Wasiir ku xigeenka Wasaaradda Awqaafta iyo arrimaha diinta XFS oo Kitaabo Qur’aanka kariimka ah ku wareejiyay M/Koofur galbeed iyo Hirshabeelle

Wasiir ku xigeenka Wasaaradda Awqaafta iyo arrimaha diinta XFS Saalax Shariif Sayid  Cali ayaa Kitaabo Qur’aanka kariimka ah  ku wareejiyay maamullada Koofur galbeed iyo Hirshabeelle.

Wasiirka ayaa shegay in Maamulada koonfur galbeed iyo Hirshabeelle ay maanta ka Daah-fureen qeybinta kitabada Qur’aanka oo gaarayo ilaa Shan iyo toban kun oo loogu talagalay in la geeyo Dugsiyada Qur’aanka iyo masaajidyada ku yaal muqdisho iyo guud ahaan gobolada dalka.

Waxa uu wasiirku timaamay in ujeedka qeybtinta kitaabadu ay tahay sidii ay wasaaraddu uga qeyb qaadan lahayd faa-finta Diinta islaamka,isagoo sheegay in kitaabadan  la garsiin doono Goobihii  khawaarijta laga xoreeyay ee baadiyaha si bulshada degaanada uga faa’ideystaan.

Wasiirka Awqaafta iyo arrimaha diinta Hirshabeelle iyo koonfur galbeed ayaa dhankood ka mahadceliyay Kitaabada ay ku wareejisay Wasaaradda Awqaafta iyo arrimaha diinta  DFS

” Kitaabada nalagu wareejiyay waxaa ay ka qeyb qaadanayaan faafinta diinta islaamka, waana ka mahadcelinay” sidaa waxa yiri wasiirradda Awqaafta Koofur galbeed iyo Hirshabeelle.

Khawaarijtu Waa Dad Sumeysan (maqaal) January 2, 2023

Tobanaan sano oo gumeysi iyo gumaad shacab ah kadib, dadki Soomaaliyeed way kaceen, waxayna isku dhaarsadeen geeri geesinimo leh, waxay iska diideen in ay goradda laaladiyaan oo gunnimo geeri ku sugaan, waxa ay garwaaqsadeen in qof walba oo Soomali ahi uu geeri ku xakumanyahay, kii dhuunta iyo kii dheeradaba. waxay gowsdanbeedka ku qabsadeen xaqa nafdaafaca  ee ay diinta suuban siisay.waxayna go’aansadeen in ay ilaashadaan daruuriyaadka shanta ah ee ay diinta islaamka ilaalisay . In ay ilaalsadaan diintooda la suurad xumeeyay,ilaashadaan naftooda sabab la’aanta lagumaadayo, ilaashadaan caqligoodan dhaqidda iyo marinhabaabinta lagu wado ilaashadaan sharafkoodan la duugay, ilaashadaan maalkooda lagu dilayo midka kale ee walaalkooda ah.

Waxaa hubka qaaday duqow iyo da’yarba, waxaana guntiga dhiisha isaga dhigay ganbooleeyda oo guubaabo iyo garab istaagba u tegay goobaha dagaalka. Waxaa dhiirradey oo ka dhiidhiyay dhiigga dadkooda ka qubanayo dhallinyaro, kuwaas oo safaf dhaadheer ugu jira kubiiridda Ciidanka Xogga Dalka, si ay dadkooda uga dhiciyaan dhiiglaawayaasha dhameeyay.. Sidoo kale, waxaa kacdoonkan codkooda ku biiriyay cullimo iyo cuqaal iyaga oo caddeeyay inuu xaq yahay dagaalka argagixisada lagula jiro.

Kacdoonkan la isaga fujinayo shlinta dhiigga dadka  jaqeysa waxaa hogaaminaya Madaxwaynaha dalka, oo geed kasta ka sheegay in argagixisada shabaab la iska dhiciyo  lana dagaalamo  dagaal dhankasta leh, waxa uuna cod adag ugu digay dadka Soomaliyeed ee cabsida ku bixiya lacagaha baadda  ah, isagoo yiri “ cudur daar aduunyo iyo mid aakhiraba ma leh  in aad Shabaab dhaqaalo siiso. In aad qariso  iyo in aad ka baqdaba. Sow lagama yaabo,  dadka lacagta dhiibayow  in dadka la laynayo ay ku jiraan walaalihiin, wiilashiinna, gabdhihiina iyo kuwa aad jeceshihiinba?!”

