Madaxweynaha Puntland oo dhagax-dhigay xafiisyada howlgalada dekedda Garacad

Madaxweynaha Dowladda Goboleedka Puntland Mudane Siciid Cabdullaahi Deni oo safar shaqo ku jooga deegaanka Garacad ee gobolka Mudug ayaa saaka kormeeray Dekedda cusub ee magaaladaasi oo ay ka socoto shaqo Lixaad leh.

Madaxweynuhu waxa uu kormeeray qaybaha kala duwan ee Dekedda, isagoo warxino faahfaahsan oo ku qotoma qaabka shaqadu u socoto ka dhegaystey masuuliyiinta iyo hawlwadeenada dekedda.

Madaxweynaha Dowladda Puntland Mudane Siciid Cabdullaahi Deni waxaa ku wehelinaayey kormeerka shaqo ee uu ku tegey dekedda Garacad masuuliyiin ka tirsan Goleyaasha Dowladda Puntland iyo Guddiga Shirkadda Wadaagsan.

Shacabka degmada kaaraan oo qabaty dhagarqabe falal Amni dari ka geeysan rabay degmadaasi

-Shacabka ku nool degamada Kaaraan ayaa gacanta ku soo dhigay hal dhagarqabe   oo damacsanaa in uu fuliyo weerar.

dhagar qabahan  oo magciisa ku sheegay Maxamed Farxaan Bashiir ayaa ahaa wada Moota Bajaaj,waxana isaga iyo Raggii la socday ay damacsanayeen in ay weraraan Saldhiga degmada Kaaraan, balsa waxa fashiliyay shacabka Degmadda.

Hal dhagarqabe oo kale ayaa ku geeriyooday iska hor imaad ay isku dayeen in ciidamada Amniga  lagalaan sida warbaahinta Qaranka  u sheegay Afhayeenka ciidanka Booliska Soomaaliya Sadiiq Doodishe.

Shacabka Degamada Kaaran waa markii labaad ee  ay Nolosha ku qabtaan xubno dhagarqabayaal ah kuwaas oo rabay in ay fuliyeen weeraro ay ku dhibaataynayaan Amniga Shacabka Soomaaliyeed.

Khawaarijta oo la mid noqotay Darbi dumay(WARBIXIN)

Howlgallada Gobolka Shabeelada Dhexe ayaa waxa uu u muuqdaa in ay guuleysteen, waxaana taa daliil u ah in maalin walba ay isi soo dhiibaya odayaal ay kooxdu ku qasbi jirtay in ay hadlaan, kuwaas oo ay u caleema saarteen Nabadoonimo iyo sidoo kale wiilashii yar yaraa ee la qalday ayaa koox koox isku soo dhiiba, waxaana muuqata in ay kooxda Khawaarijtu xididdada looga siibay gobolkaasi, waxaana beryihii u dambeeyay ay koox ka Tirsan Khawaarijta Shabaab oo ka kooban Afar Xubnood uuna hogaaminayay Horjooge Maxamed Cali Xasan oo loo yaqaano Macalin Xudeyfa ay isku soo dhiibay Ciidamada Qalabka Sida ee ku sugan Dowlad Goboleedka HirShabeelle, kaasi oo horkacayay maleeshiyaadka Khawaarijta ee dhowaan lagu jabiyay dagaaladii ka dhacay Shabeelaha dhexe.

Dhinaca kale, Ciidamada Qaranka ayaa gacanta ku dhigay 8 ka tirsan Khawaarijta, kuwaasi oo isku dayay in ay isku qariyaan Dhulka hawdka ah ka dib Jabkii cuslaa ee Khawaarijtu ay kala kulantay Dagaalkii ay Ciidamada Qaranka iyo Shacabka Deegaanku kula galeen Hirshabeelle, iyadoo maalin ka hor isla aaggaaasi ay Ciidamada Qaranka isku soo dhiibay Siciid Raage oo Khawaarijta ugu magacawnaa nabadoon iyo mid ka mid ah Maleeshiyada Kooxda Khawaarijta ah, waxaana si wanaagsa u soo dhaweeyay Ciidamada Qaranku, waana ka go’an tahay Dawladda Soomaaliya in ay daryeesho kuwa ka tanaasula Fikirka Khawaarijta iyo ficilladooda gurracan.

