SOO BADASHADA MAKIINADAHA YAR YAR EE SAMEEYA SALIIDA MACSARADA

Suuqyada Magaalada Muqdisho waxaa ku soo badanaayo  makiinado yar yar oo lagu isticmaali karo koronto, Solar kuwaa oo aad u adeegsaneysid soo saarista saliid nadiif ah oo tayo leh.

Makiinadahan yar yar ee saliidda soo saara ayaa ah makiinado ka duwan kuwii hore aan u naqaanay oo ahaa makiinado waa weyn oo u baahnaa qol weyn balse makiinadan yar yar waa ay ka badalan yihiin oo waa la qaad qaadi karaa.

Dabcan makiinadahan yar yar waxa ay bulshada ka caawineysaa in ay si fudud u adeegsadaan sababtoo ah bulshada Soomaaliyeed waxa ay u isticmaalayaan koronto waxaa uu soo iibsanayaa dalagga laga sameeyo saliidaha oo keli ah.

Makiinadahan yar yar dabcan saliidaha ay soo saari karaan waxa ay kala yihiin Saliid Macsarada, Saliida Looska, iyo Saliida qunbaha dhamaantood si sahlan ayey u shiideysaa waxaana ay soo saareysaa saliid nadiif ah.

Makiinadahan yar yar halkii saac waxa ay soo saari karaan cel celis ahaan toban kiilo oo saliid saafi ah taasi oo ka dhigan tobankii saacadoodba aad soo saari kartid 100 kiilo oo saliid ah taasi oo kuu sahleysa adiga in aad ku shaqeysato.

Dunida marba marka ka siidanbeysa waxaa ku imaanaayo isbadal dhanka technologiyada ah taasi oo adduunka ka dhigtay mid horumaray oo wax kasta aad ku heli karto si sahlan.

Soomaaliya soddon sano ayay ku jirtay xaalad hubanti la’aan ah, balse marna ma quusan in ay ka harto dunidan horumartay mar walba waa ay la jaan qaadeysay in kastoo sidii la rabay aan ku gaarin balse horumar baaxad leh ayaa ka muuqdo.

Haddaba, makiinadahan yar yar iyo qalabyada kala duwan ee bulshada waxtarka u leh waa uu u baahan yahay dalkeena in kastoo dalkeena uu san laheen wax soo saar muuqda balse alaabaha badankood dibadda ayaa laga keenaa sidaas oo ay tahayna dalka waa uu ka hormarsan yahay.

Bulshada Soomaaliyeed dadaal ayey ugu jiraan hormarka noloshooda iyo midda dalkooda sababtoo ah bulshada haddii ay sameeyaan horumar baaxad leh waxaa horumaraaya dalkeena marka bulsho horumar sameyso taa macnaheedu waa dalka oo horumar sameeyay.

WQ: Abdinaasir Yuusuf Aadan.

NADAFADDA GOBOLKA BANAADIR OO SOO HAGAAGEYSA

Gacmo wadajir ayey guul ku dhaliyaan haddii uu jirin waddani daacad ah oo u taagan danta guud iyo kuwo la shaqeeya waxba mahagaagaan waxaan kale oo aan ognahay in dowladnimadu tahay jaran jaro, kala dambeyn iyo kala amar qadasho.

Waxaa laga doonayaa ruux kasta in laga helo damiir waddanimo iyo aragti dheer ee uu ummadda ugu shaqeeyo haddii aan la helin amar qaadasho iyo kala dambeyn iyo isla xisaabtan waxba nooma hagaagayaan ,

Howl kasta markii loo soo jeesto gaar ahaan danta guud ayey hagaagtaa waxayna ka dambeysay ka dib markii uu canaan iyo kormeer isugu daray guddoomiyeyaasha gobolka banaadir oo ah duqa magaalada muqdisho mudane yuusuf  madaale, ayaa si deg deg  ah boorka laga qaaday waddooyin badan iyo xaafado ka mid ah  magaalada xamar.