Dadka Soomaaliyeed iyo dowladdoodaba waxay isku dhaarsadeen geeri geesinimo leh, waxaana ku daateen dhiiigg qiima leh oo ay si naftii hurnimo ah u bixiyeen saraakiil sarsare, askar, cuqaal, da’yar iyo duqowba,kuwaas oo ka hor inta aysan dhimaman shabaab dhadhansiiyay qaraarka guuldarrada,isla markaana shacabka u  suuragaliyay in ay neefsadaan hawada xoriyadda,wuxuuna halgankoodu keenay in  lagu safro dhul aysan macaquul ahayn in horay loogu safro, iyadoo dhiigga shuhaddadu uu rajada ku soo celiyay shacab Soomaaliyeed oo hilow iyo hamuun u qabay dowladnimada, waxaa iyana rajadaas rumeeyay Madaxda dalka oo uu ugu horreeyo Madaxwaynaha, isagoo lug ku maray inta u dhaxeysa Muqdisho iyo Maxaas safarkaas oo cinwaankiisu ahaa safarka xoriyadda, dadka Maxaasna ay Madaxwaynaha ku soo dhaweeyeen dareen farxad iyo filasho leh, Dareen raynrayn iyo rejo leh.

Waxaa sidoo kale safar ku tagay Aadan yabaan Raiisulwasaare xamse, una  soo laab qaboojiyay bulshada Aadan yabaal oo ay daashadeen duruufaha ka dhashey tacadiyadii Shabaabka ee lahaa caafimmad darrada,  Waxbarasho la’aanta iyo maqnaanshaha adeegyadii aasaasiga ahaa

Raysal wasaaraha oo la hadlayay shacabka Aadan yabaal ayaa ku yiri “quluubtiinna ka saara cabsida Khawaarijta, quluubta ka saara caqiida xumadooda, Diinnta Islaamka ee saxda ah ayaa lagu dhaqi doonaa halkan e”  Dowladda iyo dadka Soomaaliyeed waxay Shabaab dhadhan siiyeen qaraarka guuldarada,  iyagoo laga laayay boqolaal dagaalamayaashooda ah, dhul aad u ballaarankna dib looga xoreeyay, iyada oo ay suuragashey in dadkaasi lala gaaro gargaar bini’aadanimo, dadkii ku noolaa deegaannada Khawaarijtu heysteen waxay garowsadeen in ay ku noolaayeen xabsi kor ka furan oo ay ugu jireen dhiig miirratada argagixisada ah.

Ugu danbeyntii  waxa ay dadka Soomaaliyeed garowsadeen in Shabaabku muuqa Soomaali ka yihiin, balse ay yihiin Soomaali sumaysan oo halis ku ah jiritaan ka Soomaalida kale.

Madaxda IMF oo sheegay in koboca dhaqaalaha dunida uu ka adkaan doono 2022-kii

Madaxda hay’adda lacagta adduunka ee IMF ayaa ka digtay in sannadkaan bilowga ah dhaqaalaha caalamka  uu ka adkaan doono  kii sanadkii hore,isla markaana dalalka Maraykanka, Midowga Yurub iyo Shiinaha ay arki doonaan kobac gaabis ah,

Agaasimaha Maamulka IMF Kristalina Georgieva ayaa sheegtay in sanadka 2023-ka uu noqon doono “sanad adag”, iyadoo saddex-meelood meel dhaqaalaha adduunka ay u badan tahay ama la filayo in uu hoos u dhaco.

Hadalkan ayaa yimid ka dib markii hey’ada IMF saadaall  2.7 ah oo ay bixisay bishii Oktoobar ee la soo dhaafay uu hoos uga dhacay 2.9 boqolkiiba saadaasha bishii Luulyo ee dhnaca koboca dhaqaalaha xilli ay jiraan xaalado xasaasi ah oo ay ku jiraan dagaalka Ukraine iyo sicirka dulsaarka ee kor u kaca.