Dawladda Soomaaliya waxaa ka go’an in Cadaaladda la marsiiyo dhagarqabayaasha ku adkaysta ku sii jirista Khawaarijta kuna dhiiranaada dhaqamadooda foosha xun, Dowladduna Khawaarijta Al-Shabaab waxay kula jirta Dagaal toos ah oo dalka looga saarayo iyo mid dhinaca dhaqaalaha ah ayaa waxaa ka go’an ciribtirka Khawaarijta, si shacabka Soomaaliyeed ugu noolaadaan Nabad iyo Barwaaqo.

Gobolada Mudug iyo Galguduud waxaa wali ku sugan tiro yar oo kooxdaasi ah , dadka deegannada goboladaasi ayaa waxay sugi la’yihiin inta ay ciidamada dowladda iyo kuwa deegaanka ka soo gaarayaan, qaarkood ayaa waxaa ku socdo ciqaab ay kala kulmayaan rag aan gobolkaba ka soo jeedin oo ku naaxay canshuurta baadda ah ee laga qaado.

Waxaa kaloo jira in Dowladda Soomaaliya ay xirtay 600 oo shabakadood, kuwaasi oo ay khawaarijtu ku baahin jireen falalkooda gurracan, iyadoo Baraha la xiray ay isugu jireen Facebook,Twiter,telegram, Tiktok,Youtube iyo Mareegaha Website-yada ” cidkasta oo baahisa wararka khawaariijta iyo goob kasta oo lagu baahiyo waa noo bartilmaameed” ayuu yiri wasiir Ku xigeenka Warfaafinta Cabdiraxmaan Shiikh Yuusuf Caddaala, wuxuuna sii raaciyay Meel kasta oo macluumaad Khawaarijtu leedahay lagu faafiyo ciddii doontaa ha lahaatee dowladda Waa u target ama bartilmaameed.

Ka sokow guulaha xagga dhulka ee baaxadda leh ee ilaa haatan laga soo hooyay halganka la dagaalanka iyo ciribtirka kooxaha argagaxida ah, waxaa kaloo muuqda guulo kale ee waaweyn oo laga gaaray ciribtirka kooxahaasi, haddaba waxaan guulahaasi ku tilmaami karnaa:-

Guusha koowaad: In Bulshada Soomaaliyeed iyo ciidamadooda qalabka sida ay aamineen in kooxaha argagaxisada ah lala dagaalami karo, lagana guuleysan karo, waxaana goobo fara badan lagu baacsaday laguna burburiyey. Arinkani oo ah mid aad ahmiyaddiisa u leh marka laga hadlayo dagaal iyo istiraatiijayahiisa, iyadoo Khawaarijta laga sifeeyay dhammaan Deegaanada ka tirsan Gobolada Shabeelada dhexe iyo Hiiraan, laguna sii wajahan yahay Gobolka kale sida Galguduud.

Guusha labaad: In Bulshadii iyo kooxahii Argagaxisada ay sii kala miirmayaan siina kala fogaanayaan, ka dib kolkii dagaalku uu isku badalay “Halgan iyo dagaal Bulsho”. Halkii shalay laga yaabay in loo arki karay dagaal dhex marayey ama u dhaxeeya ” Dowlad iyo koox gaar ah”, arinkani waxa uu horseedi kartaa in aysan kooxahaasi heli doonin waxii hadda ka dambeeyao gabaad iyo cid ay isku qariyaan.

Guusha seddexaad ayaa ah, In markii ugu horreysay dagaal xagga dhaqaalaha ah oo toos ah lagu qaaday kooxaha argagaxisada ah, lagana xirxiray ku dhwaad ilaa 60 xisaab bank oo ay tiilay lacago malaayiin doolar ah, kaasi oo horseeday in ganacsatada iyo bulsho weynta Soomaaliyeed ee ay baadda iyo boobka ku hayeen kooxahaasi ay dhiiradaan, diidanna bixinta xoolahooda lagu gumaadayay shacabkooda.

Guulahaasi seddexda ah waa arimo istiraatiiji ah, aadna muhiim ugu ah ka guul gaarista dagaalka la gula jiro kooxaha argagaxisada ah, waana in la sii wado dadaalada ku aadan ka miro dhalinta hadafka iyo ujeedada fog ee laga leeyahay ka gungaaridada dagaalka lagula jiro kooxda Argagixisada ah ee Khawaarijta.

