Madaxweynaha Hirshabeelle oo la kulmay Danjire Anita Kiki Gbeho

Madaxweynaha maamulka Hirshabeelle Mudane Cali Guudlaawe Xuseen ayaa maanta magaalada Muqdisho kulan kula qaatay Ku-xigeenka Ergeyga Qaramada Midoobey ee Soomaaliya Danjire Anita Kiki Gbeho.

Madaxweynaha iyo Danjire Anita Kiki Gbeho, ayaa ka wadahadlay xaaladaha guud ee Hirshabeelle gaar ahaan howlgallada ka dhanka ah Khawaarijta ee ka socda deegaanada maamulkaas.

Madaxweynaha ayaa sheegay in shacabka iyo maamulka oo iskaashanaya ay cadowga ka xorreeyeen deegaanno iyo degmooyin ay Khawaarijta ku dhibaateen jireen shacabka Soomaaliyeed, isagoo xusay in guulaha laga gaaray dagaalada lagula jiro cadowga ay kamid yihiin in maanta ay isu furan yihiin isu socodka magaalooyinka Muqdisho, Jowhar, Aadan-yabaal, Ruunirgood, Matabaan, Maxaas iyo Beledweyne oo dhowr iyo toban sano go’doon ku jiray.

Madaxweyne Guudlaawe ayaa tilmaamay in dhammaan deegaanada laga xorreeyay argagixisada laga fulin doono barnaamijyada xasillinta si ay bulshada u hesho adeegyada muhiimka ah.

Sidee Khawaarijtu u dileen Shahiid Hibaad Cali Dasar?(Warbixin)

Halgamaa Hibaad Cali Dasar ayaa shihiiday isaga oo kor yeelaya sharafta ummadda Soomaaliyeed iyo qiimaha Diinteenna Suubban, wuxuuna halganka ka dhanka ah Khawaarijta u istaagay ka dib markii Khaawrijtu ay dadka deggan deegaanka Guulane guryahooda uga kireeyeen Lacag badan oo aysan awoodin.

Alle ha u naxariisto Hibaad Cali Dasar oo ahaa hoggaamiyihii dad iska abaabulay degaanno hoos yimaadda degmooyinka Cadale iyo Aadan-Yabaal ee gobolka Shabeellaha Dhexe, bilaabayna dagaalka ka dhanka ah kooxda naflacaariga ah ee Al-shabaab ayaa ku geeriyooday dagaal ay Khawaarijta kula galeen deegaanka Guulane bishii October 1,2018, kaas oo Kooxda looga dilay maleeshiyaad iyo horjoogayaal badan.

Dad badan oo isugu yimid deegaanka Masaajid Cali Guduud iyo deegaanada hoos yimaado, ayaa xusay halgankii guuleystay ee furaha ay u ahaayeen shihiid Hibaad iyo halyeey Nuur Cali Jumbur, kuwaas oo taariikhda ka galay baal dahab ah.

Maxamuud Taakoow wuxuu ka mid yahay saaxiibada Hibaad Cali Dasar, sidoo kale, aqoon durugsan u leh Nuur Cali Jumbur, wuxuuna ka warramay taariikhda labadan halyeey sida uu ku bilowday go’aankan loo aayay ee Hibaad & Jumbur.

“ Mucawiisley waxaan aas-aasnay 2014, dagaalkana waxaan bilownay 2016-kii, waxayna ku shihiideen meel la yiraahdo Buur-dacar, raggii ugu horeeyay ee ku dhawaaqay dagaalka xaq u dirirka ah ayey kow ka ahaayeen,” ayuu yiri Mr. Taakoow.

Arxaan-laawayaasha ayaa Qoorta ka jaray ka dibna madaxiisa ayay ku soo wareejiyeen magaalooyin badan si ay dadka ugu cabsi galiyaan, warbaahinta qaranka ayaa dul istaagtay ceelkii Khawaarintu ku rideen Hibaad Cali Dasar Aabihii halganka gobalka Shabeellaha Dhexe.

Ra’iisul Wasaaraha xukuumadda Federaalka Soomaaliya Mudane Xamse Cabdi Barre oo dhowaan ka hadlay munaasabad loogu duceynayay shihiid Hibaad Cali Dasar iyo shuhado kale ayaa sheegay in halgamaa Hibaad uu shahiiday isagoo kor yeelaya sharafta ummadeenna iyo qiimaha diinteenna suubban iyo dagaalka xaqa ah ee lagula jiro Khawaarijta.

