Rabshadihii ka dhacay Magaalada Paris oo kordhay

Waxaa sii xoogeystay rabashadaha ka socda Magaalada Paris ee dalka Faransiiska, kuwaas oo ka dhashay Nin hubeysan oo saddex qof ku dilay xarun dhaqan iyo maqaayad u dhow oo ay leeyihiin Kurdiyiinta, bartamaha magaalada Paris.

Madaxweyne Emmanuel Macron ayaa sheegay in Kurdiyiinta ay muddo ahaayeen bartilmaameed weerar, wuxuuna madaxda booliska ku amray inay la kulmaan.

Wasiirka arrimaha gudaha Faransiiska Gerald Darmanin ayaa isna sheegay in qofka lagu tuhunsan yahay weerarka ay caddahay inuu doonayey inuu beegsado ajaaniibta.

Toogasho dhowr ah ayaa maalin dhexaadkii shalay laga maqlay waddada Rue d’Enghien, taasi oo argagax ka abuurtay dukaamada iyo maqaayadaha ku yaalla waddadan muhiimka ah ee dhacda degmada mashquulka badan ee 10-aad.

Dhammaan dadka la dilay ayaa ahaa Kurdi, sida uu Reuters u sheegay qareen u hadlay xarunta dhaqanka Kurdiyiinta. Saddex qof oo kale ayaa la dhaawacay oo mid ka mid ah xaaladdiisa ay halis tahay.

Wasiirka Warfaafinta oo Madaxda Jaamacadda Carabta ugu baaqay taageeridda dagaalka ka dhanka ah khawaarijta

Wasiirka Warfaafinta, Dhaqanka iyo Dalxiiska ee Xukuumadda Federaalka Soomaaliya, Mudane Daa’uud Aweys Jaamac ayaa khudbad ka jeediyay Shirka Wasiirada Warfaafinta Ururka Jaamacadda Carabta oo ka dhacay magaalada Tripoli ee dalka Libya, isagoo khudbaddiisa kaga warbixiyay xaaladda Soomaaliya, gaar ahaan guulaha laga gaarey dagaalka lagula jiro Khawaarijta Al-Shabab.

Wasiirka ayaa u sheegay Shirka Wasiirada Warfaafinta Ururka Jaamacadda Carabta in Madaxweynaha Jamhuriyadda Federaalka Soomaaliya, Mudane Xasan Sheekh Maxamuud muhimaddiisa koowaad ay tahay Khawaarijta magaca Diinta Islaamka wasaqeynaya laga ciribtiro dalka, si shacabka Soomaaliyeed ay uga xoroobaan tacaddiyada ay kala kulmaan arxanlaaweyaashaasi.

“Waxaa dagaalkaasi najaxay ee guulaha laga gaarey ay Soomaaliya ku wajahdey saddex dhinac oo muhiim ah, kuwaas oo kala ah; milateriga, xanibaadda dhaqaalaha argagixisada iyo dhanka aydoloojiyadda”, ayuu yiri Wasiirka Warfaafinta ee Soomaaliya.

Wasiirka ayaa shirka ka sheegay in warbaahinta Soomaaliya ay kaalin buuxda ka qaadaneyso dagaalka dhanka aydoloojiyadda ee argagixisada looga soo horjeedo, waxaana Wasiirku uu intaa ku darey in dunida Carabta ay si weyn saameyn ugu yeelanayaan wararka beenta ah iyo kuwa marin habaabinta oo inta badan ay isticmaalaan kooxaha argagixisada ama kuwa diiddan deganaanshaha, sidaa darteedna loo baahan yahay in waddamada xubnaha ka ah Ururka Jaamacadda Carabta ay meel uga soo wada jeestaan.

Waxa uu ugu dambeyn Wasiirka ugu baaqey Ururka Jaamacadda Carabta inuu si buuxa u taageero dagaalka ay Soomaaliya kula jirto Khawaarijta, taas oo ugu dambeyn horseedi karta in Soomaaliya ay si buuxda xasilooni u hesho, caalamkana ay saameyn ku yeelato.

