Madaxweynaha JFS oo ka hadlay guulaha laga gaaray halganka dib u xoreynta dalka

Madaxweynaha Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya mudane Xasan Sheekh Maxamuud oo khudbad ka jeediyay Masjidka Shuhadada ee madaxtooyada Qaranka, ayaa dul istaagay guulaha laga gaaray halganka dib u xoreynta dalka iyo ciribtirka Khawaarijta, xaalada magaalada Baydhabo iyo la-dagaallanka musuqmaasuqa.

Madaxweynaha oo soo hadal qaaday dagaalka ka dhanka ah argagixisada ayaa hoosta ka xariiqay in kooxda Khawaarijta laga xoreeyay dhammaan degaannada gobolka Shabeellaha dhexe,islamarkaana maalin ka hor ciidamada qaranka iyo dadka deegaanka ay la wareegeen degmada Ruunir-Good ee gobolkaas.

Sidoo kale, madaxweyne Xasan Sheikh Maxamuud ayaa sheegay in ciidamada xoogga dalka oo kaashanaya dadka degaanka ay isku diyaarinayaan dagaal ka dhanka ah Khawaarijta, kaas oo looga sifeynayo Galmudug iyo Koonfur Galbeed oo hadda abaabulkooda uu socdo.

“ Degmadii ugu dambeysay ee gobolka Shabeellaha dhexe ayaa la xoreeyay, 5-ta degmo ee gobolka Hiiraan waxaa xor, galmudug waxyar ayaa nooga dhiman , Koonfur Galbeedna ciidamadii ka dagaalami lahaa furimaha dagaalka ayaa la geeyay, kuwo kale hadda ayaa u wadnaa,” ayuu yiri madaxweynaha JFS.

Dhinaca kale, madaxweynaha JFS Mudane Xasan Sheikh Maxamuud ayaa ka hadlay Xaaladda magaalada Baydhabo, isagoo wixii shalay ka dhacay ku tilmaamay wax aad looga xumaado, wuxuuna dhinacyada is haya ugu baaqay in ay miiska wada hadalka isugu yimaadaan, xalna ka gaaraan khilaafka jira,

Waxaa socda, howlgalo isdaba joog ah oo lagu ciribtirayo kooxaha khawaarijta, iyadoo isa soo tarayaan xubnaha ka soo goosanaya Khawaarijta ee isku dhiibaya dowladda.

London: Cabdullaahi Xayir Ducaale oo kulan casho sharaf ah la qaatay qaar kamid ah hobolada waaberi

Agaasimaha guud ee Wasaaradda Warfaafinta, Dhaqanka iyo Dalxiiska Soomaaliya Cabdullaahi Xayir Ducaale ayaa xalay kulan casho ah la yeeshay hobollada Qaranka Waabari ee ku su nool Magaalada London ee dalka Ingiriiska.

Kukanka oo la isku wareystay xaaladda dalka iyo halka ay marayaan dadaalka dowladda ee dhinaca horumarka iyo la dagaalanka khawaarijta,waxaa ka qeyb galay Qunsulka Jamhuuriyadda Soomaaliya ee Dalka Ingiriiska mudane Dayib.

Agaasimaha ayaa Hobollada Qaranka kula dardaarmay hobolada waaberi in ay door muhiim ah ka qaataan wacyi galinta Bulshada iyo dagaalka ka dhanka ah Khawaarijta ee ka socda dalka .

 

Ciidanka Xoogga oo deegaanka Ceel-Bacad ku dilay 67 ka mid ah Khawaarijta Al-shabaab

Ciidanka xoogga Dalka ayaa howlgal qorsheysan oo xalay ka dhacay deegaanka Ceel-Bacad ee gobolka Shabeellada dhexe ku dilay 67 ka mid ah Khawaarijta Al-shabaab .

Taliyaha ciidanka Lugta General Maxamed Tahliil Biixi ayaa Warbaahinta Qaranka u xaqiijiyay dagaalkaasi ka dhacay Ceel-Bacad,wuxuuna intaa ku daray in ay tiro intaa ka badan lagu  dhaawacay dagaalkaasi.

Taliyaha ayaa sheegay in ay socdaan howlgallo isdaba jog ah oo lagu ciribtirayo kooxaha khawaarijta,isagoo ku taliyay in kooxahaasi ay isa soo dhiibaan inta goori goor tahay,si ayuu yiri loo badbadiyo dhallinyarada la marin habaabiyay.

