Wasiirada HirShabeelle oo ansixiyey miisaaniyadda 2023-ka, kana hadlay dagaalka Khawaarijta

Madaxweynaha Dowladda goboleedka Hirshabeelle Mudane Cali Guudlaawe Xuseen ayaa gudoomiyay Shirka Golaha Wasiiradda Dowladda Hirshabeelle.

Shirka Golaha Xukuumada ayaa ugu horeyn lagu dhaariyay xubno kamid ah golaha Wasiirarda iyadoo kulankaan looga hadlay howlgallada kooxda khawaarijta alshabaab looga xureynayo deegaanada iyo degmooyinka Hirshabeelle,

Madaxweynaha ayaa golaha uga waramay howlagalada socda ee lagu ciribtirayo kooxda khawaarijta ah iyo socdaalkii uu kusoo maray dhamaan deegaanadii laga xureeyay cadowga isagoo faray Wasaaradaha Dowladda in deegaanada la xureeyay la gaarsiiyo adeegyada aas aasiga ah ee lagu horumarinayo deegaanadaas.

Madaxweynaha ayaa kulankaan warbixinno uga dhageystay Wasaaradaha Arrimaha Gudaha, Amniga, Cadaaladda, Gargaarka, Diinta, Caafimaadka, Waxbarashada, Tamarta iyo Haweenka,

Golaha Wasiiradda cod aqlabiyad leh ku ansixiyeen miisaaniyad sanadeedka Dowladda ee 2023 oo dhan 24, 957, 853.70 dollar.

Madaxweynaha ayaa ugu dambeyn u mahadceliyay qeybaha kala duwan ee ciidamada iyo kuwa dib u xureynta deegaanka oo guulo muhiim ah kasoo hoyay ee dagaalka ay kula jiraan cadowga khawaarijta ah.

Agaasimaha Guud Ee Wasaaradda Warfaafinta Oo Kormeeray Xarunta SNTV Ee London

Agaasimaha guud ee Wasaaradda Warfaafinta,Dhaqanka iyo Dalxiiska Mudane Cabdullaahi Xayir Ducaale oo howlo shaqo u jooga magaalada London ee dalka Ingiriiska ayaa booqday xarunta SNTV ee London, isagoo la kulmay Masuuliyiinta shirkadda Telefishinka Qaranka siisa satellite-ka oo uu warbixin ka dhageystay.

“Waxaan booqday xafiisyada iyo Istuudiyaasha TV-ga Qaranka iyo halka Hawada laga geliyo oo aan ku soo arkay xirfadleyaal iyo howl hufan oo ka socota si joogto ah, waxaan u sheegay maareeyaha IQ broadcasting  in xarun labaad oo lagu kaydiyo barnaamijyadii hore ugu baxay SNTV iyo kuwa cusub laga furo Mogadishu”ayuu yiri Agaasimaha.

 

Xulka Qaranka Argentine oo ku guulleystay Koobka Adduunka 2022

Xulka Qaranka Argentine ayaa ku guulleystay Koobka Adduunka sannadka 2022 ee ka qabsoomay dalka Qadar, ka dib markii ciyaar gaartay Gool-ku-laad 4-2 kaga adkaatay Xulka Faransiiska.

Ciyaarta oo aad u xiiso badneyd ayaa 3-3 labada xul isla dhaafi wayeen, ka dib daqiiqado lagu daray waxaana la aaday gool ku laad oo 4-2 guusha ku raacday Argentina.

Xaflado iyo damaashaad ayaa ka billaawday magaalooyinka dalka Argentina, iyada oo ay u dabaal dagayaan markii saddexaad oo ay ku guuleysteen Koobka Adduunka.

