Askarigii dhabarka kaga istaagay George Floyd oo la xukumay

Askari hore oo ka tirsan booliska gobolka Minneapolis isla markaana dhabarka kaga istaagay George Floyd oo ahaa ninkii madowga ahaa ee lagu dilay Mareykanka ayaa lau xukumay 3 sano iyo bar kadib kaalintii uu ka qaatay falkaas.

J Alexander Kueng ayaa qirtay dambi ah in uu ka qeyb qaatay ku lug lahaanshaha iyo dilka darajada koowaad bishii Oktoobar.

Askarigan wuxuu kamid ahaa afar sarkaal oo boolis ah o lala xiriiriyay dilka xilli laga soo duubay muuqaal.

Dilka George Floyd oo dhacay sanadkii 2020 waxay caro weyn ka dhalisay caalamka, Mudaharaadyo looga soo horjeeday cunsuriyadda ayaa ka dhacay dalal ka mid ah caalamka, iyadoo looga fal celinayo dhimashadaas.

Booliska maamulka Puntland oo Gacanta ku dhigay eedeysane dil geystay

Ciidanka Booliska Gobolka Bari ee Maamulka Puntland Oo Kashanaya Bulshada iyo Qeybaha Kala Duwan Ee Cidamada ayaa Gacanta Kuso Dhiigey Gacan ku dhiigle Faarax Jibriil Xuseen oo Dil u geestey Marxuum Mohamed abdirashiid Abdirahman Tariikhda Markay ahayd 11 /11/2022 .

Taliyaha Qeybta Booliiska Gobolka Bari G/sarre Cabdulqaadir Jaamac Dirir ayaa
Bulshada la wadaagay In gacan ku dhiiglaha Uu Ku jiro Gacanta Ciidamada lana horkeeni doono Sharciga .

Taliyaha ayaa Sido kale Bulshada ugu baaqay cid kasta oo isku dayda Khalkhal amni darro iney Sameyso iney ku danbeyn doonto Gacanta amniga Sharciga La horkeeni doono .

Taliye C/qaadir Ayaa umahadceliyey Bulshada oo qeyb ka ahaa Sidii Gacanta loogu soo dhigi lahaa Gacan ku dhiiglaha

Ciidamada Hay’adda Sirdoonka iyo Nabad Sugida Qaranka oo Dilay dhagar qabe Khawaarij ah

Ciidanka gaarka ah ee Hay’adda Sirdoonka iyo Nabad Sugida Qaranka ayaa xalay ku dilay dhagar qabe Khawaarij ah inta u dhaxaysa deegaanada Basra iyo Sabyo waxayna gacanta ku dhigeen labo xubnood oo kale oo ka tirsan Khawaarijta, kuwaasi oo waday waxyaabaha Qarxa iyo Hub.

Xubnahaan Khawaarijta ah oo si dhuumaysi ah ku socday ayaa ciidanka Ammaanka waxaa ku soo war geliyay shacabka deegaanka.

Guddoomiyaha Gobolka Banaadir oo Maanta guddoomiyay Kulanka gudoonka sare ee Maamulka Gobolka Banaadir kaas oo looga hadlayay dardargalinta howlaha kala duwan ee lagu horumarinayo Caasimadda

Guddoomiyaha Gobolka Banaadir Ahna Duqa Magaalada Muqdisho Mudane Yuusuf Xuseen Jimcaale (Madaale) ayaa shir guddoomiyay Kulanka gudoonka sare ee Maamulka Gobolka Banaadir kaas oo looga hadlayay dardargalin howlaha kala duwan ee lagu horumarinayo Caasimadda JFS.

Duqa Magaalada Muqdisho Mudane Sheikh Yuusuf Madaale ayaa warbixina ku saabsan howlihii u qabsoomay Maamulka Gobolka Banaadir iyo kuwa la filaayo in la hirgaliyo ka dhageestay Guddoomiye ku-xigeenada Maamulka Gobolka Banaadir iyo Xog’hayaha guud ee Maamulka Gobolka.

Wasiirka Arrimaha Dibadda XFS oo tababbar diblomaasiyadeed u soo xiray howlwadeeno dowladeed

Wasiirka Arrimaha Dibadda iyo Iskaashiga Caalamiga, Mudane Cabdisaciid Muuse Cali, ayaa maanta oo Khamiis ah ugu soo xiray Caasimadda Muqdisho tababbar aasaasi ah oo diblomaasiyadeed 34 shaqaale dowladeed.

Tababbarka oo uu soo agaasimay Machadka Diblomaasiyadda ayaa soconayay intii u dhexeysay 5-27 January, laguna qaadanayay casharro aasaasi ah oo diblomaasiyadda iyo habmaamuuska la xiriira sida uu xaqiijiyay Agaasimaha Machadka Mudane Cabdiweli Xasan Xuseen (Fadiilatahu) oo carabaabay rajadiisa in Machadku u qabto tababbaro kala duwan dhammaan diblomaasiyiinta Soomaaliyeed si loo horumariyo shaqada, looguna diyaariyo aqoon ahaan si ay u hagaagto howl-gudashadooda iyo ka soo dhalaalidda waajibaadka iyo mas’uuliyadaha loo igmaday si looga dhabeeyo ujeedka la hiigsanayo.