waxaa iftiimay meelahii awal uu ka muuqatay boorka iyo bacaha iyo kartoomada dhagaxda iyo meelahii lagu shubi jiray biyaha wasaqda ah, arrintaas waxaa farxad ku soo dhoweeyey dadweynihii deganaa meelaha laga shaqeyey waxayna mid waliba meesha laga xukumo iyo inuu jiro maamul degmo.

maamulka degmooyinku wuxuu bixiyey amar  ay usoo jeediyeen xaafadaha iyo mid waliba degmada uu xukumo waxayna usheegeen in dib dambe wasaq loogu shubi Karin goobaha laga shaqeeyey qashin iyo wasaq dambe.

Guddoomiyaha gobolka banaadir isla markaasna ah duqa magalaada muqdisho uu san har iyo habeenba nasan uusanna  ka daaleyn shaqadiisa ee uu u soo jeedo xilli walba laamahiisuna ay la shaqeyn doonaan.

Maamulka gobolka waa iney ogaadaan nadaafaddu inay tahay nolosha barkeed iyo quruxda iyo bilicda magaalada.

madaxda goblku waxay had iyo jeer guubabiyaan dadwenaha ku nool magaalada caasimadda, bulshadana waa inay la shaqeeyaan gobolka iyo degmada uu ku nool yahay, sidoo kale waana in ay iska kaashadaan nadaafadda iyo amniga iskaashigu waxuu keenaa awood intaa ka dibna waxaa hagaagaya wax badan oo hadda aad u liita.

Dhanka kale, waxaa jira waddooyin yar yar oo dhaxmara xaafadaha kuwaasoo u baahan wax ka qabasho, sidoo kale, waxaa wax ka qabasho u baahan meelaha biyo mareenka ah oo lagu xiray dhismeyaasha waxayna u baahan yihiin in la maareeyo iyaga iyo  waddooyiunka qaladka lagu xiray waayo biyahu waxay u baahan yihiin meel ay maraan.

Sideedaba biyuhu waxay dhaliyaan wasaq aad u badan waxayna soo celiyaan qoryaha dhagaxda, waraaqaha iyo bacda duuleysa ka dibna waxaa ka dhasha  mulimuliga iyo wasaq ureysa.

Arrintan waxay dhibaato ku heysaa dadka waddada maraya.

sidaas awadeed, waxaan Amman iyo bogaadin u soo jeedineynaa madaxda gobolka oo si aad ah isaga xil saaray nadaafadda gobolka banaadir.

waxaan dadweynaha gobolka banaadir u soo jeedineynaa in si daacad ah loola shaqeeyo mas,uuliinta gobolka banaadir si ay u hagaagaan amniga iyo nadaafadda magalada xamar.

Waxaana dadka goobahaas ku nool u soo jeedinayaa in ay garab istaagaan maamulka gobolka iyo degmada.

Sidoo kale, waxgaradka iyo dhaqanka waa inay wacyigeliyaan oo waaniyaan shacabka ku nool deegaamadaas, si dadku ugu farxaan shaqada la qabtay ee xaquuq ahaan u heshay degmadooda, taasoo keeneysaa in xaafad walba laga arko nuur.

Haddaba, madaxda sharafta leh ee gobolka iyo duqa magaaladaba inay halkaas ka sii wadaan horumarka iyo hiigsiga qurxinta caasimadda, shacabkuna waa inay gacmo furan ku soo dhaweeyaan howlaha la qabanayo iyo horumarka degmadooda.

WQ: Abwaan Gabayre

 

BEERASHADA BARADHADA OO CAALAMKA KU SII FIDAYA

Beerashada baradhada ayaa ku fidday caalamka oo dhan waxaana hadda laga beeraa in ka badan 160 waddan oo adduunka ah.

