CIiidanka xoogga dalka oo howlgal qorsheeysan ku dilay 20 katirsan khawaarijta

Ciidamada xoogga dalka soomaaliya ayaa sacadihii la soo dhaafaywaxaa ay howlgal qorsheysan oo ka dhan ahaa khawaarijta ka sameyeen degaanka Sabiid oo kamid ah degaannada hoostaga degmada Afgooye ee Gobolka Shabeellaha Hoose.

Saraakiisha howlgalka hoggaaminayay ayaa sheegay in ay ka warheleen Xubno katirsan Argagixisada  oo isku aruursanayay duleedka degaanka sabiid, isla markaana howlgalka looga dilay 20 dagaalame.

Guddoomiyaha degaanka Sabiid ee Gobolka Shabeellaha Hoose Maxamed Abuukar Axmed ayaa sheegay in Xubnaha khawaarijta ee la dilay ay ahaayeen kuwo si dhuumaaleysi ah ku yimid duleedka degaanka Sabiid, isla markaana howlgalka sidii loo qorsheeyay uu u dhacay.

Guddoomiyaha ayaa sidoo kale shegay in argagixisada ay dhibaatooyin babadan u geysteen dadka kunool degaanka Sabiid, hayeeshee Ciidamada dowladda ay u diyaarsan yihiin inay ka hortagaan fal kasta oo ay geysan rabaan kooxda khawaarijta

 

Ciidamada Dowladda oo howlgal qorsheyn ku dilay 49 xubnood oo ka tirsan Khawaarijta Al-Shabaab

Illaa iyo 49 xubnood oo ka tirsan tirsan Khawaarijta Al-Shabaab ayaa lagu dilay tiro kalana waa lagu dhaawacay howlgal qorshaysan iyo duqaymo ciidanka gaarka ah ee Hay’adda Nabad Sugida iyo Sirdoonka Qaranka, Ciidanka Xoogga dalka iyo saaxiibada caalamiga ah ay ka fuliyeen deegaanka Buulo Madiino oo tirsan gobolka Shabeellaha Hoose.

Howlgalka oo ahaa mid bartilmaameed ah ayaa u dhacay sidii loo qorsheeyay waxaana lagu burburiyay dhammaan gaadiidkii dagaal iyo saanaddii hubka ay deegaankaan ku haysteen Khawaarijta Al-Shabaab.

Khawaarijta lagu laayay deegaanka Buulo Madiino ayaa waxay isku diyaarinayeen dhagaro ay ku dhibaateeyaan shacabka Soomaaliyeed, laakiin waxaa fashiliyay oo dhabarka ka jabiyay Ciidanka Sirdoonka iyo Xoogga Dalka.

Dowladda Soomaaliya waxay u mahadcelinaysaa dhammaan shacabka Soomaaliyeed oo maanta qayb ka ah dagaalka Khawaarijta looga xoraynayo dalka oo dhan isla markaana garab taagan ciidanka qalabka sida ee dalka.

Ra’iisul Wasaare Ku-xigeenka XFS oo daah-furay barnaamijka taageerada dadka jilicsan ee abaaruhu samaayeen

Ra’iisul Wasaare Ku-xigeenka Xukuumadda Federaalka Soomaaliya Mudane Saalax Axmed Jaamac ayaa daah-furay barnaamijka taageerada dadka jilicsan ee abaaruhu samaayeen, kaas oo ay maalgalinayaan dowladaha Maraykanka iyo Britain.

Mashruucan oo socon doona muddo 5 sanno ah, waxaa ujeedkiisu yahay in la hormariyo nolosha dadka nugul ee ku nool miyiga iyo magaalooyinka iyadoo sare loo qaadayo koboca dhaqaalaha bulshadada Soomaaliyeed ee danyarta ah. Mashruuca waxaa maal-gelinaya heyadaha USAID iyo UKAID, waxuuna ka koobanyahay, Awoodsiinta iyo taageerada dhallinyarada, Dhiirrigelinta wax soosaarka gudaha, Kobcinta dhaqaalaha, Kalluumaysiga iyo Xoolaha nool.

Ra’iisul Wasaare ku xigeenka dalka, Mudane Saalax Axmed Jaamac, ayaa sheegay in maashruucan wax-wayn tari doono bulshada nugul ee Soomaaliyeed, sidaa darted loo baahan yahay inay ka faa’iidaystaan, si shan sanno kadib ay uga maarmi karaan hay’adaha taakuleeya oo ayna gaaraan isku filnaansho ay sare ugu qaadi karaan waxsoosaarkoda.