“Runtii Waxay meel sare kaga qoran yihiin halganka jihaadka ah ee ummadeennu kula jirto khawaarijta oo muddo kooban gudahood aan dalka kaga xoreyn doono innaga oo kaashanayna shacabkeenna sharafta leh,” ayuu yiri Ra’iisal wasaare Xamsa.

Hibaad Cali Dasar oo hoggaaminayey ciidamada dib u xoreynta Shabeellaha Dhexe ayaa waxaa la geeriyooday haglamaa kale oo lagu magacaabo Nuur Cali Jumbur, labadan muwaadin iyo kuwo kale oo badan waxay naftooda iyo maalkooda u hureen difaaca dadka, dalka iyo Diinteenna Suubban oo ay si qaldan u fasireen Khawaarijtu.

Alle ha u naxariistee, Halgamaa Hibaad Cali Dasar oo sabab u ahaa in ay dadka deegaanka hubka qaataan lana dagaalamaan Khawaarijta ayaa hadda waxaa mira-dhal noqday ujeedka halgankoodii, waxayna dadka deegaanka oo kaashanaya ciidamada xoogga dalka ku dhiiradeen in ay dagaalamaan oo ay deegaano badan ka saaraan argagixisada.

Waxaa isbeddel dhanka nolosha ah laga dareemayaa deegaanadii halganka uu ku bilowday ee gobolka Shabeellaha dhexe, sidoo kale, waxaa rumowday riyadii uu la god galay halgamaa Hibaad Cali Dasar iyo muwaadiniintii kale ee ka bar bar dagaalamayay, iyadoo ciidamada xoogga dalka oo kaashanaya dadka deegaanka ku guuleysteen in ay maleeshiyada Al-shabaab ka tir-tiraan gobolka Shabeellaha dhexe.

Deegaanka Guulane, oo ah halka uu halganka ka bilaabay shihiid Hibaad Cali Dasar, waxay 50 KM u jira degmada Aadan Yabaal ee Gobolka Shabeellada Dhexe, maanta waxaa laga darreemaya nabad iyo in dib ay u soo laabatay horumarka iyo noloshii bulshada.

SONNA

Kooxda Khawaarijta Al-shabaab ayaa duugay Ceel biyood deegaanka Aboocow oo hoostaga N0-50 ee gobolka Shabeellaha hoose.

Khawaarijta ayaa tallaabadan foosha xun qaadday ka dib markii dadka deegaanku ay u hoggaansami waayeen amarro qaldan oo ka soo baxay kooxda.

Guddoomiyaha deegaanka N0.50, Maxamed Maxamuud Abuukar oo la hadlay warbaahinta qaranka ayaa sheegay argagixisadu in ay bilaabeen burburinta goobihii ay shacabku ku noolaayeen iyagoo ku ciqaabaya duugidda iyo gubidda ceelashii biyaha ay ka cabayeen.

“ Dadka deegaanku markaad kor ka fiirso dad colaad dheer soo maray in ay yihiin indhahooda ayaa ka dareemeysaa, 7 sano ayay dagaal ku soo jireen, Barakac iyo dhibaatooyin kale ayay la soo kulmeen,” ayuu yiri guddoomiyuhu.

Dadka deegaanka Aboocow ayaa sheegay in arrintan ay tusaale cad u tahay dhaqamada foosha xun ee Khawaarijtu kula kacayaan dadka masaakiinta ah ee la daala dhacaya abaarta iyo colaadda isbiirsaday.

Dad badan oo ku tiirsanaa Ceel biyoodka ay bur buriyeen arxan-laawayaasha Al-shabaab ayaa soo maciin biday deegaanka N0-50, halkaas oo ay soo dhoweyn wanaagsan ka heleen.

Kooxda Khawaarijta Al-shabaab ayaa duugay Ceel biyood ku yaallo Aboocow oo hoostaga deegaanka N0-50 ee gobolka Shabeellaha hoose.

Khawaarijta ayaa tallaabadan foosha xun qaadday ka dib markii dadka deegaanku ay u hoggaansami waayeen amarro qaldan oo ka soo baxay kooxda.

Guddoomiyaha deegaanka N0.50, Maxamed Maxamuud Abuukar oo la hadlay warbaahinta qaranka ayaa sheegay argagixisadu in ay bilaabeen burburinta goobihii ay shacabku ku noolaayeen iyagoo ku ciqaabaya duugidda iyo gubidda ceelashii biyaha ay ka cabayeen.

