Horjooge iyo Maleeshiyadiisa oo lagu khaarajiyay Gobolka Shabeellaha Hoose

Wasiir Ku-xigeenka Wasaaradda Warfaafinta Xukuumadda Federaalka Soomaaliya, mudane Abdirahman Yuusuf Al-cadaala ayaa Wakaaladda SONNA u xaqiijiyay in Horjooge iyo Maleeshiyadiisa lagu khaarajiyay Gobolka Shabeellaha hoose.

Wasiir Al-cadaala ayaa sheegay in sidoo kale howlgalka qorsheyn ee ka dhacay deegaannada Ceel-maracade, Garas Gawaan, Galka Saalimo iyo deegaanno hoos taga Number 60 ee gobolka Shabeellaha hoose lagu bur-buriyay xarummo iyo isbaarooyinkii ay lacagta ku uruursanayeen khawaarijtu.

” Waaxaa inta u dhaxeyso Muqdisho ilaa Marka laga sifeeyay Khawaarij, Isbaarooyinkii ay lacagta ku uruursanayeen iyo Xarumihii Xukun xaaraameedkooda waa la burburiyay sidoo kale, Horjooge iyo Maleeshiyadiisiina waa lagu Khaarajiyay” ayuu yiri Wasiir Al-cadaala.

Ciidanka xoogga dalka iyo kuwa xoogga dadweynaha oo kaa shanaya kuwa caalamiga ayaa howlgallo lagu baacsanayo Khawaarijta kawada qaar kamid gobollada dalka.

Howlgal qorsheysan oo lagu bur-buriyay xarummo Khawaarijta ku lahaayeen gobolka Shabeellaha hoose

Howlgal qorshaysan oo ay iska kaashadeen NISA iyo ciidanka gaarka Booliiska ee Haramcad ayaa lagu bur-buriyay xarummo qarsoodi ah oo khawaarijta ku lahaayeen deegaannada Ceel-maracade, Garas Gawaan, Galka Saalimo iyo deegaano hoos taga Number 60 ee gobolka Shabeellaha hoose.

Saraakiisha howlgalka horkacayay ayaa sidoo kale u sheegay Warbaahinta Qaranka in ciidanka ay cagta mariyaan maxkamad beenaadyo iyo xarummo Khawaarijta ay dadka ku baadi jireen,.kuwaas oo ku yaalay halkaas.

Intii uu howlgalka socday waxay ciidanka xireen wadooyin Khawaarijta Alshabaab u isticmaali jireen gudbinta gawaarida waxyaabaha qarxa ay ku xiraan, si ay ugu dhibaateeyaan shacabka Soomaaliyeed.

Hay’adda Maareynta Musiibooyinka oo gargaar gaarsiiyay qaar kamid ah dadkii ku waxyeeloobay Qaraxyadii Soobe 2

13 qoys oo ka mid ah  ehelada dadkii ku waxyooloobay qaraxyadii Zoobe 2 ayaa manta  Hay’ada IHH Humanitarian Relief Foundation oo gacan ka heleesa Hay’ada masiibooyinka qaranka Soomaaliyeed la gaarsiiyay deeq mootooyin nooca loo yaqaan labo lugood.

Deeqdaan oo loogu talagalay dadkii qoosaskoodu ku waayay qaraxii Zoobe 2 in nolol maalmoodkooda ku soo saartaan
Deeqdaan oo uu goob joog ka ahaay safiirka dalka Turkiga Mehmet Yilmaz iyo madax kasocota Hay’ada masiibooyinka qaranka oo uu horkacayo Gudoomiyaha mudane Mohamud Mohamed Guuleed iyo masuuliyiin kale oo kasocota Hay’ada IHH Humanitarian Relief Foundation Netherlands.

Gudoomiyaha Hay’ada masiibooyinka ayaa sheegay in dadkaan loo qeebiyay deeqdaan ka timid Hay’ada IHH Netherlan in ay kazoo xusheen dadkii ugu taagta darnaa ee waxyeeladu kazoo gaartay qaraxii Zoobe Sidoo kale waxaa goobta ka hadlay safiirka Turkiga ufadhiya soomaaliya mudane Mehmet Yilmaz oo sheegay in Turkigu uu garab taaganyahay Soomaaliya marwalba.