Shiinaha ayaa lagu qiimeeyay inuu yahay soo saaraha ugu sarreeya wuxuu noqday soo saaraha ugu sarreeya) iyadoo 85 860 000 milyan metrik ton ay ka qayb qaadanayaan 23.3% wax soo saarka adduunka.

Shiinaha waxaa ku xiga Hindiya, dalka Ruushka, iyo Ukraine, Maraykanka ayaa ku jira booska shanaad beeridda baradhada iyo badeecooyinka baradhada ayaa ku sii kordheysa wadamada soo koraya.

Dalka Mareykanka, isticmaalka baradhada cusub ayaa hoos u dhacay sanadahii ugu dambaysay, halka isticmaalka baradhada la warshadeeyay uu koradhay 10kii sano ee la soo dhaafay.

Ku dhawaad kala badh baradhada laga soo saaro caalamka ayaa loo suuq geeya Aasiya,dadka ku nool qarabada aasiya ayaa lagu tiriyaa kuwa ugu adeegsiga badan baradhaha taaso ka dhigtay inay yahiin kuwa aad uxiiseyo cunista baradhada .

20kii sano ee la soo dhaafa  meelaha beerashada baradhada ayaa hoos u dhacay Waqooyiga Ameerika, Yurub, iyo Midowgii Soofiyeeti ee hore.

Waddamada soo koraya oo ay ku jiraan kuwa Afrika, Aasiya, iyo Laatiin Ameerika waxa kordhay wax-soo-saarka baradhada  ayaana labanlaabatay.

Aasiya, wax-soo-saarka baradhada ayaa si xawli ah u kordhaya sababtoo ah xiisaha sii kordhaya ee baradhada warshadaysan iyo isticmaalka quudinta xoolaha ee warshadaha xoolaha.

Waxaa jiray koror ku yimid wax-soo-saarka baradhada oo ah 4.5% sannadkii 10-kii sano ee la soo dhaafay.

Waqtigan xaadirka ah baradhadu waa khudradda ugu badan ee Maraykanka marka loo eego wax soo saarka, iibinta, iyo isticmaalka.

Dalka Maraykank, isticmaalka baradhada cusub ayaa hoos u dhacay 50%, halka isticmaalka baradhada la warshadeeyay uu koradhay ku dhawaad saddex-meelood laba.

Baradhadu waxay noqotay khudaartii ugu horreysay ee lagu beero meel bannaan bishii Oktoobar 1995, iyada oo ujeedadu ahayd in la quudiyo cirbixiyeennada inta lagu jiro safarrada dheer ee hawada sare.

WD: C/raxiim Abuukar Axmed

 

Wasiirka Warfaafinta Soomaaliya oo kulan la qaatay qaar ka mid ah madaxda Ururrada Saxaafadda Soomaaliya

Wasiirka wasaaradda Warfaafinta Dhaqanka iyo Dalxiiska ee Xukuumadda Federaalka Soomaaliya, Mudane Daa’uud Aweys Jaamac ayaa xafiiskiisa kulan kula qaatey madaxda ururrada saxaafadda ee FESOJ, SOMA iyo MEDIA WOMEN NETWORK (MWN). Waxaa xubnaha uu shirka la qaatey ay kala yihiin Faarax Cumar Nuur (FESOJ), Maxamed Cusmaan Makaraan (SOMA) , Kaafiyo Cabdullaahi Naaleeye (MWN) iyo Maxamed Maxamuud Cadde.

Kulankan wadatashiga ah ayaa looga hadlyay sidii Wasaaradda iyo Ururrada Suxufiyiintu isaga kaashan lahaayeen u adeegidda bulshada Soomaaliyeed, looguna gudbin lahaa fariimo sax oo la xiriira wacyigelinta iyo horumarka dalka.