Madaxweynaha Koofur Galbeed oo Cafis u fidiyey Maxaabiis ku xirneyd Xabsiga dhexe ee Baydhabo

Baydhabo- Madaxweynaha Maamulka Koonfur Galbeed Mudane Cabdicasiis Xasan Maxamed Laftagareen ayaa Cafis u fidiyey qaar kamid ah Maxaabiista ku jirtay Xabsiga dhexe ee Magaalada Baydhabo.

Madaxweynaha ayaa bixiyey Deemihii lagu lahaa qaar kamid ah Maxaabiista, Munaasabada Sanad guurada 4-aad Awgeeda.

Qaar kamid ah Maxaabiista maanta la sii daayay oo la hadlay Warbaahinta ayaa soo dhaweeyay tillaabada, iyaga oo u mahad celiyay Madaxweynaha.

   

Ra’iisul wasaare Xamse oo guddoomay qorshe howleedka sanadka 2023 ee Wasaaradda Haweenka

Ra’iisul Wasaaraha Xukuumadda Federaalka Mudane Hamza Abdi Barre ayaa galabta waxa uu ka guddoomay ballanqaadka qorshe-howleedka sanadka cusub ee 2023, Wasiirka Haweenka iyo Xuquuqul Insaanka, Khadija Mohamed Diriye, Wasiirka Xanaanada Xoolaha Dhirta iyo Daaqa, Xasan Xuseen Maxamed iyo Wasiirka Beeraha iyo Waraabka, Axmed Madoobe Nuunow.

Ra’iisul Wasaaraha ayaa kula dardaarmay saddexda Wasiir iyo masuuliyiinta kale ee wasaaradaha inay xoogga saaraan isla xisaabtan & daahfurnaan iyo qaabkii looga miradhalin lahaa halbeegyada iyo qorshooyinka wakhtiyeysan ee ku saleysan tiirarka barnaamijka Xukuumadda.

Soo gudbinta qorshe howleedka Wasaaradaha ayaa aas-aas u yihiin helidda hannaan wanaagsan oo lagula xisaabtami karo Wasaaradaha iyo Hay’addaha kale si loo hubiyo in shaqooyinka horyaala lagu qabto wakhtigii loogu talagalay iyo in la xaqiijiyo in shacabka Soomaaliyeed ay helaan dhammaan adeegyada kala duwan ee ay Xukuumaddu u ballan qaaday fulintooda.

Ra’iisul wasaare Xamse “Waxaan billaabayna Kacdoon lagula dagaalamayo Musuq-maasuqa”

Ra’iisul Wasaaraha Xukuumadda Federaalka, Mudane Xamse Cabdi Barre oo maanta ka qaybgalay munaasabad lagu xusayay Maalinta Caalmiga ah ee La-Dagaallanka Musuq-maasuqa, ayna soo qabanqaabisay Wasaaradda Caddaaladda iyo Arrimaha Dastuurka, ayaa caddeeyay in xukuumaddu ay biliaabeyso kacdoon lagula dagaalayo Musuq-maasuqa si sare loogu qaado hufnaanta iyo isla-xisaabtanka.

Mudane Xamse ayaa munaasabadda ka sheegay in Musuq-maasuqu uu yahay cudurrada ugu xun ee ku dhaca bulshada iyo dowladnimada kaas oo sababa horumar la’aan dhaqale, inaan laga faa’iideysan khayraadla dalka, inuu hoos u dhaco dakhligii dowladda uga soo xaroon lahaa gudaha, inay hoos u dhacdo sumcadda qaranka, in bulshadu aamini weyso dowladda, in dadka aqoonta iyo kartida leh ay waayaan fursad ay ugu shaqeeyaan dowladda iyo inuu bulshada kala fogeeyo uuna abuuro dabaqado kala sarreeya

Ra’iisul Wasaaraha oo sheegay in xukuumadda #DanQaran ay ka go’an tahay cirib tirka Musuq-maasuqa ayaa adkeeyay muhiimadda ay leedahay in bulshada iyo dowladda oo wadajira ay la dagaalaan, oo dhaqan musuq naceyb ah buslada laga dhex abuuro maadaama toosinta nidaamka dowliga ah kaliya uusan ku filneyn la dagaallanka Musuqa.