Abdi Farah Ali waa aabe ay kaga dhinteen masiibada Zoobe ka dhacday 2 wiil oo uu dhalay islamarkaana ay ifka kaga tageen 16 caruur ah

Abdi Farah Ali ayaa mahadnaq balaaran ujeediyay Hay’ada IHH iyo Hay’ada maiibooyinka qaranka Soomaaliyed isagoo sheegay in deeqdaan mootada ay wax weyn kusoo kordhindoonto qoyskiisa.

   

Wasaaradda Maaliyadda oo soo bandhigtay Qorshaha Horumarinta Dhaqaalaha iyo Maaliyadda

Waxaa maanta lagu qabtay magaalada Muqdisho munaasabad ay soo qabanqaabisay Wasaaradda Maaliyadda Soomaaliya oo looga hadlayay arrimaha mudnaanta u leh Dhaqaalaha iyo Maaliyadda Dalka ee sanadkaan 2023.

Shirkaan ayaa diiradda lagu saaray qorshayaasha ahmiyadda u leh dib-u-habeynta dhaqaalaha Soomaaliya iyo hannaanka Maaliyadda iyo kicinta dakhliga gudaha dalka. Kulanka ayaa sidoo kale lagu lagu soo bandhigay sida ay muhiim u tahay in Xukuumadda Federaalka Soomaaliya ay sare u qaado ka qeybgalka dadweynaha ee Miisaaniyadda Dowladda si ay aragto ugu dhiibtaan inta aan la meelmarin.

Wasiirka Maaliyadda Soomaaliya Xukuumadda Federaalka Soomaaliya Dr.  Cilmi Maxamuud Nuur oo kukanka hadal ka jeediyay ayaa sharaxay qorsheyaasha Wasaaradda Maaliyadda u yaalla sanadkaan 2023 ay doonayaan in xooggaa lagu saaro horumarinta dhaqaalaha iyo xoojinta dib-u-habaynta hannaanka Maaliyadda.

Wasiirka ayaa sidoo kale hoosta ka xariiqey muhiimada ay sanadkaan u leedahay Wasaaradda Maaliyadda xoojinta hufnaanta Maamulka Maaliyadda iyo isla xisaabtanka taasi oo uu sheegay in ay muhiim u tahay sare u qaadidda dakhliga Dowladda iyo maamul wanaagga.

“Waxa aan maanta ka qayb galay kulan gaar ah oo Wasaaradda Maaliyadda ay u qabatay qaar ka mid ah dadweynaha, kulan kaas oo lagu soo bandhigayay qorshayaasha muhiimadda u leh Wasaaradda Maaliyadda Sanadka 2023.

Munaasabaddaan waxa aan diiradda lagu saarnay qorshayaasha mudnaanta gaarka ah inoo leh sida dib-u-habeynta dhaqaalaha Soomaaliya, hannaanka Maaliyadda iyo kicinta dakhliga gudaha dalka. Ayuu yiri Wasiirka Maaliyadda Soomaaliya.

Waxa sidoo kale kulanka haddlo taabanayay Horumarinta dhaqaalaha dalka iyo dib-u-habeynta hannnaanka Maaliyadda ka jeediyay Wasiiru Dowlaha Wasaaradda Maaliyadda Marwo.  Raaxo Maxamuud Janaqow, Wasiir ku xigeenka Wasaaradda Maaliyadda Cabdiqafaar Cilmi Xaange, Guddoomiye ku xigeenka Bangiga Dhexe ee Soomaaliya Cali Yaasin Sheekh, Guddoomiye Ku xigeenka Maamulka iyo Maaliyadda Gobolka Banaadir Ciise Guure, Agaasimaha Guud ee Guddiga Dhaqaalaha Qaranka, Agaasimaha Guud ee Wasaaradda Maaliyadda Saleebaan Sheekh Cumar, iyo Aqoonyahay dhanka dhaqaalaha ah.

Kulanka oo ay sidoo kale qeybaha kala duwan ee bulshada ka soo qeybgaleen ayaa ka mid ah barnaamijka Wasaaradda Maaliyadda Xukuumadda Federaalka Soomaaliya ay ku xoojinayso daah-furnaanta, maamul wanaagga iyo hufnaanta hannnaanka Maaliyadda dalka.

        

Taliska Ciidanka Booliiska oo gacanta ku soo dhigay dad ku eedeysan dambiyo kala duwan

Afhayeenka Ciidanka Booliska Soomaaliyeed, Sidiiq Aadan Cali Doodishe oo la hadlay Warbaahinta ayaa sheegay in gacanta lagu soo dhigay nin kamid ah saddex dhalinyaro ah oo ka soo muuqday muuqaal anshax xumo ah.