Shirkan Wasiirada Warfaafinta ee Jaamacadda Carabta ayaa waxaa barbar socday magaalada Tripoli ee dalka Libya oo sannadkan loo aqoonsadey inay tahay caasimadda warbaahinta waddamada xubnaha ka ah Ururka Jaamacadda Carabta.

Madaxweyne Xasan Sheekh oo ka qayb-galay xuska sannad guurada 79-aad ee aas aaska Ciidanka Booliiska Soomaaliyeed.

Madaxweynaha Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya Mudane Xasan Sheekh Maxamuud oo maanta ka qayb-galay xuska sannad guurada 79-aad ee ka soo wareegtay aasaaskii Ciidanka Booliiska Soomaaliyeed ayaa ka hadlay dadaallada Dowladda ee dib u dhiska laamaha ammaanka iyo horumarinta hannaankooda shaqo isaga oo xusay in Sarkaal walba lagu xisaabtamidoono masuuliyaddiisa.

Madaxweynaha oo kula dardaarmay Taliska guud, talisyada qeybaha iyo hoggaanada Ciidanka Booliiska Soomaaliyeed dhowridda xeerarka iyo shuruucda ciidanka ayaa faray in ay udub dhexaad u noqdaan la dagaallanka Maandooriyaha iyo Musuq-maasuqa oo uu tilmaamay in caqabad ku yihiin sugidda amniga dalka.

“Taliska Ciidanka Booliiska Soomaaliyeed waxaan kula dardaarmayaa in ay ka hortagaan in askartu Maandooriye isticmaasho. Waa cadow hortaagan in askarigu waajibkiisa guto waana in aan la oggolaan in Ciidanka Booliiska uu ka mid noqdo qof Balwad isticmaala”.

Madaxweyne Xasan Sheekh Maxamuud ayaa dhanka kale faray Saraakiisha Ciidamada in ay si waafaqsan qaanuunka dalka u gutaan waajibaadka ka saaran ilaalinta nafta, hantida iyo sharafta muwaadiniinta Soomaaliyeed isaga oo xusay in Sarkaal waliba lagula xisaabtamidoono shaqada loo igmaday.

Munaasabaddan waxaa ka qayb-galay Wasiiro ka tirsan Xukuumadda Federaalka Soomaaliya, Xilshibaano, Taliyaha Ciidanka Booliska Soomaaliyeed Sarreeye Gaas Cabdi Xasan Maxamed, saraakiisha iyo hoggaannada kala duwan ee Ciidamada Booliiska Soomaaliyeed.

𝗥𝗮’𝗶𝗶𝘀𝘂𝗹 𝗪𝗮𝘀𝗮𝗮𝗿𝗲 𝗫𝗮𝗺𝘀𝗲 𝗼𝗼 𝗮𝗺𝗿𝗮𝘆 𝗔𝗴𝗮𝗮𝘀𝗶𝗺𝗲𝘆𝗮𝗮𝘀𝗵𝗮 𝗚𝘂𝘂𝗱 𝗶𝗻 𝗮𝘆 𝗹𝗮 𝘅𝗶𝘀𝗮𝗮𝗯𝘁𝗮𝗺𝗮𝗮𝗻 𝘀𝗵𝗮𝗾𝗮𝗮𝗹𝗮𝗵𝗮 𝗮𝗮𝗻 𝘀𝗼𝗼 𝘅𝗮𝗮𝗱𝗶𝗿𝗶𝗻 𝗴𝗼𝗼𝗯𝗮𝗵𝗮 𝘀𝗵𝗮𝗾𝗮𝗱𝗮

Muqdisho, December 24, 2022 — Ra’iisul Wasaaraha Xukuumadda Federaalka Soomaaliya Mudane Xamse Cabdi Barre oo kulan muhiim ah maanta la qaatay Agaasimeyaasha Guud ee Wasaaradaha Dowladda, ayaa faray ilaalinta wakhtiga shaqada dowladda ee shaqaalaha, iyadoo agaasime walba laga rabo kormeer joogta ah in uu ku sameeyo howlwadeennada Wasaaradda uu Agaasimaha ka yahay, soona gudbiyo ciddii aan gudan waajibaadka ay u hayaan qaranka.

