Diyaar garow ku aadan dagaal ka dhan ah Khawaarijta oo ka socda gobolka Bakool

Diyaar garow ku aadan wajiga labaad ee dagaalka Khawaarijta ayaa ka socda degmooyin ka tirsan gobolka Bakool iyadoo maanta taliyaha qeybta 60-aad iyo masuuliyiin kale ay gaareen Ceel Berde iyo Xuddur.

Wafdi iskugu jira saraakiil Ciidan iyo Wasiiro ka tirsan Koofur galbeed ayaa gaarey Degmada Xudur ee Xaruunta Gobolka bakool waxaana ay la kulmeen Masuuliyiinta maamulka iyo Bulshada iyaga oo uga sii gudbay dhanka degmada Ceel Berde.

Wasiirka Arrimaha Dibadda XFS oo xafiiskiisa ku qaabilay wafdi heer sare ah oo ka socda OIC

Wasiirka Arrimaha Dibadda iyo Iskaashiga caalamiga, mudane Abshir Cumar Jaamac ayaa maanta xafiiskiisa ku qaabilay wafdi heer sare ah oo ka socda ururka Iskaashiga wadamada Islaamka ee OIC oo uu hoggaaminayo kaaliyaha xoghayaha guud ee Arrimaha siyaasadda danjire Yuusuf Binu Maxamed Al-Dabiici.

“Waxaan ka wada hadalnay qodobo dhowr ah oo ay ugu muhiimsan yihiin arrimaha binu aadannimada gaar ahaan saamaynta ay roob yaridu ku yeelatay beeralayda Soomaaliyeed, taageerada dadaalka ay dowladda Soomaaliya ugu jirto dhamaystirka dayn cafinta, qaadista cunaqabataynta hubka ee 32 jirsatay, iyo in wadamada xubnaha ka ah OIC ay garab istaag buuxa siiyaan dowladda Soomaaliya tartanka ay ugu jirto xubinta aan joogtada ahayn ee golaha ammaanka qaramada midoobay” ayuu yiri Wasiir Abshir Cumar Jaamac.

Soomaaliya ayaa waxaa ay kaalin muuqata ka qaadata howlaha ururka iskaashiga islaamka, waxaana ay ka mid tahay dalalkii aas aasay.

Ururka Iskaashiga wadamada Islaamka oo ay xubno ka yihiin 57 dal ayaa ah kan labaad ee ugu balaaran dunida marka laga tago qaramada midoobay, iyadoo dalkeennu uu ka mid ahaa dalalkii lagu asaasay ururka sanadkii 1969.

ATMIS oo ka warbixisay shil Diyaaradeed oo ka dhacay Balidoogle

Howlgalka ATMIS, ayaa faah faahin ka bixiyay shil diyaaradeed oo geystay Khasaaro, isugu jira dhimasho iyo dhaawac oo shalay ka dhacay deegaanka Balidoogle ee gobolka Shabeellaha hoose.

Saddex ka mid ah 11-rakaab oo saarnaa diyaaradda, ayaa ku geeriyootay shilka, halka 8-sarkaal oo dhaawac ah loo soo qaaday magaalada Muqdisho si gurmad Caafimaad loogu sameeyo.

Ergayga Midowga Afrika u qaabilsan Soomaaliya ahna madaxa howlgalka ATMIS Amb: Mohamed El-Amine Souef, ayaa tacsi u diray qoysaska dadkii geeriyooday, isagoo bogsasho deg deg ah u rajeeyay saraakiishii kale ee dhaawacantay.

Dhinaca kale, ATMIS,ayaa sheegeen ay socoto baaritaanno lagu ogaanayo waxa sababay shilka diyaaradeed ee geystay Khasaaraha intaa la’eg.

Guddoomiyaha SoDMA oo xarunta kusoo dhaweeyay Wasiirka haweenka “SAWIRRO”

Guddoomiyha Hay’adda Maareynta Musiibooyinka, ayaa Maanta Xarunta dhexe ee SoDMA ku Qaabilay hoggaannada Haweenka kala duwan ee ku howlan Qaban qaabada Xuska Maalinta Haweenka ee 8da Maarso oo ay Hoggaamineyso Wasiirka Wasaaradda Haweenka iyo Hormarinta Xuquuqda Adanaha.

