Wasiirka dhallinyarada iyo cayaaraha XFS oo kulan la qaatay dhiggiisa Boqortooyada Morooco

Wasiirka wasaaradda dhallinyarada iyo cayaaraha XFS Mudane Xil Maxamed  Barre Maxamud ayaa  Kulan mira-dhal ah magaalada Muqdisho kula qaatay Wasiirka Dhallinyarada, dhaqanka iyo Isgaarsiinta Boqortooyada Morooco Mr Mohamed Mahdi Bin Saciid oo booqasho ku yimid dalka.

Labada wasiir ayaa ka sheekaystay fursadaha iyo caqabadaha haysta dhallinyarada labada dal iyo sida la isaga kaashan karo.

Wasiirka Dhallinyarada, Dhaqanka iyo Isgaarsiinta Boqortooyada Morooca ayaa sidoo kale warqad martiqaad ah oo ka timid boqorka Morooco gacanta u geliyay madaxwaynaha dalka Mudane Xasan Sheekh Maxamuud,In kasta oo labadeena dal ay qaaradda Afrika labo cirif kaga kala yaalaan hadana waxay wadaagaan waxyaabo badan oo ay iska kaashan karaan.

Wasiirka dhallinyarada iyo cayaaraha XFS oo kulan la qaatay dhiggiisa Boqortooyada Morooco

Wasiirka wasaaradda dhallinyarada iyo cayaaraha XFS Mudane Xil Maxamed  Barre Maxamud ayaa  Kulan mira-dhal ah magaalada Muqdisho kula qaatay Wasiirka Dhallinyarada, dhaqanka iyo Isgaarsiinta Boqortooyada Morooco Mr Mohamed Mahdi Bin Saciid oo booqasho ku yimid dalka.

Labada wasiir ayaa ka sheekaystay fursadaha iyo caqabadaha haysta dhallinyarada labada dal iyo sida la isaga kaashan karo.

Wasiirka Dhallinyarada, Dhaqanka iyo Isgaarsiinta Boqortooyada Morooca ayaa sidoo kale warqad martiqaad ah oo ka timid boqorka Morooco gacanta u geliyay madaxwaynaha dalka Mudane Xasan Sheekh Maxamuud,In kasta oo labadeena dal ay qaaradda Afrika labo cirif kaga kala yaalaan hadana waxay wadaagaan waxyaabo badan oo ay iska kaashan karaan.

Qaraxyo ka dhacay Qudus oo dhaliyay dhimasho iyo dhaawacyo

Hal qof ayaa dhintay,12 kalana waxaa soo gaaray  dhaawacyo, kadib kolkii qaraxyo isxig-xigay ay ka dhaceen laba goobood oo  laga raaco basaska oo ku yiillay magaala  Qudus, sida ay sheegeen boliiska Israa’iil iyo dhaqaatiirta isbitaallada.

Booliiska Israa’iil ayaa sheegay in shilalka dhacay saaka looga shakisan yahay inay yihiin weeraro ay soo qaadeen Falastiiniyiinta.

Qaraxyadaan ayaa yimid saacado kadib markii wiil Falastiini ah oo 16 jir ah ay ciidamada Israa’iil ku dileen magaalada Nablus ee daanta galbeed ee la haysto, sida ay sheegeen saraakiisha Falastiiniyiinta.

Waxaa jira xiisad aad u sareeya  oo u dhaxaysa Israa’iil iyo Falastiin, ka dib markii bilihii la soo dhaafay ay dhaceen weeraro ay Israa’iil ka ku waadday  Daanta Galbeed ee la haysto.

In ka badan 130 falastiiniyiin ah ayaa lagu dilay dagaalka Israel iyo Falastiin ee ka socda Daanta Galbeed iyo bariga Quddus sanadkaan, taasoo ka dhigeysa in 2022 ka  uu yahay kii ugu dhimashada badnaa tan iyo 2006-dii.

Dhulgariir xooggan oo ka dhacay waqooyi galbeed ee Turkiga

Wasiirka arrimaha gudaha Turkiga Suleymaan Soylu, ayaa sheegay in 100 qof ay ku dhaawacmeen dhul gariir cabbirkiisa lagu sheegay 6 darajo oo Richter Scale ah, kaas oo subaxnimadii hore ee maanta ka dhacay gobolka Duzce oo dhaca waqooyi galbeed ee dalkaas Turkiga.

Wasiir Soylu, ayaa hadal uu ka jeediyay telefishinka Turkiga ku sheegay in ciidamada ammaanka iyo shaqaalaha  gargaarka ay soo gabagabeeyeen kormeer ay ku sameeyeen tuulooyinka ku xeeran halka uu dhul gariirka ka dhacay, waxuuna tilmaamay in deegaanada qaar ay koronto ka go’day, balse ay iminka ku howlan yihiin sidii dib loogu soo celin lahaa.