Wasiirka Arrimaha Dibadda iyo Iskaashiga Caalamiga oo ka hadlayay xafladda ayaa caddeeyay in Machadku u diyaar yahay tababbaridda iyo bixinta koorsooyin ku habboon oo lagu daboolayo baahiyaha waxbarasho ee diblomaasiyadda Soomaaliya si kor loogu qaado heerka adeegga.

Xafladda xiritaanka tababbarka ayaa waxaa goobjoog ka ahaa Wasiir kuxigeenka Arrimaha Dibadda iyo Iskaashiga Caalamiga, Mudane Maxamuud Cabdi Xasan (Pekos), Xoghayaha Joogtada Wasaaradda, Mudane Danjire Maxamed Cali-Nuur Xaaji iyo qaar ka mid ah agaasimayaasha Waaxyaha Wasaaradda.

 

Wasiirka Gaashaandhigga Soomaaliya oo gaaray degmada aadan yabaal.

Wasiirka Gaashaandhiga Soomaaliya iyo Taliyaha xoogga dalka ayaa booqday degmada Aadan-yabaal oo ka mid ah degmooyinka ugu muhiimsan ee laga xoreeyay Khawaarijta Al-Shabaab.

Wasiirka iyo Taliyaha oo ay weheliyaan xildhibaano ka tirsan baarlamaanka Soomaaliya ayaa socod ku soo maray goobaha ay joogaan ciidamada qalabka sida iyo kuwa dib u xoreynta deegaanka, isagoo uga mahadceliyay guulaha muhiimka ah oo ay ka gaareen dagaalka Khawaarijta.

Wasiirka ayaa sheegay inaan laga hari doonin firxadka kooxda arxanka daran ee Khawaarijta ah oo halkaan sanado badan ku dhibaateynayey shacabka deegaanka.

Taliyaha ciidanka xoogga dalka Jeneraal Odowaa Yuusuf Raage ayaa dhankiisa sheegay in jab xooggan Khawaarijta lagu gaarsiiyay dagaalka ka socda dalka, isla markaana aan laga hari doonin meel kastoo ay gabaad ka dhigtaana looga dabagali doono.

Dowlada Soomaaliya ayaa guulo waaweyn ka gaartay dagaalka lagula jiro Argagixsada Al-Shabaab ee uu iclmaaiyay Madaxweeynaha JFS.

MADAXWEYNE XASAN SHEEKH OO KULA KULMAY MADASHA RIYAAD EE ISKAASHIGA CARABTA IYO SHIINAHA DHIGGIISA XI JINPING

Riyaad- Madaxweynaha Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya Mudane Xasan Sheekh Maxamuud oo ka qeyb galaya Shirka Shiinaha iyo dalalka Carabta ayaa kulan miro-dhal ah la qaatay dhigiisa dalka Shiinaha Mudane Xi Jinping.
Madaxweynaha ayaa la wadaagay Madaxweyne Jinping xaaladda dalka iyo dagaalka ka dhanka ah argagixisada, isagoo xusay guulaha wax ku oolka ah ee ay gaareen Ciidamada Soomaaliyeed oo kaashanaya bulshada deegaannada ay kuu dhuumaaleysanayaan argagixisada Alshabaab.
Madaxweynaha Jamhuuriyadda Shacbiga ah ee Shiinaha ayaa tilmaamay in dalkiisu ay mar waliba aaminsan yihiin midnimada iyo madaxbanaanida Soomaaliya, isagoo soo bandhigay sida ay uga go’antahay garab istaaga Jamhruuiyaddda Federaalka Soomaaliya, gaar ahaan dagaalka ay kula jirto argagaxisada khawaaarijta, horumarinta kaabeyaasha dhaqaalaha iyo xaqiijinta qorshaha deyn cafinta.
Sidoo kale, Labada Madaxweyne ayaa ka wada hadlaya xiriirka taariikhiga ah ee labada dal iyo sida Shiinuhu ay saaxiib dhow ula ahaayeen dowladda iyo shacabka Soomaaliyeed, iyagoo fuliyey mashaariic dhaxal-gal ah oo ilaa maanta ay dheefsadaan shacabka Soomaaliyeed.
Madaxweynaha Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya Mudane Xasan Sheekh Maxamuud oo si diirran loogu soo dhaweeyey magaalada Riyaad ee dalka Sucuudiga ayaa halkaas kala qeyb galaya Madaxda, Amiirrada iyo Boqorrada dalalka Carabta Madadha Iskaashiga Shiinaha iyo Carabta oo lagaga arrinsanayo xoojinta xasilloonida mabdiqadda, horumarinta, isbeddelka cimilada iyo ganacsiga.

