Madaxweynaha Hirshabeelle oo kulan la yeeshay Gudoomiyaha Hay’adda Maareynta Musiibooyinka Qaranka

Jowhar- Madaxweynaha Dowlad goboleedka Hirshabeelle Mudane Cali Guudlaawe Xuseen ayaa maanta kulan la yeeshay Gudoomiyaha Hay’adda Maareynta Musiibooyinka Qaran Mudane Maxamuud Macalin Cabdulle oo uu wehliyo Kaaliyaha Gudoomiyaha.

Kulankaan oo ay qeyb ka ahaayeen Wasiir Ku xigeenka Wasaaaradda Gargaarka iyo Maareynta Musiibooyin Mudane Xasan Cabdi Yuusuf, Agaasimaha Madaxtooyada iyo Gudoomiye Ku xigeenka arrimaha Siyaasada ee maamulka Gobolka Shabeellaha Dhexe ayaa looga hadlay sidii gargaar loo gaarsiin lahaa dadka ku nool deegaanadii dhawaan laga xoreeyay kooxda khawaarijta alshabaab.

Gudoomiyaha Hay’adda Maareynta Musiibooyinka Qaranka ayaa sheegay inay keeneen deeq gargaar ah oo loogu talagalay in looga faaideeyo 666 qoys oo ay Wasaaradda Gargaarka iyo Maareynta Musiibooyinka ay u qorsheyn doonto dadka aadka liita ee u baahan caawinta.

Madaxweynaha ayaa hay’adda SoDMA u ballanqaday dhul ay ku shaqeeyaan oo laga hirgalinayo xarunta Gurmadka degdeg dhowaana laga dhagax dhigi doono Magaalada Jowhar ee Caasimada Dowladda Hirshabeelle.

    

Madaxweyne Xasan sheekh oo hambalyo u diray Ciidanka Booliiska Soomaaliyeed

Madaxweynaha Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya Mudane Xasan Sheekh Maxamuud ayaa hambalyo ku aaddan Xuska Sannad Guurada 79-Aad ee aas-aaska Ciidanka Booliska Soomaaliyeed u diray Saraakiisha, Saraakiil-xigeennada, Aliflayda, Dableyda iyo dhammaan qeybaha kala duwan ee Ciidanka Booliska iyo qoysaskooda.

Madaxweynaha ayaa xusay in Ciidanka Booliska Soomaaliyeed ay laf-dhabar u yihiin xaqiijinta amniga dalka, nabadda iyo xasilloonida shacabka Soomaaliyeed, isagoo sheegay in markasta ay naftooda u huraan ciidda iyo Calanka Soomaaliyeed.

Madaxweynaha Jamhuuriyadda ayaa shacabka Soomaaliyeed ku adkeeyey in ay ku garab istaagaan Ciidankeenna geesiyaasha ah gudashada waajibaadkooda Qaran, gaar ahaan wakhtigan oo dalka uu u jiheystay dabar-gooynta argagixisada Alshabaab oo sannado badan curyaamiyey nolasha dadka Soomaaliyeed iyo horumarka dalka.

 

Guddoomiyaha gobolka Banaadir oo qaabilay Wakiilka Hey’adda Qaxootiga Aduunka (UNHCR) u Qaabilsan Soomaaliya

Guddoomiyaha Gobolka Banaadir Ahna Duqa Magaalada Muqdisho Mudane Yuusuf Xuseen Jimcaale (Madaale) ayaa Aqalka Dowladda Hoose ee Xamar ku qaabilay Wakiilka Hey’adda Qaxootiga Aduunka (UNHCR) u Qaabilsan Soomaaliya Mudane Magatte Guisse. Iyagoona ka wada hadlay xaalada Barakacayaasha ku sugan Magaalada Muqdisho iyo sidii wax loogu qaban lahaa.