Dadka deggan magaalooyinka Istanbul, Ankara, Bursa, Eskisehir, Çankiri, Zonguldak iyo Sakarya, ayaa dareemaayay dhulgariirka, kaasi oo la sheegay inuu ka dhacay qiyaastii 7 kilomitir dhulka hoostiisa ah, sida laga soo xigtay waaxda Gurmadka iyo Maareynta Masiibooyinka Turkiga.

Madaxweynaha Galmudug oo ka qeybgalay Munaasabadda caleema saarka Gudoomiyaha Dhuusamareeb

Madaxweynaha Dowladda goboleedka Galmudug mudane Axmed Cabdi Kaariye ayaa soo xiray munaasabadda caleema saarka Gudoomiyaha iyo Gudoomiye ku xigeenka Caasimadda Galmudug ee Dhuusamareb ee dhawaan la doortay.

Munaasabadda ayaa waxaa sidoo kale kasoo qeyb galay Madaxweyne ku Xigeenka Dowladda Galmudug mudane Cali Daahir Ciid, Gudoomiyaha Baarlamaanka Galmudug, mudane Maxamed Nuur Gacal, Wasiirka Arrimaha Gudaha DFS Mudane Axmed Macalin Fiqi, Wasiiro Dowlaha Wasaaradda Tamarta iyo Biyaha ee DFS,qaar ka mid ah xildhibaanada BFS, xubnaha Labada gole ee Dowladda Galmudug, Gud. gobolka Galgaduud, maamulka Caasimadda iyo masuuliyiin kale.

Madaxweynaha ayaa munaasabadda hambalyo uga diray gudoonka cusub ee la doortay, sidoo kalena ku bogaadiyay wasaaradda Arrimaha Gudaha, Federaalka iyo dib u heshiisiinta Galmudug oo juhdi badan ku bixisay dhismaha goleyaasha deegaanka iyo maamulka degmooyinka Galmudug oo ahmiyad weyn u leh Dowladda Galmudug.

 

  

 

Ra’iisul Wasaare Xamse Oo Kulan La Qaatay Xubno Ka Socday Warbaahinta Dalka

Ra’iisul Wasaaraha Xukuumadda Federaalka Soomaaliya Mudane Xamse Cabdi Barre ayaa  la kulmay Agaasimeyaasha Warbaahinta Soomaaliyeed ee gaarka loo leeyahay, tan Caalamiga iyo midda Dowladda oo uu kala hadlay doorka warfaafintu ay ku leedahay dib u dhiska dalka, dib u heshiisiinta iyo ka wacyi gelinta bulshada dhibaatooyinka fikradaha xagjirka ah.

Ra’iisul Wasaaraha ayaa la wadaagay bahda warbaahinta warbixin ku saabsan wixii Xukuumadda DanQaran u qabsoomay 100-kii maalmood ee la soo dhaafay iyo qorshaha dib u xoreynta dalka iyo howlgallada wadajirka ah ee shacabka iyo ciidamada Soomaaliyeed ay ku xoreynayaan deegaannada ay ku dhuumaaleysnayaan Khawaarijta.

Mudane Xamse ayaa sheegay in xukuumaddu qirsan tahay ahmiyadda ay leedahay warbaahin xor ah, xilkas ah oo dadkana ugu adeegta si masuuliyad ku jirto, isaga oo ku ammaanay dadaalka iyo xaaladaha khalafsan ee ay ku soo shaqeeyeen, isla markaana ku dhiirigeliyey in maanta oo dalku halgan adag ku jirana loo baahan yahay in warbaahintu ay qeybteeda ka qaadato badbaadinta jiritaanka umadda Soomaaliyeed.

Kulanka waxaa goobjoog ka ahaa Ra’iisul Wasaare Ku Xigeenka, Mudane Saalax Axmed Jaamac, Wasiirka Warfaafinta Daud Aweys Jaamac, Xildhibaan Maxamed Ibrahim Macalimow iyo mas’uuliyiin ka tirsan Xafiiska Ra’iisul Wasaaraha.

MADAXWEYNE XASAN SHEEKH OO KORMEERAY DEKADDA MUQDISHO

Madaxweynaha Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya Mudane Xasan Sheekh Maxamuud oo kormeeray Dekadda Muqdisho ayaa adkeeyay muhiimadda dardargelinta hawlaha shaqo ee Dekadda si kor loogu qaado dakhliga dowladda.

Madaxweynaha ayaa booqday qeybaha kala duwan ee Dekadda ee loogu adeego shacabka Soomaaliyeed, waxa uuna faray hawl-wadeennada in iyaga oo ilaalinaya qaanuunka dowladnimada ay si wanaagsan ugu shaqeeyaan dadka Soomaaliyeed, loona fududeeyo adeegyada uga xiran Dekadda.