Wasiirka Shaqada XFS oo ka qeyb galay shirka horumarinta bulshada ee Ururka Jaamacadda Carabta

Wasiirka Shaqada iyo Arrimaha Bulshada XFS Biixi Iimaan Cige ayaa ka qayb galay shirkii 4-aad ee Wasiirada horumarinta bulshada ee Ururka Jaamacadda Carabta oo ka Furmay Dalka Sacuudi Carabiya.

Shirkaasi oo ka furmay Magaalada Riyaad ee Dalka Sacuudi Carabiya,waxaa loogahadlay qodobo ay ka mid ahaayeen yareynta saboolnimada,horumarinta bulshada ee wadamada ku jira Ururka Jaamacadda Carabta  iyo sidii shaqo abuur loogu sameyn lahaa dhallinyarada.

Wasiirka Shaqada iyo Arrimaha Bulshada XFS Biixi Iimaan Cige ayaa sheegay in shirkaan laga filayo natiijooyin wanaagsan ,isla markaana uu daba socda mid la qabtay sanadkii 1994-tii

Shirkaasi waxaa wasiirka ku weheliyay Safiirka Soomaaliya u fadhiya Sacuudiga Abshir Warsame Diirshe iyo Axmed CAbsi Samad oo ah xoghayaha labaad.

Xubno ka tirsanaa Khawaarijta oo isu soo dhiibay Ciidanka Dowladda

Xubno ka tirsanaa Khawaarijta Al-shabaab ayaa isu soo dhiibay Ciidanka Dowladda ee ku sugan deegaanka Ceel Baraf oo ka tirsan gobolka Shabeellada dhexe.

Xubnahaasi kamid ahaa khawaarijta ee isu soo dhiibay ciidanka waxaa kamid ahaa Maxamed C/Laahi Xasan bataati , Nur Xaamud Sheekh Eybakar, C/Raxmaan jiinoow Dheere, Maxamed Cismaan iyo Maxamed Cali Xuseen.

Dhowrkaasi qof ee isu soo dhiibay ciidanka ayaa sheegay in ay qaabilsanaayeen Habka qadidda badda ee loo yaqaanno sakawaatka beeraha,heshiisiinta dadka iyo farsameynta baabuurta.

Sarkaal kamid ah ciidanka ayaa sheegay in dadkaasi ay ku yimadeen rabitaankooda,wuxuuna ka dalbaday dadka ku maqan gacanta khawaarijta in ay ku soo biiraan shacabka walaalahooda ah.

Dowladda Soomaaliya oo ku baaqday in la joojiyo shaqaaqooyinka gacan ka hadalka ah ee ka jira Baydhabo

Dowladda Federaalka ee Soomaaliya ayaa maanta soo saaray warsaxaafadeed ay ku muujinayaan sidaay uga  xun yihiin shaqaaqooyinka gacan ka hadalka ee saaka ka dhacay magaalada Baydhabo oo xarun KMG ah u ah ee Dowlad Goboleedka Koonfuur Galbeed.

Dowladda Federaalka waxay ku boorineysaa dhammaan qeybaha siyaasadda inay miiska wadahadalka ku xaliyaan kala aragti duwanaanshahooda, isla markaana ay ka fogaadaan in dhiig la daadiyo.

Ciidamada xoogga dalka oo la wareegay gacan ku heynta degmada Ruun-Nirgood ee Gobolka Shabeellaha dhexe

Ciidamada xoogga dalka iyo xoogagga dadweynaha ayaa maanta oo Khamiis ah gacan ku heynta degmada Ruun-nirgood ee gobolka Shabeellaha dhexe kala wareegay Khawaarijta Al-shabaab.

Afhayeenka Wasaaradda Gaashaandhigga Xukuumadda Federaalka Soomaaliya General Cabdullaahi Cali Caanood ayaa Wakaaladda SONNA u xaqiijiyay in ay ciidamadu la wareegeen guud ahaan degmada istaatiigiga Ruun-nirgood, islamarkaana hadda ay socdaan howlgallo lagu xaqiijinayo amniga degmada.

Genaraal Caanood ayaa xusay in dagaaladii u dambeeyay ee ka dhacay deegaannada Juxa,Al-naciim, Alkowsar iyo kuwo kale lagu dilay 150 maleeshiyaad ah oo ay ku jireen 5 xubin oo ajanabi ah, halka uu tilmaamay in la hayo 15 maxbuus.

Taliyaha ayaa ugu hambalyeeyay dowlad goboleedka Hirshabeelle iyo shacabka Soomaaliyeed guulaha ay ku tallaabsadeen ciidamada xoogga iyo kuwa deegaanka,wuxuuna intaa ku daray in ciidamadu ay isu diyaarinayaan xorreynta degmooyinka Ceeldheer,Ceelbuur iyo Xaradheere.

