Generaal Biixi oo ka hadlay halka ay marayaan howlgalada ka dhanka ah Khawaarijta

Taliyaha ciidanka dhulka xoogga dalka Generaal Maxamed Tahliil Biixi oo goob fagaar ah kula hadlayay Cutubyo katirsan ciidanka xoogga iyo kuwa degaanka ayaa ka warbixiyay halka ay marayaan howlgallada ka dhanka ah khawaaarijta ee ka socota dalka.

Taliyaha, ayaa sheegay in meel wanaagsan ay marayaan howlgallaadasi lana sii laba jibbaari doono dagaalka lagula jiro khawaarijta, isagoona tilmaamay in ciidamada lagu soo tababaray Eritrea qeyb ka mid ah dhawaan soo gaareen dalka ayna qeyb ka noqon doonnaan howlgallada socda si khawaarijta looga ciribtiro guud ahaan dalka.

”Ciidankii tababarka ku maqnaa Xooggiisu dalka ayuu soo gaaray, dagaalka Khawaarijta ayuu ka qeyb galayaa waxaa la soo baray si cadawga loola dagaalamo wayna idinla howlgalaayaan dhawaan,” ayuu yiri taliye Biixi

Generaal Biixi, ayaa sidoo kale, ciidamada kula dar-daarmay in ay wanaajiyaan hab-dhaqankooda iyo tan bulshada, qof walbana lagu abaal marin doono sida ay uga qeyb qaadato dagaalka dalka looga ciribtirayo khawaarijta Al-shabaab.

Kooxada khawaarjita ayaa hadda mareysa meeshii ugu dambeysay bur-burkooda kadib markii dhexdooda katafatay, taas oo muujineyso dhammaadka kooxdan.

Ra’iisal wasaare Xamsa” Waa lagama maarmaan in dib u qiimeyn lagu sameeyo Shaqaalaha dowladda”.”

Ra’iisal wasaaraha xukuumadda federaalka Soomaaliya Mudane Xamsa Cabdi Barre ayaa faray agaasimayaasha guud in ay si daacad ah oo fir fircoon u hoggaamiyaan shaqaalaha si ay u gutaan waajibaadka qaran ee saran.

Mudane Xamsa ayaa sheegay in loo baahan yahay in shaqaalaha ay soo xaadiraan shaqada, gutaan waajibaadka saaran loona fududeeyaa agabka iyo goobta uu ku shaqeynayo si ay tusaale ugu noqdaan shaqaalaha kale ee dowladda maadaama ay matalayaan, isla markaana ay muraayad u yihiin inta kale.

“ Waxaan rajeyneynaa in ay agaasimeyaasha ku hoggaamiyaan shaqaalaha si fir-fircoon oo daacad ah, shaqaalaheenna waa ay fiican yihiin, laakiin qofka haddii aan shaqo loo dirin, waxaan rabnaa in shaqo loo diro qofka,” ayuu yiri Ra’iisal wasaare Xamsa.

Ra’iisul Wasaare Xamse ayaa horay gaasimeyaasha wasaarradaha amar ku siiyay in meesha laga saaro shaqaalaha aan soo shaqo tagin ee mushaharaadka qaato.

Hadalkan ayuu Ra’iisal wasaaraha Soomaaliya ka sheegay munaasabad lagu abaalmarinayay qaar ka mid ah shaqaalaha xafiiska Ra’iisal wasaaraha, kuwaas oo si daacad ah uga soo baxay shaqadii loo xil saaray.

Dagaal ka dhex qarxay Khawaarijta

Ku dhowaad 10 ka tirsan Khawaarijta Al-Shabaab ayaa ku geeriyootay dagaal ka dhex qarxay Khawaarijta dhexdooda oo ka dhacay degmada Xarardheere ee gobalka Mudug

Dagaalka ayaa wuxuu ka danbeeyay ka dib markii maleeshiyaad ku dhow horjoogaha lagu magacaabo Muxudiin Daqare ay magaalada dhinac uga baxeen, ayagoo ka gadoodsan horjoogayaal kale oo jooga magaalada, waxaana ay isku dayayeen in ay ka goostaan dhulka ay Khawaarijtu joogaan.