Waxa daah-furka barnaamijkan ka qayb galay Wasiiradda Qorshaynta, Shaqada iyo Arrimaha Bulshada, Xanaanada Xoolaha, Beeraha iyo Waraabka, Kaluumaysiga iyo Khayraadka Badda iyo Safiirka Maraykanka, Safiir ku Xigeenka Britain iyo madaxa Hay’adda USAID.

Guddiga difaaca baarlamaanka JFS oo kawada hadalay shaqooyinka hortebinta u leh guddiga ee kalfadhiga labaad ee Golaha Shacabka BJFS

Guddiga difaaca ee baarlamaanka Jamhuuriyada Federaalka Soomaaliya, oo ku gudo jira waajibaadkiisa shaqo ayaa kulan ay isugu yimaadeen ku lafo guray qodobada hoos ku xusan

1) Howlaha hortebinta u leh guddiga kalfadhiga labaad ee Golaha Shacabka BJFS

2) warbixin guud oo ku saabsan howlaha shaqo ee u qabsomay guddiga joogtada ah iyo furitaanka baarlamaanka

3) Abuurida Guddi hoosaadyada Guddiga Difaaca

4) Cabashada xildhibaanada ee la xiriirta is hortaaga Xildhibaanada in ay maraan jidadka.

5) Diyaarnta warbixin dhamaystiran oo ku salaysan marxalada wadanka, ciidanka xooga dalka iyo wasaaradda Gaashaandhiga

Ra’iisul Wasaare Xamse oo xafiiskiisa ku qaabilay Safiirka cusub ee Dowladda Qatar

Ra’iisul Wasaaraha Xukuumadda Fedraalka Soomaaliya, mudane Xamse Cabdi Barre, ayaa xafiiskiisa ku qaabilay Safiirka Cusub ee Dowladda Qatar ay u soo magacaabatay dalkeenna Mudane Cabdalla Binu Saalim Al-nuceymi, oo shalay Madaxweyne Xasan Sheekh Maxamuud uu ka guddoomay warqadaha aqoonsiga danjirenimo.

Mudane Xamse iyo Cabdalla Binu Saalim Al-nuceymi ayaa si qota dheer uga wada-hadlay xoojinta xariirka iyo iskaashiga labada dowladood iyo labada shacab ee walaalalaha.

Safiirka cusub ee Dowladda Qatar, Mudane Cabdalla Binu Saalim Al-nuceymi oo Ra’iisul Wasaaraha uga mahad celiyay qaabilaadda sharafta leh ayaa sheegay inuu ka shqeyn doono xoojinta xariirka labada dal.

Ra’iisul Wasaare Xamse Cabdi Barre ayaa dowladda Qatar uga mahad celiyay taageerada joogtada ah iyo mashaariicda horumarineed ee dalka ay ka hir-gelisay iyo kuwo hadda socda, wuxuuna dhanka kale ugu hambalyeeyey dowladda Qatar sida wanaagsan ee ay ugu guuleysteen marti gelinta Koobka Kubadda Cagta ee Adduunka.

Guddoomiyaha Gobolka Banaadir oo kulan gaar ah la qaatay Guddoomiye Ku-xigeenada cusub iyo Xog’hayaha guud ee Maamulka Gobolka Banaadir

Guddoomiyaha Gobolka Banaadir Ahna Duqa Magaalada Muqdisho Mudane Yuusuf Xuseen Jimcaale (Madaale) ayaa kulan gaar ah oo isbarasha ah la qaatay Guddoomiye Ku-xigeenada cusub iyo Xog’hayaha guud ee Maamulka Gobolka Banaadir, kuwaas oo 20-ka bishaan November uu Madaxweynaha JFS u magacaabay xillalkaasi, waxaa sidoo kale Kulankan isbarashada ah goob joog ka ahaa Guddoomiye ku-xigeenaddii hore iyo Xog’hayihii Gobolka Banaadir ee xafiiska baneynaya.