Mudane Xamse Cabdi Barre waxuu hoosta ka xariiqay in uusan jirin cadaw ka weyn Musuq-maasuqa oo dalkeenna heysto marka laga reebo kooxda Khawaarijta, sidaa darteed ay xukuumadda dagaalka ay kula jirto Khawaarinta ku xijin doonto Kacdoon iyo dagaal ka dhan ah Musuq-maasuqa dalkeenna ragaadiyay.

Saciid Xuseen Raage oo ka tirsanaa Khawaarijta oo isku soo dhiibay Dowladda

Saciid Xuseen Raage oo ka tirsanaa Nabadoonadii la shaqeyn jiray Khawaarijta Al-shabaab ee aagga deegaanka Masaajid Cali-Gaduud illaa deegaanka Guulane ayaa maanta isku soo dhiibay ciidamada qaranka iyo kuwa dib u xoreynta ee ku sugan degaanka Furqaan ee gobolka Shabeelaha Dhexe.

Taliyaha ciidamada Booliska Hirshabeelle Col. Xasan Dhicisow, saraakiil ciidan iyo agaasimaha waaxda canshuuraha ee wasaaradda Maaliyadda xukuumadda federaalka Soomaaliya Muxudiin Xasan Juris ayaa goobjoog ahaa goobta lagu soo bandhigay Saciid Xuseen Raage.

Ciidamada xoogga dalka oo kaashanaya dadka deegaanka ayaa guulo wax ku ool ah ka soo hooyay dagaalka ka dhanka ah Khawaarijta, waxaana lagu gaarsiiyay jab xooggan.

Wasiir Daa’uud Aweys” Dowladdu waxay diyaarisay qorshaha howlgalada iyo xasillinta goobaha la xoreeyay,”.

Muqdisho.(Wargeyska):- Wasiirka warfaafinta xukuumadda federaalka Soomaaliya Daa’uud Aweys Jaamac ayaa ka warbixiyay howlgalada ka dhanka kooxda Khawaarijta ah ee ka socda gobollada dalka iyo horumarada laga gaaray.

Wasiirka ayaa sheegay in howlgaladii ugu dambeeyay ee ka dhacay gobolka Shabeellaha dhexe jab xooggan lagu gaarsiiyay cadowga, ciidamada xoogga dalka oo kaashanaya dadka deegaankana ay ku daba jiraan firxadka maleeshiyada iyo horjoogayaasha Khawaarijta.

Sidoo kale, Wasiirka warfaafinta, dhaqanka iyo Dalxiiska xukuumadda federaalka ayaa tilmaamay in dowladda federaalka ay diyaarisay qorshaha howlgalada iyo xasillinta goobaha la xoreeyay.

“ Dowladda iyadoo ka faa’ideysanayo fursadaas waa tan keentay in ay diyaariso qorsheyaal ku saabsan xasilloonida deeganadaas iyo in adeegyada muhiimka ah la gaarsiiyo,” ayuu yiri Wasiirka oo wareysi siiyay warbaahinta Qaranka.

Ciidamada Xoogga dalka oo kaashanaya xoogagga deegaanka ayaa ku dhawaad 50-Khawaarij ah ku dilay howlgal ay ka sameeyeen tuulada Daarul-nicma ee gobolka Shabeellaha dhexe iyo tuulooyin kale oo hoos taga degmada Aadan Yabaal ee gobolka shabeellada dhexe.

Khawaarijta oo wayday xubin muhiim u ahayd(Warbixin).