Horjooge lagu magacaabo Nuunaale oo la sheegay inuu yahay horjoogaha haysta kooxda ay ugu yeeraan Jabhadda ayaa la sheegay inuu amray in xoog lagu hor istaago maleeshiyaadka Khawaarijta ee baxsadka ahaa, waxaana intaasi ka dib qarxay dagaal socday mudo saacad ah oo labada dhinac ee Khawaarijta uu khasaaro dhimasho iyo dhaawac ahba uu ka soo gaaray.

Qof ka mid ah dadka deegaanka oo la hadlay Wakaaladda SONNA ayaa u sheegay inuu arkay maleeshiyaad ku geeriyooday dagaalka, kuwa ku dhaawacmay dagaalka iyo maleeshiyaad la qabtay.

Ilo xog ogaal ah ayaa Warbaahinta Qaranka u sheegay dagaalka markii uu dhacay ka dib in Khawaarijtu amaro cusub ay ku soo rogeen maleeshiyada iyo Horjoogayaasha Khawaarijta ah ee jooga magaalada Xarardheere iyo deegaano kale oo ka tirsan Galmudug, amaradaasna waxaa ka mid ah:-

1.In Gaadiidka nooc kasta oo ay haystaan khawaarijta aanan laga dhaqaajin karin halka uu yaalo, ilaa amar danbe, ayagoo ka baqdin qaba in Gawaarida ay haystaan lala goosto.

2.In Maleeshiyo iyo Horjooge kasta oo Khawaarij ah halka lagu ogyahay uusan ka tagi Karin, ayagoo kala ilaalinaya in horjoogayaasha inay isku gudbaan maadaama qaar laga shakisanyahay.

Wararka ka imaanaya Xarardheere ayaa sheegaya in dagaalkaan uu dareen ka dhex abuuray magaalada madaama Horjoogayaasha maleeshiyaadka Khawaarijta ah ee dagaalamay ay labaduba ka soo jeedaan deegaan ahaan gobalka Mudug.

Tan iyo markii ciidanka Qaranka iyo Geesiyaasha shacabka Soomaaliyeed ay u kaceen inay iska dulqaadaan Khawaarijta dooxatada iyo dhiig miiratada ah, lagana saaray in ka badan 50 magaalo ayaa wuxuu wal wal iyo walaac xoogan soo wajahay horjoogayaasha khawaarijta ah.

Madaxweyne Xasan Sheekh oo ka tacsiyeeyay geerida Sheekh Ismaaciil Maxamuud Cigaal

Madaxweynaha Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya Mudane Xasan Sheekh Maxamuud ayaa tacsi tiiranyo leh u diray qoyska, qaraabada, culumaa’udiinka iyo dhammaan ummada Soomaaliyeed ee uu ka geeriyooday Sheekh Ismaaciil Maxamuud Cigaal.

Madaxweynaha ayaa xusay in Sheekhu ahaa daaci weyn oo lafdhabar u ahaa fidinta diinta islaamka iyo ilaalinta caqiidada suubban ee ummadda Soomaaliyeed, isaga oo Alle uga rajeeyay in hoygiisa ka yeelo Janatul Firdosa.

“Innaa Lillaahi Wa Innaa Ilayhi Raajicuun. Waxaan ka tacsiyaynayaa geerida Alle ha u naxariistee Sheekh Ismaaciil Maxamuud Cigaal. Sheekhu waxa uu ahaa daaci weyn oo noloshiisa inta badan ku bixiyay fidinta diinta islaamka.”

