Maxkamadda ciidamada qalabka sida oo maanta xukunno kala duwan ku riday koox loo haysto argagixisanimo
Guddiga Khayraadka Qaranka Oo Kulan La Qaatay Xubnaha Ugu Sarreeyo Wasaaradda Beeraha
Guddiga Khayraadka Qaranka, kaabayaasha Dhaqaalaha iyo Gaadiidka Aqalka Sare ee Baarlamaanka Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya oo xafiiskood Aqalka Sare ugu yeeray masuuliyiinta Wasaaradda Beeraha iyo Waraabka, ayaa ka xog-waraystay howlaha shaqo ee Wasaaradda.
Kulanka oo si gaar ah loogu lafa guray qorshe howleedka Wasaaradda, Sharciga Beeraha ee Aqalka Sare yaala, xogaha ku saabsan Hay’adaha Caalamiga ah ee ka shaqeeya arrimaha Beeraha iyo qorshayaasha Wasaaradda Beeraha iyo Waraabka uga degan Maamul Goboleedyada Dalka.
Faahfaahin ku Saabsan Diyaarad ku Burburtay Garoonka Caabudwaaq
Diyaarad kuwa sida joogtada ah qaadka Meerowga ah uga keena dalka kenya, ayaa maanta ku burburtay Garoonka Ku Meel Gaarka Ah ee Degmada Caabudwaaq.
Sida ay Maamulka Garoonka u xaqiijiyeen Warbaahinta Qaranka Diyaaradaan ayaa ka weecatay Dhabaha Garoonka waxyar kadib markii ay soo caga dhigatay, taas oo keentay in ay baalasha ay la jiirto dhirta kaabiga ku haysa Garoonka.
Xoghayaha Aqalka Sere Oo Maanta La Wareegay Xilka
Gudoonka Golaha Aqalka Sare, ayaa Ka Qayb Galay Munaasabad ay Xilka Ku Kala Wareegayeen Xogayihii hore Aqalka Sare iyo Xogheyaha Magacaaban cusub.
Munaasabadaan Xil Wareejinka,Ayaa Waxa Ay Ka Dhacday Xarunta Golaha Aqalka Sare Baarlmaanka Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya,Waxaana Xilka Ku Kala wareegayay Xoghayihii hore Aqalka Sare iyo Xogayaha Xilka La Wareegayay Cabdi Naasir Ibraahin Gulled.
Guddoomiyaha Aqalka Sare Oo Qaatay Abaalmarinta Shaqsiga
Shirkada Somalia Awards,Ayaa Xaflad ay qabatay Sanadkii labaad waxay abaalmarin siisay Guddoomiyaha Aqalka Sare Mudane Cabdi Xaashi Cabdullaahi oo ay u garatay shaqi si wanaagsan ugu adeegay shacabkiisa.
Xafladdaan oo lagu Abaalmariyay Xarumo iyo shaqsiyaad howl wanaagsan u qabtay ummadda Soomaaaliyeed, ayaa ka qabsoontay Muqdisho, waxaana kasoo qeybgaleen Mas’uuliyiin ka tirsan Dowladda Federaalka Soomaaliya iyo Shacab kala duwan.
WAR MURTIYEED QABABSOOMIDDA SHIRKA DIB-U-HESHIISIINTA KGS.
NATO: Putin wuxuu diyaarinayaa inuu dheraado dagaalka Ukraine
Xoghayaha Guud ee NATO Jens Stoltenberg, ayaa ku sheegay wareysi uu siiyay wakaaladda wararka France-Presse, Jimcihii, in Ruushka uu isku diyaarinayo dagaal dheer oo muddo ka sii socda Ukraine, taasi oo xulafada NATO ku qasbeysa inay sii wadaan bixinta hubka iyo tageerada kala duwan ilaa Putin uu ka dareemo guul darrooyinka dagaalka.
Jens Stoltenberg, oo hadalkiisa sii wata ayaa yiri: “Ma aha inaan dhayalsanno qorshaha Ruushka, maadaama uu isku diyaarinayo dagaal dheer, wuxuuna abaabulayaa ciidamo badan, wuxuuna isku dayayaa inuu helo hub iyo rasaas badan.”