Ra’iisul Wasaaraha ayaa ka hadlay ahmiyadda ay Agaasimeyaasha Guud u leeyihiin hawl-fulinta shaqada dowladda, isaga oo ku adkeeyay in shaqada la soo galo xilli hore, si bulshada loogu adeego xilliga ugu habboon.

“Xukuumadda Dan Qaran waxaa loo idmaday barnaamij ka kooban lix tiir oo ay horgeysay baarlamaanka iyo balanqaadkii ka danbeeyey ee aan kala saxiixanay wasiirrada, cidda fulintiisa laga sugayo waxaa ugu horreeya idinka, maadaama arrimaha maamulka aad madax ka tihiin, waxqabad natiijo leh ayaan idinka sugaynaa”.

Ra’iisul Wasaaraha ayaa kula dardaarmay Agaasimeyaasha in ay si hufan oo caddaalad ah kula dhaqmaan howlwadeennada ay madaxda u yihiin, kana soo dhalaalaan shaqooyinka ay dalka u hayaan.

—-DHAMMAAD—-

Wasaaradda dhallinyarada iyo ciyaaraha XFS iyo FIFA oo isla gartay in la qabto doorasho loo dhan yahay

Wasiirka Dhallinyaradaha iyo Ciyaaraha xukuumadda federaalka Soomaaliya Mudane Xil. Maxamed Barre Maxamuud ayaa SONNA u sheegay in ay isla garteen xiriirka kubadda cagta adduunka FIFA inaan la aqbalaynin doorasho hal dhinac ah oo kala qaybinaysa xiriirka Soomaaliyeed ee kubadda cagta.

Wasiirka oo shir fogaan arag ah la yeeshay xubno ka tirsan FIFA, ayaa sheegay in ay isla garteen halista ka imaan karta doorasho aan la isku raacsanayn oo hal dhinac ah iyo sida ay u xagal daacin karta xiriirka kubadda cagta Soomaaliyeed.

Mudane Xil. Maxamed Barre ayaa sheegay in wasaaradda u xilsaaran tahay ilaalinta mabaadida asaasiga ah ee midnimada Sports-ka dalka iyo kor joogtaynta doorashada ay qabsanayaan xiriirrada kala duwan ayna ku dadaali doonaan in doorasho lagu wada qanacsanyahay la qabto.

Dhanka kale bahda Sports-ka ee dalka iyo dibadda kala jooga ayaa soo dhaweeyay bayaankii wasaaradda ka soo baxay todobaadkii hore, iyagoo sheegay in ay ku qanacsanyihiin hanaanka Wasaaradda u jiheyso doorashada.

Duqa Muqdisho oo la kulmay madaxa hay’adda TIKA ee Soomaaliya

Guddoomiyaha gobolka Banaadir Yuusuf Xuseen Jimcaale ayaa xafiiskiisa ku qaabilay wafdi isugu jiray Ganacsato ka socotay dalka Turkiga iyo madaxa hay’adda TIKA ee Soomaaliya Mr. Ilhami Turus.

Duqa Muqdisho iyo madaxa hay’adda TIKA ayaa ka wada hadlay fulinta mashaariic wax ku ool ah oo laga fuliyo caasimadda dalka.

Sidoo kale, kulanka ayaa la iskula soo hadal qaaday arrimo ay ka mid yihiin iskaashiga la xariira dhismaha waddooyinka, xarumaha danta guud, hirgalinta warshadaha wax-soo-saarka,shaqa abuurka dhallinyarada,xal u helida Qaxootiga iyo Barakacayaasha.