Afhayeenka ayaa ninkan magaciisa ku sheegay Maxamed Cali Maxamed, waxaana ay ku suuragashay in la soo qabto wada-tashaqeyn dhexmartay Ciidanka Booliiska qeybaha Gobolada Banaadir iyo Saldhiga Booliiska degmada Baardheere ee Gedo oo ah goobta uu falka ka dhacay.

Sidoo kale, Afhayeenka ayaa tilmaamay in lagu raad-joogo laba ruux oo kale kuwaasi oo ku lug lahaa falka muuqaalka tacadiga ah ee laga duubay gabadha yar.

Afhayeenka ayaa sheegay in ninka eedeysanaha uu wajaho Caddaalada, isla markaasna dhowaan la hor geyn doono Maxkamadda.

Dhinaca kale, Afhayeenka Booliiska ayaa sheegay in gacanta lagu soo dhigay Askari qof shacab ah ku dilay degmada Kaaraan ee Gobolka Banaadir, isla markaasna Caddaalada la hor-geyn doono.

Wasiirka Awqaafta iyo Arrimaha Diinta oo la kulmay Guddiga Garsoorka ee Golaha Shacabka Baarlamaanka

Wasiirka Wasaaradda Awqaafta iyo Arrimaha Diinta XFS oo kulan la qaatay Guddiga Garsoorka, Awqaafta iyo Arr. Diinta Golaha Shacabka Baarlamaanka Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya.

Wasiir Sh. Mukhtaar Roobow Cali ayaa Guddiga warbixin ka siiyay howlaha Wasaaradda u qabsoomay, kuwa socda, qorshayaasha Waxqabadka 2023, caqabadaha iyo fursadaha waxqabad ee Wasaaradda.

Kulanka Wasiirka waxaa ku wehlinayay Wasiir ku xigeenka Wasaaradda Mudane Xil. Saalax Shariif Sayid Cali, Agaasimaha Guud ee Wasaaradda Mudane Maxamed Xaaji Ibraahim Cali, Agaasimaha Waaxda Maamulka iyo Maaliyadda Mudane Xasan Cabdiraxmaan Xuseen iyo Agaasimaha Waaxda Qorsheynta iyo Tababarada Mudane Yusuf Xasan Maxamed.

     

Galmudug oo xirtay odayaal la kulmay kooxda Khawaarijta

Ciidamada ammaanka Galmudug ayaa xabsiga dhigay odayaal saaka Saxaafadda kula hadlay magaalada Cadaado, kuwaas oo ka soo laabtay deegaannada Khawaarijtu haysato ee ka tirsan Galmudug.

Guddoomiyaha degmada Cadaado Faarax Diiriye Warsame ayaa sheegay in odayaasha maanta hadlay ay yihiin dambiilayaal lagana qaadi doono tallaabo sharciga waafaqsan.

Sidoo kale, Taliyaha qeybta 21-aad ee ciidamada xoogga dalka Gaashaanle sare Xasan Maxamed Abuukar ( Jaamici), ayaa warbaahinta u xaqiijiyay in odayaashan la xiray loona gudbiyay magaalada Dhuusamareeb si sharciga loo marsiiyo.

“ Cidna lagama aqbalaayo in Khawaarijta la macaamisho,” ayuu yiri G/sare Xasan Jaamici.

Dowladda Federaalka ayaa horay amar ugu bixisay inaan lala macaamili karin kooxda Khawaarijta ah ee Al-Shabaab oo hadda gabalkooda sii dhacayo.

Baraarugga Shacabka oo sababay Burburka Khawaarijta

In mudda ah waxaa dalka iyo dadka Soomaaliyeed dhib iyo handadaad ku hayay Kooxda caadeysatay daadinta dhiigga dadka muslimiinta,ayagoo u aabayeeleynin waayeel,indheer-garad, Culumo, Carruur iyo Haweyn midna, waxayna in muddo ah ku ganbanayayeen magaca diinteenna Islaamka ah ee Xurmeysa dhiigga Islaamka,waxay kooxdaan khawaarijta ku dhuumaleysanayeen inka badan 10-sano inta badan goballada koonfurta sida Hirshabeele, Galmudug, Koonfur Galbeed iyo Jubbaland.

