Ciidanka xoogga dalka oo khawaarijta kala wareegay Gacan ku haynta degaannada Daynuunaay iyo Moodo moode

Ciidanka xoogga dalka oo khawaarijta kala wareegay Gacan ku haynta degaannada Daynuunaay iyo Moodo moode oo katirsan Gobalka Baay kuwaas oo muhiim u ah isku socodka Baydhabo iyo Buur-hakaba.
Saraakiil ka tirsan Ciidamada xoogga dalka qeybta 60aad ayaa sheegay in ay guud ahaan xaqiijiyeen Amniga labadaas deegaan, isla markaana ay gudaha degaannadaas ka wadaan howlgallo miino baaris ah.

Qatar oo xoojineyso xiriirka Siyaasadeed ee Soomaaliya.

Munaasabad lagu maamuusayay “Maalinta Qarannimada Qatar” oo ka dhacday Magaalada Muqdisho kana qaybgaleen Mas’uuliyiin katirsan Dowladda Federaalka & madax kale oo dalkaas ka socotay ayaa lagu soo bandhigay xiriirka ay wadaagaan Dooxa & Muqdisho.

Danjiraha Qatar ee Soomaaliya Cabdalla Bin Saalim Alnucaymi ayaa sheegay in Dalkiisa uu xoojinayo dhinacyada Siyaasadda, Dhaqaalaha & Dhaqanka ee ay wadaagaan Soomaaliya iyo Qatar isaga oo sheegay in Dooxa ay garabtaagan tahay Muqdisho.

Waxa uu sheegay in dalkiisa uu sanadkaan 2022 martigeliyay Koobka Adduunka 2022 oo hadal heyn badan dhaliyay, fariin uu ka waday Amiirka Dalkaas Sheekh Tamiim Bin Hamad ayuu la wadaagay Mas’uuliyiinta uu ugu derajo sarreeyay Ra’iisul Wasaaraha XFS Xamsa Cabdi Barre.

“Waxa aan idinla wadaagayaa fariin bogaadin ah oo aan kawado Amiirka Qatar Sheekh Tamiim Bin Hamad, Qatar waxa ay martigelisay Koobka Adduunka, Qatar waxa ay koobka ku martigelisay si ilbaxnimo leh oo taageero oo hab maamul & dareen shacab ka muuqda, xiriirka ka dhaxeeya Soomaaliya & Qatar waa mid ku dhisan Walaalnimo, siyaasad, dhaqaale & iskaashi, waxa aan u taaganahay in aan xoojino cilaaqaadka & danaha labada shacab ee walaalaha ah” Cabdalla Bin Saalim Alnucaymi.

Ra’iisul Wasaaraha XFS Xamsa Cabdi Barre ayaa oo dhankiisa jeediyay khudbad uu uga hadlay xiriirka labada dal, kaalmada Qatar ee Soomaaliya & danaha ay wadaagaan ayaa bogaadiyay dedaalka ay bixineyso Xukuumadda Dooxa.

Xamsa ayaa ugu hambalyeeyay in Qatar ay noqoto waddankii ugu horreeyay ee Carbeed ee martigeliya Koobka Adduunka, isaga oo sheegay in si wanaagsan oo soo jiidasho leh in ay u martiqaadeen daneeyaasha Kubadda Cagta, ciyaartoyda & Madax kale.

“Waxa aan aragnaa Bulshada Qatar oo ku faraxsan maalinta Qarannimada oo ah markii ciidda Qatar laga suray Calanka Dalkaas, Shacab & Xukuumad waxaa si kal iyo laab ah ugu bogaadineynaa madaxda uu ugu horreeyo amiir Sheekh Tamiim & Shacabka Qatar, mashaariic kala duwan ayay Qatar ka sameysaa Soomaaliya taasi waxa ay muujineysaa xiriirka labada Dal & labada Dad, Qatar waa waddankii ugu horreeyay ee carbeed ee qabtay Koobka Adduunka si ilbaxnimo & karti dheeraad ah ka muuqato, waxa aan uga mahadcelinayaa sida ay bulshada caalamka u tusisay dedaalka dheeraad ah oo xitaa furitaanka koobka markii ugu horreysay lagu daah-furay Qur’aanka Kariimka, munaasabaddaan waxa aan uga mahadcelinayaa Dowladda & Shacabka Qatar oo aan rajeyneyo in ay xoojiyaan iskaashiga guud ahaan caalamka gaar ahaan Muslimiinta & Carabta, markale waxa aan idin leeyahay sanad wanaagsan, waad mahadsan tihiin” RW Xamsa Cabdi Barre.

