Macallinka waa Barbaariyaha iyo hagaha Bulshada

Xuska 21-ka Nofembar waa maaalinta macalinka SoomaaliyeedMaanta waxay ku beegan tahay sanadguuradii 48-aad ee ka soo wareegatay aasaaskii maalinta Macallinka Soomaaliyeed oo ah mid ku wen umadda Soomaaliyeed meel kasta  oo ay joogaan iyo si kasta oo ay u nool yihiin.

21kii Nofember 1974-tii ,ayaa loo asteeyay maalinta macallinka Soomaaliyeed, waxayna ahayd maalin si wayn ay u maamuusi jireen shacbiga iyo dowladba, waxaana la samayn jiray munaasabado lagu waynaynayo xurmada macallinka iyo doorkiisa Qiimaha badan.

Waxaa xusid mudan Haldoorkii kaalinta wayn ka soo qaatay horumarinta waxbarashada dalka waxaa ka mid ahaa:

1-Shiikh Yuusf Al-Kownayn oo ahaa macaliinkii hingaadda xuruufta carabiga u rogay af Soomaali,arintaasi oo ardayda Soomaaliyeed ee Qur’aanka baranaysa u fududaysay qoraalka farta carabiga,    ( أَ   إِ  أٌ ),  ALIF LA KORDHABEY, ALIF LA HOOS DHABEY, ALIF LAA GODAY. 

2-Macallin Jaamac Bilaal, oo ahaa aabihii buddhigaha u ahaa waxbarashada gobollada koonfureed,wuxuu dhexda u xirtay lana dagaalamay afkaarihii haraadiga ahaa ee bulshadu ka aaminsanaayeen waxbarashada, wuxuuna ka furay magaalada muqdisho School yar oo arday kooban uu wax ku bari jiray.

3-Macallin Max’uud axmed Cali wuxuu ahaa aasaasihii waxbarashada gobollada waqooyi,wuxuu dadaal ugalay sidii bulshada gobollada waqooyi ay u heli lahaayeen wabarasho horumarsan, dadaalkiisii nafhurnimada ahaa waxaa ka horyimid gumaysigii ingiriiska oo diidanaa in shacbiga ay waxbartaan,kadibna ay fahmaan waxa ka maqan iyo qiimaha xoriyadda, sidoo kale macallin Max’uud Axmed Cali waxaa u suurtagasahay inuu fikir ahaan kaga adkaado Soomaalidii aragtida qaldan ka aaminsanaa waxbarashada maadiga ah.

21ka Nofember Waa maalin ka mid ah maalmaha ku xardhan quluubta dadka Soomaaliyeed, waxaana maanta oo kale la fasixi jiray dugsiyada iyo dhamaan Goobaha kale ee Waxbarashada si loo xuso kaalinta macaallimiinta Soomaaliyeed ay ku dhex leeyihiin bulshada.

Mid kamid ah macalimiinta wax ka dhiga Dugsiyada ku yaalla magaalada Muqdisho ayaa sheegay in Macalinka wanaagsan uu muhiimad gaara u leeyahay bulshada uu la nool yahay, maantana ay tahay maalin qadarin leh oo loo baahan yahay in si wayn loogu dabaal dago, si Macalimiinta ugu dhiiradaan inay sii wadaan Kobcinta waxbarashada dalka.

Barayaasha Soomaaliyeed ayaa si dulqaad leh mudadii uu dalka burbursanaa u adkeeysanayay ku shaqaynta xaaladihii adkaa ee la soo maray, mudadii dalka dowlad la’aanta ahaa, haddii macallinka Soomaaliyeed uusan naftiisa u huri lahayn waxbaridda ardayda,waxaa maanta mugdiga jahliga dhex muquuran lahaa arday badan oo waxbartay, kaalin hormuud ahna kaga jira horumarinta dalka.

Marka la eego dunida Casriga ah, waxbarashada ayaa ah tan isku xirtay iskuna soo dhawaysay qaybaha kala duwan ee Caalamka, waana taas midda uu u  taagan yahay Macalinka Soomaaliyeed,Macallinku waa barbaariyaha iyo hagaha Ummadda wuxuu ka saara jahliga iyo mugdiga aqoon darrida.

Macalinku waa waalidka labaad ee ardayga wuxuuna ka waraabiyaa durdurka, aqoonta iyo ilayska Cilmiga, taasina waxaa ka garan kartaa abaalka Macallinka in aan la gudi Karin Xikmaddii macnaheedu ahaa (Qofkii hal xaraf I bara waxaan u noqon lahaa adoon).

Tan iyo intii sooyaalka dunida jiray markasta macalimiin iyo dad aqoon leh ayaa bulshada kala dagaalami jiray jahliga & dib u dhaca, isla markaasna soo saari jiray dad umadooda anfaca.