Georgieva ayaa sheegtay in Shiinaha, oo ah dhaqaalaha labaad ee ugu weyn adduunka, ay u badan tahay inuu ka hoosmaro kobaca caalamiga ah markii ugu horreysay muddo 40 sano ah ,iyadoo intaa ku dartay in saddexda dale ee ugu  dhaqaalaha weyn  sida US, EU iyo  China, dhamaantood isku mar ay gaabin doonaan.

Guddoomiyaha Golaha Shacabka oo magacaabay Guddiga Farsamada ee shirka dib u heshiisiinta Koonfur Galbeed

Guddoomiyaha Golaha Shacabka Baarlamaanka Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya Mudane Sheekh Aadan Maxamed Nuur (Madoobe) ayaa magacaabay Guddiga Farsamada ee shirka dib u heshiisiinta Koonfur Galbeed,kaas oo la hillaadinayo in gogoshiisa la dhigo shanta bishan aynu ku guda jiro.

Guddoomiyaha Golaha Shacabka ayaa dhowaan safar uu ugu gogol xaadhayey shirka madasha dib u heshiisiinta koonfur galbeed waxa uu ku tegay qaar ka mid ah gobolada iyo degmooyinka Dowlad goboleedka Koonfur galbeed.

Madaxweynaha Jamhuuriyadda Federaalka Soomaliya Mudane Xasan Sheekh Maxamuud ayaa dhankiisa soo dhoweeyey shirka madasha dib u heshiisiinta Koonfur-galbeed isagoo ugu baaqay dhamaan dhinacyada in ay deganaan iyo tanaasul muujiyaan,sidoo kale na loo diyaar garoobo sidii gobolada iyo Degmooyinka Koonfur galbeed looga sifayn lahaa harraadiga kooxaha khawaariijta sii dabar go’aya.

Madaxweyne Xasan Sheekh oo galabta la hadli doona Shacabka Soomaaliyeed

Madaxweynaha Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya, Mudane Xasan Sheekh Maxamuud ayaa galabta la hadli doona  shacabka Soomaaliyeed.

Madaxweynaha ayaa soo gudbin doona  guulaha 7-dii bilood ee lasoo dhaafay laga xaqiijiyay halganka dib u xoreynta dalka iyo hiigsiga sanadka 2023 oo noqon doona sanadkii dalka xoroobi lahaa dowladdana ay u jihaysan laheyd adeeg iyo waxqabad.

Halkaan kala soco Khudbadda Madaxweynaha

Ruushka iyo Ukrine oo mid kasta ballanqaaday in uu guul ka gaari doono dagaalka

Madaxweynayaasha Ukraine iyo Ruushka ee uu ka dhaxeeyo dagaalka ayaa midba kan kale ballanqaaday in ay guulo ka gaari doonaan dagaalada,xilli ay khudbad ku aadan sanadka cusub ka jeefiyen dalalkooda.

Hogaamiyaha mudada dheer Vladimir Putin ayaa khudbadiisa uga mahad celiyay ciidamada Ruushka, isagoo sheegay in reer galbeedku ay doonayaan inay “burburiyaan Ruushka” balse aanu marnaba ogolaan doonin inay dhacdo.

Volodymyr Zelenskyy, oo isna khudbad ku aadan sanadka cusub u jeediyay dadkiisa ayaa sheegay in gabagabada dagaalka ay guul gaari doonaan dadka Ukrine,balse loo baahan yahay in loo dulqaato culeyska la isaga dul qaadayo gumeusiga Ruusha ayuu yiri.

Hadalada labada Madaxweyne ayaa imaanaya xilli qaraxyo badan laga maqlay Kyiv iyo meelo kale oo ku xeeran Ukraine,iyadoo loo dabaaldegayo sanadka cusub.

 

Ciidamada DF oo si buuxda ula wareegay degmada Masagawaa ee gobolka Galguduud January 1, 2023

Ciidamada xoogga dalka oo kaashanaya dadka deegaanka ayaa maanta si buuxda ula wareegay degmada Masagawaa ee gobolka Galguduud, halkaas oo muddo badan ay argagixisada shacabka ku dhibaateyn jireen.