“ Dadka deegaanku markaad kor ka fiirso dad colaad dheer soo maray in ay yihiin indhahooda ayaa ka dareemeysaa, 7 sano ayay dagaal ku soo jireen, Barakac iyo dhibaatooyin kale ayay la soo kulmeen,” ayuu yiri guddoomiyuhu.

Dadka deegaanka Aboocow ayaa sheegay in arrintan ay tusaale cad u tahay dhaqamada foosha xun ee Khawaarijtu kula kacayaan dadka masaakiinta ah ee la daala dhacaya abaarta iyo colaadda isbiirsaday.

Dad badan oo ku tiirsanaa Ceel biyoodka ay bur buriyeen arxan-laawayaasha Al-shabaab ayaa soo maciin biday deegaanka N0-50, halkaas oo ay soo dhoweyn wanaagsan ka heleen.

 

Guddoomiyaha Hay’adda Maareynta Musiibooyinka Qaranka oo kulan la qaatay madaxda Bisha cas ee Turkiga

Guddoomiyaha Hay’adda Maareynta Musiibooyinka Qaranka Mudane Maxamuud macalin Cabdulle oo maalmahan safar shaqo ku joogo dalka Turkiga ayaa kulan la qaatay madaxdada ugu sareyso ee Bisha Cas ee dalka Turkiga

Kulankan oo ka dhacay xarunta dhexe ay Bisha Cas Turkiga ku leedahay magaalada Ankara ee caasimadda dalka Turkiga, ayaa waxaa Guddoomiyaha Hay’adda Maareynta Musiibooyinka Qaranka iyo wafdigiisa kusoo dhaweeyay Mudane Alper Kucuk oo ah Agaasimaha guud arrimaha caalamiga ee Bisha cas Turkiga

Guddoomiyaha Hay’adda Maareynta Musiibooyinka Mudane maxamuud macalin cabdulle ayaa ugu horeyn ka mahadceliyay soo dhaweynta sareysa ee loo sameeyay asiga wafdigiisa maalmaha ay joogeen dalka Turkiga waxaa sidoo kale kaga mahadceliyay Guud ahaan shacabka Turkiga iyo gaar ahaan Bisha Cas garab istaaga shacabka Soomaaliyeed Marxaladahii adkaa,

Mudane Alper Kucuk Agaasimaha guud ee arrimaha caalamiga Bisha cas Turkiga Ayaa u sheegay Wafdiga Hay’adda Maareynta musiibooyinka in ay Bisha cas Turkiga diyaar u tahay in ay si dhow ula shaqeeyso, asigoo u balan qaaday in ay ka tageeri doonaan arrimaha gurmadka deg deg oo ay Bisha cas Turkiga khibrad dheer u leedahay

Wafdiga Hay’adda Maareynta Musiibooyinka Qaranka oo uu hoggaaminaayo Guddoomiyaha Hay’adda mudane Maxamuud macalin, ayaa ku sugan dalka Turkiga oo ay casuumaad rasmi ka haleen waxaa ayna la kulmi doonaan guud ahaan Hay’adda Turkiga ee ka shaqeeyo arrimaha bini’aadannimada.

Q.M oo Maxkamadda Cadaaladda ugu baaqay inay wax ka qabato xadgudubyada ka dhanka ah shacabka Falastiin

Golaha loo dhan yahay ee Qaramada Midoobay ayaa Jimcihii, meel mariyay qaraar Maxkamadda cadaaladda ugu baaqaya inay tixgeliso arrinka ku saabsan gaboodfalada Israa’iil ay ka wado dhulka reer Falastiin.

Qaraarka ayaa sidoo kale Israa’iil ugu baaqaya in ay joojiso hawlaha degaameeynta ee ay ka waddo dhulka falastiin, inkastoo Golaha loo dhan yahay uusan laheen meel marinta go’aankan.

Meel marinta Qaraarkan ayaa waxaa golaaday 87 dal, 26 ayaa diiday, halka 53 kalana ay ka aamuseen, sidokale dalalka reer galbeedka ayaa ku kala qeybsameen arrintan, inkastoo dhamaan dalalka Carabta ay cod aqlabiyad ah ku ansixiyeen qaraarkan.

Dalalka Mareykanka, UK iyo Jarmalka ayaa ka soo horjeestay meelmarinta qaraarkan, halka Faransiiska uu ka aamusay.