Guddoomiyaha Hay’adda Maareynta Musiibooyinka Qaranka SoDMA Mudane Mahamoud Moallim Abdulle,ayaa Wasiirka Wasaaradda Haweenka iyo Hormarinta Xuquuqda Adanaha Xildhibaan Hon Khadija Mohamed Diriye kusoo dhaweeyay xarunta dhexe ee hay’adda Maareynta Musiibooyinka.

Wasiirada oo ay wehliyeen hoggaanno kala duwan ee haweenka ku metela hay’adaha dowladda iyo ururrada bulshada, ayaa si diirran loogu soo dhaweeyay xarunta Hay’adda SoDMA , iyada oo intaas kadibna Guddoomiyaha iyo agaasimayaasha Guud ee Hay’adda SoDMA la yeesheen kulan dheer.

Wasaaradda haweenka oo abaabul xooggan ugu jirta isu diyaarinta maalinta haweenka adduunka oo ku beegan 8da Maarso ayaa Hay’adda maareynta Musiibooyinka kala hadashay siyaalaha wax loo gaarsiin karo haweenka garab istaagga u baahan ee Naafada ciidanka qaranka, hay’adaha kale ee dowliga ah iyo shacbi weynahaba ka tirsan.

Guddoomiyeha Hay’adda SoDMA Mudane Maxamuud Macallin Cabdulle ayaa wasaaradda u ballan qaaday in hay’addu inta karaankeeda ah ay ku taakuleyn doonto Haweenka Soomaaliyeed.

Wasiir ku-xigeenka warfaafinta XFS oo maanta daah furay, tartanka “Hirgeli Hibadaada”

Wasiir ku-xigeenka warfaafinta xukuumadda federaalka Soomaaliya, Cabdiraxmaan Yuusuf Al-Cadaalla ayaa maanta daah furay, tartanka “Hirgeli Hibadaada” oo ay suugaanleeyda Soomaaliyeed ku soo bandhigi doonaan hibo faneedkooda.

Madasha waxaa goobjoog ahaa Maareeyaha Tiyaatarka Qaranka Abwaan Cusmaan Cabdullaahi Guure, Agaasimaha Guud ee Wasaraadda Warfaafinta, Cabdullaahi Xayir Ducaale, Agaasimaha Wakaaladda Wararka SONNA, Guddoomiyaha Abwaanada Soomaaliyeed Abwaan Xirsi Dhuux, Maareeyihiii hore ee Tiyaatarka Qaranka Abwaan Cabdi Dhuux, Abwaan Saciid Maxmed Harrawo, Abwaan Yaasiin sheekh Salaad iyo kooxda Waabari.

Wasiir ku-xigeenka warfaafinta Soomaaliya, Cabdiraxmaan Yuusuf Al-Cadaalla oo ka hadlay madasha furitaanka tartanka “Hirgeli Hibadaada” ayaa sharxay u jeedka tartankan.

“Ujeedka Tartan faneedka “hirgeli Hibadaada” waxa uu yahay in Bahda Afmaalka ahi ay soo bandhigaan suugaanta ku saabsan wadaniyadda, maslaxadda Ummadda Soomaaliya, tilmaamidda hagardaamada khawaarijta oo dhibaato badan ka geysatay dalkeenna, iyo in ay Suugaanleeyda ay cibir guud ka bixiyaan sida aan u ilaashan karno dhaxalkeenna oo ay ka mid yihiin, Diinteenna suuban, ciideenna, calankeenna iyo Xuduudeenna”.Wasiirka ayaa hadalkiisa intaas ku sii daray in uu madaxweynahu abaal marinayo, cid alaale cidii ku guuleysata kaalimaha sar sare.