Bishan waxay ahayd bil si weyn loo gumaaday Kooxda argagaxisada ah ee Khawaarijta, gaar ahaan Gobolka Shabeellada Dhexe, waxaana Ciidamada Qalabka Sida, kuwa Deegaanada iyo Saaxiibada Caalamka oo is garabsanayaa ayaa duullaamo waaweyn ku qaadeen goobo ay iska soo abaabulayeen kooxa khawaarijta, shalay Ciidanka Nabad Sugidda iyo Sirdoonka Qaranka ay xaqiijiyay geerida Yuusuf Maxamad Jingaab (Wasiir) oo ahaa horjooge sare oo ka tirsanaa Khawaarijta kaas oo halis weyn ku ahaa badqabka shacabka Soomaaliyeed.

Yuusuf Jingaab wuxuu ka mid ahaa xubnaha ugu halista badan Khawaarijta ee qaabilsanaa dhanka marin habaabinta, isagoo horay u qalday dhalinyaro badan oo Soomaaliyeed, waxaa lagu dilay hawlgal Ciidamada Qaranka iyo saaxiibada caalamiga ah ay ka fuliyeen deegaanka Juxaay, waxaana lala dilay Maleeshiyaad uu isagu hogaaminayay oo tiradoodu gaarayso 87 xubnood oo ka tirsanaa Khawaarijta, weerarkan ayaa waxa uu dhacay 15-kii bishan.

Ciidamada Xoogga dalka oo kaashanaya xoogagga deegaanka ayaa ku dhawaad 50-Khawaarij ah ku dilay howlgal ay ka sameeyeen tuulada Daarul-nicma ee gobolka Shabeellaha dhexe iyo tuullooyin kale oo hoos taga degmada Aadan Yabaal ee gobolka shabeellada dhexe, iyadoo ay Ciidamadu weerar ku qaadeen goob ay isku aruursanayeen Maleeyshiyaadka Khawaarijtu, waxaana halkaas cadowga ku gaaray jab xooggan, iyadoo tuulooyin badan laga xoreeyay, sida ay Warbaahinta Qaranka u xaqiijiyeen saraakiil ka tirsan Ciidanka.

Duullamada joogtada ah ee lagu haayo Kooxda Khawaarijta ah ayaa ka dhigeysaa in ay waayaan meel ay ku gambadaan, waxaa kaloo gabaabsi ka ah cuntada iyo saadka,iyadoo ay u dheer tahay wel welka joogtadda ah, taasina waxaa ugu wacan isu socodkooda oo la xayiray iyo weeraradda joogtadda ah ee lagu hayo, khawaarijta ayey hadda nafta ka maree intee ka baxnaa meel Alla, khawaariijta ayaa sidoo kale la kulmaya in dadweynuhu u diidaan in ay isticmaalaan Doomihii iyo goobihii ay ka gudbi jireen ee webiga jiinkiisa.

Madaxweynaha JFS Mudane Dr: Xasan Shiikh Maxamuud oo ka hadlay Kooxda Maleeshiyaadka Khawaarijta ayaa sheegey inay yihiin Urur Maafiya ah oo aan wax shaqo ah ku lahayn Diinta Islaamka oo aan caqiido ku saleysneyn, wxuuna tilmaamay in Soomaalida laga soo gali karo laba Irdood oo kala ah Qabiilka iyo Diinta ayaa soo huwaday Buste ay ku sheegeen inay wadaan Diin, sidaasi awgeed maanta ay wada garteen Ummaddea Soomaaliyeed inay yihiin Burcad meel wada fadhida, isagoo farta ku fiiqay inay lagu kacay loona istaagay iska dhicintooda.

Madaxweynaha waxa uu ka sheekeeyay siyaasaddii ku aadaneyd Kooxda Shabaab 15-kii sano ee ugu dambeysay ay ku saleysneyd laba qodob, kuwaasi oo kala ah Midka !-aad. Yaysan ku sii fidin dalalka Deriska la ah Soomaaliya iyo dalal kaleba oo meeshooda ha lagu haayo, qodobka 2-aad ee uu timaamay ayaa ahaa, Shabaab awoodooda ha la dhimo, ha lagu qasbo inay gambadaan, lana bar-tilmaameydsado horjoogayaashooda, Warshadaha ay ku sameeyaan Qaraxyada iyo Goobahooda Ciidan.

