Mas’uuliyiin ka tirsan JUbbaland oo deeq raashin ah gaarsiiyay 2 kun oo qoys

Madaxweyne ku-xigeenka  Labaad ee Dowlad-goboleedka Jubaland, Wasiirro iyo saraakiil ka tirsan Jubaland, ayaa deeq raashin ah gaarsiiyay in ka badan 2 kun oo qoys oo ka mid ah dadkii ay abaartu soo barakkcisay ee ku nool tuulooyinka Goobweyn, Yoontoy iyo Buulo Guduud.

Deeqdan gargaarka ah oo ka timid Dowladda Isutagga Imaaraadka Carabta, ayaa loo qeybiyay labo kun oo qoys oo ku nool xeryo kala duwan.

Madaxweyne ku-xigeenka 2aad ee Jubaland Cabdulqaadir Xaaji Maxamuud Lugadheere ayaa dowladda Imaaraadka ugu mahadceliyay deeqdan ay soo gaarsiisay dadka danyarta ah ee ku xoolo beelay abaaraha dalka ku dhuftay iyo sida ay ugu soo gurmatay shacabka Soomaaliyeed ee tabaaleysan.

Mas’uuliyiintaasi wqaxa ay qireen in dhawaan gargaar kale oo bini aadanimo la gaarsiin doono qoysaska ay abaaruhu saameeyeen.

Dowladda Soomaaliya oo ka qeyb gashay Shirka Golaha Midowga Dhaqaalaha ee Dalalka Carabta

Wasiirka Maaliyadda Soomaaliya Dr. Cilmi Maxamuud Nuur ayaa magaalada Khartuum ee dalka Suudaan uga qaybgalay Shirka Golaha Midowga Dhaqaalaha Waddamada Carabta oo sanadkaan ay Shir guddoomisay Dowladda Suudaan.

Shirkaan oo ahaa kii 115-aad waxaa sanadkaan looga hadlay qodobbo dhowr ah oo ay kamid ahaayeen Ka hortagga abaaraha, xal u helidda cunto yarida iyo isdhaxgalka dhaqaalaha ee dowladaha carabta.

Wasiirka Maalitadda XFS,waxaa shirkaasi kala qeybgalay Safirka Soomaaliya ee Dalka Suudaan Maxamed Sheekh  Isxaaq iyo Safiirka Soomaaliya ee Dalka Masar Ilyaas Sheekh  Axmed

Sanadka soo socda Soomaaliya ayaa la filayaa in ay la wareegto shirguddoonka Golaha Midowga Dhaqaalaha ee Waddamada Carabta .

 

Madaxweyne Xasan Sheekh oo la hadlay jaaliyadda Soomaaliyeed ee ku dhaqan Mareykanka

Madaxweynaha Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya Md Xasan Sheekh Maxamuud ayaa Gobolka Minesoto ee Dalka Mareykanka uga  qeybgalay xaflad soo dhoweyn ah oo ay soo qabanqaabiyeen ururada bulshada ee jaaliyadda Soomaalida.

Madaxweynaha ayaa jaaliyadda uga warbixiyay xaaladda dalka Soomaaliya gaar ahaan horumarada socda iyo halka ay marayaan gulufka loogu jiro la dagaalanka kooxaha argagixisada ee ku sugan gudaha dalka.

Madaxweynaha Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya Md Xasan Sheekh Maxamuud ayaa jaaliyadda Soomaaliyeed ee Mareykanka u ballan qaaday in gobolka Minnesota laga furayo Qunsuliyad bixin doonta adeegga bulshada.

la soco wixii faahfaahin ah goor dhow

Madaxda Dalka weey ku qanceen guulaha isdaba joogga ah ee ay soo hooyeen cidamada

Bilooyinkii ugu dambeeyay ,waxaa aad u kordhay qasaaraha iyo jabka loo geystay kooxda argagixisada ah ee Al-shabaab,iyagoo waayeen maleeshiyaad badan oo si qalad ah loo fahamsiiyay aragtida saliimka ah ee aasaaska u ah diinta islaamka.

Dagaaladdii u dambeeyay ee lala galay kppxaha khawaarijta,waxa ay sababeen in argagixisada lagu laayo ggobo badan,isla markaana ay la kulmaan dhimasho,dhawwacyo iyo in la qabto tiro badan oo maxaabiis ah.

Guulahaas wax ku oolka ah ee lagu jabiyay maleeshiyaadka nabad-diidka ah, waxaa sababay ama ay ku yimaadeen dadaalka wada jirka ah ee ay ku dhaqaaqeen madax weyne xasan shiiq maxamuud , maamul gobaleedyada dalka , shacabka iyo  ciidmada xooga dalka.