Generaal Cali Caraale Cosoble Gacmo Duulle oo ka mid ah saraakiisha hoggaamineysa dagaalka ka dhanka ah Khawaarijta ayaa warbaahinta qaranka u xaqiijiyay in ciidanka huwanta ah ay gudaha u galeen degmada Masagawaa ka dib dagaal kooban oo halkaas ka dhacay.

Maleeshiyadii Khawaarijta ayaa isaga cararay degmada, iyadoo ciidamada ay ku sii daba jiraan firxadka Khawaarijta.

“ Ciidamada dowladda ayaa weerarray degmada, cadowga waa carareen hadda firxadkooda ayuu ciidanka sii daba socdaa, magaalana waa amniga oo ciidanka ayaa gudaha ku sugan,” ayuu yiri Generaal Gacma Duulle.

Ciidamada xoogga dalka ayaa ku guuleystay in ay Khawaarijta Al-shabaab ka tirtiraan gobolka Shabeellaha dhexe iyo Hiiraan, iyagoo hadda u gudbay Galgaduud oo maleeshiyada firxad ku tahay.

Guddoomiyaha golaha shacabka oo kulan sagootin ah la qaatay Danjiraha xilka baneynaya ee Itoobiya

Guddoomiyaha golaha Shacabka Baarlamaanka Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya Mudane Sheekh Aadan Maxamed Nuur (Madoobe) ayaa xalay kulan isugu jira Casho iyo sagoontin ah la qaatay safiirka xilka baneynaya ee dalka Itoobiya ee Cabdifatax Sheikh Cabdullaahi.

Guddoomiye Sheekh Aadan ayaa Safiirka xilka ka sii dagaya ee Itoobiya uga mahadceliyey wada shaqeyntiisii mudadii uu ka howlgallayay Soomaaliya iyo sida Dowladda Itoobiya ay uga go’antahay tageerada walaalnimo oo soo jireenka ah iyo garab istaaga Dowladda iyo Shacabka Soomaaliyeed.

Dagaalka ka dhex qarxay Khawaarijta waa calaamadda burburkooda(WARBIXIN)

Calaamaddaha lagu garto Kooxi marka ay burubureyso ama ku jabto dagaal ayaa waxaa ka mid ah:- Khilaaf, Iscaasin, ismaqli-waa, kala dhuumasho iyo kala shaki, waana astaamaha ugu waaweyn, waxaana hadda laga warinayaa inay Kooxda Khawaarijta Al-shabaab ay dhammaan qodobadaasi ay isku haystaan, waxaana ka hadlay Taliyaha Ciidanka Lugta ee Xoogga Dalka Soomaaliya General Maxamed Biixi Tahliil, wuxuuna sheegay in Maleeshiyaadka Kooxda Argagixisada ah ee Khawaarijta ay hadda soo food saartay cabsi, wel-wel, Argagax, murunno xoog leh, is eedeyn, kala dambeyn la’aan iyo qaar kaloo badan, taasi waxa ugu wacan jabka ay kala kulmeen Jiidaha Dagaalka oo looga awood roonaaday.

Taliyaha waxa uu hadalkaasi ka sheegay goob fagaare ah ee uu kula hadlayay Cutubyo ka tirsan ciidanka Xoogga iyo kuwa deegaanka asigoo ka warbixiyay halka ay marayaan howlgallada ka dhanka ah khawaaarijta ee ka sococda dalka, isagoo sheegay in meel wanaagsan ay marayaan howlgallaadasi lana sii laba jibbaari doono dagaalka lagula jiro khawaarijta, wuxuuna tilmaamay in ciidamada lagu soo tababaray Eritrea qeyb ka mid ah dhawaan soo gaareen dalka, ayna qeyb ka noqon doonaan howlgallada socda, si khawaarijta looga ciribtiro guud ahaan dalka.

”Ciidankii tababarka ku maqnaa Xooggiisu dalka ayuu soo gaaray, dagaalka Khawaarijta ayuu ka qeyb galayaa waxaa la soo baray si cadawga loola dagaalamo wayna idinla howlgalaayaan dhawaan,” ayuu yiri taliye Biixi, isagoo hadalkiisa sii wata ayaa sidoo kale ciidamada kula dar-daarmay in ay wanaajiyaan hab-dhaqankooda iyo tan bulshada, qof walbana lagu abaal marin doono sida ay uga qeyb qaadato dagaalka dalka looga ciribtirayo khawaarijta Al-shabaab.