Muddooyinkii dambe waxay ku bilaabeen Ganacsata in ay ka qaadaan lacago baad ah oo u diiday dadka Soomaliyeed horumar iyo in ay wax qabsadaan ugu dambeyn waxay gaareen in ay dadka ku qasbaan fikradooda guracan ee takfiiriga ah, waxay si qasab ah u marin habaabinayeen dadka wax magaratada iyo kuwa dhimirka la’, ayagoo isticmaalayay dhagridda Shacabka,duruufaha ay ku hayeen xoola dhaqatada `Beeraleyda iyo Ganacsatada,waxay sababeen kacdoon Shacab oo ay isaga dulqaadayaan heeryada Kooxdan Khawaarijta ah ee dhaqanka Islaamka ka been abuurtay.

Waxaa isbiirsaday baraaruga shacaka iyo tageerada Ciidanka Qalabka sida, ayadoo laga dhabeynayo Siyaasada Madaxweyne Xasan sheikh ee la dagaalanka Khawaarijta, waxaa guluf dagaal mar qura ka bilowday dabayaaqadi Bisha July ee Sandkan 2022, ayadoo dagaalada dib u xorreynta ah ay ka dhaceen magaalooyin waawayn iyo tuulooyin ka tirsan maamulada Gal-mudug iyo Hir-shabelle.

Halganka Shacabka iyo taageerada ciidanka waxay sababtay in laga saaro kooxda khawaarijta magaalooyin waawayn oo ay xoog ku heysteen 10kii sano ee ugu dambeeysay, kooxaha khawaarijta waxaa soo gaaray Jab-xoogan tan iyo markii la doortay Md. Xassan Sheekh maxamuud, waxay waayeen mintidiin badan kuwana waxaa lagu qabtay nolasha qaar-badan oo ka mid ahna way isoo dhiibeen. Howl-galka sifeynta iyo Xorreynta, waxaa lagu dilay horjoogayal waa wayn oo ka tirsan dhagar-qabayaasha kooxda khawarijta ah ee Al-shabaab.

Waxaa laga xorreyay magaalooyin iyo tuulooyin waaweyn oo ka tirsanaa Hir-shabeelle, waxaa xor ah hadda oo la isugu gudbi karaa magalooyinka Jowhar, Balcad, Mahadaay, Cadale, Warshiikh, Raage-Ceele, Aadan Yabaal iyo Ruun-Nirgood oo ah degmadii ugu dambeeyay ee lagu xorreeyo khawaarijta ee gobalka Shabeelada dhexe, waxaa sidoo kale laga xoreeyay degmooyin ka tirsan gobalka Hiiraan sida Ceel-Hareeri,Moqokori,Buulaburte Matabaan iyo Yasooman oo ah dhul aad u baaxad wayn oo ka tirsan gobalka Hiraan, waxaa sidoo kale laga xorreyay degmooyin ka tirsan Galmudug sida Wabxo, Wisil iyo deegaano kale oo ka tirsan Galmudug,waxaana maalmaha soo socdo laga ciribtiri doonta degaannada fara ku tiriska ay ka joogaan Galmudug.

Booqashooyin dhiirigelinta oo ay ku tageen madaxda qaranka deegannadii laga xorreyay kooxda Khawaarijta. Dagaalka Khawaarijta lala galay kaliya maaha midka deeganada waxaa sidoo kale dowlada gacanta ku dhigtay Shabakado iyo koox qaabilsanaa baadda laga qaadi jiray Ganacsatada Soomaliyeed,waxaa dabagal joogta ah lagu hayaa shakhsiyaad iyo shirkado xiriir dhaw la lahaa kooxaha argagixisada ah ee Al Shabaab.

Dowladda uu hoggaamiyo madaweyne Xasan Sheekh waxaa ka go’án la dagaalanka khawaarijta Al-shabaab iyo ciribtirkooda,waxayna hadda shacabka degaannada laga xoreeyay gacanta cadowga ay dareemayaan nabad iyo barwaaqo, sidoo kale, waxay ku faraxsan yihiin in ay muddo 10-sano ka badan ka dib, harsadaan dallada harka qabow ee dowladnimada.

Duqa Degmada Galkacyo oo dhagax dhigay dhigista interlockgga ee suuq weynaha ee Magaalada Gaalkacyo.