Qatar ayaa bixisay mashaariic kala duwan oo Soomaaliya laga hirgelinayo inkasta oo lagu dhaqaaqay qaar kamid ah, qayb waa qabyo halka la dhammeystiray dhismaha waddada Muqdisho & Afgooye, Dooxa ayaa sheegtay in ay garab taagan tahay Muqdisho.

KU SIMAHA MADAXWEYNAHA JFS OO KULAN LA QAATAY DUUBABKA DHAQANKA GOBOLKA BAKOOL.

Xudur, December 13,2022: Ku simaha Madaxweynaha Jamhuuriyadda ahna Guddoomiyaha Golaha Shacabka Baarlamaanka Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya Mudane Sheekh Aadan Maxamed Nuur (Madoobe) ayaa maanta kulan la qaatay odayaasha dhaqanka Degmada Xudur ee xarunta Gobolka Bakool.
Golaha odayaasha dhaqanka ee Gobolka Bakool ayaa Guddoomiyaha warbixin ka siiyay xaalada deegaanka oo ay dhaqanku sheegeen inay aad u cakiran tahay, dhammaan magaalooyinka iyo deegaannada gobolka ay go’doomiyeen kooxda Khawaariijta ah ayaa Dowladda Federaalka ka codsaday in gacan laga siiyo la dagaallanka argagaxisada.
Ku simaha Madaxweynaha ahna Guddoomiyaha Golaha Shacabka BJFS Mudane Sheekh Aadan Madoobe ayaa duubabka dhaqanka Gobolka Bakool ku ammaanay dadaalada ay ku doonayaan inay in kooxda nabadiidka ah isaga xorreeyaan si dadka, deegaanka iyo gobolka uu u helo nabad iyo xasilooni, wuxuuna sheegay in Dowladda Federaalka ka go’antahay ciribtirka kooxda Khawaariijta Al-Shabaab Isla markaana ay gacan ka siineyso xureynta deegaanada ay kaga suganyihiin Gobolka Bakool.

Madaxweynaha Dowladda Hirshabeelle Mudane Cali Guudlaawe Xuseen iyo wafdi uu hogaaminayo oo gaaray deegaanka Guulane

Guulane: 13, Diseembar, 2022: Madaxweynaha Dowladda Hirshabeelle Mudane Cali Guudlaawe Xuseen iyo wafdi uu hogaaminayo ayaa maanta gaaray deegaanka Guulane oo dhowaan laga xureeyay kooxda khawaarijta ah ee Alshabaab.
Madaxweynaha oo socdaalkiisa ay ku wehliyeen Gudoomiyaha Maamulka Gobolka Shabeellaha Dhexe Mudane Axmed Mayre Makaraan, Taliyaha Booliiska Hirshabeelle iyo Masuuliyiin kale waxaa si diiran deegaanka guulane ugu soo dhoweeyay boqolaal dadweyne ah.
Madaxweynaha oo goob fagaare ah kula hadlayay shacabka deegaankaan ayaa uga mahadceliyay soo dhoweynta balaaran oo ay u sameeyeen isagoo bulshada deegaanadaan ugu baaqay inay u soo qalab qaataan dagaalada lagu ciribtirayo kooxdaan khawaarijta ah.
Madaxweynaha ayaa xusay in halganka dalka looga xoreynayo kooxda khawaarijta ah ee alshabaab ay bilaabeen geesiyaal kasoo jeeday deegaankaan Guulane loona baahan yahay in la dhameystiro firxadka khawaarijta ee ku dhuumaaleysanaya deegaanada Hirshabeelle.
Madaxweyne Cali Guudlaawe ayaa u mahadceliyay Qeybaha kala duwan ee ciidamada geesiyaasha iyo kuwa dib u xureynta deegaanka ee u taagan ciribtirka khawaarijta arxanka daran.
+2
0
People reached
0
Engagements
Boost post
Like

 