Dagaal u dhexeeya kooxda Khawaarijta ayaa ka dhacay deegaan hoos taga degmada Xarardheere ee gobolka Mudug, Maleeshiyaad ka tirsan Khawaarijta oo ka baxsaday deegaanka Dabagalo oo doonayey inay isu dhiibaan ciidanka dowladda ayay maleeshiyo kale ku dagaalameen agagaarka magaalada Camaara ee gobolka Mudug, Dagaalka oo socday ilaa iyo hal saac ayaa la sheegay inay ku dhinteen ilaa 7 ka tirsan maleeshiyada, iyadoo Qof goob jooge ah uu SONNA u sheegay inuu arkay maleeshiyada qaar ka mid ah oo la soo xirxiray, iyaga oo gaari saran, taasina waxay noqoneysaa calaamad weyn oo muujinaysa sida kooxdan argagixisada ah ay ugu jabtay dagaalada ka dhanka ah, islamarkaana aysan sii jiri doonin.

Kooxada khawaarjita ayaa hadda mareysa meeshii ugu dambeysay bur-burkooda kadib markii, dhexdooda katafatay, taas oo muujineyso dhammaadka kooxdan, waxaana la soo warinayaa in uu dagaal dhex maray Maleshiyaadka ka wada tirsan Kooxda argagixisada ah ee ku sugan Deegaanno hoos yimaada Degmada Xarardheere ee Gobolka Mudug, Dagaalka ayaa waxa uu ka danbeeyay ka dib markii maleeshiyaad ku dhow horjoogaha lagu magacaabo Muxudiin Daqare ay magaalada dhinac uga baxeen, ayagoo ka gadoodsan horjoogayaal kale oo jooga magaalada, waxaana ay isku dayayeen in ay ka goostaan dhulka ay Khawaarijtu joogaan, iskuna dhiibaan Ciidamada Soomaaliya, si ay naftooda ugala fakadaan, maadamaa la isku yimid oo meel lagu fakado aan la arkeyn.

Horjooge lagu magacaabo Nuunaale oo la sheegay inuu yahay horjoogaha haysta kooxda ay ugu yeeraan Jabhadda ka dagaalama Deegaanada Xarardheere ayaa la sheegay inuu amray in xoog lagu hor istaago maleeshiyaadka Khawaarijta ee baxsadka ahaa, waxaana intaasi ka dib qarxay dagaal socday mudo saacad ah oo labada dhinac ee Khawaarijta uu khasaaro dhimasho iyo dhaawac ahba uu ka soo gaaray, iyadoo Ruux ka mid ah dadka deegaanka oo la hadlay Wakaaladda SONNA uu u sheegay inuu arkay maleeshiyaad ku geeriyooday dagaalka, kuwa ku dhaawacmay dagaalka iyo maleeshiyaad la qabtay oo la isku xir xiray laguna tuurayo Gawaari Dagaal.

Ku dhowaad 10-ka tirsan Khawaarijta Al-shabaab ayaa ku geeriyootay dagaal ka dhex qarxay Khawaarijta dhexdooda oo ka dhacay degmada Xarardheere ee gobalka Mudug, waxaana Ilo xog ogaal ay Warbaahinta Qaranka u sheegeen dagaalka markii uu dhacay ka dib in Khawaarijtu amaro cusub ay ku soo rogeen maleeshiya iyo Horjoogayaasha Khawaarijta ah ee jooga magaalada Xarardheere iyo deegaano kale oo ka tirsan Galmudug, amaradaasna waxaa ka mid ah:-

1.In Gaadiidka nooc kasta oo ay haystaan khawaarijta aanan laga dhaqaajin karin halka uu yaalo, ilaa amar danbe, iyagoo ka baqdin qaba in Gawaarida ay haystaan lala goosto oo lala aado dhanka Ciidanka Dowladdu ku sugan yihiin.
2.In Maleeshiyo iyo Horjooge kasta ah oo Khawaarij ah halka lagu ogyahay uusan ka tagi Karin, iyagoo kala ilaalinaya in horjoogayaasha isku gudbaan, maadaama qaar laga shakisan yahay ay ku jiraan.