Guddoomiyaha Gobolka Banaadir ayaa ugu warbixiyay Mudane Magatte in Magaalada Muqdisho ay ku sugan yihiin Barakacayaasha ugu badan ee kasoo barakacay Abaaraha iyo Colaadaha ka jira Gobolada dalka, iyadoona Maamulka Gobolka Banaadir oo kaashanaya Bulshadiisa ay gacan ka geysteen sidii gargaar loo gaarsiin lahaa, balse ay dadkaasi u baahan yihiin wax dhaafsiisan gargaar oo ah in xal waara loo helo.

UNHCR iyo Maamulka Gobolka Banaadir ayaa isla qaatay in Qorshe hortabineed oo wadajir ah ay ka yeeshaan sidii dib-u-dajin iyo shaqo abuur loogu sameen lahaa dadkaasi, isla markaana caruurtooda ay u heli lahaayeen Waxbarasho iyo Caafimaad si ay ula mid noqdaan bulshada inteeda kale.

Dowladda Soomaaliya ayaa xirtay 600 oo shabakadood kuwaas khawaarijtu ku baahin jireen falalkooda gurracan

Dowladda Soomaliya oo ku dhawaaqday in ay hawada ka saartay in ka badan 600 oo shabakado warbaahineed,shabakadahan ayaa ahaa kuwo kooxa khawaariijtu ku baahiyaan wararkooda sidoo kalena ku gudbin jireen fikirkooda gurracan.

Wasiir ku-xigeenka Wasaaradda warfaafinta dhaqanka iyo Dalxiiska Cabdiraxmaan Al-caddaala oo la hadlay warbaahinta qaranka ayaa xaqiijiyey in Dowladdu Dagaal adag ku qaaday baraha warbaahinta ee Argagixisaddu ku baahin jireen falalkooda gurracan kuwaas oo khatar ku ahaa Amniga Shacabka Soomaaliyeed meel kasta oo ay joogaan.

Wasiir Caddaala ayaa xusay in Baraha la xiray isugu jireen Facebook,Twiter,telegram, Tiktok,Youtube iyo Mareegaha Website-yadda.

” cidkasta oo baahisa wararka khawaariijta iyo goob kasta oo lagu baahiyo waa noo bartilmaameed” ayuu yiri wasiir Caddaala.

Xuska 20-ka Disembar ee Maalinta Ciidanka Boliiska (warbixin)

20-ka disember ,waa astaan ka mid ah maalmaha qaran ee loo dabbaaldego xusuusta dhaxalgalka ah ee umadda,gaar ahaan aasaaska ciidamada Boliiska oo ka mid ah qeybaha ciidamada ee xilka iska saaray difaaca dadka iyo dalka,isla markaana door wax ku oolka ah ka soo qaatay dhalinta miraha xoriyadda ee aan harsaneyno.

Sanadkii 1943-diii ayeey aheyd markii la unkay dhismaha ciidan Boliis ah oo xilligaasi loo arkaayey in uu yahay midka ugu faca weyn ,isla markaana lagama maarmaan u ah aasaaska dhismaha dowlad Soomaaliyeed oo wax la wadaagta wadamada caalamka.

Waxaa dhab ah in ay jireen ciidamo Soomaaliyeed oo u baahan in la xuso doorkooda,isla markaana soo shaqeeyay xoriyadda ka hor,gaar ahaan waqtiyadii ay jireen maamuladii gumeysiga Ingiriiska iyo Talyaaniga ee kala qeybsaday geyigga.

Xilligii gumeysiga

Laga soo bilaabo sanadkii 1910-40-kii gumeysigii Ingiriiska waxa uu aasaasay  ciidamo Somaaliyeed,ka dib markii uu qabsaday gobolada Woqooyi ee Soomaaliya,ciidamadaasina waxa ay la howlgaleen askartii Ingiriiska ee xilligaasi joogay dalalka Kenya,Tansaniya,Yemen iyo dalal kale,iyagoo soo qabtay shaqooyin ay ka mid yihiin sugidda amniga magaalooyinka,ilaalinta xeebaha iyo xallinta dagaalada ka dhaca dhulka  baadiyaha ah ee ay sababaan beelaha.