Sidoo kale Wasiir Alcadaalla ayaa tilmaamay in Khawaarijtu gumaad xun u geysatay muwaadiniinta Soomaaliyeed,iyagoo gabaad ka dhiganayo Diinta islaamka, wuxuu dhanka kale, tibaaxay in araggaxisadu ku dambeyn doonaan halaag iyo qooma-mayn.

“ Waxaan ognahay in ay khawaarij yihiin,ayna waajib nagu tahay in aan u midoowno, suugaantana sida ay gumeystihii Qarnigii 20-aad ay ula dagaashay ayay hadda ula dagaalamaysaa Maleeshiyaadka khawaarijta, waana ka adkaaneynaa, waxa ay dadka uu diideen in masaajida lagu dukado, laakiin maanta Alle mahaddii iyaga ayaa gacan ku ganbasho ah” ayuu yiri wasiir ku-xigeenka warfaafinta Soomaaliya.

Ugu dambeyntii, Wasiir ku-xigeenka wasaaradda warfaafinta, Dhaqanka iyo Dalxiiska dalka ayaa sheegay in ay qorsheynayaan in Tiyaartaka Qaranka lagu dhigo Tartanka Qur’aanka kariimka iyo barnaamijyo kale oo dadka lagu wacyi-gelinayo

“Marka waxaad ogaataan in aan camalkeynu u niyaysano Cibaado, khawaaritu diin malaha, in la dilo ama ay wax dilaan, shahaado iyo janno ayaa lagu gaarayaa, waxaan ammaanayaa kaalinta ay faaaniinta qaranka ka qaadanayaan dagaalka lagu cirib tirayo khawaarijta gabalkeeda sii dhacayo”.

Ra’iisul Wasaaraha XFS oo xafiiskiisa ku qaabilay Madaxa Xafiiska Qaramada Midoobay ee UNSOS

Ra’iisul Wasaaraha Xukuumadda Federaalka Soomaaliya, Mudane Xamse Cabdi Barre ayaa maanta xafiiskiisa ku qaabilay Madaxa Xafiiska Qaramada Midoobay ee UNSOS, Lisa Filipetto, oo booqasho sagootin ah ugu timid.

Ra’iisul Wasaaraha ayaa uga mahadceliyay Ms. Filipetto hawshii ay ka qabatay dalka intii ay madaxda ka ahayd Xafiiska Taakuleynta Soomaaliya ee Qaramada Midoobay (UNSOS), wuxuuna u rajeeyay mustaqbal wacan.

Lisa Filipetto ayaa dhankeeda uga mahadcelisay dowladda Soomaaliya, sidii diiraneyd ee ay ula shaqeeyeen intii ay ku guda jirtay hawsheeda, waxayna Xukuumadda Federaalka Soomaaliya ku boggaadisay horumarka ay ka sameysay hawlaha sugidda amniga, xasillinta dalka iyo dib u heshiisiinta.

Wasiirka arrimaha gudaha XFS oo Tababar u furay qaar ka mid ah mas’uuliyiinta wasaaraddaha arrimaha guddaha dowlad goboleedyada

Wasiirka Arrimaha Gudaha, Federaalka iyo Dib u Heshiisiinta Mudane Axmed Macalim Fiqi ayaa maanta Muqdisho ku daah furay siminaar ay Wasaaradda qabaneyso oo la xiriira kala faa’ideysiga “Peer Learning”.

Munaasabadda daah furka waxaa kale oo goobjoog ka ahaa Agaasimaha Guud ee Wasaaradda Arrimaha Gudaha, Federaalka iyo Dib u Heshiisiinta Mudane Cayndaruus Maxamed Xasan, Agaasimeyaal ka socday dowlad goboleedyada xubnaha ka ah Dowladda Federaalka ah ee Puntland, Galmudug, Hirshabelle, Koonfur Galbeed, Jubbaland iyo maamul gobolka Banaadir, waxaa kale oo ka qeybgalaya xubno ka socda beesha caalamka.

Siminaarkan oo 5 maalin socon doona ayaa xoogga lagu saari doonnaa arrimo badan oo ay ka mid yihiin horumarinta dib u heshiisiinta iyo ka hortagga colaadaha. Waxaa kale doodo iyo Falanqeyn laga yeelan doonnaa nabad dhiska, colaadaha la xiriira cimilada iyo qaar kale.

