Wasiir ku-xigeenka warfaafinta XFS oo maanta daah furay, tartanka “Hirgeli Hibadaada”

Wasiir ku-xigeenka warfaafinta xukuumadda federaalka Soomaaliya, Cabdiraxmaan Yuusuf Al-Cadaalla ayaa maanta daah furay, tartanka “Hirgeli Hibadaada” oo ay suugaanleeyda Soomaaliyeed ku soo bandhigi doonaan hibo faneedkooda.

Madasha waxaa goobjoog ahaa Maareeyaha Tiyaatarka Qaranka Abwaan Cusmaan Cabdullaahi Guure, Agaasimaha Guud ee Wasaraadda Warfaafinta, Cabdullaahi Xayir Ducaale, Agaasimaha Wakaaladda Wararka SONNA, Guddoomiyaha Abwaanada Soomaaliyeed Abwaan Xirsi Dhuux, Maareeyihiii hore ee Tiyaatarka Qaranka Abwaan Cabdi Dhuux, Abwaan Saciid Maxmed Harrawo, Abwaan Yaasiin sheekh Salaad iyo kooxda Waabari.

Wasiir ku-xigeenka warfaafinta Soomaaliya, Cabdiraxmaan Yuusuf Al-Cadaalla oo ka hadlay madasha furitaanka tartanka “Hirgeli Hibadaada” ayaa sharxay u jeedka tartankan.

“Ujeedka Tartan faneedka “hirgeli Hibadaada” waxa uu yahay in Bahda Afmaalka ahi ay soo bandhigaan suugaanta ku saabsan wadaniyadda, maslaxadda Ummadda Soomaaliya, tilmaamidda hagardaamada khawaarijta oo dhibaato badan ka geysatay dalkeenna, iyo in ay Suugaanleeyda ay cibir guud ka bixiyaan sida aan u ilaashan karno dhaxalkeenna oo ay ka mid yihiin, Diinteenna suuban, ciideenna, calankeenna iyo Xuduudeenna”.Wasiirka ayaa hadalkiisa intaas ku sii daray in uu madaxweynahu abaal marinayo, cid alaale cidii ku guuleysata kaalimaha sar sare.

Sidoo kale Wasiir Alcadaalla ayaa tilmaamay in Khawaarijtu gumaad xun u geysatay muwaadiniinta Soomaaliyeed,iyagoo gabaad ka dhiganayo Diinta islaamka, wuxuu dhanka kale, tibaaxay in araggaxisadu ku dambeyn doonaan halaag iyo qooma-mayn.

“ Waxaan ognahay in ay khawaarij yihiin,ayna waajib nagu tahay in aan u midoowno, suugaantana sida ay gumeystihii Qarnigii 20-aad ay ula dagaashay ayay hadda ula dagaalamaysaa Maleeshiyaadka khawaarijta, waana ka adkaaneynaa, waxa ay dadka uu diideen in masaajida lagu dukado, laakiin maanta Alle mahaddii iyaga ayaa gacan ku ganbasho ah” ayuu yiri wasiir ku-xigeenka warfaafinta Soomaaliya.

Ugu dambeyntii, Wasiir ku-xigeenka wasaaradda warfaafinta, Dhaqanka iyo Dalxiiska dalka ayaa sheegay in ay qorsheynayaan in Tiyaartaka Qaranka lagu dhigo Tartanka Qur’aanka kariimka iyo barnaamijyo kale oo dadka lagu wacyi-gelinayo

“Marka waxaad ogaataan in aan camalkeynu u niyaysano Cibaado, khawaaritu diin malaha, in la dilo ama ay wax dilaan, shahaado iyo janno ayaa lagu gaarayaa, waxaan ammaanayaa kaalinta ay faaaniinta qaranka ka qaadanayaan dagaalka lagu cirib tirayo khawaarijta gabalkeeda sii dhacayo”.