Ra’iisul Wasaaraha XFS oo abaalmarin guddoonsiiyay qaar ka mid ah shaqaalaha xafiiskiisa

Ra’iisul Wasaaraha Xukuumadda Federaalka Soomaaliya Mudane Hamza Abdi Barre ayaa galabta abaalmarin guddoonsiiyay qaar ka mid ah shaqaalaha xafiiska oo ku muteystay shaqo wanaagga ay muujiyeen intii lagu guda jiray sanadka dhammaanaya ee 2022.
Munaasbadda ayaa waxa ka soo qaybgalay, Ra’iisul Wasaare Ku xigeenka, Wasiirka Shaqada iyo Arrimaha Bulshada, Wasiiru Dowlaha XRW, Xoghayaha Joogtada Xafiiska, Agaasimeyaasha Waaxyaha, masuuliyiin kale, shaqaalaha xafiiska Ra’iisul Wasaaraha iyo marti sharaf.

 

Madaxweyne Xasan Sheekh oo saxiixay Sharciga Miisaaniyadda Dowladda ee sanadka 2023

Madaxweynaha Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya Mudane Xasan Sheekh Maxamuud ayaa saxiixay Sharciga Miisaaniyadda Dowladda ee sanadka 2023 oo Todobaadkii tagay ay ansixiyeen Baarlamaanka Federaalka Soomaaliya.
Madaxweynaha oo xusay kororka miisaaniyadda ayaa ku bogaadiyey Xukuumadda, gaar ahaan Wasaaradda Maaliyadda iyo khubarada dhaqaalaha Soomaaliyeed diyaarinta iyo jaangoynta miisaaniyad waafaqsan hiigsiga qaran ee horumarka, dib u dhiska ciidamada iyo xoreynta dalka.
Madaxweynaha Jamhuuriyadda ayaa ku boggaadiyey Mudaneyaasha Labada Aqal ee Baarlamaanka Federaalka Soomaaliya sida xilkasnimada leh ee ay u guteen waajibaadka dastuuriga ah ee kaga aaddanaa miisaaniyadda cusub ee dalka oo la kordhiyey.

Dagaal u dhaxeeya kooxda Khawaarijta oo ka dhacay deegaan hoos taga degmada Xarardheere ee gobolka Mudug

Dagaal u dhexeeya kooxda Khawaarijta ayaa ka dhacay deegaan hoos taga degmada Xarardheere ee gobolka Mudug.

Maleeshiyaad ka tirsan Khawaarijta oo ka baxsaday deegaanka Dabagalo oo doonayey inay isu dhiibaan ciidanka dowladda ayey maleeshiyo kale ku dagaalameen agagaarka magaalada Camaara ee gobolka Mudug.

Dagaalka oo socday ilaa hal saac ayaa la sheegay inay ku dhinteen ilaa 7-ka tirsan maleeshiyada.

Qof goobjooge ah ayaa SONNA u sheegay inuu arkay maleeshiyada qaar ka mid ah oo la soo xirxiray, iyaga oo gaari saaran.

Dagaalka u dhexeeya Khawaarijta ayaa ah calaamad wayn oo muujinaysa sida kooxdan argagixisada ah ay ugu jabtay dagaalada ka dhanka ah aysana sii jiri doonin.

Wasiirka Warfaafinta XFS oo xafiiskiisa ku qaabilay Wakiilka Midowga Africa iyo Hawlgalka ATMIS ee Soomaaliya

Wasiirka Warfaafinta, Dhaqanka iyo Dalxiiska ee Xukuumadda Federaalka ee Soomaaliya, Mudane Daa’uud Aweis Jaamac ayaa xafiiskiisa ku qaabilay Wakiilka Gaarka ah ee Ururka Midowga Africa iyo Hawlgalka ATMIS Ambassador Souef Mohamed El-Amine. Wasiirka iyo Wakiilka Midowga Africa ayaa ka wadahadley arrimaha ammaanka, gaar ahaan hawlgalada milateri ee ka dhanka ah Khawaarijta Al-Shabab, shirkii Golaha Wadatashiga Qaranka ee dhowaan lagu soo gabagabeeyay magaalada Muqdisho, barnaamijyada xasilinta iyo dib u heshiisiinta iyo qodobo kale.