Qoraalka ka soo baxay Qaramada Midoobay ayaa ugu baaqay Maxkamadda Caalamiga ah ee fadhigeedu yahay magaalada Hague, inay go’aamiso waxa ka dhalan karo xadgudubka iyo gabood falka joogtada ah ee ciidamada Israa’iil ay ku hayaan Shacabka Falastiiniyiinta.

Ergayga Falastiiniyiinta ee Qaramada Midoobay, Riyaad Mansuur, ayaa sheegay in codbixinta ay fariin u dirtay Netanyahu, isagoo ammaanay waddamada ka dhiidhiyay dhibateeynta shacabka Falastiin ee qaraarkan meel mariyay.

Dowladda Soomaaliya iyo dowladda Jabuuti oo yeeshay wada xaajood ku saabsan xariirka labada dal

Madaxweynaha Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya Mudane Xasan Sheekh Maxamuud iyo dhiggiisa dalka Jabuuti oo ay wehelinayaan Wasiirro iyo masuuliyiin ka tirsan Labada dal ayaa yeeshay wada-xaajoodyo ku saabsan xiriirka Soomaaliya iyo Jabuuti, qiimeynta hannaanka iskaashiga soo jireenka ah ee labada dal iyo sidii loo sii horumarin lahaa.

Labada Madaxweyne oo shir-saxaafadeed wada qabtay kulanka kaddib, ayaa adkeeyey midnimada iyo walaalnimada ka dhaxeysa labada shacab, iyadoo Madaxweyne Xasan Sheekh uu uga mahadceliyey Madaxweyne Ismaaciil Cumar Geelle, dowladda iyo shacabka Jabuuti sida ay u garab istaageen walaalahooda Soomaaliya, xilligii ay u baahdeen shacab iyo dowlad ahaanba.

Dhankiisa, Madaxweyne Ismaaciil Cumar Geelle ayaa uga mahadceliyey Madaxweynaha, dowladda iyo shacabka Soomaaliyeed soo dhaweynta walaalnimada leh ee ay u muujiyeen isaga iyo wafdigiisa, waxa uuna xusay in uu ajiibay martiqaad uu u fidiyey walaalkiis Madaxweyne Xasan Sheekh Maxamuud si uu markhaanti uga noqdo guulaha laga gaaray howlgallada dib u xoreynta deegaannada ay ku dhuumaaleysanayeen khawaarijta Alshabaab.

Shirka labada dowladood, waxaa Madaxweyneyaasha ku wehelinayey, dhanka Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya; Wasiirka Arrimaha Dibadda Xukuumadda Federaalka Soomaaliya Mudane Abshir Cumar Jaamac, Wasiirka Warfaafinta iyo Dhaqanka Mudane Daa’ud Aweys Jaamac, Wasiiru Dowlaha Madaxtooyada Mudane Mudane Abshir Maxamed Axmed iyo Agaasimaha Guud ee Madaxtooyada Mudane Xuseen Sheekh Maxamuud.

Halka dhanka Jabuuti ay ku matalayeen; Wasiirka Arimaha Dibadda iyo Iskaashiga Caalamka Mudane Maxamuud Cali Yuusuf, Wasiirka Dhaqanka iyo Dhallinyarada Marwo Hibo Muumin Casaawe, LaTaliyaha Arrimaha Dhaqanka Mudane Aadan Xasan Aadan, Siihayaha Safaarada Jabuuti ee Soomaaliya Mudane Maxamed Ibraahim Yuusuf iyo Danjire Dayib Dubad Rooble.

         

Wasaaradda Batroolka XFS” Waxay si dhow ula socotaa howlgalka sharci darrada ah ee la doonayo in Shidaal looga baaro Gobollada Waqooyi”

War-saxaafadeed kasoo baxay Wasaaradda Batroolka & Macdanta ee Xukuumadda Federaalka Soomaaliya ayaa lagu sheegay inay wasaaradda si dhow ula socoto howl-galka sharci darrada ah ee la doonayo in Shidaalka looga baaro Gobollada Waqooyi ee Soomaaliya ee loo yaqaano Somaliland, taas oo ay fulineyso shirkad lagu magacaabo Genel Energy PLC oo sheegtay in ay fasax u heysato baarista iyo ka faa’ideysiga kheyraadka batroolka ee Soomaaliya.

Qoraalka wasaaradda ayaa sidoo kale lagu lagu sheegay in Dowladda Federaalka ah ee Soomaaliya ay si cad u diidday sheegashada Genel Energy PLC ee ah in ay leedahay sharci ay batroolka ama shidalka uga baarto gobollada Waqooyi ee Soomaaliya, waxayna ugu baaqday shirkadda Genel Energy PLC inay joojiso sheegashada sharci darrada ah ee ay ku leedahay xuquuqdeeda batroolka iyo inay fuliso hawlgal shidaal oo xadgudub ku ah madax bannaanida, dhuleed, iyo midnimada Soomaaliya. .