Mas’uuliyiin ka tirsan DF oo kormeeray deegaano laga xoreeyay Khawaarijta

Wasiiru dowlaha wasaaradda gaashaandhigga xukuumadda federaalka Soomaaliya oo ay weheliyaan taliyaha ciidanka xoogga, Sanatar Afcadey, Taliyaha ciidanka dhulka, guddoomiyaha gobolka Shabeellada dhexe iyo mas’uuliyiin kale ayaa kormeer dhiirro-galin ah ugu tagay xooggaga xoreynta deegaanka Daaru Naciim ee gobolka Shabeellada dhexe.

Mas’uuliyiintan ayaa ku bogaadiyay xooggaga xoreynta deegaanka Daaru Naciim guulaha muhiimka ah ay ka soo hoyiyeen dagaalka ka dhanka ah Khawaarijta iyo cadowga ay ka xoreeyeen deegaano iyo dagmooyin ka tirsan Hirshabeelle.

Khawaarijta Al-shabaab ayaa cadow ku ahaa nolosha iyo horumarka bulshada iyagoo burburiyay goobihii caafimaadka, waxbarashada, ceeshii biyaha, dugsiyadii qur’aanka iyo masaajidada, waxayna dowladda federaalka dadaal xooggan ku bixisay sidii dib loogu soo celin lahaa deegaanadaas adeegyada ay Bulshada u baahan yihiin ee argagixisadu waxyeelada gaarsiisay.

Cududdii dhameystiri laheyd Khawaarijta oo soo bilowday (WARBIXIN)

Beryahaan waxaa hadal heyn weyn ka jirtay soo bilaabashada Dhallinyaradii Soomaaliyeed ee ku maqnaa Dalka Eretareeya, kuwaasi wel wel weyn ku haayay Waalidiin badan oo Ubadkooda ay la daristay Hubanti la’aan noloshooda ah muddo dhowr sanadood aheyd, wax badanna looga wada hadlay sidii ay ku baxeen iyo ujeedada laga lahaa intaba, ugu dambeyntiina waxaa so af jaray arrimhaasi Madaxweynaha JFS Dr Xasan Shiikh Maxamuud oo dhawaan sheegay inay Dhallinyaraasi iyagoo Ciidan Soomaaliyeed ah iman doonaan Dalka Dhammaadka Bisha Disimber ilaa horraanta Bisha Janaayo ee sanadaka soo socda ee 2023-da, waana soo bilowdeen, maalmahaan oo dhan ayay ka soo degaayeen Garoonka aaden Cadde ee Magaalada Muqdisho, waxaana la dhihi karaa waxa uu fuliyay Madaweyne Xasan Shiikh Ballankii uu ka qaaday Waalidiinta.

Ciidamada lagu soo tababaray Eretareeya ayaa isugu jira Ciidanka Lugta, Badda, Cirka iyo Farsamo yaqaanno dayactira Gawaarida, Doonyaha iyo Diyaaradaha yar yar, waxayn qabaan tababar aad u adag, waxaana laga filaa inay aqoontii ay soo barteen ay ku dabaqaan dagaalada haatan ka socda Dalka ee lagula jiro Kooxda Argagixsada ah ee Shabaab.

Imaashada Ciidan waxaa ugu horreyntii ka hadlay Wasiirka Gaashaandhigga xukuumadda Soomaaliya mudane, Cabdulqaadir Maxamed Nuur oo shir jaraa’id ku qabatay Muqdisho ayaa sheegay inay dhawaan dalka soo gaareen qeybtii ugu horeysay ciidammadii tababarka ugu soo dhamaaday dalka Eritrea, wuxuuna xusay in Madaxweynaha JFS mudane Xasan Sheekh Mxamuud uu dadaal badan ku bixiyay sidii ciidamadasi dalka dib loogu soo celin lahaa, si howlgallada socda uga qeyb qaadan lahayeen, isagoona timaamay in maalmaha soo socda la soo dhammaystiri doono ciidammada wali ku haray Dalka Eritrea.

Imaanshaha ciidammadan ayay fursad wanaagsan u tahay hawlgallada ka dhanka ah Khawaarijta, islamarkaana ay sii ballaarinayso jabka gaaray bilihii u dambeeyey, Ciidammadan soo gaaray Magaalada Muqdisho ayaa waxaa garoonka diyaaradaha Aaden Cadde ku soo dhoweeyay Mas’uuliyiin ka tirsan dowladda iyo Saraakiil Ciidan.

