifaynayo ay weerar ku qaadeen saldhig ciidanka xoogga iyo geesiyaasha dadka deegaanka ay ku lahaayeen Qaayib, sida uu warbaahinta Qaranka u sheegay Afhayeenka Wasaaradda Gaashaandhiga Soomaaliya.

Gen. C/llaahi Cali Caanood ayaa sheegay inuu jiro Khasaaro xoog badan oo la gaarsiiyay Khawaarijta, isla markaana goor dhow la soo gudbin doono.

Qaayib ayaa ka mid ah magaalooyinkii ugu danbeeyay ee laga faramaroojiyay Khawaarijta Alshabaab

Madaxweynaha JFS oo ka qeyb galayo shirka caalamiga ah ee Cimilada Adduunka oo lagu qabanayo dalka Masar.

Madaxweynaha Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya Mudane Xasan Sheekh Maxamuud iyo wafdi uu hoggaaminayo oo ka qeyb-galaya shirka caalamiga ah ee Cimilada Adduunka ayaa lagu soo dhaweeyey magaalada Sharma Sheekh ee dalka Masar.

Madaxweynaha iyo khuburada cimilada Soomaaliyeed ee ku wehelisa Shirka COP-27 ayaa la wadaagaya Madaxda Caalamka, saameynta xooggan ee isbeddelka cimiladu ay ku yeelatay nolasha dadka Soomaaliyeed iyo qorsheyaasha Dowladdu ay kula taacaleyso abaaraha, nabaad-guurka iyo fataahadaha oo ka mid ah saameynta isbeddelka cimilada.

   

Madaxweyne Xasan Sheekh oo la kulmay Guddiga Qaran ee la dagaalanka Lacaga Sharci-darrada iyo ka hortaga Maalgelinta Argagaxisada

Madaxweynaha Dowladda Federaalka Soomaaliya, Xasan Sheekh Maxamuud oo la kulmay Guddiga Qaran ee La-dagaallanka Lacag-dhaqidda iyo Ka-hortagga Maalgelinta Argagaxisada (AML/CFT) ayaa ku adkeeyey dardar gelinta qorshaha qaran ee lagu curyaaminayo ilaha dhaqaale ee maal-geliya falalka arxan darrada ah ee khawaarijta Al-shabaab.

Madaxweynaha ayaa dul istaagay dagaalka ka dhanka ah argagixisada Alshabaab ee dhinacyada dhaqaalaha, fikirka iyo furimaha dagaalka, waxa uuna tilmaamay doorka muhiimka ah ee ganacsatada Soomaaliyeed ay ku leeyihiin sidii dadka Soomaaliyeed looga dulqaadi lahaa xasuuqa, boobka iyo gumeysiga ay ku heyso argagixisadu.

Guddigan Qaran oo la aas-aasay sanadkii 2016-kii ayaa waxaa ku mideysan hay’ado dalka ee dhanka dhaqaalaha, amniga iyo garsoorka, iyadoo ay Madaxweynaha uga warbixiyeen baraarugga ganacsatada Soomaaliyeed ee ka dhanka ah argagixisada, waxa ayna tilmaameen sida ay hoos uga dhacayso baadda khawaarijtu ay ka qaadi jireen ganacsatada Soomaaliyeed.

Madaxweynaha Jamhuuriyadda ayaa ku celiyey go’aankiisii ku aaddanaa ganacsatada la macaamisha argagixisada, waxa uuna sheegay in ciddii dhaqaale siisa argagixisada ay door ka qaateen qaraxyada iyo xasuuqa lagu gumaaday ardayda, hooyooyinka, waxgaradka iyo guud ahaan dadka Soomaaliyeed ee birmu-geydada ah.

Sidoo kale, Madaxweynaha waxa uu faray in la dar dar geliyo qorshaha ciribtirka khataraha maaliyadeed, si dalka loogu diyaariyo in uu ka gudbo qiimaynta Hay’ada la dagaalanka Kahataraha maaliyadeed ee Bariga Dhaxe iyo Waqooyiga Afrika (MENAFAT).

Kulankan waxaa ka qeyb galay Wasiirrada Xukuumadda Federaalka Soomaaliya ee, Maaliyadda, Cadaaladda, Amniga Gudaha, Ganacsiga iyo Warshadaha, Agaasimaha Guud ee Hey’adda Sirdoonkq Qaranka, Guddoomiyahq Bangiga Dhexe, Xeer ilaaliyaha Guud ee Qaranka, Agaasimaha Hey’adda Warbixinada Maaliyadeed (FRC).

Madaxweyne Xasan Sheekh oo magacaabay Lataliyaha xiriirka caalamiga ah iyo isu-duwaha barnaamijyada.

Madaxweynaha Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya Mudane Xasan Sheekh Maxamuud ayaa u magacaabay Mudane Nasa Ige in uu noqdo Lataliyaha xiriirka caalamiga ah iyo isuduwaha barnaamijyada.

Madaxweynaha ayaa tilmaamay in mudane Nasa Ige uu aqoon iyo waayo aragnimo ku filan u leeyahay hannaanka faca weyn ee diblumaasiyadda dalkeenna, duruufaha ku xeeran iyo ahmiyadda xiriir caalamiga ah.

Madaxweyne Xasan Sheekh Maxamuud ayaa Alle uga baryey Lataliyaha xiriirka caalamiga ah iyo isuduwaha barnaamijyada, in uu u fududeeyo masuuliyadda culus ee uu u magacaabay, waxa uuna kula dardaarmay in uu si hufan oo daacadnimo leh ugu adeego Qaranka.

