Bayaanka baaqa nabadda cadale

Madaxweynaha Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya Mudane Xasan Sheekh Maxamuud oo ku sugan degmada Cadale ayaa taageeray baaq nabadeed oo ay soo saareen culumada, odayaasha dhaqanka iyo qeybaha bulshada, kaasi oo adkeynaya heshiisiinta bulashada, ciribtirka jidgooyooyinka sharci darrada ah iyo dardargelinta dagaalka ka dhanka ah argagixisada Al-shabaab.

   Halkaan hoose ka akhriso baaqa nabadda cadale:-

Wasiirka caafimaadka Soomaaliya oo dadaal ku bixinaya dhismaha nidaam caafimaad oo loo dhan yahay

Wasiirka Wasaaradda Caafimaadka Xukuumadda Federaalka Soomaaliya Dr. Cali Xaaji Aadan ayaa kulamo doceedyo la qaatay qaar ka mid ah wasiirada dhiggiisa ee ka soo qeyb galay shirka looga hadlayo il-ma-aragtada adkeysiga u leh dawooyinka ee ka socda dalka Cumaan.

Shirka oo maalintii labaad galay ayaa waxaa xubnaha uu wasiirka la kulmay ka mid ah wasiirada caafimaadka dalalka Cumaan, Sacuudiga,Netharlands, Sweden iyo Bangladesh, wuxuuna uga xog waramay xaaladda caafimaad ee dalkeenna iyo sidii kor loogu qaadi lahaa dadaalka dib loogu dhisayo nidaamka caafimaad ee Soomaaliya.

Ugu danbayn, Wasiirka iyo Wasiirada kale ee dhiggiisa ah ayaa ku balamay in la xoojiyo xiriirka ka dhaxeeya Wasaaradda Caafimaadka Soomaaliya iyo dalalkooda.

MADAXWEYNE XASAN SHEEKH OO KULAN WADATASHI AH LA QAATAY ODAYAASHA DHAQANKA AYAA TAAGEERAY BAAQA CADALE

Madaxweynaha Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya Mudane Xasan Sheekh Maxamuud oo ku sugan degmada Cadale ayaa taageeray baaq nabadeed oo ay soo saareen culumada, odayaasha dhaqanka iyo qeybaha bulshada kaasi oo adkeynaya heshiisiinta bulashada, ciribtirka jidgooyooyinka sharci darrada ah iyo dardargelinta dagaalka ka dhanka ah argagixisada Al-shabaab.
Madaxweynaha oo dul istaagay muhiimadda in la xoojiyo nabadda, horumarka deegaanka iyo dib u heshiisiinta bulshada ayaa hoosta ka xarriiqay in aan la aqbalin karin in jidgooyo sharci-darro ah la dhigto deeganada gobolka isla markaana lagu dhibaateeyo muwaadiniinta safarka ah, isaga oo faray laamaha amniga iyo odayaasha dhaqanka in ay u midoobaan qofkasta oo lagu helo in uu caqabad ku yahay wada noolaashaha iyo xasilloonida.
“Qof muslim ah oo walaalkiis ah oo Soomaali ah qofkii inta u qasday dilay, magaca uu doono haku dilo waa qaatil, ma ahan reer hebel, qabiil na ma ahan, waa dilaa, dilaana shareecada waxa ay ka qabto waa ognahay, sidoo kale dadka isbaarada dhiganaya waa qaadicul-dariiq iyagana qabiil ma lahan waa in sharciga la marsiiyo.”
Madaxweynaha ayaa xusay in duubabka dhaqanka Soomaaliyeed ay udub dhexaad u yihiin hiigsiga Soomaali heshiis iyo jiheynta bulshada, waxa uuna ku booriyay in ay xoogga saaraan isku xirka bulshada iyo in loo midoobo dagaalka lagu ciribtirayo halka cadaw ee Soomaaliya ay leedahay ee ah Khawaarijta Al-shabaab.
“Waxa aan ka war haynaa in argagixisadu ay ku mashquulsan tahay iska hor keenidda beelaha walaalaha ah ee ku nool deegaanada ay ka socdaan hawlgallada dalka looga xoreynayo, waa nasiib darro weyn in cadawgeennu uu helo fursaddii uu raadinayay, waa in si shuruud la’aan ah loo joojiyaa dagaalka dadka walaalaha ah, waana in aan u midowno kan waajibka ah ee argagixisada.”
Waxaa Kulankan laga aqriyay Qaraar Golaha Wasiirradu ansixiyeen shalay kaasoo la xiriira deegaannada cusub ee laga xoreynayo Khawaarijta, qaraarkan ayaa isugu jira; Amniga iyo xasilloonida, amarka iyo kala dambeynta, isu socodka, xakamaynta xad-gudubyada ciidamada iyo denbi-falayaashu ka geysan karaan goobaha laga xoreeyey khawaarijta iyo ilaalinta xuquuqda Aadamaha iyo fullinta sharciga.
Madaxweynaha dowlad-goboleedka Hir-shabeelle, mudane Cali Guudlaawe Xuseen oo goob joog ahaa kulanka ayaa ballanqaaday in uu mudnaanta koowaad siinayo hirgalinta qodobada ku xusan Baaqa Nabadda Cadale, si loo helo nabadgalyo, horumar iyo xasillooni waarta.
Ugu danbeyn Duubabka iyo Odayaasha dhaqanka ayaa saxiixay baaqa nabadda Cadale, kaasi oo adkeeynaya walaalnimada iyo wadajirka isla markaana tilmaamaya in bulshada u midowdo dagaalka Khawaarijta. baaqa ayaa hoosta ka xariiqay in qofkii qof dila sharciga la marsiiyo lana xakameeyo jidgooyooyinka sharci-darrada ah.
               

