Hantidhawrka Guud ee Qaranka oo soo bandhigay Warbixinnada Baarista Sannadlaha ee 2021

Xafiiska Hantidhawrka Guud ee Qaranka ayaa soo bandhigay Warbixinnada Baarista Sannadlaha ee 2021.

Warbixinnada ayaa lagu xusay xog muhiim ah oo ku aaddan khaladaad la xiriira sida Hay’adaha Dawladda Federaalka Soomaaliya ay u maareeyeen heshiisyada, iibka, deeqaha dibadda iyo daymaha qaranka.

Warbixinnada ayaa waxay kala yihiin:

1. Warbixinta Baarista Maaliyadeed (Xisaab-xirka DFS)
2. Warbixinta U Hoggaansanaanta Sharciga
3. Warbixinta Daahfurnaanta, Isla-xisaabtanka iyo U-dhammaanshaha Iibka la xiriira COVID-19.
4. Warbixinta Dib-u-eegista Habraaca Xukuumadda ee Mashaariic Hay’adaha Caalmiga
5. Warbixinta Baarista Nidaamka Maaraynta Xogta Maaliyadda Soomaaliya (SFMIS)

Warbixinnada oo dhammaytiran waxaad kala dagi kartaan:

Hoos ka dheeho xogta dulmar guud oo warbixinnadaas ku saabsan.

Maareeyaha Heya’adda Tayodhowrka Soomaaliyeed oo kulan la qaatay Guddoomiye-ku-xigeenka Hay’adda Tayodhawrka dalka Sacuudi Carabiya

Maareeyaha Hay’adda Tayodhawrka Soomaaliyeed – Somali Bureau of Standards – Md. Cali Yaasin Gurbe iyo wafti uu hoggaaminaayo oo ka qaybgalaya Shirka 24aad ee Golaha Maamulka iyo Shirweynaha 17aad ee Machadka Halbeegyada iyo Cabbirada ee dalalka Islaamka oo ka socda magaalada Istabul ee dalka Turkiga ayaa kulan la yeeshay Guddoomiye-ku-xigeenka Hay’adda Tayodhawrka ee dalka Sacuudi Carabiya Md. Sacuud bin Rashiid Al-Askar.

Labada dhinac waxay ka wada hadleen sidii iskaashi midho dhal ah oo la xidhiidha ilaalinta tayodhawrka labada dal ay u samaysan lahaayeen.

Guddoomiye-ku-xigeenka Hay’adda Tayodhawrka ee dalka Sacuudi Carabiya waxa uu u ballanqaaday Hay’adda Tayodhawrka Soomaaliyeed in ay ka gacansiin doonaan dhinacyada tababarka shaqaalaha waaxyaha kala duwan ee Hay’adda iyo kor-u-qaadista khibradda shaqaalaha. Sida oo kale waxa uu ballanqaaday in ay Hay’adda Tayodhawrka Soomaaliyeed ka taageeri doonaan hannaanka hubinta tayodhawrka iyo qalabaynta.

Qarax gaas oo sababay dhimasho iyo dhaawac dalka Ciraaq

Qarax gaas oo ka dhacay goob lagu dubo roodhida ayaa sababay dhimashada afar qof iyo dhaawaca 26 qof sida ay sheegeen masuuliyiinta caafimaadka ee gobolka Duhok.

Saraakiisha Caafimaadka ee dowlad goboleedka Kurdiyiinta Ciraaq (KRG) ayaa sheegay in dadka dhaawacmay la dhigay isbitaallada.

Toddobaadkii hore ayaa isla qarax ka dhacay guri ku yaalla gobolka Sulaymaaniya ee waqooyiga Ciraaq ka dib markii uu gaas ka soo baxay, waxaana ku dhintay 15 qof 12 kalena waa ku dhaawacmeen.