Macallinku wuxuu maamuus, xushmad iyo karaamo ku dhex leeyahay bulshadiisa maadaama uu soo saarayo kaadir aqoon leh iyo hogaamiyihii mustaqbalka iyo aayaha bulshadiisa, waa tusaale fiican iftiin ku dayasho mudan,laguna tilmaami karo Tiirdhexaadka bulshada.Diinta islaamkuna waxay gaarsiisay macalimiinta martabad aad u saraysa oo maamuus iyo qadarin badan.

Abuukar Gobdoon

Dhallinyaro u diyaar garowday la dagaallanka Khawaarijta oo lagu soo bandhigay Shabeellada Dhexe

Dhallinyarada dooneysa in ay ku biiraan kacdoonka dalka looga xorreynayo Khawaarijta Al Shabaab ayaa sii xooggeysanaya muddooyinkaan ayada oo inta badan goboladda dalka ay iska abaabulayaan shacabka oo darreemay dhagarta caddowga.

Tuulada Aqab duco oo u dhaxeysa Biya Cadde iyo Miirtaqwo ee gobolka Shabeelaha dhaxe ayaa lagu soo bandhigay dhallinyaro badan oo ka mid ah dadka deegaanadaas oo doonaya in ay qeyb ka noqdaan howgalka dib u xorreynta deegaanadda gobolka Shabeelaha.

          

Madaxweyne Xasan Sheekh oo magacaabay Guddoomiye ku-xigeennada iyo Xoghayaha Gobolka Banaadir

Madaxweynaha Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya Mudane Xasan Sheekh Maxamuud oo tixraacaya soo-Jeedinta Wasaaradda Arrimaha Gudaha, Federaalka & Dib u Heshiisiinta XFS ayaa magacaabay Guddoomiye ku-xigeenada iyo Xoghayaha Guud ee Gobolka Banaadir.

Mudane Ciise Maxamuud Guure Guddoomiye Ku-Xigeenka Arrimaha Maamulka iyo Maaliyadda

Mudane Maxamed Axmed Diiriye (Yabooh) Guddoomiye Ku-Xigeenka Arrimaha Siyaasadda iyo Amniga

Mudane C/Casiis Cismaan Maxamed Guddoomiye Ku-Xigeenka Arrimaha Bulshada

Mudane Xasan Maxamed Jimcaale Guddoomiye Ku-Xigeenka Howlaha Guud

Mudane Faysal Carraale Afrax Xog-Hayaha Guud.

Xeerkan Madaxweyne ayaa waafaqsan qodobbada 87-aad iyo 90-aad ee Dastuurka Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya iyo Xeer Lr. 6 ee soo baxay 12/02/1980 kuna saabsan in G/Banadir iyo Dowladda Hoose ay hoos yimadaan Madaxtooyada J.F.S.

Xeerkan Madaxweyne ee lagu magacaabay Guddoomiye ku-xigeennada iyo Xoghayaha Guud ee Gobolka Banaadir, ayaa dhaqan galay, maanta oo ay taariikhdu ku beegan tahay Axad, 20-ka Nofeembar, 2022.

Madaxweynaha JFS oo lagu soo dhoweeyay magaalada Baladweyne

Madaxweynaha Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya mudane Xasan Sheikh Maxamuud iyo wafdi uu hoggaaminayo ayaa maanta gaaray magaalada Baladweyne ee xarunta gobolka Hiiraan.

Madaxweynaha ayaa waxaa garoonka diyaaradaha Ugaas Khaliif ku soo dhoweeyay madaxweynaha maamulka Hirshabeelle Cali Guudlaawe Xuseen, xildhibaano,wasiiro iyo Bulshada qeybaheeda kala duwan.

Ra’iisal wasaare Xamsa oo la kulmay Danjiraha cusub Imaaraadka Carabta

Ra’iisul Wasaaraha Xukuumadda Federaalka Soomaaliya Mudane Xamsa Cabdi Barre ayaa xafiiskiisa ku qaabilay Danjiraha cusub ee dowladda Isutagga Imaaraadka Carabta u fadhiya  Soomaaliya Mudane Ahmad Juma Al Rumaithi.

Ra’iisul Wasaaraha iyo Danjiraha ayaa ka wada hadlay adkeynta iskaashiga iyo xiriirka u dhaxeeya labada waddan iyo dardargelinta taageerada dhinacyada kala duwan ee ay dowladda Imaaraadku siiso Soomaaliya.

Madaxweyne Xasan Sheikh oo xarigga ka jaray madaxtooyada cusub ee Galmudug

Madaxweynaha Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya Mudane Xasan Sheekh Maxamuud oo uu wehelinayo Madaxweynaha Dowlad-goboleedka Galmudug Mudane Axmed Cabdi Kaariye Qoorqoor ayaa xarigga ka jaray dhismaha cusub ee xarunta Madaxtooyada Galmudug.

