Wafdi uu hoggaaminayo Madaxweynaha Jabuuti oo maanta kusoo wajahan Muqdisho

Madaxweynaha Jamhuuriyadda aynu walaalaha nahay ee Jabuuti mudane Ismaaciil Cumar Geelle iyo wafdi uu hoggaaminayo ayaa maanta booqasho rasmi ah uga billaabaneysaa caasimadda dalka ee Muqdisho.

Qabanqaabada soo dhaweynta Madaxweynaha iyo wafdigiisa ayaa si weyn looga dareemayaa caasimada dalka iyada oo aad loo adkeeyay ammaanka.

Hay’adaha ammaanka ayaa Muwaadiniinta sharafta badan ee Soomaaliyeed ka dalbanaya in ay dulqaad muujiyaan maadaama isu socodka la adkeeyay si amniga martida loo sugo.

MADAXWEYNE XASAN SHEEKH OO KA TACSIYEEYEY GEERIDA MARXUUM DANJIRE MUXIYADDIIN MAXAMED KAALMOY

Madaxweynaha Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya Mudane Xasan Sheekh Maxamuud ayaa tacsi tiiraanyo leh u diray qoyska, qaraabada iyo dhammaan ummadda Soomaaliyeed ee uu ka geeriyooday, Alle ha u naxariistee, Danjire Muxiyaddiin Maxamed Kaalmoy.

Madaxweynaha Jahmuuriyadda ayaa tilmaamay in Danjire Muxiyaddiin uu ka mid ahaa siyaasiyiinta ruug caddaaga ah ee muddada dheer u soo adeegayey shacabka Soomaaliyeed, isaga soo noqday Wasiir, diblumaasi dalkeenna matalay iyo Bare ka mid ahaa macallimiinta Jaamacadda Umadda.

Madaxweyne Xasan Sheekh Maxamuud ayaa Marxuumka Alle u weydiiyey in uu hoygiisa ka yeelo Jannatul Fardowsa, samir iyo iimaanna uu ka siiyo qoyska, qaraabada iyo guud ahaan Ummadda Soomaaliyeed ee uu ka geeriyoodey.

Wasiirka dhallinyarada iyo cayaaraha XFS oo la kulmay Safiirka dowlada Imaaraadka Carabta ee Soomaaliya

Wasiirka wasaaradda dhalinyarada iyo ciyaaraha XFS Mudane Xil Maxamed Barre Maxamuud oo ay weheliyaan Agaasimaha guud ee Wasaaradda Mudane Cabdiraxiim Warsame Diiriye iyo Eng Fahad Cali Xasan oo ka mid ah la-taliyayaasha wasaaradda ayaa kulan la qaatay danjiraha cusub ee dowladda isu-tagga Imaaraatka Carabta u qaabilsan Soomaaliya Amb Ahmed Jumaa Mohamed.

Mudane Xil Maxamed Barre iyo Safiirka ayaa isla soo qaaday sida labada dal ay isaga kaashan lahaayeen isku xirka bahda ciyaaraha iyo in dowladda Imaaraatku ka taageerta dhalinyarada Soomaaliyeed in loo dhiso xarummo dhalinyaro iyo garoomo ciyaareed.

Danjire Ahmed Jumaa Mohamed ayaa balan qaaday in hay’adda sare ee ciyaaraha isu tagga Imaaraatka Carabta iyo Wasaaradda Dhallinyarada iyo Isboortiga Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya uu isku soo xiri doono si ay isaga kaashadaan ciyaaraha loona sii xoojiyo xiriirka ciyaaraha labada dal.

Wasiirka Warfaafinta ee XFS oo Muqdisho ku soo dhaweeyay wefdi ballaaran oo ka socda dowladda Jabuuti

Wasiirka Wasaaradda Warfaafinta Dhaqanka iyo Dalxiiska ee Xukuumadda Federaalka Soomaaliya Mudane Daa’uud Aweys Jaamac ayaa garoonka diyaaradaha ee Aadan Cadde ku soo dhaweeyay wefdi ballaran oo ka socda dowladda Jabuuti.

Wefdiga ka socda Dowladda Jabuuti ayaa waxaa hoggaaminaya Wasiirka Dhalinyarada hiddaha iyo Dhaqanka ee Jamhuuriyadda Dalka Jabuuti, Marwo Hibo Muumin Casawe oo ay wehlinayaan, Agaasimaha wadamada Carabta ee dowladda Jabuuti Maxamed Ducaale iyo Guddoomiyaha Jaamacadda Jabuuti.