Comment
Share

GUDDOOMIYAHA G/SHACABKA OO KULAN LA YEESHAY SARAAKIISHA CIIDANKA QEYBTA 60-AAD EE XUDDUR

Ku-simaha Madaxweynaha Jamhuuriyadda ahna Guddoomiyaha Golaha Shacabka Baarlamaanka Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya mudane, Sheekh Aadan Maxamed Nuur (Madoobe) ayaa kulan la yeeshay saraakiisha ciidanka Qeybta 60-aad Guutada 9-aad ee ku sugan degmada Xudur Gobolka Bakool.
Mudane Sheekh Aadan Maxamed Nuur (Madoobe) ayaa Ciidanka Xoogga Dalka iyo kuwa Booliska ee ku sugan magalada Xudur ee xarunta Gobolka Bakool ku boggaadiyay sugidda amniga deegaanada iyo dadaalka joogtada ah ay ku bixiyaan la dagaalkan kooxda Khawaariijta Al-Shabaab, isagoo ku dhiirageliyay saraakiisha ciidanka ineysan marnaba ka niyad jabin dagaalka dalka looga xorreynayo.

KHAWAARIIJTA AL-SHABAAB OO MAANTA LAGALA WAREEGAY DEEGAANKA AL-KOWTHAR EE G/SHABEELAHA DHEXE

Deeganka Alkowthar ee gobolka Shabeellaha dhexe oo ka mid ahaa xarumihii ugu waaweyna ee Khawaarijta Al-shabaab ayaa waxaa goor-dhow si buuxda ula wareegay ciidanka xoogga dalka iyo xooggaga deegaanka {Macawisley}.
Taliyaha Ciidanka xoogga dalka General Odawaa Yuusuf Raage oo la hadlay Warbaahinta Qaranka ayaa xaqiijiyay qabashada Al-kowthar waxaana uu intaas ku daray in looga daba tagayo goobaha ay u carareen.
Al-kowthar ayaa ka tirsan degmada Aadan Yabaal waa deegaankii kooxdu markii laga saaray degmada Aadan Yabaal ay isku aruursanayeen, hase yeeshee waa looga daba tagay oo hadda waxaa ay ka mid tahay dhulka xorta ah ee harka dowladnimada dareemaya maanta.

MAXKAMADDA C.Q.S. OO MAANTA XABSI DAA’IN KU XUKUNTAY MID KA MID AH KHAWAARIIJTA AL-SHABAAB

Maxkamadda ciidamada qalabka sida ayaa xukun xabsi daain ah ku ridday Cabdillahi Cabdi Muuse Jimcaale (Sharma’arke), kaas oo loo soo xeray 03-dii Bishii Juun ee sanadkaan in uu ka tirsanaa Khawaarijta Alshabaab una qaabilsanaa Qaybta qaraxyada, isaga oo 7 miino ku aasay kuna qarxiyay waddooyinka Buufow Bacaad, wadada Janaale, iyo wadada Sabiib iyo Caanoole.
Sharma’arke ayaa Khawaarijta ku biiray isagoo 15 jir ah waxa uuna tababar ku qaatay tuulada Doolaale ee ka tirsan Gobolka Bay, tababarkii markii uu usoo dhamaadayna waxaa loo wareejiyay sanadii 2016 qaybta qaraxyada, waxaana la baray qaabka loo fuliyo loona isticmaalo Miinooyinka.

GUDDOOMIYAHA G/SHACABKA OO LAGU SOO DHAWEEYAY MAGAALADA XUDDUR

Ku-simaha Madaxweynaha Jamhuuriyadda ahna Guddoomiyaha Golaha Shacabka Baarlamaanka Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya Mudane Sheekh Aadan Maxamed Nuur (Madoobe) ayaa maanta lagu soo dhaweeyey magaalada Xudur ee Xarunta Gobolka Bokool.
Mudane Sheekh Aadan Maxamed Nuur (Madoobe) ayaa maamulka iyo shacabka magaalada Xudur ku bogaadiyay sida dadka deegaanka isaga diideen inay wax ku darsadaan kooxda Khawaariijta, isla-markaana muujiyeen dhabar adeeg iyo geesinimmo, isagoo xusay in ay hada diyaar u yihiin iska xorreynta kooxdan caadeysatay gummaadka ummadda Soomaaliyeed.

MADAXWEYNE XASAN SHEEKH MAXAMUUD OO KULAN LA QAATAY DHAXAL-SUGAHA BOQORTOOYADA SUCUUDI CARABIYA.