Madaxweynaha Jamhuuriyadda oo ku bogaadiyey madaxda dowlad-goboleedka Galmudug dadaalka xooggan ee ay galiyeen dhismaha xarumaha danta guud ayaa tilmaamay in hirgelinta mashruucan iyo halganka lagu xoreynayo deegaanada ku jira gacanta cadowga ay ka turjumeyso go’aanka wanaagsan ee ay qaateen madaxda iyo shacabka Galmudug.

“Tallaabadan dhaxal reebka ahi waxa ay astaan u tahay halganka dhabta ah ee dadka reer Galmudug ugu jiraan hagaajinta mustaqbalkooda.

dowladnimo iyo dad qaatay go’aan dhaxalgal ah ayaa iiga muuqata Galmudug waana halka aan dooneyno in aan u jiheyno guud ahaan dadkeenna.”

Munaasabadda xarig jarka xarunta Madaxtooyada cusub ee Galmudug waxaa ka qayb galay Wasiirro iyo Xildhibaano heer federaal ah, Madaxweyne ku xigeenka Galmudug, Guddoomiyaha Baarlamaanka Galmudug, Wasiiro iyo Xildhibaano ka tirsan dowlad-goboleedka Galmudug, mas’uuliyiinta maamulka gobolka Galguduud iyo kan caasimadda Galmudug.

Koobka Adduunka ee 2022 oo maanta ka furmaya dalka Qadar

Waxaa maanta oo ay taariikhda ku beegan tahay 20/11/2022, magaalada Dooxa ee caasimadda dalka Qadar si rasmi ah uga furmi doona koobka Adduunka oo afartii sano hal mar la qabto.

32-dal oo ka kala socda caalamka ayaa ka qeyb galaya Koobkan, waxaana ciyaarta ugu horeysay oo ka dhaceysa garoonka Al-Bayd ee magaalada Al-Qowf lagu daah-furi doonaa Xulalka Qadar iyo Ecuador.

Dowladda Qadar ayaa sanadihii ugu dambeeyay si weyn ugu diyaar-garoowbeysay qabashada Koobka Adduunka ee 2022, waxaana dalkaas gaaray dad ka badan labo milyan oo ruux si ay u daawadaan ciyaarahan xiisaha gaarka ah leh.

Axmed Meyre Makaraan” Adkeysta guusha Khawaarijta waa dhowdahay,”

Degaano ka tirsan gobolka gobolka Shabeellaha dhexe waxaa weli ka socda howlgallo ka dhan ah kooxda Khawaarijta Al-shabaab, kuwaas oo ay iska kaashanayaan ciidamada xoogga dalka iyo dadka degaanka.

Guddoomiyaha gobolka Shabeellaha Dhexe Axmed Meyre Makaraan oo dardar gelinaya dagaalka lagula jiro Khawaarijta ayaa ku booriyay shacabka gobolka in ay hubka qaataan iskana dhiciyaan maleeshiyada Al-shabaab

“Haddii aad qorax kulul aragtaan, haddii aad dhaxan daran aragtaan, haddaa dhib walba aragtaan, dulqaata intaasba Khawaarijtaa ka sii xun ee hala adkeysto guushu way dhawdahaye”. Ayuu yiri guddoomiyaha.

Sidoo kale, Odayaasha dhaqanka gobolka Shabeellaha dhexe oo ka hadlay dagaalka argagixisada looga xoreynayo gobolkaas ayaa balan qaaday in ay hiil iyoo hooba la garab taagan yihiin ciidamada qaranka iyo dadka is abaabulay ee doonaya in ay iska dul qaadaan nabad-diidka, kuwaas oo dhibaato xooggan ku haya shacabka Soomaaliyeed.

Odayaasha dhaqan ayaa sheegay in Argagaxisadu dhibaato ku heyso dadka iyo degaanka in leyska dhiciyana muhiimadooda koowaad tahay.

Ciidamada xooga dalka oo kaashanaya dadka deegaanka ayaa argagixisada ka saaray degaanada cadcadeey, Geyfo, Bakajeex, Qoordheere, kuwaas oo muddo shacabka ku dhibaateyn jireen.

Wasiir ku-xigeenka wasaaradda arrimaha dibadda Soomaaliya oo soo dhaweeyay wakiilka cusub ee Midowga Afrika

Wasiir ku-xigeenka Wasaaradda Arrimaha Dibadda iyo Iskaashiga Caalamiga H.E. Mudane Isaaq Maxamuud Mursal, ayaa garoonka diyaaradaha Aadan Cadde ee magaalada Muqdisho ku soo dhoweeyay wakiilka cusub ee Midowga Afrika, H.E. Amb. Mohammed El-Amine Souef, oo Sabtidii shalay soo gaaray.