Dhanka kale Madaxweynaha Soomaaliya iyo Ra’iisul Wasaare Xamsa ayaa  Ciidammada Qalabka sida ugu hambalyeeyay guulaha isdabajoogga ah ee ay ka soo hooyeen dagaalka ka dhanka ah Khawaarijta,gaar ahaan kuwii u dambeeyay ee ka dhacay SH/Dhexe,

Madaxda Dowladda Soomaaliya,waxa ay muujiyeen sida ay uga go’an tahay in  kooxaha khawaarijta laga saaro gabi ahaan dalka, waxayna kula dardaarmeen ciidamada iyo kuwa deegaanka in la sii wado dagaalada ka dhanka ah Al-Shabaab.

Maanta waxaan aragnaa argagixiso la jebiyey ,kuwa la dilay, kuwa dhaawac ahaan loo qabtay oo la daaweynayo, kuwa nolosha lagu soo qabtay oo maxkamadda ciidamada iyo garsoorka loo sii wado), kuwa firxad ah oo xabada lala dabajoogo  , wiilal soomaaliyeed oo si dhiiran u dagaalamaya iyo madax Soomaaliyeed oo dhiirigelineysa dagaalada ka dhanka ah khawaarijta.

Waxaan aaminsan nahay  in la joogo waqtigii ugu dambeyay ee dhagaheynu ay maqli lahaayeen dhamaadka kooxda arxanka daran ee khawaarijta,maadaama illaa hada laga xureeyay dhul baaxad leh oo ay ku sugnaayeen in ku dhow 15 sano.

Cid waloow ka qeybqaado ka hortagga fikirka qaldan iyo ficilada guracna ee argagixisada,si loo gaaro mustaqbal wanaagsan oo u ifa dadka iyo dalka.

SONNA

Madaxweyne Xasan Sheekh oo kulan la qaatay madaxweynayaasha dalalka Yugaandha iyo Kenya

Madaxweynaha Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya Mudane Xasan Sheekh Maxamuud oo ka qeyb galaya Madasha Iskaashiga Afrika iyo Maraykanka ayaa kulan doceedyo la qaatay dhigiisa dalka Uganda Mudane Yoweri Museveni iyo Kenya Mudane William Ruto.

Madaxweynaha ayaa la wadaagay Madaxweyneyaasha Uganda iyo Kenya xaaladda dalka iyo dagaalka ka dhanka ah argagixisada, isagoo xusay guulaha wax ku-oolka ah ee ay gaareen Ciidamada Soomaaliyeed oo kaashanaya bulshada deegaannada ay kuu dhuumaaleysanayaan argagixisada Alshabaab.

Dhankooda, Madaxweyneyaasha dalka Uganda iyo Kenya ayaa bogaadiyey howlgallada xoreynta deegaannada Shabeellaha Dhexe iyo Hiiraan oo muujiyey kartida iyo awoodda ay u leeyihiin dowladda iyo shacaka Soomaaliyeed cirib-tirka argagixisada, waxa ayna adkeeyeen taageerada joogtada ah ee ay la garab taagan yihiin dowladda Soomaaliyeed.

Sidoo kale, Madaxweyne Yoweri Museveni iyo Madaxweyne William Ruto ayaa xoojiyey xiriirka taariikhiga ah ee dalalkoodu ay la leeyihiin Soomaaliya iyo doorka ay ku leedahay xasilloonida gobolka, waxa ayna xuseen muhiimadda ay leedahay fulunta qorsheyaasha lagu soo bandhigay Madasha Iskaashiga Afrika iyo Maraykanka, iyadoo dowladda Soomaaliyeed ay gudbisay qorsheheeda ku aaddan isbeddelka cimilada, dowladda wanaagga, xasilloonida Qaaradda Afrika, gurmadka degdegga ah iyo la dagaallanka argagixisada.

KU-SIMAHA MADAXWEYNAHA DALKA OO BOOQDAY CIIDANKA XOOGA DALKA EE KA HOWLGALA XUDUR

Ku-simaha Madaxweynaha Jamhuuriyadda ahna Guddoomiyaha Golaha Shacabka Baarlamaanka Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya Mudane Sheekh Aadan Maxamed Nuur (Madoobe) ayaa booqday cutubyo ka tirsan Ciidanka Xoogga Dalka iyo kuwo cusub oo tababar ugu socday magaalada Xudur ayuu ku dhiirageliyay dalka iyo dadka si daacad ah loogu shaqeeyo.
Saraakiisha Ciidanka Xoogga ayaa Ku-simaha Madaxweynaha JFS warbixin ka siiyay xaalada ciidanka qaranka waxayna ballan qaadeen in ay dalka ka xorreyn doonaan kooxda Khawaariijta oo dalka iyo dadka u diiday inay horumar gaaraan shacabka Soomaaliyeed.
Ku-simaha Madaxweynaha Jamhuuriyadda ahna Guddoomiyaha Golaha Shacabka oo la hadlay ciidanka geesiyaasha qaranka ayaa ku ammaanay difaaca qaranimada, midnimada iyo jiritaanka dhulka Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliyeed, isagoo sheegay in dowladda iyo shacabka Soomaaliyeed ka go’antahay ciribtirka kooxda Khawaariijta Al-Shabaab isla markaana u diyaar garoowaan xureeynta deeganada gobolka Bakool.
DHAMMAAD

Guddoomiyaha Gobolka Banaadir yaa xafiiskiisa ku qaabilay wafdi uu hogaaminayay Safiirka Dowladda Turkiga u fadhiya Soomaaliya Mr. Mehmet Yilmaaz.