Madaxweynaha oo soo hadal qaaday dagaalka ka dhanka ah argagixisada ayaa hoosta ka xariiqay in kooxda Khawaarijta laga xoreeyay dhammaan degaannada gobolka Shabeellaha dhexe,islamarkaana maalin ka hor ciidamada qaranka iyo dadka deegaanka ay la wareegeen degmada Ruunir-Good ee gobolkaasi, isagoo hadalkiisa sii wata ayaa sheegay in ciidamada xoogga dalka oo kaashanaya dadka degaanka ay isku diyaarinayaan dagaal ka dhanka ah Khawaarijta, kaas oo looga sifeynayo Galmudug iyo Koonfur Galbeed oo hadda abaabulkooda uu socdo.

“ Degmadii ugu dambeysay ee gobolka Shabeellaha dhexe ayaa la xoreeyay, 5-ta degmo ee gobolka Hiiraan waxaa xor, galmudug waxyar ayaa nooga dhiman , Koonfur Galbeedna ciidamadii ka dagaalami lahaa furimaha dagaalka ayaa la geeyay, kuwo kale hadda ayaa u wadnaa,” ayuu yiri madaxweynaha JFS.

Madaxweynaha Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya mudane Xasan Sheekh Maxamuud waxa hadalkaasi sheegay mar uu khudbad ka jeediyay Masjidka Shuhadada ee Madaxtooyada Qaranka, ayaa dul istaagay guulaha laga gaaray halganka dib u xoreynta dalka iyo ciribtirka Khawaarijta

Dhinaca kale Ciidanka xoogga Dalka ayaa howlgal qorsheysan oo dhawaan ka dhacay deegaanka Ceel-Bacad ee gobolka Shabeellada dhexe ku dilay 67 ka mid ah Khawaarijta Al-shabaab, isagoo Taliyaha ciidanka Lugta General Maxamed Tahliil Biixi ayaa Warbaahinta Qaranka u xaqiijiyay dagaalkaasi ka dhacay Ceel-Bacad,wuxuuna intaa ku daray in ay tiro intaa ka badan lagu  dhaawacay dagaalkaasi, wuxuuna ugu dambeyntii sheegay in ay socdaan howlgallo isdaba jog ah oo lagu ciribtirayo kooxaha khawaarijta,isagoo ku taliyay in kooxahaasi ay isa soo dhiibaan inta goori goor tahay,si ayuu yiri loo badbadiyo dhallinyarada la marin habaabiyay.

Wararka laga helaayo Taliska Ciidanka Maraykanka ee AFRICOM ayaa sheegaya inay Lix Xubnood oo ka tirsan Kooxda Khawaarijta ah ee Shabaabka looga dilay meel Magaalada Muqdisho dhinaca waqooyi kaga beegan qiyaastii 240km, kana tirsan Deegaan ahaan Degmada Cadale ee Gobolka Shabeelada Dhexe.

Ciidamada Xoogga dalka iyo Xoogagga dadweynaha ayaa dhawaan gacan ku heynta degmada Ruun-nirgood ee gobolka Shabeellaha dhexe kala wareegay Khawaarijta Al-shabaab, sidaasina waxaa SONNA u sheegay Afhayeenka Wasaaradda Gaashaandhigga Xukuumadda Federaalka Soomaaliya General Cabdullaahi Cali Caanood, una  xaqiijiyay in ay ciidamadu la wareegeen guud ahaan degmada muhiimka ah ee  Ruun-nirgood, islamarkaana hadda ay socdaan howlgallo lagu xaqiijinayo amniga degmada.