Dr: Xasan Shiikh Maxamuud oo hadalkiisa sii wata ayaa yiri:- “ labadaasi arrimood waxay ahaayeen kuwo ku aadan hal dhinac oo ah Militari ahaan, annagu waa fekernay, doodo iyo falanqeyn oo Dalka gudahiisa iyo dibadiisa ku kala qabanay kadib, waxaan isla garanay siyaasad lagu wajihi karo Kooxda Khawaarijta ah, waxayna ku taagan tahay dagaal seddex waji leh ama tiir oo kala ah Midka militariga, kan Fikirka ama Caqiidada iyo kan 3-aad oo ah in lagala diriro dhanka Dhaqaalaha, arrimahaasi ayaa haatan ka ku wadnaa”.

Madaxweynaha Jfs oo hadaladaasi qiimaha leh ka jeediyay isu soo bax ay ku soo dhaweynayeen Madaxeynahooda Shacabka ku nool Gobolka Minisota ayaa yiri:- “Waxa aan kala qeyb galay bulshada Soomaaliyeed ee ku nool Waqooyiga Ameerika isku soo bax ballaaran oo lagu taageerayay halganka dib u xoreynta dalka iyo ciribtirka Khawaarijta Al-shabaab”.

Ugu dambeyntii Madaxweynuhu waxa uu tilmaamay in awood ahaan iyo dhaqaale ahaanba loo jabiyay Khawaarijta, isla markaana uu gabagabo yahay qorshaha looga takhalusayo fikirkooda quracan ee ka dhanka ah diinteena suuban, wuxuuna ku timaamay Mudane Xasan Shiikh Xaaladda Kooxda Khawaarijta ah Kalluun ama Malaay Biyihii ka gureen.

Isku soo wada xooriyoo 5 sano ka dib, Soomaalida iyo Dunida hadda waxa ay arkaysaa Hogaan Soomaaliyeed oo leh aragti hogaamineed ee cad kuna dhisan aqoon iyo xog-ogaalnimo.

SONNA Editorial

Xuska Maalinta Afka Carabiga(Warbixin)

Muqdisho: Afka Carabigu waa tiir ka mid ah dhaqamada kala duwanaanshaha aadanaha. Waa mid ka mid ah luqadaha looga hadlo adduunka oo dhan, oo ay isticmaalaan in ka badan 400 milyan oo qof maalin kasta sida ay diiwaan geliyeen Golaha Qaramada midoobay.

Xuska Maalinta Caalamiga ah ee Afka Carabiga ayaa la xusaa sanad walba 18-ka December laga soo bilaabo 2012. Taariikhdan ayaa waxay ku beegan tahay maalintii 1973-kii ee Golaha Guud ee Qaramada Midoobay uu qaatay luqadda Carabiga oo ah luqadda rasmiga ah ee lixaad ee Ururka.

Kala duwanaanshaha qaababkeeda, qadiimka ah ama lahjaddeeda, laga bilaabo tibaaxaha odhaahda ilaa tibaaxaha maansada, luqadda Carabiga waxa ay keentay dhibco soo jiidasho leh, marka laga eego dhinacyada kala duwan sida qaab-dhismeedka, gabayada, falsafada iyo heesaha. Waxay siisaa marin u helida aqoonsiyo iyo caqiidooyin kala duwan oo cajiib ah oo taariikhdeeduna waxay daaha ka qaadaysaa qaninimada xidhiidhka ay la leedahay luqadaha kale.

Waa Maxay Luuqad?

