Ra’iisul Wasaaraha XFS oo munaasabad soo dhaweyn iyo casho sharafeed u sameeyay Xildhibaan Ilhaan Cumar

-Ra’iisul Wasaaraha Xukuumadda Federaalka Soomaaliya Mudane Xamse Cabdi Barre ayaa xalay munaasabad soo dhaweyn iyo casho sharafeed ah ugu sameeyay magaalada Muqdisho, Xildhibaan Ilhaan Cumar oo ka tirsan Aqalka Wakiillada dalka Mareykanka.

Munaasabadda oo ay ka soo qaybgaleen boqolaal qof oo isugu jira masuuliyiin iyo marti sharaf kale ayaa Ra’iisul Wasaare Xamse oo ka hadlay wuxuu sheegay in Ilhaan Cumar ay muujisay karti, aqoon iyo firfircooni, taasi oo uu sheegay inay sabab u tahay guusha ay ka gaartay Mareykanka.

Waxaana uu sheegay inay tusaale wanaagsan u tahay qurbajoogta Soomaaliyeed ee hiigsigooda darteed meel sare ka gaaray siyaasadda dalalkooda.

Xildhibaanad Ilhaan Cumar oo iyana ka hadashay xafladda ayaa sheegtay inay ku faraxsan tahay soo dhaweynta diirran ee loo sameeyay, iyada oo ku ammaantay Xukuumadda Dan-Qaran guulaha is daba joogga ah ee ay ka gaartay ciribtirka kooxaha Khawaarijta ee dhibaatooyinka ku hayay shacabka Soomaaliyeed.

Munaasabadda ayaa waxaa ka qaybgalay Guddoomiye Ku Xigeenka Koowaad ee Golaha Shacabka, Ra’iisul Wasaare Ku Xigeenka, Madaxweynaha Jubaland, Guddoomiyaha Gobolka Banaadir Ahna Duqa Muqdisho, Xildhibaannada labada Aqal, Wasiirro iyo marti sharaf kale.

Ra’iisul Wasaaraha XFS oo munaasabad soo dhaweyn iyo casho sharafeed u sameeyay Xildhibaan Ilhaan Cumar

Ra’iisul Wasaaraha Xukuumadda Federaalka Soomaaliya Mudane Xamse Cabdi Barre ayaa xalay munaasabad soo dhaweyn iyo casho sharafeed ah ugu sameeyay magaalada Muqdisho, Xildhibaan Ilhaan Cumar oo ka tirsan Aqalka Wakiillada dalka Mareykanka.

Munaasabadda oo ay ka soo qaybgaleen boqolaal qof oo isugu jira masuuliyiin iyo marti sharaf kale ayaa Ra’iisul Wasaare Xamse oo ka hadlay wuxuu sheegay in Ilhaan Cumar ay muujisay karti, aqoon iyo firfircooni, taasi oo uu sheegay inay sabab u tahay guusha ay ka gaartay Mareykanka.

Waxaana uu sheegay inay tusaale wanaagsan u tahay qurbajoogta Soomaaliyeed ee hiigsigooda darteed meel sare ka gaaray siyaasadda dalalkooda.

Xildhibaanad Ilhaan Cumar oo iyana ka hadashay xafladda ayaa sheegtay inay ku faraxsan tahay soo dhaweynta diirran ee loo sameeyay, iyada oo ku ammaantay Xukuumadda Dan-Qaran guulaha is daba joogga ah ee ay ka gaartay ciribtirka kooxaha Khawaarijta ee dhibaatooyinka ku hayay shacabka Soomaaliyeed.

Munaasabadda ayaa waxaa ka qaybgalay Guddoomiye Ku Xigeenka Koowaad ee Golaha Shacabka, Ra’iisul Wasaare Ku Xigeenka, Madaxweynaha Jubaland, Guddoomiyaha Gobolka Banaadir Ahna Duqa Muqdisho, Xildhibaannada labada Aqal, Wasiirro iyo marti sharaf kale.

Wasiirka Wasaaradda Qorshenta oo kulan la qaatay Agaasimayaasha Waaxyaha wasaaradda

Wasiirka Wasaaradda Qorshenta, Maalgashiga iyo Horumarinta Dhaqaalaha Xukuumadda Federaalka Soomaaliya, Mudane Maxamuud Cabdiraxmaan Sh. Faarax (Beenebeene) ayaa manta kulan muhiim ah la qaatay Agaasimayaasha Waaxyaha kala duwan ee Wasaaradda, isaga oo kula dardaarmay in la sii dardargeliyo howlaha u qorsheysan Wasaaradda.