Genaraal Caanood ayaa xusay in dagaaladii u dambeeyay ee ka dhacay deegaannada Juxa,Al-naciim, Alkowsar iyo kuwo kale lagu dilay 150 maleeshiyaad ah oo ay ku jireen 5 xubin oo ajanabi ah, halka uu tilmaamay in la hayo 15 maxbuus, Taliyaha ayaa ugu hambalyeeyay dowlad goboleedka Hirshabeelle iyo shacabka Soomaaliyeed guulaha ay ku tallaabsadeen Ciidamada Xoogga iyo kuwa deegaanka,wuxuuna intaa ku daray in ciidamadu ay isu diyaarinayaan xorreynta degmooyinka Ceeldheer,Ceelbuur iyo Xaradheere.

Degmada Ruunirgod ee Gobolka Shabeellaha dhexe ayaa qiyaas ahaan u jirtaa magaalada Muqdisho 264 KM, waana degmo dhacda Xadka kala qeybiya Galmudug iyo Hirshabelle dhanka xeebta, la wareegga Ciidanka waxay sii dhiirigalineysaa in loo sii gudbo wajiga labaad ee Dagaalka ka dhnka ah Khawaarijta, kaasi oo ka bilaabanaya Gobolada Galguuud iyo Mudug.

Waxaa kaloo jira howlgallo kale oo ka socda Gobolka Shabeelada Hoose, kaasi oo maalmahaan sii laba lixaadsaday, waxaa ujeedkiisu yahay ina dib loogala wareeggo kooxda Khawaarijta deegaanada ay kaga sugan yihiin Gobolkaasi, waxaa socda dadaal la isugu furaya Magaalada Muqdisho iyo Gobolka Shabeelada Hoose iyo Shabeelada Dhexe iyo Shabeelada Hoose, maadaama horey la isugu furay Gobolada Hiiran, Shabeelada Dhexe iyo Banaadir.

Hadaba maadamaa ay jiraan guulo waaweyn ee laga gaaray goobo badan, laguna xoreeyay goobo iyo Deegaanno badan, ayna waxaa soo bilowday Ciidamadii tababarka u jiray Dalka Eretareeya, qaarkoodna ay yimaadeen Magaalada Muqdisho, una diyaar ah ka qeybqaadashada Dagaalada ka socda Dalka ayaan waxaa dhihi kartaa ISHII BUKTAAY KU BIKAACSO. marka waxaa soo bilowday Awooddii dhameystiri laheyd ka takhalusidda Kooxda Khawaarijta ee Shabaab.

Howlgalo lagu baacsanayo Khawaarijta oo ka socda gobolka Mudug

Ciidamada Daraawiishta Galmudug oo kaashanaya dadka deegaanka ayaa howlgallo lagu baacsanayao Khawaarijta Al-shabaab ka sameeyay deegaanada Dhaghaye iyo Laas-gacamey oo ka tirsan koonfurta gobolka Mudug.

Geedi Qalabxoor oo ka tirsan saraakiisha ciidamada Daraawiishta Galmudug oo la hadlay warbaahinta qaranka ayaa sheegay in ujeedka howlgalkan uu yahay mid lagu sugayo amniga, ciribtirka iyo baacsiga Khawaarijta.

Ciidamada Daraawiishta Galmudug iyo dadka deegaanka ayaa wada howlgallo ka dhan ah argagixisada oo la doonayo in looga saaro Galmudug.

Ishii Buktaay ku bikaacso (WARBIXIN)

Beryahaan waxaa hadal heyn weyn ka jirtay soo bilaabashada Dhallinyaradii Soomaaliyeed ee ku maqnaa Dalka Eretareeya, kuwaasi wel wel weyn ku haayay Waalidiin badan oo Ubadkooda ay la daristay Hubanti la’aan noloshooda ah muddo dhowr sanadood aheyd, wax badanna looga wada hadlay sidii ay ku baxeen iyo ujeedada laga lahaa intaba, ugu dambeyntiina waxaa so af jaray arrimhaasi Madaxweynaha JFS Dr Xasan Shiikh Maxamuud oo dhawaan sheegay inay Dhallinyaraasi iyagoo Ciidan Soomaaliyeed ah iman doonaan Dalka Dhammaadka Bisha Disimber ilaa horraanta Bisha Janaayo ee sanadaka soo socda ee 2023-da, waana soo bilowdeen, maalmahaan oo dhan ayay ka soo degaayeen Garoonka aaden Cadde ee Magaalada Muqdisho, waxaana la dhihi karaa waxa uu fuliyay Madaweyne Xasan Shiikh Ballankii uu ka qaaday Waalidiinta.