TALIYAHA HAY’ADDA NABADDA SUGIDDA IYO SIRDOONKA QARANKA (NISA) OO TACSI U DIRAY

Taliyaha Hay’adda Nabad Sugida iyo Sirdoonka Qaranka (NISA) Mahad Maxamed Salaad ayaa tacsi u diray qoyska, qaraabada, saraakiisha, xubnaha Hay’adda iyo dhammaan ummadda Soomaaliyeed ee uu ka shahiiiday Marxuum Cabdiraxmaan Cabdullaahi (Bakaal Kooke) oo ahaa Taliyihii NISA ee gobalka Gedo, kaas oo ku geeriyooday Qarax ka dhacay duleedka degmada Luuq.
“Bakaal wuxuu shahiiday isagoo xaqa ku taagan, naftiisana u hibeeyay sidii dalka iyo dadka looga dulqaadi lahaa cadowga Khawaarijta ah.” ayuu yiri Taliyaha NISA.
Taliye Mahad Salaad ayaa amray qaybaha baarista ee hay’adda in baaritaan dhab ah lagu sameeyo kiiska geerida Taliye Bakaal. Wuxuu sidoo kale sheegay in howlgallada dalka looga ciribtirayo Khawaarijta laguna bartilmaameedsanayo horjoogayaasha Khawaarijta uusan joogsan doonin xanuun kasta oo soo gaara geesiyaasha u taagan difaaca dalka iyo dadka.

DOWLADDA FEDERAALKA SOOMAALIYA OO CAMBAAREYSAY TACADDIYADA XAQUUQUL INSAANKA EE KHAWAARIIJTA KA GEYSTEEN AADAN YABAALKA

Dowladda Federaalka Soomaaliya ayaa cambaareysay tacadiyadii xuquuqul insaanka ka baxsanaa ee dhowaan ay Degmada Aadan Yabaal ka geysteen Khawaarijta gabalkooda sii dhacayo.
Khawaarijta sii cararayey ee jabey ayaa halkaasi ku dhaawactiray in ka badan 100 xubnood oo ka mid ahaa Khawaarijta ku dhaawacantey dagaalkii kooxda arxanlaaweyaasha looga saaray Degmada Aadan Yabaal.
Dowladda Federaalka ayaa tacadiyadaas ku tilmaantey kuwo ka baxsan diinta Islaamka, aadminimada iyo dhaqanka Soomaaliyeed intaba.
Dhakhaatiirta Ciidanka Xoogga Dalka Soomaaliya oo diyaar u ahaa daweynta iyo xanaaneynta Khawaarijta dagaalka ku dhaawacmey, ayaa ka war helay in la helay godad waaweyn oo lagu guray Khawaarijta iyagoo dhaawacan ay dhameystireen madaxda Khawaarijta ee sii cararayey.
Dowladda Federaalka Soomaaliya waxay aaminsan tahay in dhalinyaradaasi la khaldey ay heli lahaayeen soo dhoweyn iyo in loo diyaariyo inay bulshada dib uga mid noqdaan marka ay dhameystaan barnaamijyada dhaqan celinta ee dowladda.
Waxaa mar kale loogu baaqayaa dhalinyarada la khaldey inay iska diidaan awaamiirta horjoogeyaasha arxanlaaweyaasha ah, ayna degdeg isugu soo dhiibaan dowladda si naftooda iyo mustaqbalkooda loo badbaadiyo.

HANTI DHOWRAHA GUUD EE QARANKA OO MAGAALADA GENEVA UGA QEYB GALAY SHIRKA MAAMULKA DEYMAHA

Hantidhawraha Guud ee Qaranka mudane, Maxamed Maxamuud Cali ayaa magaalada Geneva ee dalka Switzerland uga qaybgalay Shirka Maamulka Daymaha oo ay soo qabanqaabisay Madasha Ganacsiga iyo Hormarka Qaramada Midoobay ee UNCTAD.
Shirkan ayaa lagu lafaguray qodobbo muhiim ah oo ku saabsan maamulka daymaha iyo maaliyadda guud, iyada oo xoogga la saarayo siyaasadaha xalka loogu raadinayo caqabadaha daymuhu ay ku leeyihiin dawladaha dunida xilligan xasaasiga ah.
Hantidhawraha Qaranka ayaa intii uu kulanku socday waxaa uu sidoo kale shir-doceed la yeeshay Ku-xigeenka Xoghayaha UNTCTAD Mudane Pedro Manuel Moreno, iyagoo isla sooqaaday sidii la isaga kaashan lahaa arrimaha la xiriira daahfurnaanta maamulka daynta.
Soomaaliya waxay xusulduub ugu jirtaa inay gaarto bar-dhammaadka hannaanka dayn cafinta (HIPIC) kaasi oo dalka u sahli doona in laga cafiyo dhammaan deymaha uu horay u galay.