Kulanka ayaa lagu gorfeeyay Shaqooyinka kala duwan ee Wasaaraddu u hayso Xukuumadda, iyo sidii loo xoojin lahaa isla xisaabtanka. Waxaana kulanka goobjoog ka ahaa K/S Agaasimaha Guud ee Wasaaraddaha, ahna Agaasimaha Waaxda kormeerka, Qiimeynta iyo Xalka Waara Marwo Zahra Cabdi Maxamed, Agaasimayaasha Waaxaha kala duwan ee Wasaaradda Qorsheynta iyo Khubarrada Wasaaradda ka howlgala.

Kulanka oo qaatay saacado badan ayaa lagu soo bandhigay waxyaabaha u qabsoomay lixda bilood ee lasoo dhaafay hay’adaha dowladda federaalka ay soo bandhigtay Waaxda Kormeerka iyo Qiimeyngta oo ka soo uruurisay Wasaaradaha dowladda, iyada oo la eegayo halbeegyada dhameystirmay oo lagu guuleystay, kuwa wali qabyada ah iyo caqabdaha kala duwan ee keenay in shaqooyinka qaarkood aan wali guuleysan.

Dhanka kale, kulanka waxaa lagu falanqeeyay warbxinta deeqaha dalkeenna ugu yimaada deeq bixiyaasha caalamiga ah iyo dalalka taageero Soomaaliya, sidoo kale waxaa la soo hadal-qaaday habka iyo hannaanka looga faa’iideysan karo fursadahaas, caqabadaha jira iyo xoojinta aqoonta hay’adaha dowladda heerka fulinta.

Madaxweyne Xasan Sheekh oo kulan soo dhaweyn ah Madaxtooyada Qaranka kula qaatay Xildhibaan Ilhaan Cumar

Madaxweynaha Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya Mudane Xasan Sheekh Maxamuud ayaa kulan soo dhaweyn ah Madaxtooyada Qaranka kula qaatay Xildhibaan Ilhaan Cumar oo ka tirsan Aqalka Wakiillada dalka Maraykanka.

Madaxweynaha ayaa kulankan waxaa ku wehelinayey Marwada Koowaad ee Dalka Marwo Qamar Cali Cumar, Wasiirka Haweenka iyo Arrimaha Xuquuqda Aadanaha Xukuumadda Federaalka Soomaaliya Marwo Khadiijo Maxamed Diiriye, Wasiir-dowlaha Madaxtooyada Qaranka Mudane Abshir Maxamed Axmed iyo Guddoomiyaha Ururka Haweenka Soomaaliyeed Marwo Batuulo Sheekh Axmad.

Warbixin: Horjoogayaasha Khawaarijta oo wajahaya cabsi iyo walwal xoogan

Deegaanno mudo dheer aysan Maankooda galin Khawaarijta in mar loogu imaan karo ayay geesiyaasha ciidanka qaran u daateen, waana xisaab tira beel ah xubnaha Khawaarijta ee nafta la dhaafiyay ayagoo jiqaya dhiiga shacabka.

Marka laga soo tago xubnaha Khawaarijta ah oo ay soo qaldeen Horjoogayaasha duurka ku jira ee iska qariya Bulshada, waxaa sidoo kale xanuunka geerida dhadhamiyay kuwa ay naadir la ahayd in xogtooda la helo, iskaba daa in la arki karee. Waxaana ka mid ahaa Cabdullahi Naadir dhaxal sugihii Horjoogaha Khawaarijta, Abuu cabdiraxmaan Horjoogihii Khawaarijta ee Gobalka Banaadir iyo xubno kale.

Kuwa kale ayaa nolosha lagu soo qabtay ayagoo baxsad ah, halka kuwa qaarna ay isku soo dhiibeen dowladda markii ay arkeen in jidkii ka soo xirmay waana kan Horjooge Mohamed Macalin Xasan oo magaciisa Afgarashada uu yahay Xudayfa.

Bartilmaameedsiga Horjoogayaasha ku daac daacsan daadinta dhiiga shacabka Soomaaliyeed, ayaa sababay cabsi wayn oo la soo daristay Horjoogayaasha waxaana la sheegayaa in deegaanada qaar ay ka qaxeen, sida uu qabo Cabdullaahi Maxamed Xasan oo loo yaqaano Abuu Ayaan, Aqoon udursana u leh Al-Shabaab.