Ciidamada lagu soo tababaray Eretareeya ayaa isugu jira Ciidanka Lugta, Badda, Cirka iyo Farsamo yaqaanno dayactira Gawaarida, Doonyaha iyo Diyaaradaha yar yar, waxayn qabaan tababar aad u adag, waxaana laga filaa inay aqoontii ay soo barteen ay ku dabaqaan dagaalada haatan ka socda Dalka ee lagula jiro Kooxda Argagixsada ah ee Shabaab.

Imaashada Ciidan waxaa ugu horreyntii ka hadlay Wasiirka Gaashaandhigga xukuumadda Soomaaliya mudane, Cabdulqaadir Maxamed Nuur oo shir jaraa’id ku qabatay Muqdisho ayaa sheegay inay dhawaan dalka soo gaareen qeybtii ugu horeysay ciidammadii tababarka ugu soo dhamaaday dalka Eritrea, wuxuuna xusay in Madaxweynaha JFS mudane Xasan Sheekh Mxamuud uu dadaal badan ku bixiyay sidii ciidamadasi dalka dib loogu soo celin lahaa, si howlgallada socda uga qeyb qaadan lahayeen, isagoona timaamay in maalmaha soo socda la soo dhammaystiri doono ciidammada wali ku haray Dalka Eritrea.

Imaanshaha ciidammadan ayay fursad wanaagsan u tahay hawlgallada ka dhanka ah Khawaarijta, islamarkaana ay sii ballaarinayso jabka gaaray bilihii u dambeeyey, Ciidammadan soo gaaray Magaalada Muqdisho ayaa waxaa garoonka diyaaradaha Aaden Cadde ku soo dhoweeyay Mas’uuliyiin ka tirsan dowladda iyo Saraakiil Ciidan.

Madaxweynaha oo soo hadal qaaday dagaalka ka dhanka ah argagixisada ayaa hoosta ka xariiqay in kooxda Khawaarijta laga xoreeyay dhammaan degaannada gobolka Shabeellaha dhexe,islamarkaana maalin ka hor ciidamada qaranka iyo dadka deegaanka ay la wareegeen degmada Ruunir-Good ee gobolkaasi, isagoo hadalkiisa sii wata ayaa sheegay in ciidamada xoogga dalka oo kaashanaya dadka degaanka ay isku diyaarinayaan dagaal ka dhanka ah Khawaarijta, kaas oo looga sifeynayo Galmudug iyo Koonfur Galbeed oo hadda abaabulkooda uu socdo.

“ Degmadii ugu dambeysay ee gobolka Shabeellaha dhexe ayaa la xoreeyay, 5-ta degmo ee gobolka Hiiraan waxaa xor, galmudug waxyar ayaa nooga dhiman , Koonfur Galbeedna ciidamadii ka dagaalami lahaa furimaha dagaalka ayaa la geeyay, kuwo kale hadda ayaa u wadnaa,” ayuu yiri madaxweynaha JFS.

Madaxweynaha Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya mudane Xasan Sheekh Maxamuud waxa hadalkaasi sheegay mar uu khudbad ka jeediyay Masjidka Shuhadada ee Madaxtooyada Qaranka, ayaa dul istaagay guulaha laga gaaray halganka dib u xoreynta dalka iyo ciribtirka Khawaarijta

Dhinaca kale Ciidanka xoogga Dalka ayaa howlgal qorsheysan oo dhawaan ka dhacay deegaanka Ceel-Bacad ee gobolka Shabeellada dhexe ku dilay 67 ka mid ah Khawaarijta Al-shabaab, isagoo Taliyaha ciidanka Lugta General Maxamed Tahliil Biixi ayaa Warbaahinta Qaranka u xaqiijiyay dagaalkaasi ka dhacay Ceel-Bacad,wuxuuna intaa ku daray in ay tiro intaa ka badan lagu  dhaawacay dagaalkaasi, wuxuuna ugu dambeyntii sheegay in ay socdaan howlgallo isdaba jog ah oo lagu ciribtirayo kooxaha khawaarijta,isagoo ku taliyay in kooxahaasi ay isa soo dhiibaan inta goori goor tahay,si ayuu yiri loo badbadiyo dhallinyarada la marin habaabiyay.