Safarada Madaxweynaha JFS ayaa ku qotoma Somali Heshiis ah, dunidana heshiis la ah. (FAALLO)

Tan iyo markii loo doortay  mar kale Madaxweynaha Jamhuriyadda Federaalka Soomaaliyeed Dr: Xasan Shiikh Maxamuud May 15-keedii ee sanadkan 2022-ka, waxa uu galay safarro badan ee uu kala bixiyay Wadanka gudahiisa iyo dibadiisaba, kuwaasi oo uga gol lahaa boogo dhayid iyo in Dalka iyo Dadka Soomaaliyeed loo horseedo in nabad ku wada noolaadaan Soomaalida dhexdeeda iyo kuwa caalamka intiisa kale, sida uu tilmaamayo halku dhigga Madaxweynaha ee ah SOOMAALI HESHIIS AH, DUNIDANA HESHIIS LA AH, maadaama 5-tii sano ee la soo dhaafay uu aad u xumaa xiriirka caalamka aan la laheyn, sidaasi awgeed waxa uu u istaagay inuu soo boogo dhayo, waxaa kaloo aad xumaaday xiriirka Dowladda dhexe iyo Maamul- goboleedyada.

Haddaba si loo soo celiyo xiriirkaasi ayuu Madaxweyne Dr:Xasan Shiikh Maxamuud ku dhaqaaqay oo ugu booga dhayayo Dalalka aan walaalaha nahay, kuwa deriska aan nahay iyo saaxiibadii kale ee aan caalamka ku laheyn, si uu uga dhabeeyo halku dhiggiisa aadka u can baxay, isagoo safarro ku kala bixiyay waddamo ay ka mid ahaayeen:- Jamhuuriyadda Jabuuti, Masar, Isutagga Imaaraatka Carabta, Turkiga, Qadar iyo kuwo kale, kuwaasi oo aan walaallo nahay, halka kuwa deriska ahna uu ka tagay Wadamada Kenya, Itoobiya, Ugaandha, Tansaaniya  Eretareeya iyo qaar kale,waxaa kaloo uu safarro ku kala bixiyay Wadamada aan saaxiibada nahay oo ay naga dhaxeyso waxa wada qabsiga, waxaana ka mid ah:-  Wadamada Maraykanka, Ingiriiska iyo kuwo kale, waxaana uu ku guuleysay inuu caadeyeeyo xiriirka aan la wada leenahay Dalakaasi.

Dhinaca kale Madaxweynaha Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya Dr: Xasan Shiikh Maxamuud waxaa kaloo uu beryahaan ku jiray safarro oo ku tagayo Dalka guhiisa, kuwaasi oo hadda ka socdaan dagaalo xooggan oo lagula jiro kooxda Argagixisada ah ee Khawaarijta, iyadoo deegaannadii uu tegay ay ka mid ah- Degmooyinka Maxaas, Wisil, Baxdo, Dhuuso mareeb iyo Beledweyne, waxaana kale oo jira kuwo kale oo uu dhawaan safarro ku ka bixin doono.

Madaxweynaha Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya Mudane Xasan Sheekh Maxamuud oo uu wehelinayo Madaxweynaha Dowlad-goboleedka Galmudug Mudane Axmed Cabdi Kaariye Qoorqoor ayaa xarigga ka jaray dhismaha cusub ee xarunta Madaxtooyada Galmudug, wuxuuna ku bogaadiyay Madaxda dowlad-goboleedka Galmudug dadaalka xooggan ee ay galiyeen dhismaha xarumaha danta guud ayaa tilmaamay in hirgelinta mashruucan iyo halganka lagu xoreynayo deegaanada ku jira gacanta cadowga ay ka turjumeyso go’aanka wanaagsan ee ay qaateen madaxda iyo shacabka Galmudug.

“Tallaabadan dhaxal reebka ahi waxa ay astaan u tahay halganka dhabta ah ee dadka reer Galmudug ugu jiraan hagaajinta mustaqbalkooda.dowladnimo iyo dad qaatay go’aan dhaxalgal ah ayaa iiga muuqata Galmudug waana halka aan dooneyno in aan u jiheyno guud ahaan dadkeenna.” Ayuu yiri Mudane Xasan Shiikh Maxamuud.

 

Madaxweynuhu waxaa kale ee uu kormeeray Fariisimaha Ciidamada Soomaaliyeed ee Magaaladda Wisil ee Gobolka Mudug, wuxuuna salaam sharaf ka qaatay cutubyo ka tirsan Ciidamada Xoogga Dalka ee ku sugan Wisil, isagoo ku bogaadiyey sida geesinimada leh ee sanadihii la soo dhaafay ay u jabiyeen dhammaan weerarradii khawaarijta Alshabaab ay ku soo qaadeen deegaanka iyo dadka ku dhaqan, waxa uuna tilmaamay in maanta halganku uu ku saleysan yahay xoreynta deegaannada kale ee argagixisadu ay ku dhibaateynayaan shacabka.