Wasiirka ayaa tilmaamey doorka ururradan ku leeyihiin horumarka saxaafadda iyo waqtigii adkaa ee ay ku shaqeynayeen, isagoo ku bogaadiyay dadaalka ay weli ugu adeegayaan shacabka. Waxaa uu wasiirku intaa ku darey in saxaafaddu ay kaalin mug leh ay ku leedahay jiheynta shacabka iyo dhismaha dowladnimada , madaama ay iyagu yihiin kuwa fariimaha waxgalka ah u gudbiya bulshada.

Madaxda ururrada suxufiyiinta ayaa dhankooda sheegay in muhiim ay tahay in wax laga qabto caqabadaha qaar , taasina ay qeyb weyn ka qaadan karto in fariimo wax dhisaya oo isku mid ah loo gudbiyo bulshada Soomaaliyeed.

Wasiirka ayaa u ballan qaadey madaxda ururrada in wasaaraddu ay xoogga saari doonto wadashaqeynta ay la leedahay dhammaan ururrada saxaafadda iyo warbaahinta kala duwan ee dalka ka jira, isagoo intaa ku darey in caqabadaha jira si wadajir ah xal loogu raadin doono.

     

𝗥𝗮’𝗶𝗶𝘀𝘂𝗹 𝗪𝗮𝘀𝗮𝗮𝗿𝗮𝗵𝗮 𝗼𝗼 𝗹𝗮 𝗸𝘂𝗹𝗺𝗮𝘆 𝗚𝘂𝗱𝗱𝗶𝗴𝗮 𝗗𝗼𝗼𝗿𝗮𝘀𝗵𝗼𝗼𝘆𝗶𝗻𝗸𝗮 𝗲𝗲 𝗫𝗶𝗿𝗶𝗶𝗿𝗸𝗮 𝗞𝘂𝗯𝗮𝗱𝗱𝗮 𝗖𝗮𝗴𝘁𝗮 𝗦𝗼𝗼𝗺𝗮𝗮𝗹𝗶𝘆𝗲𝗲𝗱

Ra’iisul Wasaaraha Xukuumadda Federaalka Soomaaliya, Mudane Xamse Cabdi Barre ayaa kulan la qaatay Wasiirka Dhallinyarada iyo Cayaaraha, Mudane Maxamed Barre Maxamuud iyo Guddiga Doorashooyinka ee Xiriirka Kubadda Cagta Soomaaliyeed.

Mudane Xamse Cabdi Barre ayaa kala hadlay masuuliyiinta cayaaraha dhawr arrimood oo muhiim ah oo ku saabsan doorashada Guddoomiyaha Xiriirka Kubadda Cagta oo la filayo in dhowaan la qabto iyo sidii fursado loogu abuuri lahaa dhallinyarada ku sugan goobaha laga xoreeyay Khawaarijta.

Ra’iisul Wasaaraha ayaa sheegay in Guddiga looga fadhiyo inuu qabto doorasho daah-furan oo caddaalad ku dhisan, iyadoo la raacayo shuruucda u degsan xiriirka. Wuxuuna tilmaamay in aan la aqbali karin is barbar yaac, isaga oo kula dardaarmay guddiga in ay ka feejignaadaan dhinac gaar ah in ay la saftaan.

Ra’iisul Wasaaraha ayaa sheegay in rajo weyn laga qabo dhallinyarada 17 jirka ah ee guusha soo hooyay, isla markaana aan loo baahneyn in lagu niyad jabiyo is qabqabsi fursadaha jira lumiya.

Dhinaca kale, Mudane Xamse Cabdi Barre ayaa xusay in Wasaaradda iyo Xiriirka laga doonayo abaabulka cayaaro iyo is dhexgal bulshada iyo dhallinyarada ku sugan goobaha Khawaarijta laga xoreeyay, isla markaana jiilalka soo kacaya loo dhiso garoomo ay ku ciyaaraan.