Dowladda Somaaliya waxaa ka go’an in dagaalka ka dhanka ah Khwaarijta usan hakan, ilaa guud ahaan dalka laga ciribtiro Khawaarijta halista ku ah dalka iyo diinta. Hadaba muxuu ku danbayn doonaa Mustaqbalka Horjoogayaasha Khawaarijta.

Tan iyo markii Madaxweyne Xasan Sheekh Maxamuud uu ku dhawaaqay dagaalka ka dhanka ah Khawaarijta waxaa gacanta ciidanka xoogga dalka Somaaliya soo gaDeegaanno mudo dheer aysan Maankooda galin Khawaarijta in mar loogu imaan karo ayay geesiyaasha ciidanka qaran u daateen, waana xisaab tira beel ah xubnaha Khawaarijta ee nafta la dhaafiyay ayagoo jiqaya dhiiga shacabka.

Marka laga soo tago xubnaha Khawaarijta ah oo ay soo qaldeen Horjoogayaasha duurka ku jira ee iska qariya Bulshada, waxaa sidoo kale xanuunka geerida dhadhamiyay kuwa ay naadir la ahayd in xogtooda la helo, iskaba daa in la arki karee. Waxaana ka mid ahaa Cabdullahi Naadir dhaxal sugihii Horjoogaha Khawaarijta, Abuu cabdiraxmaan Horjoogihii Khawaarijta ee Gobalka Banaadir iyo xubno kale.

Kuwa kale ayaa nolosha lagu soo qabtay ayagoo baxsad ah, halka kuwa qaarna ay isku soo dhiibeen dowladda markii ay arkeen in jidkii ka soo xirmay waana kan Horjooge Mohamed Macalin Xasan oo magaciisa Afgarashada uu yahay Xudayfa.

Bartilmaameedsiga Horjoogayaasha ku daac daacsan daadinta dhiiga shacabka Soomaaliyeed, ayaa sababay cabsi wayn oo la soo daristay Horjoogayaasha waxaana la sheegayaa in deegaanada qaar ay ka qaxeen, sida uu qabo Cabdullaahi Maxamed Xasan oo loo yaqaano Abuu Ayaan, Aqoon udursana u leh Al-Shabaab.

Dowladda Somaaliya waxaa ka go’an in dagaalka ka dhanka ah Khwaarijta usan hakan, ilaa guud ahaan dalka laga ciribtiro Khawaarijta halista ku ah dalka iyo diinta. Hadaba muxuu ku danbayn doonaa Mustaqbalka Horjoogayaasha Khawaarijta.

Tan iyo markii Madaxweyne Xasan Sheekh Maxamuud uu ku dhawaaqay dagaalka ka dhanka ah Khawaarijta waxaa gacanta ciidanka xoogga dalka Somalia soo galay in ka badan 50 magaalo oo khawaarijta mudo dheer ay ku dhibaatayn jireen shacabka Soomaaliyeed.lay in ka badan 50 magaalo oo khawaarijta mudo dheer ay ku dhibaatayn jireen shacabka Soomaaliyeed.

Mareykanka iyo Canada oo ay qabow ugu dhinteen ku dhawaad 38 qof

Malaayiin qof ku kala nool waddaamda Mareykanka iyo Canada ayaa ciidda masiixiyiinta ee kirismaska ku xayiran guryahooda xilli qabow aad u daran iyo dabeylo baraf wata ay u dhinteen ilaa iyo dhowr iyo soddon qof.

In ka badan 60% guud ahaan dadka Mareykanka ayaa wajahaya digniino dhinaca cimilada ah iyadoo 175 kun oo qof ay wajahayaan koronto la’aan.

Ciidaamda ilaalada qaranka Mareykanka ayaa loo daabulay gobolka New York, halkaa oo ay mas’uuliyiintu la tacaalayaan dhibaatadan taagan.

Kummanaan duulimaadyo ah ayaa sidoo kale la xayiray, taasi oo sababtay in dad badan aysan u suuragelin inay la dabaal dagaan qoysaskooda.

Guddoomiyaha Gobolka Banaadir oo ka qeybgalaya Shirka 4-aad ee Golaha Wadatashiga Qaranka

Guddoomiyaha Gobolka Banaadir Ahna Duqa Magaalada Muqdisho Mudane Yuusuf Xuseen Jimcaale (Madaale) ayaa ka qeybgalaya Shirka 4-aad ee Golaha Wadatashiga Qaranka ee Dowladda Federaalka, Dowlad-goboleedyada xubnaha ka ah iyo Maamulka Gobolka Banaadir kaasi oo maanta ka furmay Madaxtooyada Qaranka.