Duqa Degmada Galkacyo Mudane Cabdiraxmaan Shiikh Xasan Oo ay weheliyaan xoghayaha Dowladda Hoose, xubno ka tirsan golaha deeganka, Gudoomiyaha Xaafadda Hormar, qaar ka mid Agaasimayaasha, iyo Odayaasha dhaqanka, ayaa Maantay dhagax dhigay wajiga labaad ee dhigista interlockga ee suuqa weyn ee Magaalada Gaalkacyo.
Saarista Interlockgga oo horey qaar kamid ah suuqa weyn ee magaalada gaalkacyo loogu soo Sameeyey ayaa hadana Waxaa lagu wadaa in Wadooyin Cusub lagu sameeyo.
Dhagax dhiga interlockgaan ayaa waxaa iska kaashanaya Maamulka Dowladda Hoose iyo qaar ka mid ah Ganacsatada suuqa weyn ee Magaalada Gaalkacyo.
Duqa Degmada Gaalkacyo Mudane Cabdiraxmaan Shiikh Xasan ayaa sheegay inuu ahmiyad gaar ah ugu fadhiyo suuqa islamarkaana Mar walbo ay u taagan yihiin hagaajinta iyo qurxuntiisa.
Waxaana ugu danbeyntii u mahad Celiyay cid walbo oo ka qeyb qaadatay fududeynta dhismaha interlockga suuqa weyn ee Magaalada Gaalkacyo.
Wajigii koowaad ee dhismaha inter loogii laga hirgaliyay suuqa weyn ee magaalada Galkacyo horaantii 2021 ayaa keenay in wax weyn kusoo kordhiyo bilicda magaalada galkacyo sidoo kalana sababay in si caadi ah loogu ganacsado suuqaas xiliyadii ay roobabku ka da’een Gaalkacyo halka markii hore gabi ahaanba aan lagu ganacsan jirin marka ay roobabku ka da’een taasoo ay u sabab u aheyd daadadka ka dhasha roobka oo saameyn ku yeelan jiray isku socadka dadka iyo gaadiidka.

Wasiirka warfaafinta XFS oo Tripoli kaga qeyb galay shir looga hadlay arrimaha Soomaaliya

Wasiirka warfaafinta,dhaqanka iyo dalxiiska xukuumadda federaalka Soomaaliya,Mudane Daa’uud Aweys Jaamac oo khubad ka jeediyay shirka Wasiirada Warfaafinta Ururka Jaamacadda Carabta oo ka dhacay magaalada Tripoli ee dalka Libya ayaa ka warbixiyay xaaladda Soomaaliya, gaar ahaan guulaha laga gaarey dagaalka lagula jiro Khawaarijta.

Wasiirka ayaa ka sheegay Shirka in madaxweynaha Jamhuriyadda Federaalka Soomaaliya, Mudane Xasan Sheekh Maxamuud muhimaddiisa koowaad ay tahay Khawaarijta magaca Diinta Islaamka wasaqeynaya laga ciribtiro dalka, si shacabka Soomaaliyeed ay uga xoroobaan tacaddiyada ay kala kulmaan arxanlaaweyaashaasi.

“Waxaa dagaalkaasi najaxay ee guulaha laga gaarey ay Soomaaliya ku wajahdey saddex dhinac oo muhiim ah, kuwaas oo kala ah. Milateriga, xanibaadda dhaqaalaha argagixisada iyo dhanka fikirka”, ayuu yiri Wasiirka.

Sidoo kale, Wasiir Daa’uud Aweys ayaa hoosta ka xariiqay in warbaahinta Soomaaliya ay kaalin buuxda ka qaadaneyso dagaalka dhanka fikirka ee argagixisada looga soo horjeedo.

Wasiirka ayaa hadalkiisa intaa ku daray, in dunida Carabta ay si weyn saameyn ugu yeelanayaan wararka beenta ah iyo kuwa marin habaabinta oo inta badan ay isticmaalaan kooxaha argagixisada ama kuwa diiddan deganaanshaha.

Waxaa uu ugu dambeyn Wasiirka ugu baaqey Ururka Jaamacadda Carabta inuu si buuxa u taageero dagaalka ay Soomaaliya kula jirto Khawaarijta, taas oo ugu dambeyn horseedi karta in Soomaaliya ay si buuxda xasilooni u hesho, caalamkana ay saameyn ku yeelato, waxaana shirka magaalada Tripoli loogu aqoonsaday in ay tahay caasimadda warbaahinta dalalka xubnaha ka ah ururka Jaamacadda Carabta.