MADAXWEYNE XASAN SHEEKH MAXAMUUD OO JABUUTI KAGA QEYB GALAY MADASHA ARAGTI-WADAAGGA EE HERITAGE

Madaxweynaha Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya Dr Xasan Sheekh Maxamuud oo safar shaqo ku gaaray dalka aan walaalaha nahay ee Jabuuti ayaa ka qeyb galay Madasha Aragti-wadaagga Soomaaliyeed ee Heritage, taas oo lagu gorfeynayoy caqabadaha jira Gobolka oo ay ugu horreeyaan aragagixisada, Isbeddelka Cimilada iyo abaaraha soo noq-noqday ee aafeeyay gobolka.
“Ciidamada Qaranka iyo shacabka soomaaliyeed waxa ay guulo muhiim ah ka gaareen dagaalka Khawaarijta, waxaa u dambeysay degmada Aadan Yabaale oo ay dadkeenna ku dhibi jireen maantase xor ah. Al-shabaab waa ku jabeen dagaalka tooska ah. Alle mahaddi waxaan soo gaarnay heer dadkeennu ka doodayaan Shabaab kaddib dalka halkee loo jiheynayaa.”
Madaxweynaha Jamhuuriyadda ayaa ku soo bandhigay madasha, guulaha ay dowlada ka gaarto dagaalka ka dhanka ah argagixisada, deegaannada laga xoreeyey iyo sida ay uga go’an tahay in la soo afjaro halista khawaariijta. Madaxweynaha ayaa sidoo kale ka warbixiyay abaaraha iyo saameynta ay ku yeelatay nolasha dadka Soomaaliyeed.
Dhankiisa, Madaxweynaha Jamhuuriyadda Jabuuti Mudane Ismaaciil Cumar Geelle oo ka qeyb-galay Madashan ayaa ugu hambalyeeyey Madaxweynaha, shacabka iyo dowladda Soomaaliyeed guulaha is-daba-joogga ah ee laga gaaray argagixisada Alshabaab iyo deegaannada laga xoreeyey, iyadoo Labada Madaxweyne ay shahaado sharaf ka guddoomeen Machadka Heritage, taas oo lagu maamuusayey doorka ay ka qaateen nabadda iyo xasilloonida Gobolka.
DHAMMAAD

Madaxweynaha dowlad goboleedka Galmudug oo isku shaandhayn ku sameeyey golihiisa wasiiradda.

Madaxweynaha dowlad goboleedka Galmudug oo isku shaandhayn ku sameeyey golihiisa wasiiradda.

Ujeeddo: Isku shaandheyn Wasiirro,

Madaxweynaha Dowladda Galmudug

Markuu Arkay: Qodobka 50aad Faqradiisa 5aad ee Dastuuka Dowlad Goboleedka Galmudug;

Markuu Arkay: Baahida loo qabo iskushaandheynta wasiirada;

Markuu Aarkay: Muhiimadda dhameestirka Golaha Wasiirada,

Markuu Latashaday: Madaxweyne Ku Xigeenka Dowladda Galmudug.

Wuxuu xeeriyay

Iskushaandheyn: Wasiirro, Wasiiru-Dowlayaal iyo Wasiir-kuxigeenno.

Hoos ka akhri liiska wasiirada:

Qodobka 1aad.

1.Garad Yusuf Mohamud Wasiirka Wasaaradda Kaluumaysiga iyo khayraadka Badda.

2.C/llahi Maxamed Yusuf Kulmiye Wasiirka Wasaaradda Dekedaha iyo Gaadiidka Badda.

3.C/llahi Cabdiraxman Xuseen, Wasiirka Wasaaradda Xanaaanada Xoolaha.

4.Muxiyadiin Cabdullahi Cusman, Wasiirka Wasaaradda Boostada iyo is gaarsiinta.

5.Abshir Cabdi Shiiqow Wasiirka Wasaaradda Warfaafinta, Hidaha iyo Dalxiiska.

6.Amaal Axmed Cabdulle, Wasiirka Wasaaradda Batroolka iyo Macdanta.

7.C/naasir C/llahi Cusmaan, Wasiiru-Dowlaha Wasaaradda Cadaaladda iyo Arimaha Garsoorka.