Madaxweynaha Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya Mudane Xasan Sheekh Maxamuud ayaa shir guddoominaya, iyadoona diirada lagu saari doonno qodobo ay ka mid yihiin; Federaaleynta, Garsoorka iyo Asteynta awoodaha heer Federaal iyo heer Dowlad-goboleed, arrinkan oo qeyb ka ah dhammeystirka fulinta qodobbadii warmurtiyeedkii ka soo baxay Shirkii Madasha Qaranka 3-aad ee ku soo gaba-gaboobay Muqdisho 12-kii Sebteembar.

Kulanka labada Aqal ee Baarlamaanka Soomaaliya oo goordhow furmay

Kulanka Xildhibaannada labada Aqal ee Baarlamaanka Soomaaliya ayaa goordhow ka furmay Xarunta Villa Hargeysa, waxaana siwadajir ah u shir guddoominaya guddoomiyeyaasha labada Aqal.

Ajandaha kulanka labada Aqal ee Baarlamaanka Soomaaliya ayaa ah ka doodista Miisaaniyadda 2023, waxaana horyimid Wasiirka Wasaaradda Maaliyadda Dr Cilmi Maxamed Nuur oo xildhibaanadu su’aalo ka weydiyeen Miisaaniyadda 2023 oo horta Mudanayaasha.

Kulanka ayaa socda waxa ayna Xildhibaannada labada Aqal ayaa doodayaan Miisaaniyadda dowladda ee 2023,iyadoo dooda ay sii socon doonto inta xildhibanada ay ka ansaxinayan ama ay dib u dhigayaaan

Shirka Golaha wadatashiga Qaranka oo maanta ka furmay Muqdisho

Madaxweynaha Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya Mudane Xasan Sheekh Maxamuud ayaa guddoomiyey Shirka 4-aad ee Golaha Wadatashiga Qaranka ee Dowladda Federaalka iyo Dowlad-goboleedyada xubnaha ka ah oo maanta ka furmay Madaxtooyada Qaranka.

Shirkan ayaa Madaxdu waxay ku odroosayaan federaaleynta garsoorka iyo asteynta awoodaha heer Federaal iyo heer Dowlad-goboleed, arrinkan oo qeyb ka ah dhammeystirka fulinta qodobbadii warmurtiyeedkii ka soo baxay Shirkii Madasha Qaranka 3-aad ee ku soo gaba-gaboobay Muqdisho 12-kii Sebteembar.

Sidoo kale, Madaxda heer Federaal iyo heer Dowlad-goboleed waxay iska xog-wareysan doonaan xaaladda amniga dalka, gaar ahaan dagaalka ka dhanka ah argagixisada Al-shabaab oo Ciidamada Xoogga dalka ay ka soo hoyeen guulo waaweyn, kana xoreeyeen deeganno badan oo ay horey ugu dhibaateynayey shacabka Soomaaliyeed.

Shirkan waxaa ka qeyb galay Ra’iisul Wasaaraha Xukuumadda Federaalka Soomaaliya Mudane Xamse Cabdi Barre, Ra’iisul Wasaare Ku Xigeenka Xukuumadda Mudane Salah Jama, Madaxweyneyaasha Dowlad-Goboleedyada, Jubbaland Mudane Axmed Maxamed Islaam, Koonfur-Galbeed Mudane Cabdicasiis Xasan Maxamed, Puntland Mudane Saciid Cabdullahi Deni, Galmudug Mudane Axmed Cabdi Kaariye, Hirshabeelle Mudane Cali Guudlaawe Xuseen iyo Guddoomiyaha Gobolka Banaadir ahna Duqa Muqdisho Mudane Yuusuf Xuseen Jimcaale.

Shirka Golaha Wadatashiga Qaran oo goordhow ka furmaya Xarunta Madaxtooyada Qaranka

Shirka Golaha Wadatashiga Qaran ayaa goordhow ka furmaya Xarunta Madaxtooyada Qaranka ee Magaalada Muqdisho.

Shirka oo uu guddoominayo Madaxweynaha Jamhuuriyadda mudane Xasan Sheekh Maxamuud ayaa waxaa ka qeyb galaya Ra’iisulwasaaraha XFS mudane Xamse Cabdi Barre, Madaxweynayaasha dowladaha xubnaha ka ah Federaalka iyo Guddoomiyaha Gobolka Banaadir.