Guddoomiyaha Gobolka Hiiraan Cali Jeyte Cusmaan ayaa dhawaan uga digay Dadka ku dhaqan goobaha ay Kooxda Khawaarijtu joogaan Dowlad Gobolaadka Hirshabeelle inay ka fogaadaan, isagoo caddeeyay inay meelahaasi ay bartilmaameed u yihiin Ciidamada Dowladda iyo kuwa Deegaanada, sidaasi awgeedna ay ka baaqsadaan inta lag xoreynayo.
Kooxdani waxay haatan u muuqataa mid gabalkeedu sii dhacayo dhinac walbana lagala dagaalamayo, marka waxa aan ku sifeyn karnaa Darbi dumay, shacabkuna ay ka fogaanno yuusan daqrine.

Guddoomiyaha Golaha Shacabka Baarlamaanka Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya Mudane Sheekh Aadan Maxamed Nuur (Madoobe) ayaa kulan la qaatay Ku-xigeenka Ergeyga Gaarka ah ee Qaramada Midoobay u qaabilsan Arrimaha Gargaarka Soomaaliya Amb. Adam Abdelmoula.

Guddoomiyaha Golaha Shacabka ayaa ergeyga la wadaagay warbixin ku saabsan booqashooyinkii uu ku tagay magaalooyinka Xudur iyo Baydhabo oo ay ka jiraan xaalado cakiran oo bulshada deegaanka ka haysta dhinaca nolosha. Ergeyga Gaarka ah ee Qaramada Midoobay Arrimaha Gargaarka ayuu Gudoomiyuhu ku booriyay in deegaannadaas la tago si wax loogu qabto dadka ay abaartu saameysay.

Danjire Adam Abdelmoula oo dhankiisa soo dhoweeyay goobaha uu tagay Guddoomiyaha ayaa sheegay meelo badan oo Soomaaliya inay xaaladdeeda ay liidato, sidoo kale waxaa uu xusay in gargaarka bini’aadantinimo aad loo xoojin doono iyo kor joogteeynta si looga hortago dhibaatooyin kale oo hor leh.

Ugu dambeyn Guddoomiyaha Golaha Shacabka Baarlamaanka Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya Mudane Sheekh Aadan Madoobe ayaa dhiirageliyay talaabo kasta oo dalka iyo dadka Soomaaliyeed wax loogu qabanaayo ayaa adkeeyay in waqti lagu bixiyo goobaha laga xorreeyay Khawaariijta iyo deegaannada ay go’doomiyeen.

GUDDOOMIYAHA GOLAHA SHACABKA BJFS OO KULAN LA QAATAY KU-XIGEENKA ERGEYGA GAARKA EE XOGAHAYA GUUD Q.M UQAABILSAN SOOMAALIYA

Guddoomiyaha Golaha Shacabka Baarlamaanka Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya Mudane Sheekh Aadan Maxamed Nuur (Madoobe) ayaa kulan la qaatay Ku-xigeenka Ergeyga Gaarka ah ee Qaramada Midoobay u qaabilsan Arrimaha Gargaarka Soomaaliya Amb. Adam Abdelmoula.

Guddoomiyaha Golaha Shacabka ayaa ergeyga la wadaagay warbixin ku saabsan booqashooyinkii uu ku tagay magaalooyinka Xudur iyo Baydhabo oo ay ka jiraan xaalado cakiran oo bulshada deegaanka ka haysta dhinaca nolosha. Ergeyga Gaarka ah ee Qaramada Midoobay Arrimaha Gargaarka ayuu Gudoomiyuhu ku booriyay in deegaannadaas la tago si wax loogu qabto dadka ay abaartu saameysay.

Danjire Adam Abdelmoula oo dhankiisa soo dhoweeyay goobaha uu tagay Guddoomiyaha ayaa sheegay meelo badan oo Soomaaliya inay xaaladdeeda ay liidato, sidoo kale waxaa uu xusay in gargaarka bini’aadantinimo aad loo xoojin doono iyo kor joogteeynta si looga hortago dhibaatooyin kale oo hor leh.

Ugu dambeyn Guddoomiyaha Golaha Shacabka Baarlamaanka Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya Mudane Sheekh Aadan Madoobe ayaa dhiirageliyay talaabo kasta oo dalka iyo dadka Soomaaliyeed wax loogu qabanaayo ayaa adkeeyay in waqti lagu bixiyo goobaha laga xorreeyay Khawaariijta iyo deegaannada ay go’doomiyeen.