Dhanka kale Talyanaaniga oo gumeystay bartamahaha iyo koonfurta Soomaaliya waxa uu sanadihii u dhexeeyay 1909-1940-kii, aasaasay ciidamo Soomaali ah,kuwaas oo ka mid noqday ciidamo gaaraya dhowr iyo labaatan kun oo joogay gudaha dalka,sanadkii 1936-diina ,waxaana qaarkood ka ay ka qeybaleen dagaalkii isballaarinta ee Talyaanigu ku qabsaday dalka Itoobiya.

Kadib kolii Talyaaniga looga adkaaday dagaalkii labaad ee dunida,Ingiriisku waxa uu sanadihii u dhaxeeyay 1941-1950-kii uu dib u qaabeyb ku sameeyay ciidamada boliiska ee gobolada woqooyi iyo kuwa koonfureed,bacdamaa uu si toos ah gacanta ugu dhigay guud ahaan dalka Soomaaliya.

Mudadii Xoriyad gaarsiinta

 Sanadkii 1950-kii waxaa mar kale gobolada koonfurta Soomaaliya ka bilowday dib u dhiska ciidamada,kadib kolkii Qaramada Midoobay ay ogolaatay in Talyaanigu uu muddo 10 sano oo xorriyad gaarsiin ah uu maamulo gobolada koonfureed, si dadka Soomaliyeed looga caawiyo barashada maaulka dowladnimo,halka gobolada woqooyi maamulkooda uu baaqi ku sii ahaa dowladdi Ingiriiska.

Xilligii Xoriyadda (1960)

Xoreyntii gobolada koonfureed iyo israaca laba gobol ee woqooyi iyo koonfur,waxaa la sameeyay ciidamo isku dhaf ah oo ka kooban 3700-askari,isla markaana leh qalab iyo tababar casri ah oo la mid ah kuwa caalamka ee dunida,waxaana lagu kordhiyay kun askari oo Daraawiish ah,iyadoo xlligaasi taliyaha ciidanka Boliiska loo magacaabay Geeneral Maxamed Abshir Muuse Haamaan.

Waxqabadka ciidanka Boliiska

 Ciidamada Boliiska ee Soomaaliya waa hey’adda ugu sareysa ee fulinta sharciga madaniga ah,sidaa aawadeed,waxay xubin firfircoon iyo xiriir shaqo oo dhab ah la wadaagaan ururka caalamiga ah ee boliiska adduunka (Interpool).

Waajibaadka qaran ee ay ku howlgalaan ciidanka waa mid cad oo ku qoran dastuurka dalka,sidaa daraadeed,waxqabadkooda waxaa kamid ah 1-la dagaallanka dambiyada .2-la-dagaallanka argagixisada .3-difaaca dalka.4-Sugidda amniga Gudaha dalka iyo 5- Ilaalinta sharciga dalka.

 Waxaa marag ma doonto ah in ciidamada Boliiska Soomaaliyeed ay yihiin kuwo geesiyaal ah oo lagu faano,isla markaaana guulo ka soo hooyey dagaaladii dhacay sanadihii 1964-tii iyo 1977-dii,ee lagu raadinaayey dhulalkii ku maqnaa gacanta gumeysigii shisheeye.

Waloow bur-burkii ka dhacay dalka 1991-kii ee ay horseedka ka ahaayeen qaar ka mid ah hoggaamiyiyaasha Soomaalida uu saameyn ku yeeshay ciidamada ,haddana laga soo bilaabo  sanadihii 2000-2004tii, waxaa lagu guuleystay in dib loo uruuriyo ciidamada, isla markaana la howlgaliyo qeybihii iyo talisyadii uu ka koobnaa ,iyadoo lagu kordhiyay  dhallinyaro  cusub oo dhiirigeliyay soo celinta amniga iyo kala dambeynta.