8.Cumar Maxamed Diiriye Wasiiru-Dowlaha Wasaaradda Arimaha Gudaha, Federaalka iyo Dib-u-heshiisiinta.

9.Daahir Faarax Fiidow, Wasiiru-Dowlaha Wasaaradda Caafimaadka iyo Arimaha Bulshada.

10.Farxiyo Cabdi Maxamed Wasiiru-Dowlaha Wasaaradda Gaadiidka iyo Duulista Hawada.

11.Eng.MaxamedCabdullahi Moxamed, Wasiir-kuxigeenka Wasaaradda Qorsheynta iyo Horumarinta Dhaqaalaha.

12.Cali-baashi Axmed Cigaal,Wasiir-kuxigeenka Wasaaradda Amniga Guddaha.

13.C/raxiin Axmed Cigaal, Wasiir-kuxigeenka Wasaaradda bay’ada iyo Deegaanka.

14.Axmed Maxamed Farax, Wasiir-kuxigeenka Wasaaradda Biyaha iyo Tamarta.

15.Shariif C/nuur Barre, Wasiir-kuxiggenka Wasaaradda Xanaanada Xoolaha.

16. Mahad Sh. Cali Cibaar,Wasiir-kuxiggenka Wasaaradda Ganacsiga iyo Warshadaha.

17.Maxamed Khaliif Salaad,Wasiir-kuxigeenka Wasaaradda Gargaarka iyo Maareynta Masiibooyinka.

18.Khalid Cabdi Yuusuf, Wasiir-kuxigeenka Wasaaradda Howlaha Guud iyo Guriyeenta.

19.C/raxmaan Maxamed Axmed Wasiir-kuxigeenka Wasaaradda Dhalinyarada iyo isboortiga.

20.C/raxman Maxamuud Maxamed Wasiir-kuxigeenka Wasaaradda Dastuurka.

21.Xasan Cabdullahi Maxamed, Wasiir-kuxigeenka Wasaaradda Beeraha, Dhirta iyo Daaqa.

22.Nuur Cali Cadow, Wasiir-kuxigeenka Wasaaradda Batroolka iyo Macdanta.

23.Xamdi Axmed Siciid, Wasiir-kuxigeenka Wasaaradda Haweenka iyo Xuquuqul insaanka.

24.C/nasir Axmed Cilmi,Wasiir-kuxigeenka Wasaaradda Dekedaha iyo Gaadiidka Badda.

25.Xuseen Xirsi Faarax, Wasiir-kuxigeenka Wasaaradda Warfaafinta, Hidaha iyo Dalxiiska.

26.C/rixiin Axmed Bariise, Wasiir-kuxigeenka Wasaaradda Owqaafta iyo Arimaha Diinta

Qodobka 2aad.

Xeerkaan wuxuu dhaqan galayaa markuu saxiixo Madaxweynaha Dowladda Galmudug, Wuuna Saxiixay.

– Dhamaad-

Raiisal Wasaare Xamze Abdi Barre ayaa manta furay shir looga hadalaayo xal u helidda barakacayaasha

Ra’iisul Wasaaraha Xukuumadda Federaalka Soomaaliya, mudane Xamse Cabdi Barre oo maanta furay shir looga hadlayo xal u helidda barakaca, ayaa caddeeyay inay muhiim tahay in wax laga qabto sababaha keena barakaca oo ay ugu horreeyaan colaadaha iyo is-beddelka cimilada.