Degmada Ruunirgod ee Gobolka Shabeellaha dhexe ayaa qiyaas ahaan u jirtaa magaalada Muqdisho 264 KM, waana degmo dhacda Xadka kala qeybiya Galmudug iyo Hirshabelle dhanka xeebta.

Maamulka Gobolka Banaadir oo la kulmay madax ka socotay Mashruuca Xasilinta Soomaaliya ee Britain

Xoghayaha Guud ee Maamulka Gobalka Banaadir Mudane Feysal Caraale Afrax ayaa xarunta Safaarada UK ee Magaalada Muqdisho  kulan kula qaatay Madaxa Mashruuca Xasilinta Soomaaliya (Somali Stability Fund)

Kulanka ayaa waxaa looga hadlay sidii loo dardar gelin lahaa mashaariicda horumarinta xasilinta caasimada, sida dhismayaasha Xarumaha Maamulka Gobalka Banaadir, dayactirka waddooyinka, dib u heshiisiinta bulshada caasimada, dhismaha golaha deeganka iyo  horumarinta caasimadda Muqdisho.

Mudane Feysal Caraale Afrax ayaa ku amaanay madaxa santuuqa horumarinta Dowlada Britain, tageerada ay siyaan guud ahaan bulshada Soomaaliyeed, gaar ahaanbulshada Gobalka Banaadir.

Ra’iisul wasaaraha XFS oo afar wasaaradood ka guddoomay ballanqaadka qorshe howleedkooda 2023

Ra’iisul Wasaaraha Xukuumadda Federaalka Soomaaliya Mudane Xamse Cabdi Barre ayaa maanta ka guddoomay ballanqaadka qorshe-howleedka sanadka cusub ee 2023, Wasiirka Hawlaha Guud, Dib U Dhiska iyo Guriyeynta, Ismaaiil Cabdiraxmaan Sheekh, Wasiirka Gaashaandhigga, Cabdulqaadir Maxamuud Nuur, Wasiirka Maaliyadda Dr Cilmi Maxamuud Nuur iyo Wasiirka Waxbarashada, Hiddaha iyo Tacliinta Sare, Faarax Sheekh Cabdulqaadir.

Ra’iisul Wasaare Xamse ayaa ka dhageystay, isla markaana su’aalo muhiim ah ka weydiiyay masuuliyiinta wasaaradaha qorshooyinka hawleed iyo ballanqaadyada waxqabad ee ay soo bandhigeen kuwaas oo la doonayo in la fuliyo sanadka cusub ee 2023, iyada oo lagu saleynayo siyaasadda iyo barnaamijka xukuumadda DanQaran.

Soo gudbinta qorshe howleedka Wasaaradaha Xukuumadda, oo maraya heer gabagabo ah, ayaa Ra’iisul Wasaaruhu waxa uu kula dardaarmay in la xoojiyo wadashaqaynta ka dhaxeysa hey’adaha kala duwan ee dowladda, Isla-xisaabtanka iyo daahfurnaanta, si guulo wax ku ool ah looga gaaro arrimaha horqabadka u leh Xukuumadda.

      

Dowladda Soomaaliya oo shaacisay inay dalka soo gaareen cutubyadii ugu horreeyay ee lagu soo tababaray Eritrea

Wasiirka Gaashaandhigga xukuumadda Soomaaliya mudane, Cabdulqaadir Maxamed Nuur oo shir jaraa’id ku qabatay Muqdisho ayaa sheegay inay maanta dalka soo gaareen qeybtii ugu horeysay ciidammadii tababarka ugu soo dhamaaday dalka Eritrea.

Wasiir Cabdiqaadir ayaa sheegay in Madaxweynaha JFS mudane Xasan Sheekh Mxamuud uu dadaal badan ku bixiyay sidii ciidamadasi dalka dib loogu soo celin lahaa, si howlgallada socda uga qeyb qaadan lahayeen, isagoona xusay in maalmaha soo socda la soo dhammaystiri doono ciidammada wali ku haray Eritrea.

Mudane Cabdiqadir Maxamed Nuur ayaa sidoo kale sheegay in imaanshaha ciidammadan ay fursad wanaagsan u tahay hawlgallada ka dhanka ah Khawaarijta, islamarkaana ay sii ballaarinayso jabka gaaray bilihii u dambeeyey.

Ciidammadan soo gaaray Muqdisho ayaa waxaa waxaa garoonka diyaaradaha Aaden Cadde ku soo dhoweeyay mas’uuliyiin ka tirsan dowladda iyo saraakiil ciidan.