Haddaba,xuska sanadkaan oo ku began sanadguurada79-ad waxa uu ka tarjumayaa aasaaska ciidamada Boliiska oo ah hooyada ugu faca weyn ee ciidamada dalka,waxaana shacbiga Soomaaliyeed xilligaan ka muuqda sida ay ugu qanacsan yihiin qaabka ay u socdaan howlaha ciidamada iyo dadaalada kale ee ay kaga qeybgalayan horumarka dalka.

Boolisku waa cududda labaad ee ay ku faanaan bulshada,waxayna dadaal ugu jiraan soo celinta amniga,sidaa daraadeed waxa ay u baahan yihiin in loo howlgalo sidii loo tayeyn lahaa, isla markaana loogu heli lahaa agab ama qalab ciidan oo ay ku hawl galaan iyo in la siiyo tababarro sare loogu qaadayo xirfaddoda shaqo si mustaqbalka dhow ay u hantaan ammaanka guud ee dalka.

Dhanka kale,Ciidamada Boliiska waa wehelka Shacabka siddaa daraadeed,waxaa haboon in shacbiga Soomaaliyeed ay ciidamada kala shaqeeyaan soo celinta xasiloonida dalka iyo raadinta nidaam guud oo horseeda kala dambeyn.

Ugu dambeyntii saraakiisha,saraakiil xigeenada,alifleyda ,dableyda iyo guud ahaan xaasaska ciidamada Boliiska meel kasta oo ay joogaan waxaan u rajeyneynaa  in sanadkaan kiisa kale ay ku gaaraan horumar iyo barwaaqo.

Wafdi ay hoggaamineyso Wasiirka Wasaaradda Haweenka Soomaaliya oo gaarey Magaalada Baydhabo

Wafdi heer federaal ah oo ay hoggaamineyso Wasiirka Wasaaradda haweenka iyo arimaha qoyska Marwo Khadiijo Maxamed Diiye ayaa maanta gaarey magaalada Baydhabo ee Xarunta Gobolka Baay

Sidoo kale wafdiga waxaa  qeyb ka ahaa wasiirada wasaaradaha haweenka ee dowlad goboleedyada dalka, waxaana Baydhabo ku soo dhoweeyey Wasiirka Wasaaradda haweenka Koonfur Galbeed iyo mas’uuliyiin kale oo ka tirsan Baarlamaanka Soomaaliya iyo madaxtooyada Koonfur Galbeed.

Ujeedada socdaalka mas’uuliyiintan ee magaalada Baydhabo ayaa lagu sheegey iney tahay sidii ay uga qeyb geli lahaayeen xuska munaasabada sanad guurada 4-aad ee madaxweyne Cabdicasiis iyo arimo kale.

15 ka tirsan khawaarijta Al-Shabaab oo lagu dilay weerar diyaaradeed

15 ka tirsan Khawaarijta Al-Shabaab ayaa lagu dilay howlgal wadajir ah oo ay sameyeen ciidamada Soomaaliya iyo kuwa Mareykanka ee Africom  ka oo laga fuliyeen degmada Cadale ee gobolka Shabeellaha Dhexe 14-kii iyo 17-kii December, 2022.

Howlgalka 14-kii Dec ayaa ka dhacay meel 176 KM waqooyi bari ka xigta magaalada Muqdisho, gaar ahaan agagaarka Cadale. khiyaas ahaan waxa ku dhinta werarkaasi 7 ka mid ah argagixisada Al-Shabaab

Howlkalkii 17-kii Dec  ka dhacday meel qiyaastii 220 KM waqooyi bari ka xigta magaalada Muqdisho, sidoo kale waxa ay ka dhacday agagaarka Cadale,waxana halkaa lagu dilay 8- ka tirsan argagixisada Al-Shabaab.

Taliska Marekanka ayaa xaqiijiyay in aysan jirin dad rayid ah oo ku dhaawacmay ama lagu dilay labada weerar.

Taliska Mareykanka ee Afrika ayaa qaadaya tillaabooyin aad u wanaagsan si looga hortago waxyeelada rayidka. Ilaalinta rayidka ayaa ah qayb muhiim ah oo ka mid ah hawlgallada taliska si kor loogu qaado Nabada wadamada Geeska Afrika.