Madaxweyne Xasan Sheekh oo Bareyaasha Soomaaliyeed ugu hambalyeeyey xuska maalinta Macalinka Soomaaliyeed

Madaxweynaha Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya Mudane Xasan Sheekh Maxamuud oo Tiyaatarka Qaranka kaga qeyb galay munaasabadda Maalinta Macallinka Soomaaliyeed ayaa bareyaasha iyo bahda waxbarashada Soomaaliyeed ugu hambalyeeyey maalintan qiimaha badan.

Madaxweynaha ayaa xusay in Macallimiinta Soomaaliyeed ay ku soo shaqeeyeen duruufihii adkaa ee dalku soomaray, iyaga oo u dhabar adaygay si ay u badbaadiyaan Mustaqbalka Ubadka Soomaaliyeed, una soosaaraan jiilal tayo leh oo aasaas u ah horumarinta dalkeena iyo samatabixinta dowladdnimada Soomaaliyeed.

“Bahda waxbarashada waxaan ku biiray xilli adag oo dalka ay ka jireen duruufo qallafsan, waxaa khatar ku jiray nolashayada iyo tan ardayda, saas oo ay tahay waxaan culeysyadaas kala duwan ku ilaawi jirnay qiimaha shaqada aan qabanayno iyo rajada aan ka qabnay in ay aasaas u noqoto jiilal dadka iyo dalkaba waxtara”.

Madaxweynaha Jamhuuriyadda ayaa tilmaamay in Dowladda Federaalka Soomaaliya ay dadaal ku bixinayso dib u habeynta nidaamka waxbarashada dalka, taas oo ku saleysan baahiyaha ardayda, macalimiinta iyo guud ahaan bahda waxbarashada, waxa uuna sheegay in kor loo qaadayo miisaaniyadda waxbarasha dalka, si loo horumariyo nolasha Bareyaasha Soomaaliyeed.

Madaxweyne Xasan Sheekh oo Bareyaasha Soomaaliyeed ugu hambalyeeyey xuska maalinta Macalinka Soomaaliyeed

Madaxweynaha Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya Mudane Xasan Sheekh Maxamuud oo Tiyaatarka Qaranka kaga qeyb galay munaasabadda Maalinta Macallinka Soomaaliyeed ayaa bareyaasha iyo bahda waxbarashada Soomaaliyeed ugu hambalyeeyey maalintan qiimaha badan.

Madaxweynaha ayaa xusay in Macallimiinta Soomaaliyeed ay ku soo shaqeeyeen duruufihii adkaa ee dalku soomaray, iyaga oo u dhabar adaygay si ay u badbaadiyaan Mustaqbalka Ubadka Soomaaliyeed, una soosaaraan jiilal tayo leh oo aasaas u ah horumarinta dalkeena iyo samatabixinta dowladdnimada Soomaaliyeed.

“Bahda waxbarashada waxaan ku biiray xilli adag oo dalka ay ka jireen duruufo qallafsan, waxaa khatar ku jiray nolashayada iyo tan ardayda, saas oo ay tahay waxaan culeysyadaas kala duwan ku ilaawi jirnay qiimaha shaqada aan qabanayno iyo rajada aan ka qabnay in ay aasaas u noqoto jiilal dadka iyo dalkaba waxtara”.

Madaxweynaha Jamhuuriyadda ayaa tilmaamay in Dowladda Federaalka Soomaaliya ay dadaal ku bixinayso dib u habeynta nidaamka waxbarashada dalka, taas oo ku saleysan baahiyaha ardayda, macalimiinta iyo guud ahaan bahda waxbarashada, waxa uuna sheegay in kor loo qaadayo miisaaniyadda waxbarasha dalka, si loo horumariyo nolasha Bareyaasha Soomaaliyeed.

   

 

BURIN XEERARKA MADAXWEYNE EE KALA AH 40, 41 IYO 42, KUWAAS OO AAN WAAFAQSANAYN HABRAACA DASTUURKA KMG

Madaxweynaha Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya Mudane Xasan Sheekh Maxamuud ayaa soo saaray wareegto ku saabsan waafajenti sharciga Xeerar Madaxweyne oo la soo saaray sanadkii 2020-ka, kuwaas oo Aqalka Sare ee Baarlamaanka Federaalka Soomaaliya ay tilmaameen in ay khilaafsan yihiin habraaca Dastuurka kmg ah uu tilmaamayo.