Wasiirka ayaa uga warbixiyay Wakiilka Midowga Africa guulaha ay Ciidamada Xoogga Dalka oo kaashanaya shacabka ka soo hoyeen dagaalada lagu ciribtirayo Khawaarijta iyo barnaamijka dowladda ee baahinta hawlgalada ka dhanka ah argagixisada.

Waxaa sidoo kale uu Wasiirka uga waramey Ergeyga Midowga Africa horumarka dhanka siyaasadda ee dalku hiigsanayo iyo natiijooyinkii ka soo baxay shirkii Golaha Wadatashiga Qaranka ee Muqdisho ku dhexmarey madaxda Dowladda Federaalka Soomaaliya iyo madaxda Dowlad Goboleedyada ka jira Soomaaliya.

Wakiilka Midowga Africa ee Soomaaliya Souef El-Amine ayaa dhankiisa waxaa uu soo dhoweeyay guulaha Dowladda Soomaaliya ka soo hoyday dagaalka ka dhanka ah Al-Shabab, wadatashiyada siyaasadeed iyo dadaalada dib u heshiisiinta ee dalka ka socda.

Labada dhinac ayaa isku afgartey in la xoojiyo iskaashiga iyo wadashaqeynta ka dhexeeya Soomaaliya iyo ATMIS.

Kuuriyada Waqooyi oo markale Gantaallo ballistic ah ku garaacday Xeebaha bari ee Kuuriyada Koonfureed

Ciidanka Kuuriyada Koonfureed ayaa sheegay in Kuuriyada Waqooyi ay Sedax Gantaal oo riddada gaaban ah ku ridday Xeebaha bari ee Kuuriyada Koonfureed, maanta oo Sabti ah.

wakaaladda wararka Kuuriyada Koonfureed ee Yonhap, oo soo xiganeeysa Taliyaha guud ee ciidamada Kuuriyada Koonfureed ayaa sheegtay in 8-dii aroornimo ee saakay laga war helay tiro Gantaallo ah oo ku dhacay Xeebaha bari ee dalkaas.

Wakaaladda ayaa intaa ku dartay in maamulka sirdoonka Kuuriyada Koonfureed iyo Mareykanka ay wadaan baaritaan ku saabsan sifooyinka Gantaalladan iyo khasaarahii ay geysteen.

Inta badan Duullimaadkii diyaaradaha rayidka ayaa baaqday sababo la xariira Gantaallo kale oo laga cabsi qabo in ay ka dhacaan qeyba ka mid ah dalkaas, iyadoo Pyongyang ay dhawaan ku dhawaaqday qorshaheeda ku aaddan dib u habeeynta iyo tayeeynta difaceeda ee sanadka cusub 2023.

Madaxweynaha Hirshabeelle oo la kulmay Anita Kiki Gbeho

Madaxweynaha maamulka Hirshabeelle Mudane Cali Guudlaawe Xuseen ayaa maanta magaalada Muqdisho kulan kula qaatay Ku-xigeenka Ergeyga gaarka ah ee Qaramada Midoobey Soomaaliya Danjire Anita Kiki Gbeho.

Madaxweynaha iyo Danjire Anita Kiki Gbeho, ayaa ka wada hadlay xaaladaha guud ee Hirshabeelle gaar ahaan howlgallada ka dhanka ah Khawaarijta ee ka socda deegaanada maamulkaas.

Madaxweynaha ayaa sheegay in shacabka iyo maamulka oo iskaashanaya ay cadowga ka xorreeyeen deegaanno iyo degmooyin ay Khawaarijta ku dhibaateen jireen shacabka Soomaaliyeed, isagoo xusay in guulaha laga gaaray dagaalada lagula jiro cadowga ay kamid yihiin in maanta ay isu furan yihiin isu socodka magaalooyinka Muqdisho, Jowhar, Aadan-yabaal, Ruunirgood, Matabaan, Maxaas iyo Beledweyne oo dhowr iyo toban sano go’doon ku jiray.

Madaxweyne Guudlaawe ayaa tilmaamay in dhammaan deegaanada laga xorreeyay argagixisada laga fulin doono barnaamijyada xasillinta si ay bulshada u hesho adeegyada muhiimka ah.