 

Ra’iisul Wasaaraha XFS oo saxaafadda ku boorriyay in ay door muhiim ah ka qaataan la dagaallanka musuq-maasuqa

Ra’iisul Wasaaraha Xukuumadda Federaalka, Soomaaliya Xamse Cabdi Barre ayaa ku boorriyay saxaafadda Soomaaliyeed in ay door nadiif ah, oo xaqiiqada ku saleysan ay kaga qayb qaadato la dagaallanka musuq-maasuqa, oo ay tooshka ku ifiyaan dadka ku jira dowladda ee ku kaca musuq-maasuq.

“Suxufiga waa in uu nadiif yahay oo  wax uu sheegaya saxtahay, si uu tuugada u ilaaliyo, waxaana la dhahaa saxaafaddu waa awoodda afaraad oo ay bulshadu leedahay, waxaa xor looga dhigay oo xuquuqda faraha badan loo siiyay, aduunyaduna leedayhay yaanan la taabanin oo dhinac kaste looga istaagay waa rajo laga qabo in saxafiyiintu nadiif yihiin” ayuu yiri mudane Hamse Abdi Barre

Mudane Xamse Cabdi Barre ayaa sheegay in dowladda ku adkaaneyso inay ogaato musuq-maasuqa hadaysan ururada bulshada oo ay saxaafadda koow ka tahay ka shaqeynin la dagaallanka musuq-maasuq, waxa uuna sidoo ku dhiirro-galiyay in ay tilmaamaan kuwa dhacaya hantida dadweyne si loola xisaabtammo.

Ra’iisul wasaare Xamsa oo sheegay in xukuumadda Dan Qaran ay ka go’an tahay cirib tirka Musuq-maasuqa ayaa adkeeyay muhiimadda ay leedahay in bulshada iyo dowladda oo wadajira ay la dagaalaan, oo dhaqan musuq naceyb ah buslada laga dhex abuuro maadaama toosinta nidaamka dowliga ah kaliya uusan ku filneyn la dagaallanka Musuqa.

31 badmaax oo ku maqan markab dagaal oo ku qallibmay Thailand

Ciidamada badda ee Thailand ayaa sheegay in ay maqan yihiin 31 badmaax ,a dib markii markab dagaal oo ay la socdeen in ka badan 100 shaqaale uu ku dagay biyaha badda ee  gacanka Thailand.

Shilkaan oo ay sababeen duufaano,ayaa dhacay habeenimadii xalay,waxaana maamulka Thailand ay  sheegay maanta in la soo badbaadiyeen 75 shaqaale ah ,halka weli la la’yahay 31 ka mid ah shaqaalihii markabkaasi.

Maamulka Thiland ayaa sheegay in la baarayo waxa sababay shikaasi uu ku qallibmay markabka lagu magacaabo HTMAS Sukhotai .

Shilkkasi ayaa yimid xilli markabka uu ku jiray roondo ,isagoo marayey meel 32 km u jirta dhanka galbeed gaar ahaan magaalada Bang Saphan, ee gobolka Prachuap Khiri Khan.

Markabkaan oo kamid ah kuwa dagalka axaa la dhisay bartamihii 1980-meeyadii,waxaana ku gowlgala ciidamada badda ee Dalka Thiland .

10 Qodob oo sharci ah kuna saabsan sida loo weriyo wararka agagixisada la xiriira

Hadafka ururada argaxisada ayaa ah in ay abuuraan (Environment) bey’o ama xaalad cabsi ah, arggagixin, baqdin gelin ka weecisa qof ama bulsho in ay fikiraan ama aragtidooda cabiraan, taasi oo saameyn xun ku yeelata bulshada meeshana  ka saarta in ay ka jawaab celiyaan.

Ururada argagixisada waxa ay aad u door bidaan adeegsiga Warbaahinta , si ficilada ay sameynayaan u gaarto dhegaha dad badan si saameynta meesha ay joogaan ugu weynaato dunida oo idil.

