MADAXWEYNE XASAN SHEEKH “WALAALNIMADA DOWLADAHA SOOMAALIYA IYO JABUUTI WAXAA KU KORDHAY GACAL IYO XIDIDNIMO”

 Madaxweynaha Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya Mudane Xasan Sheekh Maxamuud ayaa uga mahadceliyey dhiggiisa dalka aan walaalaha nahay ee Jamhuuriyadda Jabuuti Mudane Ismaaciil Cumar Geelle sida maamuuska leh ee uu uga aqbalay doonista gabadhiisa Haybado Ismaaciil Cumar oo maanta loo doonay Xildhibaan Saadaq Cumar Xasan oo ka tirsan Baarlamaanka Federaalka Soomaaliya.
Madaxweynaha ayaa xusay dhaqanka gacalnimada, islaamnimada iyo Soomaalinimada leh ee soo jireenka ah kaas oo uu ku bogaadiyey walaalkiis Madaxweynaha Somaliland Muuse Biixi Cabdi guddoonsiinta gabadhan uu abtiga u yahay.
“Waxaa hore loo yiri rag waxa ugu han weyn ninka gabar nin dhalay yiraahda i siiya, waxaana ugu deeqsisan ninka siiya. Haybado Ismaaciil Cumar Geelle, waxaan ka doonaynaa abkeed, abtiyaasheed iyo aabbaheedba oo aan waydiisanayno in gabadha nala siiyo oo na loo meheriyo annaga oo ku taagan jidkii gacalnimada Islaamka iyo Soomaaliduba lahayd ee soo jireenka ahaa”.
Madaxweynaha Jamhuuriyadda Mudane Xasan Sheekh Maxamuud ayaa tilmaamay in walaalnimada dowladaha Soomaaliya iyo Jabuuti uu maanta ku kordhay gacal iyo xididnimo isagoo qoyska cusub Alle uga baryey in uu isu barakeeyo, kalana siiyo ubad iyo nolol wanaagsan, isagoo xasuusiyey qiimaha ay xanbaarsan yihiin midowgooda, maadaama ay isu guuriyeen labo Qaran oo walaalo ah, wadaagana dhaqan, dhiig iyo taariikh soojireen ah.
Munaasabaddan waxaa ka qeyb galay Ra’iisul Wasaareyaal Hore oo soo hoggaamiyey Xukuumadda Federaalka Soomaaliya, Xildhibaanno ka tirsan Baarlamaanka Soomaaliya, masuuliyiin iyo madax ka mid ah goleyaasha Jamhuuriyadaha Jabuuti iyo Soomaaliya.
DHAMMAAD

Wasiirka A/Dibadda oo Muqdisho ku qaabilay Wakiilka gaarka ah ee Shiinaha u qaabilsan arrimaha afrika

Wasiirka Arrimaha Dibadda iyo Iskaashiga Caalamiga, Mudane Abshir Cumar Jaamac, ayaa maanta oo Arbaco ah ku qaabilay Caasimadda Muqdisho, Wakiilka gaarka ah ee Dowladda Shiinaha u qaabilsan Arrimaha Afrika, Mudane Liu Yuxi, waxa uu kala hadlay siyaabaha lagu xoojin karo xiriirka labo geesoodka iyo iskaashi wadaagga.
Intii kulanka lagu gudo jiray , waxaa lagu faaqiday dhowr feyl, oo ay ku jirto isku-duwidda aragtiyada xilliyada la joogo shirarka caalamiga, taageeridda ololaha Soomaaliya ee si dhammaystiran looga qaadayo xayiraadda hubka ay Qaramada Midoobey ku soo rogtay sanadkii 1992, xushmad is-dhaafsiga labada dal ee ku saabsan dhowridda madax-bannaanida iyo midnimada dhuleed si la mid ah maalgeshiga Shiinaha iyo mashaariicdiisa horumarineed oo laga fuliyo Soomaaliya.

WASIIRKA GAADIIDKA IYO WAKIILADA BEESHA CAALAMKA OO KA QEYB-GALAY XUSKA MAALINTA CAALAMIGA AH EE DUULISTA

Munaasabadda Dabaaldegga Maalinta Caalamiga ee Duulista oo markasta la qabto 7-da Dicember ayaa Waxaa ka soo qeyb galay Wasiirka Wasaaradda Gaadiidka XFS maamulka Guddiga Adeegga Diyaaradaha, Agaasimaha Guud Wasaaradda Gaadiidka, Maamul Garoonka Aadan Cabdulle, Qaar ka midah xildhibaano katirsan labada aqal ee BFS, Safiirada dalalka saaxiibada sida oo ay ka mid yihiin UK, Mareykanka, Uganda, Itoobiya, qaar ka mid ah Taliyayaasha ciidamada iyo martisharaf kala duwan.