Wararka ka immaanaya Xarardheere ayaa sheegaya in dagaalkaan uu dareen ka dhex abuuray magaalada, madaama Horjoogayaasha maleeshiyaadka Khawaarijta ah ee dagaalamay ay labaduba ka soo jeedaan deegaan ahaan gobalka Mudug, waxaana jirta tan iyo markii ciidanka Qaranka iyo geesiyaasha shacabka Soomaaliyeed ay u kaceen inay iska dulqaadaan Khawaarijta dooxatada iyo dhiig miiratada ah, lagana saaray in ka badan 50 magaalo ayaa wuxuu wal-wal iyo walaac xooggan soo wajahay horjoogayaasha khawaarijta ah.

Haddaba su’aasha ayaa ah maxaa keenay inay dhexdooda uu dagaal gacan ka hadal uu dhexmaro Kooxda Khaaarihta ah?, su’aashaasi jawaabteeda ayaa ah mid fudud oo si sahlan loo heli karo jawaabteeda, waxayna tahay in Maleeshiyaadka Kooxda iyo Horjoogayaashoodaba ay ku jabeen Dagaalkii dhinacyada badnaa ee ka koobnaa mid dhinaca Militariga ama Ciidan oo aad looga itaal roonaaday, mid dhinaca Dhaqaalaha ahaa oo laga soo xirxiray meelihii ay lacagaha ka abuuri jireen ama u soo mari jirtay iyo midka Fikirka ama wacyigalinta ku aadan maxay diintu ka qabtaa Kooxda, taasi oo lagu sheegay inay tahay ama loogu yeero magaca Khawaarij, ayaa waaxaa soo wajahay, islamarkaana uu ka soo muuqdo calaamadaha marka ay Kooxi burburayso, taasi oo ah Khilaaf, Iscaasin, ismaqli-waa, kala dhuumasho iyo kala shaki, waana astaamaha ugu waaweyn.

Waxaa kaloo muuqda in ay kaga soo dhammaaneyso joogitaankooda Maamulada Hirshabeelle iyo Galmudug, maadaama horey looga saaray Maamulka Hieshabeelle, hadana lagu guda jiro dib u xoreynta Deegaanada ka tirsan Gobolada Galguduud iyo Mudug oo ka tirsan Maamul-goboleedka Galmudug ayaa waxaa soo food saaray cabsi weyn, islamarkaana ay bilaabeen inay kala shakiyaan, kilaafna soo kala dhexgalo, leysna aamini waayo, waxaana jirta in aysan kala amar qaadan, waxayna markaasi keyneysaa in la kala dhuunto, arrimahaasi ayaa muujinaya koox burburkeed.

Waxaa diyaariyay C/llaahi Ruush

Shacabka Marka oo soo dhoweeyay dagaalka lagu ciribtirayo Khawaarijta January 1, 2023

Qaar ka mid ah Dhallinyarada magaalada Marka ee xarunta gobolka Shabeellaha hoose ayaa kulan ciyaareed ku soo dhoweeyay ciidanka amniga oo cagta mariyay Khawaarijtii shacabka ku dhibaateyn jirtay deegaanada xeebta.

Kulankani ciyaaraha ayaa ahaa mid lagu xoojinayay isdhaxgalka dhalinyarada degmada iyo ciidamada amniga degaanka si loo adkeeyo is-dhexgalka iyo wada shaqeynta bulshada degmada iyo ciidmada.

Dhalinyaradaas qaarkood oo la hadlay warbaahinta qaranka ayaa sheegay in ay ku faraxsan yihiin kulankan ciyaaraha ahaa ee ay la ciyaareen saraakiisha iyo ciidamada amniga degmada, islamarkana uu xoojin doono is-dhexgalka bulshada.

Ciidamada sida gaarka ah u tababaran ee Booliska Haramcad iyo NISA ayaa maalmihii u dambeeyay deegaano hoostaga degmadaas ka waday howlgallo ka dhan ah Khawaarijta Al-shabaab.