Afka ama luqaddu waa adeegga ugu muhiimsan nidaamka nololeed ee aadanaha, wuxuuna door weyn ka ciyaaraa xoojinta iskaashiga iyo is dhexgalka bulshada, ilaalinta hiddaha iyo dhaqanka iyo isku xirka howlaha iyo waxqabadka kale ee ay wadaagaan guud ahaan dadyoowga dunida.

Luuqada Carabiga iyo Soomaliya.

Dadyowga Soomaalidu waxay ka mid ahaayeen Dadka sida weyn u adeegsada luuqadda carabiga ka hor Dowladnimadda Casriga ah, waxay u isticmaali jireen fariimaha ay isu gudbinayaan sidoo kale waxay kula macaamili jireen dadyowgii kala duwanaa ee si uun xidhiidhka uga dhaxeeyey ha noqdo mid ganacsi iyo mid waxbarasho,sidoo kale luuqadda Carabigu waa luuqadda uu kusoo degay quraanka kariimka sidaas darteed ayey si guud islaamka ugu tahay luuqad guud.

Luuqadda Carabigu waxay si weyn ugu dhex milan tahay luuqadda Afka soomaaliga sida dhinacyadda eray bixinaha,tilmaamaha,suugaanta iyo eray muceedyadda,sidoo kale Dadka Soomaaliyeed ayaa ka mid ah Dadyowga ku tirsan dalalka Jaamacadda carabta sidaas darteed ayaa iyadoo laga duulayo dhaxalka iyo wadaaga luuqadeed ee carabiga kaas oo ka dhexeeya Soomaalida iyo Carabta waxa luuqadda labaad ee Dalka soomaaliya loo aqoonsaday in tahay luuqadda carabiga.

Dowladda Federaalka Soomaliya iyo xuska maalinta afka carabiga.

Wakaaladda wararka Soomaaliyeed ee SONNA oo la xiriirtay Agaasimaha Waaxda Tacliinta Sare iyo Hiddaha ee Wasaaradda Waxbarashada iyo Hiddaha ee Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya Mudane Ismaaciil Yuusuf Cusmaan ayuu ka siiyey warbixin kooban oo ku aadan xuska afka carabiga isagoo yiri “Waxaan u hambalyeynayaa dalalka Carabta, gaar ahaan Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya oo xubin ka ah Jaamacadda Carabta. Dawladaha Carabta.Xafladdan, waxaanu leenahay afka Carabiga ayaa hormood ka ahaa Soomaaliya, welina waa hormoodka, waayo innaga ka hor inta aan afka Laatiinka lagu qorin afka Soomaaliga, xarfaha badankooda waxa lagu isticmaali jiray afka Carabiga, si la mid ah afka Carabiga. horumaray, waxaadna ogaanaysaa in af-soomaaligu in kasta oo uu ku qoran yahay Laatiinka, haddana loogu dhawaaqo luqadaha Carabiga sida alif, ba, iyo j, xataa afafka qaarkood sida Ingiriisigu ma laha ereyga “ha” ee laga helo Af-soomaaligeena. Waxa uu intaa ku daray in dawladda dhexe ay bilawday olole lagu xoojinayo afka Carabiga.

Agaasimaha ayaa sidoo kale xusay in Soomaaliya luuqada carabigu maqaam weyn ku leedahay maadaama inta badan Jaamacadaha dalka ay mudnaan weyn siiyaan luuqada carabiga, tusaale ahaan Jaamacada Muqdisho, Jaamacada Islaamiga, Jaamacada Imaamu Shaafici, Jaamacada Taha, Jaamacada Carabta. Jaamacadda Dar Al Uloom iyo Jaamacadaha kale ee sida gaarka ah loo leeyahay ee dalka ku yaala. Gaba gabadii wuxuu bogaadiyay doorka Wakaaladda Wararka Soomaaliyeed ee “SONNA” iyo mas’uuliyiinteeda oo aad muhiim ugu ah horumarinta Afka Carabiga iyadoo adeegsaneysa qeybaheeda kala duwan.