Wasiirka Arrimaha Gudaha Mudane Axmed Macalim Fiqi oo kulanka furitaankiisa ka hadlay ayaa dul istaagay ahmiyadda ay leedahay in siminaarka uu noqdo mid nidaam xog uruurin casri ah laga dhaxlo, ayna kasoo baxaan in si cilmi ah looga doodo, loona diiwaangeliyo meel xusuus dhowr ah lagu keydiyo, isagoona sheegayin siminaarkan uu ka gedisan yahay midkii hore, waxa uuna rajeeyey in wax badan laga baran doono khubarada, kaqeybgalayaashana ay kala faa’ideysan doonaan, gaar ahaan arrimaha la xiriira xallinta khilaafaadka, nabad dhiska iyo ka hortagga colaadaha.

Wasiirka Arrimaha Gudaha Federaalka iyo Dib u Heshiisiinta Mudane Axmed Macalin Fiqi ayaa sheegay in uu ka xun yahay dhibaatada ka socota Laascaanood, isaga oo ku celiyey mowqifka dowladda federaalka ah ee Soomaaliya oo ah in xabadda la joojiyo, ciidanka laga saaro, isaga oo hoosta ka xariiqay in laga gudbay xilligii colaadaha iyo dirirta.

Dhankiisa, madaxa UNDP ee Soomaaliya Jocelyn Mason oo goobta ka hadlay ayaa ugu horreyn waxaa uu bogaadiyay kaalinta Wasiirka Arrimaha Gudaha ee arrimaha dowladnimada, wadashaqeynta joogtada ah, isaga oo ammaanay natiijada wejiga hore ee peer leaning.

Jocelyn Mason, waxaa ku celiyey sida hey’adda UNDP ay uga go’antahy gacansiinta barnaamijyada, kala duwan, gaar ahaan kuwa xoogga saara arrimaha haweenka, dhalinyarada, horumarka gobolka iyo dib u heshiisiinta.

Soomaaliya oo doonaysa inay burburiso Shabakadda Maalgelinta Al-Shabaab (WARBIXIN)

16-kii Janaayo, dowladda Soomaaliya ayaa ku dhawaaqday guul weyn. Ciidankeedu waxay xoreeyeen Xarardheere, oo ahayd xaruun ay Al-Shabaab ku lahaayeen Xeebta Badweynta Hindiya oo ay kooxda Argagixisadu haysteen muddo toban sano ah., iyadoo Xarardheere ay horay u ahayd saldhig ay ku sugnaayeen burcad-badeedda afduubka iyo Madax-furashada uga geysan jiray Maraakiibta ku sugan badda ayaa Xarardheere, waxayna ahayd il dhaqaale oo aad u badan oo Al-shabaab ka soo geli jirtay tan iyo sannadkii 2011-kii oo ay ka heli jireen dakhli canshuuro ah.

Ka dib markii la doortay 2022-kii, Madaxweynaha Soomaaliya Xasan Sheekh Maxamuud wuxuu ku dhawaaqay “dagaal guud” oo ka dhan ah kooxda Argagixisada, wuxuuna wacad ku maray inuu joojinayo dhaqaalaha kooxda. “Waa in aan isticmaalno awood Ciidan, barasho fikir sax ah oo aan ka jarno maalgelinta sharci darrada ah.

“”Al-Shabaab loogama adkaan doono qoriga oo keliya,” ayuu ku qoray maqaal bishii Oktoobar lagu daabacay mareegaha wararka ee Soomaaliya. “Waa in aan isticmaalno awood ciidan, barasho fikir sax ah oo aan ka jarno maalgelinta sharci darrada ah. Waxaan mar kale ugu baaqayaa dadka Soomaaliyeed inay ku kalsoonaadaan dadaalladayada wadajirka ah oo ay si geesinimo leh uga hortagaan la-shaqeynta al-Shabaab nooc kasta ha ahaadee, iyadoo aan loo eegin qiimaha.”