Saraakiil ka tirsan Safaaradda Jabuuti ee Soomaaliya ayaa qeyb ka ahaa soo dhaweynta Wefdiga maanta soo gaaray Muqdisho.

Dowladda Soomaaliya iyo Dowladda Jabuuti ayaa leh xiriir walaalnimo oo soo jireen ah, waxaana cilaaqaadkaasi uu soo socday muddo ku dhow nus qarni.

Wasiirka Dhalinyarada hiddaha iyo Dhaqanka ee Jamhuuriyadda Dalka Jabuuti, Marwo Hibo Muumin Casawe oo hoggaamineysa wefdiga yimid Muqdisho ayaa lagu wado inay kulan la yeelato wasiirka wasaaradda Warfaafinta ee XFS Mudane Daa’uud Aweys, iyadoo labada mas’uul wado inay ka wada hadlaan iskaashiga iyo horumarka xagga Warfaafinta, Wacyigelinta iyo Dhaqanka.

Khawaarijtu Maxay u beegsadaan xarumaha lagu fidiyo Diinta Islaamka ee ku yaala deegaannada ay joogaan?.

Khawaarijta Arxanka daran ee Al-shabaab ee ku soo duushay dalkeena balse haatan uu dabar go’a ku socdo kadib 15 sano oo dalkeena iyo dadkeena ay ku hayeen dhaqan ka baxsan kan islaamka iyo kan dadka Soomaliyeed ayaa deeggaanaddii laga saaray waxaa lagu arkay arrimo ka baxsan diinteena suuban oo ay ku dhaqaaqeen.

Waxaa ay xireen dugsiyaddii Qur’aan-ka kariimka lagu baran jiray, Iskuuladdii iyo goobihii caafimaadka ee loogu adeegi jiray dadka. Bulsho waxbarsho la’aan ah, adeeg caafimaad heysan, la marin habaabiyay oo la go’doonshay ayaa loogu tagay deeggaanaddi laga dulqaaday cadowga arxanka daran ee khawaarijta.

Argagixisada deeggaanaddii ay in muddo gacanta ku hayeen kagama tagin wax yar oo horumar ah, iyadoo dadka deeggaanadaasi ku nool ay intaas u dhereed in ay ka qadaan baad joogto ah ciddii ka hortimaadana la dilo ama la xiro.

Khawaarijta waxa ay kala dagalantay wax kasta oo horumar ah, iyadoo cadeen u ah inay bulshadda ku nool deeggaanadda ku jira gacantooda inay u diideen waxbarasho dhan walba ah. Waxaa ay xireen xarummo lagu barto qur’aanka Kariimka iyo tacliinta kale oo shaqeynaayay in ka badan 70 sano sida laga soo xigtay dadka ku dhaqan deeggaanaddi lagu jabiyay cadowga. Waxa ayna uga dan leeyihiin inay indha ka ridaan bulshadda si ay uga dhaadhiciyaan fikradaha qaldan iyo ka been abuurashada diinteenna Suubaan.

Macalin Abuukar calasoow oo ku nool deegaanka Guulane oo la hadlay warbaahinta qaranka ayaa sheegay in dugsi qur’aan furna in ka badan 70 sano oo ay wax ku baran jireen ardayda deegaanno badan oo ka tirsan shabeellaha dhexe inay khawarijtu xireen.

“Cadowgu waxaa ay xireen xaruntii iyo dugsigii ay cilmiga diinta ka soo doonaan jireen sanado badan bulshadda deegeenno badan, taasina waxaa ay ku tusineysa sida ay ula dirireen horumarka iyo waxbarshadda marba haddii ay xireen goobihii waxbarashadda”. ayuu yiri Macalin Abuukar.

Taliyaha ciidanka dhulka ee xoogga dalka General Maxamed Tahliil Biixi ayaa dhankiisa  sheegay in uu la yaabay dhaqan xumadda iyo arxan daradda ay ku dhaqmayeen Khawaarijta ee aanan meelna ka soo galin diinteena suuban uu ku soo arkay degmada Aadan Yabaal iyo deeggaanaddii kale laga sifeeyay cadowga  khawaarijta alshabaab.