Axmed Macalin Xasan, Maareeyaha Hay’adda Duulista Rayidka Soomaaliyeed, oo hadal ka jeediyay xafladdan ayaa ka hadlay Marxaladihii kala duwanaa ee ay soo martay hawada Soomaaliya iyo dadaalkii laga soomaray ka hor inta aanan si rasmi ah loogu wareejinin Soomaaliya.

Wasiirka Wasaaradda Gaadiidka XFS Fardowso Cismaan Cigaal ayaa ka sheekeysay howlqabadka Hay’adda Duulista Rayidka ee dadaalka xagga horumarka iyo kobaca dhaqaalaha dalka iyadoo soo hadal qaaday in ay Wasaaraddu iyo DFS ay ku dadaaleyso soocelinta Diyaaraddii Soomaali Airlines waxaana ay munaasabadda Dabaaldagga Maalunta Caalamiga ah darteed ay ugu hambalyeysay howlwadeenada Hay’adda Duulista iyo Hay’adaha Duulista dunida horumar iyo wadasheyn.

Munaasabadda oo ay sidoo kale hadalo ku aadan hambalyada xuska maalinta caalamiga ah ee Duulista ee 7-da Bisha Dicember ka jeediyay safiirdada, mas’uuliyiintii iyo hay’adaha caalamiga ah ee lagu casuumay ayaa waxaa ugu dambeyntii uu Wasiirka Gaadiidka Fardowsa Cismaan Cigaal iyo Agaasimaha Guud Cali Gacal Gaaboow ay Guddoonsiiyeen Guddiga adeegga diyaaradaha, Shirkadda Diyaaradaha sida Ithiopia Airlines, Turkish Airlines, Uganda, Taliyaha Saldhigga Garoonka, Shirkadda Favori LLC abaal marin.

Madaxwaynaha Puntland Siciid Cabdulhi dani oo ka hadlayay furitaanka Shirwaynaha arimaha Diinta

Madaxwaynaha Puntland Siciid Cabdulhi dani oo ka hadlayay furitaanka Shirwaynaha arimaha Diinta oo ay soo Qaban qaabisay wasaarada Cadaalada iyo Arimaha Dinta Puntland ayna ka soo qayb Galeen Culima awdiin kala duwan oo isaga kala yimid Gobalada iyo Dagmooyinka Puntland ayaa ku Dheeraaday ka hadlida dhibaatada ay Bulshada ku hayaan qaybaha Mukhaadsraadka oo uu Madaxwaynahu Tilmaamay inay marayso meel khatarteeda leh una baahan wax qabad dag dag.

Madaxwayne Dani ayaa si gaar ah farta ugu fiiqay Laamaha Ammaanka iyo Ciidamada kala duwan ee ka shaqeeya la Dagaalanka Mukhaadaraadka oo uu Sheegay in uu si dhow ula socdo in iyaga Laftigoodu Horseed ka yihiin fududaynta iyo isticmaalka Mukhaadsraadka halki ay La dagaalami lahaayeen.

Madaxwayne Dani ayaa Culima awdiinka iyo Odayaasha dhaqanka Puntland ugu baaqay inay si gaar ah Dowlada iyo shacabkaba ugala shaqeeyaan wacyi Galinta arintaani iyo sidii laysaga kaashan lahaa ciribtirka Mukhaadaraadka iyo Fasahaadyada kala duwan ee ay keento.

Shirweynahan Cadaalada iyo Arimaha Diinta Puntland ayaa lagu wadaa in gabagabadiisa laga soo saaro qodobo si gaar ah u taabanaya Hab nidaaminta Dugsiyada lagu barto qur’aanka Kariimka ah iyo wax qabashada Dhibaatada Mukhaadraadka iyo Anshax Xumada wada jira.

Wasiirka Gaadiidka, iyo Xildhibaano wakiilada Beesha Caalamka oo maanta ka qeyb-galay Dabaaldegga Xuska Maalinta Caalamiga ah ee Duulista ee 7-da Dicember oo lagu qabtay Muqdisho.