MARKUU ARKAY: Qodobka 4aad, Faqradiisa 1aad ee Dastuurka KMG ee J.F.S.;

MARKUU ARKAY: Qodobada kala ah 71aad (b), 82aad (2), 111E, 111G iyo 112aad ee Dastuurka KMG ee J.F.S, Qodobka 9aad ee Sharciga Lagu Dhisay Gudidda Madaxa-Bannaan ee Doorashooyinka Qaranka Faqradiisa 1aad oo mudadda xil-haynta Guddida ku soo koobtay Lix sanadood oo aan la cusboonaysiin karaynin iyo Qodobka 10aad ee Sharciga Lagu dhisay Gudidda Madaxa-Bannaan ee Xuduudaha iyo Federaalka.

Madaxweynaha oo tixraacaya Qodobka 87aad ee Dastuurka Jamhuuriyada Federaalka Soomaaliya oo ku waajibinaya ilaalinta iyo horumarinta mabaadi’da aasaasiga ah ee Dastuurka dalka ayaa buriyey Xeererka Madaxweyne ee sida Dastuurka khilaafsan u soo baxay ee kala ah;

1- Xeer Madaxweyne Lr.40 oo ku taariikhaysan 31/12/2020, kuna saabsan Ansixinta Sharciga Wax-ka Bedelidda Qodobka 9aad ee Sharciga Lagu Dhisay Guddiga Madaxa-Bannaan ee Doorashooyinka Qaranka.

2- Xeer Madaxweyne Lr.42 oo ku taariikhaysan 31/12/2020, kuna saabsan Ansixinta Sharciga Wax-ka Bedelidda Qodobka 10aad ee Sharciga Lagu Dhisay Guddiga Madaxa-Bannaan ee Xuduudaha iyo Federaalka.

2- Xeer Madaxweyne Lr.41 oo ku taariikhaysan 31/12/2020, kuna saabsan Ansixinta Sharciga Hey’ada Diiwaan-Gelinta iyo Aqoonsiga Dadweynaha Soomaaliya.

Madaxweynaha Jamhuuriyadda ayaa faraya Xukuumadda Federaalka Soomaaliya in ay soo dhisto Xubnaha Guddiga Madaxa-Bannaan ee Doorashooyinka Qaranka iyo Xubnaha Guddiga a Madaxa-Bannaan ee Xuduudaha iyo Federaalka si waafaqsan Qodobka 112aad ee Dastuurka KMG iyo shuruucda lagu dhisay.

GUDDOOMIYAHA GOLAHA SHACABKA OO MACALIMIINTA SOOMAALIYEED UGA HAMBALYEEYAY BARBAARINTA UBADKA SOOMAALIYEED

Guddoomiyaha Golaha Shacabka Baarlamaanka Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya Mudane Sheekh Aadan Maxamed Nuur (Madoobe) ayaa munaasabadda 21 ka November awgeed waxaa uu hambalyo u diray dhammaan macalimiinta iyo bahda qalinleyda Soomaaliyeed oo soo barbaariyay ubadkeenna iyagoo dadaal dheer ku bixiyay sidii bulshada dhexdeeda uga badbaadin lahaayeen jahliga iyo mugdiga.

Guddoomiyaha Golaha Shacabka oo xusay in macalimiinta Soomaaliyeed ay ku shaqeeyaan daruufo adag islamarkaana aan helin dhaqaale ku filan ayuu ku boggaadiyay badbaadinta ubadka iyo kobcinta aqoonta bulshada Soomaaliyeed.

“Waxaan munaasabadda Maalinta Macallinka Soomaaliyeed awgeed, macallimiinta Soomaaliyeed la qaybsanayaa farxadda xuska maalintan qiimaha weyn ee 21-kaNovember.