Wasiirka Warfaafinta ee XFS oo ka tacsiyadeeyay geeerida Fanaanka Qaran ee Cabdinaasir Macalin Caydiid

Wasiirka Wasaaradda Warfaafinta, Dhaqanka iyo Dalxiiska ee Xukuumadda Federaalka Soomaaliya Mudane Daa’uud Aweys Jaamac ayaa shacabka Soomaaliyeed, bahda fanaaniinta iyo eheladiisa uga tacsiyadeeyay geerida ku timid Allaha u naxariistee Fanaan, Muusikiiste Marxuum Cabdinaasir Macalin Ceydiid oo ku geeriyooday dalka Ethiopia.

Wasiirka ayaa sheegay in Marxuumka uu wax badan u soo qabtay dalka iyo dadkaba, isla markaana uu Alle uga baryayo inuu ka waraabiyo naxariisto janno.

“Anigoo ku hadlaya magaca Wasaaradda iyo dhammaan shaqaalaha Wasaaradda Warfaafinta, Dhaqanka iyo Dalxiiska, waxaan tacsi u dirayaa qoyska, ehelada iyo shacabka Soomaaliyeed ee uu ka baxay Allaha u naxariisto fanaan/muusikiste Cabdinaasir Macalin Caydiid oo ku geeriyooday magaalada Addis Ababa ee dalka Ethiopia. Waxaan Ilaahay uga baryayaa inuu naxariistii Jannatul Fardowsa ka waraabiyo, ehelka iyo ummadda Soomaaliyeed ee uu ka baxayna samir iyo iimaan ka siiyo. Innaa Lillahi wa Innaa Ileyhi Raajicuun”. ayuu yiri wasiirka Warfaafinta.

Wasiir Daa’uud “Garsoor Hufan oo Caddaalad ah waa aas-aaska dib u yegleelida dowlad Soomaaliyeed oo awood leh”

Wasiirka Wasaaradda Warfaafinfa, Dhaqanka iyo Dalxiiska ee Xukuumadda Federaalka Soomaaliya Mudane Daa’uud Aweys Jaamac oo la hadlay Warbaahinta Qaranka ayaa ka xog-waramay qodobadda looga hadlayo shirka 4-aad ee golaha wadatashiga qaranka oo maalintii labaad ka socda Muqdisho.

Shirkan ayaa Madaxdu waxay ku odorasayaan federaaleynta garsoorka iyo asteynta awoodaha heer Federaal iyo heer Dowlad-goboleed, arrinkan oo qeyb ka ah dhammeystirka fulinta qodobbadii warmurtiyeedkii ka soo baxay Shirkii Madasha Qaranka 3-aad ee ku soo gaba-gaboobay Muqdisho 12-kii Sebteembar.

Wasiir Daa’uud ayaa sheegay in Madaxda heer Federaal iyo heer Dowlad-goboleed ay iska xog-wareysan xaaladda amniga dalka, gaar ahaan dagaalka ka dhanka ah argagixisada Al-shabaab oo Ciidamada Xoogga dalka ay ka soo hoyeen guulo waaweyn, kana xorreeyeen deeganno badan oo ay horrey ugu dhibaateynayey shacabka Soomaaliyeed.

“xorreynta dalka ee khawaarijta looga xorreynayo waa arrin heer qaran ah, kuma koobna deeggaan iyo gobolka gaar ah, waa arrin ay ka wada mideysan yihiin madaxda dowladda dhexe iyo madaxda dowlad goboleedyadda, waxaana taasi marqaati u ah in shirkii ugu dambeeyay ee golaha wadatashiga qaranka ee muqdisho lagu qabtay in bayaankii laga soo saaray lagu sheegay in dagaalka ka dhanka khawaarijta ee dalka looga xorreynayo uu yahay mid waajib ah oo ay ka wada qeyb qaadanayaan dowlad goboleedyadda iyo dowladda dhexe, shacabkuna qeyb ka yahay” ayuu yiri wasiir Daa’uud.

Qodobadda kale ee ugu waa weyn ee looga doodayo shirka 4-aad ee golaha wadatashiga qaranka waxaa kamid ah Garsoorka oo ah qodob marsii ah. waxaana go’aan la rabo in ummadda Soomaaliyeed oo dhan inay talo ku yeeshaan, “halku-dhigga madaxweynaha ayaa Soomaali heshiis ah dunida heshiis la ah tas ayaana keenaysa in laga wada dodo qodobadda masiirigga ee u baahan in laga wada qaado go’aan loo dhan yahay” ayuu wasiirka warfaafinta ee XfS Daa’uud Aweys Jaamac.