“ Propaganda-da waa Oxygen-ka argagaxa”,  Waxa sidaas tiri, Ra’isul wasaarihii hore ee Britan, Margaret Thatcher (Iron Lady)  oo la dhihi jiray marwadii birta .

Waa in la’is waydiiyaa sawirada loo adeegsanayo warbaahinta ama wararka loo gudbinayo dad-weynaha in ay yihiin kuwa mudan in shacab la gaarsiiyo ama yihiin kuwa u adeegaya ururada argagixisada, waa inaad ogaataa in hubka uga weyn ee ururada argagixisada uu yahay ‘Propoganda’,   si looga fogaado arrimahan waxa ay Wakaalada Wararka u faafisa Waddanka aan saaxiibka dhaw nahay ee Turkiga, Anadolu Agency(AA) ka diyaarisay 10-qodob oo sharci ah kunasaabsan sida loo weriyo wararka argagixisada, waana sida soo socota:-

  1. Ha warin wararka deg-degga ee aadan xaqiiqdooda heyn (Xan ama hebel baa sheegay)

Xaqiiji warka, wariyaha lagama aqbalayo inuu qeexo/ sheego sida ay meesha wax uga dhaceen. Isku haley macluumaad uu bixiyey ama ay bixiyeen mas’uliyiin. Dhanka kale haddii aan la gaari Karin mas’uuliyiinta, bayaan saxafi uusan jirin, waa inaad ku noq-noqotaa xaqiijinta sheekada.

Ha isku haleyn baraha bulshada adiga oo daba socda dhacdo argagixiso, hana adeegsan macluumaad kasta adigoon helin bayaan saxafi(War-saxaafadeed) oo rasmi ah.

Dunida maanta, macluumaadka waxa uu u fidaa sida dab keyn qabsaday, diyaarinta warka weerar argagixiso oo ku salaysan ku tiri-ku teen(War Suuq) iyo mala’awaal waxa uu dhalinayaa khalad aan daawo lahayn.

Ha iloobin sida ay u adag tahay in la daaweeyo saameynta xun ee ka dhalata macluumaad aan la hubinin ama la xaqiijinin.  Ha u qaadan wax  fudud adigoo u dan leh ku hor mar wax u baahan hubin.

  1. Ha meel marin hadafka ururada argagixisada

Urarada argagixisada ujeedkooda waxa uu yahay in ay abuuraan cabsi iyo argagixin ay dad badan ku gaaraan iyaga oo u maraya ficilo xasaasi ah. Wararka iyo sawirada la faah-faahiyey ee la xiriirta dhacdada agagixiso waxa ay u adeegaysaa ujeedka ururada agagixisada, uma adeegayso xuriyadda macluumaadka.  Xadidaada wararka noocan ah in la baahiyo waa in lagu go’aamiyaa, looguna adeegaa danaha bulshada ama waxtar uu u leeyahay.

Ha sheegin sida weerarka argagixiso loo qorsheeyey, loo fuliyey ama waxa ka dhasha.

  1. Dad badan inaad gaarto walaacaaga yuusan noqon, loolan ha u gelin gaaristooda

Ha iloobin in urarada agagixisada ay door bidayaan in ficiladooda ay soo jiitaan dareenka warbaahinta si ay u gaaraan dad badan, sidaa daraadeed, marka la warinayo wararka agagixiso, ka tag dhamaan walaaca la xiriira tartan. Isku day in aad bulshada u sheegto war xaqiiqa ah oo aan jahwareer abuureynin.

  1. Ha isticmaalin sawirada dad dhintay ama dhaawaca

Waa xushmad daro adeegsiga sawirada noocaan ah, balse waxa aad isticmaali kartaa muuqaal guud oo meesha mashaqada ka dhacday ah oo aan bixinaynin argagax, waxaad isticmaalaysa falcelinta ay samaynayaan ciidamada amaanka iyo shaqaaalaha caafimaadka ee gurmadka bixinayaan taasi oo gudbinaysaa fariin wanaagsan oo muujinaysa in ciidanka amaanka iyo shaqaalaha caafimaadkuba ay gacanta ku hayaan xaaladda.