Shir Wadatashi ah oo u furmay Wasiirrada Gaadiidka heer Federaal iyo D/gobaleed

Shir Wasiirrada Gaadiidka iyo Duulista Hawada ee heer Federaal iyo Dawlad-gobolleedyada ayaa maanta ka furmay Muqdisho.
Shirkan oo ah midkii u horreeyay muddo sanno ka badan ay yeelanayaan wasiirrada Gaadiidka iyo Duulista Hawada ee heer Federaal iyo Dawlad-gobolleedyada ayaa socon doonaa muddo saddex maalin ah , iyadoo warmurtiyeed laga soo saari doono.
Wasiirka Gaadiidka iyo Duulista Hawada Xukuumadda Federaalka Soomaaliya , Xil. Fardowsa Cismaan Cigaal oo shirka furtay ayaa sheegtay in ujeeddada laga leeyahay ay tahay sidii loo xoojin lahaa iskaashiga , wada-shaqeynta horumarinta iyo mideynta siyaasadaha iyo shuruucda Gaadiidka iyo Duulista Hawada.

DEG-DEG: Howlgal qorsheysan oo lagu dilay 21 ka tirsan Khawaarijta Al-shabaab

21 ka tirsan tirsan Khawaarijta Al-Shabaab ayaa lagu dilay ku dhowaad 10 kalana way ku dhaawacmeen, howlgal qorshaysan oo ciidanka gaarka ah ee Hay’adda Nabad Sugida iyo Sirdoonka Qaranka ay ka fuliyeen deegaanka Galka Saalimow oo ka tirsan gobolka Shabeellaha Hoose.

Howlgalkaan ayaa ka danbeeyay ka dib markii Ciidanka Sirdoonka uu helay xogta kooxdaan Khawaarijta ah oo ka mid ahayd kooxaha jabhadaha oo xiligaasi ku howlanaa diyaarinta falal ay doonayeen inay ku dhibaateeyaan shacabka Soomaaliyeed.

Howlgalka oo ahaa mid bartilmaameed ah ayaa u dhacay sidii loo qorsheeyay waxaana lagu burburiyay dhammaan kooxdii Khawaarijta ahayd ee halkaasi ku sugnaa iyo dhagartii ay u maleegayeen shacabka Soomaaliyeed.

Jabkaan gaaray argagixisada ayaa ka dhigan in afar maalmood gudahooda Ciidanka Qaranka ay dileen ku dhowaad 200 oo ka tirsan Khawaarij Al-Shabaab.

Dowladda Soomaaliya waxay u mahadcelinaysaa dhammaan shacabka Soomaaliyeed oo fahmay muhiimada in hal meel looga soo wada jeesto Khawaarijta dalka, dadka iyo diinta duulaanka ku ah.

Wasaaradda Diinta iyo Awqaafta XFS oo soo saartay amaro ka dhan ah Khawaarijta

Wasaaradda Diinta iyo Awqaafta Soomaaliya, iyadoo fulineysa awaamiirta madaxda qaranka ee ku aadan la dagalaanka Khawaarijta ayaa soo saartay qodobada hoos ku xusan.

 

Soomaaliya iyo Suudaan oo arrimo muhiim ah ka wada hadlay

Danjiraha Dowladda Federaalka Soomaaliya u fadhiya dalka Suudaan Mudane Maxamed Sheikh Isxaaq ayaa maanta kulan miro dhal ah la qaatey wasiirka Caafimaadka Dowladda aan walaalaha nahay ee Suudaan Mudane Dr. Heytham Mohamed Ibrahim.

Labadan mas’uul ayaa ka wada hadlay xoojinta xiriirka taariikhiga ah ee u dhaxeeya labada dal iyo iskaashiga dhinaca Caafimaadka, waxay sidookale isla soo hadal qaadeen arrimaha khuseeya ardeyda Caafimaadka iyo fursadaha ka jira dalka Suudaan si ay ugu faa’ideystaan.

Sidoo kale, Safiirka iyo wasiirka caafimaadka dalka Suudaan ayaa isla garteen in la xaliyo cagabadaha si gaarka  ah u heesta ardeyda imtiyaazka ee Internshipka, wuxuuna ku dhammaadey guul.

Wasiir Fiqi oo Xudur uga qeyb galaya xafladda caleema saarka maamulka cusub ee degmadaas

Wasiirada Wasaaradaha arrimaha gudaha ee Dowlada Federaalka Soomaaliya Mudane Ahmed Moallim Fiqi iyo Koonfur Galbeed Mudane Abdullahi Haaji Hassan iyo wefdi ay hogaaminayaan ayaa maanta gaarey Magaalada Xudur ee Xaruunta Gobolka Bakool.

Wafdiga waxaa qeyb ka ah Xildhibaano, Wasiiro ka tirsan dowlada Federaalka iyo Koonfur Galbeed Agaasimaha Guud ee Madaxtooyadda Mudane Cabdifitaax Mahad Agaasimaha Wasaaradda Arimaha Gudaha Koonfur Galbeed lataliyaasha Madaxweynaha Maamul Daadajinta,warfaafinta iyo masuuliyiin kale.

Waxaana magaalada Xudur ay kaga qeybgali doonaan Munaasabadda Caleemasaarka maamulka cusub ee dhowaan Bulshada ay doorteen ee magaalada Xudur.