Safiir ku-xigeenka Safaaradda Soomaaliya ee Jabuuti oo la kulmay Safiirka Qatar ee dalka Jabuuti

Safiir ku xigeenka safaarada Soomaaliya ee dalka Jabuuti mudane Jabril Afyare ayaa la kulmay safiirka Qatar ee dalka Jabuuti Rashid bin Shafie.

Safiir ku xigeenka ayaa isaga oo ku hadlaya magaca Soomaaliya ugu hambalyeeyay dowlada Qatar sida ay u agaasimeen koobkii aduunka ee dhawaanta lagu soo gabagabeeyay Qatar.

Labada masuul ayaa sidoo kale ka wada hadlay xooninta iskaashiga iyo xiriirka walaaltinimo ee Soomaaliya iyo Qatar

Shirka Golaha wadatashiga oo Maalintii labaad ka socdo Xarunta Madaxtooyada Qaranka

Waxaa maalintii labaad galay shirka Golaha wadatashiga Qaran oo dhaxeeya Madaxda Dowladda Federaalka iyo dowlad xubnaha ka ah iyo Maamulka Gobolka Banaadir, kaas oo shalay ka furmay Xarunta Madaxtooyada ee Villa Soomaaliya.

Shirka ayaa maalintii koowaad waxaa  diirada lagu saaray arrimo ay kamid yihiin, federaaleynta, garsoorka iyo asteynta awoodaha heer Federaal iyo heer dowlad-Goboleed, arrinkan oo qeyb ka ah dhammeystirka fulinta qodobbadii warmurtiyeedkii ka soo baxay Shirkii Madasha Qaranka 3-aad ee ku soo gaba-gaboobay Muqdisho 12-kii Sebteembar.

Maalinta labaad ee shirka ayaa waxaa looga hadlayaa xaaladda amniga dalka, gaar ahaan dagaalka ka dhanka ah khawaarijta  oo Ciidamada Xoogga dalka ay ka soo hoyeen guulo waaweyn, kana xoreeyeen deeganno badan oo ay horey ugu sugnaayeen.

Geba-gabada Shirka Golaha wadatashiga Qaran ayaa la filayaa inay kasoo saran warmurtiyeed ku saabsan waxyaabihii ay ku heshiiyeen madaxda ka qeybgaleyso shirka.

Tirooyinka Khawaarijta isku soo dhiibaya dowladda oo sii kordhaya (WARBIXIN)

Tan iyo intii dagaalka adag lagu qaaday Kooxda Khawaarijta ah ee Shabaab, meel kastana lagu jabiyay ayaa waxaa soo kordhay maalinta maalinta ka dambeysa Maleeshiyaad iyo Horjoogayaal ka tirsan Kooxdaasi, iyagoo u adkeysan waayay weerarada joogtada ah iyo duqeymaha meel kasta lagula beegsanaayo, kadib ayay goosteen inay isa soo dhiibaan, gacanta Dowladdana soo galaan.

Balse waxaa xusid mudan in xabsiga loo taxaabay odayaal dhaqameed aaday kooxda Khawaarijta ah, si ay ula macaamilaan, kalana hadlaan arrimo quseeya beelaha ay ka soo jeedaan, taasi oo ka hor imaaneysa amarka Madaxweynaha JFS ee ahaa in aan lala macaamili karin kooxdaasi, waxayna Ciidamada Ammaanka Galmudug ay xabsiga dhigeen odayaal dhawaan Saxaafadda kula hadlay magaalada Cadaado, kuwaas oo ka soo laabtay deegaannada Khawaarijtu haysato ee Degmada Xarardheere oo ka tirsan Gobolka Galmudug.

Odoyaashaasi ayaa waxaa ka hadlay Guddoomiyaha degmada Cadaado Faarax Diiriye Warsame, kaasi oo sheegay in odayaasha maanta hadlay ay yihiin dambiilayaal lagana qaadi doono tallaabo.

Sidoo kale, waxaa xariga Odoyaashaasi ka hadlay Taliyaha qeybta 21-aad ee Ciidamada Xoogga dalka Gaashaanle sare Xasan Maxamed Abuukar ( Jaamici), ayaa warbaahinta u xaqiijiyay in odayaashan la xiray loona gudbiyay magaalada Dhuusamareeb, si sharciga loo marsiiyo, wuxuuna sii raaciyay “ Cidna lagama aqbalaayo in Khawaarijta la macaamisho,”, waxaana jirta in Dowladda Federaalka ay horay amar ugu bixisay inaan lala macaamili karin kooxda Khawaarijta ah ee Al-Shabaab oo hadda gabalkooda sii dhacayo.