Wasiir ku-xigeenka ayaa ugu hambalyeeyay wakiilka cusub xilka loo magacaabay ee ah Ergeyga Gaarka ah ee Guddoomiyaha Guddiga (SRCC) iyo Madaxa Howlgalka KMG ah ee Midowga Afrika ee Soomaaliya (ATMIS), isagoona u rajeeyay guul muddada uu xafiiska joogo.

H.E. Isaaq Mursal, ayaa isagoo ku hadlaya magaca Dowladda Federaalka Soomaaliya mahadcelin iyo bogaadin u jeediyay Ciidamada Midowga Afrika ee Soomaaliya u jooga in ay naftooda u huraan horumarinta amniga iyo dhiira-gelinta ciidamada qaranka oo dagaal kula jira kooxda Khawaarijta Al-shabaab

Wasiir ku xigeenka iyo wakiilka, ayaa hoosta ka xariiqay in dagaalka lagula jiro Al-Shabaab loo baahan yahay in la sii labo jibaaro, islamarkaana la dardar geliyo sidii guud ahaan dalka looga xoreyn lahaa, taas oo muhiim u ah nabadeynta iyo xasiloonida Soomaaliya.

Dowladda Federaalka Soomaaliya oo kaashaneysa, dadka deegaanka iyo saaxiibada caalamiga ah ayaa xoojisay howlgalada ka dhanka ah argagixisada ee ka socda dalka, kaas oo hadda meelo badan oo dalka ah laga xoreeyay.

Madaxweyne Xasan Sheekh “Dadka Baxdo waqti munaasab ah ayay qaateen go’aanka horseeday in ay xorriyad ugu noolaadaan Dhulkooda”

Baxdo- Madaxweynaha Jamhuuriyadda Federaalka Mudane Xasan Sheekh Maxamuud oo dardar galinaya howlgalada dalka looga ciribtirayo Khawaarijta Al-shabaab ayaa gaaray magaalada Baxdo ee gobolka Galguduud oo ka mid ah deeganada laf dhabarta u ah halganka socda ee ka dhanka ah Argagixisada, waxaana halkaasi si diiran ugu soo dhaweeyay Madaxweynaha Galmudug, Wasiirro, Xildhibaanno iyo shacabka deegaanka.

Madaxweynaha jamhuuriyadda oo boqolaalka ka mid ah bulshada magaalada Baxdo kula hadlay fagaaraha Masjika Al-nuur oo ah saldhigga halganka diiniga ah ee hortagga figirka guracan iyo gumaadka Khawaarijta Al-shabaab ayaa ku bogaadiyay sida naf hurnimada ah ee ay ugu guntadeen difaaca dhulkooda, waxa uuna adkeeyay muhiimadda in waqti kooban lagu xoreeyo deegaanada GALMUDUG ee ku haray gacanta cadowga.

Madaxweynaha oo xusay geesinimada iyo nafhurnimada ay muujiyeen bulshada magaalada Baxdo ayaa tilmaamay in dowladdu ay diyaarisay qorshe adeegyada dowladnimada lagu gaarsiinayo dagmooyinka dadkoodu iska dulqaadeen heeryada Argagixisada.

“Dadka ree Baxdo, waqti munaasib ah ayeey qaateen go’aan dhaxal gal ah, kaasi oo horseeday in maanta ay si nabad iyo xorriyad ah ugu noolaadaan deegaankooda iyaga oo aan cabsi ka qabin amarada qaldan iyo addoonsiga Khawaarijta isla markaana difaacday naftooda, maalkooda, sharafkooda iyo diintooda. Geeddiga dabar goynta Khawaarijtu waa billowday, waa in aan dhaqso ku rumeyno riyada halyeeyadii naga shahiiday iyaga oo difaacaya deegaankan oo aan cadowga uga daba tagno meelaha uu weli ku dhibaateynayo dadkeenna.”

Dhanka kale, Madaxweynaha oo sii wata kormeerkiisa abaabulka dagaalka dalka looga xoreynayo Khawaarijta ayaa u safray magaalada Wisil ee gobolka Mudug.

 

Waxay noqon kartaa sawirka hal qof ama dad badan, dad taagan iyo bannaanka

Waxay noqon kartaa sawirka 2 qof iyo Cunug

Waxay noqon kartaa sawirka 3 qof, dad taagan iyo bannaanka

Waxay noqon kartaa sawirka 4 qof iyo dad taagan

Waxay noqon kartaa sawirka 8 qof, dad taagan iyo bannaanka

Waxay noqon kartaa sawirka hal qof ama dad badan, dad taagan, dad lugeynaya, bannaanka iyo dad tiro badan