Mudanayaasha labada Aqal ee BJFS oo maanta ansixiyay Miisaaniyadda sanadka 2023-ka

Xildhibaannada labada Aqal ee Baarlamaanka Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya  ayaa kulan maanta ku yesheen Magaalada Muqdisho ku ansixiyay miisaaniyadda 2023,waxana ogolaatay 172 mudane Hal xildhibaan ayaa ka aamusay

Wasiirka Maaliyadda Xukuumadda Federaalka Soomaaliya Dr Cilmi M.Nur ayaa
ugu mahadceliyay Mudaneyaasha labada Aqal ee Baarlamaanka Federaalka Soomaaliya sida ay u la shaqeeyeen Wasaaradda Maaliyadda iyo meel-marinta Miisaaniyadda Dowladda ee 2023-ka.

‘In kastoo ay jiraan caqabado badan oo aan la kulannay dal ahaan oo ay ugu wacan tahay hoos u dhaca dhaqaalaha adduunka iyo dagaalka ka aan kula jirno argagixisada, haddana waxa naga go’an dib-u-habeynta dhaqaalaha iyo kor u qaadidda dakhliga gudaha dalka oo aad muhiim ugu ah Dowladda Soomaaliya.’Sidaa waxa yiri wasiirka Maalliyada Dr Cilmi

 

Madaxweynaha JFS oo dhiggiisa Jabuuti ku soo dhaweeyay garoonka Aadan Cadde ee Muqdisho

Madaxweynaha Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya Mudane Xasan Sheekh ayaa garoonka diyaaradaha Aaden Cadde ku soo dhaweeyay wafdi ballaaran oo uu hoggaaminayo Madaxweynaha Jamhuuriyadda aynu walaalaha nahay ee Jabuuti mudane Ismaaciil Cumar Geelle.

Sidoo kale waxaa soo dhaweynta Wafdiga qeyb ka ahaa ra’iisul wasaare Xamse Cabdi Barre iyo kuxigeenkiisa, qaar kamid ah madaxda dowlad Gobolleedyada, xubno ka tirsan labada Golle ee dowladda, saraakiil ciidan iyo dadweyne fara badan.

Mudane Ismaaciil Cumar Geelle oo booqasho rasmi ah uga bilaatay maanta Muqdisho ayaa lagu wadaa in kulammo la qaato madaxda Qaranka, isagoo sidoo kale xarigga ka jiri doono xarunta Akadeemiye-Goboleedka Af-Soomaaliga (AGA).

Xiriirka soo jireenka ee dowladaha Soomaaliya iyo Jabuuti waa mid dhiig iyo dhaqan wadaag ah oo aan marnaba go’i kareyn.

Guddigga Arrimaha Dibada ee Golaha Shacabka oo kulan la qaatay Wasiirka Arrimaha Dibadda Soomaaliya

Guddigga Arrimaha Dibada ee Golaha Shacabka BJFS ayaa kulan la yeeshay wasiirka Arrimaha Dibadda iyo Iskaashiga Caalamiga Abshir Cumar Jaamac Haruuse.

Kulanka waxaa shir guddoominaayay Guddoomiyaha Guddigga Arrimaha Dibadda Xildhibaan Cabdulaahi Bidhaan Warsame,Waxana xubnaha Guddiga iyo wasiirku ka wada hadleen saddex qodob oo kala ah.

1: Xoojinta wadashaqeynta Guddiga iyo Wasaaradda.

2: soo gudbinta qorsho howleedka Wasaaradda.

Xubnaha guddigga ayaa su,aalo la xarriiro shaqada wasaaradda weydiiyay wasiir Abshir Cumar Jaamac Haruuse Oo uu waheliyo Wasiir kuxigeenka Wasaaradda Xildhibaan Isaaq Fanax, Xoghaye Joogtada Wasaaradda iyo Howlwadeeno ka ssocday Wasaaradda

Wasiirka ayaana ka jawaabay dhamaaan su’aalihii ay weydiiyeen xubnaha guddigga Arrimaha Dibadda,waxana kulanka guddiga iyo wasaaradda uu kusoo dhamaaday is afgarad iyo in ay dhex marto wada shaqeyn buuxda.