MADAXWEYNE XASAN SHEEKH “HOWLGALKA CUSUB EE DEEGAANNADA DHIMAN LAGU XOREYNAYO WAA IN UU KA DEG DEG BATO KUWII HORE”

Madaxweynaha Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya Mudane Xasan Sheekh Maxamuud oo maanta kormeeray Xerada Jeneraal Goordan ee magaalada Muqdisho oo ay ku jiraan Ciidamada Xoogga dalka ee tababarka ku soo qaatay dalka Ereteriya ayaa faray in ay u diyaar garoobaan ka qayb galka dagaalka dalka looga xoreynayo Khawaarijta Al-shabaab.
Madaxweynaha Jamhuuriyadda oo salaan sharaf ka qaatay cutubyo ka tirsan Qaybta Ilaalo Qaran gaar ahan Gaaska koowaad ee Duufaan ayaa la wadaagay rajada dowladda iyo shacabka Soomaaliyeed ay ka qabaan in ay dhammeystiraan halganka gabagabada maraya ee dalka looga ciribtirayo Khawaarijta.
“Aniga iyo shacabka Soomaaliyeedba waan ku faraxsanahay dib usoo laabashadiina. Maanta wixii ka dambeeya waxaan galeynaa diyaar garoow iyo dhaqaaq aan ku wajahayno cadowga. Waxaan rabnaa in howgalka cusub ee deegaanada dhimman lagu xoreynayo uu ka degdeg bato kii hore, muddo koobana lagu soo afjaro”.
Madaxweyne Jamhuuriyadda ayaa uga mahad celiyay Dowladda Ereteriya garab istaagga ay u muujisay Shacabka iyo Dowladda Soomaaliyeed waqtiga adag ee lagu jiro dib u xoreynta dalka.
       

Ku simaha Wasiirka Wasaaradda Gadiidka iyo Duulista hawada oo maanta kormeeray waaxda (PRA) ee Gadiidka Rayidka.

Kusimaha Wasiirka Gadiidka iyo Duulista hawada ahnna  Wasiiru’dawlaha Wasaaradda Gadiidka iyo Duulista hawada XFS Xildhibaan Maxamed Cumar (Cananuug) ayaa  maanta kormeeray habsami u socodka shaqada Waxda (PRA) ee Wasaaradda Gadiidka isaga oo mid mid ugalay Xafiisyada kala duwan ee loogu adeego shacabka Somaliyeed.

Agasimaha Waaxda (PRA) Mawliid xusen cumar ayaa uga warbixiyey Wasiirka intii uu ku guda jiray shaqada kormeerka uga

Wasiir Cananuug ayaa shaqaalaha Wasaradda u sheegay inay ilaaliyaan wakhtiga shaqada soo galista iyo ka bixitaanka Madaama ay Gudanayaan wajib kooda shaqo.

Xukumadda Dan-qaran ayaa wada dadaaallo lagu hormarinayo shaqada hey’addaha Dawlada  taas oo lagu kormeerayo shaqaalaha Dowladda goobahooda shaqo.

Wasiirka Wasaaradda dhalinyarada iyo ciyaaraha XFS oo la kulmay wiil dhalinyaro ah oo sameeyay ganacsi guulaystay.

Wasiirka wasaaradda dhalinyarada iyo ciyaaraha XFS Mudane Xil Maxamed Barre Maxamuud oo ay weheliyaan Agaasimaha guud ee Wasaaradda Cabdiraxiim Warsame Diiriye iyo Agaasimaha waaxda Hal-abuurka iyo wacyigelinta dhalinyarada Ikraan Cabdullaahi Jogow ayaa xafiiska Wasaaradda ku qaabilay Maxamed Cabdullaahi Barre oo ah wiil hormuud ka noqday hal-abuur guulaystay oo la xiriira Shinida.

Wasiir Maxamed Barre Maxamuud ayaa si loo dhiirri-geliyo dhalinyarada Soomaaliyeed ee hal-abuurka leh soo kordhiyay waaxda Hal-abuurka dhalinyarada Soomaaliyeed.