Macallimiinta Soomaaliyeed waxay door muhiim ah ka qaateen garab istaaga bulshada xili dalkeena Ku jiray burbur iyo colaad sokeeye, iyagoo qaatay kaalintooda kaga aadan horumarinta waxbarashada, kobcinta iyo barbaarinta bulshada qaybaheeda kala duwan.

Maanta oo kale macallimiinta Soomaaliyeed waxay ku suntan yihiin dadaalkii joogtada ahaa oo ay ubadka Soomaaliyeed ku bixiyeen. Waxayna ku soo shaqeeyeen xiliyo adag oo ay duruufta qofna u saamaxeyn, iyaga oo u dhabar adaygay sidii ay u badbaadin lahaayeen mustaqbalka ubadka iyo bulshada Soomaaliyeed”

Guddoomiye Sheekh Aadan oo gunnaanadka hadalkiisa uga mahadceliyay macalimiinta ayuu ku dhiira geliyay in aanu marna ka caajisin barbaarinta ubadka Soomaaliyeed isagoona kula dardaarmay inay sii laba jibaaraan ka mira dhalinta doorkooda ku aadan badbaadinta bulshada.

Madaxweynaha Kazakhstan oo ku guulaystay doorashada madaxtinimada ee ka dhacday dalkaas

Madaxweynaha xilka haya ee Kazakhstan Kassym-Jomart Tokayev ayaa ku guuleystay doorashadii madaxtinimo ee dhacday Axadii, isagoo helay 81.31% codadkii la dhiibtay,

guddoomiyaha guddiga doorashada dhexe ee dalka Mr Nurlan Abdirov ayaa hadal kooban jeediyey isagoo soo xiganaya xog horudhac ah. “Kassym-Jomart Tokayev wuxuu helay 81.31% codadka, ama 6,456,392 cod,” ayuu tilmaamay. Abdirov ayaa intaa ku daray in xogtan ay bixiyeen guddiyada doorashada dhulalka ee magaalooyinka Shymkent, Almaty iyo Astana.

Ciidanka Xoogga oo hawlgal ku dilay laba horjooge oo ka tirsanaa Khawaariijta

Howgal qorshaysan oo ay fuliyeen ciidanka xooga dalka oo ka dhacay deegaanka Dhursheenshiblee ee gobolka Bakool, ayaa saaka lagu khaarijiyey, laba horjooge lagu magacaabo Axmed Mooragaabay iyo Cali Garweyne oo khawaariijta u qaabilsanaa baada shacabka iyo go’doominta magaalada Xuddur, sida ay xaqiijiyeen saraakiisha Ciidanka.

Deegaanka howlgalka ka dhacay ayaa qiyaastii 35km u jira Xuddur, waxaana ciidanka ka furteen horjoogiyaasha la laayay hubkii ay siteen, mana jiro wax khasaare ah oo soo gaaray ciidanka intii howlgalku socday.

Dilka labadan horjooge ayaa dharbaaxo weyn ku ah Khawaarijta guud ahaan gaar ahaan kuwa ku dhuumaaleysanaya deegaanada gobolka Bakool.

Abaabul aad u xoogan oo loogu diyaar garoobayo dib u xoreynta gobolada ayaa ka socda degmada Ceelbarde, halkaas oo ay ku sugan yihiin ciidanka xoogga dalka iyo kuwa  Daraawiishta Koofur Galbeed.

Ciidan Booliska oo gacanta kusoo dhigay eedaysane loo haysto falal Anshax xumo ah

aliska Ciidanka Booliska degmada Kaaraan ayaa gacanta kusoo dhigay xalay saqdii dhexe eedeysane 24-kii saac ee lasoo dhaafay lagu faafiyey muuqaalkiisa baraha bulshada isaga oo tacadi u geysanaya gabdho aan qaangaar aheyn.

Taliye ku xigeenka Ciidanka Booliska Gen. Zakiyo Xuseen ayaa sheegtay in eedeysanaha oo lagu magacaabo Xuseen Xasan Gaabow ciidanku soo qabteen kadib markii shacabka degmada ay soo gudbiyeen xogtiisa, isla markaana sharcigga la horgeyn doono.