Iyadoo xiriir adag ay la leedahay hogaanka sare ee al-Qaacida, al-Shabaab waxay maalgelisay weerarada aan kala joogsiga lahayn ee ka dhanka ah dadka Soomaaliyeed. Waxa kale oo jira caddaymo ay lacag siisay kooxaha xagjirka ah ee Nigeria iyo Mozambique, sida uu sheegay Maxamuud.

Soomaaliya ayaa qaaday weeraro militari oo ka dhan ah al-Shabaab tan iyo bishii Luulyo 2022-kii. Dhowrkii bilood ee la soo dhaafay, weerarkaas ayaa ballaartay oo lagu daray weeraro xudunta u ah ilaha dhaqaalaha badan ee al-Shabaab, waxayna Khubaradu sheegeen inay adkaan doonto in la burburiyo, iyadoo la tixgelinayo in kooxdu ay gacanta ku hayso saddex meelood meel dalka, oo ay ku jiraan qiyaastii 70% koonfurta iyo bartamaha Soomaaliya. 5,000 ilaa 7,000 oo dagaalyahanadeedu waxay ku hayaan inta badan baadiyaha, iyagoo caburin ku haya.

Warbixin uu soo saaray machadka Hiraal oo xarunteedu tahay magaalada Muqdisho ayaa lagu sheegay in Al-Shabaab ay bishiiba ururiyaan lacag dhan 15 milyan oo dollar, taasi oo u badan lacago baad ah iyo canshuuro, Iyadoo adeegsanaysa caga-jugleyn, rabshado iyo xeelado Maafiyo u eg, al-Shabaab waxay ururisaa dakhli badan si la mid ah Maamulada Soomaaliya, iyadoo Dhammaan shirkadaha waaweyn ee Soomaaliya ay Al-Shabaab lacag siiyaan bil kasta iyo “zakad” ama canshuur sannadkii, 2.5% faa’iidada sannadlaha ah, ayay tiri warbixintu, waxaana la sii raaciyay “Cabsi iyo khatar la aamini karo oo noloshooda ku soo fool leh ayaa ah dhiirigelinta kaliya ee al-Shabaab canshuur bixiyayaasha,” ayaa lagu yiri warbixinta.

Amniyaadka laga cabsado, garabka amniga iyo sirdoonka ee al-Shabaab ayaa ka kooban ilaa 500 ilaa 1,000 hawl-wadeenno ah, ururiya oo maamula dhaqaalaha kooxda, waxaase Maamulku uu cunaqabateyn caalami ah ku soo rogay shabakad ka kooban toban xubnood oo ka tirsan waaxda maaliyadda ee al-Shabaab bishii Oktoobar 2022-kii, ka dib markii ay u isticmaaleen dhaqaalaha tahriibinta iyo ka ganacsiga hubka iyo qoritaanka.

Kooxdan ayaa lacag kumanaan dollar ah ka qaada maalin kasta iyaga oo u mara jid gooyooyin ganacsi oo muhiim ah. Waddada aada Baydhabo ayaa ah mid faa’iido badan leh, sababtoo ah ganacsatada iyo kooxaha samafalka ayaa raashin iyo sahay u daabula xero ay ku jiraan dad barakacayaal ah. Qaramada Midoobay ayaa ku qiyaastay in hal jidgooyo ay ka soo xarooto lacag dhan 5,000 oo dollar maalintii waddada aada Baydhabo.

“Waa urur maafiyo la mid ah oo xididaysan, kuna dhex milmay dhammaan qeybaha bulshada, dhaqaalaha iyo dawladda qaybaha koonfureed ee dalka,” ayuu qoray. “Waxay bixisaa adeegyada aasaasiga ah, inta badan la xiriidha amniga iyo caddaaladda, waxayna ku raaxaysanaysaa heer sharci ah meelaha qaarkood.”