Madaxweynaha ayaa safaro kale ku maray deegaanno ka tirsan Gobolada Galgaduud iyo Hiiraan, isaga oo boggaadiyay Howlgallada ka dhanka ah Khawaarijta, isagoa oo dardar galinaya howlgalada dalka looga ciribtirayo Khawaarijta Al-shabaab ayaa gaaray magaalada Baxdo ee gobolka Galguduud oo ka mid ah deeganada laf dhabarta u ah halganka socda ee ka dhanka ah Argagixisada, waxaana halkaasi si diiran ugu soo dhaweeyay Madaxweynaha Galmudug, Wasiirro, Xildhibaanno iyo shacabka deegaanka, wuxuuna boqolaal ka mid ah bulshada magaalada Baxdo kula hadlay fagaaraha Masjika Al-nuur oo ah saldhigga halganka diiniga ah ee hortagga figirka guracan iyo gumaadka Khawaarijta Al-shabaab ayaa ku bogaadiyay sida naf hurnimada ah ee ay ugu guntadeen difaaca dhulkooda, waxa uuna adkeeyay muhiimadda in waqti kooban lagu xoreeyo deegaanada Galmudug ee ku haray gacanta cadowga.

Madaxweynaha oo xusay geesinimada iyo nafhurnimada ay muujiyeen bulshada magaalada Baxdo ayaa tilmaamay in dowladdu ay diyaarisay qorshe adeegyada dowladnimada lagu gaarsiinayo dagmooyinka dadkoodu iska dulqaadeen heeryada Argagixisada, wuxuuna yiri:-

“Dadka ree Baxdo, waqti munaasib ah ayay qaateen go’aan dhaxal gal ah, kaasi oo horseeday in maanta ay si nabad iyo xorriyad ah ugu noolaadaan deegaankooda iyaga oo aan cabsi ka qabin amarada qaldan iyo addoonsiga Khawaarijta isla markaana difaacday naftooda, maalkooda, sharafkooda iyo diintooda. Geeddiga dabar goynta Khawaarijtu waa bilowday, waa in aan dhaqso ku rumeyno riyada halyeeyadii naga shahiiday iyaga oo difaacaya deegaankan oo aan cadowga uga daba tagno meelaha uu weli ku dhibaateynayo dadkeenna.”

Madaxweynaha oo sii wata kormeerkiisa abaabulka dagaalka dalka looga xoreynayo Khawaarijta ayaa u safray magaalada Wisil ee gobolka Mudug, waxaa sidoo kale loogusoo dhaweeyay si kal iyo lab ah, wuuxuuna faray inaay ka qaybqaataan dagaalka lagula jiro kooxda Kawaarijta.

Madaxweynaha Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya Mudane Xasan Sheekh Maxamuud waxa uu gaaray degmada Maxaas ee Gobolka Hiiraan oo ka mid ah deegaanada udub dhexaadka u ah dagaalka looga soo horjeedo argagixisada, waxaana wafdiga Madaxweynaha halkaas ku soo dhoweeyay Madaxweyne ku xigeen ka Hirshabelle Gudoomiyaha Gobolka Hiiraan, Xildhibaanno, Masuuliyiin ka tirsan maamulka Hirshabeelle iyo shacabka deegaanka, wuxuuna kala hadlay shacabka deegaanka iyo Ciidamada Xoogga Dalka ee uu ku ammaanay guulaha is daba joogga ah ee ay ka gaareen dagaalka ay kula jiraan argagixisad, iyaga oo muujiyay geesinnimo iyo isku-duubni, waxa uuna ku adkeeyay taageerada ay dowladdu la garab taagan tahay deegaanada dadkoodu ay go’aansadeen in ay iska xoreeyaan Khawaarijta.

“Inta aan Madaxweynaha ahay dowlada Soomaaliya waxaa ka go’an in dalka Shabaab laga ciribtiro, la waayo wax argagixso ah. Ceelbuur, Xaradheere, Aadan Yabaal iyo deegaanada kale waa xoroobayaan Alle idim kii.”, ayuu sii raaciyay Mudane Xasan Shiikh, wuxuuna sidoo kale dhageystay warbixin la xiriirta baahiyaha adeegga dowladnimada ah ee ay qabaan dadka nool degmada Maxaas iyo deegaanada hoos yimaada, isaga oo balan qaaday in dowladda Sooomaaliya ay gaarsiin doonto adeegga dowladnimada deegaanada laga xoreeyay argagixisada.