MADAXWEYNE XASAN SHEEKH OO KULAN LA QAATAY GUDDOONKA IYO GUDDIGA JOOGTADA AH EE GOLAHA SHACABKA BFS

Muqdisho, Diseembar 05, 2022; Madaxweynaha Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya Mudane Xasan Sheekh Maxamuud ayaa kulan la qaatay Guddoonka iyo Guddiga Joogtada ah ee Golaha Shacabka Baarlamaanka Federaalka Soomaaliya oo uu uga warbixiyey halganka dalka lagaga xoreynayo argagixisada Alshabaab.
Madaxweynaha ayaa xusay in Baarlamaanka Federaalka Soomaaliya ay udub-dhexaad u yihiin qorshaha dalka lagaga xoreynayo argagixisada Alshabaab, maadaama ay wakiil u yihiin shacabka Soomaaliyeed ee la rafaadsan dhibaatada iyo gumaadka ay ku hayaan argagixisada Khawaarijta ah ee Alshabaab.
Madaxweynaha Jamhuuriyadda Mudane Xasan Sheekh Maxamuud ayaa ku boorriyey Guddoonka iyo Xildhibannada Baarlamaanka Federaalka Soomaaliya in ay dardar-geliyaan ansixinta sharciyada iyo siyaasadaha hortabinta u leh dowladnimada ee Xukuumaddu ay u soo gudbinayso, lana xoojiyo wada-shaqeynta goleyaasha dowladda.
Kulankan waxaa ka qeyb-galay Guddoomiyaha Golaha Shacabka Baarlamaanka Federaalka Soomaaliya Mudane Sheekh Aadan Maxamed Nuur, Guddoomiye Kuxigeennada Koowaad iyo Labaad ee Golaha Shacabka, Marwo Sacdiya Yaasiin Samatar iyo Mudane Cabdullaahi Cumar Abshir.
DHAMMAAD

Wasiirka Gaashaandhiga iyo Taliyaha Ciidanka Xoogga oo gaaray Magaalada Kismaayo

Wasiirka Wasaaradda Gaashaandhiga Xukumadda Federaalka Soomaaliya, Cabduqaadir Maxamed Nuur oo uu wehliyo Taliyaha Ciidanka Xoogga ayaa gaaray Magaalada Kismaayo ee caasimadda kumeel gaarka ah ee Jubaland.

Wafdiga ayaa waxaa garoonka Magaalada Kismaayo ku soo dhaweeyay Mas’uuliyiin ka tirsan Maamulka Jubbaland iyo Saraakiil Ciidan.

“Waxaan u mahad celineyna Maamulka Jubaland, Madaxwynaha, Wasiirada, Xildhibaanada labada heer iyo taliyayaasha Ciidamada oo soo dhoweyn diiran noo sameeyey” ayuu yiri Wasiirka Gaashaandhiga.

  

Bulshada Magaalada Cadaado oo dhigay Bannaanbax ay kaga soo horjeedaan Khawaarijta

Bulshada Magaalada Cadaado ee Gobolka Galgaduud ayaa maanta dhigay bannaanbax ballaaran oo ay kaga soo horjeedaan Khawaarijta Al-shabaab.

Dad u badan haween iyo Dhalinyarro ayaa isugu soo baxay wadooyinka Magaalada, iyaga oo ku dhawaaqay ay ereyo ay ku dhiiri-gelinayaan Kacdoonka Shacabka ee ka dhanka ah Khawaarijta.

“Dadka waa in ay kacaan, iskana dulqaadaan Argagixisada” ayuu yiri mid kamid ah Dhalinyarrada ka qeyb galay Bannaanbaxa maanta ka dhacay Cadaado.

Gobolada dalka ayaa waxaa ka socda Dagaal ay iska kaashanayaan dadka deegaanka iyo Ciidanka Qaranka, kaasi oo deegaanno badan looga xorreeyay Khawaarijta.

  

Madaxwynaha JFS oo dhagax dhigay dhismaha garoonka diyaaradaha degmada Cadale

Madaxweynaha Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya Mudane Xasan Sheikh Maxamuud iyo madaxwynaha dowlad goboleedka Hirshabeelle Cali Guudlaawe Xuseen ayaa maanta si wadajir ah u dhagax dhigay dhismaha garoonka diyaaradaha ee degmada Cadale oo si casri ah loo dhisi doono.

Garoonkaan diyaaradeed oo dhowaan dhismihiisu uu bilaaban doono ayaa wax badan kusoo kordhin doona harumarka deegaanka iyo isu socodka bulshada.

Wasiir Al-caddaala” In ka badan 100-xubnood oo ka tirsan Khawaarijta ayaa lagu dilay howlgal ka dhacay Ceel-dheere,”

Wasiir ku-xigeenka wasaaradda warfaafinta xukuumadda Federaalka Soomaaliya Mudane Cabdiraxmaan Yuusuf Al-caddaala ayaa shir jiraa’id uu qabtay ku faah faahiyay howlgal jab xooggan lagu gaarsiiyay Khawaarijta Al-shabaab oo ka dhacay deegaanka Ceel-dheere oo ku yaala xad kala qeybiya gobolada Hiiraan iyo Shabeellaha dhexe.