Wararka laga helaayo Taliska Ciidanka Maraykanka ee AFRICOM ayaa sheegaya inay Lix Xubnood oo ka tirsan Kooxda Khawaarijta ah ee Shabaabka looga dilay meel Magaalada Muqdisho dhinaca waqooyi kaga beegan qiyaastii 240km, kana tirsan Deegaan ahaan Degmada Cadale ee Gobolka Shabeelada Dhexe.

Ciidamada Xoogga dalka iyo Xoogagga dadweynaha ayaa dhawaan gacan ku heynta degmada Ruun-nirgood ee gobolka Shabeellaha dhexe kala wareegay Khawaarijta Al-shabaab, sidaasina waxaa SONNA u sheegay Afhayeenka Wasaaradda Gaashaandhigga Xukuumadda Federaalka Soomaaliya General Cabdullaahi Cali Caanood, una  xaqiijiyay in ay ciidamadu la wareegeen guud ahaan degmada muhiimka ah ee  Ruun-nirgood, islamarkaana hadda ay socdaan howlgallo lagu xaqiijinayo amniga degmada.

Genaraal Caanood ayaa xusay in dagaaladii u dambeeyay ee ka dhacay deegaannada Juxa,Al-naciim, Alkowsar iyo kuwo kale lagu dilay 150 maleeshiyaad ah oo ay ku jireen 5 xubin oo ajanabi ah, halka uu tilmaamay in la hayo 15 maxbuus, Taliyaha ayaa ugu hambalyeeyay dowlad goboleedka Hirshabeelle iyo shacabka Soomaaliyeed guulaha ay ku tallaabsadeen Ciidamada Xoogga iyo kuwa deegaanka,wuxuuna intaa ku daray in ciidamadu ay isu diyaarinayaan xorreynta degmooyinka Ceeldheer,Ceelbuur iyo Xaradheere.

Degmada Ruunirgod ee Gobolka Shabeellaha dhexe ayaa qiyaas ahaan u jirtaa magaalada Muqdisho 264 KM, waana degmo dhacda Xadka kala qeybiya Galmudug iyo Hirshabelle dhanka xeebta, la wareegga Ciidanka waxay sii dhiirigalineysaa in loo sii gudbo wajiga labaad ee Dagaalka ka dhnka ah Khawaarijta, kaasi oo ka bilaabanaya Gobolada Galguuud iyo Mudug.

Waxaa kaloo jira howlgallo kale oo ka socda Gobolka Shabeelada Hoose, kaasi oo maalmahaan sii laba lixaadsaday, waxaa ujeedkiisu yahay ina dib loogala wareeggo kooxda Khawaarijta deegaanada ay kaga sugan yihiin Gobolkaasi, waxaa socda dadaal la isugu furaya Magaalada Muqdisho iyo Gobolka Shabeelada Hoose iyo Shabeelada Dhexe iyo Shabeelada Hoose, maadaama horey la isugu furay Gobolada Hiiran, Shabeelada Dhexe iyo Banaadir.

Hadaba maadamaa ay jiraan guulo waaweyn ee laga gaaray goobo badan, laguna xoreeyay goobo iyo Deegaanno badan, ayna waxaa soo bilowday Ciidamadii tababarka u jiray Dalka Eretareeya, qaarkoodna ay yimaadeen Magaalada Muqdisho, una diyaar ah ka qeybqaadashada Dagaalada ka socda Dalka ayaan waxaa dhihi kartaa ISHII BUKTAAY KU BIKAACSO.