Boliiska degmada Yaqshiid oo gacanta ku dhigay laba ruux oo hubeysan

-Ciidammada Booliska degmada Yaaqshiid ee magaalada Muqdisho ayaa gacanta ku dhigay laba ruux oo hubeysan, kuwaas oo taliska Booliiska sheegay in ay ahaayeen Burcad dadka dhacaysay.

Taliska Boliiska Gobolka Banaadir ayaa warbaahinta Qaranka u sheegay in raggaan la qabtay iyaga oo fal dambiyeed gacanta kula jira, isla markaana sharciga la horgeynayo

Ciidammada Booliska Gobolka Banaadir ayaa Muqdisho ka wada howlgallo lagu la dagaallamaya kooxaha argagixisada iyo burcadka, iyagoo sidoo kale xalay Saldhigga degmada Xamarweyne ku soo bandhigay laba dhagar-qabe oo ka tirsan Khawaarijta Al-Shabaab iyaga iyo hub ay wateen.

 

Wafdi uu hogaaminayo Xildhibaan Maxamed Cabdullaahi Buraalle oo gaarey degaanno ka tirsan gobolka Hiiraan

Xildhibaan Maxamed Cabdullaahi Buraalle (Raaxeeye) oo kamid ah Baarlamaanka Fedaraalka Soomaaliya ayaa maanta gaaray furimaha dagaalka ee deegaannada hareeraha Wabiga Shabeelle ee dhaca Koonfurta Beledweyne.

Guddoomiye ku xigeenka maamulka iyo Maaliyadda degmada Beledweyne Cabdiraxmaan Diini, odayaasha dhaqanka gobolka Hiiraan, saraakiil ciidaan iyo siyaasiyiin ayaa qeyb ka ahaa wafdiga Xildhibaanka.

Deegaannada Xildhibaanka iyo xubnaha wafdigisa ay gareen waxaa kamid ah Bur-daar Tarashante, Beera-yabaal, Nuur-Fanax iyo kuwa kale oo aay ku suganyihiin ciidanka xoogga dalka iyo kuwa dib u xorreynta deegaanka.

Mudqne Maxamed Cabdullaahi Buraalle (Raaxeeye) ayaa ciidanka ku wareejiyay deeq xoolo ah, waxa uuna ciidanka dib—u-xorreynta deegaanka ku ammaanay, sida aay ugu dhiirradeen in aay iska dulqaadaan khawarijta  isla markaana deegaankooda ka difaacdaan.

Dowladda Federaalka iyo maamulka gobolka Hiiraan ayuu Xildhibaanka ugu baaqay in aay ciidankaasi garab ku siiyaan dagaalka aay khawarijta kula jiraan.

Booliska Soomaaliya oo soo bandhigay labo dhagar-qabe iyo hub ay wateen

Muqdisho(Wargeyska):-Ciidamada Booliska Soomaaliya ayaa Saldhigga degmada Xamarweyne ku soo bandhigay laba dhagar-qabe oo ka tirsan Khawaarijta Al-Shabaab iyaga iyo hub ay wateen.

Labada dhagar-qabe ayaa laga soo kala qabtay degmooyinka Deyniile iyo Kaaraan, waxaana ay wateen hub iskugu jira hubka culus iyo midka fududud.

Laamaha Amniga ayaa ku guuleystay inay gacanta ku dhigaan labadan dhagar-qabe, sida uu sheegay Af-hayeenka Booliska Soomaaliya, isagoo intaa ku daray in la marsiin doono sharciga.

Ra’iisul wasaare Xamse oo ka guddoomay wasaaradda amniga gudaha ballanqaadka qorshe-howleedka sanadka cusub

Ra’iisul Wasaaraha Xukuumadda Federaalka Soomaaliya Mudane Xamse Cabdi Barre ayaa galabta ka guddoomay ballanqaadka qorshe-howleedka sanadka cusub ee 2023 ee wasaaradda amniga gudaha Wasiiru Dowlaha Wasaaradda ahna Ku Simaha Wasiirka Mudane, Maxamed Cali Xagaa.

Ra’iisul Wasaare Xamse Cabdi Barre ayaa sheegay in sugidda amniga gudaha ee dalka ay Xukuumadda DanQaran siineyso ahmiyad gaar ah si looga xorreeyo Khawaarijta guud ahaan goobaha kooban ee ay ku sugan yihiin.