Dhalinyaro ka soo laabtay fikirka xagjirka oo tababar loo soo xiray
Magaalada Dhuusamareeb waxaa lagu qabtay munaasabad ay ku qalin-jabinayeen dufcadii ugu horeysay ee dhalinyarada dib uga soo laabatay fikirka xagjirka ah, kuwaas oo dhammeystay waxbarasho iyo xirfado gacanta ah, isla markaana fursad u helaya in ay dib ula midoobaan qoysaskooda.
Dhalinyaradan ayaa soo bandhigay waxyaabihii wanaagsanaa ay barteen muddadii ay ku jireen xarunta dhaqancelinta Galmudug, waxayna qireen in ay ka reysteen fikirkii gurracnaa ee argagixisada.
Agaasimaha Baarnaamijka dhaqancelinta, Cabdiraxmaan Maxamed Cali, Agaasimaha guud ee wasaaradda amniga Galmudug Cabdullaahi Barre iyo Xildhibaano ka tirsan maamulkaas oo ka qeyb galay munaasabadda ayaa bogaadiyay dhalinyarada qalin jabisay go’aanka geesnimada leh ee ay qaateen ee ah in ay isa soo dhiibaan kana soo laabtaan fikirka xagjirka ah.
Waxaa sii kordhaya tirade dhalinyarada ee ka soo baxsaneysa kooxda Khawaarijta Al-shabaab, kuwaas oo waxbarasho iyo isbedel nololeed ka helay dowladda.
Wasiirka Dhalinyarada iyo Ciyaaraha XFS oo Ruushka uga qeyb galay shirka arrimaha dhalinyarada ee dunida Islaamka
Madaxweynaha Tatarstan mudane, Rustam ayaa kulan sagootin ah u sameeyay wasiirka wasaaradda dhalinyarada iyo cayaaraha XFS mudane Xil Maxamed Barre Maxamuud iyo wafdi uu hogaaminayo oo dalka Ruushka kaga qayb-galay Shirka arrimaha dhallinyarada ee dunida islaamka.
Mudane Maxamed Barre Maxamuud oo kulan gaar ah la qaatay madaxweyne Rustam iyo qaar ka mid ah golihiisa wasiirrada ayaa ka wada hadlay sidii Soomaaliya ay uga caawin lahaayeen horumarinta ciyaaraha gaar ahaan in tababarro la siiyo macalimiinta Soomaaliyeed ee xiriirrada kala duwan.
Wasiir Maxamed Barre ayaa lagu sharfay inuu abaal-marin guddoonsiiyo qaar ka mid dhalinyarrada dunida Islaamka ee wax ku soo kordhiyay bulshadooda.
Shirkan oo ka dhacay Caasimadda Tatarstan ee Kazan ayaa waxaa marti gelisay dowladda goonida isu-maamusha ee Tatarstan oo xubin ka ah midowga Federaalka Ruushka, waxaana ka soo qayb-galay wasiirrada dhalinyarada iyo ciyaaraha ee qaar ka mid ah dalalka xubnaha ka ah ururka wadamada Islaamka OIC, ururro caalami ah iyo qaar ka mid ah hoggaanka ururrada dalalka Islaamka.
Saraakiil ka socda Ciidanka Xoogga oo booqday deegaanno hoostaga Aadan Yabaal
Taliyaha ciidanka dhulka ee xoogga dalka Jeneraal Maxamed Tahliil Biixi ayaa maanta gaaray degaanka Guulane oo hoos taga degmada Aadan-yabaal ee gobolka Shabeellada Dhexe.
Saraakiishaasi waxaana halkaas ku soo dhaweeyey Agaasime Muxudiin Xasan Juris Saabeey oo ka tirsan wasaaradda maaliyadda, taliyaha booliska HirShabelle Col. Xasan Dhicisow iyo saraakiil kale.
Saraakiishaan ayaa booqanaya deegaano u dhow Guulane oo saacadihii lasoo dhaafay ay geesiyaasha qaranku ku laayeen Khawaarijta Al-Shabaab