Haddaba wuxuu uu ahaa socdaal Madaxweynaha mid ku saleysan dhiiragalin, dardargelin iyo hawlgalin ciidamada qalabka sida iyo mujaahidiinta dib u xoraynta oo bilihii u dambeeyey dagaal guulo weyn  ah ka gaaray furimihii kala duwanaa ee ay Khawaarijta kula dagaalameen, iyo kuwii uu ku tegay  caalamka intiisa kale waxaan ugu dambeyntii dhihi karnaa waa mid ku saleysan halku dhigga ah SOMALI HESHIIS AH, DUNIDANA HESHIIS LA AH.

 

Jaamacadda Carabta oo ku dhawaaqday qabashada shir looga hadlayo abaaraha ka jira Soomaaliya

Kaaliyaha Xoghayaha Guud ee Ururka Jaamacadda Carabta, Ambassador Hossam Zaki, ayaa shaaca ka qaaday in 6-da bisha December ee soo soota la qaban doono  shir caalami ah oo ku saabsan  sidii looga hortagi lahaa abaaraha ka jira Soomaaliya,isla markaana, kor loogu qaadi lahaa haqab-beelka cuntada iyo kor u qaadista awoodda la qabsiga isbedelka cimilada ee Soomaaliya.

Shirweynahaasi ayaa la filayaa in ay  garwadeen ka noqdaan Jaamacadda Carabta iyo Qaramada Midoobay,si looga hortago khatarta macluusha ee Soomaaliya, kadib markii tirada dadka ay abaaruhu saameeyeen ay gaareen ilaa 7.8 milyan.

Danjire Zaki oo maanta shir jaraa’id ku qabtay xarunta xoghaynta guud ee Jaamacadda Carabta ayaa sheegay in Soomaaliya ay ka jirto abaar daran, taasoo ah tii ugu darneyd ee soo marta dalka muddo dhowr iyo labaatan sano ah, kadib markii la waayey roobabkii muddo 5 sano, taasina keentay in kala bar dadka Soomaaliyeed ay la noolaadaan dhibaato abaareed,

Waxa uu tilmaamay in Xoghayaha Guud ee Ururka Jaamacadda Carabta, Axmed Aboul Gheit uu la xiriiray Madaxweynaha Somalia, Wasiirka Arrimaha Dibedda Somalia iyo Madax badan oo Somalia ka tirsan, isla markaana ay ka wadahadleen wax ka qabashada  musiibadan ka jirta Soomaaliya iyo sidii  looga bixi karo duruufaha taagan.

“shirkaan caalamiga ah ee Carabtu waa in la isku duba rido qorshayaal hawleed u dhexeeya ururada maxaliga ah, gobolka iyo kuwa caalamiga ah ee ka shaqeeya Soomaaliya si loo wajaho xaaladda ka jirta Soomaaliya ayuu yiri” Kaaliyaha Xoghayaha Guud ee Ururka Jaamacadda Carabta, Ambassador Hossam Zaki

Madaxweyne Xasan Sheekh oo goor-dhow xarigga ka jari doona SNTV Daljir

Madaxweynaha Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya mudane, Xasan Sheekh Maxamuud ayaa goor-dhow xarigga ka jari doonna Telefishinka SNTV Daljir oo ka faalloon doonna arrimaha ciidamada, howlgalladda dalka looga xorreynayo Khawaarijta Al shabaab iyo ajendayaasha kale ee heer qaran.

Madaxweyne Xasan Sheekh Maxamuud ayaa sidoo kale si toos ugala hadli doonnaa Warbaahinta Qaranka shacabka Soomaaliyeed.

Maxkamadda Ciidamada oo xukun ku riday Askari dil geystay

Maxamed Cabduqaadir Sheikh Ibrahim oo ka tirsan Boliiska Koonfur Galbeed gaar ahaan kuwooda ka howl galo Afgooye ayay Maxkamadda Ciidama ku xukuntay Dil toogasha ah.

25-kii April Sanadkan ayuu Mindi (Toorey) Ku Dilay AUN Cabdifitaax Cabdullaahi Cali.

Dilka ayaa sabab u ahaa muran ka dhashay Janta Sigaar.