“Wax kasto oo shaqo ah sidii loo qaban jiray waa in si ka duwan loo sameeyo si aan u helno wax ka wanaagsan waxa aan heysano”

Madaxweyne Xasan Sheekh oo tilmaamay muhiimadda ay ilaha wax soo saarku u leeyihiin dowladnimada ayaa kula dardaarmay madaxda iyo shaqaalaha Dekadda Muqdisho in ay dardargeliyaan shaqooyinka ay qaranka u hayaan kobciyo dakhliga wax soo saar ee dalka.

Dhankooda, Wasiirka Wasaaradda Dekadaha iyo Gaadiidka Badda XFS Mudane Cabdullahi Axmed Jamac, Wasiir Ku-xigeenka Wasaaradda Mudane Sadaam Maxamuud iyo Maareeyaha Dekadda ayaa Madaxweynaha siiyay warbixin ku saabsan sida ay u socdaan hawlaha shaqo ee Dekadda iyo qorshaha hortebinta u leh ee ay doonayaan in ay ku horumariyaan hawlaha Dekadda.

      

Guddoomiyaha Maxkamadda sare ee dalka oo ka qeyb galay shirka 6-aad ee Golaha Dastuuriga ee Garsoorka Africa

Guddoomiyaha Maxkamadda Sare JFS Mudane Baashe Yuusuf Axmed, ayaa maanta ka qayb galay Shirkii 6-aad ee Golaha Dastuuriga ee Garsoorka Africa oo ka qabsoomay magaalada Rabat, ee Boqortooyada wadanka Morrooco.

Shirka oo socon doona muddo laba cisho ah, ayaa hal-ku-dheggiisu yahay “Garsoorka Dastuuriga ah ee Africa iyo Sharciga Caalamiga ah”. Golahan ayaa ah madal joogta ah oo lagu xoojiyo xidhiidhka, iskaashiga iyo waayo-aragnimo wadaagga Garsoorka Africa.

      

Madaxweyne Xasan Sheekh oo warqadaha aqoonsiga danjirenimo ka guddoomay safiirka cusub ee dowladda Qatar

Madaxweynaha Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya Mudane Xasan Sheekh Maxamuud ayaa Munaasabad ku qabsoomtay Madaxtooyada Qaranka kaga guddoomay warqadaha aqoonsiga danjirenimo, Safiirka Cusub ee Dowladda Qatar ay u soo magacaabatay dalkeenna Mudane Cabdalla Binu Saalim Al-nuceymi.

Danjire Al-nuceymi ayaa Madaxweynaha Jamhuuriyadda soo gaarsiyey salaan iyo farriin muujineysa ixtiraamka qarannimada iyo xoojinta xiriirka walaaltinimo ee labada dal, taas oo uu ka siday Amiirka dalkiisa Mudane Tamiim Binu Xamad.

Sidoo kale, Danjiraha ayaa soo bandhigay dadaalka uu ku bixin doono xiriirka diblumaasiyadeed ee labada dal, isaga oo shacabka iyo dowladda Soomaaliyeed uga mahadceliyey soo dhoweynta diirran ee lagu qaabillay.

Madaxweyne Xasan Sheekh Maxamuud ayaa ugu hambalyeeyey Danjire Cabdalla Binu Saalim Al-nuceymi, xilka safiirnimo ee loo igmaday, waxa uuna u rajeeyey in uu ku guuleysto matelaadda dalkiisa, doorna uu ka qaato xoojinta xiriirka soo jireenka ah ee ka dhaxeeya labada shacab ee walaalaha ah.

      

Guddoomiyaha Baarlamaanka Hirshabeelle oo shir guddoomiyay kulan looga hadlay dagaalka khawaariijta looga xorreynayo Gobolka Hiiraan

Gudoomiyaha Baarlamaanka Dowlada Gobolleed Hirshabelle mudane Cabdixakiim Luqmaan Xaaji ayaa shir gudoomiyay kulan looga hadlaayay wajiga 2-aad ee dib u xorreynta gobalka Hiiraan gaar ahaan galbeedka.

Kulanka ayaa waxaa ka soo qeyb galay Xildhibaano katirsan BJF, qaar kamid ah labada gole ee dowlad gobolleedka Hirshabelle, saraakiil ciidan, Gudoomiye ku xigeenka gobalka Hiiraan iyo siyaasiin kale.

Kulanka ayaa lagu go’aamiyay in waqtiyada dhaw la soo afjaro Khawaariijta oo laga saaro deeggaanadda ay kaga sugan yihiin Gobolka hiiraan ee Dowlad Gobolleedka Hirshabeelle.