Wasiirka ayaa sheegay in howlgal qorheysan oo ay iska kaashadeen Ciidanka Xoogga, NISA iyo saaxiibada caalamiga ah lagu dilay in ka badan 100-xubnood oo argagixisada ka tirsana, tiro kalena laga dhaawacay.

“ In ka badan 100-xubnood oo isugu jira Horjoogayaal iyo Maleeshiyaad ka tirsan khawaarijta Al-Shabaab ayaa lagu dilay tiro kalana waa lagu dhaawacay howlgal qorshaysan oo ay iska kaashadeen Ciidanka Xoogga, NISA iyo saaxiibada caalamiga ah Oo ka dhacay deegaanka Ceeldheere,” ayuu yiri Wasiir Alcadaala.

Khaawrijta la laayay waxaa ku jira ilaa 10-ka tirsan horjoogayaashii hoggaaminayay maleeshiyadii deegaankaas isku uruursanayay, waxaana howlgalka oo guul ku soo dhammaaday u suurta gashay ciidamada qaranka in ay si buuxda gacanta ugu dhigaan deegaanka Ceel-dheere oo ah marin muhiim u ahaa Khawaarijta oo weerarada gurracan ay ka soo abaabuli jireen.

Ciidamada qaranka iyo dadka deegaanka ayaa hadda ku daba jira firxadka maleeshiyada Al-shabaab, kuwaas oo goobta ka baxsaday markii ay u babac dhigi waayeen awoodda muuqata ee ciidanka xoogga dalka iyo dadka deegaanka.

Madaxweynaha Shiinaha oo sheegay inuu nabadda kala shaqeynaayo Kuuriyada Waqooyi:

Madaxweynaha Dalka Shiinaha Xi Jinping ayaa u sheegay madaxweynaha Kuuriyada Waqooyi Kim Jong Un in Beijing ay diyaar u tahay in Pyongyang ay kala shaqeyso guud ahaan nabadda iyo xasilloonida caalamka, sida ay sheegtay wakaaladda wararka ee Kuuriyada Waqooyi (KCNA).

Warbixintaan ayaa soo baxda maanta oo Sabti ah,kadib markii  Kuuriyada Waqooyi ay ridday maalmihii la soo dhaafay gantaal isaga kala gooshi kara qaaradaha.

Dhambaalka uu u diray madaxweynha Shiinaha,waxa uu ku sheegay in Beijing ay diyaar u tahay in ay ka shaqeyso “nabada, xasiloonida, horumarka iyo barwaaqada gobolka iyo caalamka”.

Kuuriyada Waqooyi ayaa todobaadyadii la soo dhaafay samaysay rikoodh jabiyay gantaallo ay ridday, waxaana sii kordhay cabsida laga qabo in ay samaynayso tijaabadii toddobaad ee Nukliyeerka tan iyo sannadkii 2017-kii

Madaxweyne Xasan Sheikh oo bogaadiyay guulaha laga soo hooyay dagaalka ka dhanka ah Khawaarijta

Madaxweynaha Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya Mudane Xasan Sheikh Maxamuud ayaa kormeerey difaacyada ciidamada gobolka Shabeellaha Dhexe iyo diyaargarowga ay ku jiraan ciidamada xoogga dalka ee ku sugan furimaha.

Madaxweynaha ayaa bogaadiyay ciidamada iyo saraakiisha guulaha kasoo hooyay dagaalka Khawaarijta,islamarkaana habeen iyo maalin u taagan ciribtirka argagixisada si ay nabad ugu seexdaan shacabka.

Kormeerka, Madaxweynaha waxaa ku weheliya madaxweynaha dowlad-goboleedka Hir-shabeelle, Wasiirka Gaashaandhigga, Taliyaha ciidamada Xoogga dalka, Xildhibaano, guddoomiyaha Maxkamadda sare ee ciidamada qalabka sida iyo Guddoomiyaha Maxkamadda darajada koowaad ee ciidamada qalabka sida.