Ra’iisul Wasaare ku xigeenka XFS oo ka qayb galay shirka madaxeedka Midowga Afrika

Ra’iisul Wasaare ku xigeenka dalka Mudane Saalax Axmed Jaamac ayaa ka qayb galay shirka madaxeedka Midowga Afrika ee ku saabsan warshadaynta iyo isu dheelli-tirka dhaqaalaha oo ka dhacay caasimadda dalka Niger ee Niamey.
Madaxda shirka kasoo qeyb gashay ayaa xusay muhiimadda ay leedahay in Qaaradda Afrika gaarto isku filnaansho dhaqaale isla markaana la dardar geliyo wax soo saarka iyo warshadaynta iyadoo la isu dheelli-tirayo maalgashiga.
Ra’iisul wasaare ku xigeenka ayaa sheegay in horumarinta warshaduhu ay lagama maarmaan u tahay in Afrika ay horumarto iyadoo ka faa’iidaysanaysa kheyraadkeeda iyo ballaarinta ganacsiga ka dhexeeya dalalka Afrika.
        

Wasiir ku-xigeenka Warfaafinta XFS oo kulan la qaatay Madaxa hey’adda UNESCO

Wasiir ku xigeenka Wasaaradda Warfaafinta, Dhaqanka iyo Dalxiiska, Mudane Cabdiraxmaan Yuusuf Cumar Al-Cadaalla, ayaa xarunta UN-ka ee magaalada Nairobi kulan kula qaatay madaxa hey’adda UNESCO  ee Qaramada Midoobay.

Wasiirka, ayaa mas’uuliyiinta UNESCO kala hadlay Sidii ay isaga kaashanlahaayeen horumarinta saxaafadda Soomaaliyeed, xoojinta iyo adkaynta dhaqanka iyo dalxiiska dalka Soomaaliya.

Labada dhinac, ayaa Isku raacay in la xoojiyo iskaashiga  iyo horumarinta warbaahinta dalka,dhaqanka iyo dalxiiska.

Wasiiru Dowlaha Arrimaha Dibadda XFS oo ka qeyb galaya shirka Golaha Wasiirrada ee Ururka Badweynta Hindiya (IORA)

Wasiiru dowlaha Arrimaha Dibadda iyo Iskaashiga Caalamiga, Mudane Cali Maxamed Cumar, iyo Danjiraha JFS ee dalka Hindiya Mudane Axmed Cali Daahir, ayaa ka qeyb galaya shirkii 22-aad ee Golaha Wasiirada ee Ururka Badweynta Hindiya (IORA),kaas oo ka dhacay magaalada Dhaka ee dalka Bangladesh.