Xusuusnow haddii aad si kale u tabiso, taasi macnaheeda waa adiga oo ka caawisay in aad xoojisay saamaynta xun ee ay bulshada ku yeelanayso iyo dacaayadda ay doonayaan argagixisada.

  1. Ha isticmaalin eray bixinta urarada agagixisada

Jabhad, kuwa kacdoonka, kuwa u dhaq-dhaqaaqa naf hurnimada, iyo IWM ee ay la baxaan. Ka fogow in aad isticmaasho mansabka iyo sifooyinkooda taasi oo ka dhigi karta in aad  sharciyeyso ururadaa, tusaale ‘Taliye, Gudoomiye/ Madaxweyne, Xisbi/koox, madax ama hogaamiye.

Ha xoojinin isticmaalka magacyada ururada agagixisada, ha sheegin aqoonsigooda/ dhalasho iyo magacyada isku afgartaan haddii aysan u adeegaynin danta shacabka.

  1. Haku deg-degin in aad shaaca ka qaado aqoonsiga maydka

Ha shaacin aqoonsiga kuwa noloshooda ku waayey weerar agagixiso ilaa ay  mas’uuliyiinta ku wargeliyaan eheladooda !

Ha iloobin waxyeelada ka dhalan karta in shaqsiyaad ka ogaadaan warbaahinta geerida kuwii ay jeclaayeen, waxay dhalinaysaa dhibaato khatar ah.

  1. Ha daabicin ama werinin ‘War-saxaafadeedka’ Ururada argagixisada

Waa inaadan werin ama daabicin bayaan saxaafadeedka hogaamiyeyaashooda ama argagixasada, ha iloobin in bayaanada ay ka buuxaan xeerar.  Waraysi gaar ah hala yeelan argagixisada. Waraysiyada waxa ay u adeegayaan dacaayada ururka, wuxuuna siinayaa xubnaha ururka agagixisada sumcad weyn, sidoo kale sharci buu ka dhigayaa iyaga.

  1. Ka taxadir macluumaadka iyo sawirada baraha bulshada

ha iscticmaalin macluumaadka aad ka hesho baraha bulshada adigoon xaqiijin.

  1. Ka warqab fahamka hawl-galada urarada argagixiso !

Ururada argagixiso waxa ay door bidaan ( is-dilka, cunto ka soomida, qaraxyada ismiidaaminta.) si warbaahinta ay u daboosho. Marka aad werinayso arrimahan ee qaybta ka ah aragtida hawl-galada ururka argagixiso, ka fekar danta dadweynaha. Ha noqon agabkii Propogando-da ee lagu kuleylayn lahaa dhacdadaas.

  1. Ha sheegin u diyaar garowga hawl-gallada ka dhanka ah argagixisada

Ciidamada amaanka way ku adkaanaysa haddii ay sidaa dhacdo, sidaa daraadeed hawl-galada military ama sirdoon ha werin !

Ha iloobin in ka hor dhicista ama sheegista hawl-galada diyaar-garowgooda tusaale in la baahiyo ama la daabaco in ay u adeegsan karaan ururada argagixiso, waxa ayna carqaladeynayaan ama dhaawacayaan dadaalada ciidamada amaanka.

Gunaanud:- Marka aan ka soo tagno tabankan qodob ee aan ka turjumay buug-yaraha Anadolu. Soomaaliya waxa ay dagaal kula jirtaa Shabaab iyo urur taabacsan Daacish kuwaa oo ah ururo argagixiso, waxaa haboon in warbaahinta dalka ay ku buraarugaan qaabka loo tabiya wararaka la xiriira argixisada ayna xil weyn iska saaraan maareyntooda iyagoo markasta u hiilinaya shacabka bal si dhaw isu xasuusi labadii dhacdo ee Zoobe ka dhacday, yey ku gumaadeen ?