Dhinaca kale waxaa sii laba kacaaya iso soo dhiibidda gacanta Dowladda ay isu soo dhiibayaan Maleeshiyaad ka tirsanaa Kooxda Argagixsada ah ee Khawaarijta gacanta Dowladda, arrintaan iyada ah waxaa ka dhashay in ay tiro dhallinyaro ah ka soo baxaan kooxdan kadib markii ay arkeen in aysan diin aheyn waxa ay ka shaqeenayaan, dadka shacabka ay leynayaan iyo sida ay u burburinayaan hantida iyo guryaha dadka masaakiinta ah, kaas oo jab weyn ku noqday kooxda Khawaarijta ah.

Xubno ka tirsanaa Khawaarijta Al-shabaab ayaa isu soo dhiibay Ciidanka Dowladda ee ku sugan deegaanka Ceel Baraf oo ka tirsan gobolka Shabeellada dhexe, Xubnahaasi khawaarijta ee isu soo dhiibay ciidanka waxaa kamid ahaa Maxamed C/Laahi Xasan bataati , Nur Xaamud Sheekh Eybakar, C/Raxmaan jiinoow Dheere, Maxamed Cismaan iyo Maxamed Cali Xuseen, iyadoo dhowrkaasi qof ee isu soo dhiibay ciidanka ay sheegeen in ay u qaabilsanaayeen Habka qadidda badda ee loo yaqaanno sakawaatka beeraha, heshiisiinta dadka iyo farsameynta baabuurta, waxaana Sarkaal ka mid ah ciidanka uu sheegay in dadkaasi ay ku yimadeen rabitaankooda,wuxuuna ka dalbaday dadka ku maqan gacanta khawaarijta in ay ku soo biiraan shacabka walaalahooda ah.

Waxaa kaloo jira Saciid Xuseen Raage oo ka tirsanaa Nabadoonadii la shaqeyn jiray Khawaarijta Al-shabaab ee aagga deegaanka Masaajid Cali-Gaduud illaa deegaanka Guulane ayaa maanta isku soo dhiibay ciidamada qaranka iyo kuwa dib u xoreynta ee ku sugan degaanka Furqaan ee gobolka Shabeelaha Dhexe, waxaana goob jog ka ahaa goobta lagu soo bandhigay Taliyaha ciidamada Booliska Hirshabeelle Col. Xasan Dhicisow, saraakiil ciidan iyo agaasimaha waaxda canshuuraha ee wasaaradda Maaliyadda xukuumadda federaalka Soomaaliya.

Nuur Macalin Abuukar Calasow ayaa kamid ahaa Khawaarijta Al-shabaab isku soo dhiibay Ciidamada Qaranka iyo kuwa deegaanka ee ku sugan deegaanka Furqaan ee hoosyimaada Degmada Aadan Yabaal ee Gobolka Shabeelada dhexe, iuyadoo Goobta lagu soo bandhigayey Khawaarijkan waxaa ku sugnaa Taliyaha Ciidamada Dhulka Xoogga Dalka Jeneraal Maxamed Tahliil Biixi,Agaasimaha Waaxda Canshuuraha ee Wasaarada Maaliyadda Muxudiin Xasan Juris,Taliyaha Guutada 17aad ee Gorgor Dayax Cabdi Cabdullaahi,Taliyaha Booliska Hiirshabelle Xasan Dhicisow,Jeneraal Ibraahin Yuusuf iyo Masuuliyiin Kale.

Nuur oo muddo ka tirsaanaa Kooxdaan, ayaa loo soo gudbiyey Magaalada Muqdisho.waxaana muddooyinkaan dambe soo badanaayay inay koox Dhallinyaraddii ay khaldeen Khawaarijta waqtigooda dhammaaday oo iskaga soo tagaya meelaha yar ee ku dhuumaalaysanayaan.

Haddaba waxaa jirta fursad wali u harsan dhallinyarada wali ku harsan gacanta Kooxda Khawaarijta ah, inay ka faaideystaan fursadaan, waxaana jiri doonta mar aan laga aqbali doonin, ee war hooy inata uusan dabrbiga dumaayaa ku waxyeeleyn ka soo tag kooxdaasi oo ka faaideyso fursadaan dahabiga ah.