Shirkan oo socon doona muddo laba maalmood ah ayaa waxaa looga hadlayaa sidii loo horumarin lahaa hannaanka mashaariicda waaweyn, ka hortagga burcad-badeedda, dhaca hubeysan, kalluumeysiga oo aan sharciyeysneyn iyo maareynta musiibooyinka.

Dhanka kale waxaa shir laba geesood ah yeeshay Wasiiru Dowlaha Wasaaradda Arrimaha Dibadda Soomaaliya Mudane Cali Maxamed Cumar iyo Wasiir Dowlaha arrimaha dibada iyo waxbarashada ee Hindiya Mudane Dr. Rajkumar Ranjan Singh

Dhinacyadaasi, waxa ay  ka wadahadleen  dardar gelinta howlaha dib loogu furayo Safaaradda Hindiya ku yeelan doonto Muqdisho, kordhinta tirada deeqaha waxbarasho, fududeynta habraaca fiisaha caafimaadka iyo  dalxiiska .

In ka badan 15 khawaarij oo lagu dilay howlgal qorsheysan oo ka dhacay SH/Hoose

Inta la ogyahay 15 xubnood oo ka tirsan tirsan Khawaarijta Al-Shabaab ayaa lagu dilay howlgal qorshaysan iyo duqayn laga fuliyay deegaanka Buulo Madiino oo ka tirsan gobolka Shabeellaha Hoose.

Howlgalkaan ayaa waxaa ka qeybqaatay ciidanka gaarka ah ee Hay’adda Nabad Sugidda , Sirdoonka Qaranka iyo saaxiibada caalamiga ee la shaqeeya Dowladda Soomaaliya.

Xubnahaan Khawaarijta ee la laayay oo ay si gaar ah ugu daba jireen Sirdoonka Soomaaliya ayaa ahaa firxadkii ka bad baaday howlgal 23-kii bishaan laga fuliyay deegaankaan kaas oo lagu dilay 49 dhagar qabe.

Ciidanka gaarka ah ee hay’adda NISA iyo saaxiibada caalamiga ah ayaa burburiyay gaadiid ay ku baxsanayeen Khawaarijta iyo hubkii ay wateen.

Dowladda Soomaaliya oo kaa shanaysa shacabkeeda ayaa waxaa ka go’an ciribtirka Khawaarijta Al-Shabaab si loo helo gayi Soomaaliyeed oo nabad iyo barwaaqo ah.

Jabuuti:Taliyaha ciidanka Booliska oo tababar u soo xiray cutubyo ka tirsan Ciidanka Daraawiishta

Taliyaha ciidanka Booliska Soomaaliyeed Gen. Cabdi Xasan Maxamed Xijaar ayaa dalka Jabuuti tababar ugu soo xeiray cutubyo ka tirsan ciidanka Daraawiishta Booliska ee Soomaaliyeed.

Dufcadaan oo noqoneysa dufcadii 17-aad ee ciidanka Booliska ayaa tababarkooda waxaa iska kaashaday dowladaha Soomaaliya, Talyaaniga iyo Jabuuti. waxaana ay dalka kusoo laaban doonaan todobaadka soo socda.

Taliyaha Booliska Soomaaliya ayaa sheegay in Cutubtayaddaan tababarka soo dhameystay la geyn doona deegaanadda laga xorreeyay Khawaarijta Al Shabaab, si ay ula wareeggaan ammaanka goobahaasi, isla markaana ay uga shaqeeyaan xasilloonidda iyo wada noolaashiyaha bulshada.

Golaha wasiirada XFS oo ansixiyey laba Hindse Sharciyeed iyo Qaraar la xiriira deegaannada laga xorreeyay Khawaarijta

Shirka Golaha Wasiirrada Xukuumadda Federaalka Soomaaliya oo uu guddoominayey, Ra’iisul Wasaaraha XFS, Mudane Hamza Abdi Barre, ayaa lagu ansixiyey laba Hindse Sharciyeed, Qaraar la xiriira deegaannada laga xorreeyay Khawaarijta iyo soo jeedinta magacaabista Guddoomiye Ku Xigeenka cusub ee Bankiga Dhexe.