Hal-abuurka Maxamed Cabdullaahi Barre waxaa weheliya inuu shaqaaliiyay dhalinyaro badan oo Soomaaliyeed.

Wasiirka ayaa balan qaaday inay Wasaaradda Dhallinyarada iyo Isboortiga JFS xoojinayso taageerada dhalinyarada Hal-abuurka soo kordhiya isagoo sheegay in maalin ka mid ah shirweynaha dhalinyarada Soomaaliyeed ee dhamaadka bishan dhacaya loo gaar yeelay dhalinyarada Hal-abuurka leh.

Maamulka Hirshabeelle oo bilaabay qorshaha dhismaha Dekado ganacsi

Wasiirka Dekedaha iyo Gaadiidka Badda ee maamulka Hirshabeelle Mudane Yuusuf Maxamed Axmed oo la hadlay SONNA ayaa bogaadiyey dhammeystirka xoreynta deegaannada Shabeellaha Dhexe, wuxuuna sheegay in Wasaaraddu ay bilowday qorshaha sahminta Dekado ay yeelato Hirshabeelle.

Wasiir Yuusuf ayaa tilmaamay in deegaannada ay horey ugu dhuumaaleysanayeen argagixisadu ay ku jiraan goobo badan oo laga hirgelin karo dekedo ganacsi oo qeyb ka noqdo ganacsiga iyo horumarka deegaanka, sidoo kale, dekedo kalluumaysi oo kalluunka laga dhoofiyo, maadama aysan dalka ka jirin.

“Qiimeynta hor-dhaca ah ee ay waddo Wasaaradda Dekedaha iyo Gaadiidka Badda ee Hirshabeelle waxaa ka soo baxday in deegannada la xoreeyey ay qaarkood ku habboon yihiin in laga dhiso dekekdo, kuwaas oo ay ka jirto fursado maagashiga, door weynna ka qaadan doona ganacsiga Hirshabeelle iyo guud ahaan Soomaaliya.”

Wasiirka Dekedaha iyo Gaadiidka Badda ee maamulka Hirshabeelle Mudane Yuusuf Maxamed Axmed ayaa ugu baaqay waxgaradka iyo ganacsatada Hirshabeelle in ay qeyb ka noqdaan qorshahan isku-tashiga ah ee dhawaan la soo bandhigi doono, isagoo xusay in Hirshabeelle ay maanta u gudubtay marxaladdii ka danbeysay dhammaadka Alshabaab, taas oo ah horumar iyo wax-wada qabsi.

Guddoomiyaha Hay’adda Maareeynta Masiibooyinka Qaranka oo kulan la qaatay Madaxda Hey’adda IHH ee dalka Turkiga

Guddoomiyaha hey’adda Maareynta Musiibooyinka Soomaaliya Maxamuud Macalin ayaa magaalooyinka Istanbul & Bursa ee dalka Turkiga kula kulmay madaxda hey’adda IHH, Guddoomiyaha ayaa booqday xarumaha looga jawaabo xaaladaha deg degga ah ee hey’adda ee ku kala yaalla Bursa & Istanbul.

Hey’adda IHH ayaa ka caawin doonta hey’adda Maareynta Musiibooyinka Soomaaliya dhanka tababarrada iyo qalabaynta xarunta gurmadka deg degga ah. Waxay sidoo kale IHH dalkeenna keeni doontaa raashin loogu talagalay dadka ay abaaruhu saameeyeen.

Guddoomiyaha hey’adda Maareynta Masiibooyinka Soomaaliya ayaa horay u gaaray Degaannada laga xoreeyay khawaarijta halkaa oo ay hey’addu gargaar kala duwan gaarsiisay qoysas wajahayay xaalado nololeed oo aad u liidato,sidoo kale hey’adda aya kaalin weyn ka qaadatay gurmadkii qarxii ka dhacay isgooyska zoobe ee Magaalada Muqdisho.