Munaasabadda Dabaaldegga Maalinta Caalamiga ee Duulista oo markasta la qabto 7-da Dicember ayaa Waxaa ka soo qeyb galay Wasiirka Wasaaradda Gaadiidka XFS maamulka Guddiga Adeegga Diyaaradaha, Agaasimaha Guud Wasaaradda Gaadiidka, Maamul Garoonka Aadan Cabdulle, Qaar ka midah xildhibaano katirsan labada aqal ee BFS, Safiirada dalalka saaxiibada sida oo ay ka mid yihiin UK, Mareykanka, Uganda, Itoobiya, qaar ka mid ah Taliyayaasha ciidamada iyo martisharaf kala duwan.

Axmed Macalin Xasan, Maareeyaha Hay’adda Duulista Rayidka Soomaaliyeed, oo hadal ka jeediyay xafladdan ayaa ka hadlay Marxaladihii kala duwanaa ee ay soo martay hawada Soomaaliya iyo dadaalkii laga soomaray ka hor inta aanan si rasmi ah loogu wareejinin Soomaaliya.

Wasiirka Wasaaradda Gaadiidka XFS Fardowso Cismaan Cigaal ayaa ka sheekeysay howlqabadka Hay’adda Duulista Rayidka ee dadaalka xagga horumarka iyo kobaca dhaqaalaha dalka iyadoo soo hadal qaaday in ay Wasaaraddu iyo DFS ay ku dadaaleyso soocelinta Diyaaraddii Soomaali Airlines waxaana ay munaasabadda Dabaaldagga Maalunta Caalamiga ah darteed ay ugu hambalyeysay howlwadeenada Hay’adda Duulista iyo Hay’adaha Duulista dunida horumar iyo wadasheyn.

Munaasabadda oo ay sidoo kale hadalo ku aadan hambalyada xuska maalinta caalamiga ah ee Duulista ee 7-da Bisha Dicember ka jeediyay safiirdada, mas’uuliyiintii iyo hay’adaha caalamiga ah ee lagu casuumay ayaa waxaa ugu dambeyntii uu Wasiirka Gaadiidka Fardowsa Cismaan Cigaal iyo Agaasimaha Guud Cali Gacal Gaaboow ay Guddoonsiiyeen Guddiga adeegga diyaaradaha, Shirkadda Diyaaradaha sida Ithiopia Airlines, Turkish Airlines, Uganda, Taliyaha Saldhigga Garoonka, Shirkadda Favori LLC abaal marin.

Hay’adda Maaraynta Musiibooyinka ayaa maanta magaalada Dhuusamareeb ka rartay deeq raashin ah oo loogu talagalay dadka ka soo barakacay daggaallada argagaxisida lagula jiro gaar ahaan aagga Degmada Baxdo.

Gudoomiyaha hay’adda Maaraynta Musiibooyinka Maxamuud Macallin Cabdulle ayaa warbaahinta u sheegay in deeq raashin ah oo ka kooban Bur, Bariis, Sokor, Baasto iyo Saliid ay gaarsinayaan deegannadii uu dhawaan booqday Madaxwaynaha JFS Xasan Sheekh Maxamuud.
Sidoo kale wasiirka Gargaarka Dowlad goboleedka Galmudug Cabdiraxmaan Makkaawi oo isna ka hadlay goobtii raashinka laga rarayay ayaa u mahadceliyay hay’adda maaraynta Musiibooyinka sida ay u garab istaagtay dadka ka soo barakacay goobaha daagalladu ka socdaan.

MADAXWEYNE XASAN SHEEKH MAXAMUUD IYO DHIGGIISA JABUUTI OO KA WADA HADLAY HORUMARINTA ISKAASHIGA LABA DAL.

Madaxweynaha Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya Mudane Xasan Sheekh Maxamuud iyo wafdi uu hoggaaminayo oo safar ku jooga dalka aan walaalaha nahay ee Jabuuti ayaa Qasriga Madaxtooyada dalkaasi kula kulmay dhiggiisa Jabuuti Mudane Ismaaciil Cumar Geelle.

Madaxweyne Xasan Sheekh Maxamuud oo la wadaagay dhiggiisa Dalka Jamhuuriyadda Jabuuti mudane Ismaaciil Cumar Geelle guulaha ay ciidamada Qaranka iyo shacabka Soomaaliyeed ka gaareen dagaalka ka dhanka ah Khawaarijta Al-shabaab, xasillinta dalka iyo adkeynta dowladnimada ayaa uga mahad celiyay nafhurnimada iyo garab istaagga walaalnimo ee ay dowladda Jabuuti, gaar ahaan ciidamada Hiil walaal u muujiyeen shacabka iyo dowladda Soomaaliyeed, xilliga adag ee uu socda howgalka dib u xoreynta dalka.