Waxaana uu kula dardaarmay Wasiiru Dowlaha iyo masuuliyiinta kale ee wasaaradda inay xaqiijiyaan sidii looga gun gaari lahaa qorshooyinka howleed ee Wasaaraddu soo bandhigtay maanta si shacabka Soomaaliyeed ay sanadka cusub ee 2023 u helaan amni sugan iyo kala dambeyn.

    

Wasiirka Arrimaha Gudaha XFS iyo Wafdi uu Hoggaaminayo oo Booqasho Todobaad ah uga bilaabatay Pakistan

Islamabad- Wafdi uu hoggaaminayo Wasiirka Arrimaha Gudaha, Federaalka iyo Dib u Heshiisiinta ee Xukuumadda Federaalka Soomaaliya mudane Axmed Macalin Fiqi ayaa booqasho todobaad ah waxaa ay uga bilaabatay Jamhuuriyadda Islaamiga ee Pakistaan.

Wafdiga wasiirka oo ay qeyb ka yihiin Wasaaradda Cadaaladda iyo Dastuurka, Wasiirrada Arrimaha Gudaha ee dowlad goboleedyada Soomaaliya iyo hay’adda diiwaangelinta iyo aqoonsiga dadweynaha ayaa inta ay joogaan dalkaasi waxaa ay geli doonaan kulammo iyo doodo la xiriira arrimaha federaalka, dastuurka, maamul daadejinta, dowlad dhiska iyo diiwaangelinta dadweynaha.

Mudane Axmed Macalin Fiqi Wasiirka Arrimaha Gudaha iyo mas’uuliyiinta la socotay, waxaa ay maanta kulan gaar ah la yeesheen hay’adda diiwaangelinta Pakistaan ee NADRA, taas oo dowladda Soomaaliya ka gacan siin doonta aqoonsiga qaranka iyo diiwaangelinta dadweynaha.

“Qofka Banii’aadamka waxaa uu xaq u leeyahay inuu helo aqoonsi sharci ah, waayo ma dhici karto qofka inuu helo adeegyo sida amniga iyo cadaaladda haddii aaney dowladdu aqoonsanin”, sidaasi waxaa yiri Dhaariq Maalin oo ah madaxa hay’adda NADRA.

Wasiirka Arrimaha Gudaha, Federaalka iyo Dib u Heshiisiinta mudane Axmed Macalin Fiqi oo khudbad ka jeediyay kulankaasi ayaa waxaa uu ugu horreyn ka hadlay xiriirka taariikhiga ah ee Soomaaliya iyo Pakistaan tan iyo 1960-kii, iyada oo labada dal ay ahaayeen xubnihii wax ka aasaasay ururka Iskaashiga Islaamka iyo sida dalkaasi qeyb u ahaa dadaalladii nabad ilaalinta xilligii dagaallada sokeeye.

<Safarkan ayuu Axmed Macalin ku sheegay in ay wax badan uga faa’ideysan doonaan khibradda Pakistaan ee la xiriirta federalism-ka, nidaamyada dowladaha hoose iyo hannaanka diwaangelinta iyo aqoonsiga.

Wasiirka Arrimaha Gudaha waxaa uu sheegay oo kale in dowladda Soomaaliya ay baahi degdeg ah u aragto nidaamka diwaangelinta dadkeeda, taasi oo wax badan ka tari doonta horumarinta dowlaha hoose iyo u adeeggidda shacabka, oo ay u dheer tahay qaabka lagu hirgelin karo cadaalad bulsho, amni iyo kala dambeyn.

Ugu dambeyntii, Wasiirka Arrimaha Gudaha, Federaalka iyo Dib u Heshiisiinta waxaa rajo weyn ka muujiyey in isaga iyo wafdigiisa inta ay joogaan Pakistaan ay wax ka baran doonaan 75 sano oo qaran dhis, nidaam federaal ah iyo arrimo kale oo ay ku jiraan ladagaalanka argigixisada.

Kulanka waxaa sidoo kale ku jiray hay’adaha UNDP Soomaaliya iyo UNDP Pakistaan, waxaana xusid mudan in muddada ay Wasiirka Arrimaha Gudaha mudane Axmed Macalin Fiqi iyo Wafdigiisa ay dalkaasi joogaan la kulmi doonaan wasiirro iyo mas’uuliyiin sare oo ka tirsan Pakistaan.