Madaxweynaha Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya Mudane Xasan Sheekh Maxamuud ayaa kulan miro-dhal ah la qaatay Dhaxal-sugaha Boqortooyada Sucuudi Carabiya Amiir Maxamed Binu Salmaan Binu Cabdicasiis.
Amiir Maxamed Binu Salmaan ayaa soo dhaweeyay guulaha ay dowladda Soomaaliya ka gaartay dagaalka ka dhanka ah Khawaarijta iyo naf-hurnimada ay muujiyeen ciidamada xoogga oo kaashanaya shacabka Soomaaliyeed si ay iskaga dulqaadaan dhibaatada kooxaha argagixisada. Waxa uuna muujiyey sida ay diyaar ugu yihiin taageero buuxda oo ay la garab istagaan dowladda iyo shacabka Soomaaliyeed.
Dhankiisa, Madaxweyne Xasan Sheekh Maxamuud ayaa uga mahadceliyey dowladda iyo shacabka Boqortooyada Sucuudiga, garab istaagga ay u muujiyeen Shacabka iyo dowladda Soomaaliyeed, isagoo sheegay in dowladda Federaalka Soomaaliya ay ahmiyad gaar ah siineyso xoojinta xiriirka kala dhaxeeya caalamka.
Sidoo kale, kulanka Labada Hoggaamiye ayaa lagu lafa guray xoojinta xiriirka iyo iskaashiga labada dal, xasilloonida gobolka iyo danaha wadajirka ah ee ay wadaagaan labada shacab ee Soomaaliya iyo Boqortooyada Sucuudi Carabiya.

Qodobada ay ka wada hadleen Somalia iyo Shiinaha oo ku kulmay Riyaadh

Madaxweynaha Soomaaliya Xasan Sheekh Maxamuud iyo wefti uu hoggaaminayo ayaa dalka Sucuudiga kaga qaybgalay shir madaxeedka Shiinaha iyo dalalka Carabta. Intii kulanku socday, madaxweynaha Soomaaliya Xasan Sheekh Maxamuud ayaa kulan doceed la yeeshay madaxweynaha dalka Shiinaha Xi Jinping.

Warsaxaafadeed ka soo baxay madaxtooyada Soomaaliya ayaa lagu faahfaahiyey qodobada ay labada dhinac ka wada hadleen. Warsaxaafadeedka ayaa sidan u dhignaa.

“Madaxweynaha Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya Mudane Xasan Sheekh Maxamuud oo ka qeyb galaya Shirka Shiinaha iyo dalalka Carabta ayaa kulan miro-dhal ah la qaatay dhigiisa dalka Shiinaha Mudane Xi Jinping.

Madaxweynaha ayaa la wadaagay Madaxweyne Jinping xaaladda dalka iyo dagaalka ka dhanka ah argagixisada, isagoo xusay guulaha wax ku oolka ah ee ay gaareen Ciidamada Soomaaliyeed oo kaashanaya bulshada deegaannada ay kuu dhuumaaleysanayaan argagixisada Alshabaab.

Madaxweynaha Jamhuuriyadda Shacbiga ah ee Shiinaha ayaa tilmaamay in dalkiisu ay mar waliba aaminsan yihiin midnimada iyo madaxbanaanida Soomaaliya, isagoo soo bandhigay sida ay uga go’antahay garab istaaga Jamhruuiyaddda Federaalka Soomaaliya, gaar ahaan dagaalka ay kula jirto argagaxisada khawaaarijta, horumarinta kaabeyaasha dhaqaalaha iyo xaqiijinta qorshaha deyn cafinta.

Sidoo kale, Labada Madaxweyne ayaa ka wada hadlaya xiriirka taariikhiga ah ee labada dal iyo sida Shiinuhu ay saaxiib dhow ula ahaayeen dowladda iyo shacabka Soomaaliyeed, iyagoo fuliyey mashaariic dhaxal-gal ah oo ilaa maanta ay dheefsadaan shacabka Soomaaliyeed.

Madaxweynaha Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya Mudane Xasan Sheekh Maxamuud oo si diirran loogu soo dhaweeyey magaalada Riyaad ee dalka Sucuudiga ayaa halkaas kala qeyb galaya Madaxda, Amiirrada iyo Boqorrada dalalka Carabta Madadha Iskaashiga Shiinaha iyo Carabta oo lagaga arrinsanayo xoojinta xasilloonida mabdiqadda, horumarinta, isbeddelka cimilada iyo ganacsiga.” ayaa lagu yidhi warsaxaafadeedka ka soo baxay madaxtooyada Soomaaliya.