Dabayaaqadii Sebtembar, dowladda Soomaaliya waxa ay ku dhawaaqday tallaabooyin cusub oo looga dan leeyahay in lagu curyaamiyo awoodda al-Shabaab oo dhaqaale uruurin. Khudbad uu jeediyay Janaayo 11-keedii, Ra’iisul Wasaare Xamza Cabdi Barre ayaa sheegay in dowladdu ay xirtay Akoon kasta oo Bangi oo caan ah oo ku xirnaa al-Shabaab, ku dhawaad 250 xisaabood oo ku yaallay afar Bangi – ayna xirtay adeegyada taleefannada gacanta iyo xogta ilaa 70 taleefoonnada gacanta ah oo ay dableydu adeegsanayeen lacag xawilaad.

“Tani waxay ahayd guul weyn, waxayna suurogashay oo keliya talooyinka muwaadiniinta Soomaaliyeed,” ayuu yiri. “Waxaan ku guda jirnaa baaritaanka xaadiga lacagta la xayiray ee xisaabaadka xiran.”

Afhayeenka Sheekh Cali Dheere ayaa 28-kii Janaayo sheegay in kooxdu aysan “ aqbali doonin” in bangiyada ay siiyaan macluumaadka macaamiisha “shisheeyaha” wuxuuna ku tilmaamay falalka noocaasi ah “wax ciqaab ah”, balse Cumar Maxamuud, oo ah Falanqeeye sare oo Kooxda Xasaradaha Caalamiga ah u qaabilsan Bariga Afrika, ayaa sheegay in weerarrada milateri iyo kuwa maaliyadeed ee Soomaaliya ay sameynayaan isbeddel, balse caqabadda ugu weyn ay weli tahay mid guulo laga gaarayo.“Samaynta ama nasashadu kuma jirto wejiga weerarka ee waa wax kasta oo ka dambeeya,” ayuu u sheegay Reuters. “Al-Shabaab hubaal waxaa saaran cadaadis, laakiin waxay ciyaaraan ciyaar dheer.”.

ADF STAFF ayaa qortay waxaase Diyaariyay C/llaahi Ruush

Taliyaha Ciidanka Booliiska oo kormeeray xarumaha Hoggaanada Isgaarsiinta iyo Saadka ee ciidanka Booliiska Soomaaliyeed

Taliyaha Ciidanka Booliiska Soomaaliyeed S/Guuto Sulub Axmad Firin ayaa Saaka Kormeeray Hoggaanada Kala ah Isgaarsiinta Howlaha iyo Hoggaanka Saadka ee ciidanka Booliiska Soomaaliyeed kuwaas oo ah udub dhexaadka Shaqada Booliiska Soomaaliyeed.

Taliyaha ayaa mid mid u Kontoroolay Qeybaha Hoggaanadaas ay ka kooban yihiin, isagoo ku booriyey Saraakiisha iyo howlwadeennada ka Shaqeysa Hoggaanadaas iyo Madaxdoodaba in ay dadaalkooda halkaas ka sii wadaan si hufnaan iyo caddaalad ay ku dheehantahayna Bulshada loogu adeego.

Taliyaha ciidamada Booliiska Soomaaliyeed S/Guuto Sulub Axmad ayaa maalmahaan waday kormeer uu ugu kuurgalayay shaqada xarumaha kala duwan ee ciidanka Booliiska Soomaaliyeed.

Diyaarad dagaal oo ku burburtay dalka Masar

Dowladda Masar gaar ahaan Taliska Ciiddanka Cirka ee dalka Masar ayaa sheegay inay burburtay Diyaarad dagaal oo nooca Tababarka ah kadib markii sida la sheegay ay Cillad Farsamo la soo gudboonaatay, iyadoo uu Duuliyihii uu Dallayad ama Baarshuud kaga booday Diyaaradda, ka hor inta aysan dhulka ku burburin.

Dhanka kale, Guddi Farsamo ayaa la magacaabay, kuwaasi oo bilaabay Baaritaanka waxa sababay Shilkaasi.

Afhayeen u hadlay Ciiddanka Cirka ee dalka Masar ayaa waxaa uu sheegay in Shilal noocan oo kale ay dhaceen bishii November ee sanadkii hore ee 2022-kii, bilihii June sanadkii 2019-kii iyo November sanadkii 2018-kii.