Dhankiisa, Madaxweynaha Jamhuuriyadda Jabuuti mudane Ismaaciil Cumar Geello oo bogaadiyay natiijooyinka wanaagsan ee laga gaaray dagaalka Khawaarijta ayaa xusay in dowladda Jabuuti ay sii wadidoonto taageerada ay siiso dowladda Soomaaliya si looga adkaato kooxaha argagixisada ah ee caqabada ku ah nabadda iyo horumarka gobolka.

DHAMMAAD

MADAXWEYNE XASAN SHEEKH MAXAMUUD IYO DHIGGIISA JABUUTI OO KA WADA HADLAY HORUMARINTA ISKAASHIGA LABA DAL.

Jabuuti, Diseembar 07, 2022: Madaxweynaha Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya Mudane Xasan Sheekh Maxamuud iyo wafdi uu hoggaaminayo oo safar ku jooga dalka aan walaalaha nahay ee Jabuuti ayaa Qasriga Madaxtooyada dalkaasi kula kulmay dhiggiisa Jabuuti Mudane Ismaaciil Cumar Geelle.
Madaxweyne Xasan Sheekh Maxamuud oo la wadaagay dhiggiisa Dalka Jamhuuriyadda Jabuuti mudane Ismaaciil Cumar Geelle guulaha ay ciidamada Qaranka iyo shacabka Soomaaliyeed ka gaareen dagaalka ka dhanka ah Khawaarijta Al-shabaab, xasillinta dalka iyo adkeynta dowladnimada ayaa uga mahad celiyay nafhurnimada iyo garab istaagga walaalnimo ee ay dowladda Jabuuti, gaar ahaan ciidamada Hiil walaal u muujiyeen shacabka iyo dowladda Soomaaliyeed, xilliga adag ee uu socda howgalka dib u xoreynta dalka.
Dhankiisa, Madaxweynaha Jamhuuriyadda Jabuuti mudane Ismaaciil Cumar Geello oo bogaadiyay natiijooyinka wanaagsan ee laga gaaray dagaalka Khawaarijta ayaa xusay in dowladda Jabuuti ay sii wadidoonto taageerada ay siiso dowladda Soomaaliya si looga adkaato kooxaha argagixisada ah ee caqabada ku ah nabadda iyo horumarka gobolka.
DHAMMAAD

Wasiirka Wasaaradda Gaashaandhigga XFS oo gaaray dalka itoobiya

Wasiirka Wasaaradda Gaashaandhigga XFS mudane, Cabdulqaadir Maxamed Nuur Jaamac iyo Wafdi uu hoggaaminayo ayaa booqasho rasmi ah ku gaaray magaalada Addis Ababa ee xarunta dalka Ethiopia.
Mudane Cabdulqaadir Maxamed Nuur iyo wafdigiisa waxaa garoonka diyaaradaha ku soo dhaweeyay Sarakiil ka tirsan wasaaradda Difaaca Ethopia iyo madaxda Safaaradda Soomaaliya ee dalkaasi.

R/wasaaraha XFS oo Xafiiskiisa ku qaabilay Wakiilka gaarka ee Guddiga Midowga Afrika

Ra’iisul Wasaaraha Xukuumadda Federaalka Soomaaliya, mudane Hamza Abdi Barre ayaa maanta xafiiskiisa ku qaabilay Wakiilka Gaarka ah ee Guddiga Midowga Afrika ahna madaxa ATMIS, Souef Mohamed El-Amine.
Kulanka Ra’iisul Wasaare Xamse iyo Danjire Souef ayaa si gaar ah looga hadlay arrimaha amniga, dadaallada dib-u-xoreynta, xasillinta iyo doorka ATMIS ee dagaalka lagu cirib tirayo kooxaha Argagaxisada.
Ra’iisul Wasaare Xamse ayaa ciidanka Midawga Afrika uga mahad celiyay doorkooda dhismaha nabad-gelyada dalka.
Madaxa ATMIS, Souef Mohamed El-Amine ayaa intii uu kulanku socday waxuuu dowladda Soomaaliya ugu hambalyeeyay guulaha la taaban karo ee ciidanka xoogga dalka iyo dadka deegaanka oo iskaashanaya ay ka soo hooyeen dagaalka lagula jiro Khawaariijta, gaar ahaan guushii ugu dambeysay ee argagaxisada looga xorreeyay degmada Aadan Yabaal ee gobolka Shabeellada Dhexe.
Danjire Souef ayaa ballan qaaday in ATMIS ay dowladda Federaalka Soomaaliya kala shaqeyneyso dagaalka lagu ciribtirayo Khawaarijta iyo dadaallada Xukuumadda ee amniga iyo xasilloonida dalka looga hir-gelinayo.