Guddoomiyaha Gobolka Banaadir Ahna Duqa Magaalada Muqdisho Mudane Yuusuf Xuseen Jimcaale (Madaale) ayaa xafiiskiisa ku qaabilay wafdi uu hogaaminayay Safiirka Dowladda Turkiga u fadhiya Soomaaliya Mr. Mehmet Yilmaaz.
Duqa Magaalada Muqdisho Mudane Sheikh Yuusuf Madaale iyo Safiirka Turkiga ayaa kawada hadlay xoojinta Iskaashiga lagu horumarinayo heshiiska Mataaneenta Muqdisho iyo magaalooyinka Turkiga, dardargalinta mashaariicda lagu dhisayo Waddooyinka Caasimadda iyo xarumaha Danta-Guud.
Guddoomiyaha Gobolka Banaadir Ahna Duqa Magaalada Muqdisho Mudane Yuusuf Xuseen Jimcaale (Madaale) ayaa ugu mahadceliyay Dowlada Turkiga iyo shacab keeda kaalinta ay ka qaataan dib usoo kabashada Dalka iyo Dadka Soomaaliyeed.

Guddoomiyaha Gobolka Banaadir ayaa Lacag dhan 140-Kun ku wareejiyay Maamulaha guud ee Shirkada dhismaha Kulmiye Cabdiqaadir Abuukar Cumar Cadaan

Guddoomiyaha Gobolka Banaadir Ahna Duqa Magaalada Muqdisho Mudane Yuusuf Xuseen Jimcaale (Madaale) ayaa Lacag dhan 140-Kun oo Dollar (Boqol iyo Afartan kun oo Doolar) ku wareejiyay Maamulaha guud ee Shirkada dhismaha Kulmiye Cabdiqaadir Abuukar Cumar Cadaan, lacagtaas oo ah wajiga labaad ee loogu talagalay in lagu dardargaliyo dhameestirka dhismaha Biyamareenka Ceel-Qaloow ee Degmada Wadajir.
0
People reached
0
Engagements
Boost Unavailable
Like

Comment
Share

Wafdi uu hoggaaminayo Ra’iisul wasaaraha dalka ayaa gaaray degmada Aadan Yabaal ee gobolka Shabeellada Dhexe

Wafdi uu hoggaaminayo Ra’iisul wasaaraha dalka ayaa gaaray degmada Aadan Yabaal ee gobolka Shabeellada Dhexe oo ka mid ah magaalooyinka ugu muhiimsan ee cadowga laga xoreeyay.
Wefdiga waxaa si weyn ugu soo dhaweeyay deegaanka Masuuliyiin, saraakiisha ciidanka iyo shacabka reer Aadan-yabaal oo isu soo baxay.
Ra’iisul wasaaraha ayaa kulamo la qaadan doona saraakiisha ciidanka iyo bulshada qeybaheeda, warbaahinta Qaranka ayaana idinla socodsiin doonta xogta safarkaan oo faahfaahsan.

Guddoomiye Madaale oo qaabilay Safiirka DowladdaTurkiga u fadhiya Soomaaliya

Guddoomiyaha Gobolka Banaadir Ahna Duqa Magaalada Muqdisho Mudane Yuusuf Xuseen Jimcaale (Madaale) ayaa xafiiskiisa ku qaabilay wafdi uu hogaaminayay Safiirka Dowladda Turkiga u fadhiya Soomaaliya Mr. Mehmet Yilmaaz.
Duqa Magaalada Muqdisho iyo Safiirka Turkiga ayaa ka wada hadlay xoojinta Iskaashiga lagu horumarinayo heshiiska Mataaneenta Muqdisho iyo magaalooyinka Turkiga, dardargalinta mashaariicda lagu dhisayo Waddooyinka Caasimadda iyo xaruumaha Danta-Guud.
Guddoomiyaha Gobolka Banaadir Ahna Duqa Magaalada Muqdisho Mudane Yuusuf Xuseen Jimcaale (Madaale) ayaa ugu mahadceliyay Dowladda Turkiga iyo shacabkeeda kaalinta ay ka qaataan dib usoo kabashada Dalka iyo Dadka Soomaaliyeed.