Kulan ayaa Golaha Wasiirradu ku ansixiyeen Qaraar ka kooban 12 qodob oo la xiriira deegaannada cusub ee laga xoreynayo Khawaarijta, kuwaasi oo isugu jira; Amniga iyo xasilloonida, amarka iyo kala dambeynta, Isu socodka, xakamaynta xad-gudubyada ciidamada iyo denbi-falayaashu ka geysan karaan goobaha laga xoreeyey khawaarijta iyo ilaalinta xuquuqda Aadamaha iyo fullinta sharciga.

Golaha Wasiirrada ayaa sidoo kale waxa ay meelmariyeen soo jeedinta Wasiirka Maaliyadda ee ah in xilka Guddoomiye Ku xigeenka cusub ee Bankiga Dhexe loo magacaabo, Dr Cali Yaasiin Shiikh Cali, oo ah aqoonyahan aqoon durugsan u leh masuuliyaddan.

Sidoo kale waxa Goluhu ansixiyay dhisidda iyo tayeynta aqoonta Tiknoolajiyadda Soolarka iyo Dib-u-eegista Hindise Sharciyeedka Korontada oo ay soo diyaarisay Wasaaradda Tamarta iyo Khayraadka Biyaha, kuwaasi oo wax ka beddel iyo dib-u-habeyn lagu sameeyey.

     

Wasiirka Warfaafinta XFS oo sheegay in dowladda Soomaaliya ay xooggeeda isagu geeysay sidii dalka looga xoreyn lahaa Khawaarijta

Wasiirka Warfaafinta, Dhaqanka iyo Dalxiiska, Mudane Daa’uud Aweys Jaamac oo wareysi dhinacyo badan leh siiyay wakaaladda wararka Sputnik ayaa sheegay in dowladda Soomaaliya ay hadda xoogeeda isagu geeysay sidii dalka looga xoreyn lahaa kooxda Khawaarijta ah ee caadeysatay daadinta dhiiga dadka rayidka .

Wasiirka ayaa ka hadlay caqabada ay la kulantay xukuumadda cusub markii ay xilka la waareegtay kuwaas oo ay ugu weynaayeen  caqabadaha dhanka amniga iyo dhanka abaaraha.

Wasiir Daa’uud ayaa yiri: “dowladdu waxay ku dadaalaysaa sidii ay ula dagaalami lahayd argagaxisada, oo aan doonayno inaan ka ciribtirno Soomaaliya, waayo haddaan la iska saarin argagaxisada, lagama shaqeyn karo barnaamijyada kale ee horumarineed”.

Wasiirka ayaa intaas ku daray in qorshaha dowladdu kula dagaaleyso aragagixsida yahay mid seddex geesooda ah, kuwaas oo kala ah dagaalka tooska ah ee ciidan, dagaal dhaqaale iyo dagaalka fikirka .

Mudane Daa’uud Aweys ayaa carrabka ku adkeeyay in kooxda Khawaarijta ah ay ka been abuurtay diinteena islaamka, isagoo soo daliishaday sida ay u xalaaleysteen daadinta dhiigga dadka rayidka iyo boobka hantida daweynaha.

Wasiirka ayaa intaas ku daray in kooxdaan aragagixsada ah ay geystay falal ka baxsan bini aadanimada kadib markii ay duugtay ama sumeysay ceelal biyoodyo iyada oo ay dalka ka jirto abaar saameysay dadka iyo xoolaha.

Wasiirrka warfaafinta ayaa dhanka kale shegay in dalka ay ka jirto abaar baahsan taas oo u baahan in wax laga qabto, isaga oo xusay in kaalmo iyo caawinaad kasoo gaartay  qaar ka ka mid ah dowladaha  Islmaamka iyo hey’adaha caalamiga ah.

Wasiirka ayaa yiri: “ Abaartu waa masiibo dabiici ah, taas oo qayb ka ah  dhibaatooyinka ka dhashay  isbedalka cimilada ee ka jira  dunida oo dhan”.